-
Content Count
209,079 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu xiray guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa waxa goor dhoweyd xabsiga dhigay ciidamada amniga magaalada Boosaso sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta ku sugan halkaasi. Xarigga wadaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex xubnood oo ka tirsan guddigaasi oo Khamiistii xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland. Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa caawo qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan dowladda fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. “Guddiga Nabad-galyada ee Gobolka Bari wuxuu ka digayaa Shirarka iyo kulamada siyaasadeysan ee ka dhanka ah jiritaanka Puntland, waxaana la farayaa dhamaan Masuuliyiinta Hoteelada iyo Goobaha Shirarka inaan lagu qaban karin wax Kulan ah oo aan fasax looga heysan Gobolka, Taliska Booliska iyo degmada”. ayaa lagu yiri qoraalka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
In Hargeisa, the capital of Somaliland, is a monument with a jet fighter bearing Somalia flags. The MiG aircraft is said to have been used to target guerrillas as Somalia President Siad Barre massacred perceived opponents 31 years ago. Now, Muse Bihi Abdi, a retired Somalia military pilot and current President of the breakaway region, is leading efforts to have Somaliland recognised as an independent state. PUSH FOR RECOGNITION This week, Somaliland Foreign Affairs ministry said it would push ahead with efforts for recognition, whether Somalia likes it or not. “Somaliland government agreed to engage with the government of Somalia in the service of broader regional cooperation and mutual understanding but we will not be held hostage by its intransigence,” ministry spokesman Yasin Hagi Mohamed said. We call on the international community to address the issue of Somaliland’s recognition.” Mogadishu has been at loggerheads with countries perceived to be rolling out the red carpet for Somaliland leaders. Last month, Kenya’s Foreign Affairs PS Macharia Kamau was accused of violating the territorial integrity of Somalia when he hosted Mohamed in Nairobi. However, Nairobi did not and has not endorsed Hargeisa’s independence bid and Kamau earlier told the Sunday Nation that Kenya supports “federalism within the larger Somalia”. Yet early this month, President Mohamed Farmaajo of Somalia cut diplomatic ties with Guinea, when Conakry hosted Bihi. Mogadishu said Guinea accorded presidential protocol privileges “to a leader of a separatist movement and violated the unity of the Somali people”. TALKS Just days ago, Farmaajo formed a committee for “reconciliation and dialogue” with Somaliland. It immediately raised a storm. Somaliland said the move was a “disingenuous attempt to paper over the Somalia government’s policy of aggression and punishment directly targeting Somaliland people, simply for seeking to preserve the independence we suffered so hard to achieve”. The team includes chairman and former Foreign Affairs Minister Abdullahi Ismail. Its members are Abdirahman Abdi Hussein, Abdirahman Badiyow, Ali Said Faqi, Ahmed Jama Muse and Ali Ahmed Jangali. Hargeisa says while reconciliation is needed for a country that has suffered the vagaries of civil war, members of the team include Barre allies. To Hargeisa, these are remnants of eyes and legs of a dictator loathed in the breakaway region. Somaliland says it cannot negotiate with “war criminals”. Somaliland’s resident representative in the UK and the Commonwealth Ayan Mahamoud argued that the team includes officials from Somaliland, violating the concept that the talks would be between Somalia and Somaliland. “The talks between Somaliland and Somalia facilitated by Turkey failed two years ago because Somalia included people from Somaliland in the delegation,” she said. “Farmaajo is doing the same. He announced his committee including two from Somaliland. This is paying lip service to international partners.” CHALLENGES Ideally, Mogadishu wants the six federal states to toe its line. But each of the states – Jubbaland, South West, Galmudug, Hirshabelle, Puntland and Somaliland – have a different stand on federalism. Jubbaland and Puntland want complete autonomy within Somalia, while others like Galmudug and Hirshabelle insist on a centralised form. Somaliland is a special case, argued one Somali diplomat, seeking to remain anonymous as he works for the presidency in Mogadishu. It declared independence after the overthrow of Barre in 1991. It is not internationally recognised, but has a functioning government, departments, police, currency and routinely takes part in global forums. Yet its path for recognition could be problematic, said Abdiwab Abdisamad, a commentator on the Horn of Africa. “South Sudan negotiated with Sudan to get independence. Similarly, Eritrea negotiated with Ethiopia after a long war. Somaliland should use the same procedure,” he said. Unfortunately, the African Union has no appetite for new nations. “Independence could follow the path of South Sudan, where tribes – in this case clans – fight out for a stake. Isaaq is the largest clan in Somaliland. Others, including Sool clan, Warsangali, Guthubiirsi and Iyo Issa – collectively make up about 45 per cent of the 3.5 million people,” he said East Africa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay guddiga doorashada ee uu maanta magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aal ka keenay sababta guddiga arimaha gudaha hawshiisa looga weeciyey. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay ka dhigan tahay talloobiyinkii ugu danbeeyey ee lagu nuxur tirayey golaha shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu shaaciyey in marnaba aan laga aqbaleyn madaxda Villa Soomaaliya muddo kororsi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta guddoomiye Mursal ku dhawaaqay guddi KMG ah oo ka kooban 15 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka. Guddigan ayaa shaqeyn doono hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka Qaranka. Halkan hoose ka aqriso qoraalka: Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray Guddi Ku- meelgaarka ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka. Qodobka 45aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka wuxuu si cad u qeexayaa shaqada Guddiyada Golaha. Wuxuu cadaynayaa in hindise sharciyeedyada loo gudbiyo Guddiyada Golaha ee u xilsaaran. Sidoo kale ayuu Qodobka 67 ee xeer hoosaadka Goluhu dhigayaa in Guddiga Arrimaha Gudaha uu u xilsaaran yahay dib u eegista hindise sharciyeedka doorashooyinka oo ay soo gudbisay Wasaarada Arrimaha Gudaha Haddaba waxaa is waydiin leh maxaa Guddiga Arrimaha Gudaha Hawshiisa looga weeciyey? Ma waxaa laga cabsaday xubnaha firfircoon ee intooda badan qolada N&N ka aragtida duwan? Haddiise laga weeciyey maxaa xubnaha Gudiga KMG hal dhinac looga raray?. Tani waxay ka dhigan tahay taloobiyinkii ugu danbeeyey ee lagu nuxur tirayey Golaha Shacabka oo horay hawlgab u ahaa. Si walba oo la isugu dayo ama wada kasta oo loo maraba, waxaan marna madaxda Villa Somalia laga aqbalaynin muddo kordhin, mana aha in ay waqti isaga lumiyaan. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiye Sheikh Maxamed Macallin Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu xiray guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa waxa goor dhoweyd xabsiga dhigay ciidamada amniga magaalada Boosaso sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta ku sugan halkaasi. Xarigga wadaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex xubnood oo ka tirsan guddigaasi oo Khamiistii xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland. Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa caawo qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan dowladda fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. “Guddiga Nabad-galyada ee Gobolka Bari wuxuu ka digayaa Shirarka iyo kulamada siyaasadeysan ee ka dhanka ah jiritaanka Puntland, waxaana la farayaa dhamaan Masuuliyiinta Hoteelada iyo Goobaha Shirarka inaan lagu qaban karin wax Kulan ah oo aan fasax looga heysan Gobolka, Taliska Booliska & Degmada”. ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii guddiga dib-u-dhiska wadada Boosaaso oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (SMN) – Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa kulan guud wuxuu ku casuumay dhamaan siyaasiyiinta daneynaysa ka qeybgalka tartanka xilka ugu sareeya maamulkaasi. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-21072019.mp3 View the full article
-
Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean ayaa cadadkiisii shalay wuxuu baahiyay qormo ku saabsan xidhiidh u socda dawladda Somaliland iyo dawladda Ruushka, kaas oo uu ka shaqaynayo madaxweynaha dala Guinea Alpha Conde. Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu horraantii bishan la kulmay madaxweynaha Guinea Alpha Conde ay isla soo qaadeen xidhiidh dhexmara Ruushka iyo Somaliland iyo in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka. Wargeysku wuxuu sheegay in madaxweyne Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu xidhiidh dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin. Wargeysku wuxuu intaas raaciyay in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dawladda China u qaabilsanaa arimaha Afrika sannadihii 2012-2016 oo uu sheegay inuu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay xidhiidh is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qalqaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland. Ruushka oo hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Sudan, Erateria iyo Djabuuti inuu hadda u muuqdo inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac. Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Guinea ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday markii ay aragtay dalal kale oo Midawga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya Somaliland. Madaxweyne Alpha conde ayaa sida wargeysku sheegay wuxuu dawladda itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax bannaanida Somaliland. Wargeysku wuxuu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo u muuqda. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Guinea uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta. The Indian Ocean Newsletter ayaa soo hadal qaaday in dawladda Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dalka Guinea ka dib markii uu dalka Guinea soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi islamarkaana ay kulmeen Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Alpha Conde Geeska Qaran News
-
Click here Qaran News
-
The African Union High-level Implementation Panel (AUHIP) led by former South African President, Thabo Mbeki, arrived in Mogadishu for high-level talks with Somali President, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on pursuing the objectives of regional integration in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay xiisada mudooyinkii u dambeeyay ka soo cusboonatay DF Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana si adag u dhaliilay Xukuumada Muuse Biixi. Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Somaliland ku hungoowday taageerada Sacuudiga, isagoona xusay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar aheyd uu ka raacay Sacuudigu. Jamaal ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Weli waxaan garan laayahay cabashadda faraha badan ee Soomaaliya iyo Muqdisho laga cabanaayo. Laba mid uun weeyaan Reer Soomalilandoow: 1. Dawladda Muqdisho ee Somalia ayaa xoogaysatay ee yaan mar danbe waa dawlad taag daran lagu tilmaamin. 2. Ama inaga ayaa itaal daraanay oo aan sidii hore ahayn. Weli heerkan Oo kale Somaliland lalama soo gaadhin. Siyaasadda arrimaha gudahu kolkay fiican tahay ayaa ay siyaasadda arrimaha dibaduna fiicnaata. Hadaad doorashooyinkii qabsan kari laadahay Oo kolba dib u dhigayso, Oo cadaaladii iyo sharcigii shaqayn laayahay, Oo qalalaaso iyo dagaalo dhexdaada ka jiraan, oo cabashooyin tiro beelay ay Saami qaybsiga kuraasta dawladda iyo dhaqaalaha mashaariicda iyo Warshadaha aan hab maamuskeedii loo marin, Ma waxay Kula tahay in caalamku ku dhegaysanayo. Kolba xaflad aynu inagu isu dhigno iyo cay dadka Reer koonfureed ay qaar u geystaan meel inama gaadhsiinayso. Habka diblomaasiyadeed iyo kan gude ahaanba ilaa aynu badelno sidaasay inoo ahaanaysa. Sownigii moodaayey mid ka mid ah wasiiradii Siilaanyo inuu TV-ga ka hor yidhi ” inagu dhinac baynu nahay dagaalka Yemen Oo xulufadda Sucuudiga ayeeynu ka tirsan nahay” maxaa dhacay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar ahayd lay nooga raacay oo aynu maanta uga cabanaa xoolo ayaa laynaga soo xidhay. Waar sawtii ilaa dawladdii Daahir Riyaale xoolahu ay dhoofi jireen. Xisaabaha dhaqaale haba joogaane; Saldhigii Milateriga iyo dakadda dhan ee aynu bixinay miyeeynu wuxuun siyaasad ahaan ka faaiidin oo ku badalan? Maxaynu siisanay? Berigii aynaan bixin labaddan midna waxaan is leeyahay siyaasadeenii arrimaha dibadu way xoog weyneeyd? Caadifad iyo Farmaajo ayaa wax inaga soo xidhay ina wadi maysee, waxaynu u baahan nahay in talo la yeesho Oo wax layska dhegaysto, oo runtana laga midoobo. Xaflado iyo qudbado inama wadayaan. We should stop microphone diplomacy”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Jowhar (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta kooxo hubeysan dil iyo dhac ay u geysteen dad shacab ah oo saarnaa gaadiid marayay deegaanka Garsaale ee gobalkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in hal qof ay dileen kooxahaasi, sidoo kalena ay baarteen rakaabkii kale ee la socday gaadiidkaasi. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan falkaasi. Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe dhibaatooyin ka geysta kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan bulshada ayaa amaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada si bilicda magaalada sare loogu qaado. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka. Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo loo qabanayo bulshada gobolkaasi. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo hal qodob shardi uga dhigay horumarinta caasimadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa soo duubay muuqaal cusub kadib muddo aan warkiisa la maqal. Muuqaalkan cusub oo soconaya muddo 4:45 daqiiqo ayaa Sheekh Cabdulqaadir waxa uu dib ugu soo cusbooneysiiyey ballantii uu daacadda ugu ahaa hoggaamiyaha guud ee kooxda Daacish Abuu Bakar Al-Baghdadi. Sheekh Cabdulqaadir oo la rumeysan yahay inuu ku jiro da’da toddobaatameeyada ayaa waxaa muuqaalka kula jira dagaal-yahanno ka tirsan kooxdiida Daacish ee Soomaaliya oo gaaraya illaa iyo 15. Muuqaalka cusub oo aan la ogeyn halka lagu duubay ayaa imanaya ayada oo la rumeysan yahay in xaaladda caafimaad ee Muumin aysan wanaagsaneyn, inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn xanuunka haya. Awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan sii wiiqmeysay ayada oo mintidiintan ay wajaheen dagaallo kaga imanaya kooxda Al-Shabaab, ciidamada Puntland, duqeymaha Mareykanka iyo dhaqaale xumo baahsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan ayaa ammaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada is bilicda magaalada sare loogu qaado. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka. Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo qayb ka ah dadaallada dhismaha Galmudug dhammaystiran oo sal adag. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Workers at a construction site at Borehole 11 in Mandera South have survived a shooting incident by four armed men who raided their site. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xirtay jidka u dhaxeeya Muqdisho-Afgooye sababo lagu sheegay dhismaha waddadaasi halbowlaha ah. Jidka ayaa la xiray 2KM oo ka bilaabaneysa EX Kontrol Afgooye, waxaana horay laga bilaabay isla maantaba dhismaha jidka, kaas oo ay horay u balanqaaday dowladda, maalgelisanaya dowladda Qatar. Dadweynaha jidka isticmaali jiray oo la hadlay Goobjoog News ayaa cabasho ka keenay in saaka iyada oo aan loo sheegin waddada la iska xiray, isla markaana aaney heysan meel ay karaan. Dhankooda, maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in jidkan la dhisayo uu horay u qorsheysnaa, dadkuna ay isticmaalaan jid cade loo diyaariyey “Jidka waxa loo xiray waa dhismihii uu bilowday, si dadka aaney u dhibtoon waxaan diyaarinay jid cade ay si caadi ah u mari karaan, marka wax dhib xaga isu socodka kama jiro”, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Xasan cumar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay kulankii 11-aad kalfadhigisa 5-aad ee Aqalka Sare BFS, waxaana qeybta hore ee kulanka shir Guddoominayay mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ajengada kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda. Waxaa kulanka soo xaadiray 30 Senotar , iyadoo ay mudanayaasha qaar fikirkooda ku aaddan akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada halkaasi ka dhiibteen. Gabagabada kulanka ayaa waxaa soo xiray, Guddomiye kuxigeenka -aad ee Aqalka Sare Senator, Abshir Maxamad Axmed (Bukhaari) oo qeeybti danbe ee kulanka shir guddominayay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article