Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,056
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimadda Online) – Somaliland ayaa War kasoo saartay Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loo xil saaraay Wada hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in guud ahaan aysan aqbali doonin in ay la fadhiisato Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo. Warka Somaliland ayaa siddaan u qornaa: Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: 1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska. Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo. 2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka. Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay. Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa. Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Russia is ready to sell its super-maneuverable Sukhoi Su-35 fighter jets to Turkey, head of the Russian state conglomerate Rostec said Thursday. Source: Hiiraan Online
  3. Dozens of British politicians, including the Labour Party's leader, Jeremy Corbyn, and Mayor Sadiq Khan of London, are among those to sign an open letter expressing solidarity with Rep. Ilhan Omar and the three other US congresswomen targeted by President Donald Trump in recent days. Source: Hiiraan Online
  4. Drought-hit families in a village in Dhobley, in southern Somalia’s Lower Juba region, are faced with a stark choice between buying water and sending their children to school. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan. Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan. Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowlada Uganda ayaa ku dhawaad 2,000 oo askari usoo diraysa Soomaaliya kuwaas oo tababar loogu soo gabagabeeyay gudaha dalka Uganda. Ciidamada tababrkan loo soo gabagabeeyay ayaa tiro ahaan gaaraya 1,828 askari iyagoona qayb ka noqon doona hawlgalka midowga afrika ee Amisom. Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, General Wilson Mabadi, oo lahadladay ciidamadan kadib markii loosoo gabagabeeyay tababarka ayaa kula dar daarmay in si hufan ay ugutaan waajibaadkooda shaqo. “Waxaad ka tageesaan Uganda si aad u aadaan ugana biirtaan ciidamada xasilanaya Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda” ayuu hadalkisa sii raaciyay General Mabadi. Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale dhankiisa kula dar daarmay in ay ciidamada tababarka loosoo gaba gabeeyay ay u shaqeeyaan si ay ku jirto Wadaniyad iyo Akhlaal. Tababarka saraakiishan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiil Militari oo ukala dhalatay wadamada Holland, Britain iyo Mareykanka. Hawlgalka ciidamada Amisom ayaa lagu waday in guud ahaan dalka ay iskaga baxaan markii lagaaro horaanta sanadka 2021 iyadoona sidoo kale qorshuhu ahaa inta ka horeyso waqtigaasi in ciidamada nabad ilaalinta midowga ee Amisom loo dhimo si tartiib tartiib ah. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Qoraal digniin ah oo kasoo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto ; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta. Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan. Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka , si ay Shacabka ugu badbaadaan dhibaatada soo gaarta marka ay ka mid yihiin qaraxyada iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga , iyagoo wacaya 991 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. A total of 1,828 officers and men of UPDF comprising of UGABAG XXVIII and UNGU VI have on Wednesday 17 been flagged off to Somalia by Lt Gen Wilson Mbasu Mbadi, the Deputy Chief of Defence Forces, at Singo Peace Support Operation Centre in Nakaseke District. Source: Hiiraan Online
  9. Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan. Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan. Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-18072019.mp3 View the full article
  11. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xalay magacaabay Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug. Guddigan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, Waxaana durba la hadal hayaa fadeexad culus oo ka taagan guddigaas. Inta badan guddigaan la magacaabay waa la Taliyaasha Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha, waxayna taas muujisay qorshaha ay Dowladda ku dooneyso inay ku qabsato Galmudug. Sidoo kale Guddiga waxaa ku jiro ilaa 3 xubin oo matalayo Ahlu Sunna. Guddiga ayaa intooda badan ah shakhsiyaad aad u taageero Nabad iyo Nolol, waxaana durba qeylo dhaan kasoo muujiyey siyaasiyiin badan. Shabakadda Caasimadda Online ayey u suurtagashay inay hesho magacyada iyo qabiilada Guddiga la magacaabay iyo mid kasta shaqada uu qabto, waana sida hoos kaaga muuqato 1) Cabdiraxmaan Macalin Cabdillaahi Baadiyow,Wacaysle, La taliyaha Farmaajo 2) Maxamed Nuur Gacal, Murusade, La taliyaha Xafiiska Kheyre 3) Aadan Cusmaan Xuseen, Shiikhaal, La Taliyaha Xafiiska Kheyre 4) Maxamed Maxamuud Gacma-Dheere, Saleebaan, La Taliyaha Xafiiska Kheyre 5) Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, Ceyr, Ahlu Sunna 6) Xasan Maxamed Jimcaale, Duduble, La Taliyaha Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal 7) Amb. Cabdi Xaaji Liibaan (Dhabancad) Sacad 8) Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) Saruur, La Taliyaha Xafiiska Kheyre 9)| Cabdi Maxamed Jaamac, Mareexaan,La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo 10) Mahad Aadan Guuleed, Mareexaan, Ahlu Sunna 11) Cabdullaahi Aadan Xaashi, Surre, Alu Sunna 12) Sahra Colaad Cabdi, Beesha Shanaad, La Taliyaha Xafiiska Kheyre, waana Xaaska General Bashiir Goobe Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed Jubbaland,ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo mursharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynanaha Jubbaland. Warqad qoraal ah oo ka so baxday xafiiska guddiga madaxabanaan oo fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo, ayaa lagu sheegay ilaa dhowr qodob kuwaas oo laga rabo in ay soo buuxiyaan murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowled gobaleedka Jubbaland. Warqadaan ay soo saareen guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Jubbaland ayaa loogu baaqan dhamaan murashaxiinta , in arjiyadooda.ay soo gudbiyaan laga bilaabo 16-7-2019-ka ilaa 22-7—2019-ka Halkaan ka aqriso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Jowhar (SMN ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha maamulkaasi Maxamed Maxamuud Cabdulle. Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay Cabdishakuur Abuukar Xasan. Xilka qaadista wasiir Maxamuud Cabdulle ayaa lagu sheegay in Hirshabeelle ay xillgan u baahan tahay isbeddel dhinaca Maaliyadda ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  14. Cabdirisaaq Cumar Faarax, Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Puntland Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax oo 8-dii bishan July magacaabay Madaxweyne Deni. Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay taariikh nololeedkiisa, wuxuu sameeyay dhawr balan-qaad oo ay kamid tahay la dagaalanka musuqmaasuq iyo hubinta kharash dawladda. Intaaas kadib 40 Xildhaaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa codka xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud Cabdirisaaq Cumar Faarax. Ugu dambeyna Garyaqaan guud ee Puntland ayaa Baarlamaanka ku hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka. Hoos ka daawo khudbadii Guddoomiyaha Hanti-dhawrka iyo xasaanad siintiii Baarlamaanka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka appeared first on Puntland Post.
  15. Egypt’s second-largest state bank, Banque Misr plans to enter Djibouti’s banking market as it bets on continued overseas expansion, chairman Mohamed Mahmoud Eletreby said on Monday. Source: Hiiraan Online
  16. Kismaayo (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta shaaciyey shuruudaha laga rabo musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in isdiiwaan gelinta ay ka bilaabaneyso maanta o Khamiis ah, kuna egtahay maalinta Sabtida ah oo ku beegan 20-07-2019-ka. Lacagta isdiiwaan gelinta ayey guddigu ku sheegeen $30,000 (Soddon kun) oo dollar oo laga doonayo ragga Musharraxiinta ah, halka haweenka bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta. Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan. Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga , iyagoo wacaya 991. Halkan hoose ka aqriso: DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga. #Mogadishu #SPF991 View the full article
  18. Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada iyo xuduudaha ee dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay Jaantuska isdiiwaangelinta iyo shuruudaha doorashada Madaxweynaha. Warqadaha ka soo baxay Guddiga ayey ku sheegeen in isdiiwaangelinta musharrixiinta ka billaabaneyso maanta oo Khamiis ah kuna egtahay maalinta Sabtiga ah. Shuruudaha Musharrixiinta ayey sidoo kale shaaciyeen Guddiga waxaana ka mid ah bixinta lacag gaareysa $30,000 (Soddon kun) oo doollar. Sidoo kale waxaa shuruudaha ka mid ah musharrixiinta Haweenka ah in ay bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah. Qodobada kale ayaa waxaa ka mid ah warqadaha dambi la’aanta, sawirro teesare ah iyo qorshaha musharraxa. Sidoo kale qodobada waxaa ku jiro inuusan isisoo sharixi karin musharax qabo naag ajnabi ah, waxaana la rumeysan yahay in qodobkaan lagu xakameenayo musharaxa Dowladda ay wadato Oomaar oo la sheegay inuu qabo xaas Ajnabi ah. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa soo saartay digniin la xariirta amniga magaalada Muqdisho. Zakiyo oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayaa sheegtay in maanta oo ah 18-07-2019-ka laga bilaabo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista baabuurta. Sidoo kale waxa ay ka dalbatay wadayaasha gaadiidka in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhigayaan gaadiidkooda. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ayaa intaasi ku dartay ciddii u hoggaansami weyso amarkan in gaariga ay kala wareegi doonaan hay’adaha amniga. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso qoraalka: DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga. #Mogadishu #SPF991 Ammaanka Muqdisho oo ay haatan si weyn u sugayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay geystaan Al-Shabaab. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa arbacadii wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Ugu horeyn, taliyahii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Adimral Faarax Qare oo Goobjoog News kala hadlay sharci ahaanta madaxweyne inuu shaqo u diro xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ah hey’ad ka madaxbannaan fulinta ayaa difaacay tilaabadaas, isaga oo intaasi raaciyey in ay tahay “ad hoc committee” ama guddi qabanaya shaqo gaar ah, waqti gaaban, howshuudana xadidan tahay, sidaasi darteedna uu madaxweynaha xaq u leeyahay inuu sidaasi sameeyo. Dad badan ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay khibradda guddigan la magacaabay iyo kartidooda ku aadan ka miro dhalinta wada hadallada iyo midnimo lala gaaro mar kale Somaliland. Haddaba, Wax Ka Baro, Taariikhda Shakhsiyaadka uu Magacaabey Madaxweyne Farmaajo: Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiyaha guddiga, waxaa oday da’a ah, waxaa uu 1964-tii ahaa tarjubaanka baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo afaf badan wax ku qori jiray ilaa markii dambe xukuumaddii Cali Maxamed Geedi ee madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo ka noqday wasiirka arrimaha dibadda, hadda waxaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Dadka qaar ayaa ku dhaliilo go’aanno uu horay uga qaaday siyaasadda iyo shakhsiyadiisa. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), Waa nin da’ ah, waxaa uu soo noqday Komandos, Taliyaha guul-wadeyaasha, Safiirka Soomaaliya ee dalalka Masar, Sacuudiga iyo Djibouti, waxaa kale uu noqday wasiiru-dowle, markii ay dowladdii Maxamed Siyaad dhaceysay waxaa uu ahaa taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaa kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa isna lagu dhaliilaa in aanu aheyn qof adag, oo dhiifoon. Maxaa Kale Oo Aan Ka Naqaanaa Dadka Guddigan Ku Jira: Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) : Waxaa uu dhashay 1954, waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaa uu wax ku soo bartay jaamacadda Odesa ee Ukrain, waxaa uu Macalin ka ahaa Jaamacadda Gaheyr, kadib markii dambe waa goostay waxaa uuna Jaamacadda Magel ka diyaariyey cilmiga taariikhda PhD ayuu heystaa. Waxaa lagu dhaliilay iney ku yar tahay khibradda diblomaasiyadda iyo wada hadalka. Dr.Cali Siciid Fiqi: Waxaa uu noqday Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Faransiiska, Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, February 16, 2017, madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah ka dhigay agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaa uu ka soo shaqeeyey UNESCO iyo ururo kale, Bare ayuu ka noqday University of Palermo, Italy, waa uu PhD ka qaaday Leipzig University. Waxaa lagu dhaliilay fudeyd iyo xanaaq. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse: Waxaa uu PhD ka heystaa cilmiga ciidanka, waa waayo arag, soo bartay istaraatiijiyadda, 1987-dii waxaa uu soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade. Isaga iyo ninka dambe waxaan la ogeyn iney saameyn doonto ka tirsanaanta ciidanka iyo haddii ay geysteen wax caburin ah xilligii ay ahaayeen taliyeyaasha ciidamada booliiska. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli): Waa shakhsi muddo ku soo jiray siyaasadda, waxaa uu horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda iyo sidoo kale duulista hawada Soomaaliya, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka mid noqday xildhibaannada golaha shacabka. Waxaa isna lagu dhaliilay go’aanno badan uu ka qaatay siyaasadda arrimaha dibadda gaar ahaan dhanka Itoobiya. Ugu dambeyntii, Shakhsiyaadkan uu hadda xulay madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka duwan da’a ahaan iyo aqoon ahaanba kuwii ay Somaliland diiday iney hor fariisato March 2015-kii, lamana oga sida ay uga fal-celin-doonaan, laakin khubaro la hadlay Goobjoog News ayaa ku taliyey in marka hore ay haboon yahay in laga wada hadlo “wada hadalka”, lagana bilaabo wax la isku raacsan yahay, oo siyaasadda aan lagu bilaabin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Washington)-Isku soo bixii ugu horeeyey ee Madaxweynaha dalka Maraykanku Donald Trump uu ku doonayo in dib loogu doorto mar kale sanadka 2020 ayuu dib ugu cusboonaysiiyey dagaalka dhinaca midabka oo uu ku qaaday afarta balood eek u jira aqalka Kongres-ka dalka Maraykanka. Waxaana dad taageersan Madaxweynaha dalka Maraykanka ay ku qaylinayeen “Dib iyada u celi’ “Send her back!”, waxaana afarta hablood ee dagaalka uu kula jiro Madaxweynaha dalka Maraykanku ka mid ah gabadha ku dhalatay Somalia ee Ilhan Omar oo laga soo doorto Minnesota. Madaxweynaha dalka Maraykanku waxa uu carabka ku dhuftay xili uu taageerayaashiisa uu kula hadlayey Greenville ee North Carolina arbacadii shalay wuxuu sheegay in ay iska tagi doonaan hadii aanay jeclayn Maraykanka iiyo siyaasadihiisa ku wajahan Muhaajiriinta iyo difaacida Israel. Hase yeeshee hadaladan iyo dagaalkan ka dhanka ah Afarta Hablood ee ku jira Aqalka Congress-ka ayaa keenay cambaarayn xoogle oo Madaxweyne Donald Trump disha loo saaray inuu u dhaqmayo hab cunfi iyo cunsuriyadi ay ku dheehan tahay. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden oo ka mid ah masuuliyiinta si weyn u cambaareeyey hadalada cunsuriyada ah ee Madaxweynaha dalka Maraykanka ka soo yeedhaya ayaa tilmaamay in hadalada noocaas ahi aanay dhisaynin America Balaadhan, waxaanu hadal qoraal ah oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka uu ku sheegay in “Xubnaha Congress-ka – ee ah caruurtii muhaahiriintu, ee sida kuwo badan oo inaga mid ahi – waxa ay tusaale u yihiin waxa Maraykanka ka dhiga Mid weyn,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden. Source