Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,056
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabis Sameeyay, Halkan hoose ka akhriso Source
  2. Guddoomiyaha Cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa Maanta Xafiiskiisa waxaa uu kula kulmay Hay’daha ka howlgalla deegaanada gobolkaasi Hiiraan. Kulanka ayaa ahaa mid ay isku baranayeen guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan & Mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgalla gobolka iyo sida ay u wada Shaqeyn karaan. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa sheegay in Hay’adaha uu kala sidii ay u caawin lahaayeen dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa ka barakacay dagaal beeleedyadii ka dhacay degmada Matabaan. Dhanka kale waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalak ay adeegyo wanaagsan u hayaan Shacabka gobolka Hiiraan,isla markaana ka maamul ahaan ay la Shaqeyn doonaan, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada gobalka Hiiraan. Ugu danbeyn qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adaha uu la kulmay guddoomiyaha ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay si huufan ugu adeegi doonaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Oo Sheegay In Somaliland Lagaga Adkaaday Siyaasadda Arimaha Dibadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Warar xogogaala oo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa xaqiijinaya in dawladda Soomaaliya ay dal Carbeed uga shakisantahay inuu qayb muhiim ah ka qaatay socdaalkii uu Madaxweyne Biixi bishan ku tagay dalka Guinea iyo soo dhawayntii diiranayd ee halkaas loogu sameeyay isaga iyo weftigiisa. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa toddobaadkan magaalada London ka sheegay in dal aanu magacaabin uu dalka Guinea culays ku saaray qaabiladii Madaxweyne Biixi, “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka. Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga Soomaaliya oo afkiisa ka ilaaliyay inuu magacaabo dalka ay dawladiisu tuhunsantahay. Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in dawladda Farmaajo tuhunsantahay in dawladda UAE ay socdaalkaas Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea qayb libaax ka qaadatay, waxaana la sheegay in tuhunka dawladda Soomaaliya la xidhiidho maalgashi dhinaca macdanta ah oo ay dawladda UAE ka waddo dalkaas Guinea iyo maalgashiga dhinaca dekedda Berbera ee ay UAE sidoo kale ka waddo Somaliland. Waxa kale oo warka uu Geeska Afrika helay xaqiijinayaa in dawladda Soomaaliya ay qabto tuhun kale oo ah in socdaalka Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea uu si hoose xidhiidh ula leeyahay wada hadal ay aaminsantahay inuu u socdo Somaliland iyo Ruushka. Maalmo ka hor wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo magaalada Muqdisho kula kulmay diblomaasi Ruush ah oo uu warku sheegay inuu gaadhsiiyay walaaca uu qabo ee ah in Ruushku indho gaar ah ku eegayo Somaliland. Marka la eego dhawrka goor ee kala duwan ee ay dawladda Soomaaliya ka hadashay socdaalkii Madaxweyne Biixi uu ku tagay dalka Guinea waxa muuqata inay Muqdisho weli ku jaho-wareersantahay socdaalkaas oo ku noqday filan waa’. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Masuq maasuq xoogleh ayaa laga soo sheegayaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland kaasi oo sababay in Hay’adda qaranka u qaabilsan dabagalka Hantida qaranku baadhis ku galalafaan. Warar lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogtay in maalmihii u dambeeyay uu Hanti dhawrka Qaranka Somaliland baadhis xoogleh ka waday xafiisyadda lacagta iyo maamulka Wasaaradda Waxbarashada kadib markii ay gaadhay xog sheegaysa in Musuq maasuq iyo wax isdaba-marini ifka u soo baxday ay ka dhex jirto Wasaaradda. Wararkan ayaa sheegaya in xafiisyo muhiim ah oo Wasaaradda ah ay hanti dhawrku Albaabadda u laabeen, iyadoo wararka kalena ayaa sheegayaan in hanti dhawrku la wareegay dhamaan Documentiyaddii Xisaabta ee Wasaaradda. Arimaha ugu layaabka badan ee la ogaaday ayaa waxa ka mid ah in afka la iska mariyay lacag Culus oo EUROPEAN UNION ku bixin jireen tababarka macalimiinta kaasi oo la qaban jiray wakhtiga Dugsiyadda Dawladdu fasaxa kujiraan, oo ku beegnayd Bishan, waxaana la soo sheegayaa inaan lacagtaasi wax lagu qabtay aanay jirin ee sideeda loo musuq maasuqay. Arimaha kale ee iyaguna cadaynaya in Musuq maasuq ka dhex jiro Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa ka mid ah in mashruuc lagu qiimaynayay Jamaacadaha Dalka in lacagtii yarayd ee loo qoondeeyay shaqaalihii hawshaasi qabanayay in iyagana laga cunay. Wararka arintani ku saabsan ayaa sheegaya in calaa qof loogu talo galay 1500,000 (Milyan iyo Shan boqol) oo shilinka Somaliland, islamarkaana markii ay hawshii soo dhameeyeen in Zaadka loogu diray 200,000-kun. Arintaasi ayaa waxay wasaaradda ka dhex dhalisay Buuq, markii ay meel walba gaadhay ayaa markii dambe shaqaalihii dib loo siiyay lacagtii oo dhamaystiran. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaaluhu diiday inay xiitaa qaataan lacagtaasi, waxaanay arimahani ka mid ahaayeen waxyaabaha soo dedejiyay in Hanti dhawrku galo wasaaradda. Wararka laga helayo wasaaradda ayaa sheegaya in Doorkii wasiirku meesha ka maqan yahay oo aanu wasiirku tabcaanimo awgeed u gudan kari waayay shaqada taasi oo sababtay in Maamulkii wasaaraddu u gacan galo Shaqsiyaad halis ah oo aan waxba xeerinayn. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Abokor ayaa aad loogu xamanayaan arintani iyo kooxo dhalinyaro ah oo uu samaystay, waxaana baadhistani si gaar ah u khusaysaa Agaasimaha Guud. Dhinaca kale wasiir ku xigeenkii Maxamed Daahir ayaa isna geed lagu xidhay oo aan wax door ah ku lahayn dhaq dhaqaaqyada ka socda Wasaaradda. Warar Dambe La Soco. Source
  6. (SLT-Riyadh)-Dowladda Baxreyn ayaa tababar u fidisay xubno ka tirsan dagaal-yahanada Al-Qaacida si ay weerar uga qaadaan waddanka Iiraan. Barnaamij laga baahiyay Tv-ga ku hadla afka carabiga ah ee Al-Jazeera ayaa baahiyay ujeedada kale ee baxreyn ka leedahay uu yahay dagaal-yahanada in gudaha baxreyn ay ka sifeeyeen shiicada laga tirada badan Yahay. Dagaal-yahanada Al-Qaacida ayaa dhanka kale la faray in ay weeraro ka geystaan gudaha iyo danaha dalka Iiraan. Madaxda sare ee sirdoonka Baxreyn ayaa xidhiidh toos ah la sameeyay xubno sare oo ka mid ah Ururka Al-Qaacida, sida uu baahiyay Tv-ga fadhigiisu yahay magaalada Dooxa. Codadka laga hayo intii ay wadahalayeen labada dhinac ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu amarkaan bixiyay boqorka Baxreyn, Xamad bin Ciisa Al Khaliifa. Dowlada Baxreyn ayaa dhanka kale ugu baaqday dagaal-yahanada Al-Qaacida in ay xaqiijiso in howlgalkaan uu u fulo sida loogu Talagalay. Muuqaalka Al-Jazeera baahisay ayaa dhanka kale lagu muujiyay in maxamed Saalax oo ka tirsan saraakiisha Al-Qaacida uu hub weydiistay dowlada Sacuudiga. Source
  7. Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta magacaabay, guddi qaabilsan Dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada waqooyi ee dalka. Guddiga uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabay, ayaa ka kooban lix xubnood, waxaana guddoomiye u ah xildhibaan lagu magacaabo, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo hore u soo noqday wasiirkii Arrimaha debadda dowladdii Federaalka ee TFG. Guddiga ayaa kala ah; xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo guddoomiya iyo guddoomiye ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ay weheliyaan Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow), Dr Cali Siciid Fiqi, S/G: Axmed Jaamac Muuse iyo Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli. Magacaabida Guddigan qaabilsan Dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, ayaa ku soo beegmay xilli ay hakad ku jiraan wada-hadallada labada dhinac ee dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddiga wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Khartoum)-Golaha millatariga iyo mucaraadka wadanka Suudaan ayaa maanta oo arbaca ah qalinka ku duugay heshiis awood qaybsi ah oo ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khartuum, kadib toddobaadyo wadahadalo ah. Heshiiskii hordhaca ahaa ee la gaadhay 5tii bishan julay ayaa dhigayay in la sameeyo golle ka kooban 11 Xubnood oo ka kala imaanaya milateriga iyo mucaraadka, kuwasoo 3 sanno xukumi doona dalka Suudaan, kadibna la qaban doono doorasho xor ah oo xalaal ah. 6 ka mid ah gollaha cusub ayaa waxa ay ka imaanayaan mucaraadka iyo bulshada rayidka ah, halka 5 xubnood ee kale ay ka imaanay gollaha Milateriga ee Suudaan. Hoggaamiyaha cusub ee gollaha ayaa ka imaanaya Milateriga, kaasi oo muddo 21 bilood xukumi doono Suudaan. 18 bilood ee ku xigta waxaa talada dalka la wareegi doono hoggaamiye rayid ah oo qaban doono doorasho. Tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheer xukumayay Suudaan Cumar Xasan Albashiir, waxaa dalkaasi ka socday banaanbaxyo looga soo horjeedo milateriga, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo ahaa banaanbaxayaashii. Source
  9. (SLT-Washington)-Agaasimaha dhanka maamulka ee hey’adda lacagta adduunka oo loo yaqaan (IMF) Christine Lagarde ayaa sheegtay inay ka dagi doonto Xilka. Go’aanka iscasilaada ah ee ms Lagarde ayaa yimid kadib markii loo doortay madaxa bankiga dhexe ee Yurub. Haweeneydaan ayaa xaqiijisay in 12 bisha September ay ka tagi doonto shaqada ay ka heyso hey’ada IMF. Ms Christine oo horay uga soo mid noqotay golaha wasiirada ee Faransiiska ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii aheyd agaasimaha dhanka maamulka ee hey’ada lacagta Aduunka. Source
  10. (SLT-Washington)-Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yidhi afar hablood oo ka tirsan Aqalkan. Mooshinka ayaa lagu dhaleeceeyay “Haddalada cunsuriyadda ah ee lagu sharciyaynayo cabsi galinta iyo nacaybka dadka cusub ee Ameerikaanka ah iyo dadka midabka ah” Madaxweyne Trump oo fariin soo dhigay dhegelkiisa Twitter-ka ayaa yidhi “jirkayga kuma jirto laf cunsurinimo”. 240 xildhibaan ayaa ku codeysay codka ‘HAA’ halka 187 xildhibaaan ay ku codeysay ‘MAYA’, taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta. Waxaa xildhibaanadan ka mid ah ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan Will Hurd. Madaxweynaha oo maalintii axaddii soo daayay tiro fariimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afarta hablood ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo. Dhibka jira waxa uu yahay in 3 ka mid ah hablahaas, marka laga reebo Ilhaan oo Soomaaliya ka timid yaraanteedii, ay ku wada dhasheen Maraykanka. Xitaa Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taala oo 12 mile oo kaliya u jirta halkii uu Trump laftiisa ku dhashay. Waxyaabaha warbaahinta Maraykanka soo bandhigtay waxaa ka mid ah awooweyaashii Trump ay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalka Jarmalka, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka qaadatay mar aan fogeyn, waxaana xitaa la sheegay in Ilhaan ay jinsiyadda ka hor qaadatay Malenia. Kalsooni Kala Noqosho Islamarkii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan in ay horey usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga ah ay arrintaas ku baaqayaan. Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo gala gobolka Texas ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto. Trump ayaa ka hadlay qaraarka la ansixiyay, isaga oo ammaanay midnimada xisbiga Jamhuuriga, isaga oo markale weeraray hablaha afarta ah oo uu ku eedeeyay in ay wax xun ka sheegeen Maraykanka, iyo Israa’iil. Qaraarka la meel mariyay ayaa qoraya in dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii Madoowga ah ee addoonsiga loo keenay in ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad muhaajiriin ahaa. Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimada aysan ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka ku difaaco dastuurka oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad. Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray waraaq wareegto ah oo ku saabsan wada hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa guddi u saaray Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, waxayna Xubnaha guddiga ka kooban yihiin lix xubnood oo isugu jira xubno xilal hore u soo qabtay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa guddiga looga dhigay Guddoomiye Xubnaha guddiga uu magacaabay Madaxweynaha ayaa kala ah 1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil 2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) 3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) 4- Dr Cali Siciid Fiqi 5-S/G: Axmed Jaamac Muuse 6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Musuq Maasuq Dul Hoganaya Wasaaradda Waxbarashada Somalialand+ Hanti Dhawrka Oo Galalafay Iyo Arimo Xasaasiya Oo La Ogaaday Masuq maasuq xoogleh ayaa laga soo sheegayaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland kaasi oo sababay in Hay’adda qaranka u qaabilsan dabagalka Hantida qaranku baadhis ku galalafaan. Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Wargeyska Foore heshay ayaa daaha ka rogtay in maalmihii u dambeeyay uu Hanti dhawrka Qaranka Somaliland baadhis xoogleh ka waday xafiisyadda lacagta iyo maamulka Wasaaradda Waxbarashada kadib markii ay gaadhay xog sheegaysa in Musuq maasuq iyo wax isdaba-marini ifka u soo baxday ay ka dhex jirto Wasaaradda. Wararkan ayaa sheegaya in xafiisyo muhiim ah oo Wasaaradda ah ay hanti dhawrku Albaabadda u laabeen, iyadoo wararka kalena ayaa sheegayaan in hanti dhawrku la wareegay dhamaan Documentiyaddii Xisaabta ee Wasaaradda. Arimaha ugu layaabka badan ee la ogaaday ayaa waxa ka mid ah in afka la iska mariyay lacag Culus oo EUROPEAN UNION ku bixin jireen tababarka macalimiinta kaasi oo la qaban jiray wakhtiga Dugsiyadda Dawladdu fasaxa kujiraan, oo ku beegnayd Bishan, waxaana la soo sheegayaa inaan lacagtaasi wax lagu qabtay aanay jirin ee sideeda loo musuq maasuqay. Arimaha kale ee iyaguna cadaynaya in Musuq maasuq ka dhex jiro Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa ka mid ah in mashruuc lagu qiimaynayay Jamaacadaha Dalka in lacagtii yarayd ee loo qoondeeyay shaqaalihii hawshaasi qabanayay in iyagana laga cunay. Wararka arintani ku saabsan ayaa sheegaya in calaa qof loogu talo galay 1500,000 (Milyan iyo Shan boqol) oo shilinka Somaliland, islamarkaana markii ay hawshii soo dhameeyeen in Zaadka loogu diray 200,000-kun. Arintaasi ayaa waxay wasaaradda ka dhex dhalisay Buuq, markii ay meel walba gaadhay ayaa markii dambe shaqaalihii dib loo siiyay lacagtii oo dhamaystiran. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaaluhu diiday inay xiitaa qaataan lacagtaasi, waxaanay arimahani ka mid ahaayeen waxyaabaha soo dedejiyay in Hanti dhawrku galo wasaaradda. Wararka uu Foore ka helnay wasaaradda ayaa sheegaya in Doorkii wasiirku meesha ka maqan yahay oo aanu wasiirku tabcaanimo awgeed u gudan kari waayay shaqada taasi oo sababtay in Maamulkii wasaaraddu u gacan galo Shaqsiyaad halis ah oo aan waxba xeerinayn. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Abokor ayaa aad loogu xamanayaan arintani iyo kooxo dhalinyaro ah oo uu samaystay, waxaana baadhistani si gaar ah u khusaysaa Agaasimaha Guud. Dhinaca kale wasiir ku xigeenkii Maxamed Daahir ayaa isna geed lagu xidhay oo aan wax door ah ku lahayn dhaq dhaqaaqyada ka socda Wasaaradda. Warar Dambe La Soco. Qaran News
  13. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre aysan ka shaqeeneyn nabadeynta Galmudug. Wuxuu sheegay Xildhibaanka oo u warammay Idaacadda Goobjoog , in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu si gaar ah heshiis ula galay Ahlu-sunna, taasina ay keentay in ay caroodaan dhinacyo kale oo maamulkaasi taladiisa wax ku leh. Xildhibaan Daahir, ayaa sheegay in qaabka ay xukuumadda wax u waddo u muuqato in lagu sii fogeynayo Galmudug, horeyna loo sii wado kala geynta Galmudug. “Kheyre wuxuu ku mashquulsan yahay maalmaha uu meeshan joogo sidii Galmudug u noqon lahayd mid Xamar laga maamulo” Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan degmada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dhisidda Galmudug loo dhan yahay, walow ay caqabado badan jiraan. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  14. Xasuuqan waxaynu odhan karnaa waxaa loo fuliyay si ula kac ah, maadaama ay dawladdii Soomaaliya ku beegtay sannad ka dib markii ay bilowday burburinta magaalada Hargeysa oo ahayd 17.7.1988. Hoos ka akhriso sidii ay maalintaas wax u dhaceen oo uu ka waramaayo Cumar Muuse, iyo waliba magacyada shuhadadaas reer Somaliland ee lagu xasuuqay xeebta jasiira. “Waxay ahayd 17-kii July ee 1989-dii, markii ay guriga noogu soo galeen shan Askari anaga oo hurudna ilaa Kowdii Habeenimo, waxaanay nagu khasbeen Askartaasi inaanu Guriga Alba abkiisa ka furno, waxaana ka furay Albaabka nin la odhanjiay C/risaaq Caydiid, gurigii ayey soo ga leen, markaa anigu waxaan galay meel Xamaam ahayd oo Alaab guriga lagu rinjiyeynayey ay yaale en, waxaanay baadheen Gurigii oo dadkii ayey wada kiciyeen, markaas ayaan is idhi bal eeg waxa ay nimankani samaynayaan, markaas ayaan Lugta ku dhuftay Daasad meesha taalay, markii ay sh anqadhii maqleena waxay igu yidhaahdeen dibedda u soo bax, dibedda ayaan u soo baxay oo dha maantayo intayadii guriga joogtay waxay isugu kaaya keeneen Guriga Daaradiisa, markaa waxaan u Guriga ku joognay Shan Nin iyo Afar Dumar ah, waxa nagu jiray Ilmo yar iyo Oday weyn, Odaygii waxay yidhaahdeen inaga daaya ma socon karayee Dumarka ha u wehel yeelee, waxaanay na gee yeen meel aan Guriga waxba ka fogeyn oo ay dad badan ku ururiyeen, dadkaasina waxay u fadhiy een layn layn oo waxa ku jiray dad Feedho qaawan oo ay ku wareegsan yihiin Askar badani, waxaa iyaguna meesha taagnaa laba gaadhi oo midi yahay kuwa xamuulka ee ciidamada iyo mid yar oo nooca barawnka loo yaqaano ah oo uu Qori saaran yahay. Askarta qaarkood waxay dadka ka soo ururinayeen Xaafadaha oo ay ka keenayeen, markaa Ask artu dadka way laynayaan oo Laag ayey la dhacayaan, dadka meesha la isugu keenayna waxay madaxa kula jiraan Labada Jilib dhexdooda, anagana sidii oo kale ayey noo fadhiisiyeen, markaas ayuu Taliyihii ku yidhi Askartii waa imisa, waxa uu ku yidhi waa 57 Taliye, saara gaadhiga ayuu ku yidhi, Gaadhigii ayaa nala saaray oo dhinaca Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayey noola dhaq aaqeen. markii uu Magaaladii ka baxay ayuu Gaadhigii wadadii ka baydhay oo uu maray meel Raf ah, dadka gaadhiga saaran markaa waxaan fadhiyin Ilmo yar oo gacan ka jaban oo aan ku qiyaas ay da’diisa ilaa 17-jir, waxaa markaa i ag fadhiya Oday weyn oo ilaa 80-jir ah, waxa uu igu yidhi odaygii waxaan u malaynayaa in la ina laynayo, waxa markaa ooyey Wiilkii yaraa, waxa nala geeyey meel Badda Xeeligeeda ah oo Baabuurtii ayaa nalaga soo rogay, waxay noo kexeeyeen Koox Koox oo waxay na fuushiiyeen meel Buur ah, markaa waxay anaga na maqashiinayaan waar Jeelka Alb aabada u fura si aanaan uga yaacin, anigu waxaan ka mid ahaa Shantii ugu dambeeyey ee la soo dhaqaajiyey hadana Buurtii ayey dhinaca kale nooga daadejiyeen oo meel Dix ah ayey na geeyeen, waxay noo qaybiyeen kooxo Shan shan ah, markaas ayey noo cadaatay in nala laynayo. Laakiin wax aanu sa mayn karnaa ma jirto, Askarta na wada iyo anagu waanu is leegnahay tiro ahaan, Askartii ayaa nalagu xeeray iyaga oo Qoryahooda la diyaar ah, kii hogaamiyaha ahaa ayaa ku yidhi Taliyihii Tali ye way soo dhamaadeen, markaas ayuu ku yidhi dee Xabadda ku fura maxaad sugaysaan. sidii ay aanay Xabadii noogu fureen, Qof walibana Qaylo ayuu bilaabay, markii ay Rasaastii in badan soco tay ee ay dadkii Qaylinayey wada Aamuseen ayey joojiyeen oo ay Qofka sii dhaqdhaqaaqaya ayey tooganayeen, markaa aniga (Cumar Muuse Mire) dhabarka ayey igaga dhacday oo way i jiidhays ay oo imay dhex galin. Markaa Askartii ayaa soo dhex galay maydadkii oo midba mid ayuu jiiday oo ka ay ka dareemaan inuu sii nool yahay ayey Xabad ku dhufanayeen, markaas ayuu ku yidhi kii hogaaminayey Ciida ku roga aniga oo maqlaya, markaas ayuu Askari lugta igu dhegey aniga oo gariiraya naxdintii, waxa uu ku yidhi Taliye kani wuu nool yahay oo aniga Rasaastii ayaa iga dhamaataye ila eeg, waxa uu ku yidhi waar mayd baanad arage wuu dubaaxinayaaye ma noola, markaa meel yara kala dheer ayey ahayd meesha aan ku dhacay oo ciidii ayuu igu rogay, markaa dhinac ayaan ka neefsanayaa, waxa an Xidhnaa Macawis iyo Garan aan ku soo toosay oo garankii Xabadii ayaa googoysay, waxaan u cararay dhinaca badda, waxaan iskaga soo maydhay Dhiigii iyo wixii igu masaxmay, markaa xaga Magaalada Muqdisho ayaan u soo cararay, oo markaa ilaa 30-km ii jirtay, ilaa lixdii ayaan ka imid meeshii oo Magaaladana waxaan imid 12-kii maalinimo ayaan soo galay gurigii la iga qaaday habeni madii, waxaa la igu yidhi waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la idin qaadaye, waxaan ku idhi aniga ayuunbaa ka nool dadkii waa la laayey, markaa dadkii ayaa baroor bilaabay oo gurigii ayaa lagu soo buuqay ka dib anigu waan ka baxsaday oo yaan lagugu arkin ayaan is idhi, waxaan tagay Hudheel Cagaaran la odhan jiray ayaan tagey, Inan aanu is garanayno ayaan halkaas ka helay oo la odhan jiray Cabdi Khaalif Dhaga-weel, waxa uu igu yidhi waar waa la idin xidh xidhaybaa la yidh iye miyaa la idin soo daayey, waar maye aniga ayaa dadkii ka nool baan ku idhi oo waxaa lagu laayey Xeebta Jazeera, waxa uu i geeyey Guri oo Nabarkiina waxa uu iga maryey Dawo, markaas ayaa la isla hadlay, ka dibna waxa gurigii yimid nin la yidhaahdo Maxamed Geedi Shagaxle ALLA ha u naxariistee, markaa waa la i waraystay wixii dhacayna waan u sheegay, markii uu gurigii ku noq dayna waxa soo raacay nin Sarkaal ahaa halkii ayeyna iigu yimaadeen, markaa waxaa la socday rag aan garanayo, aniga oo yara seexday ayaan ku toosay nin Askari ah oo i dul taagan, waxaa nuu igu yidhi ma adigaa ka soo hadhay dad la laayey, waxaan ku idhi haayoo aniga ayaa ka soo hadhay, waxa uu igu yidhi haddii ay been tahay waxa aad sheegaysaa Baaskooladaas ayaan shan laabta kaaga dhufanayaa, ina mari ayuu igu yidhi oo Gaadhi Lankuruusel ah ayaanu raacnay anaga oo ilaa todoba ah, meeshii maydka ayaan geeyey oo dib ayaanu u soo noqonay manaanaan wada hadlin, markii aanu ku soo dhowaanay Isteeshinkii Batroolka ayuu igu yidhi Siyaad Barre ayeynu u tegeynaa oo aynu ku odhanaynaa maxaa dakan loo laayey, markaa nin Baylood ahaa oo la odhan jitay Axmed Maxamuud ,oo nala socday ayaa ku yidhi waar u tagi mayno, hadii aynu cid u tageyno waxaynu u tageynaa ina Saleeban Dafle oo haddii kale inagana waa la ina laynayaa, sidii ayaan ku raacay oo waxaanu u tagnay Ina Saleebaan Dafle, waxaa markaa ugu tagnay halkaas niman bada n oo Saraakiil ah oo xataa uu Siyaad Barre ku jiray, ka dib anigu waan cararay oo Gurigii ayaan dib ugu noqday, waxay ku yidhaahden waa maxay dadka 56-ka Qof ah ee Xeebta Jasiira lagu laayey, ee uu Qofka kali ahi ka baxay ee aanu wadnaa, waxay ku yidhaahdeen soo galiya aanu aragnee, markaa dibedda ayaa la iga daydayey oo waa la i waayey, waxaa la igaga daba yimid Gurigii, waxa la igu celiyey Madaxtooyadii Somalia, waxa la yidhi, wax ha laga qoro oo sidii ay wax u dheceen h alaga qoro, waxa la ii geeyey nin dambi baadhe ah oo aan muddo la joogay markii dambena waan iskaga baxsaday oo Balli-Gubadle ayaan imid, halkaas ayey Radio Halgan igu waraysatay, kadibna waxaan la xidhiidhay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International”. magacyada dadkii la xasuuqay 1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Trader 9.Mohamed Musa Mohamed – Trader 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader 15.Husein Omar Husein – Trader 16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 17.Musa Abdi Gaas – Businessman 18. Abdi Barre Osman – Graduate. 19. Barre Osman Abdi – Trader 20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. 22.Ali Mohamed Abdi – Student 23.Abdi Mohamed Abdi – Technician 24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 26.Ibrahim Hassan Ege – Technician 27.Abdi Muhumed Daud – Businessman 28.Jama Mohamed Abdi – Trader 29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 30.Rashid Mohamed Osman 31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student 36.Hussein Osman Jama – Student 37.Khadar Mohamed Ahmed – Student 38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 39.Hassan Nur Hersi – Student 40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 41.Hassan Guure Abdi – Trader 42.Khadar nuur Jama – Trader 43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 44.Mohamed Osman Jama – Trader 45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 46.Matan Abdi Habashi – Student 47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib 48.Hussein Ali Aden – Businessman 49.Saeed Nur Musa – Businesman 50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 53.Jama Aden (barosin) – Civil servent 54.Hussein Kheyre Abdi – shicib 55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader 56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Qaran News
  15. The killing of Mahad Abdullah Nur, the soft-spoken business executive, has robbed one of the successful business empires in Dar es Salaam city of its brightest minds. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo. mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha. Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon
  17. The Peace and Security Council (PSC) of the African Union (AU), at its 858th meeting, held on 16 July 2019, agreed on the following with regard to the situation in Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Balcad (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari rakaab ah oo xalay lagu rasaaseeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Gaariga oo ahaa Hoomey ayaa la sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu marayey deegaanka Xaanshooley ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu si xawli ah ku dhaafay bar koontarool, halka kuwa kale ay ku warramayaan in raggaasi ay aheeyeen Burcad dooneysay inay dhacaan rakaabka saarnaa gaarigaasi. Sida la sheegay darawalka ayaa ka biyo diiday inuu istaago, iyadoona ay rasaas xoogan ku fureen kooxahaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay illaa afar qof, iyadoona ay ku dhaawacameen labo kale, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga la rasaaseeyey. Weli ma jirto cid ka hadashay dhacdadaasi, balse waxaa haatan dadkii ku dhaawacmay falkaasi lagu dabiibayaa xarumo ku yaalla degmada Balacad ee Shabeelaha Dhexe. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed khasaaro geystay oo saaka ka dhacay deegaanka Caliyaale ee isla gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wxaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 2 Qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta lahaanshaha dhul ku yaalla deegaankaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is hor fadhiya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi. View the full article
  19. Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo shirarka aan ogolaanshaha ka haysan maamulkiisa ee lagu qabto gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu amray dhammaan mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Mudug in ay joojiyaan wixii shirar ah oo aan ogolaansho ka haysan maamulka gobolka Mudug. “waxaa la farayaa dhammaan guddoomiyeyaasha Degmooyinka inaan hoteellada magaalooyinka lagu qabankarin wax shir ayadoon ogolaansho laga haysan maamulka gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka. Go’aankan ayaa la qaatay kadib markii la arkay baahida loo qabo sugidda amniga gobolka iyo ilaalinta sharciga si looga hortago tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka maamulka dowliga ah sida qoraalka ku cad. “Ayadoo laga duulayo baanhida loo qabo sugidda nabadgelyada gboolka, iyo fulinta sharciga, waxaa lagama maar maan ah in laga hortago tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka maamulka dawliga ah” ayuu sii raaciyay. Halkaan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland: Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay shirarka aan ogolaanshaha ka haysan gobolka appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha. Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka. View the full article
  21. Bariire (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya uu soo qabtay askar la sheegay inay dhaceen Qaad, kadibna ay ku gacan seereen ciidamo kale, taas oo sababtay inay wada dagaalamaan ciidamadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaaalkan ku dhintay illaa labo Askari, halka uu ku dhaawacmay sarkaalkii soo qabtay ciidamada dhaca geystay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale warar kuala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Labar Lixdan iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolkaasi. Al-Shabaab oo dhabarka u ritay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay inay ku dileen ilaa 5 ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidnaka dowladda oo la xariira qaraxaasi. View the full article
  22. Jowhar (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James swan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle ,madaxweyne ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia oo booqasho ku tagay caasimadda Hirshabeelle. Wakiilka ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda Hirshabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Mr. Benjiamin. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article