Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam “Axmed Madoobe” ayaa qaaday tallaabooyin dhowr oo ka dhan ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil. Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas oo ah afhayeenkii hore ee ciidamada xooga dalka ee Jubbooyinka ayaa si kulul ugu hadlay dhaqdhaqaaqyada iyo ficilada uu Axmed Madoobe ka wado deegaanadda Jubland, xilli loo sii dhawaanayo waqtiga loo asteeyey doorashada xilka madaxtinimo ee Jubaland. Korneylka oo warysi siiyey idaacadda Simba, ayaa sheegay in hore magaalada Kismaayo looga soo celiyey sarkaakiil ay dirtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya loona diiday inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo. Korneylka ayaa caburiska lagu haayo ciidamadaas ku eedeeyey xubno uu magacaabay oo uu sheegay inay qaraabo la yihiin Axmed Madoobe. Dhanka kale Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas ayaa madaxda dowladd gobeedka Jubaland ku eedeeyey naceyb ka dhan ah calanka Soomaaliya isagoo sheegay in calanka Soomaaliya dartiis loo dilay dad muwaadiniin ah islamarkaana calanka Soomaaliya lagu gubay magaalada Kismaayo seddex jeer. Korneylka ayaa taa beddelkeed xusay in calanka Kenya uu si nabad gelyo ah kaga babado, magaalada waxa uuna taas ku micneeyey in deegaanada Jubaland looga arrimiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aanan laga maamulin magaalada Kismaayo oo si ku meel gaar ah magaalo madax ugu ah Jubaland. Mar uu ka hadlayey dowrka ay dowladda federalka ah ku leedahay Jubaland ayuu sheegay korneylku in dowladda looga baahan yahay inay deegaanada Jubaland ka xoreyso Axmed Madoobe iyo raga ku heybta ah. Isagoo hadalkiisa wata ayuu sheegay in shacabku uu markii hore ku kalsoona dowladda Farmaajo balse hadda ay muuqato daldaloolo badan oo muujinayo in deegaanada Jubaland waxa ka socdo aysan waxba ka qaban karin. Doorashada Jubaland oo ay ku tartamayaam musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo shalay is diiwan geliyey ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo aadan ee August. Hoos ka dhageyso korneyl Cabdirashiid Gaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Gaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo kamid ah Mas’uuliyiinta xisbiga Waddani, ayaa sheegay inaysan Somaliland marnaba si toosa xoolaheeda uga iibin Sacuudiga, balse ay ka iibiyaan ganacsato carbeed oo u dhoofiya dalkaasi. Bashiir Xariir ayaa ku baaqay in Somaliland ay si toosa ula xiriirto dowlada Sacuudiga, isagoona si adag u dhaliilay go’aankii Somaliland lagu hoos geeyay DF Somaliya. Xariir ayaa waxa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay wado sidii Somaliland ay cuna-qabateyn dhaqaale u saari laheyd. Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Arrintan dhoofka Xoolaha siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, warar kale duwana wey ka soo baxayaan, xoolaheenana si toos ah inagu Sucuudiga uguma iibino umana dhoofino, ee waxaynu ka iibinaa Ganacsato Carbeed, oo uu ka mid yahay Jaabir, iyaga ayaa si toos ah Sucuudiga u geeya, oo Sucuudiga ula macaamila”. “Waxa inaga nala gudboon Somaliland ahaan iyo Dawlad ahaanba mar haddii go’aano lid ku ah qaranimadeena ay soo baxeen inaynu si toos ah ula xidhiidhno Sucuudiga, oo aanay cidiba inoo dhaxaynin, gaar ahaan Hay’addaha Dawliga ah Sucuudiga ee dhoofka Xoolaheena saamaynta ku leh, sida Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Sucudiguna sidiisaba maaha inuu yidhaahdo Xoolaha Somaliland, Somaliya ha soo maraan, oo Somaliya amar uga soo qaata”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wax qarsoon maaha inay Somaliya inagu wado sidii Somaliland loo saari lahaa cuna qabatayn dhaqaale, mana aha inaynu Somaliya ku meeraysaysano, maxaa yeelay Somaliya waa dal aynu mar midawnay, haddana aynu kala baxnay, inooma taliso, kamana amar qaadano, ee waxaa la inaga rabaa inaynu si xeel dheer u waajahano siyaasada iyo dagaalka dimbolmaasiyadeed ee inaga dhanka ah ee Somaliya inagu wado”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay, guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhow waxa ay Galmudug u joogaan arrimaha dib u-heshiisiinta bulshada degta degaannada Galmudug iyo sidoo kale qabashada doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amar deg deg ah siiyay guddiga qaban-qaabada Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  4. Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa soo xulay ergadii dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali ka walaacsan go’aankii ay ka qaadan lahaayeen baaqa iyo hanabaadda Al-shabaab. Odayaashaan oo ka wacan Xarumaha Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka ayay Al-Shabaab sheegeen in Towxiidka loo qaban odayaasha sida ay sheegeen Al-Shabaab iyo sidoo kale in lasiin doono digniin iyo go’aano ku saabsan mustaqbalkooda. Qubarada amniga iyo dadka waxgaradka ah ayaa odayaasha dhaqanka usoo jeediyay in ay qaataan mid kamid ah laba talo oo muhiim ah kuna saabsan xaaladda ay wajahayaan. In odayaasha dhaqanka ay ka baxaan degaanada ay u arkaan in aysan ku badbaadeyn oo aadaan aag nabdoon islamarkaana ay xaaladooda ku wargeliyeen laamaha amaanka iyo dowladda Soomaaliya. Qofkii ka bixi kara dalka waa mid wanaagsan si loo badbaadiyo naftooda. In qofkii aan ka bixi karin dalka uu qaato hub sharciyeeysan, ugu yaraan Bastoolad islamarkaana ay dagaan aagga ay ku yar yihiin Al-shabaab sida Guryaha siyaasiinta iyo masuuliyiinta ay soo doorteen ama meelaha ka agdhow. Sidoo kale waxaa la gudboon in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadaan Ciidamo ilaaliya oo mushaarkooda laga bixiyo Qasnadda Dowladda. In dhaqanka ay u tagaan Al-Shabaab islamarkaana iyagoo ah Muslim loo qabto Towxiidka waxay noqoneysaa dambi wayn oo ay odayaasha Soomaaliyeed galayaan. Sidoo kale odayaasha ma ahan dad u qalma in ay Al-Shabaab fuliyaan amaradooda oo ah dil, is qarxin iyo gaaleysan. Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay in odayaasha dhaqanka ay ugu yaraan 2 qodob oo kala ah:- In ay uga digaan ka qayb qaadashada geedi socodka doorashada Soomaaliya, Islamarkaana ay ka towba keenaan waxyaabihii ay sameeyeen oo ahdhismaha Dowladnimada. Ama in ay soo doortaan Xubno siyaasiin ah oo Al-Shabaab looga shakineyn kuwaas oo u tartami doona Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xafiisyada kale ee Dowladda. Al-Shabaab oo halista ugu wayn Soomaaliya ayaa la sheegaa in Shaqaalaha Dowladda iyo masuuliyiinta sar sare ee dalka ay ku leeyihiin xubno muhiim ah oo xilal sara haaya kuwaas oo kamid ah Sirdoonka Al-Shabaab. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhaw waxa ay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa si adag u dhaliilay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Abwaan Weedhsame ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay ka madhan-tahay milgaha talo wadaaga, isagoona ka dhawaajiyey in musuq-maasuqa ka jira xukuumadan uu marayo heerkii ugu sareeyay. Weedhsame ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxtooyada Somaliland aysan u jeedinba waxyaabaha jirra oo ay ku hadaaqeyso sharciga sareeya iyo horaa loo soconayaa. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay, wuxuuna yiri “Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waa mid aad u liidata oo ka madhan milgaha talo-wadaaga”. Wuxuuna intaas kusii daray “Heerkii musuquna “sidan maan moodayn buu marayaa.” Balse madaxtooyada cajalad baa u daaran ay ka baxayso heeso ay ka mid yihiin “Horaa loo soconayaa” iyo “Sharciga ayaa sarreeya”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Jubbaland, the Somalia federal state led by Ahmed Islam “Madobe,” heads to the polls next month in what could prove a tall order for new entrants, as the local electoral agency this week introduced stringent vetting measure for aspirants. According to rules published on Thursday by the state’s electoral commission, candidates must pay $30,000 registration fee, must not be serving members of parliament or Cabinet and should have stayed in Somalia continuously for the past two years or more. And, in what could further roil relations between Mogadishu and Jubbaland, the electoral body has barred candidates married to foreigners as well as those without university degrees or leadership experience of at least 10 years. It was not immediately clear if Mogadishu would endorse the new rules and whether they were going to hold. The proposals would be hard on suspected ‘joyriders’ in a country of about 16 million people but where just half of the men can read and write. Just over a quarter of women are literate, according to a World Bank bulletin. Half of the population live in poverty and routinely suffer hunger and al-Shabaab attacks. If the rules stand, it could knock out many Somali politicians, who hold foreign passports. The Interim Constitution is silent on dual or multiple nationality. President Mohamed Abdullahi Farmaajo and several members of his Cabinet hold dual nationalities. But Jubbaland is something else: It is a key part of Somalia bordering Kenya, with a lucrative port and hydrocarbons and where Mogadishu has grown its interests lately as it tries to take control of the federal states. Some experts have told The EastAfrican that the political battle in Kismayu is representative of the actual wrangles within the Somali political circles, but also shows the hand of foreign players. “Somalis have agreed on some form of federal system of government. But the extent of that system has not been agreed upon,” Saed Faad, a Somali consultant on governance in the Horn of Africa said. Madobe’s Jubbaland, he said, had been supportive of “serious” autonomy within Somalia, as has Puntland. Galmudug and Hirshabelle haven’t, while South West has neither been vocal or against it. Somaliland, on the other hand, has been demanding total independence from Somalia. “As a result of the civil war, these areas supportive of total federalism do not want the same experience where their people were massacred in Mogadishu. But the current government in Mogadishu wants a more centralised type of federalism so they have tried to bring like-minded people to lead these regions,’ Mr Faad added. In public, President Farmaajo has appeared supportive of federalism and recently appointed a committee of scholars to help push talks with Somaliland to reverse its latest stance But his relations with Jubbaland, like most of the federal states has been lukewarm, leading to claims his administration could fund certain candidates against Madobe. “Madobe has a 70 per cent chance of winning, but he has stiff competition from candidates backed by Mogadishu,” added Mr Faad. Idd Bedel Mohamed, a former Somalia envoy to the UN, agrees there could be stiff competition, but argues Madobe’s latest strategy gives him a clear lead. “All indications show President Farmaajo’s message to the international community is that Madobe will not be re-elected. This is short-sighted,” he told The EastAfrican. “Madobe has shown strong campaigning, has got endorsement from key local clans and shown resilience to stand against Farmaajo’s Federal government power and resources to unseat him.” As in any other Somalia elections, clan balancing is key. Source: East African Standard
  8. Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa waxay jawaabtay codsigii madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku aadanaa in lasii daayo shaqsiyaad ku xiran magaaladda Boosaaso. Maxamuud Xasan Cismaan, xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa shaaciyey in xubnahaasi lasoo eedeeyay, isla markaana ay baaritaan ku bilaabeen. “Dadka eedeysaneyaasha oo Garowe iyo Boosaaso ku xiran, madaxweyne ma amrin in lasoo xiro, waxaa loosoo qabtey in ay ku xadgudbeen shuruucda u degan Puntland,” ayuu yiri Maxamuud. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay in eedeymaha loo haysto raggaasi lasoo mar-siiyey hanaanka saxda ah ee garsoorka, isaga oo xusay in ay haatan baaritaan ku socoto. “Dadka hadda ka hadlay muwaadiniin lasoo xiray, ma aqaano ujeedada ay ka leeyihiin, ma joogno jaziiratul waaq-waaq, dalka sharci buu leeyahay, horeyna dad waa lasoo eedeyn jiray, waana lasoo xeri jiray,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xeer Ilaaliyaha. Mudane Maxamuud ayaa intaasi raaciyey: “Kiiska marka uu taagan yahay baaris illaa iyo kiiskaa qofka lagu helo ama lagu waayo cid soo faragelin kartaa ma jirto ama talo ka bixin karta oo aanan ka ahayn hay’addaha sharciga”. Shaqsiyaadka lagu xiray xarunta gobolka Bari ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay saddex, wallow xeer-ilaaliyuhu uusan soo bandhigin tiradda xubnaha xabsiga loogu taxaabay magaaladda caasimada ah ee Garowe. “Eedeynta shaqsiyaadkaasi laba meelood ku xiran waxaan rabnaa in aan sharciga hor-geyno. Hadii eedeynta ay noqoto mid maan-gal ah ciqaabta uu sharcigu ogol-yahay baa ku dhici doonta, hadii lagu waayo, waan sii deyn doontaa Maxkamadda,” ayuu Maxamuud xusay. Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa intaasi ku daray: “Madaxweyne Deni baan sii deyn karin, Madaxweyne Farmaajo baan sii deyn karin; ra’iisul wasaaraha ayaa sii deyn karin, sharci baa soo xiray, sharcigaana sii deyn kara”. Jawaabta Puntland ayaa timid xilli goor sii horeysay qoraal lagu daabacay bogga Villa Soomaaliya lagu sheegey in Madaxweyne Farmaajo dalbadey in saddex nin oo ku xiran Boosaaso xorriyadooda loogu celiyo si “shuruud la’aan”. Isha: Garowe Online
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___Qubanaha-20072019.mp3 View the full article
  10. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade qayb kama noqon karo shirka lagula hadlayo maamulka Somaliland! Adduun waa un la daali!…Bal amarka Ilaahay burburkii siduu u dhacay nin kats madax-weyne iyo ra’iisal wazaare waan ka dhiganay, shacab la dulmiyay Gaalo iyo Muslimba, magacyo loo soo adeegsaday si aysan u garan cidda dulminaysa, Qarammada Midobay, Beesha Caalamka, Sama-Fal, Maal-Gashadayaal, Deeq-Bixiyaal, Taba-Barayaal, markaasaa nasiib-darrada dhacday siyaasigii la keenaba wuxuu noqday mid doonaya inuu u shaqeeyo oo uu wax ku ahaado magacyadaas!… Ma aha sida dadku qaar moodayaan in magacyadaas ay qasbi karaan dadka Soomaaliyeed ee siyaasi kasta baa rumaysan in xilka aan huwinay uu xiriir kula samaysto magacyadaas!… Wali ma u fiirsatay?!…Bal adigu ka waran madax-weyne, ra’iisal-wazaare, waziir, Business-Card iska leh oo madaxda aajnabiga ah ee ay kulmaan kolay safiir ku tahay siinaya xiriirkiisa shakhsiyadeed! Maba xumaateen haddii ay yihin madax dalkoodu warshado leeyahay, ama maal qaabeeno ah!…Laakiin nin isagiiba dalal shisheeye ah mushaarka iga baxiya leh oo business card madax kale siinaya, bal qiyaas, maxay u qaadanayaan inuu ka rabo?!… Siyaasiyiin badan baa keenistooda lagu khaldamay, waxaan xasuusnahay iyadoo SHiikh SHariif Axmed aqoon ahaan iyo khibrad yari lagu dhaliilayo baa Xasan SHiikh Max’ud ha layska qaato la yiri, markii Xasan SHiikh Xoolihii dalka Mood iyo Noolba uu boobay baa la yiri yaan isaga fujinaa…Bal adigu ka waran saliiddii karaysay ka bood oo dabkii ku dhac!…kud ka guur oo qanje u guur! Waa maalin kasta!… Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, in kuwii doortay ay ku khaldameenna iyagaa afkooda ka sheegaya oo meel kasta la taagan, laakiin guddiga uu u xil-saaray wada hadallada lala galayo maamulka Muuse Biixi sabab dhab ah oo uu ku saleeyay soo xululiddooda ma jirto, waxaana la moodaa in dadka uu guddigaas u magaacaabay qaarkood uu yaqaan laakin uusan dan ka lahayn waxay ahaayeen, gaar ahaan General Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen Guul-Wade!… May 27, 1988, maalin Jimce ah, ayaa si isku mid ah dagaalkii SNM-ta uga qarxay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxaana adkayd in warar sugan laga helo xaaladdii halkaas ka jirtay, war-faafinta dowladana wax weyn kama aysan dhigeyn. Subaxdii xigtay ee maalintii Sabtiga ayaan xafiiska war-geyskii Xiddigtii Oktoobar waxaan ugu immid tafaf-tirihii war-geyska, Cabdi Idriis Ducaale (Alle ha u naxariistee) wuxuuna ii sheegay baxaada dhibaatada iyo in labadaas magaalo ay cidlo yihiin, walina meelaha qaarkood uu dagaalku ka socdo, isagoo run ahaantii tilmaamaya inaysan haboonayn in jabhaduhu dagaalka ka bilaabaan magaalooyinka iyo deegaannada dadka shacabka ah!…Wax badan oo uu sheegay baan aad ii damqiyay, meeshii aan fadhiyay baan qoraal kooban ku sameeyay anigoo markaas is leh wax baad maldahaysaa, laakiin aad u xamaasadaysan, markaasaan u dhiibay Cabdi Idiriis si loo shaaciyo, intuu aqriyay buu qoslay oo igu yiri “ Maalmahan oo kale waxba lama qoro!…xataa sheeko jacayl ah”… “Dad-weynaha magaallada Muqdisho waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii soo gubay yeysan guryihiinna gubin!” Waxaan bilaabay inaan aad isula hadlo, waxay ila noqotay ama ii soo baxay in loo baahanyahay war-faafin dad-weynaha si madax bannaan wax ugu sheegta, ama xataa in la helo meel kolba xaaladaha taagan xaqiiqdooda looga waramo, fikir dheer oo maalmo qaatay waxaa ii soo baxday inaan ka faa’idaysan karo oo aan isticmaali karo barnaamij ka bixi jiray Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da oo ay soo wada jeedin jireen Cabdi-Salaam Hereri iyo Yuusuf Xasan maalmaha Axadaha ah oo la oran jiray Waxay Ila Tahay!…Boostada si aan warqadaha laga diro ayaa hawl adag aan ka soo maray, waan ogaa go’aanka aan qaatay khatartiisa, laakiin waxaa ii muuqday khatarta inaysan marna baaqanayn!…waxaan arkayay in dabkii gubay Burco iyo Hargeysa uu ku soo fidayo Muqdisho!… Waxaan bilaabay inaan waraaqo u qoro barnaamijkii waxay ila tahay, anigoo adeegsanaya magaca Alle-Yaqaan, muddo ayaan qoraaladaas u dirayay BBC-da anigoo Muqdisho ka qoraya, aadna u baqaya,haddii laygu ogaadana aan shaki iiga jirin inay naftayda ku kici lahayd. Muddo kooban gudaheed waxaa Muqdisho soo buuxiyay dadkii ka soo cararay ama ku soo ceyrtoobay magaalooyinkii dagaalladu ka dhaceen, waxay ahayd musiibo dalka ku soo waa-bariisatay, Muqdisho iyo guud ahaan magaaloyinka dalka intooda badan ma aysan ku baraarugsanayn waxa dhacay iyo dhibaatada baaxadda ay leedahay waxaana intii hore oo dhan loo haystay rabshado yar-yar war-baahin xogta laga qaato amaba raadin karta, ama haday hesha sheegi karta ma aysan jirin!…Waxaa arrin naxdin leh ahayd markii la arkay faraha dadka soo qaxay, mana jirin wax xil iska saaray dowlad ahaan, hasa yeeshee guud ahaan shacabkii Soomaaliyeed ayaa dadkaas u kacay oo u gurmaday haddii ay ahayd Laas-Caano, Garowe, soo wad ilaa ay Muqdisho ka imaanayeen, waa ay jireen dhacdooyin gaar ahaa oo dadkaas la soo gudboonaaday oo meelaha qaar laga soo sheegay laakiin aan badnayn. DHaqaalaha iyo tabartu ha iska yaraadaan guud ahaanse wax laga hagraday dadkaas ma jirin. Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen, wuxuu ahaa taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed xilligaas, way iska muuqatay in dadkii soo qaxay ee ka soo tegay guryahoodii, hantidoodii, iyo deegannadoodii ay ku dayacnaayeen magaallada Muqdisho, waxaase arrin naxdin leh ahayd in Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade uu dad-weynihii Muqdisho ugu baaqay inaysan dadkaas soo dhoweyn!…Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, bishii Oktoobar 23, 1989 wuxuu qabtay shir jaraa’id isagoo eedayniya shacabkii ka soo qaxay Burco iyo Hargeysa, una sheegaya shacabka Muqdisho inaysan soo dhoweyn oraahda ugu xanuunka badanyd ee aan wali xasuusnahay waxay ahayd “Dad-weynaha magaallada Muqdisho waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii soo gubay yeysan guryihiinna gubin” waliba qaab digniin ah, waxaan filayaa codkaas in wali la raadin karayo, sidaas daraadeed Cabdi-Raxmaan Guul-Wade kaalin uguma bannaanna kulan kasta oo dib u heshiisiin Soomaaliyeed khuseeya, gaar ahaan gobollada Woqooyi ee Soomaaliya, waayo ninka sidaas u hadlay isagoo dowlad ah oo aan jabhad ahayn, oo ku shaqayniya inuu u dhaartay sugidda amniga ummadda… Dowladdii baa dhacday Cabdi-Raxmaan Guul-Wade oo wali raadinaya Alle-Yaqaan! Maalintaas markii uu shirka saxaafadeed qabtay isl habeenimadaas baan ka diyaariyay qoraal jawaab u ahaa hadalkiisa oo aan u diray BBC-da iyadoo magacaygu yahay Alle-Yaqaan, oo aan isticmaalayay 1988 markii dagaalladu ka dhaceen gobollada Woqooyi ilaa ay dowladdii dhacday…Inkastoo aan baqdin ku joogay oo aan hortiis madaxdii dalka BBC-da jawaab u mariyay waxayse iigu darnayd maalinkii aan isaga u jawaabay!… Waa marka horee isla markiiba wuxuu amar ku bixiyay in la soo qabto si dhaqso Alle-Yaqaan, waxaa baaritaan lagu sameeyo SONNA, Radio Muqdisho, iyo Xiddigta Oktoobar qorayaashooda, weriyeyaal saaxiibaday ahaa oo joogay SONNA iyo Raadiyo Muqdisho oo aan ogeyn inaan aniga ahay Alle-Yaqaan oo qaarkood ay hadda ku noolyihiin Kanada iyo Yurub baa si sheeko ah iigu sheegay inay u yimaadeen saraakiil kala duwan oo ka kala socday NSS iyo CID oo ka wareystay waxa ay ka yaqaanaan ama ay kala socdaan Alle-Yaqaan, waxayse iigu darnayd markuu nin ka tirsan boliiskii Soomaaliyeed oo CID ahaa oo aan magaciisa hore keliya aan garanayo oo la oran jiray Daahir uu habeen inooga sheekeeyay in dowladda oo dhan ay raadinayso nin Alle-Yaqaan la yiraahdo laakiin Gen. Guul-Wade uu ku dhaartay……..laakiin Alle kama dhigin tiisii….. DHinaca kale, marka la eego xubnaha kale ee guddigan uu madax-weyne Farmaajo ula baxay Guddiga Qaranka ee Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaad u moodaa inuu ku xushay rabitaankiisa shakhsiyadeed, oo uu inkiray dadkii sida qotada dheer taariikh ahaan ula socday anaaniyadda beenta ku salaysan ee madaxda maamulkaas qaarkood ku eedeeyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi waxba kama duwan sidii ay u dhaqmayeen Xasan SHiikh Max’ud iyo SHiikh SHariif oo iyagu dhaqan ka dhigtay inay shir kasta oo maamulkaas qolaaca lala geliyay ay u diraan saaxiibbadood!…Waana sababta wada hadaladaas marna horay ugu socon waayeen ama wax natiijo ah oo run ku salaysan looga maqli waayay… Waxaa hubaal ah in Farmaajo uu si ula kac ah ugu daray guddigaas General Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, isagoo ka dheregsan xogtiisa intii uu safiirka ka haa dalalka shisheeyaha ah siiba intii uu safiirka ka ahaa dalka Sacuudiga markaas dadka laga soo tarxiilayo dalkaas waraaqaha guri-aadista (Go-Home letter) oo safaaraduhu lacag la’aan ku bixiyaan uu kaga iibin jiray lacag gaaraysa 500 dollar!… Mana dhicin isaga ka hor safiiradii soo maray dalkaas inay waraaqahaas muwaadhiniinta laga soo tarxiilayo dalkaas. Waxaana xusid mudan in maamulka Somaliland uusan marna arag madax ay ka daacad tahay wada hadallada ama wada xaajoodka la galiyo, waxaan sida marar badan la sheego wada hadalo kasta oo furmo looga ahdli jiray waxyaabo ka sokeeya magaca wada hadallada ay huwanyihiin iyo ujeeddada lagu sheegay in loo qabanayo. Waxaa marar badan dhacday in wada hadalladaas ujeeddadoodii la bedelo oo ay noqdaan kuwo looga hadlayo dano dhaqaaleoo markaas ay madaxda federal-ka ay u fasaxdo maamulkaas arrimo ama mashaariic kaga xiran madaxda federalka iyadoo taas bedelkeeda ay madaxda federal-ka mashruuca ay fasaxday ka qaadanayso saami lacageed, marka maamulkaas iyo siyaasiyiintiisa waxay in badan dareensanyihin ama ka dhaadhacsan inaysan jirin wax dowlad fedral ah oo ay ka dhab tahay inay la xaajooto, wuxuna ay iska yihiin shirar lacag lagu wada samayniyo, haddii aan taas la bedelinna waligeed arrintu waxay ahaanaysaa I Jiid aan ku jiidee ilaa uu dalka sidaas ku kala go’o!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas yaalo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey. Baabuurka oo looga shakisan yahay in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa wuxuu yaalaa Isgoyska Digfeer ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Booliska ayaa dadweynaha dagan meesha uu yaalo gaariga ugu baaqay inay si deg deg ah uga baxaan meesha. Baabuurka ayaa yaalo meel aan sidaas uga fogeyn halkii uu dhawaan ku qarxay gaarigii ay Ciidamada Booliska ku qabteen isla isgoyskaas kadib markii uu darawalka damcay inuu ka bootiyo carro ay ciidamada Dowladda ku jareen jidadka. Ciidamada Booliska ayaa xiray Isgoyska Digfeer iyo agagaarkiisa, waxayn shacabka ugu baaqeyn inay halkaas isaga fogaadaan. Dadweyne farabadan ayaa isaga qaxay xaafadaha u dhow meesha uu gaarigaan yaalo, maadaama dadkaas aysan weli iloobin dhibaatadii kasoo gaartay qaraxii dhawaan halkaas ku qarxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Jubbaland, the Somalia federal state led by Ahmed Islam “Madobe,” heads to the polls next month in what could prove a tall order for new entrants, as the local electoral agency this week introduced stringent vetting measure for aspirants. Source: Hiiraan Online
  13. Three Al-Shabaab militants were killed on Friday evening in an operation conducted by Somali forces in Awdinle town in the southern region of Bay, an official said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska ugu afka dheer Kenya ee Daily Nation ayaa faallo uu qoray kaga hadlay heerka ay la eg tahay rajada Kenya ay ka qabto inay ku guuleysato kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan badda Soomaaliya. Faallada ayaa lagu sheegay in Kenya rajadeeda ay aad u liidato sababtuna ay tahay in dhammaan xeerarka caalamiga ah iyo kiisaskii hore ee noocan oo kale ah ay muujinayaan in Soomaaliya ay ku taagan tahay waddada saxda ah, waxaana Wargeyska uu yiri “Kenya aad ayey u nasiib badnaan dontaa haddii ay kiiskan ku guuleysato”. Marka ay la go’aaminayo muran xuduud badeedka ee dalalka u dhaxeeya, waxaa la eegaa laba xeer oo kala ah, The Equidistance Principle and Equitable Principles [Mabda’a Masaafada Isku midka ah iyo Mabda’a Dhex-dhexaadka]. Midka Equidistance ama Masaafada Isku Midka ah, wuxuu leeyahay “xuduudda badeed ee laba dal waa inay waafqadaa xariiqda labada dal u dhaxeysa ee dhinaca dhulka islamarkaana masaafo isku mid ah u jirta labad dhinac ee labada xeeb.” Mabda’aan koowaad waa kan uu taageerayo Xeerka QM ee Badaha ee 1973. Markii la ansixinayey waxaa aqbal dhammaan dalalka caalamka marka laga reebo Kenya iyo toddoba kale oo kasoo horjeestay. Kenya ayaa doorbidaysa kan labaad Equitable Principle [Mabda’ Dhex-dhexaadka]. Xeerakna ayaa la adeegsadaa marka la rumeysan yahay in midka koowaad inkasta oo uu sax yahay haddana uu aad u xanuun badan yahay islamarkaana uusan ixsaan u sameeneyn dhinaca laga gar leeyahay. Haddii aan si kale u niraahno waa waxa aan Soomaaliga ku dhaho “xeer jajab”. Si fudud, Kenya waxay dooneysaa in la yiraahdo waa lagaa gar leeyahay balse wax un ayaan kuu ogolaaneynaa. Sababta Kenya u diidan tahay The Equidistance Principle ama xeerka masaafad isku midka ayaa ah inay rumeysan tahay in dhul badeedkeeda markii horeba uu yaraa, halka Soomaaliya ay haysato xeebta labaad ee ugu dheer Afrika, sidaas darteedna uu xeerkan aad u ciqaabayo ayada. Nasiib-darro, maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa inta badan wax ku go’aamisa xeerka Kenya kasoo horjeedo, waana taas sababta ay Kenya dagaal xooggan ugu jiro in kiiskan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda. 10-kii October 2002, maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay muran u dhaxeeyey Cameroon iyo Nigeria, oo ku saabsanaa cidda leh Jasiirad u-yaalka Bakassi. Maxkamadda ayaa garta siisay Cameroon ayada oo adeegsaneysa Xeerka Masaafada Isku midka ah. Kenya waxaa bad-baadin kara oo kaliya nasib cirka uga yimaada iyo garsorayaasha maxkamadda oo isku wada raaca caddaalad darro ka dhan ah Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed. Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika. Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda. Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha. View the full article
  16. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Ururka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed. Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Somalia ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika. Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda. Ugu dambeyn, Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Villa Somalia Nuur Diiriye Xirsi Fuursade, Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay wafdi uu hor-kacayo Madaxweynihii hore ee K/Afrika appeared first on Puntland Post.
  17. Kismaayo (SMN) – Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaa wuxuu shaaciyey in uu kordhiyey muddada ay horey ugu qabteen in ay isku soo diiwaan-geliyaan murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamul goboleedkaasi. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
  18. Somaliland has withdrawn from talks with Somalia in protest against the new commission appointed by President Mohamed Abdullahi Farmaajo that included the son-in-law of the former president, Siad Barre. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-20072019.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki. Sida ay sheegtay Villa Somalia, ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed. Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika. Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda. Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Somaliland: German Delegations Meets With Parliamentarians A Germany delegation, currently in Somaliland and led by the Ambassador to Kenya, Annet Gunther has met with the Speaker of the House of Representatives, Bashe Farah and senior parliamentarians. The two parties discussed the parliament and local elections scheduled for later this year and the current state of readiness by the Somaliland National Elections Commission (NEC). The Somaliland House of Representative which has been sitting for more than 9 years after it’s original mandate expired in 2010, are yet to legislate an elections bill and have not addressed the issue of the representation within the chamber. The parliament currently consists of 82 members, as mandated by the Somaliland constitution. However, since the last parliamentary elections in 2005, the population has increased substantially and since there has been no census conducted, it makes sense to increase the number of seats to facilitate the change in population density. However, that would require amending the constitution, and neither the House of Elders, nor the Somaliland House of Representatives have the mandate nor the willpower to address the issue. The dispute between the Somaliland political parties pertaining to the NEC and other elections issues continues to simmer, and neither the administration of President Muse Bihi Abdi nor the main opposition party, Waddani, are in a mood to make concessions. Germany is one of the many EU countries that support Somaliland on democratic programs and good governance. Qarannews.com Qaran News
  22. Guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashoyinka iyo Jubbaland ayaa Afar maalmood oo muddo kordhin ah ku daray jadwalka is-diiwaan gellinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo maanta ku ekayd. Goobjioog News Source: goobjoog.com