-
Content Count
209,076 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey falal iska horkeenaya umadda Soomaaliyeed, waxna u dhimaya midnimada, waxaa kale oo lagu eedeeyey in deeqaha u adeegsadaan xasilooni darro iyo dano gaar ah oo ay ku gaaraan doorashada 2020/2021 Dhinaca kale, Puntland waxaa ay dowladda federaalka ah uga digtay faragelin ay ku sameyso doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Siyaasadda kaga kojinta (knock out) ee madaxda federaalku ku hayso dawlad goboleedyadu waa mid gaabinaysa rajada dib u dhiska dalka waayo waxay ka soo horjeeddaa taabba galka mu’asasaadka dawladeed. Dawladina ma taagnaan karto haddaan mu’asasaadkedu (institutions) shaqayn. Siyaasadda noocaas ahi kama duwana dhaqankii ninkii jarayay laanta uu ku taagnaa. Waxaad mooddaa in madaxda federaalka hillaac u baxay waxaase hubaal ah inuu ku noqon doono hogol onkod iyo hillaac leh oo aan marna hoorayn. Wacdaraha adduunka waaya aragnimaa laga kororsadaa. Awood maroorsi laguma waaro oo raandhays ma leh. Ciddii is tiraahda ku cayshna qashin qubka taariikhdaa lagu ridaa oo habaar laga daba tuuraa. Aawaye keli talisyadii ammaantooda lagu tasbiixsan jiray? Aawaye boqorradii awoodda badnaa? Meeyay gudhmaawe gadhamaawe Xeyla Selaase, aaway Shaahan Shaahii Iiraan, xaggay ku dambeeyeen Mabuuto Seeso Seeko iyo qaar kaloo badani. Siyaasadda labaatan jirnimada oo talada uga boodaysa sidii geedkii waxay hallayso maahe waxba ma soo kordhinayso waana ragaad dalka lagu sii fogaynayo. Hadda ka hor baa hantida dalka e loo gudboonaa inta si xun loo adeegsaday la is yiri ku wiiqa Puntland oo qurub qurub u kala qaada waxse kuma noqon lacagihii sida aan waafaqsanayn nidaamka loogu adeegsaday. Haddana debinno yar yari jillaafayn maayaan haddii ay dadweynaheeda kasbato oo aan looga dheerayn. Sideedabana xarig xal maaha waa sida cayda oo kale inay cid kugu dirto mooye cidna kaama celiso. Isku duubnida dakaa lagu jiraa oo wax la isaga rabaa WQ: Aadam Cali The post Haddaad wiiq is lahayd waxmaan noqone appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta magacaabay guddi ku meel gaar ah oo soo diyaariya sharciga doorashooyinka Qaranka. Guddigan oo ka kooban 15 xubnood ayaa ka shaqeyn doono hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka oo ay soo ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya Halkan hoose ka aqriso: l View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa mar kale xukuumadda federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay si deg deg ah u joojiso fara-gelinta ee ay ku hayso arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni, ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay aad uga walwalsan tahay hab-dhaqanka hoggaamineed ee madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo sida ay Puntland sheegtay ka hor-imaanaya in dalku yeesho dowladnimo ku dhisan hirgelinta sharciga. Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in madaxda Villa Somalia ay ku hawllan yihiin, burburinta dowlad goboleedyada dalka iyo iska horkeenidda shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u adeegsanaya qoondada dhaqaalaha ee magaca Soomaaliya lagu soo qaato, in ay xasilooni-darro kaga abuuran dowlad goboleedyada, si ay u helaan dano-shakhsiyeed oo ku aaddan doorashooyinka 2020/2021. Puntland waxa kale oo ay bogaadisay dedaallada ay shacabka Galmudug iyo Jubaland uga tashanayaan aayahooda, kuna soo dooranayaan madaxda cusub, waxaana ay sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqday in ay adkaystaan midnimadooda iyo dowladnimadooda. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-21072019-sx.mp3 View the full article
-
Dowladda Puntland ayaa mar kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday, in ay si deg deg ah u joojiso fara-gelinta ee ay ku hayso arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni, ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay aad uga walwalsantahay hab-dhaqanka hoggaamineed ee madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo sida ay Puntland sheegtay ka hor-imaanaya in dalku yeesho dowladnimo ku dhisan hirgelinta sharciga. Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in madaxda Villa Somalia ay ku hawllan yihiin, burburinta dowlad goboleedyada dalka iyo iska horkeenidda shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u adeegsanaya qoondada dhaqaalaha ee magaca Soomaaliya lagu soo qaato, in ay xasilooni-darro kaga abuuran dowlad goboleedyada, si ay u helaan dano-shakhsiyeed oo ku aaddan doorashooyinka 2020/2021. Puntland waxa kale oo ay bogaadisay dedaallada ay shacabka Galmudug iyo Jubaland uga tashanayaan aayahooda, kuna soo dooranayaan madaxda cusub, waxaana ay sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqday, in ay adkaystaan midnimadooda iyo dowladnimadooda. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo digniin kuma dambays ah siiyay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Residents of Ras Kamboni village on the Lamu-Somalia border were on Saturday held temporarily under house curfew as security units led by the Kenya Defense Forces combed the area in search of suspected al Shabaab militants. The security agencies had received intelligence that the terrorists had arrived in the area and were planning attacks in the region. The villagers’ movements were limited as they were instructed not to wander far from their homes lest they were caught up in the operation. The massive crackdown is also believed to have been largely precipitated by the recent IED terror attacks in the border area of Kiunga, Ishakani, and others in the last couple of weeks. Both areas all fall under those mapped under the Linda Boni security operation. The operation was launched in 2015 to flush out Al Shabaab militants believed to be holed up inside the Boni forest from where they have been launching attacks on various parts of Lamu and neighboring counties. Locals said they were locked in their houses for the better part of Saturday with many reporting hearing gunshots and explosions around their village indicative of fiery fire exchange. They were also barred from using the Ishakani-Ras Kamboni route so as to allow the security units to ward off the terrorists. “We stayed indoors for almost the entire day. They didn’t force us but made us understand that it was a security crackdown on suspected al Shabaab militants. We could hear loud gunshots and explosions. They were very close to our village,” Ahmed Islam said. Residents also reported hearing of another IED terror attack at a location between Ras Kamboni and Ishakani at the border on Saturday dawn that is said to have left two civilians dead. “We believe its the attack that prompted them to hold the curfew on our village and conduct the operation. It was only until around 6 pm in the evening that we were allowed to go to the shops,” Omar Mohamed said. Security officers have refused to comment on the house curfew or admit to the alleged IED attack that killed two and prompted the lockdown of an entire village for hours. One of the senior security officers in Lamu, however, denied that Ras Kamboni village had been on lockdown and said the gunshots and explosions reported by the villagers were from a routine drill by security agencies from a nearby camp. Efforts to get a comment from the Linda Boni operation bosses were futile as their phones went unanswered. Last week, three al Shabaab militants were felled by security officers from Rapid Border Patrol Unit-RBPU along the Ishakani-Ras Kamboni road in Kiunga, Lamu East. This was shortly after an IED planted by the militants went off. Two officers were wounded in the attack. View the full article
-
Caynaba (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in magaalo katirsan deegaanada Somaliland ay goordhoweyd ka bilowdeen mudaharaado balaadhan. Magaalada Caynaba ee gobolka Sool, ayaa waxa ka bilowday mudaharaad balaadhan oo ay dhigayaan dadweynaha reer Caynaba, kuwaasi oo ka biyo-diidan xeer shalay ay ansixiyeen golaha Wakiilada Somaliland. Golaha Wakiilada ayaa shalay meel-mariyey darajooyin cusub oo loo sameeyey gobolada iyo degmooyinka Somaliland, isla markaana magaalada Caynaba lagu siiyay darajada “C”, taasi oo ay ka biyo diiden dadweynaha reer Caynaba. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in dadweynahan ay taayiro ku gubeen wadooyin muhiim ah oo ku yaala badhtanka magaalada, iyagoona ku dhawaaqayey ereyo ka dhana Xukuumada Biixi, oo ay sheegen inay uga baxday balan-qaad ay hore ugu sameeyen degmadooda. Banaanbaxan ayaa waxa si weyn looga dareemaya guud ahaanba magaalada Caynaba, isagoona gebi ahaanba hakad galiyey isku socodkii magaalada. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kenya Army Commander Lieutenant General Walter Raria returned for the third time in as many months to Somalia amid increased Al-Shabaab retaliatory attacks. Last week, Al-Shabaab militants killed over 26 people at Kismayo, the first deadly attack within the port town in as many years. KDF managed to regain control of the town. And on Saturday, General Raria took time with the soldiers in several Forward Operating bases where he shared with the field experiences. “This was under his routine visits that the commander makes to monitor and motivate troops in the field. As the troops continue to defend the territorial integrity of the Republic of Kenya, such visits accord the commander an opportunity to interact and share experiences with the soldiers at their areas of operation,” read a statement from KDF. His visit comes also are the time Kenya and Somalia are embroiled in a vicious border row which has seen the two countries move to the International Court of Justice. Kenya maintains that the oil-rich Indian Ocean maritime border belongs to her, a move that has been rejected by Somalia. Recently, Nairobi threatened to withdraw troops from Somalia. During May visit, General Raria had assured KDF troops in AMISOM continuity on the provision of training and logistics. Such visits act as morale boosters. “The Commander assured the troops on continuity on the provision of training and logistics as they continue to execute KDF’s primary role. “The visit also served as a morale booster to the troops it being an indicator the KDF command appreciates their selfless efforts as they execute its mandate,” a previous statement said. The Commander was accompanied by several senior officers including Chief of Operations and Training Brigadier William Shume, Artillery Commander Brigadier David Tarus and Engineers Brigade Commander Brigadier Stephen Radina among others. View the full article
-
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Baarlamaankla Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta magacaabay Guddi ku-meel gaar ah oo soo diyaarin doona sharciga doorashooyinka Qaranka. Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaantood ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabk, waxayna hubin doonaan sida la sheegay sharciga doorashooyinka Qaranka, si uu u noqdo mid raali ka yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Bishii May 18-keedii ee sanadkan ayaa Golahah Wasiiradu kulan ay ku yeesheen Muqdsho ku ansixiyeen sharciga doorashooyinka Qaranka, waxaana ansixinta sharcigaas ka hor yimid qaar ka mid dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka. Guddoomiye Mursal ayaa hadda u muuqda in uu muujinayo awoodiiisa, is aan dhakhso looga ansixin sharcigan Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo magacaabay Guddi soo diyaariya sharciga doorashooyinka Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire has met an organizing committee of the upcoming Galmudug reconciliation meeting in Dhusamareb, the administrative capital of the state on Saturday. The meeting which was also attended by the Interior Minister, Abdi Mohamed Sabriye and some members of the lower house of the parliament and Galmudug chief of the cabinet, Sheikh Mohamed Shakir focused on the coordination and the success of the upcoming meeting. Somali premier reminded the technical committee about the challenges ahead urging them to work towards the success of the crucial meeting. Khaire also called upon the communities living in Galmudug state to closely work with the committee. The Prime Minister office in conjunction with the Ministry of Interior named 12-member technical committee last week to organize a reconciliation meeting that brings together various parties in Galmudug to resolve political differences before upcoming regional leadership elections in forthcoming weeks. Hassan Ali Kheyre spent the past weeks in the state to spearhead his government plans on development, stability and political inclusiveness in the region. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta bilaaabatay iyada oo waddadaas iyo waddooyinka ku xeeran ay dowladda ku jartay dhagxaan waaweyn. Waddadan waxaa dhismaheeda ay qeyb ka tahay mashruucii Dowladda Qadar ku dhiseysay Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya. Dowladda Qadar sanadkii 2017kii ballanqaadday in ay dhiseyso Waddooyinkan waxaana dadka Muqdisho ay in badan hadal hayeen sababta aanay wali u billaaban dhismaha Waddooyinkaas. Dadka deggan xaafadahaas ayaa saaka ku waabariisay dhagxaanta lagu jaray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo la xiray inta u dhaxeysa Sarkuusta iyo Ex-Koontarool Afgooye halkaas oo dhismaha lagu billaabay. Mashruucan dhismayaasha Waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa uu ku kacayaa $200Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa daah furay dhismaha Waddooyinkaas 18kii Februay sanadkan inkasta oo tan iyo xilligaas aysan billaaban. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomniyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magacaabay guddi KMG oo soo diyaarin doono sharciga doorashooyinka dalka, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Guddigan oo laga soo dhex xulay golaha shacabka ayaa ka kooban illaa 15 xubnood , waxaana shaqadoodu ay noqon doontaa hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka Qaranka. Sharcigan ayaa bishii May ee sanadkan waxaa soo meel mariyey golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Ansixinta sharcigaasi ayaa waxaa ka dhashay muran iyo dood badan, iyadooo loo arkayay inuu awood gaar ah siinayo madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya. Tallaabada uu qaaday Mursal ayaa u muuqata mid uu ku muujinayo awoodiisa , uguna hortagayo in si deg deg ah lagu meel mariyo sharcigaasi ay xukuumaddu ansixisay, taasi oo horseedi karta dagaal siyaasadeed cusub oo ka dhex qarxa isaga iyo xukuumadda. Halkan hoose ka aqriso: Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa goordhow bilowday kulanka 11aad, kalfadhiga 5aad ee golaha Aqalka Sare BFS , kulanka waxaa shir guddoominaayo, guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaa kale oo garbihiisa jooga ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Axmed iyo 2aad Mowlid Guhaad. Ajengada Kulanka: Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada Source: goobjoog.com
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta guddi KMG ah u saaray sharciga doorashooyinka qaranka oo cabasho laga keenay. Qaar ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sharcigan doorashooyinka qaranka ee ay xukuumadda soo gudbisay uu ka buuxo qalad, isla markaana uu khilaafsan yahay dastuurka kmg ah, loona baahan yahay in la turxaan bixiyo. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Magacyada Guddiga la magacaabay: Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda imaaraadka Carabta u saxiixay heshiis dhigaya in ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ay la wareegaan saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka. Heshiiskaan ayaa meesha ka saaraya ciidamo 50-askari ku dhow Soomaali ah kuwaas oo horay u sugi jiray amaanka garoonka, waxaa bedelaya dhalinyaro soomaali ah oo imaaraadku tabababaray kuwaas oo ay kor ka maamulayaan ilaa afar sarkaal. Madaxeweyne Siciid Deni ayaa heshiiskan ku soo bandhigay shirkii u dambeeyay ee wasiirada Puntland. Imaaratka carabta oo horay saldhig ugu lahaa Boosaso gacantana ku hayay ciidamada badda ayaan la ogeyn sababta uu u daneynayo la wareegista ammaanka garoonka diyaaradaha Boosaso. Waxaa la aaminsan yahay in ujeedka imaaraadku yahay sugitaanka xogta diyaaradaha u socda si aan loo ogaan waxa ay sidaan iyo waxa ay qaadayaan. Heshiiska uu Dani u saxiixay Imaaraadka Carabta ayaa ah mid qarsoodi ah lamana soo marin Baarlaamanka Puntland taasoo shaki weyn abuurtay. Heshiiskaan uu saxiiay Deni waxaa horey Imaaraadka Carabta uga diiday madaweynayaashii soo maray Puntland sida Cabdulaahi Yuusuf, Cade Muuse, Faroole iyo Gaas. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay jirto dhagaxaan aan la aqoon waxa ay yihiin oo laga keeno bariga fog kadibna laga dhoofiyo garoonka waana taas mida la aaminsan yahay sababta uu imaaraadka loogu wareejinayo amaanka garoonka . Waxaa shaqo la’aan iyo nolol adag soo wajahi doontoo ciidamadii soomaalida ahaa ee horay u joogay kuwaas oo laga baqayo in ay sameeyaan gadood looga soo horjeedo heshiiska. Imaaratka carabta ayaa horay ula wareegay dekedda Boossaso taas oo aan ilaa hada la dhisin. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sida aan wararka ku helanay safiirada dalalka caalamka u jooga Muqdisho, wakiillada Qaramada, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tagi doono halkaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha Kismaayo iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ujeedada safarka wafdigani ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashada Jubbaland. Xubnaha wafdigan ayaa kulamo la qaaday doono madaxda Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe, guddiga doorashooyinka iyo Musharraxiinta maamukaasi. Inta badan kulamada ayaa diirada lagu saari doono sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan Musharraxiinta u taagan Jubbaland oo kalsooni la’aan ka muujiyey guddiga qaban qaabada doorashada maamulkaasi. Arrintan ayaa sababtay in inta badan ay isdiiwaan gelin waayaan Musharraxiintua iyo sidoo kale in dib loo dhigo waqtiga isdiiwaan gelinta oo hadda lagu daray 4 maalmood oo dheeri ah. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha Augusto ee soo socota, iyadoona uu loolan adag sanadkan la kulmayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo doonayo in markii saddexaad loo doorto hogganka dowlad goboleedka Jubbaland. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shalay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza. Wafdiga ka socday Qatar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed. Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin kale oo lagu xirayo wadooyinka Muqdisho, taas oo niya jab ku sii riday shacabka ku dhaqan Caasimada oo sugayay in laga qaado culeyska iyo xayiraada saaran. Hay’adaha amamaanka Soomaaliya ayaa xalay xiray waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo deegaanka ah waxaa dhagxaan waa weyn lagu jaray agagaarka xarunta Ciidanka Asluubta oo ku taalla duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ku kala wareegi doonaan gaadiidka ka yimaada dhinaca gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale laamaha amniga ayaa jaray dhammaan jidcadayaasha xaafadaha ku dhow isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Xirnaashahan cusub ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala gooshi jiray waddadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxda dolwadda, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya uu horay Odayaasha Muqdisho uga ballan qaaday in la furayo waddooyinka marka laga baxo maalmaha Xorriyada ee 26-ka June iyo kowda Luulyo, balse ma dhicin midaasi, iyadoona taasi bedalkeed la sii adkeeyey go’doonka ay ku jirto Caasimada. Qaar ka mid ah Odayaasha oo aan horay ula hadalnay ayaa xusay in ballantii looga baxay, islamarkaana ay iyagu go’aan deg deg ah ka qaadan doonaan jidadka weli sii xiran. Dhinaca kale saraakiil aan la xariirnay ayaa tallaabadani ku sheegay in lagu xoojinayo amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab. Hayeeshee waxaa weli Muqdisho ka dhacaya qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoona dadka falanqeeya arrimaha amniga ay sheegayaan in dhagax ama waddo la xiro lagu sugi karin amni ee loo baahan yahay qorshe kale. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com