Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,056
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garowe iyo Buuro Wadal. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 17/07/2019 la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka dooxooyinkaas, waxaana go’aankaas lagu wargaliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada, Wasaaradda Amniga iyo DDRta, Taliyaha ciidanka Daraawiishta iyo Taliyaha ciidanka Booliska. Dooxooyinkaas ayaa Puntland sheegtay in ay u aqoon satahay Dhul-daaqsimeed, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doonto ciddii ku xad-gudubta. Hoos ka akhriso xeerka madaxweynaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 03, ee 17ka Luulyo 2019, wuxuu ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal. Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta. Ku: Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada. Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska UJeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin. Waxaa Dhammaan Wasaaraddaha iyo Teliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee warqadani sida tooska ah ugu socoto lagu wargelinayaa laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 17/07/2019 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal. Dooxooyinkaas oo Dowladda Puntland u aqoonsantahay in ay yihiin Dhul-daaqsimeed, ciddii ku xad-gudubtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. ***DHAMAAD*** PUNTLAND POST The post Deni oo go’aan ka soo saaray dooxooyinka Waw iyo Bixin appeared first on Puntland Post.
  2. Representative Ilhan Omar (D., Minn.) will introduce a resolution this week declaring support for the Boycott, Divestment and Sanctions (BDS) movement, which seeks to elevate the Palestinian negotiating position vis-a-vis Israel through an international pressure campaign. Source: Hiiraan Online
  3. A historian has discovered a royal decree issued to Donald Trump’s grandfather ordering him to leave Germany and never come back. Friedrich Trump, a German, [...] Source
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___Qubanaha-17072019.mp3 View the full article
  5. (SLT-Burco) Dawlada Hoose Ee Magaalada BURCO Ayaa Bilowday Banaynta Wadooyin Cusub Oo Geedka Garanwaagu Ka Dhex Baxay Source
  6. Dhuusamareeb (SMN) – Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Qada Sharafta oo ay soo agaasimeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay Soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dhammaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-heshiineed, ayna muujiyaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan. View the full article
  7. Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur galbeed mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo muddo seddex maalin ah ku maqnaa degmada Ceellbarde ee gobolka Bakool ayaa maanta dib ugu laabtey magaaladda Baydhabo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, wasiiro, xildhibaano, ururada Bulshada, Fanaaniin iyo dhalinyaradda magaaldda Baydhabo. Ugu horeyn waxaa garoonka diraayadaha Shaati gaduud shacabka iyo masuuliyiinta soo dhaweysay Lafta-gareen kula hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay safarkaan inuu ka duwanaa kuwii hore. Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laft-gareen ayaa ka warbixiyey safarkiisa Seddexda maalin ahaa ee uu ku joogey degmadda Ceelbarde gobolka Bakool, wuxuuna sheegay inuu dhagax dhigey xarunta isbitaalka weyn, Shcoolka Degmada, isagga oo sidoo kale xariga ka jarey Xarunta Cusub Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, sidoo kale Lafta-gareen ayaa Ceelbarde ka daah-furey shirka Dib u heshiisiinta Dadka dega gobolka bakool, wuxuuna kula dardaarmey in la iska ilaaliyo dan gaar ah, loona jiheysto horumarka gobolka iyo siddii looga Xoreyn lahaaa kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa u mahad-celiyey shacabka, Odayaasha iyo siyaasiyiinta degmadda ceelbarde, sidoo kale wuxuu u mahad celiyey dadkii kuso dhaweeyey magaalada baydhabo. View the full article
  8. The new United Nations envoy to Somalia highlighted the importance of positive relations between state and federal authorities for the country’s long-term progress. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiiru-dowlihii wasaaradda Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa caawo xilka iska casilay kadib markii uu qoonsaday in la hoos geeyay wasaaradda Caddaaladda Puntland. Saalax Xabiib oo ahaa wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland ee Arrimaha Dastuurka ayaa 8-dii bishan madaxweynaha Puntland u beddelay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dastuurka inkastoo xilliga la beddelay uu dalka debadiisa ku maqnaa. Balse wasiirka ayaa qoraal uu caawo soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi oo sida uu sheegay aan lagala tashan islamarkaana aan u qalmin isaga iyo beeshiisa midna. Mudane Saalax Xabiib ayaa hore wasiir uga soo noqday wasaaradda Caddaaladda Puntland xilligii xukuumaddii madaxweyne Gaas isagoo xilkaasi hayay mudda 4 sannadood ah. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Puntland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wargeyska KCW Today, oo ka soo baxa dalka UK gaar ahaan magaalada London, ayaa warbixin ka qoray dedaalada Somaliland ugu jirto inay aqoonsi caalamiya hesho, isagoona isbarbar dhig ku sameeyay Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi. Wargeyska ayaa xusay in saameyn weyn yeeshen dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeeda ee Somaliland ka sameysay dedaalada ay ugu jirto aqoonsiga ay ka rabto beesha caalamka. KCW-Today ayaa soo qaatay qoraal lagu daabacay bishii hore barta Twitterka ay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, kaasi oo Somaliland loo adeegsaday ereyga ‘Dal’, midaasi oo Wargeysku ku micneeyay inay tahay markii u horeysay ee wadan kamid ah caalamku uu Somaliland u qiro dal-madax banaan. Wargeyska KCW-Today wuxuu sheegay in ururkii dhaq-dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991-kii iskugu yeedheen waxgaradka beelaha, kuwaasi oo ku dhawaaqay Somaliland oo mar uu xukumi jiray Ingiriisku. Sidoo kale waxa uu Wargeysku isbarbar dhig ku sameeyey dowladnimada iyo ammaanka ka hirgalay Somaliland iyo nabadgelyo darrada iyo burburka ku habsaday Somaliya, isagoona ka markhaati kacay Wargeysku in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kana bad-baaday mashaqada ka jirta Somaliya. KCW-Today wuxuu intaas ku daray in Somaliland uu madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi, oo hore u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku xusay in Somaliland ay leedahay ciidammadeeda Booliska iyo lacag u gaar ah. Wuxuuna xusey Wargeysku inay Somaliland qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay wada-hadalo kula yeelato Qarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo dalal ay ka mid yihiin UK iyo Mareykanka. Wargeyska KCW-Today ayaa ugu dambeyntiina wuxuu warbixintiisa ku sheegay haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inay talaabadaasi noqon doonto mid xiiso leh oo lagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuu qabsoomo horaanta sannadka 2020-ka. Halkaan ka daawo ismiidaamiyihii Kismaayo oo beel lama filaan kasoo jeedo Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka ka safraya dalka iyo dalka soo galaya ayna ku jiraan dadka Xujeyda ah looga baahan yahay in ay qaataan Tallaalka aasasiga ah ee ay bixiso wasaaradda. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa lagu yiri” Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayadoo gudaneysa waajibkeeda kuna howlan hubinta caafimaadka isku-gooshka dalka waxa ay bulshada la wadaageysaa qodobadaan soo socda” Tallaaku waa ma’uuliyad farsamo oo u gaar ah wasaaradda caafimaadka sidaa darteed, wasaaraada caafimaadka bulshada Soomaaliyeed uga digeysaa isticmaalka Tallaalka aan buuxin shuruudihiisa looga baahnaa , lana hubin habraacyada loogu talo galay isticmaalka iyo shaqaalaha ka shaqeynaya Tallaalkaas. Wasaaradda caafimaadka waxay bixisaa adeegyada Tallaalka aasasiga ah kuwaas oo bulshada oo bulshada guud ahaan ee dalka. Sida ku cad sharciga isku-gooshka caafimaadka ah,2005 internatinal Health Regulation.2005. qof oo safraya waa in la hubiyaa inuu qaatay Tallaalka aasasiga u ah safarkiisa lana buuxiyaa tilmaamaha laga rabo masaafir kasta iyadoo la raacayo hadba tilmaamaha ku kala xusan goobta loo socdo iyo halka laga safrayo,sidaa darteed wasaaradda caafimaadka xuduudaha port Health of Unit. Waxaana musaafiriinta dalka dalka dibadiisa ka imaanaya iyokuwa ka dhoofaya laga doonayaa inay raacaan tilmaamaha caafimaadka ee laga rabo musaafir laga rabo. Qaadashada Buug Tallaal oo been abuur ah danbi xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah ee caafimaadka musaafirka, ciddii ku safarta Buug been abuur ah iyada ayaa qaadaysa ma’uuliyada wixii ka soo gaaro oo dhib u geysan kara musaafir iyo isku socodka dalka. Dhowrista, la socodka, hubinta iyo ka warqabka caafimaadka Xujeyda waa ma’uuliyadda howlaha ay sida gaarka ah ay ugu xilsaaran tahay wasaaradda caafimaadka mana jiro ,mana jiro cid uga wakiil ah ama loo igmaday inay gutaan waajibkaas, sidaa tarteed wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada iyadoo raacayso Qodobada iyo Tilmaaha ay isku waafaqeen wasaaradda caafimaadka boqortooyada Sacuudiga waxay diyaarineysaa dhamaan wadiiqooyinkii ilaalinta caafimaadka Xaajioga iyo helitaanka daryeel caafimaad ee ay uu u baahan karo Xaajiga inta uu gudanaayo waajibka Xajka. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada waxay ugu baaqeysaa dhamaan ha’adaha wasaaradaha iyo Ururadaku howlan isku socodka iyo isku-gooshka dad weynaha inay dhoowraanshuruucda caalamiga ah isku-gooshka caafimaadka sidoo kalana la dhowro xeyndaabka shaqada iyadoo lagu tixgalinaayo waajibaadkeeda iyo mas’uuliyadka ka saran isku-goosh safarka. Dhamaad Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. National Employment Forum which was attended by the Federal Ministry of Labour, Ministries of Labour of Federal Member States and Benadir Regional Administration was Wednesday concluded in Garowe, capital of Puntland State of Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. Maanta waxay kulansatay labo dhacdo oo taariikh madow ku leh baalka dawladnimada Soomaaliya. Waxaa habeenkii 17 kii Juulay ee sanadii 1989 aqaladooda lagala baxay 47 [...] Source
  14. (SLT-London)-Dowlada Ingariiska ayaa lagu eedeeyay in ay midab-takoor ku heyso muwaadiniinta u dhashay qaarada Afrika ee doonaya inay siyaabo kala duwan ku tagan Ingiriiska. Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasaarada arrimaha gudaha UK ay sabab u tahay dhibaatada iyo midab kala sooca ay la kulmayaan dadyowga Afrika. Waxyaabaha ugu weyn ayaa lagu sheegay warbixinta inay tahay dhanka dhaqaalaha iyo in aan xil la iska saarin codsiyadooda ay ku dalbanayaan Vissaha Uk. Kate Anoloue oo ah guddoomiyaha magaalada Enfield ee dalka UK oo ka hadashay arintaan ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay habdhaqan wasaaradda arrimaha gudaha Ingariiska. Ugu danbeyn warbixintaan ayaa lagu soo koobay in muwaadiniinta Afrika ay ku dhibtoodaan codsiga Visaha marka loo eegoo shacuubta kale ee ka soo jeeda dalalka kale ee Caalamka. Source
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah: 1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). 2. Dr.Cali Siciid Fiqi. 3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. 4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli). Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida. Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah: 1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland. 2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan. 3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan. 4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada. 5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-17072019.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Wararkii U Dambeeyay Ee Markabkii Xoolaha Ahaa Ku Xannibnaa Sucuudiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi u qaabilsanaan doonta wada hadallada Somaliland iyo wuxuu ugu yeedhay dib u heshiisiinta waxaanay Soomaaliya ku meteli doonan wada hadalka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay jirto kalmad uu eeday intii ay wadeen barnaamijka Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Prof Samatar ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Prof Galeyr ayaa sheegay inuu eeday odhaahda ah ‘Somaliland la wada leeyahay’ taasi oo dhowr jeer oo hore uu si adag uga hadlay barnaamijkii Tabliiqa Siyaasadeed. Galeyr ayaa ka dhawaajiyey in bulshada reer Somaliland looga baahanyahay inay si adag u xisaabtamaan, isagoona xusay in Tabliiqa Siyaasadeed uu wax badan u soo hooyay siyaasada Somaliland. Prof. Cali Khaliif Galeyr, ayaa arrimahaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey madal lagaga doodayey waxyaabihii Somaliland u qabsoomay intii ay jirtay, wuxuuna yiri: “Waar bahashan yaan la moodin qofku hadduu dhulkana u dhashay kuna da’daalayo daacadna ka yahay is qiimayn adag in lagu cunsuriyadeeyo oo lagu dhaleeceeyo oo tuke baal cad laga dhigo, aniga iyo Axmed Ismaacil Samatar waa inaga maqan yahay ee laakiin waa dhawayd tabliiq siyaasigii aan meelahan ka bilownay, hadda ogaada waa arin xiisa leh dad badan oo xasaasiyad ka qabayna waa ay jiraan”. “Somalilad waxay u soo hooysay inay tahay siyaasad ahaan qaangaadh, oo hoggaan qaangaadh ah ay leeyihiin hadayba soo dhawaynayaan oo si urursan ay qiimayntaas adag loo samayn karo, hadda sida aad adigu isku taqaan maaha ee Somalilandneey waa sida laguu yaqaan, Somalilandneey taas ogaada waa laynoogu sad kordhinayaa haddii dimuqraadiyada aynaan ku laafiyoonayn, laakiin wax yaalo loo baahan yahay oo aan laga tagi karayn ayaa jira oo doodan iyo fooramka halkan laga hayaa ay ka mid tahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anigu waxaan daacad ka ahay oo aanan cidna u cadaynayn reer Somaliland ayaan ahay laakiin reer Somaliland isku wada sumado ma nihin, isku taariikh ma nihin laakiin yoolka aynu wada leenahay kaas ayaa inaga dhaxeeya cidna lagama sheegan karo, warkii laygu canbaaraynaayay ma wada odhanaayo Somaliland la wada leeyahay waanba eedaye, taas iyada ka hadliba maayo”. Halkaan ka daawo ismiidaamiyihii Kismaayo oo beel lama filaan kasoo jeedo Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Guddiga Kooxda Villa Somaliya Maanta U Magacawday Wax Loogu Yeedhay Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya Waa Guddi Aan Jirin Wax Xil ah Rasmi Ahna Aan U Hayn Kooxda Villa Somaliya Xubnaha Guddigan Waraabe U Taaga Ah Hadii Aan Qof Qof U Dul istaago Waxay Kala Yihiin (1) Xildhibaan C/llahi Sheekh Ismaaciil Waa Nin Biyo Maal Oo Aad U Ku Fogyahay Nacaybka Somaliland Weliba Reerka Layidhaado Reer Sheekh Isaxaaq Waa Nin Xiligii C/llahi Yusuf Ee Isagu Ahaa Wasiir Arimaha Debeda TFG Sadex Jeer Warqada Joojin ah U Qoray Maxkamadii Qaadaysay Kiiskii Cali Samater Waa Ninkii Hogaaminayey Mooshinkii DP World iyo Mooshinkii Saldhiga Berbera ka dhanka ahaa Waa Nin Dhamaan Doodihiisa Ku Weerara Somaliland Laakiin Waa Nin Aan Ka Wadli Karin **********ta Hooyadii Marka Ku Dishay Dadkiisana Biyaha Webiga Shabeele Ka Iibiya (2) Janaraal C/raxmaan Guulwade Waa Ninkii Guulwadayaashii Kacaanka Haysan Jiray Ee Siyaad Bare Gabadhiisa Siiyey Kacaanimo Darteed Waa Aaminsan In Kacaan siyaad Bare Ay Macsuumiin Ahaayeen Reer Ahaana Waa Sheekhaal Hadana xil Mahayo (3) Amb Cali Fiqi Waa Safiirka Biljamka Ee Kooxda Villa Somaliya Waa Tuni Ah Reer ahaan Waa Magacyare Siyaasadeed Ah Oo Awood Kale Lahayn (4) C/raxmaan Baadiyoow Waa Askri Hore Wadaad Al Islaax Weyn Somaliland Aad u Neceb Reer Ahaan Waa Abgaal Wuxu Ku Mushahar Qaataa La Taliye Waa Qootoqooto (5) Cali Axmed jaamac Jengeli Waa Nin Somaliland Ka Ridoobay Waa Reer Ahaan Sool clan Reer Buuhoodle Sharci Maaha in La Hor Fadhiisto Kooxda Villa Somaliya iyaga Oo Guddugooda Dad Reer Somaliland ahi Ku Jiraan (6)Janaraal Axmed Jaamac Muuse Waa Taliyihii police Dhawr iyo sideetamaadkii Ee Kacaanka Waa Ninkii Aan Aqoon Meel Ka yimi Iyo Meel Kale Waa Xabadi keentaygii Cadmeed 1964 Weli Xamar sooma Dhaafin Waa Saacadu Kaga Fadhiisatay Xiligii Siyaad bare Waqtigii Uu Xilka Hayey Reer Somaliland Way Naanaysi Jireen Naaleeye Habacsane Reer ahaan H/jeclo Reer Ceerigaabo Ugu Dambay Waxani Guddi Wax Ka Go.aan Maaha Ee Waxaan Leeyahay Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland Yaanay Waqti Iskaga Lumin Farmaajo Oo Sanad u Hadhay in La la hadlo Waqti kordhin Ayuu ku Rabo Ee Ayaa Loo Samayn Jaanis cusub Allah Mahad Leh Cabdiqani Maxamed Qaran News
  21. Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah: 1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). 2. Dr.Cali Siciid Fiqi. 3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. 4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli). Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida. Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah: 1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland. 2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan. 3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan. 4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada. 5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u naqdiyay munaasibad xalay uu Taliyaha Booliska Soomaaliyeed uu ku dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka, taasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in Saadaq John oo kamid ahaa Taliyayaashi xalay la dalacsiiyay uu geystay xasuuq ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, oo uu ku dilay shan askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka. Cabdiraxmaan ayaa talaabadan lagu dalacsiiyay Saadaq John ku tilmaamay sida uu Maamulka Villa Somalia ka taliya uu uga arradan-yahay dowladnimada iyo damiirka dadnimo. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona sheegay in sawirka abaal-marinta lagu gudoonsinayo Saadaq John ay marqaati fur u noqoneyso gabood-falka xasuuqii ka dhacay xarunta xisbiga Wadajir, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Waxay ummada Soomaaliyeed wada ogsoon tahay in wiilkan garaadaha sareeya guuto caawa loo xiray uu xasuuq ka gaystay xarunta Xisbiga Wadajir oo uu 5 askari oo ciidanka xooga dalka ka tirsan ku dilay, maydkoodiina kabaha ku aasay. Tani waxay cadayn u tahay in kuwa abaalmarinta siinaya iyo kuwa kor ka soo amray ay danbiga shirko kula yihiin, waxayna shacabka Soomaaliyeed tusaysaa sida uu rajiimka Vila Somalia ka taliyaa sharci, dawladnimo, damiir iyo dadnimo kaga arradan yahay. Waxaan kalsooni ku qabaa in wiilashii la xasuuqay mar ay noqotoba ay cadaalad heli doonaan, sawirkaninna uu marqaati fur u noqon doono gaboodfalka xasuuqii uu rajiimka Vila Somalia ka arrimiya geystay”. Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Soomaaliya Weerar Ku Soo Qaadday Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source