Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,053
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xarakada Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii watay gaariga ee ku qarxiyey albaabka Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo, kaasoo furay weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu dilay dadka badan. Wareysi caadiyan Alshabaab ka qaado dadka is-miidaamiyeyaasha ah ayaa laga sii daayey Idaacadda Alshabab ee Andalus, wuxuuna ninkan oo ka mid ahaa is-qarxiyeyaasha diayarsan ee Alshabaab ka hadlay taariikhdiisa iyo halka uu kasoo jeedo. Is-miidaamiyahan waxaa lagu magacaabi jiray Zakariye Maxamed Deeq Cali oo loo yiqiin (Muscab Fadhi Koow), wuxuuna kasoo jeeda beesha Dir gaar ahaan jufada WARDEY oo dega gobollada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay inuu Alshabaab ku biiray isagoo yar oo aan qaan gaarin. Waxaa kaloo la sheegay in wiilkan aabihii Maxamed Deeq uu ka mid yahay Alshabaab, isagoo falka uu sameeyay u arka mid uu Alle ugu dhowaanayo oo uu janno ku helayo. Shalay ayey ahayd markii ay Alsahbaab shaacisay hoggaamiyihii weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo oo iska kasoo jeeday Beesha Eelaay ee degta Gobollada Bay iyo Bakool. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  2. Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo ah tababraha kooxda Dekedda horayna usoo noqday ciyaaryahan heer koox ilaa heer qaran ayaa guul waaweyn ka gaaray dhinaca kubbadda cagta,Yuu waqtigiisa macallinimo waxa uu ku guulaystay shan jeer oo horyaalka Soomaaliya iyo 2 jeer oo Somali Super Cup,isagoo u kala qaaday kooxaha kala ah Elman iyo Dekedda,inkastoo Dekedda u qaaday saddex sano oo xariir ah sanadihii 2016-2019 Cabdullahi Bashiir Kuwaataro oo ah xoghayaha naadiga Dekedda ayaa si weyn u amaanay macallin Yuusuf Cali Nuur,isagoo ku tilmaamay in uu ka shaqeeyo wadajir kooxeed iyo in saaxiib la yahay hanashada koobabka. Qof kasta oo ku jira shaqooyinka caadiga ee ay qabtaan aadanaha waxa uu lee yahay qof uu ku daysado ama afka qalaad lagu dhaho (Role model),balse tababare Yuu ayaa Goobjoog u sheegay waagii uu ciyaaryahanka ahaa in iminka uu yahay macalin in ku daysan jiray kubbadda iyo falsada macallinka reer France Zidane. Taageerayaasha kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa inta aan loo magacaabin Yuusuf Cali Nuur xilka tababarnimo ee kooxdooda sanadii 2016 aad ugu mahad celiyay maamulkooda sababtan waxa ay ku sheegeen in ay heleen tababare qibrad wanaagsan saaxiibna la ah hanashada koobabka dalka. Gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa ay macallin Yuu-Cali ku tilmaameen tababare aad u dagan oo badanaa aan ka qaylinin ciyaartooyda kooxdiisa,balse isaga ayaa markale waxa uu Goobjoog u sheegay in uu arintaas ay iskag mid yihiin macallinka kooxda Real Madrid Zinedine Yazid Zidane. Mahad Maxamed Xaaji waxa uu ka mid yahay ciyaaryahanada ay saaxiibada dhaw yihiin tababare Yuu-Cali waxa Goobjoog ugu waramay Yuu in uu yahay qof ay kaga go’antahay in horomarka ka sameeyo kooxda uu hogaaminayo,isagoo Dekedda saddex jeer farta ka saaray horyaalka Somalia Premier League 2016-2019. Ka dib markii ay kooxda Dekedda ku guulaystay saddex jeer oo xariir ah hanashada horyaalka Soomaliya,sidoo kalane kaalin wanaagsan ay kasoo gashay tartamadii ay ka qeybgashay gudaha waxaa baraha bulshada iyo guud ahaan gobolada dalka ay ku yeelatay taageerayaal xoogan,iyagoo si weyn u amaanay shaqadii ay qabteen Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan,Inkastoo Sheekadan Aan Diyaarinay Inta Aysan Dekedda Qaadan Horyaalkeedii 3-aad ee Somalia Premier League W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  3. A witness says at least one civilian was wounded when a bomb fitted into a vehicle detonated in Mogadishu, the Somali capital on Wednesday morning. The explosion occurred outside Waberi police station along the busy Makka Al-Mukarama road in the capital, the scene of frequent car bombings by the Al-Qaeda-linked Al-Shabab group. There was no immediate claim of responsibility for the attack which comes as police set up additional checkpoints in the seaside city to enforce the security. The UN-backed Somali government is facing security challenges as it is battling Al-Shabab militants with the help of African Union forces [AMISOM] for a decade. View the full article
  4. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has honored selected members of the police force for their excellent public service in a colorful event held in the capital, Mogadishu on Tuesday. The officers mainly from the police stations in Banadir administration were decorated with various ranks in the occasion attended by the senior government officials led the Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Gulled. The commander of the Banadir police department, Sadaq Mahamed Omar was promoted to brigadier general while his deputy, Mohamud Abdikadir hajji was accorded, colonel. Speaking during the ceremony the Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Gulled said the decorated officers played a key part in securing the city from terror attacks. The Somali police chief, General Bashir Abdi Mohamed confirmed that more than 500 officers will be promoted to various ranks in the police force within this year. On his part, the Mayor of the Mogadishu who also doubles up as the governor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman praised the force for their sleepless night to maintain order saying their hard work will be recognized by the government. The Somali police force which is recuperating from effects of the civil strife in the country is undergoing rigorous reforms to improve its services. View the full article
  5. Xiriika kubadda cagta dalka ayaa da’daal iyo juhdi ku bixinaya dhisidda horomarka kooxaha iyo ciyaartooyda xulka qaranka ee wadamada dibada ugu qeybgalaya tartamada heer naadi iyo heer qaran si shacabka Soomaaliyeed loogu soo hooyo natiijooyin aad u wanaagsan oo guul iyo horomar u ah Soomaaliya. Mudo dheer ka dib Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku guulaystay in laga qeyb galo tartamadda Caf Champain League,Arab League,Caf Confederation iyo Cecafa Kigama Cup 2019. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa Goobjoog u sheegay in ay arinta ay ku timid da’daalka ay bixiyeen madaxda xiriirka kubbadda cagta. Kooxda kubbadda cagta Dekedda oo sanadkii 3-aad oo xariir ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier League ayaa sanadkan ka qeybagalsa ciyaaraha Caf Champian League guddoomiyaha naadiga Dekedda Cabdullahi Faarax Cusmaan oo tartamada dibada ka qeybgalay,isagoo ciyaaryahan ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay kooxdiisa ka maamul ahaan ay arinta kaga mahad celinayaan madaxda X.K.Cagta wadanka. Naadiga ciidan booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa aheyd kooxdii ugu horeesay sanada 2019 ka qeybgasha ciyaaraha dibada waxaana ciyaartooyda Heegan ay ka qeybgaleen tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Abuukar Islaw Xasan oo ah guddoomiyaha warbaahinta X.K.Cagta ayaa bogaadinaya dhallinyarada ka qeybgalaysa tartamada dibadda,isagoo shacabka kula dardaarmay in ay taageeraan kooxaha iyo xulalalka aadayda ciyaaraha jaamacada carabta iyo kuwa qaarada Afrika. Geesta kale kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa iyagana qeyb ka ah tartanka Caf Confederation waxayna u noqaysaa markii 1-aad ay magaca caasimada ku mataalan Guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa taageerayaasha kooxdiisa u balanqaaday in ay u soo hooydoonaan natiijooyin ay ku farxaan jamaahiirta naadiga caasimada. Xidigaha Kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed oo iyagana sanadkan kaalinta 2aad ku dhameestay horyaalka Somalia Premier Leaague ayaa aadaya ciyaaraha jaamacada carabta waxaana Horseed ay u noqonaysaa in ay dib ugu soo laabtaan saaxada ciyaaraha Afrika iyo carabta. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa naadiyada ka qeybgalaya tartamada kala duwan ee dibada kula dardaarmay in aysan is dhigin oo ay ilaaliyan sharafta Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxaha Ka Qeyb galaya Tarmada Dibada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Maamulka Gobolka Mudug ayaa wareegto wargaæina wuxuu u doray Hay’adaha aan Fowliga ahayn ee ka howlgala Gobolka Mudug. Axmed Muuse Nuur, Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa [...] Source
  7. Jowhar (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar lagu laayey dad rayid ah uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Dadkan oo la socday gaari rakaab ah ayaa la rasaaseeyey, xilli ay marayeen tuulada Xaanshooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sida ay wararku sheegayaan dhacdadan aya timid, kadib markii Darawalka uu ka biyo diiday inuu istaago, taas oo sababtay in rasaas lagu furo gaarigaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay falkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dadka dhintay ayaa kala ahaa 2 Qof oo dumar ah iyo 2 rag ah, kuwaas oo ka mid ah rakaabkii la socday gaariga la rasaaseeyey. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkan ay ahaayeen Burcad dooneysay inay dhacaan dadkaasi. Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo la xariira dilka loo geystay dadkaasi rayidka ah. 13-kii bishan ayey aheyd markii nawaaxiga degmada Cadale ee isla gobolkan lagu rasaaseeyey gaari ay la socdeen shacab, laguna dilay ku dhawaad 5 qof. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  8. Iyada oo sanad iyo bar uun naga xigto doorashada guud ee 2020-ka ayaa waxa aanan muuqan weji loogu hagaago iyo hannaan sax ah oo la isku ogyahay taas oo keeni karta qas, kala orod iyo jahawareer marka uu waqtiga soo dhowaado ama arrinta laga cabsi qabo oo dib u dhac iyo waqti kororsi. Haddaba, Goobjoog News ayaa bilaabeysa qoraallo tixane ah oo la xiriira in madaxda lagula xisaabtano muddeynta doorashada, dhameystirka hannaanka iyo sharciyada loo baahan yahay, si doorashada u dhacdo 2020-ka. Todobaadkan, waxaan ka hadli-doonnaa Yaa Hortaagan in Doorashada 2020-ka aaney Weji Yeelan? Xildhibaan Saabir Shiiriye, oo ah xildhibaan golaha shacabka ee BF oo arrinkan aan wax ka weydiiney waxaa uu yiri “Xukuumadda federaalka ah ayaa ka mas’uul ah, sida aad dareen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu rabaa in doorasho aaney dalka ka dhicin, ilaa hadda ma cada qaabka doorashada, laguma heshiisin hannaan sax ah”. Mr. Shuuriye oo ka hadlayey sharciga doorashada ayaa waxaa uu yiri “Arrinta sharciga doorashada, horta dastuurka ayuu khilaafsan yahay, qaabka loo soo qoray, shaqo in laga qabto ayuu rabaa, kaas oo aan shaqo laga qaban wax horay u soconayo ma jiraan, guddi ayaa loo saaray iyaga ayaana ka shqeyn-doona”. Aqoonyahanka Yaxye Caamir oo arrinta doorashada 2020-ka kala hadlay Goobjoog News ayaa ku dooday in tashi la’aanta dowladda federaalka ah ay keentay in heerkan la soo gaaro“Waa run doorashada 2020-ka weji looma bixin, caalamka ayaa maalin walba dhahaya soo gudbiya nidaam doorasho, laakin jawaab looma hayo, mana ii muuqato in si dhow xal loo gaari-doono”. “Waxaa caqabad ka iman-doontaa in hal mar laga guuro nidaam doorasho oo muddo dheer lagu soo socday, waxaa sidoo kale adkaan-doonta diiwaan-gelinta dadka gudaha dalka iyo kuwa dibadda jooga, degmooyin waxaa jiro aan la tagi karin, oo matalaad aan yeelan-doonin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hir-Shabeell waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo wakiiladka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan , iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay. Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Madaxweyne kuxigeenka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle. Wakiilka ayaa kulan la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada midoobay iyo Maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiila Howgalka Qaramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin. Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3aad ee uu ku tago dowlad goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Jowhar (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo ergeyga cusub ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta ee gobolka Shabeelaha. Madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenka iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga Qaramada Midoobay ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ujeedada socdaalka uu James Swan ku tagay Jowhar ayaa lagu sheegay mid la xariirta xoojinta wadashaqeynta maamulka HirShabelle iyo Qaramada Midoobay. Wakiilka oo kulan hordhac ah la qaatay Madaxda sare ee maamulkaasi ayaa waxa ay kaga hadleen dhibaatooyinka ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu kormeeero xarumaha maamulka iyo goobaha qadiimiga ah ee ku yaalla magaalada Jowhar . James Swan ayaa horay booqashooyin ugu soo kala bixiyey magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo, halkaasi oo uu kula soo kulmay Madaxweyneyaasha Puntand iyo Jubbaland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  11. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Cabdiraxmaan Xaaji Xasan oo ahaa agaasimhii ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Sida ay ogaatay Caasimada Online xilkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Cabdirabi Cismaan Maxamed. Wareegtadan ayaa laga qariyey warbaahinta, iyadoona si hoose xilka looga qaaday mas’uulkaasi, looguna magacaabay midka cusub. Saraakiisha iyo ciidamada Badda ee PMPF ayaa la faray inay la shaqeyaan agaasimaha cusub. Lama oga sababta loo qariyey Digreetada, balse todobaadyadii la soo dhaafay Madaxweynaha Puntland ayaa waday isbedallo lagu sameynayo hay’adaha amniga ee maamulkaasi Deni oo xilkan loo doortay 8, January ee sanadkan ayaa inta badan bedalay xubnihii la shaqeynayay Madaxaweynihii isaga ka horreeyay ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii ciidanka Badda Puntland ee ee PMPF Cabdiraxmaan Xaaji Xassan, isaga oo Magacaabay Agaasime Cusub. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni oo aan weli Warbaahinta loo soo bandhigin ayaa waxaa xilka Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland ee ee PMPF loogu Magacaabay Cabdi Rabbi Cismaan Maxamed. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu wday isbeddelo dhanka Hay’adaha Maamulkiisa ah,waxaana uu dhawaan Magacaabay Agaasimayaal iyo Hanti dhowrka Guud ee Puntland. Goobjoo News Source: goobjoog.com
  13. Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhul-gariir uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, balse ma aanay sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. Faarax Maxamuud, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in dhul gariirkaasi uu ka dhacay Axaddii meel 171-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Bareeda ee gobolka Bari. Wuxuu tilmaamay in qubaro ay hadda u dirayaan halka dhul-gariirka uu ka dhacay si ay u ogaadaan saameynta uu yeeshay. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ay xiriir la sameeyeen deegaannada ku dhow halka dhul gariirkan uu ka dhacay, balse looma soo sheegin wax khasaare ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixinta-Faahfaahinta-dhul-gariirka-by-Cawil-Cali-jaamac-17-7-2019-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko. Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakishanl ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudan Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqisho Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud,Taliyaasha Ciidamada iyo Marti sharaf kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho. “Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, In la abaal mariyo oo la dalacsiiyo waxa ay tilmaam u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen Amniga Caasimadda”. Sidaasna waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayey Saraakiisha Ciidanka Booliska dalka. Hoos ka akhriso magacyada saraakiisha dhalinyarada ah ee la dalacsiiyey: Mahad Korow (Gaashaanle) Axmed Qadar (Gaashaanle) Taliye Mooshin (Gaashaanle) Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe) Bashiir Durqun (Gaashaanle) Farxaan Maxamuud (Gaashaanle) Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle) Moha Jeego (Gaashaanle Sare) Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud). Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. Washington (PP) ─ Aqalka odayaasha Maraykanka ayaa meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yiri afar hablood oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo Soomaali ah. Mooshinkan ayaa lagu dhaleeceeyay haddalada ka dhanka ah bani’aadamka ee lagu sharciyaynayo cabsi-galinta iyo nacaybka dadka cusub Mareynaka iyo midabka kuwa kale. Donald Trump ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay inuusan qabin wax cunsurinimo ah, balse wuxuu si adag u afla-gaadeeyay hablo ku jira Congress-ka dalkaas oo dalal kala duwan kasoo jeeda. Xildhibaanno tiradoodu gaarayso 240-xildhibaan ayaa ogolaaday, halka 187 xildhibaaan oo kale ay diideen, taasoo ka dhigan in afar mudane oo xisbiga Jamhuuriga ee Trump ka tirsan iyo waliba xildhibaanka Justin Amash oo ka madax-bannaan ay codkooda ku biiriyeen Dimuquraadiga. Sidoo kale, Xidhibaannada Jamhuuriga ah ee codka u diiday Trump waxaa ka mid ah Will Hurd oo ah xildhibaanka keliya ee Madowga ah eek a mid ah xildhibaannada ku jira xisbiga madaxweyne Trump. Haweenka xildhibaannada ee Madaxweyne Trump uu u gafay ayaa waxay kala yihiin; Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay inay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo qabto. Xildhibaannadan Durmka ah ee uu u gafay Turmp ayaa saddex ka mid ah waxay ku dhasheen Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay tagtay iyadoo aad u yar. Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taalla oo masaafo 12-Mayl ah u jirta halkii uu ku dhashay Trump. Saxaafadda Mareykanka ayaa waxay qoreen in Trump awgiis uu qudhiisu ka yimid Jarmalka, uuna Mareykanka tagay isagoo muhaajir ah, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka qaadatay sanadkii 2006-dii, iyadoo la sheegay in Ilhaan Cumar ay jinsiyadda ka hor qaadatay Malenia. Dhanka kale, Markii mooshinka la meel-mariyay ayuu xildhibaan Al Green oo ka tirsan Dimoqoraadiga wuxuu diiwaan-galiyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan inay talaabadan horay loosii wado. Ugu dambeyn, Xildhibaanka mooshinka keenay oo gobolka Texas kasoo jeeda ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf-darro , kana dhigay meel dadku ku maadeystaan. PUNTNALD POST The post Xidhibaanno Meel-mariyay Mooshin Cod loogu qaadayo Madaxweyne D-Trump appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shaqada adag howlwadeennada Dawladda Hoose ee gacanta ku haya dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Caasimadda, kuwaas oo isugu jira jidad Laami cusub la saarayo iyo jid-caddeyaal muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah Caasimadda, gaar ahaan jidadka iyo xarumaha Maamulka, si loogu dhaweeyo shacabka adeegyada ay bixiso Dawladda Hoose. Waddooyinka laamiga ah ee dhismahooda lagu guuleystay muddo sanad iyo bar ah ayaa gaaraya sagaal, kuwaas oo kala ah: Dabka ilaa Bakaaraha, dhameystirka waddada 30-ka, waddada Hotel SYL ilaa isgoyska Xamar-Jajab, waddada Dekedda ilaa Via Roma, waddooyinka Jazeera, Liido, Shingaani iyo Gen. Daud. Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in hadda ay socdaan dhismaha jid caddeyaal dhowr ah, kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka, Kaxda, Waaberi, Heliwaa, Dayniile, Wadajir, Dharkinleey, Yaaqshiid iyo degmooyin kale. Eng. Yarisow ayaa xusay in qorshaha sanadkan ugu jirto fulinta mashaariic kala duwan, si shacabka loogu dhaweeyo adeegga, una dareemaan in maamulka ay iyagu leeyihiin. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumarka socda, ayna ula shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Maamulka. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis ku wada waddooyinka Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la kulmayo tartan culus iyo cadaadis ayaa bilaabay qorshe cusub oo uu doonayo in markii saddexaad loo doorto hoggaanka maamulkaasi. Axmed Madoobe ayaa qaaday talllabo ka dhan ah Odayaasha, gaar ahaan kuwa isaga fakir ahaan ka soo horjeeda. Ciidamada Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay Kismaayo ku xiray Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf (Kabow), kadib markii la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu ka shakiyey inuusan fulin doonin qorshihiisa ku aadan doorashada maamulka Jubbaland. Nabadoon Cabdullaahi Waamo oo ka tirsan waxgaradka gobollada Jubbooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey xariga Suldaan Kabow. Wuxuu sheegay in go’aanka lagu xiray uu bixiyey Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana uu doonayo in Nabadoon kale oo been abuur ah uu ku bedalo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in awood maamul ay ka jirto Kismaayo, islamarkaana ay tirsanayaan Cadaalad darro. Bisha Augusto ee soo socota ayaa la filayaa in la qabto doorashada guud ee Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe haatan uu la kulmayaa loolan uga imaanaya Musharraxiinta ku sugan Kismaayo iyo cadaadis kale oo ay saareyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Jubbaland-1.mp3Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  18. Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre aysan ka shaqeeneyn nabadeynta Galmudug. Wuxuu sheegay Xildhibaanka oo u warammay Goobjoog News, in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu si gaar ah heshiis ula galay Ahlu-sunna, taasina ay keentay in ay caroodaan dhinacyo kale oo maamulkaasi taladiisa wax ku leh. Xildhibaan Daahir, ayaa sheegay in qaabka ay xukuumadda wax u waddo u muuqato in lagu sii fogeynayo Galmudug, horeyna loo sii wado kala geynta Galmudug. “Kheyre wuxuu ku mashquulsan yahay maalmaha uu meeshan joogo sidii Galmudug u noqon lahayd mid Xamar laga maamulo” Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan degmada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dhisidda Galmudug loo dhan yahay, walow ay caqabado badan jiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/wareysi-xildhibaanka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Guddiga Midowga Yurub ayaa madaxweynaha waxaa ay u doorteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ursula von der Leyen. Madaxweynaah cusub ee Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Waxaa ay heshay 383 cod waxayana ubaahneed codad gaaraya 374 ka mid ah 747 xubnood ee codadka dhiibanayay ee xubnaha Baarlamaanka ee Midowaga Yurub oo doorashadaasi sameeyey,waxaana guddigu uu dejiyay Sharciyada,taasi oo horseedaysa in talaabo laga qaado wadamada xubnaah ka ah hadii ay qaladaad galaan. Ursula von der Leyen ayaa u mahadcelisay Baarlamankii doortay iyadoo ku tilmaantay kalsoonida ay xubnahaasi siiyeen ay ka tarjumayso midnimada Midowga Yurub qeybaha Bariga Koonfurta Galbeedka iyo Waqooyiga Yurub. Sidoo kale waxaa la filaya in bisha soo socota ee November la bedelo guddoomiyaha guddigaasi ee haatan talada haya Jean-Claude Juncker ,kaasi oo la hadal hayo in uu bedelo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Jarmalka. Madaxweynaah cusub ee Midowga Yurub ee la doortay Mrs von der Leyen waxay ku dhalatay magaalada Brussels ee caasimadda Dalka Belgium, waxayna leedahay 7 caruura ,waxay ahayd haweeney dhaqtarad ah ka hor inta aysan ku soo biirin siyaasaddda, waxay balanqaaday in ay xooga saari doonto sidii loo heli lahaa daryeel bulsho guud. Ursula von der Leyen waxaa ay siyaasadda ku jirtaa tan iyo 2001-dii, waxaa ay horay wasiir uga soo noqotay dalka Jarmalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. With the recent celebration of the U.S. and Somalia independence days, we have occasion to reflect on the progress that our two countries have made together. The peace, stability Source: Hiiraan Online
  21. Kismaayo (SMN) – Nabadoon Cabdullaahi Waamo oo ka mid ah waxgaradka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay xabsiga dhigeen Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf (Kabow) oo si weyn looga yaqaano M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Nabadoon Waamo oo la hadlayey Shabelle ayaa sababta loo xiray Suldan Kabow ku sheegay in la doonayo in lagu bedalo nabadoon been abuur ah. Waxaana uu ku eedeeyey in xariggaasi uu ka dambeeyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Cadaani-.mp3 View the full article
  22. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dallacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya kadib markii taliyaha Booliisku soo jeediyay in la dallacsiiyo saraakiishaasi. Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu dallacsiiyay saraakiisha oo loo xiray derajooyin cusub. Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dallacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah, islamarkaana Dukaan ku lahaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Lama shaacin illaa iyo hadda qofka watay gaarigaasi oo ku qarxay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka oo la xariira qaraxaasi. Radioshabelle.com kala soco, faah faahinta. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sanadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya sanadkaan waajibaadka xajka. Mudane Cismaan Aaadan (Dhuubow) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda. Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed. View the full article
  25. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-17072019.mp3 View the full article