Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,056
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Khilaaf xoogan ayaa waxa uu ka dhex bilowday xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya isla markaana deegaan doorashadoodu ay tahay gobolada waqooyi ee Soomaaliya xilligaana [...] Source
  2. Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare jaamac Guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee caasimadda Garoowe, ayaa shaaciyay in ay heshiis la galeen shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaaarin iyo qurxin ugu samayso garoonka. Qoraal xalay lagu daabacay bogga uu guddiga ku leeyahay Facebook-ga, ayey ku sheegeen in ay todobaadkii hore heshiis rasmiya la saxiixdeen, shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaarin iyo casriyayn ugu samayso garoonka kubadda cagta Mire Awaare. “Shirkad TTN oo ah Shirkadda Turki ah iyo Guddiga Garoonka Mire-Awaare ayaa Todobaadkii Lasoo Dhaafay Kala-Saxiixday Heshiis Rasmi ah, Kaaso oo Shirkadu TTN Ku Cagaarin-doonto Garoonka Mire-Awaare, Islamarkaasna Rooga Ladhigayo Garoonka ayaa ah mid Laga Fakaray oo ah Roog Casri ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in shirkadda TTN ay durba dalka Turkiga ka dalbatay, rooggii cagaarnaa iyo qalabkii kale ee lagu samayn lahaa roog-dhigidda, qurxinta iyo casriyaynta garoonka. “Masuuliyiinta Shirkadda ayaa Durbadiiba Dalbay Roogii iyo Qalab-Kale oo Loogu talagalay Cagaarinta Garoomada Casriga ah” ayaa la sii raaciyay qoraalka guddiga. Shirkadda TTN ee dalka Turkiga, ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan iyo laamiga wasaaradaha u baxa, waxaana ay haatan gacanta ku haysa waddooyin laamiya oo laga hirgelin doono caasimadda Garoowe. Dhinaca kale, guddiga ayaa xaqiijiyay in lacag dhan $200,000 Dollar oo loo uruuriyay qurxinta garoonka Mire Awaare iyo qalab dheeriya oo ay bixisay hay’adda World-Vision, ay ku jiraan gacanta guddiga,si loogu qabto hawlaha roog-dhigidda iyo qurxinta garoonka. Waxaa kale oo guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka Mire Awaare ay beeniyeen, warar baraha bulshada lagu arkay, oo sheegaya in guddigu ay musuq maasuq iyo is-daba-marin ku sameeyeen lacagtii loo uruuriyay garoonka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Maxaa ka jira in la musuq maasuqay lacagtii loo uruuriyay garoonka kubadda Cagta Mire Awaare? appeared first on Puntland Post.
  3. Baydhabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ka sameeyeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi. Guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in howlgalkani lagu dilay saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu soo qabtay mid kale, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku sugnaayeen goob ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  4. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn guddigii uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Farmaajo ee wadahadallada Somaliland iyo dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in guddigan ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland, islamarkaana iyagu aysan la fariisan doonin cid Somaliland kasoo jeedda, balse ka socota dowladda federaalka. Sidoo kale, Muuse ayaa tilmaamay in guddigan Labada qodob ee uu sheegay madaxweyne Farmaajo iney ka shaqeyn doonaan aanay dhankooda waxbo ka quseyn, isaga oo quus ka muujiyey in wadahadallo furmaan inta madaxweyne Farmaajo uu joogo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Madaxweynaha-somaliland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Jigjiga (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub fara badan iyo lacago sharci darro oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ismaamulkaasi. Hubka iyo lacagtani ayey ciidamadu ku soo qabteen howlagllo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee dowlad deegaanka Zakariye Cabdi Khaliif ayaa hubka ay soo qabteen tiradooda ku sheegay 3040 (saddex kun iyo afartan Qori) oo ay ka mid yihiin 20 qoryaha Machine-gunska loo yaqaan iyo nooca kale ee RPG-ga oo tiro badan. Sidoo kale lacagta ayuu sheegay inay ka badan tahay $10,000 (Toban Kun) oo doollarka Mareykanka ah. Zakariye ma shaacin in dad ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi, balse wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan baaritaanadooda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan afgambi dhicisoobay uu ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi bishii hore ayaa waxaa lagu dilay taliyihii Ciidamada Itoobiya iyo Madaxweynihii maamulka Amxaarada Dr. Ambachew Mekonnen. Dowladda federaalka Itoobiya iyo maamullada hoostaga ayaa waxaa tan iyo markaasi kadib ay ku dhaqaaqeen howlgallo lagu soo qabtay hub, kuwaas oo laga sameeyey gobollada Oromada, Amxaarada iyo Cafarta ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
  6. Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo jeeda Somaliland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar ay sheegtay xukuumadda federaalka, kuwaasi oo ah iney fasaxday markab siday xoolo badan, kaasi oo ku xayirnaa Sacuudiga. Waxay sheegeen Mudanayaashan, in xukuumadda Kheyre ay isku dayeeso iney cunaqabateyn saarto Somaliland, islamarkaana marar badan isku dayeen in si awood ah lagu keeno maamulkaasi. Dhanka kale, Xildhibaannadan qaarkood ayaa kahor yimid guddi dhowaan uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wadahadallada dowladda dhexe iyo Somaliland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Xildhibaanno-iyo-Sanatarro-kasoo-jeeda-Soomaaliland-oo-DF-ku-eedeeyey-inay-cu.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garowe (SMN) – Maamulka Puntland ayaa ka horyimid, islamarkaana qaadacay guddigii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hanaanka loo maray ku dhawaaqista guddigaasi uusan waafaqsaneyn Dastuurka KMG dalka. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-20072019.mp3 View the full article
  9. Dhuusamareeb (SMN) – Xubnaha Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Wafdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka Ugaas Nuur waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, kan Degmada iyo qeybaha bulshada ee degmada. Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Jimcaale oo la hadlay wafdiga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Guddiga, ayna ku soo dhaweynayaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. “Xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ku soo dhawaada caasimadda Galmudug, ku soo dhawaada shaqadii aad u socoteen, qofkasta kaalin ayuu ka qaadan doonaa, gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawaada”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud. Maxamed Maxamuud Gacmo Dheere oo ka tirsan xubnaha guddiga ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha dib u heshiisiinta. “Anaga oo dooneyna mas’uuliyadda ay Xukuumadda noo magacaawday oo ah dib u heshiisiinta, waxaan diyaar u nahay inaan idinkala qeyb qaadano dhemeystirka shaqada aad wadeen, waana wada joognaa, inti tababarteena howlaha dib u heshiisiinta ayaan xoojineynaa” ayuu yiri Maxamed Gacmo dheere oo ka tirsan xubnaha Guddiga. Guddiga ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo ah dib u heshiisiinta, waxaana magaalada Dhuusamareeb ay marti gelineysaa shirka arrimaha dib u heshiisiinta looga hadlayo. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay dowladda federaalka, iyaga oo teegeero u muujiyey maamulka Somaliland. Xildhibaanadan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay cunaqabateyn saartay Somaliland. Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah xildhibaanadaasi ayaa ka hadlay Markab Xoolo siday oo ka shiraacday Dekedda magaalada Berbera, kaas oo dhawaan dowladda Sucuudi Carabiya ku xayirtay magaalada Jiddah. Wuxuu sheegay in Markabkaas aan lagu sii daayin amar ka soo baxay dowladda Federaalka ah, balse dowladdu ay tahay waxa cunaqabateynta saaray Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ka horyimid guddiga uu dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Xildhibaanada ayaa tilmaamay in aan lagala tashan ku dhawaaqista guddigaasi, madaama ay iyagu matalaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee uu dhexeysa Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo ka sii dartay markii dowladda federaalka ay gabi ahaan xiriirkii u jartay dalka Guinea. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanadda kasoo jeedda deegaanada Somaliland ee ku jira labadda aqal ee baarlamaanka Dowladda Somalia, ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee dalka, iyagoo ku eedeeyay eedeeyeen inay cuna-qabateyn saareen maamulka Somaliland. Mudanayaashan ayaa beeniyay hadalkii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in Dowladda Somalia ay fasaxday markabkii ku xayirnaa dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga oo waday tiro badan oo xoolaha nool ah. Sidoo kale, Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cunna-qabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo xilka loo doortay. “Madaxda dalka hoggaaminaysa waxay caqabad ku yihiin Somaliland, waxaan halkan ka caddeynayaa in Madaxweyne Farmaajo oo ugu sarreeya uu qaadayay tan iyo markii lasoo doortay tallaabooyin ka dhan ah maamulka Somaliland oo aan kasoo jeedno,” ayuu yiri Xildhibaan Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada ugu afka dheer baarlamaanka Soomaaliya. Dhanka kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in Dowladda Somalia ay baabi’isay heshiisyaddii ay horay u wada-gaareen maamulka Somaliland iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, kuwaasoo uu xusay inay ahaayeen kuwo lagu doonayay in la isugu soo dhaweeyo labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa hadlay ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha Somalia Farmaajo oo tan iyo markii xilka loo doortay uu hagar-daamo ku hayya Somaliland oo uu sheegay inay horumar iyo nabad-galyo aan la dhayalsan karin ay ku tallaabsatay. Ugu dabeyn, Xildhibaanadda ayaa sheegay n aysan jirin door ay Dowladda Somalia ku leedahay hannaankii lagu sii-daayay markabkii xoolaha siday ee ku xayirnaa boqortooyadda Saudi Arabia. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  12. Kismaayo (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa lagu eedeeyay inay fara-gelin ku hayso doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiin ka hadlay arrintan ay dalbadeen in la joojiyo fara-gelinta ay DF ku hayso doorashooyinka maamulkaas. Waxgaradka deegaanada Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa si weyn uga soo hor-jeestay fara-galinta ay sheegeen in Dowladda dhexe ee Soalia ay ku heyso doorashadda Jubbaland. Odayaasha-dhaqanka ayaa sheegay inaysan aqbalayn in dowladda dhexe ay caqabad ku noqoto horumarka iyo nabad-galiyadda ka jira Jubbaland, loona baahan yahay in fara-gelinta loo bedelo taageero iyo garab-istaag. Sidoo kale, wax-garadka Jubbaland ayaa ka mid ahaa saxiixayaashii soo dhisay Dowladda Federaalka Somalia, waxayna xuseen inaysan aqbalayn fara-gelinta ay dowladdu ku hayso doorashada Jubbaland ee la filanayo inay dhawaan dhacdo. Dhanka kale, Odayaasha-dhaqanka maamulka Jubbaland waxay caddeeyeen inay taageer-sanyihiin sida ay guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan. Hadalka odayaasha-dhaqanka Jubbaland ayaa imaanaya xilli musharraxiinta qaarkood ay eedeyn u jeediyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay inay afduubteen doorashadda Jubbaland. Ugu dambeyn, Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay bisha soo socota ka dhacdo doorasho, taasoo lagu soo xulayo xildhibaanno kuwaas oo dooran doona madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas oo ay isku soo taageen musharraxiin fara badan. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay in fara-gelin ay ku hayso Doorashooyinka Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  13. MOGADISHU,-- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has lauded Ugandan troops for their contribution to peace and stability in Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Reps. Ilhan Omar and Rashida Tlaib, both outspoken critics of the Israeli government, will not be barred from visiting Israel, the country’s ambassador to the United States said Friday. Source: Hiiraan Online
  15. On his first visit to South West State since taking office, the new United Nations envoy to Somalia emphasized the importance of “good relations” between Federal Member States and the Federal Government. Source: Hiiraan Online
  16. A New Hampshire lawmaker came under fire this week for claiming American slavery was based on economics, not racism. Source: Hiiraan Online
  17. The European Union is preparing to offer Boris Johnson, the favourite to be Britain’s next prime minister, a no-deal Brexit extension beyond Oct. 31, the Guardian newspaper reported on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. At least three people have died in Ethiopia's southern city of Hawassa, hospital authorities said, amid a showdown between state security forces and local activists who want a separate region for their Sidama ethnic group. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka billaabatay diiwaan gelinta dad la soo xulay kuwaas oo u badan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar. Si rasmi ah looma ah oga waxa laga damacsan yahay dadkaan balse waxaa dadkaan soo xulaya xubno ka tirsan Xoogagga Wadaniyiinta Gobalka Banaadir, oo ah Urur sanad ka hor ay dhistay Villa Somalia, iyo Saraakiil ka tirsan Xisbigii Tayo ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadka la soo xulayo ma ahan kuwa ku soo baxa imtixaan balse waxay ku yimaadaan is garasho, waxaana laga iibiyaa fikir ah taageerada Dowladda iyo garabsiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale dadkaan ayaa u badan beelo gaar ah waxaana laga qorayaa magacyo iyo Numbero, waxaana sidoo kale laga reebayaa Sawiro iyadoo lagu wargelinayo in uu taageero Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ma jirto wax lacag ah ilaa hadda u bilaabatay balse waxa ugu weyn ee loo balan qaaday ayaa ah ka mid noqoshada Xisbiga Madaxweynaha iyo in la siin doono Fursado shaqo halka qaarkoodna loo balan qaaday lacag iyo jagooyin sare. Xog intaas dhaafsiisan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in doorashada Soomaaliya ay noqoto qof iyo cod islamarkaana laga qabto magaalooyinka ay dagan yihiin Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir waxaana dadka codeyn doona ay noqon doonaan dad aan aad u tira badneen. Dadka ay diiwaan gelintooda ka bilaatay Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee qaata kaararka codeynta iyo sidoo kale in ay noqdaan kuwa ugu badan ee la diiwaan geliyo si Madaxtooyada Soomaaliya mar kale u guuleysato. Barnaamijkaan ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga bilaabo magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la gaarsiiyo Dhuusamareeb oo xarun u ah Galmudug. Wali lama shaacin nuuca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya balse waxaa la filayaa in ay laba mid noqoto kuwaas oo kala ah. In loo codeeyo qof iyo cod islamarkaana laga codeeyo magaalooyin cayiman oo laga diiwaan geliyo dhowr kun oo qof magaaladiiba. Iyo in la kordhiyo tiradii hore ee 51-da qof lana gaarsiiyo 250 qof kuwaas oo soo daarta Baarlamaanka kadibna Baarlamaanka ay doortaan Madaxweynaha balse qodobkaan waa adagtahay sida lagu qaato. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa u harsan 18 bil oo kaliya walina ma cada nuuca doorasho oo ka dhici doonto Soomaaliya waxaayna dad badan ay qabaan in aysan Soomaaliya ka dhici karin doorasho waqtigeeda lagu qabto. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu waqtigeeda ka dhinaa 2 sano waxaa la shaaciyay nuuca doorasho ee ka dhici doonto Soomaaliya taas oo aheyd in xildhibaanada kusoo doortaan madaxweynaha 50+1 oo hadda lagu soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. JOHANNESBURG—PepsiCo Inc. has agreed to buy South Africa’s Pioneer Foods Group Ltd. for $1.7 billion, as the snack-and-beverage giant looks to build up its business in sub-Saharan Africa. Source: Hiiraan Online
  21. The US government is honoring an 83-year-old Muslim cleric who hid 262 Christians in his home and mosque during an attack in central Nigeria. Source: Hiiraan Online
  22. The Scullery, a Greenville, N.C., diner had a good night Wednesday, serving more than 500 customers and bringing in more than $5,600 in sales. Source: Hiiraan Online
  23. South Africa's watchdog has accused President Cyril Ramaphosa of misleading parliament and potential money laundering over a campaign donation. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in guddiga uu wada-hadallada u magacaabay madaxweyne Farmaajo aysan khusayn arrimaha Somaliland maadaama loo soo wakiishay in ay dhammeeyaan tabashooyin jira iyo in ay dib u-heshiisiin sameeyan. Mudane Biixi wuxuu sheegay in Somaliland aysan tabashooyin iyo dib u-heshiisiin midna kala hadli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse ay ka go’antahay Qaddiyadda goonni-isu-taagga iyo madax-bannaanideeda sidaasi darteedna aysan jirin wax ay guddiga la soo magacaabay kala hadlaan. Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay madaxweyne Farmaajo kala kulantay cadaawad iyo necayb daran oo dhinac walb ah kaaasi oo aysan hore uga arag madaxweynayaashii ka horreeyay ee Soomaaliya soo maray mudadii burburka kadib. waxaa kale oo uu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii daysay markabkii xoolaha Somaliland siday ee lagu xannibay dekedda magaalada Jidda ee waddanka Sacuudiga kaasi oo markii dambe la sii daayay. Hadalkan ayuu ka sheegay kulan casho-sharaf ah oo uu xalay la qaatay safiirro diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno ka socda dalalka caalamka kuwaas oo Hargeysa u jooga ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo saaka halkaasi ka furmaysa. Halkaan ka daawo hadalka madaxweyne Biixi PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Madaxweyne farmaajo wuxuu Somaliland ku hayaa cadaawad aan hore loo arag oo dhinac walba ah appeared first on Puntland Post.
  25. An 18-year-old student who was rushed to hospital from an exam hall tells the BBC she went back to complete her tests just 30 minutes after giving birth. Source: Hiiraan Online