-
Content Count
209,056 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, ayaa dhalinyarada reer Puntland ku boorriyay in ay mar kasta hormuud u noqdaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida ay Puntland kaga horumartay degaannada kale ee Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in horumarka iyo barwaaqada ay Puntland gaartay tan iyo markii la aas’aasay ay sal u yihiin nabadgelyada, xasiloonida iyo kala-danbaynta ku dhisan nidaamka dowladnimo, sidaasi darteedna loo baahanyahay in la ilaashado xasiloonidaasi. Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in Puntland ay maanta gaartay, heer ay marti-geliso shir weyne maal-geshi oo caalamiya, ayna soo jiidato shirkadaha maal-geshiga ee dunida, islamarkaana uu si xawliya uga socdo qorshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in dhammaan arrimahaasi ay ku yimaadeen nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland. “Waxay Puntland maraysaa maanta heer shirwayne lagu casumay maal-gashiyaal caalami si loo maalgashado Puntland taas oo rajo wanaagsan laga qabo insha Allah.Waxaa sidoo kale, meel wanaagsan maraya qorshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyo galinta, maalgashi caalami ah, Goroonmada diyaaradaha, dakadaha, goroomada lagu ciyaaro iyo wixii lamid ah”. ayuu yiri wasiiru-dowlaha. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada xasuusiyay in nabadgelyada iyo xasiloonida maanta Puntland lagu harsanayo aysan si fudud ku imaan, balse ay xabaalaha ugu jiraan boqollaal ka tirsan askarta Puntland oo naftooda ku waayay iyagoo Puntland ka difaacaya cadow kala duwan oo isku dayay in ay wiiqaan xasiloonida iyo jiritaanka Puntland. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo dhalinyarada ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu qortay bishaan July dhalinyaro ku amaana baraha Bulshada ku kulmaan ee Facebook iyo qaybaha kale ee Internet-ka. Dhalinyaraan oo u badan reer Muqdisho ayaa si xowli ah u shaqa galay todobaadkii la soo dhaafay waxaana dhamaantood loo soo dirayay qoraalo isku mid ah oo laga soo diyaariyay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Hada shaqada ay qabanayaan ma’ahan amaanta Madaxweynaha waxaase lagu bilaabay in ay buun buuniyaan Shirka isla xisaabtanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Shacabka degaankaas oo wali socda. Inta ugu badan dadkaan ay qoratay Madaxtooyada Koonfur Galbeed waa wariyaal ka howlgala Warbaahinta magaalada Muqdisho mana ahan Wariyaal asal ahaan ka soo jeeda degaankaasi. Lacagta ay mushaar ahaan u qaataan ma badna waxayna u dhaxeysa 60$ ilaa 150$ sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Madaxtooyada Baydhabo. Wariyaasha qaar ee loo qoray 60$-ka doolar ayaa lacagtooda waxay soo martay dulaal waxaana midka ugu yar madaxtooyada uga diiwaan gashan 100$. Tallabada uu qaaday Lafta-gareen ayaa waxa uu ka soo min guuriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiisayda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo lacago kumanaan dollar ah bil walba ku qarash gareyn jiray taageerayaal ay ka sameesteen baraha Bulshada ee Internet-ka. Lafta-gareen ayaan caan ka ahayn deegaanka uu madaxweynaha ka yahay ayada oo ay ugu wacan tahay in la rumeysan yahay inay meesha keenta Villa Somalia, iyo in xilkan laga hor-istaagay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo weli u xiran dowladda federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa ka hadlay guddiga qaran ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Dib-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. Mustafe Shiine ayaa sheegay inuusan Madaxweyne Biixi marnaba aqbaleyn guddiga uu Farmaajo u magacaabay wada-hadaladaasi, isagoona shaaciyey qodobada uusan Biixi u aqbaleyn guddigaasi. Mustafe ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey fariimo uu sheegay inay muujinayan daacad darada Farmaajo ee ku aadan wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland. Mustafe Shiine, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook, isagoona Muuse Biixi u soo jeediyey inuusan wada-hadal la furin dowladda Somaliya inta uu Madaxweynaha ka yahay Farmaajo, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Seddex qodoba waxa ay tahay inaanu madaxweyne Muuse aqbalin guddida iyo qaabka uu Farmaajo u soo magacaabay guddida uu soo xulay. *Tan koowaadee magaca guddida oo uu ka dhigay dib u heshiisiin iyo wada hadal. * xubnaha guddida ku jira oon lahayn awood dawladeed, kuwaasi oo uu ka soo xulay suuqa ama qaarkood ay ku siman yihiin la-taliyayaal. * Iyo xubnaha oo ay ku jiraan laba oday oo reer Somaliland ah. Waxa kale oo daacad darada Farmaajo inoo cadaynaysa in laba qodob oo ah fariin xagiisa nooga ka socota,kuwaasi oo ay tahay inaanu ku diidno, iyadoo ay fariintu tahay sidan :- * In magacaabida guddida uu ku beegay maalintii 47 qof ee reer Somaliland lagu xasuuqay xeebta Jaziira. *Iyadoo uu guddida ku jiro taliyihii bileyska ee maalintaa xilka hayay iyo guud ahaan xilka nabadgelyada wixii Soomaaliya la odhan jiray,kaasi oo ah jananka Somaliland ka soo jeeda. * Iyo iyadoo uu xubin ka yahay taliyihii guulwadayaasha oo ah mid ka mid ah daaquudadii uu sodoga u ahaa Siyaad Bare. Fiiro gaar ah;- uma jeedo in nin walba oo uu sodog u ahaa Afweyne uu denbiile yahay way jireen rag wanaagsan oo xitaa qaar ay wasiiro noqdeen sida Gacamay oo reer Sanaag ah. Sidaa daraadeed waxaan soo jeedin lahaa in madaxweyne aad qaadatid mowqif ah in aanay Somaliland wada hadal la galayn Soomaaliya inta uu Farmaajo madaxweynaha ka yahay Villa Wardhiigley”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wax-garad Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku baaqay in wada hadalka Somaliland ay noqdaan kuwa si qoto dheer looga baaraan-degay. Indheer-garadkan oo ka qeybgalyey barnaamijka Maxaa ka run wixii la sheegay ee Idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in wada xaajoodyaddu noqdaan mirodhal. Aqoonyahanka ayaa soo jeediyey in wada hadalada laga qeybgeliyo xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah. Halkan hoose ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-3.mp3 View the full article
-
Washington (SMN) – Ilhaan Cumar ayaa si cad waxay u sheegtay in uusan marnaba cabsi gelin karin madaxweynaha Mareykanka. Donald Trump ayaa waxa uu horey hadalo cunsurinimo ugu weeraray gabadhan ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Ilhan ayaa mar sii horeysay waxay Trump si diiran ugu soo dhaweysay gobolka laga soo doorto ee Minnesota. Iyadda oo la hadleysay taageeroyaasheeda waxay uga mahadnaqday garab-istaagooda, markii ay weerar kala kulantay Trump iyo xulafiisa. Xildhibaanadan asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda ayaa wadankaasi Mareykanka waxay ku gashay qaab qaxooti ah markii ay dalka uga carartay colaad. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duqayn xoog leh oo loo adeegsadey diyaaradaha nuuca dagaalka ah ay ka dhacday Deegaanka Kunya-barow ee gobolka shabelada Hoose. Duqeynta ayaa lasheegey in lagu beegsanaayey Sarkaal sare oo Ka tiraanaa xarakada Al shabaab una qaabilsanaa Siyaasada guud ee Xarakada Al shabaab. Sarkaalkaan ayaa laduqeeyey xilli uu ku jirey safar dhulka ah, isla markaana labo gaari uu watay oo xiligaasi kuyabarow duleedkeda marayay. Xiriiro aan lasameynay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida oo kusagan shabeeleha hoose ayaa sheegey in howlgalka iska kaashadeen ciidamada mareykanka oo fadhigoodu yahay Beleddoogle iyo sirdoonka soomaaliya. Saraakiishan ayaa xaqiijiyey in uu ku dhintay weerarka hogaamiye sare oo katirsanaa alshabaab oo magaciisa lgu soo koobay Maxamad isla markaana ahaa madixii siyaasada guud ee alshabaab iyo Taliyaha xabsiyada qarsoon ee alshabaab iyo 2 askari oo kale oo ilaaalo u ahaa. Duqeynta ayaa lasheegey in cecelis ahaanay ku dhinteen 4 ruux 2 masuul iyo ilaaladooda ah sida Saraakiishaasi xaqiijiyeen. Lama soo sheegin wax Khasaaro ah oo dadka deegaanka soo gaarey waxaana adag in dadka deegaanka lahelo xilliga oo habeen ahayd awgeed. Wixii kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa View the full article
-
Xeraale (SMN) – Ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud. Xoogagan ayaa kamid ah kuwa ay dhowaan xukuumadda federaalka ah u qarameysay dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha horkaceysay ciidankaasi ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonan nabad-gelyadda tuuladaasi muhiimka ah. Dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay bilaabeyso howlgalo lagu xoreynayo degaanka ay Galmudug ka haysato Al-Shabaab. View the full article
-
For the past eight months, home to Dahabo Abdullahi has been a hut made of sticks and plastic sheeting in a “privatised” camp in the Somali capital. Like many of the more than half a million displaced people living in and around Mogadishu, she pays a “gatekeeper” part of her food ration every month as an entry fee and for the provision of basic services. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay siyaasadeysay ganacsiga iyo dhaqaalaha Somaliland. Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shaaciyey in madaxda waddanka ay ka shaqeynayaa isu soo dhowaanshiyaha umadda Soomaaliyeed. Mr Khadar ayaa intaasi raaciyey in markabkii siday xoolaha ee ka baxay degaanada Somaliland ee ku xayirnaa Sacuudiga xayiraada laga qaadey. Hadalkan ayuu ka dhawaajiyey ku simaha wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya xili uu warbaahinta la hadlay. Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo maamulka Somaliland uu dowladda federaalka ku eedeeyay in uu saaray cadaadis dhinac kasta ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-19072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xassan, ayaa Shalay Galab sagootiyay dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaaliya. Sheekh Nuur, ayaa Alle ugu mahadceliyay sida ay howsha ugu fududaatay, wuxuuna intaa raaciyay in Magaalada Makka ay Xujeyda Soomaaliyeed uga sii hor mariyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo ka saacidi doono wax kasta oo ay u baahan yihiin. “Waxaan daahfurnay nidaamka Fiiso bixinta Xajka annaga oo sagootinnay dufcadii 1-aad ee xujayda Sanadkan 1440/ 2019,” ayuu yiri Wasiirka. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn khasaaro geysatay ay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka Kuunyabarow ee gobolkaasi. Sida la sheegay duqeyntani ayaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan oo Al-Shabaab , xilli uu marayay duleedka deegaankaas. Ugu yaraan afar ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhintay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Afarta qof ee dhintay ayaa kala ahaaa labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyo labo dagaalame oo lagu sheegay inay ilaalo u ahaayeen saraakiishaasi. Lama oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliye koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo Al-Shabaab oo la xariira duqeyntaasi. Weerarkan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Kulanka-Jimcaha-19072019.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay amniga deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud. Dowladda ayaa Xeraale geysay ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga, gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sida aan wararka ku heleyno ciidamadani ayaa durbo fariisimo cusub ka sameystay gudaha deegaankaasi. Generaal Yuusuf Kaanti oo ah taliyaha qeybtaasi ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay inay muujiyaan karti, dul-qaad iyo mas’uuliyad dheeri ah. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada dowladdu islamarkiiba howlgallo amni xaqiijin ah ay ka bilaabeen halkaasi. Waxgaradka deegaanka Xeraale ayaa horay askar, gaadiid iyo hub ugu wareejiyey dowladda, kadib markii u booqsho ugu tagay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Todobaadkan gudihiisa ayey aheyd markii ciidamada dowladdu ay la wareegeen ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
The company hopes the aircraft will be cleared to fly again in the Autumn following two crashes in which hundreds died. Source: Hiiraan Online