Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saynab Saleebaan Maxamuud oo ah gabar uu dhalay guddoomiyaha golaha guurtida ee maamulka Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa ay magaalada Garoowe ka furtay mashruuc [...] Source
  2. Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa ka hadashay xarigga xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha wadada Boosaaso, kuwaasi oo dhowaan xabsiga la dhigay. Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ugu horreyn sheegay in la yaab ay ku noqotay dad eedeysanayaal ah oo la xiray iney ka hadasho dowladda federaalka, iyadoo baaritaanno ay socdaan. Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha in sharciga la marsiin doono dadkan xiran, islamarkaana ay mari doonaan wixii sharciga uu qabo. Cid walbo oo ka hadashay xarigga raggan ayuu sheegay iney u arkaan dano kale iney leeyiihin, islamarkaana muhiim ahayd in laga war sugo hay’adaha sharciga ah. Inkastoo Puntland ay sheegeyso in xubnahan lagu tuhmayo wax is daba-marin ayaa hadana warar hoose waxya sheegayaan in lagu hayso lacag ay ka heleen DFS si loo dar-dargeliyo dhismaha wadada dhex-marta Boosaaso. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/DEG-DEG-Xeer-ilaaliyaha-Guud-ee-DPL-Maxamuud-Xasan-Aw-Cusmaan-ayaa-ka-hadlay.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Baarlamanka Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay ansixiyay xeerka nidaaminta xogaha Tirakoobka (Statistics Bill) oo ay Baarlamanka u gudbisay wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland. Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha wakiilada Puntland, oo mudanayaasha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan muhiimadda uu leeyahay xeerkan, ayaa sheegay in xeerkan uu dowladda Puntland ka caawin doono, Siyaasadda hagidda iyo nidaaminta dhammaan diraaysanta xogaha, gaar ahaanna waaxda Tirakoobka (Census Bureau). Sidoo kale, xeerkan ayaa dowladda u fududayn doona, daba-galka iyo la’xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee diraasadaha iyo tirakoobyada u gaarka ah ka sameeya gudaha Puntland, kuwaasi oo mararka qaarkood soo bandhiga xogo qaldan oo farriimo taban ka gudbinaya degaannada Puntland, sida ay guddigu sheegeen. Waxaa kale oo warbixinta guddiga lagu xusay, in xeerkan uu as’aas u noqon doono, helidda xog dhammaystiran, wakhtiyaysan oo tayo ahaan la hubiyay, si loo helo qiimayn tix-raac sugan leh oo miisaanka saarta barnaamijyada ay ku shaqeeyan hay’adaha dowladda. Halkan ka daawo Barnaamijka oo dhammaystiran PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Yaa loogu miciya-lisanaya xeerka nidaaminta xogaha Tirakoobka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender. Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender. Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil sarakaal ka tirsanaa ciidamada dowladda xakay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay kudileen nawaaxiga isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in raggii geystay dilkaasi ay horay uga sii qaateen Marxuumka Bistoolad uu watay, islamarkaana ay si nabad galyo ah goobta uga baxsadeen, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay qarax ka dhacay qeybo ka mid waddada Warshadaha, sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi oo Miino ahaa ay la beegsadeen gaari Tikninka oo marayay agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho. Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdooyinkaasi. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaxyo iyo dilal qorsheysan inataba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Garbahaarey (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka howlgallo ballaaran ay ka socdaan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi. Ku simaha guddoomiyaha Garbahaarey, ahna Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Aadan Siraad oo u warramay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi. Siraad ayaa sheegay in u jeedka howlgalladu ay yihiin, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan guud ahaan gobolka Gedo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-garbaharey-.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhaw waxa ay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. A dam project and sugarcane plantation intended to transform southern Ethiopia could mean the end to a way of life for indigenous people living in the region. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-21072019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo danjiraha UK u fadhiya magaalada Muqdisho Ben Fender. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira xaaladda guud ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa James Swan iyo Ben Fender hordhigay dalab xaaasi ah oo ku aadan in Qaramada Midoobey iyo dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya ka gacan siiyaan hanaanka deyn cafinta, doorashada 2021 iyo sidii ay dowladdiisu u baahin laheyd adeegyada aas aasiga u ah bulshada Soomaaliyeed. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online labada mas’uul ayaa aqbalay dalabkaasi, iyagoo ballan qaaday in si deg deg ah loo fulin doono. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), iyo qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa, sidii loo cafin lahaa deymaha lagu leeyahay dalka, taas oo hadii ay ku guuleysato suura gelineyso in maalgashi caalami ah lagu sameeyo Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirro: Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. LONDON-- South Africa's Akani Simbine claimed the men's 100m title at the London leg of the IAAF Diamond League at the London Stadium on Saturday. Source: Hiiraan Online
  13. When Donald Trump began targeting Ilhan Omar and other progressive congresswomen of color with racist attacks, demanding they leave the country, Erica Mauter knew she had to counter his dangerous message. Source: Hiiraan Online
  14. Banks are increasingly facing the risk of losing deposits to digital money providers, as electronic money gets entrenched in the financial system, in efforts to promote financial inclusion. Source: Hiiraan Online
  15. The British government has invited Saudi Arabian representatives to the world’s largest arms fair, despite judges ruling the sale of weapons used in Yemen unlawful. Source: Hiiraan Online
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wargeyska The Indian Ocean ayaa baahiyey qormo ku saabsan socdaalkii Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay caasimada dalka Gini ee Conakry, kaasi oo sida uu sheegay uu ku lug lahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. The Indian Ocean ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu la kulmay Madaxweynaha Gini Alpha Conde, ay isla soo qaadeen xiriir cusub oo Somaliland la yeelato dalka Ruushka, taasi oo uu dalbaday madaxweyne Putin. Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Biixi iyo Alpha ay isla qaaten in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka, isagoona xusay in Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu xiriir dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin. Wuxuuna intaas raaciyay Wargeysku in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dowladda China u qaabilsanaa Arimaha Afrika sannadihii 2012-2016, oo uu sheegay inuu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay xiriir is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qal-qaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland. Ruushka ayaa hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Sudan, Erateria iyo Djabuuti, balse hadda wuxuu u muuqda inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac. Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Gini ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday, kadib markii ay aragtay dalal kale oo Midowga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland. Sida uu Wargeysku sheegayo Madaxweyne Alpha conde ayaa dowladda Itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan-yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax-bannaanida Somaliland. Wargeyska ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo iyaga u muuqda. Wuxuuna intaasi ku daray Wargeysku in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Gini uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta. Ugu dambeyntiina, waxa uu Wargeysku soo hadal qaaday in dawladda Somaliya ay xiriirka u jartay dalka Gini ka dib markii uu dalkaasi uu soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi. Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  17. Washington (AFP) - Global heat maps of extreme poverty show Africa in deep red. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 500 oo qof ayaa ku jira Xabsi weyn oo ku yaala xarunta Dembi Baarista Booliiska Soomaaliya ee CID, kuwaas oo qaarkood muddo fog ku jira Xabsiyada CID. Dadkaan ayaa u badan dhalinyaro laga soo qabtay xaafadaha magaalada Muqdisho markii ay howlgalada ka sameeyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxaana qaar kamid ah ay xiran muddo ku dhow sanad. Ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyay qaar kamid ah dhalinyaraan tan iyo markii halkaan la keenay halka qaarkoodna la baaray dembiyana lagu waayay balse lagu celiyay xabsigii ay ku jireen. Caasimada Online ayaa ogaatay in CID ay dadkaan ka dooneyso lacag u dhaxeysa 3,000$ 10,000$ oo dollar. Dhowr qof oo ka tirsaneed dadkaan ayaa lagu sii daayay lacagta aan kor ku soo xusnay sida ay noo sheegayn dadkii la xirnaa iyop qaar ka mid ah ehellada. Haweenay wiilkeeda uu kamid yahay dadka xiran ayaa Caasimada Online u sheegtay in la weydiistay lacag dhan 4,200$ oo dollar si loogu sii daayo wiilkeeda oo ah Arday dhigta mid kamid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in hore sidaan oo kale dad badan laga qaatay lacago madax furasho ah oo kumanaan dollar ah islamarkaana laga sii daayay xabsigii ay ku jireen ee CID-da. Arintaan ayaa halis waxay ku tahay amaanka qaranka. Sidoo kale CID waxaa dhib badan ku qaba qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo Carruurtooda oo aan dembi ah gelin isaga jira Xabsiyada hey’adda. Booliiska Soomaaliya oo sameeya Baaritaano todobaadkiiba ugu yaraan 2 jeer ayaa hey’adda u gacan geliya tobaneeyo dhalinyaro ah oo guryahooda laga soo qabtay kuwaas oo ay waqti badan ku qaadato in ay ka dhamadaan xarunta CID, halka qaarkoodna iyagoo aan dembi gelin la isaga heesta Xabsiga markii ay bixin waayaan lacagaha laga rabo ee Madax furashada ah. Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. The Meteorological department has warned that strong southerly winds are expected to hit the Kenyan coast from Sunday. Source: Hiiraan Online
  20. NICOSIA, Cyprus -- Turkey's vice-president said Saturday that his country is dispatching a survey vessel to join two drillships and another research boat to search for hydrocarbons off ethnically divided Cyprus. Source: Hiiraan Online
  21. Former Vice President Joe Biden didn’t hide his criticism of President Trump during a campaign visit to Las Vegas on Saturday, telling supporters his presidency would return the nation to normalcy. Source: Hiiraan Online
  22. At least 17 people have been killed in clashes between Ethiopian security forces and activists seeking a new autonomous region for their Sidama ethnic group, according to a local official and hospital authorities. Source: Hiiraan Online
  23. Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalbaday in la sii daayo eedaysanayaal u xiran Garsoorka Puntland. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku jira xabsiyada magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, aysan ku xirneyn amar madaxweyne iyo mid mas’uul kale toona, balse ay u xiran yihiin laamaha Garsoorka Puntland, islamarkaana la marin doono hannaanka sharcig ah, haddii wax lagu helo iyo haddii kaleba. Aw-cismaan ayaa sheegay in Puntland ay leedahay nidaam sharci iyo hay’ado Garsoor oo qaabilsan go’aan ka gaarista dadka ku eedaysan in ay sharciga ku xad-gudbeen, balse aysan jirin cid kale oo sii dayn karta dadka Garsoorka u xiran. Sidoo kale, wuxuu sheegay in laamaha Garsoorka oo keliyah ay awood u leeyihiin, go’aan ka gaarista cid kasta oo ku eedaysan in ay xad-gudub ku samaysay nidaamka iyo sharciga u yaalla dowladda Puntland, isagoo xusay in aanu jirin mas’uul kale oo fara-gelin ku samayn kara arrimaha Garsoorka. Hadalka Xeer Ilaaliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo eedaysanayaal ku xiran magaalada Boosaaso oo lagu soo qabtay waaran-maxkamadeed. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Xeer Ilaaliyaha PUNTLAND POST The post Xeer Ilaaliyaha Puntland oo sheegay in Deni iyo Farmaajo toona aysan sii dayn karin dadka u xiran Garsoorka appeared first on Puntland Post.