Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,076
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay Guddiga Qaran ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Prof. Buubaa oo u muuqda inuusan wax dhib ah ku qaban guddigaas, si ka duwan xukuumadda Muuse Biixi, ayaa sheegay in Guddida uu magaacabay Farmaajo ay dowladdiisa uga shaqeyn doonan sidii ay iskugu diyaarin lahaayen miiska wada-hadalka, taasi oo ku tilmaamay inay DF Soomaaliya waqti xaadirkan diyaar u tahay inay bilowdo wada-hadaladaasi. Buubaa ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey isbadalada laga filan karo guddidaasi, isagoona xusay in Somaliland ay u baahantahay iyaduna guddi uga shaqeeya arrimaha wada-hadalada. Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Guddida madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay waa guddi uga shaqaynaysa sidii ay wada-hadalada u gali lahayd Soomaaliya, macluumaadka ay u baahan yihiin inay si fiican u soo darsaan iyo qodobada ay la imanayaana sida ugu haboon ee ay u soo jeedin karaan, iyada oo dawladuna doonayso in dunidu ogaato in dhinacooda ay diyaar u yihiin inay wada-hadalo la bilaabaan Somaliland”. “Waxayna labada dhinac u baahan yihiin in si wanaagsan looga soo shaqeeyo wada-hadalka iyo halka lagu wada-hadlayo laakiin cida galaysa wada-hadalka iyo sida loo gali doono taasi waxaa weeyaan wixii guddidan loo igmaday, Somaliland way u baahan tahay in dhinaceeda ay ka fikirto cidii arimahan ugu shaqayn lahayd”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxa laga yaabaa in wasaarada khaarijigu ay arimahaas wado laakiin waxa loo baahan yahay in guddi balaadhan oo la odhan karo wasaarada arimaha dibada ayey hoos iman kartaa arintan loo saaro, guddidan ay Soomaaliya magacawdayna waa iyada oo muujinaysa inay diyaar u tahay wada-hadalka”. “Waa lagama maarmaan in wada-hadal yimaado goor uu yimaadaba, guddida dhinacooda laga sameeyey iyo dhinaceena cida ku hawl leh arimahaas wada-hadalka iyo sida loola xaalayo Somaliya ayey ku xidhan tahay iyo wakhtiga ku haboon laakiin anigu shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay in wada-hadalku faa’iido u yahay Somaliland iyo Somaliya caalamkuna culays badan saari doono”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga horyimid guddi ay dhawaan DF Somaliya u magacowday wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay inaanay guddidaasi marnaba khusaynin Somaliland, isla markaana shakhsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira guddigaasi aysan cidna matalin karin. Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Madaxweyne Farmaajo uu sii kordhiyay cadaawada uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka la wareegaysa, isagoona xusay inaysan jirin tabasho ay qabto Somaliland. Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno”. “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa kale oo deel-qaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa”. “Hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Kooxdan caadaysatay una badheedhtay dhagridda iyo hagar-daamada ummaadda soomaliyeed, bannaysatay dhaca iyo dilka arxan-darrada ah ee ay ku haysay dadka soomaaliyeed, waxa ay hadda marayaan heer ay noqdaan kuwo iyagu is dhammeeya dhexdooda mar kastana u kala dhuunta sidii ay uuga soo bixi lahayeen kaymaha. Kooxdan aan lahayn arxanka iyo damiirka bini Aadamnimo waxa ay hal mar ka soo baxday dhulka soomaliyeed iyaga oo aan lahayn ujeed aan ahayn dhagridda soomaliyeed, kaas oo ay halmar ummadda qalbigeeda ku degeen kuna cebsi-geliyeen arxan-darradii qalbigu ka ilmaynaayay, kaas oo ahaa dilka qoor-gaynta ah, qarxinta iyo googooynta hilba dadka soomaaliyeed. Ma jiro hadaf iyo u jeeddo ay ka lahayeen dilkii iyo dhagriddii soomaaliyeed, ilaa ay ahayd ma aha e in ay dhaafsadaan hilbaha dadka quud iyo qaddaadiic ka soo gala dadka ay baqdinta geliyeen iyo gacmaha shisheeye ay u adeeggayaan. Kooxdan dhiig-quudatada ah waxa keliya oo ay hadda baxsad ku yihiin dadka dhexdooda iyaga oo malinba maalinta ka dambaysa miiska is keenaya. Waxa keliya oo ay hadda awoodda saarreen una badheedheen ku dhex dhuumashada dadka iyaga oo hagardoomo u dhiga, qaraxa iyo dillalka naf-la-caariga ahna ku cabsi gelinaya. Qalbiyada dadka soomaliyeed oo ay ka sii guuxayso ficilladii ay hore u soo geysteen ayaa ah halka wax ee dadka cabsi gelinaya, ma jirto awood iyo tamar ay hadda dib uugu bilaabaan dhagriddii hore, waayo hore waxay ummadda uugu khaldeen nidaam diinneed oo ay markii dambe dadku ku fahameen u jeedka uu lahaa ficilladii ay wax ku bilaabeen. Ummaadda soomaliyeed waxa ay ka dheregsantahay dhammaan ujeedka koxdan dhiigga miidhata, mana jirto hal hadaf oo ay maanta ku gaadhikaraan waxa ay hiigsanayaan oo ah in ay dabar-tiraan ummadda soomaliyeed, waxaa dhacay gabbalkoodii, godkoodii ayaa biyo uugu galeen, ma jirto meel ay ku dhuuman karaan, ma jirto cid ay gabbaad u noqonayaan, wakhtiga iyo waciyaga ayaa keenay meel ay ku muuqato dhagriddii ay hore u geysteen. Kooxdan magaca soomaaliyeed u samaysay caalammadda madow iyo argagaxa, waxa uu hadda wakhtigu noqonayaa mid soomaliya ka dhiga iftiinka caalamka. MAXAA LA GUDBOON SHACABKA SOOMALIYEED? Shacabka soomaliyeed waxa la gudboon in ay meel uuga soo wada jeestaan kooxdan gabbalkeedu dhacay, ummaddana soo dhagraysay wakhtiga dheer. Ma jirto qof soomaaliyeed oo maanta loo tilmaamayo magaca saxda ah ee Alshabaab, dhammanteenba waxaynu nahay kuwo waayay dad ay jeclayeen ama qaarkoodba ay hadda naafo u yihiin ficilladdii dhiig-miidhatada, qaarkale dalka ma soo gelikaraan oo waa ay fiiggeen. Hadda ma jirto tamar iyo awood ay ku sii haystaan qalbiyadeen, ilaa aynu xusuusannahay ficilladii hore ma aha e. Ficilladaas hore ay geysteen dhagar-qabayaashu waa kuwo qalbigeenna kicinaya ina kana dhigaya kuwo aan marnaba u muujin wax naxariis ah. Dadkeenna soomaliyeed waxaa ina la gudboon sidii aynu isaga qabanlahayn firxadka yar ee Alshabaab, isla markaasna aynu la shaqaynlahayn cid kasta oo cidhib-tiraysa dhagar-qabayaasha, isku duubnida iyo wada jirkuna waa halka waddo oo aynu ku takoorayno arxan-laawayaasha. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Hyderabad, India Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. The Prime minister of Somali Hassan Ali Kheyre went to Dhusamareeb, the city I was born in, for a work-related visit. I have a sentimental attachment with the city. My father Hagi Abdullahi Warsame Hersi and his first cousin Adan Jama Hersi (aka Adan Guud) were mayors of Dhusamareeb Source: Hiiraan Online
  5. Foreign Secretary Jeremy Hunt has said he is "extremely concerned" by the seizure of two tankers by Iran. The Stena Impero is British-flagged and the Mesdar ... Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Al-Shabaab digniin iyo wargelinta udireen odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee soo xulay ergadii dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa socday kulamo wadatashi ah oo ay yeelanayaan xubno ka tirsan odayaasha loo yeeray. Qaar kamid ah dhaqankaan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa wajahaya walaac amni oo xoog leh waxayna qaarkood qorsheynayaan in ay dalka si deg deg ah uga baxaan halka kuwa kalane ay qiimeynayaan xaaladda ay ku dambeyn doonto arintaan ka hor mudada loo qabtay. Dad kala duwan oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in aysan huri doonin in dhaqanka ay u tagaan Al-Shabaab islamarkaana ay soo qaataan go’aanadii la soo siiyo balse waxaa u bahaan in laga fikiro maka suur towdaa in ay dhaqan geliyaan? Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale noo sheegay in ay muhiim tahay in dhaqanka ay u tagaan Al-Shabaab si ay u badbaadiyaan naftooda ama ay dalka isaga baxaan balse aysan u furneen waddo kale oo xal amni ah markii laga reebo qadarta Alle. Sidoo kale mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee aan la hadalnay ayaa sidaan u sheegay Caasimada Online. “ma aadi karno mana diidi karno waxaan ku jirnaa xaalad aad u adag, dowlad na garab taaganna uma jeedno.” Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed uma fududa in ay ka baxaan magaalada Muqdisho oo ay aadaan dibadda, sidoo kale uma fududa in ay nabad galyo ugu noolaadaan dalka waxaase ka sii qaraar in ay u tagaan Al-Shabaab oo ay dhaqan geliyaan rabitaankooda oo ah Alle ka fogaansho iyo aduun iyo Aakhiro beel. Halkaan ka daawo arrin xasaasi ah oo lagu eedeeyey Farmaajo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Dowlad goboleedka Puntland ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku qaadaceen guddiga uu madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo u magacaabay wada hadalka Somaliland,war-saxaafadeedka ka soo baxay ayaa lagu yiri. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay had iyo jeer u taagan tahay, soona dhaweyneysaa midnimada iyo dedaalada dhismaha dowladnimo iyadoo la marayo sida uu qabo dastuurka ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka. Haddaba, dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa ay qaadacday magacaabidda matalayaasha wadahadalada Xukuumadda federaalka Soomaaliyeed iyo maamulka Soomaaliland. Puntland waxay cadaynaysaa in hanaanka loo maray matalayaasha ayna waafaqsaneyn dastuurka ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodabkiisa 53-aad farqadda 2-aad oo u dhigan sidaan” marka wada-xaajoodyadu sigaar ah u saameynayaan danaha khuseeya dowlad-gobaledyada, Xukuumadda federaalku ergada wada xaajoodka geleysa waxaa kaabaayo wakiilo ka socda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka”. Dowladda Puntland horay ayeey u cadeysay moowqifkeeda ku aadan wadahadalada Soomaaliland iyo dowladda federaalkaah, kaas oo ahaa in qadyadaas sigaar ah dowladda iyo maamulka Soomaliland. Hadaba si looga gaaro wadahadaladaas xal waara oo miradhala in dowladda Puntland qeyb mug leh ka qaadato dedaaada iyo wadahadalada lagu baadi goobayo xal u helista qadyada Puntland iyo Soomaaliland. Ugu danbeyn dowladda Puntland beesha caalamka iyo cid kastoo daneysa arrimaha Soomaaliya la socodsiineysa, in guddiga la magacaabay ay cadeyn u tahay in aan la rabin in xal iyo wadahadal dhab ah , wixii ka yimaadana waxaa mas’uul ka noqanayo dowladda federaalka. Dhamaad Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qaaddacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan dastuurka KMG ee Soomaaliya islamarkaana magacaabista guddigaasi ay si cad uga hor imaanayso dastuurka. “Puntland waxay cadanaysaa in hannaanka loo maray magacaabista matalayaasha aysan waafaqsanayd dastuurka ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodobkiisa 53aad farqadiisa 2aad oo uu dhigatan Sidatan: Mar ay wada-xaajoodyadu sigaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseea dawlad-goboleedyada, xukuumada Federaalka ergada wada-xaajoodka gelaysa waxaaa kaabaya wakiilo ka socda dowladha xubinta ka ah daowldda federaalka” “Dowladda Puntland horay bay u caddaysay mowqifkeeda ku aadan wadahadalada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka ah, kaasoo ahaa in qadiyaddaasi ay si gaar ah u taabanays dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland“ Warsaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegayn in dowladda Puntland ay beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysa arrimaha Soomaliya u cadaynaysa in guddiga la magacaabay ay caddeyn u tahay in aan la rabin xal iyo wadhadal dhab ah. sidoo kale wixii ka yimaada magacaabista guddigaas ay masuuul ka noqnaysa Dowladda Federaalka. Guddigan oo uu magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ay waxaa sidoo kale ka horyimid maamulka Somaliland. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka
  9. Kenya on Friday inaugurated Africa's biggest wind power plant, a mammoth project in a gusty stretch of remote wilderness that now provides nearly a fifth of the country's energy needs. Source: Hiiraan Online
  10. Democratic presidential candidate Sen. Bernard Sanders teamed up Thursday with Rep. Ilhan Omar for a fundraising pitch in response to the crowd at President Trump’s rally chanting “send her back.” “Ilhan Omar is a leader with strength and courage. She won’t back down to Trump’s racism and hate, and neither will we,” Mr. Sanders wrote in the email to supporters. Source: Hiiraan Online
  11. Dowladda Puntland ayaa qaaddacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan Dastuurka KMG ee Soomaaliya. Puntland waxay Beesha Caalamka u caddaysay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan dhab ka ahayn wada-hadallada Somaliland maadaama aan Puntland door laga siin wada-hadalladasi. Waxay sheegtay in wada-hadallada labada dhinac ee Federaalka iyo Somaliland ay taabanayaan Puntland oo muran dhuleed kala dhexeeyo Somaliland. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo qaaddacday guddiga wada-hadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  12. When President Donald Trump tweeted that progressive congresswomen with roots in dysfunctional countries should “go back and help fix” those places, former Estonian President Toomas Hendrik Ilves – a harsh, consistent critic of Trump and Trumpism – responded proudly that he’d done just that. Source: Hiiraan Online
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda ee UK Harriett Baldwin, ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisada ka dhalatay go’aanka ay DF Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Gini. Harriett Baldwin ayaa sidoo kale waxay ka hadashay saameynta uu Somaliland ku yeelan karo xiriirkaasi labada dal ee xumaaday, kadib markii Madaxweyne Biixi uu socdaal ku tagay caasimada dalka Gini. Wasiir Harriett ayaa waxay ka dhawaajisay talaabada ay dowlada Ingiriisku ka qaadaneyso xiisada u dhaxeysa labada dhinac, iyadoona xustay cida xal waara ka gaari karta xiisada Somaliya iyo Somaliland. Harriett ayaa arrimahaasi ka hadashay kadib markii Xildhibaan Liz Mclnnes oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska uu weydiiyay in dowladda UK ay wax qiimeyn ah ku sameysay xiriirka xumaaday ee Somaliya iyo Gini. Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda ee UK Harriett Baldwin, oo arrintaasi ka hadleysana waxay tiri “Ingiriisku wuu ka war qabaa xiisada la soo weriyay ee Gini iyo Somaliya. Labada wadan iyagaa masuul ka ah xiriirkooda laba geesoodka ah. Kama war qabno wax saamayn ah oo uu xiriirkaasi ku yeelanayo Somaliland”. Waxayna intaas kusii dartay “Siyaasadda Ingiriiska ayaa ah in Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaadhaan xal waara oo la xiriira mustaqbalkooda. Waanu sii wadaynaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada-hadal nabadeed oo labada dhinac dhexmara”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Baghdad (Caasimada Online) – Warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Carabta ayaa lagu sheegay in lasoo faagay meydka madaxweynihii hore ee dalka Ciraq Saddam Xuseen. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dadka deggan xaafadda Al-Awja ee ku dhow magaalada Tikrit – oo ah halkii uu ku dhashay Saddam iyo goobta lagu aasay – ay soo faageen meydka islamarkaana ku aaseen goob kale oo qarsoodi ah. Website-ka Al-Arabiya ayaa ilo-wareedyo aan la magacaabin oo ku sugan Ciraq kasoo xigtay in dadka deegaanka ay meydka soo saareen kadib markii ay ka war-heleen in ciidamada Shiicada Ciraq sida militariga u tababaran ee Hashed al-Shaabi ay qorsheynayeen inay bom ku garaacaan magaalada si ay uga qabsadaan kooxda Daacish. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sidoo kale lasoo faagay meydadka labadii wiil ee Saddam ee Qusay iyo Cuday, islamarkaana lagu aasay goob qarsoon. Sanaddii 2015, dhismada qabriga Saddam Xuseen ayaa waxaa burburiyey duqeyn ay la beegsadeen ciidamada isbahaysiga ee Hashed al-Shaabi, kadib markii loo sheegay inay gacanta ku dhigaan. Si kastaba, qabriga ayaa waxaa laga waayey meydka Saddam, waxaana kadib la ogaaday in dadka deegaanka ay ka saareen kuna qariyeen goob kale. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  15. (SLT-Muqdisho) Wasiir katirsan Dawladda Federaalka Somaliya Oo Laaluush Ku Qaatay Si Loo Curyaamiyo Dhoofinta Xoolaha Dekedda Berbera Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen ayaa Maamulka puntland kaga qaatay lacag laaluusha oo dhan $300,000 si loo xidho dhaqdhaqaaq dhoofinta xoolaha Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, oo ay ka dhoofaan dhammaan xoolaha ka kala yimaada Degaanada Somaalida, ayna ku yaalaan Maxjarada la aaminsan yahay ee Xoolaha laga dhoofiyo, Wasiirka ayaa 6 lix bilood ka hor safar ku tegay Sucuudiga isaga oo la kulmay Wasiirka Xanaanada xoolaha Sucuudiga waxaanu kula sexiixday heshiish ah, in Xoolaha Berbera ka soo dhoofa lagu xidho warqada Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Somaliya bixiso, si markaasi loo curyaamiyo dhoofinta xoolaha ee dekedda Bebera, Hadaba Wasiir Xuseen oo Xalaashanaya lacagta uu siiyay Maamulka Puntland ayaa weerarkii ugu horeeyay ku qaaday Markabka al fahad oo berbera ka qaaday xoolo gaadhaya 19,633 neef Ganacsatada reer Somaliland oo ku guulaystay in ay ubadbaadaan xoolahoodu ayaa hadana waxa fargelin qaawan ku haya Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Shaakh Xuseen oo culays badan ku saaraya ganacsatada si aanay xoolo danbe uga dhoofin Marsada Caalamigaa ee Berbera, Source
  16. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xassan, ayaa Shalay Galab sagootiyay dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaa. Sheekh Nuur, ayaa Alle ugu mahadceliyay sida ay howsha ugu fududaatay, wuxuuna intaa raaciyay in Magaalada Makka ay Xujeyda Soomaaliyeed uga sii hor mariyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo ka saacidi doono wax kasta oo ay u baahan yihiin. “Waxaan daahfurnay nidaamka Fiiso bixinta Xajka annaga oo sagootinnay dufcadii 1-aad ee xujayda Sanadkan 1440/ 2019” ,ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Xildhibaan ; Sheikh Nuur Maxamed Xassan . Wasiirka ayaa sidoo kale u mahad celiyay dhamaan shirkadaha duulimaadyada ee sanadkaan ku guuleystay in ay qaadaan Xujeyda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, ayaa dhalinyarada reer Puntland ku boorriyay in ay mar kasta hormuud u noqdaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida ay Puntland kaga horumartay degaannada kale ee Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in horumarka iyo barwaaqada ay Puntland gaartay tan iyo markii la aas’aasay ay sal u yihiin nabadgelyada, xasiloonida iyo kala-danbaynta ku dhisan nidaamka dowladnimo, sidaasi darteedna loo baahanyahay in la ilaashado xasiloonidaasi. Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in Puntland ay maanta gaartay, heer ay marti-geliso shir weyne maal-geshi oo caalamiya, ayna soo jiidato shirkadaha maal-geshiga ee dunida, islamarkaana uu si xawliya uga socdo qorshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in dhammaan arrimahaasi ay ku yimaadeen nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland. “Waxay Puntland maraysaa maanta heer shirwayne lagu casumay maal-gashiyaal caalami si loo maalgashado Puntland taas oo rajo wanaagsan laga qabo insha Allah.Waxaa sidoo kale, meel wanaagsan maraya qorshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyo galinta, maalgashi caalami ah, Goroonmada diyaaradaha, dakadaha, goroomada lagu ciyaaro iyo wixii lamid ah”. ayuu yiri wasiiru-dowlaha. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada xasuusiyay in nabadgelyada iyo xasiloonida maanta Puntland lagu harsanayo aysan si fudud ku imaan, balse ay xabaalaha ugu jiraan boqollaal ka tirsan askarta Puntland oo naftooda ku waayay iyagoo Puntland ka difaacaya cadow kala duwan oo isku dayay in ay wiiqaan xasiloonida iyo jiritaanka Puntland. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo dhalinyarada ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Burco) Shacbiga Ku Dhaqan Magaalada Burco Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey, Biriishkii Waynaa Ee Magaalada Oo Xidhan Muddo Ka Badan Laba Bilood. Source
  19. (SLT-Burco) Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweynaha Somaliya Farmaajo, Baaqna Udiray Shacbi-waynaha J/Somaliland Source
  20. Baydhaba (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu qortay bishaan July dhalinyaro ku amaana baraha Bulshada ku kulmaan ee Facebook iyo qaybaha kale ee Internet-ka. Dhalinyaraan oo u badan reer Muqdisho ayaa si xowli ah u shaqa galay todobaadkii la soo dhaafay waxaana dhamaantood loo soo dirayay qoraalo isku mid ah oo laga soo diyaariyay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Hada shaqada ay qabanayaan ma’ahan amaanta Madaxweynaha waxaase lagu bilaabay in ay buun buuniyaan Shirka isla xisaabtanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Shacabka degaankaas oo wali socda. Inta ugu badan dadkaan ay qoratay Madaxtooyada Koonfur Galbeed waa wariyaal ka howlgala Warbaahinta magaalada Muqdisho mana ahan Wariyaal asal ahaan ka soo jeeda degaankaasi. Lacagta ay mushaar ahaan u qaataan ma badna waxayna u dhaxeysa 60$ ilaa 150$ sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Madaxtooyada Baydhabo. Wariyaasha qaar ee loo qoray 60$-ka doolar ayaa lacagtooda waxay soo martay dulaal waxaana midka ugu yar madaxtooyada uga diiwaan gashan 100$. Tallabada uu qaaday Lafta-gareen ayaa waxa uu ka soo min guuriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiisayda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo lacago kumanaan dollar ah bil walba ku qarash gareyn jiray taageerayaal ay ka sameesteen baraha Bulshada ee Internet-ka. Lafta-gareen ayaan caan ka ahayn deegaanka uu madaxweynaha ka yahay ayada oo ay ugu wacan tahay in la rumeysan yahay inay meesha keenta Villa Somalia, iyo in xilkan laga hor-istaagay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo weli u xiran dowladda federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  21. (SLT-Burco) Mid Kamida Beelihii Ku Dagaalameyey Degmada Ceel-Afwayn Oo Soo-Saaray Baaq Ku Wajahan Xukuumadda. Source