Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,053
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxa Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa baahiyey in dilka koowaad uu ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa soo ay sheegeen in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada oo lagu magabacaabi jiray Cumar Colow. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in xoogagga dilay ay horay uga sii qaateen Marxuumka Mooto uu watay, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa shaaciyey in sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku dileen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Magaca sarkaalkaasi ayey ku sheegeen Xidigow Cumar Dhegajuun. Dilalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kordhiyey howlgallada ka socda gudaha magalada Muqdisho. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha Badhan Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Badhan loogu magacaabay Eng Cabdiraxmaan Cabdi Shire halka Axmed Jamaal Axmed loo magacaabay xisaabiyaha garoonka diyaaradaha degmadaasi Badhan. Labada nin ee la magacaabay ayaa sida la sheegayo kamid ah dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool degmada Badhan iyadoo hore madaxweynaha Puntland-na u ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dhanka shaqooyinka mudnaan gaar ah siinayso dhalinyarada Puntland ee waxbartay. PUNTLAND POST The post Maareeye cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan appeared first on Puntland Post.
  3. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sanadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya sanadkaan waajibaadka xajka. Cismaan Aaadan (Dhuubow) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda. Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno wararka qarax khasaaro geystay ayaa saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray miinada kuwa baabuurta lagu dhajiyo. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaasi uu ku dhawaacmay qof rayid ah oo Dukaan ku lahaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Lama shaacin weli qofka watay gaarigan oo ku qarxay agagaarka Saldhigga cusub ee degmada Waabari oo ku yaalla agagaarka isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha Booliska oo ku aadan qaraxaasi. Shalay ayey aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Wasiir ku xigeenka Cismaan Aaadan Dhuubow Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sannadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya waajibaadka xajka. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aaadan Dhuubow ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya in aysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda. Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xujeeyda Soomaaliyeed sannadkan adeegyo tayeysan loo diyaariyay appeared first on Puntland Post.
  6. The United States on Tuesday banned visits by Myanmar's army chief and three other top officers due to their role in the "ethnic cleansing" of the Rohingya minority, urging accountability for their brutal campaign. Source: Hiiraan Online
  7. US President Donald Trump declined on Tuesday to criticise Turkey's acquisition of a Russian missile system opposed by the Pentagon and NATO, saying Ankara was forced into the move by his predecessor Barack Obama. Source: Hiiraan Online
  8. Cocoa products imported into the United States that rely on forced child labor should be stopped at the border, two U.S. senators wrote in a letter Tuesday to the Department of Homeland Security. Source: Hiiraan Online
  9. Washington (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sanad kadib waxay safiir cusub u magacaabatay safaaradda ay ku leedahay dalka Mareykanka. Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka,waxaana uu booskaasi bannaanaa muddo sanad ka badan. Cali Shariif ayaa horey wuxuu u soo noqday diblumaasiga ugu sareeya howlgalka dalka dhaca Geeska Afrika ee wadamadda Itoobiya iyo Faransiiska. Safiirka cusub ayaa wuxuu bedelaya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo haatan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika. Cawad ayaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyada oo aan la magacaabin beddelkiisa,waxaana magacaabistiisa ahayd billowgii sanadkii hore ee 2018. Isaga oo xaqiijinaya in Cali Shariif loo dhiibay jagadaasi, wasiir Cawad ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Shariif uu dhowaan u socdaali doono Mareykanka. Axmed Ciise ayaa xusay in Cali Shariif uu dhawaan u socdaalayo dalka Mareykanka islamarkaana hadda loo diyaarinayo Dukumiintiyadiisa diblomaasiyadeed iyo dal ku gal. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Today, Chile and Malaysia are high-income economies, China and Mexico have become upper-middle, and Vietnam and Bangladesh have reached lower-middle-income. Africa’s turn was supposed to be next. Source: Hiiraan Online
  11. IRMINGHAM, Ala. -- A lawyer convicted of swindling NBA star Charles Barkley and using the name of former Secretary of State Condoleezza Rice to bolster an investment scam was sentenced to five years in prison Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka. Taliyayaasha la dallacsiiyay ayaa lagu bogaadiyay howlkarnimadooda sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee munaasibaddaas lagu sugayay. Saraakiisha Booliska SOomaaliya ayaa sheegau in Taliyaha Booliska uu soo jeedinta dallacsiinta u gudbiyay madaxda dalka islamarkaana sidaas ay madaxda ku aqbaleen sidaasna ku muteysteen in la dallacsiiyo. Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa loo dallacsiiyay darajada Jannaraal sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Sidoo kale Taliyayaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa laga wada dhigay Gaashaannallayaal. Munaasibadda waxaa ka qeybgalay Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed,waxaana oo isaga oo ka hadlayay munaasibadda bogaadiyay howlaha saraakiisha la dallacsiiyay. Halkaan ka daawo Warkaaan oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. In this Horn of Africa country, Beijing is helping to build an ultramodern trade hub – and, some fear, tighten its grip on Africa through multibillion-dollar loans. Can Djiboutians escape the debt trap?Red-and-gold Chinese banners hang outside the headquarters of Djibouti’s free-trade zone, adding a splash of colour to the dusty desert gateway of this hugely ambitious project, the biggest of its kind in Africa. Source: Hiiraan Online
  14. The House of Representatives on Tuesday passed a resolution condemning Donald Trump’s incendiary remarks telling four congresswomen of color to “go back” to where they “came from” as racist. Source: Hiiraan Online
  15. The 37-year-old singer and actress discussed her album The Lion King: The Gift in a preview of The Lion King: Can You Feel the Love Tonight, an ABC News special about the film airing Tuesday evening. Source: Hiiraan Online
  16. The rise of decentralized renewable energy as a solution to electrification rates across Africa—the slowest growing globally—is also bringing with it a solution to high unemployment. Source: Hiiraan Online
  17. A group of 10 Turkish sailors has been kidnapped by pirates off the coast of Nigeria, reportedly for ransom. Source: Hiiraan Online
  18. THERE is shock and outrage at the recent terrorist attack that claimed the lives of at least 26 people, including a United Nations (UN) aid worker, in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Sacuudiga Iyo Somalia Oo Heshiis Ka Dhan Ah Somaliland Gaadhay Dawladda Sacuudiga iyo Dawladda Soomaaliya ayaa sida la sheegay waxa ay dib uga naaqishoodeen kadib markabkii Berbera Adhiga ka qaaday ee muranka badan dhaliyay, waxaanay sida la sheegay isla meel dhigeen go’aan ka dhan ah Somaliland. Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka shiraacday Dekedda Berber Somaliland oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kaasi oo lagu imtixaamay ruqsad Caafimaad oo ay leedahay Dawladda Xamar ka arimisaa. Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiga ee Xoolaha la wareegayay. Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sida aan ku ogaanay warbixin rasmi ah, Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aanay ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay. Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi. Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan. Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Somaliland iyo Soomaaliya Qaran News
  20. Nolosha aadamuhu waa muhiim in uu helo adeegyo hufan oo u suuro geliya maarayenta maalin nololeedkiisa. taas oo ka bilaabma adeegyada aas aasiga u ah noolaha aadamaha inta yar ee uu uunkan ku noolyahay sida WAXBARASHAD, CAAFIMAAD, BIYAHA, ISGAADHSIINTA, KORONTADA taas oo u fududaynaysa maarayenta noloshiisa si wax ula soo boxo nolol iyo dhaqaale kobcin taas oo bundhig u ah shaqo abuur. waxa hubaal ah in uu jiro dadaal loogu jiro sidii kor loogu soo qaadi lahaa kaaba yaasha dhaqaale ee SOMALILAND mid ku yimaad iskaa wax u qabso iyo mid maamulba.kaasoo uu balaaleeyey markii u horaysay SOMALILAND ASARDA oo ka bilawday dariiqa isku xidha BORAMA VS DILLA ILAA HARGEISA.guul iyo gebagebo fiican ku dhamaaday oo laba caasimadood loo kala dalxiiso sifo raaxo iyo rayenrayen leh. taas oo ku dhiirisay dhiiraday in loo badheedho jidka dheer ee BURCO VS CEERIGABO taas oo lagu nasday lagu naalooday is gaadhsiin raaxo le dhalisay. ASARDA waxay u biyeysatay guntiga u giijisatay iyaga iyo shacabweynaha guud ahaan SOMALILAND iyo gaar ahaan AWDALBA qurba joogta iyo qolqol joogta in ay hirgeliyaan dhismaha jidkaa dheer ee BORAMA VS LAWYACADO. iyagoo la kaashanaya SOMALILAND DEVELOPMENT FUN {SDF} , NGO BANKIYADA KA CAAWIYA AFRICA HORUMAINTA wadooyinka iyo is gaadhsiinta. waxan ALLAHA WAYEN UGA BARYEYAA IN GUUL UU KU DHAMAADO JIDKAA HALBOWLAHA U AH ISGAADHSIIN DHAQAALE IYO HORUMAR INTABA. FIIRO GAARA ==========. KA FOGAADA SIYAASADA GURACAN KU FIKIRA FAAIIDADA IYO FAYO DHAWRKA KU FAANA FAAIIDO KA FIIRSO FOODA IYO FARAGELIN FAWAAXISH DALKAAGA U FAAIDEE DADKAAGA U FAAIDEE. FIKIRKEENU WAA HORAA LOO SOCONAYAA. SOMALILANDERIS HADAFKEENU WAA HORUMAR NABAD IYO WADANOOLAASHO TABTII REER JAPAN KU JAANGOYNAA. WIXII RAG U KACO RABINA AQBALO WUU RUMOOBAA. MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI Qaran News
  21. DUBAI, United Arab Emirates - An oil tanker based in the United Arab Emirates is missing after it stopped in Iranian waters three days ago and its transponder was switched off, raising concerns that it may have been seized by Iran amid heightened tensions in the Persian Gulf. Source: Hiiraan Online