Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,043
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-London)-Dowlada Ingariiska ayaa lagu eedeeyay in ay midab-takoor ku heyso muwaadiniinta u dhashay qaarada Afrika ee doonaya inay siyaabo kala duwan ku tagan Ingiriiska. Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasaarada arrimaha gudaha UK ay sabab u tahay dhibaatada iyo midab kala sooca ay la kulmayaan dadyowga Afrika. Waxyaabaha ugu weyn ayaa lagu sheegay warbixinta inay tahay dhanka dhaqaalaha iyo in aan xil la iska saarin codsiyadooda ay ku dalbanayaan Vissaha Uk. Kate Anoloue oo ah guddoomiyaha magaalada Enfield ee dalka UK oo ka hadashay arintaan ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay habdhaqan wasaaradda arrimaha gudaha Ingariiska. Ugu danbeyn warbixintaan ayaa lagu soo koobay in muwaadiniinta Afrika ay ku dhibtoodaan codsiga Visaha marka loo eegoo shacuubta kale ee ka soo jeeda dalalka kale ee Caalamka. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah: 1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). 2. Dr.Cali Siciid Fiqi. 3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. 4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli). Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida. Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah: 1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland. 2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan. 3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan. 4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada. 5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-17072019.mp3 View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Wararkii U Dambeeyay Ee Markabkii Xoolaha Ahaa Ku Xannibnaa Sucuudiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi u qaabilsanaan doonta wada hadallada Somaliland iyo wuxuu ugu yeedhay dib u heshiisiinta waxaanay Soomaaliya ku meteli doonan wada hadalka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay jirto kalmad uu eeday intii ay wadeen barnaamijka Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Prof Samatar ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Prof Galeyr ayaa sheegay inuu eeday odhaahda ah ‘Somaliland la wada leeyahay’ taasi oo dhowr jeer oo hore uu si adag uga hadlay barnaamijkii Tabliiqa Siyaasadeed. Galeyr ayaa ka dhawaajiyey in bulshada reer Somaliland looga baahanyahay inay si adag u xisaabtamaan, isagoona xusay in Tabliiqa Siyaasadeed uu wax badan u soo hooyay siyaasada Somaliland. Prof. Cali Khaliif Galeyr, ayaa arrimahaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey madal lagaga doodayey waxyaabihii Somaliland u qabsoomay intii ay jirtay, wuxuuna yiri: “Waar bahashan yaan la moodin qofku hadduu dhulkana u dhashay kuna da’daalayo daacadna ka yahay is qiimayn adag in lagu cunsuriyadeeyo oo lagu dhaleeceeyo oo tuke baal cad laga dhigo, aniga iyo Axmed Ismaacil Samatar waa inaga maqan yahay ee laakiin waa dhawayd tabliiq siyaasigii aan meelahan ka bilownay, hadda ogaada waa arin xiisa leh dad badan oo xasaasiyad ka qabayna waa ay jiraan”. “Somalilad waxay u soo hooysay inay tahay siyaasad ahaan qaangaadh, oo hoggaan qaangaadh ah ay leeyihiin hadayba soo dhawaynayaan oo si urursan ay qiimayntaas adag loo samayn karo, hadda sida aad adigu isku taqaan maaha ee Somalilandneey waa sida laguu yaqaan, Somalilandneey taas ogaada waa laynoogu sad kordhinayaa haddii dimuqraadiyada aynaan ku laafiyoonayn, laakiin wax yaalo loo baahan yahay oo aan laga tagi karayn ayaa jira oo doodan iyo fooramka halkan laga hayaa ay ka mid tahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anigu waxaan daacad ka ahay oo aanan cidna u cadaynayn reer Somaliland ayaan ahay laakiin reer Somaliland isku wada sumado ma nihin, isku taariikh ma nihin laakiin yoolka aynu wada leenahay kaas ayaa inaga dhaxeeya cidna lagama sheegan karo, warkii laygu canbaaraynaayay ma wada odhanaayo Somaliland la wada leeyahay waanba eedaye, taas iyada ka hadliba maayo”. Halkaan ka daawo ismiidaamiyihii Kismaayo oo beel lama filaan kasoo jeedo Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Guddiga Kooxda Villa Somaliya Maanta U Magacawday Wax Loogu Yeedhay Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya Waa Guddi Aan Jirin Wax Xil ah Rasmi Ahna Aan U Hayn Kooxda Villa Somaliya Xubnaha Guddigan Waraabe U Taaga Ah Hadii Aan Qof Qof U Dul istaago Waxay Kala Yihiin (1) Xildhibaan C/llahi Sheekh Ismaaciil Waa Nin Biyo Maal Oo Aad U Ku Fogyahay Nacaybka Somaliland Weliba Reerka Layidhaado Reer Sheekh Isaxaaq Waa Nin Xiligii C/llahi Yusuf Ee Isagu Ahaa Wasiir Arimaha Debeda TFG Sadex Jeer Warqada Joojin ah U Qoray Maxkamadii Qaadaysay Kiiskii Cali Samater Waa Ninkii Hogaaminayey Mooshinkii DP World iyo Mooshinkii Saldhiga Berbera ka dhanka ahaa Waa Nin Dhamaan Doodihiisa Ku Weerara Somaliland Laakiin Waa Nin Aan Ka Wadli Karin **********ta Hooyadii Marka Ku Dishay Dadkiisana Biyaha Webiga Shabeele Ka Iibiya (2) Janaraal C/raxmaan Guulwade Waa Ninkii Guulwadayaashii Kacaanka Haysan Jiray Ee Siyaad Bare Gabadhiisa Siiyey Kacaanimo Darteed Waa Aaminsan In Kacaan siyaad Bare Ay Macsuumiin Ahaayeen Reer Ahaana Waa Sheekhaal Hadana xil Mahayo (3) Amb Cali Fiqi Waa Safiirka Biljamka Ee Kooxda Villa Somaliya Waa Tuni Ah Reer ahaan Waa Magacyare Siyaasadeed Ah Oo Awood Kale Lahayn (4) C/raxmaan Baadiyoow Waa Askri Hore Wadaad Al Islaax Weyn Somaliland Aad u Neceb Reer Ahaan Waa Abgaal Wuxu Ku Mushahar Qaataa La Taliye Waa Qootoqooto (5) Cali Axmed jaamac Jengeli Waa Nin Somaliland Ka Ridoobay Waa Reer Ahaan Sool clan Reer Buuhoodle Sharci Maaha in La Hor Fadhiisto Kooxda Villa Somaliya iyaga Oo Guddugooda Dad Reer Somaliland ahi Ku Jiraan (6)Janaraal Axmed Jaamac Muuse Waa Taliyihii police Dhawr iyo sideetamaadkii Ee Kacaanka Waa Ninkii Aan Aqoon Meel Ka yimi Iyo Meel Kale Waa Xabadi keentaygii Cadmeed 1964 Weli Xamar sooma Dhaafin Waa Saacadu Kaga Fadhiisatay Xiligii Siyaad bare Waqtigii Uu Xilka Hayey Reer Somaliland Way Naanaysi Jireen Naaleeye Habacsane Reer ahaan H/jeclo Reer Ceerigaabo Ugu Dambay Waxani Guddi Wax Ka Go.aan Maaha Ee Waxaan Leeyahay Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland Yaanay Waqti Iskaga Lumin Farmaajo Oo Sanad u Hadhay in La la hadlo Waqti kordhin Ayuu ku Rabo Ee Ayaa Loo Samayn Jaanis cusub Allah Mahad Leh Cabdiqani Maxamed Qaran News
  8. Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah: 1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). 2. Dr.Cali Siciid Fiqi. 3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. 4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli). Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida. Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah: 1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland. 2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan. 3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan. 4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada. 5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u naqdiyay munaasibad xalay uu Taliyaha Booliska Soomaaliyeed uu ku dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka, taasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in Saadaq John oo kamid ahaa Taliyayaashi xalay la dalacsiiyay uu geystay xasuuq ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, oo uu ku dilay shan askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka. Cabdiraxmaan ayaa talaabadan lagu dalacsiiyay Saadaq John ku tilmaamay sida uu Maamulka Villa Somalia ka taliya uu uga arradan-yahay dowladnimada iyo damiirka dadnimo. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona sheegay in sawirka abaal-marinta lagu gudoonsinayo Saadaq John ay marqaati fur u noqoneyso gabood-falka xasuuqii ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Waxay ummada Soomaaliyeed wada ogsoon tahay in wiilkan garaadaha sareeya guuto caawa loo xiray uu xasuuq ka gaystay xarunta Xisbiga Wadajir oo uu 5 askari oo ciidanka xooga dalka ka tirsan ku dilay, maydkoodiina kabaha ku aasay. Tani waxay cadayn u tahay in kuwa abaalmarinta siinaya iyo kuwa kor ka soo amray ay danbiga shirko kula yihiin, waxayna shacabka Soomaaliyeed tusaysaa sida uu rajiimka Vila Somalia ka taliyaa sharci, dawladnimo, damiir iyo dadnimo kaga arradan yahay. Waxaan kalsooni ku qabaa in wiilashii la xasuuqay mar ay noqotoba ay cadaalad heli doonaan, sawirkaninna uu marqaati fur u noqon doono gaboodfalka xasuuqii uu rajiimka Vila Somalia ka arrimiya geystay”. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Soomaaliya Weerar Ku Soo Qaadday Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabis Sameeyay, Halkan hoose ka akhriso Source
  12. Guddoomiyaha Cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa Maanta Xafiiskiisa waxaa uu kula kulmay Hay’daha ka howlgalla deegaanada gobolkaasi Hiiraan. Kulanka ayaa ahaa mid ay isku baranayeen guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan & Mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgalla gobolka iyo sida ay u wada Shaqeyn karaan. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa sheegay in Hay’adaha uu kala sidii ay u caawin lahaayeen dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa ka barakacay dagaal beeleedyadii ka dhacay degmada Matabaan. Dhanka kale waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalak ay adeegyo wanaagsan u hayaan Shacabka gobolka Hiiraan,isla markaana ka maamul ahaan ay la Shaqeyn doonaan, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada gobalka Hiiraan. Ugu danbeyn qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adaha uu la kulmay guddoomiyaha ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay si huufan ugu adeegi doonaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Oo Sheegay In Somaliland Lagaga Adkaaday Siyaasadda Arimaha Dibadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Warar xogogaala oo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa xaqiijinaya in dawladda Soomaaliya ay dal Carbeed uga shakisantahay inuu qayb muhiim ah ka qaatay socdaalkii uu Madaxweyne Biixi bishan ku tagay dalka Guinea iyo soo dhawayntii diiranayd ee halkaas loogu sameeyay isaga iyo weftigiisa. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa toddobaadkan magaalada London ka sheegay in dal aanu magacaabin uu dalka Guinea culays ku saaray qaabiladii Madaxweyne Biixi, “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka. Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga Soomaaliya oo afkiisa ka ilaaliyay inuu magacaabo dalka ay dawladiisu tuhunsantahay. Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in dawladda Farmaajo tuhunsantahay in dawladda UAE ay socdaalkaas Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea qayb libaax ka qaadatay, waxaana la sheegay in tuhunka dawladda Soomaaliya la xidhiidho maalgashi dhinaca macdanta ah oo ay dawladda UAE ka waddo dalkaas Guinea iyo maalgashiga dhinaca dekedda Berbera ee ay UAE sidoo kale ka waddo Somaliland. Waxa kale oo warka uu Geeska Afrika helay xaqiijinayaa in dawladda Soomaaliya ay qabto tuhun kale oo ah in socdaalka Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea uu si hoose xidhiidh ula leeyahay wada hadal ay aaminsantahay inuu u socdo Somaliland iyo Ruushka. Maalmo ka hor wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo magaalada Muqdisho kula kulmay diblomaasi Ruush ah oo uu warku sheegay inuu gaadhsiiyay walaaca uu qabo ee ah in Ruushku indho gaar ah ku eegayo Somaliland. Marka la eego dhawrka goor ee kala duwan ee ay dawladda Soomaaliya ka hadashay socdaalkii Madaxweyne Biixi uu ku tagay dalka Guinea waxa muuqata inay Muqdisho weli ku jaho-wareersantahay socdaalkaas oo ku noqday filan waa’. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Masuq maasuq xoogleh ayaa laga soo sheegayaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland kaasi oo sababay in Hay’adda qaranka u qaabilsan dabagalka Hantida qaranku baadhis ku galalafaan. Warar lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogtay in maalmihii u dambeeyay uu Hanti dhawrka Qaranka Somaliland baadhis xoogleh ka waday xafiisyadda lacagta iyo maamulka Wasaaradda Waxbarashada kadib markii ay gaadhay xog sheegaysa in Musuq maasuq iyo wax isdaba-marini ifka u soo baxday ay ka dhex jirto Wasaaradda. Wararkan ayaa sheegaya in xafiisyo muhiim ah oo Wasaaradda ah ay hanti dhawrku Albaabadda u laabeen, iyadoo wararka kalena ayaa sheegayaan in hanti dhawrku la wareegay dhamaan Documentiyaddii Xisaabta ee Wasaaradda. Arimaha ugu layaabka badan ee la ogaaday ayaa waxa ka mid ah in afka la iska mariyay lacag Culus oo EUROPEAN UNION ku bixin jireen tababarka macalimiinta kaasi oo la qaban jiray wakhtiga Dugsiyadda Dawladdu fasaxa kujiraan, oo ku beegnayd Bishan, waxaana la soo sheegayaa inaan lacagtaasi wax lagu qabtay aanay jirin ee sideeda loo musuq maasuqay. Arimaha kale ee iyaguna cadaynaya in Musuq maasuq ka dhex jiro Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa ka mid ah in mashruuc lagu qiimaynayay Jamaacadaha Dalka in lacagtii yarayd ee loo qoondeeyay shaqaalihii hawshaasi qabanayay in iyagana laga cunay. Wararka arintani ku saabsan ayaa sheegaya in calaa qof loogu talo galay 1500,000 (Milyan iyo Shan boqol) oo shilinka Somaliland, islamarkaana markii ay hawshii soo dhameeyeen in Zaadka loogu diray 200,000-kun. Arintaasi ayaa waxay wasaaradda ka dhex dhalisay Buuq, markii ay meel walba gaadhay ayaa markii dambe shaqaalihii dib loo siiyay lacagtii oo dhamaystiran. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaaluhu diiday inay xiitaa qaataan lacagtaasi, waxaanay arimahani ka mid ahaayeen waxyaabaha soo dedejiyay in Hanti dhawrku galo wasaaradda. Wararka laga helayo wasaaradda ayaa sheegaya in Doorkii wasiirku meesha ka maqan yahay oo aanu wasiirku tabcaanimo awgeed u gudan kari waayay shaqada taasi oo sababtay in Maamulkii wasaaraddu u gacan galo Shaqsiyaad halis ah oo aan waxba xeerinayn. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Abokor ayaa aad loogu xamanayaan arintani iyo kooxo dhalinyaro ah oo uu samaystay, waxaana baadhistani si gaar ah u khusaysaa Agaasimaha Guud. Dhinaca kale wasiir ku xigeenkii Maxamed Daahir ayaa isna geed lagu xidhay oo aan wax door ah ku lahayn dhaq dhaqaaqyada ka socda Wasaaradda. Warar Dambe La Soco. Source
  16. (SLT-Riyadh)-Dowladda Baxreyn ayaa tababar u fidisay xubno ka tirsan dagaal-yahanada Al-Qaacida si ay weerar uga qaadaan waddanka Iiraan. Barnaamij laga baahiyay Tv-ga ku hadla afka carabiga ah ee Al-Jazeera ayaa baahiyay ujeedada kale ee baxreyn ka leedahay uu yahay dagaal-yahanada in gudaha baxreyn ay ka sifeeyeen shiicada laga tirada badan Yahay. Dagaal-yahanada Al-Qaacida ayaa dhanka kale la faray in ay weeraro ka geystaan gudaha iyo danaha dalka Iiraan. Madaxda sare ee sirdoonka Baxreyn ayaa xidhiidh toos ah la sameeyay xubno sare oo ka mid ah Ururka Al-Qaacida, sida uu baahiyay Tv-ga fadhigiisu yahay magaalada Dooxa. Codadka laga hayo intii ay wadahalayeen labada dhinac ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu amarkaan bixiyay boqorka Baxreyn, Xamad bin Ciisa Al Khaliifa. Dowlada Baxreyn ayaa dhanka kale ugu baaqday dagaal-yahanada Al-Qaacida in ay xaqiijiso in howlgalkaan uu u fulo sida loogu Talagalay. Muuqaalka Al-Jazeera baahisay ayaa dhanka kale lagu muujiyay in maxamed Saalax oo ka tirsan saraakiisha Al-Qaacida uu hub weydiistay dowlada Sacuudiga. Source
  17. Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta magacaabay, guddi qaabilsan Dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada waqooyi ee dalka. Guddiga uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabay, ayaa ka kooban lix xubnood, waxaana guddoomiye u ah xildhibaan lagu magacaabo, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo hore u soo noqday wasiirkii Arrimaha debadda dowladdii Federaalka ee TFG. Guddiga ayaa kala ah; xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo guddoomiya iyo guddoomiye ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ay weheliyaan Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow), Dr Cali Siciid Fiqi, S/G: Axmed Jaamac Muuse iyo Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli. Magacaabida Guddigan qaabilsan Dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, ayaa ku soo beegmay xilli ay hakad ku jiraan wada-hadallada labada dhinac ee dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddiga wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Khartoum)-Golaha millatariga iyo mucaraadka wadanka Suudaan ayaa maanta oo arbaca ah qalinka ku duugay heshiis awood qaybsi ah oo ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khartuum, kadib toddobaadyo wadahadalo ah. Heshiiskii hordhaca ahaa ee la gaadhay 5tii bishan julay ayaa dhigayay in la sameeyo golle ka kooban 11 Xubnood oo ka kala imaanaya milateriga iyo mucaraadka, kuwasoo 3 sanno xukumi doona dalka Suudaan, kadibna la qaban doono doorasho xor ah oo xalaal ah. 6 ka mid ah gollaha cusub ayaa waxa ay ka imaanayaan mucaraadka iyo bulshada rayidka ah, halka 5 xubnood ee kale ay ka imaanay gollaha Milateriga ee Suudaan. Hoggaamiyaha cusub ee gollaha ayaa ka imaanaya Milateriga, kaasi oo muddo 21 bilood xukumi doono Suudaan. 18 bilood ee ku xigta waxaa talada dalka la wareegi doono hoggaamiye rayid ah oo qaban doono doorasho. Tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheer xukumayay Suudaan Cumar Xasan Albashiir, waxaa dalkaasi ka socday banaanbaxyo looga soo horjeedo milateriga, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo ahaa banaanbaxayaashii. Source
  19. (SLT-Washington)-Agaasimaha dhanka maamulka ee hey’adda lacagta adduunka oo loo yaqaan (IMF) Christine Lagarde ayaa sheegtay inay ka dagi doonto Xilka. Go’aanka iscasilaada ah ee ms Lagarde ayaa yimid kadib markii loo doortay madaxa bankiga dhexe ee Yurub. Haweeneydaan ayaa xaqiijisay in 12 bisha September ay ka tagi doonto shaqada ay ka heyso hey’ada IMF. Ms Christine oo horay uga soo mid noqotay golaha wasiirada ee Faransiiska ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii aheyd agaasimaha dhanka maamulka ee hey’ada lacagta Aduunka. Source
  20. (SLT-Washington)-Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yidhi afar hablood oo ka tirsan Aqalkan. Mooshinka ayaa lagu dhaleeceeyay “Haddalada cunsuriyadda ah ee lagu sharciyaynayo cabsi galinta iyo nacaybka dadka cusub ee Ameerikaanka ah iyo dadka midabka ah” Madaxweyne Trump oo fariin soo dhigay dhegelkiisa Twitter-ka ayaa yidhi “jirkayga kuma jirto laf cunsurinimo”. 240 xildhibaan ayaa ku codeysay codka ‘HAA’ halka 187 xildhibaaan ay ku codeysay ‘MAYA’, taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta. Waxaa xildhibaanadan ka mid ah ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan Will Hurd. Madaxweynaha oo maalintii axaddii soo daayay tiro fariimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afarta hablood ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo. Dhibka jira waxa uu yahay in 3 ka mid ah hablahaas, marka laga reebo Ilhaan oo Soomaaliya ka timid yaraanteedii, ay ku wada dhasheen Maraykanka. Xitaa Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taala oo 12 mile oo kaliya u jirta halkii uu Trump laftiisa ku dhashay. Waxyaabaha warbaahinta Maraykanka soo bandhigtay waxaa ka mid ah awooweyaashii Trump ay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalka Jarmalka, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka qaadatay mar aan fogeyn, waxaana xitaa la sheegay in Ilhaan ay jinsiyadda ka hor qaadatay Malenia. Kalsooni Kala Noqosho Islamarkii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan in ay horey usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga ah ay arrintaas ku baaqayaan. Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo gala gobolka Texas ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto. Trump ayaa ka hadlay qaraarka la ansixiyay, isaga oo ammaanay midnimada xisbiga Jamhuuriga, isaga oo markale weeraray hablaha afarta ah oo uu ku eedeeyay in ay wax xun ka sheegeen Maraykanka, iyo Israa’iil. Qaraarka la meel mariyay ayaa qoraya in dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii Madoowga ah ee addoonsiga loo keenay in ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad muhaajiriin ahaa. Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimada aysan ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka ku difaaco dastuurka oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad. Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray waraaq wareegto ah oo ku saabsan wada hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa guddi u saaray Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, waxayna Xubnaha guddiga ka kooban yihiin lix xubnood oo isugu jira xubno xilal hore u soo qabtay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa guddiga looga dhigay Guddoomiye Xubnaha guddiga uu magacaabay Madaxweynaha ayaa kala ah 1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil 2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) 3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) 4- Dr Cali Siciid Fiqi 5-S/G: Axmed Jaamac Muuse 6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Musuq Maasuq Dul Hoganaya Wasaaradda Waxbarashada Somalialand+ Hanti Dhawrka Oo Galalafay Iyo Arimo Xasaasiya Oo La Ogaaday Masuq maasuq xoogleh ayaa laga soo sheegayaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland kaasi oo sababay in Hay’adda qaranka u qaabilsan dabagalka Hantida qaranku baadhis ku galalafaan. Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Wargeyska Foore heshay ayaa daaha ka rogtay in maalmihii u dambeeyay uu Hanti dhawrka Qaranka Somaliland baadhis xoogleh ka waday xafiisyadda lacagta iyo maamulka Wasaaradda Waxbarashada kadib markii ay gaadhay xog sheegaysa in Musuq maasuq iyo wax isdaba-marini ifka u soo baxday ay ka dhex jirto Wasaaradda. Wararkan ayaa sheegaya in xafiisyo muhiim ah oo Wasaaradda ah ay hanti dhawrku Albaabadda u laabeen, iyadoo wararka kalena ayaa sheegayaan in hanti dhawrku la wareegay dhamaan Documentiyaddii Xisaabta ee Wasaaradda. Arimaha ugu layaabka badan ee la ogaaday ayaa waxa ka mid ah in afka la iska mariyay lacag Culus oo EUROPEAN UNION ku bixin jireen tababarka macalimiinta kaasi oo la qaban jiray wakhtiga Dugsiyadda Dawladdu fasaxa kujiraan, oo ku beegnayd Bishan, waxaana la soo sheegayaa inaan lacagtaasi wax lagu qabtay aanay jirin ee sideeda loo musuq maasuqay. Arimaha kale ee iyaguna cadaynaya in Musuq maasuq ka dhex jiro Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa ka mid ah in mashruuc lagu qiimaynayay Jamaacadaha Dalka in lacagtii yarayd ee loo qoondeeyay shaqaalihii hawshaasi qabanayay in iyagana laga cunay. Wararka arintani ku saabsan ayaa sheegaya in calaa qof loogu talo galay 1500,000 (Milyan iyo Shan boqol) oo shilinka Somaliland, islamarkaana markii ay hawshii soo dhameeyeen in Zaadka loogu diray 200,000-kun. Arintaasi ayaa waxay wasaaradda ka dhex dhalisay Buuq, markii ay meel walba gaadhay ayaa markii dambe shaqaalihii dib loo siiyay lacagtii oo dhamaystiran. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaaluhu diiday inay xiitaa qaataan lacagtaasi, waxaanay arimahani ka mid ahaayeen waxyaabaha soo dedejiyay in Hanti dhawrku galo wasaaradda. Wararka uu Foore ka helnay wasaaradda ayaa sheegaya in Doorkii wasiirku meesha ka maqan yahay oo aanu wasiirku tabcaanimo awgeed u gudan kari waayay shaqada taasi oo sababtay in Maamulkii wasaaraddu u gacan galo Shaqsiyaad halis ah oo aan waxba xeerinayn. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Abokor ayaa aad loogu xamanayaan arintani iyo kooxo dhalinyaro ah oo uu samaystay, waxaana baadhistani si gaar ah u khusaysaa Agaasimaha Guud. Dhinaca kale wasiir ku xigeenkii Maxamed Daahir ayaa isna geed lagu xidhay oo aan wax door ah ku lahayn dhaq dhaqaaqyada ka socda Wasaaradda. Warar Dambe La Soco. Qaran News