-
Content Count
209,040 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhul-gariir uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, balse ma aanay sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. Faarax Maxamuud, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in dhul gariirkaasi uu ka dhacay Axaddii meel 171-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Bareeda ee gobolka Bari. Wuxuu tilmaamay in qubaro ay hadda u dirayaan halka dhul-gariirka uu ka dhacay si ay u ogaadaan saameynta uu yeeshay. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ay xiriir la sameeyeen deegaannada ku dhow halka dhul gariirkan uu ka dhacay, balse looma soo sheegin wax khasaare ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixinta-Faahfaahinta-dhul-gariirka-by-Cawil-Cali-jaamac-17-7-2019-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko. Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakishanl ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudan Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqisho Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud,Taliyaasha Ciidamada iyo Marti sharaf kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho. “Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, In la abaal mariyo oo la dalacsiiyo waxa ay tilmaam u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen Amniga Caasimadda”. Sidaasna waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayey Saraakiisha Ciidanka Booliska dalka. Hoos ka akhriso magacyada saraakiisha dhalinyarada ah ee la dalacsiiyey: Mahad Korow (Gaashaanle) Axmed Qadar (Gaashaanle) Taliye Mooshin (Gaashaanle) Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe) Bashiir Durqun (Gaashaanle) Farxaan Maxamuud (Gaashaanle) Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle) Moha Jeego (Gaashaanle Sare) Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud). Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Washington (PP) ─ Aqalka odayaasha Maraykanka ayaa meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yiri afar hablood oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo Soomaali ah. Mooshinkan ayaa lagu dhaleeceeyay haddalada ka dhanka ah bani’aadamka ee lagu sharciyaynayo cabsi-galinta iyo nacaybka dadka cusub Mareynaka iyo midabka kuwa kale. Donald Trump ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay inuusan qabin wax cunsurinimo ah, balse wuxuu si adag u afla-gaadeeyay hablo ku jira Congress-ka dalkaas oo dalal kala duwan kasoo jeeda. Xildhibaanno tiradoodu gaarayso 240-xildhibaan ayaa ogolaaday, halka 187 xildhibaaan oo kale ay diideen, taasoo ka dhigan in afar mudane oo xisbiga Jamhuuriga ee Trump ka tirsan iyo waliba xildhibaanka Justin Amash oo ka madax-bannaan ay codkooda ku biiriyeen Dimuquraadiga. Sidoo kale, Xidhibaannada Jamhuuriga ah ee codka u diiday Trump waxaa ka mid ah Will Hurd oo ah xildhibaanka keliya ee Madowga ah eek a mid ah xildhibaannada ku jira xisbiga madaxweyne Trump. Haweenka xildhibaannada ee Madaxweyne Trump uu u gafay ayaa waxay kala yihiin; Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay inay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo qabto. Xildhibaannadan Durmka ah ee uu u gafay Turmp ayaa saddex ka mid ah waxay ku dhasheen Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay tagtay iyadoo aad u yar. Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taalla oo masaafo 12-Mayl ah u jirta halkii uu ku dhashay Trump. Saxaafadda Mareykanka ayaa waxay qoreen in Trump awgiis uu qudhiisu ka yimid Jarmalka, uuna Mareykanka tagay isagoo muhaajir ah, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka qaadatay sanadkii 2006-dii, iyadoo la sheegay in Ilhaan Cumar ay jinsiyadda ka hor qaadatay Malenia. Dhanka kale, Markii mooshinka la meel-mariyay ayuu xildhibaan Al Green oo ka tirsan Dimoqoraadiga wuxuu diiwaan-galiyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan inay talaabadan horay loosii wado. Ugu dambeyn, Xildhibaanka mooshinka keenay oo gobolka Texas kasoo jeeda ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf-darro , kana dhigay meel dadku ku maadeystaan. PUNTNALD POST The post Xidhibaanno Meel-mariyay Mooshin Cod loogu qaadayo Madaxweyne D-Trump appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shaqada adag howlwadeennada Dawladda Hoose ee gacanta ku haya dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Caasimadda, kuwaas oo isugu jira jidad Laami cusub la saarayo iyo jid-caddeyaal muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah Caasimadda, gaar ahaan jidadka iyo xarumaha Maamulka, si loogu dhaweeyo shacabka adeegyada ay bixiso Dawladda Hoose. Waddooyinka laamiga ah ee dhismahooda lagu guuleystay muddo sanad iyo bar ah ayaa gaaraya sagaal, kuwaas oo kala ah: Dabka ilaa Bakaaraha, dhameystirka waddada 30-ka, waddada Hotel SYL ilaa isgoyska Xamar-Jajab, waddada Dekedda ilaa Via Roma, waddooyinka Jazeera, Liido, Shingaani iyo Gen. Daud. Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in hadda ay socdaan dhismaha jid caddeyaal dhowr ah, kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka, Kaxda, Waaberi, Heliwaa, Dayniile, Wadajir, Dharkinleey, Yaaqshiid iyo degmooyin kale. Eng. Yarisow ayaa xusay in qorshaha sanadkan ugu jirto fulinta mashaariic kala duwan, si shacabka loogu dhaweeyo adeegga, una dareemaan in maamulka ay iyagu leeyihiin. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumarka socda, ayna ula shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Maamulka. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis ku wada waddooyinka Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la kulmayo tartan culus iyo cadaadis ayaa bilaabay qorshe cusub oo uu doonayo in markii saddexaad loo doorto hoggaanka maamulkaasi. Axmed Madoobe ayaa qaaday talllabo ka dhan ah Odayaasha, gaar ahaan kuwa isaga fakir ahaan ka soo horjeeda. Ciidamada Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay Kismaayo ku xiray Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf (Kabow), kadib markii la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu ka shakiyey inuusan fulin doonin qorshihiisa ku aadan doorashada maamulka Jubbaland. Nabadoon Cabdullaahi Waamo oo ka tirsan waxgaradka gobollada Jubbooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey xariga Suldaan Kabow. Wuxuu sheegay in go’aanka lagu xiray uu bixiyey Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana uu doonayo in Nabadoon kale oo been abuur ah uu ku bedalo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in awood maamul ay ka jirto Kismaayo, islamarkaana ay tirsanayaan Cadaalad darro. Bisha Augusto ee soo socota ayaa la filayaa in la qabto doorashada guud ee Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe haatan uu la kulmayaa loolan uga imaanaya Musharraxiinta ku sugan Kismaayo iyo cadaadis kale oo ay saareyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Jubbaland-1.mp3Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre aysan ka shaqeeneyn nabadeynta Galmudug. Wuxuu sheegay Xildhibaanka oo u warammay Goobjoog News, in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu si gaar ah heshiis ula galay Ahlu-sunna, taasina ay keentay in ay caroodaan dhinacyo kale oo maamulkaasi taladiisa wax ku leh. Xildhibaan Daahir, ayaa sheegay in qaabka ay xukuumadda wax u waddo u muuqato in lagu sii fogeynayo Galmudug, horeyna loo sii wado kala geynta Galmudug. “Kheyre wuxuu ku mashquulsan yahay maalmaha uu meeshan joogo sidii Galmudug u noqon lahayd mid Xamar laga maamulo” Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan degmada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dhisidda Galmudug loo dhan yahay, walow ay caqabado badan jiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/wareysi-xildhibaanka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga Midowga Yurub ayaa madaxweynaha waxaa ay u doorteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ursula von der Leyen. Madaxweynaah cusub ee Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Waxaa ay heshay 383 cod waxayana ubaahneed codad gaaraya 374 ka mid ah 747 xubnood ee codadka dhiibanayay ee xubnaha Baarlamaanka ee Midowaga Yurub oo doorashadaasi sameeyey,waxaana guddigu uu dejiyay Sharciyada,taasi oo horseedaysa in talaabo laga qaado wadamada xubnaah ka ah hadii ay qaladaad galaan. Ursula von der Leyen ayaa u mahadcelisay Baarlamankii doortay iyadoo ku tilmaantay kalsoonida ay xubnahaasi siiyeen ay ka tarjumayso midnimada Midowga Yurub qeybaha Bariga Koonfurta Galbeedka iyo Waqooyiga Yurub. Sidoo kale waxaa la filaya in bisha soo socota ee November la bedelo guddoomiyaha guddigaasi ee haatan talada haya Jean-Claude Juncker ,kaasi oo la hadal hayo in uu bedelo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Jarmalka. Madaxweynaah cusub ee Midowga Yurub ee la doortay Mrs von der Leyen waxay ku dhalatay magaalada Brussels ee caasimadda Dalka Belgium, waxayna leedahay 7 caruura ,waxay ahayd haweeney dhaqtarad ah ka hor inta aysan ku soo biirin siyaasaddda, waxay balanqaaday in ay xooga saari doonto sidii loo heli lahaa daryeel bulsho guud. Ursula von der Leyen waxaa ay siyaasadda ku jirtaa tan iyo 2001-dii, waxaa ay horay wasiir uga soo noqotay dalka Jarmalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Nabadoon Cabdullaahi Waamo oo ka mid ah waxgaradka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay xabsiga dhigeen Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf (Kabow) oo si weyn looga yaqaano M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Nabadoon Waamo oo la hadlayey Shabelle ayaa sababta loo xiray Suldan Kabow ku sheegay in la doonayo in lagu bedalo nabadoon been abuur ah. Waxaana uu ku eedeeyey in xariggaasi uu ka dambeeyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Cadaani-.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dallacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya kadib markii taliyaha Booliisku soo jeediyay in la dallacsiiyo saraakiishaasi. Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu dallacsiiyay saraakiisha oo loo xiray derajooyin cusub. Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dallacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah, islamarkaana Dukaan ku lahaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Lama shaacin illaa iyo hadda qofka watay gaarigaasi oo ku qarxay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka oo la xariira qaraxaasi. Radioshabelle.com kala soco, faah faahinta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sanadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya sanadkaan waajibaadka xajka. Mudane Cismaan Aaadan (Dhuubow) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda. Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-17072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxa Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa baahiyey in dilka koowaad uu ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa soo ay sheegeen in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada oo lagu magabacaabi jiray Cumar Colow. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in xoogagga dilay ay horay uga sii qaateen Marxuumka Mooto uu watay, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa shaaciyey in sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku dileen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Magaca sarkaalkaasi ayey ku sheegeen Xidigow Cumar Dhegajuun. Dilalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kordhiyey howlgallada ka socda gudaha magalada Muqdisho. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha Badhan Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Badhan loogu magacaabay Eng Cabdiraxmaan Cabdi Shire halka Axmed Jamaal Axmed loo magacaabay xisaabiyaha garoonka diyaaradaha degmadaasi Badhan. Labada nin ee la magacaabay ayaa sida la sheegayo kamid ah dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool degmada Badhan iyadoo hore madaxweynaha Puntland-na u ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dhanka shaqooyinka mudnaan gaar ah siinayso dhalinyarada Puntland ee waxbartay. PUNTLAND POST The post Maareeye cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sanadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya sanadkaan waajibaadka xajka. Cismaan Aaadan (Dhuubow) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda. Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno wararka qarax khasaaro geystay ayaa saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray miinada kuwa baabuurta lagu dhajiyo. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaasi uu ku dhawaacmay qof rayid ah oo Dukaan ku lahaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Lama shaacin weli qofka watay gaarigan oo ku qarxay agagaarka Saldhigga cusub ee degmada Waabari oo ku yaalla agagaarka isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha Booliska oo ku aadan qaraxaasi. Shalay ayey aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiir ku xigeenka Cismaan Aaadan Dhuubow Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sannadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya waajibaadka xajka. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aaadan Dhuubow ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya in aysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda. Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xujeeyda Soomaaliyeed sannadkan adeegyo tayeysan loo diyaariyay appeared first on Puntland Post.
-
US bans Myanmar army chief over Rohingya 'ethnic cleansing'
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United States on Tuesday banned visits by Myanmar's army chief and three other top officers due to their role in the "ethnic cleansing" of the Rohingya minority, urging accountability for their brutal campaign. Source: Hiiraan Online -
Washington (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sanad kadib waxay safiir cusub u magacaabatay safaaradda ay ku leedahay dalka Mareykanka. Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka,waxaana uu booskaasi bannaanaa muddo sanad ka badan. Cali Shariif ayaa horey wuxuu u soo noqday diblumaasiga ugu sareeya howlgalka dalka dhaca Geeska Afrika ee wadamadda Itoobiya iyo Faransiiska. Safiirka cusub ayaa wuxuu bedelaya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo haatan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika. Cawad ayaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyada oo aan la magacaabin beddelkiisa,waxaana magacaabistiisa ahayd billowgii sanadkii hore ee 2018. Isaga oo xaqiijinaya in Cali Shariif loo dhiibay jagadaasi, wasiir Cawad ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Shariif uu dhowaan u socdaali doono Mareykanka. Axmed Ciise ayaa xusay in Cali Shariif uu dhawaan u socdaalayo dalka Mareykanka islamarkaana hadda loo diyaarinayo Dukumiintiyadiisa diblomaasiyadeed iyo dal ku gal. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
IRMINGHAM, Ala. -- A lawyer convicted of swindling NBA star Charles Barkley and using the name of former Secretary of State Condoleezza Rice to bolster an investment scam was sentenced to five years in prison Tuesday. Source: Hiiraan Online