-
Content Count
209,076 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-20072019.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa ka soo horjeestay guddigii dib u heshiisiinta Galmudug ee uu dhawaan ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Odayaasha beesha Saleebaan oo maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaudud ayaa gabi ahaan qaadacay ku dhawaaqista guddigaasi. Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan maraba ogolaan doonin in gogosha shirka la dhigo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa ay Odayaashu ka soo saareen qodobo ay ku cambaareynayaan xukuumadda Soomaaliya. Waxgaradkani ayaa ku eedeeyey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inuu uga baxay ballan hore, islamarkaana aysan la dhacsaneyn, sida uu wax ku wado. Guddiga dib u heshiisiinta Galmdudug oo gaaraya 12 xubnood ayaa waxa ay u badan yihiin xubno ka shaqeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana guddoomiye u ah Cabdiraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow oo ah La-Taliyaha sare Ra’iisul wasaaraha ee arrimaha nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoo muddo dheer Ra’iisul wasaare Khayre uu ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kaas oo xal waara u raadinaya maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Garissa residents are set to benefit following a partnership between Garissa and the Turkish government to enhance growth in various sectors of the economy. Source: Hiiraan Online
-
U.S. Africa Command (AFRICOM) will conduct a change of command ceremony Friday, July 26 at 10 a.m. at Patch Barracks, Stuttgart, Germany. U.S. Army Gen. Stephen J. Townsend will assume command from retiring U.S. Marine Corps Gen. Thomas D. Waldhauser. The acting U.S. Secretary of Defense is scheduled to preside over the ceremony. Townsend will be the fifth AFRICOM commander since the command was established in 2008. Waldhauser will relinquish command and subsequently retire after a distinguished 43-year career serving in uniform. A native of South St. Paul, Minn., Waldhauser graduated from Bemidji State University, Minn., and commissioned in 1976. A career infantry officer, he has commanded at multiple levels, to include tours as the Battalion Landing Team Commander, 3rd Battalion, 2nd Marine Regiment; Commander, 15th Marine Expeditionary Unit (Special Operations Command); Commanding General, Marine Corps Warfighting Laboratory; Commanding General, 1st Marine Division; Commanding General, I Marine Expeditionary Force; and Commanding General, U.S. Marine Corps Forces Central Command. Townsend previously served as the commanding general of U.S. Army Training and Doctrine Command since March 2, 2018. Raised in an Army family, he commissioned as an infantry officer upon graduating from North Georgia College in 1982. Townsend has led and commanded troops at every echelon from platoon to corps and combined joint task force, to include leading all U.S. and multi-national forces fighting the Islamic State in Iraq and Syria as the Commander, Combined Joint Task Force – Operation Inherent Resolve. U.S. Africa Command is one of six U.S. Department of Defense geographic combatant commands. The command is responsible for all U.S. military operations, exercises, security cooperation, and conducts crisis response on the African continent in order to advance U.S. interests and promote regional security, stability, and prosperity. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuca Waxbarasho oo ballaaran, kaasoo halku dhigiisu yahay Waxbarashadu yeyna ku Seegin, ama “Education cannot Wait”. Mashruucaan in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynayay waxaa ka faa’idaysan doona 40,000 arday oo ku nool gobolada kala duwan ee Puntland, waxaana sidoo kale uu taageeri doonaa dhinacyada tababarada Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, Macallimiinta iyo sidoo kale ardayda kuwa baahiyaha gaarka ah ay haystaan. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland. “Mashruucaan waxaan rajeynaynaa inuu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab ay ardaydu uga baaqdaan Waxbarashada oo mar walba iyo duruuf walba oo jirta ay la jaan qaadaan Tacliinta”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa madaxda Wasaarada Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada dadka reer guuraaga ah oo kamida ah meelaha la qorsheeyay inay mashruucaan ka faa’idaystaan. Ugu danbayn Madaxweynaha dowladda Puntland madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahahceliyay wasaarada Waxbarashada Puntland iyo hay’adaha gacanta ka gaystay isagoona kula kula dar-daarmay in mashaariicdaan iyo kuwa lamidka ah la dhowro siday tahayna ay u fulaan, la hareer marin, la lexjeclaysan la musuq maasuqin meeshay ku baboon tahay la marsiiyo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland Oo Daah-furay Mashruuca Waxbarashadu yeyna ku seegin appeared first on Puntland Post.
-
Madaxa guddiga ururka midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Suudaan iyo South Sudan Thabo Mbeki ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Thabo Mbeki waxaa garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde ku soo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad, ergeyga UN-ka ee Soomaaliya James Swan iyo ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira. Ujeedka safarka weli ma cadda, laakin kulan uu Thabo Mbeki shalay la qaaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, waxaa looga wada hadlay arrimaha geeska Afrika iyo horumarka ay guddiga gaareen iyo shaqadooda. Mbeki oo horay u soo noqday madaxweynaha Koonfur Afrika waxaa uu madax ka yahay The African Union High-Level Implementation Panel for Sudan (AUHIP) oo ah guddi qaablisan arrimaha Suudaan iyo South Sudan, guddigan oo la dhisay 2009-kii ayey shaqadoodu aheyd labada Suudaan, laakin hadda lama oga sababta uu soo aaday dhanka geeska Afrika. AUHIP) waxaa sidoo kale madax ka noqday madaxweyneyaashii Burundi iyo Nageria Pierre Buyoya iyo Abdulsalami Abubaker. Thabo Mbeki waxaa uu saxiib dhow la yahay dalka Kenya isaga si joogta ah u milnaa siyaasadda dalkaasi, doorashooyin iyo qaab kalaba 10-kii sano ee la soo dhaafay, in dhex-dhexaadin ka bilaabo Soomaaliya iyo Kenya waa arrin miiska saaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku warramaya in dagaal kooban oo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Milatariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaanka Owdiinle oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac ayaa ka dhacay halkaasi. Guddoomiyaha deegaanka Owdiinle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa saddex ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay gacanka ku soo dhigeen xubin kale oo muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
The former South African President and head of the African Union high-level implementation panel for South Sudan and Sudan, Thabo Mbeki arrived in Mogadishu on Monday. Mbeki and his delegation were received by Somali Foreign Minister, Ambassador Ahmed Isse Awad and others including UN Special envoy in Somalia, James Swan. The African Union High-level delegation is expected to meet senior Somali government officials including, President Mohamed Abdullahi Farmajo for talks. Mbeki holds talks with Kenyan President, Uhuru Kenyatta in Nairobi to discuss regional peace and security. The relative calm that was experienced in the country in recent years has led to the arrival of high profile delegation in Somalia in the past years. AU chair, Musa Faki Mohamed arrived in Mogadishu on February 2017 whereas UN Secretary-General, Antonio Guterres and Ban Kii Moon respectively arrived in the same year. View the full article
-
Waxaa kulan caadi ah hadda leh golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya, waa kulankii 10aad ee kalfadhiga 5aad, waxaa shir guddoominaayo guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyada oo ay joogaan ku-xigeenkiisa 1aad mudane Abshir Maxamed Axmed iyo 2aad Mowliid Guhaad. Ajengada Kulanka: Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ). Guddomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada Senator Axmed Macalim Omar Axmed”Nadiir”, ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ). Senator/Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle oo ah xubin Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ayaa akhriyay warbixin Qodabada Wax kabadalka Lagu sameeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha wakiilada Puntland oo cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka dowladda Puntland iyo xeer-hoosaadka Baarlamanka, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay, xubnaha maxkamadda sare ee Puntland oo ay ku eedeeyeen caddaalad-darro iyo musuq maasuq baahsan. Mudanayaasha ayaa sheegay in xubnaha guddiga maxkamadda sare ee Puntland ay dulmi iyo caddaalad-darro baahsan kula kacaan bulshada ay u qabtaan adeegyada garsoorka islamarkaana ay musuq maasuq ku sameeyaan hawlihii garsoorka ee loo xil-saaray. Xildhibaananda mooshinka gudbiyay ayaa Golaha wakiilada Puntland ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xubnaha maxkamadda sare ee Puntland maadaama sida ay sheegeen xubnuhu ay gabeen shaqadii loo igmaday. Xubnaha maxkamadda sare ee dowladda Puntland waxay ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah guddoomiyaha guddoomiye ku xigeenka iyo saddex garsoore waxayna ku shaqeeyaan go’aan wadareed iyadoo mudada xil-hayntoodu tahay 5 sannadood. Sida uu qabo qodobka 90-aad ee Dastuurka dowladda Puntland xubnaha maxkamadda sare waxaa xilka qaadis ku samayn kara Golaha wakiilada iygoo maraya aqlabiyad hal-dheeriya(1/2+1). Mooshinkan ayaa ku soo beegmay xilli aan weli la magacaabin guddooomiyaha maxkamadda sare kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore Yuusuf Xaaji Nuur Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo gudbiyay mooshin xilka qaadis ah appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday Shahaadada isdiiwaan gelinta Musharraxnimada Madaxweynaha maamulkaasi. Axmed Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inuu maray hannaanka sharciga ah ee looga baahnaa doorashada Jubbaland. Wuxuu ka dalbaday Musharraxiinta kale inay maraan waddadaasi, islamarkaana ay joojiyaan eedeynta iyo hadallada fowdada abuurayo. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in isaga iyo Musharraxiinta kale ay u siman yihiin guddiga doorashada, loona baahan yahay inay is dajiyaan. Madaxweyne Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan ayaa la kulmaya loolan adag iyo cadaadis uga imaanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socoto ee Augusto, iyadoo qaban qaabadii ugu dambeysay haatan ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Somali security forces on Friday evening killed at least three suspected al-Shabaab militants in an operation outside Baidoa town. According to locals, the forces launched an operation to hunt down Al-Shabaab operatives in Madow village near Awdinle town of Bay region. In brief gunfire with al-Shabaab members, the forces killed three of them. The forces also managed to capture the other one. Security agencies said the militants were thought be planning IED attacks in the area. The development comes a day Somali cabinet discussed on mean to step up operations to liberate areas controlled by al-Shabaab fighters in central and south of Somalia. The country’s Defence Ministry has pledged to implement military plans to defeat the group. Recently, the Somali military backed by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has increased offensives against al-Shabaab. Al-Shabaab which once controlled a large swath of southern was forced out of many major towns in south and central including the capital city. The group now operates in remote areas but tries to launch deadly attacks in major towns. Last week, four heavily armed men had stormed a hotel in Kismayu town where they killed over thirty people including Jubbaland presidential candidate. Al-Shabaab claimed the responsibility of the heinous attack which several hours before Somali security forces concluded. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa isebdal ku sameysay hoggaanka howlgalkeeda Africa ee loo yaqaano AFRICOM. War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub ee hoggaankaasi loo magacaabay Stephen Townsend. Taliyahan ayaa bedalaya Thomas Waldhauser oo la sheegay inuu howlgab noqday, islamarkaana uu gabi ahaan ka fariisinayo shaqada Thomas Waldhauser ayaa muddo dheer soo hayey xilkan, wuxuuna horay uga soo shaqeeyay qeybo kala duwan, isaga oo ciidanka ku jiray 48 sano. Sidoo kale Stephen Townsend ayaa noqonaya taliyihii shanaad ee soo mara howlgalka Maryenka ee Africa. Townsend ayaa hadda laga soo wareejiyey dhinaca tababarada ciidamada Mareykanka, isaga oo tan March 2018-kii ahaa madax tababarada. Warkan ayaa lagu shaaciyey in munaasabadda xil wareejinta ay dhaci doonto 26 bishan, islamarkaana lagu qaban doono dalka Jarmalka. AFRICOM ayaa dusha kala socota howlgallada Mareykanka uu ka fuliyo dalalka qaaradda Africa. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu Mareykanka ka fuliyo howlgallada dhanka cirka ah, kaas oo weeraro la beegsada Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka joogo ciidamo ka badan 500 oo Askari, kuwaas oo taageero ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Cabdi-Raxmaan Guul-Wade qayb kama noqon karo shirka lagula hadlayo maamulka Somaliland! Adduun waa un la daali!…Bal amarka Ilaahay burburkii siduu u dhacay nin kasta madax-weyne iyo ra’iisal wazaare waan ka dhiganay, shacab la dulmiyay Gaalo iyo Muslimba, magacyo loo soo adeegsaday si aysan u garan cidda dulminaysa, Qarammada Midobay, Beesha Caalamka, Sama-Fal, Maal-Gashadayaal, Deeq-Bixiyaal, Taba-Barayaal, markaasaa nasiib-darrada dhacday siyaasigii la keenaba wuxuu noqday mid doonaya inuu u shaqeeyo oo uu wax ku ahaado magacyadaas!… Ma aha sida dadku qaar moodayaan in magacyadaas ay qasbi karaan dadka Soomaaliyeed ee siyaasi kasta baa rumaysan in xilka aan huwinay uu xiriir kula samaysto magacyadaas!… Wali ma u fiirsatay?!…Bal adigu ka waran madax-weyne, ra’iisal-wazaare, waziir, Business-Card iska leh oo madaxda aajnabiga ah ee ay kulmaan kolay safiir ku tahay siinaya xiriirkiisa shakhsiyadeed! Maba xumaateen haddii ay yihiin madax dalkoodu warshado leeyahay, ama maal qaabeeno ah!…Laakiin nin isagiiba dalal shisheeye ah mushaarka iga baxiya leh oo business card madax kale siinaya, bal qiyaas, maxay u qaadanayaan inuu ka rabo?!… Siyaasiyiin badan baa keenistooda lagu khaldamay, waxaan xasuusnahay iyadoo SHiikh SHariif Axmed aqoon ahaan iyo khibrad yari lagu dhaliilayo baa Xasan SHiikh Max’ud ha layska qaato la yiri, markii Xasan SHiikh Xoolihii dalka Mood iyo Noolba uu boobay baa la yiri yaan isaga fujinaa…Bal adigu ka waran saliiddii karaysay ka bood oo dabkii ku dhac!…kud ka guur oo qanje u guur! Waa maalin kasta!… Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, in kuwii doortay ay ku khaldameenna iyagaa afkooda ka sheegaya oo meel kasta la taagan, laakiin guddiga uu u xil-saaray wada hadallada lala galayo maamulka Muuse Biixi sabab dhab ah oo uu ku saleeyay soo xuliddooda ma jirto, waxaana la moodaa in dadka uu guddigaas u magaacaabay qaarkood uu yaqaan laakin uusan dan ka lahayn waxay ahaayeen, gaar ahaan General Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen Guul-Wade!… May 27, 1988, maalin Jimce ah, ayaa si isku mid ah dagaalkii SNM-ta uga qarxay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxaana adkayd in warar sugan laga helo xaaladdii halkaas ka jirtay, war-faafinta dowladdana wax weyn kama aysan dhigeyn. Subaxdii xigtay ee maalintii Sabtiga ayaan xafiiska war-geyskii Xiddigtii Oktoobar waxaan ugu immid tafaf-tirihii war-geyska, Cabdi Idriis Ducaale (Alle ha u naxariistee) wuxuuna ii sheegay baaxadda dhibaatada iyo in labadaas magaalo ay cidlo yihiin, walina meelaha qaarkood uu dagaalku ka socdo, isagoo run ahaantii tilmaamaya inaysan haboonayn in jabhaduhu dagaalka ka bilaabaan magaalooyinka iyo deegaannada dadka shacabka ah!…Wax badan oo uu sheegay baan aad ii damqiyay, meeshii aan fadhiyay baan qoraal kooban ku sameeyay anigoo markaas is leh wax baad maldahaysaa, laakiin aad u xamaasadaysan, markaasaan u dhiibay Cabdi Idiriis si loo shaaciyo, intuu aqriyay buu qoslay oo igu yiri “ Maalmahan oo kale waxba lama qoro!…xataa sheeko jacayl ah”… “Dad-weynaha magaallada Muqdisho waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii soo gubay yeysan guryihiinna gubin!” Waxaan bilaabay inaan aad isula hadlo, waxay ila noqotay ama ii soo baxay in loo baahanyahay war-faafin dad-weynaha si madax bannaan wax ugu sheegta, ama xataa in la helo meel kolba xaaladaha taagan xaqiiqdooda looga waramo, fikir dheer oo maalmo qaatay waxaa ii soo baxday inaan ka faa’idaysan karo oo aan isticmaali karo barnaamij ka bixi jiray Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da oo ay soo wada jeedin jireen Cabdi-Salaam Hereri iyo Yuusuf Xasan maalmaha Axadaha ah oo la oran jiray Waxay Ila Tahay!…Boostada si aan warqadaha uga diro, ayaa ahayd hawl adag oo aan soo maray, waan ogaa go’aanka aan qaatay khatartiisa, laakiin waxaa ii muuqday khatarta inaysan marna baaqanayn!…waxaan arkayay in dabkii gubay Burco iyo Hargeysa uu ku soo fidayo Muqdisho!… Waxaan bilaabay inaan waraaqo u qoro barnaamijkii waxay ila tahay, anigoo adeegsanaya magaca Alle-Yaqaan, muddo ayaan qoraaladaas u dirayay BBC-da anigoo Muqdisho ka qoraya, aadna u baqaya,haddii laygu ogaadana aan shaki iiga jirin inay naftayda ku kici lahayd. Muddo kooban gudaheed waxaa Muqdisho soo buuxiyay dadkii ka soo cararay ama ku soo ceyrtoobay magaalooyinkii dagaalladu ka dhaceen, waxay ahayd musiibo dalka ku soo waa-bariisatay, Muqdisho iyo guud ahaan magaaloyinka dalka intooda badan ma aysan ku baraarugsanayn waxa dhacay iyo dhibaatada baaxadda ay leedahay waxaana intii hore oo dhan loo haystay rabshado yar-yar war-baahin xogta laga qaato amaba raadin karta, ama haday hesha sheegi karta ma aysan jirin!…Waxaa arrin naxdin leh ahayd markii la arkay faraha dadka soo qaxay, mana jirin wax xil iska saaray dowlad ahaan, hasa yeeshee guud ahaan shacabkii Soomaaliyeed ayaa dadkaas u kacay oo u gurmaday haddii ay ahayd Laas-Caano, Garowe, soo wad ilaa ay Muqdisho ka imaanayeen, waa ay jireen dhacdooyin gaar ahaa oo dadkaas la soo gudboonaaday oo meelaha qaar laga soo sheegay laakiin aan badnayn. DHaqaalaha iyo tabartu ha iska yaraadaan guud ahaanse wax laga hagraday dadkaas ma jirin. Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen, wuxuu ahaa taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed xilligaas, way iska muuqatay in dadkii soo qaxay ee ka soo tegay guryahoodii, hantidoodii, iyo deegannadoodii ay ku dayacnaayeen magaallada Muqdisho, waxaase arrin naxdin leh ahayd in Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade uu dad-weynihii Muqdisho ugu baaqay inaysan dadkaas soo dhoweyn!…Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, bishii Oktoobar 23, 1989 wuxuu qabtay shir jaraa’id isagoo eedaynaya shacabkii ka soo qaxay Burco iyo Hargeysa, una sheegaya shacabka Muqdisho inaysan soo dhoweyn oraahda ugu xanuunka badanyd ee aan wali xasuusnahay waxay ahayd “Dad-weynaha magaallada Muqdisho waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii soo gubay yeysan guryihiinna gubin” waliba qaab digniin ah, waxaan filayaa codkaas in wali la raadin karayo, sidaas daraadeed Cabdi-Raxmaan Guul-Wade kaalin uguma bannaanna kulan kasta oo dib u heshiisiin Soomaaliyeed khuseeya, gaar ahaan gobollada Woqooyi ee Soomaaliya, waayo ninka sidaas u hadlay isagoo dowlad ah oo aan jabhad ahayn, oo ku shaqaynaya in uu u dhaartay sugidda amniga ummadda… Dowladdii baa dhacday Cabdi-Raxmaan Guul-Wade oo wali raadinaya Alle-Yaqaan! Maalintaas markii uu shirka saxaafadeed qabtay isla habeenimadaas baan ka diyaariyay qoraal jawaab u ahaa hadalkiisa oo aan u diray BBC-da iyadoo magacaygu yahay Alle-Yaqaan, oo aan isticmaalayay 1988 markii dagaalladu ka dhaceen gobollada Woqooyi ilaa ay dowladdii dhacday…Inkastoo aan baqdin ku joogay oo aan hortiis madaxdii dalka BBC-da jawaab u mariyay waxayse iigu darnayd maalinkii aan isaga u jawaabay!… Waa marka horee isla markiiba wuxuu amar ku bixiyay in la soo qabto si dhaqso Alle-Yaqaan, waxaa baaritaan lagu sameeyo SONNA, Radio Muqdisho, iyo Xiddigta Oktoobar qorayaashooda, weriyeyaal saaxiibaday ahaa oo joogay SONNA iyo Raadiyo Muqdisho oo aan ogeyn inaan aniga ahay Alle-Yaqaan oo qaarkood ay hadda ku noolyihiin Kanada iyo Yurub baa si sheeko ah iigu sheegay inay u yimaadeen saraakiil kala duwan oo ka kala socday NSS iyo CID oo ka wareystay waxa ay ka yaqaanaan ama ay kala socdaan Alle-Yaqaan, waxayse iigu darnayd markuu nin ka tirsan boliiskii Soomaaliyeed oo CID ahaa oo aan magaciisa hore keliya aan garanayo oo la oran jiray Daahir uu habeen inooga sheekeeyay in dowladda oo dhan ay raadinayso nin Alle-Yaqaan la yiraahdo laakiin Gen. Guul-Wade uu ku dhaartay……..laakiin Alle kama dhigin tiisii….. DHinaca kale, marka la eego xubnaha kale ee guddigan uu madax-weyne Farmaajo ula baxay Guddiga Qaranka ee Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaad u moodaa inuu ku xushay rabitaankiisa shakhsiyadeed, oo uu inkiray dadkii sida qotada dheer taariikh ahaan ula socday anaaniyadda beenta ku salaysan ee madaxda maamulkaas qaarkood ku eedeeyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi waxba kama duwan sidii ay u dhaqmayeen Xasan SHiikh Max’ud iyo SHiikh SHariif oo iyagu dhaqan ka dhigtay inay shir kasta oo maamulkaas qolaaca lala geliyay ay u diraan saaxiibbadood!…Waana sababta wada hadaladaas marna horay ugu socon waayeen ama wax natiijo ah oo run ku salaysan looga maqli waayay… Waxaa hubaal ah in Farmaajo uu si ula kac ah ugu daray guddigaas General Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, isagoo ka dheregsan xogtiisa intii uu safiirka ka haa dalalka shisheeyaha ah siiba intii uu safiirka ka ahaa dalka Sacuudiga markaas dadka laga soo tarxiilayo dalkaas waraaqaha guri-aadista (Go-Home letter) oo safaaraduhu lacag la’aan ku bixiyaan uu kaga iibin jiray lacag gaaraysa 500 dollar!… Mana dhicin isaga ka hor safiiradii soo maray dalkaas inay waraaqahaas muwaadhiniinta laga soo tarxiilayo dalkaas. Waxaana xusid mudan in maamulka Somaliland uusan marna arag madax ay ka daacad tahay wada hadallada ama wada xaajoodka la galiyo, waxaan sida marar badan la sheego wada hadalo kasta oo furmo looga ahdli jiray waxyaabo ka sokeeya magaca wada hadallada ay huwanyihiin iyo ujeeddada lagu sheegay in loo qabanayo. Waxaa marar badan dhacday in wada hadalladaas ujeeddadoodii la bedelo oo ay noqdaan kuwo looga hadlayo dano dhaqaale oo markaas ay madaxda federal-ka ay u fasaxdo maamulkaas arrimo ama mashaariic kaga xiran madaxda federalka iyadoo taas bedelkeeda ay madaxda federal-ka mashruuca ay fasaxday ka qaadanayso saami lacageed, marka maamulkaas iyo siyaasiyiintiisa waxay in badan dareensanyihin ama ka dhaadhacsan inaysan jirin wax dowlad fedral ah oo ay ka dhab tahay inay la xaajooto, wuxuna ay iska yihiin shirar lacag lagu wada samaynayo, haddii aan taas la bedelinna waligeed arrintu waxay ahaanaysaa I Jiid aan ku jiidee ilaa uu dalka sidaas ku kala go’o!… The post Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade: Dad guryahoodii soo gubay yeeysan guryihina gubin! appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hogaansamo waxaa uu intaas ku daray in dhamaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gorgortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud. Qaar kamid ah musharaxiinta kasoo qaybqaatay halgankii Jubbaland looso maray ayuu ku booriyay in ay dib u eegan halka laga yimid iyo dhibkii looso maray dhismaha Jubbaland isla markana aanay u durbaan tumin shaqsiyaad kor ka yimid oo aan ka warqabin duruufaha dadka ree Jubbaland. Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ku adkeeyay in ay nabadgalyadooda ilaashadan oo doorashooyinkooda ay qabsadaan isla markana aanay dib ugu noqon wixii lasoo maray. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo isu diiwaan geliyay doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta oo sabti ah qaatay shahaadada musharraxnimada madaxweyne ee maamulkaasi. Axmed Madoobe ayaa buuxiyey shuruudihii dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadallo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin, loona baahan yahay in loo hoggaansamo wuxuuna intaas ku daray in dhammaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gor-gortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (SMM) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeyn culs u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala kulmeen dhibaatadii ugu darneyd 28-kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dhinac walba ka cunaqabateeyay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Somaliland.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, mudane; Thabo Mbeki, ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Thabo Mbeki, ayaa hoggaaminaya Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane; Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM, James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira iyo madax kale. Wafdigani ka socda Midowga Africa ayaa soo maray Nairobi halkaasi oo ay kula kula soo kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi. Lama shaacin weli u jeedada rasmiga ah oo uu salka ku hayo socdaalkooda, waxaana saacadaha soo socda ay la kulmi doonaan madaxda sare ee dalka. Booqashada guddigan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan khilaaf uu jiro u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay muranka badda ee labada dal. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Mudane Thabo Mbeki ayaa hoggaaminaya guddi sare oo ka socda Ururka Midowga Africa. Sida ay ogaatay Caasimada Online guddigan ayaa u yimid arrimo la xariira dhex dhexaadinta dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo uu haatan ka dhexeeyo khilaaf xoogan. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay kulan kula qaataan xarunta Madaxtooyada Qaranka, sida ay xaqiijiiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xubnahani ka socda Midowga Africa ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa ayaa Nairobi kula soo kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Munica Juma. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xariira Badda, nabadda, xasilloonida, is dhexgalka iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika. Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in wax wada-hadal ah aysan ka geli doonin muranka Badda, islamarkaana ay ka war sugi doonto go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare jaamac Guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee caasimadda Garoowe, ayaa shaaciyay in ay heshiis la galeen shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaaarin iyo qurxin ugu samayso garoonka. Qoraal xalay lagu daabacay bogga uu guddiga ku leeyahay Facebook-ga, ayey ku sheegeen in ay todobaadkii hore heshiis rasmiya la saxiixdeen, shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaarin iyo casriyayn ugu samayso garoonka kubadda cagta Mire Awaare. “Shirkad TTN oo ah Shirkadda Turki ah iyo Guddiga Garoonka Mire-Awaare ayaa Todobaadkii Lasoo Dhaafay Kala-Saxiixday Heshiis Rasmi ah, Kaaso oo Shirkadu TTN Ku Cagaarin-doonto Garoonka Mire-Awaare, Islamarkaasna Rooga Ladhigayo Garoonka ayaa ah mid Laga Fakaray oo ah Roog Casri ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in shirkadda TTN ay durba dalka Turkiga ka dalbatay, rooggii cagaarnaa iyo qalabkii kale ee lagu samayn lahaa roog-dhigidda, qurxinta iyo casriyaynta garoonka. “Masuuliyiinta Shirkadda ayaa Durbadiiba Dalbay Roogii iyo Qalab-Kale oo Loogu talagalay Cagaarinta Garoomada Casriga ah” ayaa la sii raaciyay qoraalka guddiga. Shirkadda TTN ee dalka Turkiga, ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan iyo laamiga wasaaradaha u baxa, waxaana ay haatan gacanta ku haysa waddooyin laamiya oo laga hirgelin doono caasimadda Garoowe. Dhinaca kale, guddiga ayaa xaqiijiyay in lacag dhan $200,000 Dollar oo loo uruuriyay qurxinta garoonka Mire Awaare iyo qalab dheeriya oo ay bixisay hay’adda World-Vision, ay ku jiraan gacanta guddiga,si loogu qabto hawlaha roog-dhigidda iyo qurxinta garoonka. Waxaa kale oo guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka Mire Awaare ay beeniyeen, warar baraha bulshada lagu arkay, oo sheegaya in guddigu ay musuq maasuq iyo is-daba-marin ku sameeyeen lacagtii loo uruuriyay garoonka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Maxaa ka jira in la musuq maasuqay lacagtii loo uruuriyay garoonka kubadda Cagta Mire Awaare? appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ka sameeyeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi. Guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in howlgalkani lagu dilay saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu soo qabtay mid kale, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku sugnaayeen goob ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn guddigii uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Farmaajo ee wadahadallada Somaliland iyo dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in guddigan ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland, islamarkaana iyagu aysan la fariisan doonin cid Somaliland kasoo jeedda, balse ka socota dowladda federaalka. Sidoo kale, Muuse ayaa tilmaamay in guddigan Labada qodob ee uu sheegay madaxweyne Farmaajo iney ka shaqeyn doonaan aanay dhankooda waxbo ka quseyn, isaga oo quus ka muujiyey in wadahadallo furmaan inta madaxweyne Farmaajo uu joogo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Madaxweynaha-somaliland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub fara badan iyo lacago sharci darro oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ismaamulkaasi. Hubka iyo lacagtani ayey ciidamadu ku soo qabteen howlagllo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee dowlad deegaanka Zakariye Cabdi Khaliif ayaa hubka ay soo qabteen tiradooda ku sheegay 3040 (saddex kun iyo afartan Qori) oo ay ka mid yihiin 20 qoryaha Machine-gunska loo yaqaan iyo nooca kale ee RPG-ga oo tiro badan. Sidoo kale lacagta ayuu sheegay inay ka badan tahay $10,000 (Toban Kun) oo doollarka Mareykanka ah. Zakariye ma shaacin in dad ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi, balse wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan baaritaanadooda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan afgambi dhicisoobay uu ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi bishii hore ayaa waxaa lagu dilay taliyihii Ciidamada Itoobiya iyo Madaxweynihii maamulka Amxaarada Dr. Ambachew Mekonnen. Dowladda federaalka Itoobiya iyo maamullada hoostaga ayaa waxaa tan iyo markaasi kadib ay ku dhaqaaqeen howlgallo lagu soo qabtay hub, kuwaas oo laga sameeyey gobollada Oromada, Amxaarada iyo Cafarta ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com