Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabudllaahi Deni oo Sabtida maanta ah ka hadlayay madal lagu daah-furay mashruuc waxbarasho, ayaa ku baaqay in bulshada Puntland ay ku fara’adaygaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan ee Punland ku soo caana-maashay. Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada u dhalatay gobolladan ay aas’aaskii Puntland u hureen naf iyo maalba, si ay u helaan nidaam dowladeed oo ka saara amni-xumadii iyo horumar la’aantii haysatay gobolladii waqooyi bari ee Soomaaliya oo mar lagu naanaysay “Gaari’waa” maadaama aysan waxba u qaban dowladdii dhexe ee Soomaliya. Mudane Deni ayaa nasiib-darro ku tilmaamay , in qaar kamid ah bulshada Puntland ay illaawaan dhibkii la soo maray ka hor aas’aaskii Puntland, iyadoo gobolladan ay ka jireen amni-xumo iyo horumar la’aan dhinac walba saameeyay ka hor inta la hirgelin dhismihii Puntland oo laga dhaxlay nabadda iyo horumarka maanta socda. “Puntland waxaa la rabaa, wixii ay shalay soo maal-geshatay oo ay u horreysay in ay nidaam iyo maamulk dhisato, oo ay ku xigtay in ay nabadeeda ka shaqeyso, oo ay ku xigtay dadkeeda in ay u adeegto, oo ay ku xigtay in ay dadkeeda u hagto, in aysan qax-qaxin oo bara-kicin, waxaan u baahannahay in aan aad ugu fara’adaygno nidaamka aan halkaa ku gaarnay” ayuu yiri Deni. Sidoo kale, wuxuu bulshada Puntland xasuusiyay horumarka ay Puntland ka gaartay dhanka adeegyada aas’aasiga ah oo xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya aan degaannadan ka jirin, balse loo aadi jiray magaalada Muqdisho iyo dhul kale, maantase dhammaan laga helayo gudaha Puntland. Dhinaca kale, madaxweyne deni ayaa soo hadal-qaaday lacago dowladda Federalka Soomaaliya ku deeqday oo la soo geliyay gudaha Puntland, iyadoo aan loo soo marin nidaamka Maaliyadeed ee Puntland u deggan, taasi oo uu ku tilmaamay “sharci-darro”. Deni ayaa xusay in Puntland ay abaal ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland lacago ugu deeqi jirtay dowladdii KMG ahayd, laakiin ay marsiin jirtay nidaamka saxda ah, halka sida uu sheegay ay haatan dowladda dhexe lacagaha Puntland loogu tala-galay aysan soo marin hannaanka Maaliyadeed ee Puntland. “Lacagtaasi Puntland dad kale uma aysan diri jirin, qabiilana uma aysan diri jirin, ee nidaamka dowliga ah bay ku diri jirtay ee wasaaradda Maaliyadda” ayuu yiri madaxweynaha isagoo sii raaciyay” waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalku ay tiraahdo annagaa qeybi-nayna oo reer-reer baan ugu soo qoraynaa iyo magaalo-magaalo”. Waxaa kale oo uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka shaqeynayso, nidaamka iyo dowladnimada Puntland in ay burburiso, iyadoo u adeegsanaysa kicinta dhalinyarada da’yarta ah ee aan weli garaadkoodu buuxsamin. Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa si cad u diiday guddiga loo magacaabay wada-hadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo sida uu sheegay ay ku jiraan xubno lagu tuhmayo in ay ku lug-lahaayeen hurgumooyinka bulshada Soomaaliyeed dhex yaalla. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxayidiin Axmed Aw-muuse iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada booliska Puntland ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidamada Booliska. Wuxuu Salaan sharaf ka qaatay Madaxweynuhu cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, kadibna wuxuu kormeeray Qeybta Booliska ee degmada Garoowe oo dib u dayactir lagu sameeyey. Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha howsha baaxada leh ee ay u hayaan Bulshada, Madaxweyne Deni ayaa kala hadlay Saraakiisha dardar-gelinta shaqada ciidanka booliska, Barnaamijka tayeynta Ciidanka oo hada qeybo ka mid ah Tababaro u socdaan iyo diyaargarowga munaasabada 1-August. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynah Puntland oo kormeeray taliska guud ee Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Dowladda Puntland, hay’adda Save children iyo ECW ayaa maanta daahfuray mashruuc waxbarasho oo loogu magac daray,” waxbarashado yaysan ku seegin (Education Cannot Wait), si kor [...] Source
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabudllaahi Deni oo Sabtida maanta ah ka hadlayay madal lagu daah-furay mashruuc waxbarasho, ayaa ku baaqay in bulshada Puntland ay ku fara’adaygaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan ee Punland ku soo caana-maashay. Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada u dhalatay gobolladan ay aas’aaskii Puntland u hureen naf iyo maalba, si ay u helaan nidaam dowladeed oo ka saara amni-xumadii iyo horumar la’aantii haysatay gobolladii waqooyi bari ee Soomaaliya oo mar lagu naanaysay “Gaari’waa” maadaama aysan waxba u qaban dowladdii dhexe ee Soomaliya. Mudane Deni ayaa nasiib-darro ku tilmaamay , in qaar kamid ah bulshada Puntland ay illaawaan dhibkii la soo maray ka hor aas’aaskii Puntland, iyadoo gobolladan ay ka jireen amni-xumo iyo horumar la’aan dhinac walba saameeyay ka hor inta la hirgelin dhismihii Puntland oo laga dhaxlay nabadda iyo horumarka maanta socda. “Puntland waxaa la rabaa, wixii ay shalay soo maal-geshatay oo ay u horreysay in ay nidaam iyo maamulk dhisato, oo ay ku xigtay in ay nabadeeda ka shaqeyso, oo ay ku xigtay dadkeeda in ay u adeegto, oo ay ku xigtay in ay dadkeeda u hagto, in aysan qax-qaxin oo bara-kicin, waxaan u baahannahay in aan aad ugu fara’adaygno nidaamka aan halkaa ku gaarnay” ayuu yiri Deni. Sidoo kale, wuxuu bulshada Puntland xasuusiyay horumarka ay Puntland ka gaartay dhanka adeegyada aas’aasiga ah oo xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya aan degaannadan ka jirin, balse loo aadi jiray magaalada Muqdisho iyo dhul kale, maantase dhammaan laga helayo gudaha Puntland. Dhinaca kale, madaxweyne deni ayaa soo hadal-qaaday lacago dowladda Federalka Soomaaliya ku deeqday oo la soo geliyay gudaha Puntland, iyadoo aan loo soo marin nidaamka Maaliyadeed ee Puntland u deggan, taasi oo uu ku tilmaamay “sharci-darro”. Deni ayaa xusay in Puntland ay abaal ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland lacago ugu deeqi jirtay dowladdii KMG ahayd, laakiin ay marsiin jirtay nidaamka saxda ah, halka sida uu sheegay ay haatan dowladda dhexe lacagaha Puntland loogu tala-galay aysan soo marin hannaanka Maaliyadeed ee Puntland. “Lacagtaasi Puntland dad kale uma aysan diri jirin, qabiilana uma aysan diri jirin, ee nidaamka dowliga ah bay ku diri jirtay ee wasaaradda Maaliyadda” ayuu yiri madaxweynaha isagoo sii raaciyay” waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalku ay tiraahdo annagaa qeybi-nayna oo reer-reer baan ugu soo qoraynaa iyo magaalo-magaalo”. Waxaa kale oo uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka shaqeynayso, nidaamka iyo dowladnimada Puntland in ay burburiso, iyadoo u adeegsanaysa kicinta dhalinyarada da’yarta ah ee aan weli garaadkoodu buuxsamin. Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa si cad u diiday guddiga loo magacaabay wada-hadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo sida uu sheegay ay ku jiraan xubno lagu tuhmayo in ay ku lug-lahaayeen hurgumooyinka bulshada Soomaaliyeed dhex yaalla. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in u soo xayd-xaydatay burburinta Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta qaatay Shahaadada isdiiwaan-gelinta doorashada maamulka Jubbaland. Fiqi ayaa sheegay in isdiiwaan-gelinta Axmed Madoobe ay meesha ka saartay hadalo uu sheegay inay isku maaweelin jireen Maamulka Villa Somalia, kaasi oo ahaa in Axmed Madoobe uusan mardambe isku soo taagi doonin xilka Madaxweyne-nimo. Xildhibaanka ayaa sidoo waxa uu ka dhawaajiyey in DF Somalia ay ku fashilmatay culeyso badan oo ay saareysay Axmed Madoobe, si uu uga haro musharaxnimada xilka Madaxweyne. “Waxaa meesha ka baxdey hadalkii ay muddo isku maaweelin jireen kooxda Villa Somalia ee ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe in uusan u istaagi doonin xilka madaxweynenimo mar kale… been kale baara taas saakay ayaa la idin soo celiyey!!” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ka hadlayey arrintaasi. Wuxuuna intaas kusii daray “Culeysyo dhinac kasta leh, Alshabaab iyo Alshabaab u eke oo weerarro lagu qaaday qeyb ka ahaa intaba odaygii waxaad moodaa inuu berriga si nabadgalyo ku gaarayo!”. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta qaatay Shahaadada isdiiwaan-gelinta doorashada maamulka Jubbaland, isagoona ka dalbaday Musharraxiinta inay maraan waddadaasi, islamarkaana ay joojiyaan eedeynta iyo hadallada fowdada abuurayo. Axmed Madoobe ayaa doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan, wuxuuna la kulmayaa loolan adag iyo cadaadis uga imaanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Garbahaarey (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic maanta laga maqlay magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Aadan Siraad, gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha, ayaa hoobiyeyaashaasi ku eedeeyay Al-Shabaab. Mr Siraad oo shaaca ka qaaday in guriga ay ku dhaceen madaafiicdaasi oo ku yaala duleedka magaaladda ay deganaayeen dad shacab ah. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in dadka wax ku noqday oo gaaraya saddex ruux ay gebigooda yihiin rayid. Ma uusan kala caddeyn hadii rayidka wax ku noqday ay ku jiraan caruur goobta ay wax ka dhaceen ka akdhoweyd. Dhinaca kale, Al-Shabaab illaa iyo haatan kama aysan jawaabin eedeynta uga yimid mas’uuliyiinta gobolkaasi. View the full article
  7. Minister of Foreign Affairs Ahmed Isse Awad, received today at the Aden Abdulle International Airport in Mogadishu a delegation from the AU High-Level Implementation Panel (AUHIP) led by former South African President Thabo Mbeki. Source: Hiiraan Online
  8. Ceelbuur (Caasimada Online) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta askar ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dowlad goboleedka HirShabelle waxa ay ku soo bandhigeen gudaha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Askartan oo tiradoodu gaareyso illaa afar ayaa lagu soo bandhigay xarunta maxkamadda Al-Shabaab ee degmadaasi. Ciidamada ayaa xirnaa dharka tuutaha ee Milatariga Soomaaliya, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa tilmaamay in askartaasi ay ka soo goosteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in ay la soo baxsadeen hubkooda, islamarkaana ay ka barbar dagaalami jireen ciidamada Itoobiya, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan askartaasi. Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay ka arrimiyaan ku soo bandhigay askar ay sheegeen inay u soo goosteen dhankooda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday Ajendaha shirkooda oo ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ). Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator; Cabdi Xaashi Cabdullahi. Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka, Senator Axmed Macalim Cumar Axmed (Nadiir) ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ). Senator, Dr; Osman Mohamud Dufle oo xubin ka ah Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arrimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax kabadalka lagu sameeyay Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar ,ayadoo ay xildhibaannada Aqalka sare qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aaddan hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka (GMCQ)”, waxaana muddo aan la cayimin loo ballamay ka doodista hindise sharciyeedkan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in odayaashaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo. Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Hargeisa International Book Fare Today I was prepared to make an interesting speech at Hargeisa international book fare but no one was given the opportunity except the officials. The below would have been a speech that I prepared to talk about the study I had carried out out on last Somaliland presidential election in 2017. I felt my study should be in the GUINNESS BOOK of Records of Somaliland, if it had got one. Good Morning Ladies and Gentlemen First of all, I would like to take this opportunity to thank the Somaliland cultural Association for organising this huge national interest event of book fair not only running this year but a twelve year in a row. I would also thank to honourable guests for participating in this event, including government officials, international INGOs working in Somaliland and other INGOs who support Somaliland democratisation like progressio. Equally, I thank the talents who have contributed to this book fare by producing a wide range of books on diverse subjects. I am lucky to be part of these writers who are exhibiting their achievements at this event for advancement of knowledge. I am participating in this event about a study that I and group volunteers carried out in the country in 2017. The aim of the study was to contribute to the success of elections and democratisation the country has embarked on in a positive light and send a good outlook to international community about what Somaliland has achieved. Not only in Somaliland but many developing countries elections are challenge. It is a process that requires huge resources of both social and capital commitments and more importantly necessitating public engagement and participation. In Somaliland and any developing country despite of giving all these efforts in elections, it happens a losing party not to accept what was fair and free election with no valid evidence to support their claim. Equally a ruling party is not also prone to be accused to rig elections – However, some developing world are accused that their elections were not in conformity with international standards, including Somaliland’s immediate neighbours but Somaliland elections are evidenced to have been in very high standard albeit there were scopes for improvements. Our ambitious study with no mainstream funding, it was about understanding how the people of the country were going to vote for the last presidential election in 2017. Tt was carried not only in big cities but every electoral district in every region both rural and urban to predict what would have been the election result in scientific study the presidential candidate that was to have been expected to win. Our prediction was released on the 8th of November 2017 before the election took place on the 13 November 2017. We did not only find that the current president would win by 57.7 which was 99 matched the official result released by the Somaliland Electoral Commission on 23rd November 2017 but also, we correctly tallied what was the turnout in every region. It was an impressive result. Our study was very successfully, and it was the first time ever a scientific study was carried out in the country on a presidential election (I felt I should be in the genes record of the Somaliland, if it has got one). This study sends a positive message to the political parties and their supporters about the last presidential election. It also improves public perception of a democratic system. It is a useful resource for the electoral commission to learn from the study. It highlights both their weaknesses and strength. The public-owned their responsibility to vote peaceful way in which international election observes acknowledged. People understand the importance of the voting as they correlate stability of the country and want to see the perpetuation of power to be exchanged by ballot box but not through violent means. The study, it is going to be tool for all political parties to understand more about voters as there seems to be lack of interconnectedness between voters and political parties. Because there is not sufficient information being provided in writing to the society to make the right decision when voting. The public are getting wrong message and it happened in the last election as the fast majority of people voted along tribal lines. Promoting events likes this, it encourages society to understand the importance of knowledge rather than relaying what has been orally said that has no evidence. There are impressive data in the book about democratisation and endows political parties with knowledge of how to be successful and build inclusive society united their destiny. A political party who has not been successful in the last election, the book provides an insight into voters, in particular what the society expects from political parties i.e. the democratisation system with political parties. Finally, I would like people who want to achieve something that contributes to the society in anyway to be supported and producing books are successful pathways in which enables knowledge to flourish. If these books are not shown interest by the people todays talents and future ones will be lost forever. However, this will not be case because Somaliland people are grateful to people who contribute to the society Thank you Ahmed Essa Qaran News
  12. https://www.bbc.com/news/uk-49054586 Qaran News
  13. Somaliland: President Muse Bihi Hosts Dinner For Foreign Dignitaries The Somaliland President Muse Bihi Abdi hosted a gala dinner for foreign diplomats and other dignitaries last evening at the presidency in Hargeisa. The dinner was held to inaugurate the Hargeisa International Book Fair which begins today. The President welcomed the authors, academics and other participants of the book fair and wished them success in their endeavours. Among the foreign dignitaries present at the dinner, was the new EU envoy, Ambassador Nicolas Berlanga Martinez, who in a brief speech commended the organizers of the Hargeisa International Book Fair, on a unique event which will contribute to understanding and co-operation throughout the region. The founder of the Hargeisa International Book Fair, Dr. Jama Muse Jama, also welcomed the guests and participants, and declared that this year’s guest country is Egypt and the theme is coexistence. The Book Fair runs from the 20th to the 25th of July in Hargeisa across various cultural and education centres. Qarannews.com Qaran News
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la soo xiriiray madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday in uu si shuruud la’aan ah ku sii daayo xubno ka tirsan guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso oo laamaha amniga Puntland ay khamiistii xabsiga dhigeen. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan guddiga dhismaha waddada bartamaha magaalada Boosaaso ee khamiistii xabsiga la dhigay isagoo madaxweynaha dowladda Puntland ka codsaday in xuvnahaasi la sii daayo. Sida ku xusan qoraal ka soo baxay Villa Somalia mudane Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Sidoo kale wuxuu ayaa sheegay y in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran. Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii xabsiga la dhigay xubno ka tirsan guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso oo sida la sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomay lacag loogu deeqay dhismaha wadadaasi balse aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Deni ka dalbaday in uu si shuruud la’aan ah ku sii daayo xubno lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. New York (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa Gen. Stephen Townsend us oo magacawday taliyaha ciidamada ka jooga qaaradda Africa ee loo yaqaano AFRICOM. Gen. Stephen ayaa bedelaya Gen. Thomas Waldhauser oo howlgab noqday kadib 48 sano oo uu u soo shaqeynayay militeriga Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRCICOM. Taliyaha cusub ayaa noqonaya midkii 5aad oo AFRICOM yeelato tan iyo markii la aas-aasay 2008. Ku simaha Wasiirka difaaca Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo munaasabada xilka ay ku kala wareegi doonaan labada taliye, taasoo ka dhacaysa 26-ka bishaan dalka Jarmalka. AFRICOM ayaa ku lug leh dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadooa diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo joogto ah ka fuliyeen gudaha Soomaaliya kuwaas oo qaarkooda dad badan oo shacab ah lagu dilay. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran. DHAMMAAD View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta isdiiwaan geliyey, isagoona qaatay Shahaadada Musharraxnimada Madaxweynaha maamulkaasi. Axmed Madoobe oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inuu maray hannaanka sharciga ah ee doorashada Jubbaland. Wuxuu ka dalbaday Musharraxiinta inay maraan waddadaasi, islamarkaana ay joojiyaan eedeynta iyo hadallada fowdada abuurayo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in isaga iyo Musharraxiinta kale ay u siman yihiin guddiga doorashada, loona baahan yahay inay is dajiyaan. Isdiiwaangelina doorashada Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah ku ah eg, sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada , hayeeshii waxaan weli is diiwaan gelinin inta badan Musharraxiinta u taagan hoggaanka sare ee maamulkaasi. Arrintan ayaa loo sababeynayaa kalsooni la’aan ay Musharraxiinta ku qabaan xubnaha guddiga qaban qabaabada doorashada, kuwaas oo ku eedeeyey inay u adeegayaan kaliya Madaxweynaha hadda talada haya ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan, balse waxaa jira loolan adag iyo cadaadis uga imaanaya dhinaca dowladda Soomaaliya. Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socoto ee Augusto, iyadoo qaban qaabadeeda laga dareemayo M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho Wafdi ka socda Kooxda sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP) oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki. Sida Jadwalku yahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si kala gaar gaar ah waxa ay u kala qaabili doonaan wafdiga. Booqashada wafdiga Midowga Afrika oo qaadan doonta muddo labo cisho ah (Luulyo 20-22), ayaa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM. Halkan hoose daawo Sawirrada: View the full article
  19. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo ay weheliyeen saraakiisha ciidamada booliska Puntland ayaa maanta kormeeray saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe oo shaqo dayactir ah ay [...] Source