-
Content Count
209,079 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
US-based Islamic scholar Christopher Anzalone insists that most wanted terrorist within the Horn of Africa Abdulkadir Mumin is still alive despite reports about his alleged death. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (SMN) – Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sida aan wararka ku helnay wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tegi doono magaaladaasi. Sidoo kale waxaa ka mid ah wafdiga tagaya halkaasi xubno ka socda dalalka Mareykanka,, Talyaaniga Sweden, Jarmalka, Turkiga, Jabuuti iyo wadama kale. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdigani laga dareemayo halkaasi. Ujeedada safarka wafdigan ka socda beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii ay ugu qeyb qadan lahaayeen dib u dhiska maamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan madaxda maamulkaasi iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddoomiyaha ayaa la sheegay in loo soo xiray arrin ku aadan inuu ka biyo diiday dib u celinta lacag ay dowladda federaalka ku bixisay dhismaha Waddadaasi. Boosaaso. Puntland ayaa sidoo kale Khamiistii la soo dhaafay xirtay xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha Waddada Boosaaso. Arrintan ayaa salka ku heysa, kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xubnaha guddigaasi ay ka guddoomeen lacag ay xukuumadda federaalka Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso dhismaha ka socdo waddada Boosaaso. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in la sii daayo, islamarkaana uu dib loogu soo celiyo Xorriyadooda, balse weli kama aysan jawaabin baaqaasi madaxda sare ee Puntland. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waday qaraxyo iyo miinooyin, kadib howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in 3 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku soo qabteen howlgalladaasi oo laga fuliyey agagaarka degmada Jamaame ee gobolkaasi. War ka soo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in raggaasi ay la socdeen gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah. “Taliska guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ayaa hawlgallo waxa ay ka sameeyeen tuulooyin hoos tago Jamaame waxayna Ciidamada gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah Al-Shabaab oo gaadiidka shacabka saarnaa,qaraxyo iyo miinooyin ay wadeen.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka. Ma shaacin saraakiisha Milatariga magacyada xubnahaasi, balse waxa ay soo bandhigeen Sawirradooda iyo qaraxyo lagu soo qabtay. Howlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan deegaanno ka yirsan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wufuud heer caalami ah ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Xubnahani oo ka socda ururo iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda tagi doono gudaha magaaladaasi. Sida aan wararka ku helnay waxaa xubnahaasi ay ka kal socdaan Qaramada Midoobay, Midowga Africa, IGAD dalalka Mareykanka, Qatar, Britain, Talyaaniga, Turkiga, Norway, Jermalka, Ethiopia, Jabuuti iyo wadamada kale. Ujeedada socdaalkooda ayaa ah sidii ay ugu qeyb qaadan lahayeen dib u dhiska dowlad goboleedka Galmudug. Xubnahani ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Galmdug ee ku sugan Caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro wafdigan laga dareemayo halkaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in Dhuusamareeb lagu qabto shirka dib u hesiisiinta iyodoorashada dowlad goboleedka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Wakhtigan Iyo Jawaabta Ku Habboon Dawladda Xamar Eng. Maxamed Haybe Xirsi Bide cuntaa deeqda , gobna wanaaga ayaa deeqda . Maahmaahdan hadii aad u fiirsato macnaha ay xambaarsan tahay waxay ka turjumaysaa sifooyinka ay kala leeyahiin shacabka Somaliland, oo iyagu ahaa kuwii midnimadii 1960 keenay , doonayayna shan somali oo walaalo ah, awoodna aduunyada kuleh. Iyo soomaali talyaani, Waxa taa ka soo horjeeda talaabadii madaxdii ka wakiilka ahayd shacabka somali talyaani ay ku khiyaameeyeen midnimadii ay wadeen shacabka reer Somaliland, iyadoo 23 qodob ee barlamaanka Somaliland ay ansixiyeen si ay u noqoto midnimada labada gobol ee waqooyi iyo koonfur mid guulaysata ay ku tureen baaldiga xashiishka , kuna badaleen laba qodob oo iyagu jeebka kala soo baxeen oo kala ahaa labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur way midoobeen , labadoodii baarlamaana waa la isku daray. Khaladkaa ay madaxdii somali talyaani ay galeen iyagoo eegaya dan yar oo hunguri ah , waxay sabab u noqotay in midnimadii ay reer Somaliland wadeen ay god dheer ku dhacdo , qalbigii shacabka reer Somaliland midnimada u hayeena uu jeesto. Cudur dawaa loo doonaaya , waxaa ku xigtay talaabadii dawladii afwayne uu ku xasuuqay shacabka reer Somaliland isagoo xasuuqay dad tiradoodu tahay 300,000 oo qof marka lagu daro dadka ilaa iminka aan la ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waxaa la soo saaray xabaalo waradeedyo tiradoodu boqolaal sare u dhaaftay . Xabaalo waradeedyadaa waxa qaarkood loogu tagay lafaha maydadka inan iyo aabahii oo gacmaha iskaga xidhan, caruur dadoodu aad u yar tahay , qoysas ka kooban aabe , hooyo, wallaal . Waxa si cadawtinimo leh hub culus loogu burburiyay magaalooyinkii waawaynaa ee kunka sano la soo dhisaayay iyo dhamaan hantidii dhextalay. Dawladahan maqaarsaarka ah ee xamar loo sameeyay iyaguna ismay qabane waxay halkii ka sii qaadeen khaladkii aabayaashood ka galeen reer Somaliland , iyagoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay Somaliland u cuno qabatayn lahaayeen , aduunyada uga soo xidhilahaayeen, iminkana damacsan sidii shacabka reer Somaliland ay dhexdooda isaga horkeeni lahaayeen ,iyagoo adeegsanaya dhuuni qaatayaal u dhashay reer Somaliland. Hadaba sidii aynu isaaga difaaci lahayn cadawga kaliya ee aynu aduunka ku leenahay oo ah somali talyaani waxa loo baahan yahay in shicib iyo dawladba ka yeelano go’aan cad oo aynu iskaga difaacno cadawtinimadaa oo ay reer somali talyaani ka siman yahiin. In badan ayaa afloogu jawaabay , waxaana la yidhi nimaan warankaagu kaa reebin weedhaadu kaama reebto. Gabagabadii jawaabta ku haboon maanta dawlada xamar ee maqaarsaarka ah waa in ninkasta oo xil sare ka haya , ha ugu horeeyo raysalwasaare ku xigeenka oo ah cadaw doonaya sidii uu Somaliland u baabi’in lahaa , isagoo maqan la soo saaro maxkamad mellateri , laguna xukumo 15 ilaa 30 sano oo xadhig ah iyo hantidiisa oo qaranku la wareego. Shakhsigii xil ka soo qabtay xamar , inaan loo ogolaan in uu xil siyaasi ah ama xil dawli ah in uu umada u qabto , xisbiyada ku biro. Arinkaas oo ka hortagaaya in shakhsigaas cadawga u soo shaqeeyay uu marlabaad umada lugooyo. Qalikii : ENG Mohamed Haibe Hersi { Belgium } Haibe2005@hotmail.comWakhtigan Iyo Jawaabta Ku Habboon Dawladda Xamar Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-22719.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka socda ururka Midowga Africa. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, is dhexgalka dalalka Africa, iyo guud ahaan amniga gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaawafdiga uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha haatan heysta Soomaaliy. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo hadalkiisa siio wata ayaa shaaciyey in dowladdiisu doorka muuqdo ka qaadanayso arrimaha is dhex galka dalka ee dalalka Geeska Afrika Dhinaca kale Thabo Mbeki Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, haatana ah madaxa guddiga sare ee Latalinta Midowga Afrika ayaa dhankiisa ka hadlay madasha wuxuuna ka sheekeeyey maqaamkii ay Soomaaliya ku laheydn Qaaradda Afrika iyo caalamkaba. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa aad ugu sii xoogeysanaya urur dhalinyaro ah oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, bishii Juun sanadkii 2018kii. Dhalinyaradaan oo loogu magacdaray Xoogagga Wadaniyiinta oo toos ugu amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeeya degmo kasta oo ku taala Gobalka Banaadir iyagoo ka qabta xilal sara oo muhiim ah. Xoogagga Wadaniyiinta ayaa degmooyinka waxay ku leeyihiin Kaaliye Sare oo ka awood badan Guddoomiyaha iyo dhamaan xubnaha kale ee degmada waxaana sidoo kale degmooyinka ugu qoran dhalinyaro la shaqeeya Kaaliyaha degmada. Markii hore waxaa loo aas aasay in ay ka shaqeeyaan Howlaha dariseenta balse hadda waxay toos ula fal galaan wax kasta oo quseeya degmada. Qaarkood ayaa ku dhiiraday in ay awood u yeeshaan talo soo jeedin xil ka qaadis Guddoomiye. Qaar kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan dhalinyaradaan oo faraha la soo galay dhamaan shaqooyinkii Guddoomiyaasha iyo maamulka kale ee degmada waxaana soo laa laabtay isku dhacyada u dhaxeeya maamulka iyo Xoogagga wadaniyiinta. “Dhibaato aan la qiyaasi karin ayaa lagu qabaa dadkaan waxaana ugu yeernaa La-guddoomiye” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir. Dadka qaar ayaa arintaan ku micneeyay Kacaan cusub oo lagu doonayo in lagu abuurto degmooyinka dad ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo noqda Xoogag u abaabulan difaaca Villa Somalia iyo kooxda ku xiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo wefdigaan uga warbixiyey dedaallada dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo caqabadaha la doonayo in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Sidoo kale madaxweyne maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalka Soomaaliya ay horseedayso in ay xarun weyn u noqoto diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka. Dhankiisa madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika haatanna ah madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalka Soomaaliya iyo maqaamkii uu ku lahaa Qaaradda Afrika iyo caalamka isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabadda casho sharafta oo ahayd ayaa waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Farmaajo: Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay safarkii Madaxweyne Biixi uu dhawaan ku tagay dalka Gini iyo dadaalada Somalilanad ay ku rabto in la aqoonsado. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sheegay in Dowladda federaalka Somaliya ay dagaal badheedh ah ku soo qaaday Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey talaabo uu sheegay inay mudantahay in Xukuumada Biixi ay qaado. Suldaanka ayaa wax aan suurto-gal aheyn ku tilmaamay in Farmaajo oo lagu ilaaliyo Muqdisho uu doonayo inuu sheegto Somaliland oo halgan loo soo galay, wuxuuna yiri “Maamulka Xamar wuu soo qaatay, dagaal badheedh ahna wuu inagu soo qaaday, waxaynu se kaga badinaynaa iyadoo uu Muuse Biixi uu safarada uu dalka dibadiisa ugu baxayo uu badiyo si uu Farmaajo u xanaaqo, safarada oo uu Madaxweynuhu badiyo, dalal badan oo uu xidhiidh la yeesho, wufuuda dalalka caalamka uu u diro, waxay inaga saacidaysaa in la ina aqoonsado”. “Maxaa yeelay safarkii uu Madaxweynuhu dhawaan ku tagay Gini, markii ay Somaliya ka xanaaqday sharaf dhac ayaa u soo hoyday Somaliya halka Somaliland ay sharaf ka heshay, Madaxweyne Muuse Biixi waa Madaxweyne xogogaal ah oo dalkan u soo halgamay, waana Madaxweyne go’aan iyo ku dhac leh, ee waxaa looga baahan yahay inuu aqoonsiga Somaliland gacantiisa ku keeno oo aanu Hargeysa la fadhiyin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland halgan dheer baa loo soo galay, markaas ayuu doonaya Farmaajo oo lagu ilaaliyo Muqdisho inuu sheegto, taasina wax suurtagal ah maaha ee Shacabkeena waxaana looga baahay inay mar walba mid ahaadan, oo ay isku duubnadaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Barak Obama oo lagu magacaabo Dr. Auma Obama, isla markaana ah qoraa, saxafiyad iyo shakhsiyad caan ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa maalmahan ku sugan caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa. Dr. Auma Obama ayaa waxay kamid aheyd martidii sanadkan lagu casuumay Bandhiga carwada buugaagta Hargeysa oo ay sanadkiiba hal mar ay qabato xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Socdaalka ay Dr. Auma Obama ku timid caasimada Hargeysa ayaa noqonaya socdaalkeedii ugu horeeyay ee ay ku timaado Somaliland, iyadoona martiqaad rasmiya ka heshay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Dr. Auma oo shalay khudbad ka jeedisay madasha furitaanka carwada Buugaagta Hargeysa ayaa ka hadashay dib u dhaca balaadhan ee ka jira qaarada Afrika, isla markaana ka dhawaaji madax-banaanida Somaliland, waxayna tiri “Waa in ay beddelno fekerka ah inaynu ku noolaano deeq la inna siiyo iyo cid inna hormarisa, waayo cidina bilaash kuu horumarinayso. Fiqiirnimada aan ku noolnahay waa inaynu aqbalnaa oo aynu dedaalkeenna kaga baxnaa, oo aanayu ku xisaabtamin cid innaga saarta”. “Kuwa ka imanaya China, Europe ama America wax aan u arkaa kuwa u yimi qaaraddeena in ay ka arkaan fursado uga bannaanada dadkooda, shirkadohooda amase arrimahooda gudaha ee siyaasadeed ama degganaansho. Waxa ay u hanqaltaagayaanaa macdanteenna, midheheenna, xooggeena, taasina waxba kagama duwana sidii xilligii gumaysiga”. Waxayna intaas kusii dartay “Afrika waxa loola dhaqmaa oo adduunku u arkaa sidii ay tahay waddan kaliya. Waa in aynu taa ka dhiidhinaa oo u sheegnaa in Afrika aanay ahayn dal ee ay tahay qaarad, waa inay arkaan, maqlaan oo fahmaan in markaan ku daro Somaliland oo madax-bannaan, ay ka kooban tahay 55 dal oo mid kastaa leeyahay dhaqankiisa, ahaanshihiisa iyo dabeecadihiisa u gaarka ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ku dhowaad 70 sano ayaa Soomaaliya laga baarayaa shidaal. Shirkado caalami ah, laga lee yahay waddamada Mareekanka, Netherlands (Holland), Talyaaniga, Fransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ka baareen barri iyo bad. Baritaankaas waxaa loo kala qaybin karaa sidaan: Baaritaankii Hore (Dhammaad kii 1950 – 1990) Baaritaanadii hore waxay u badnaayeen barriga, inkastoo meelo kooban ee Gacanka Cadmeed ee Waqooyiga, Badda Indian Ocean ka ee Waqooyi Bari iyo Badda Benadir la baaray. Hawsha xoogeeda waxaa sammeeyay sannadihii ugu horreeyay Shirkadahii Sinclair (Amerada + Marathon + Conoco). Agip, Shell ama Pectin iyo Elf (Talyaani, Netherlands iyo Faransiis) hawl xoog leh ayay. Laga billaabo 1970-1990 waddanka waxaa si mug leh ka shaqeeyay, Esso, Texaco, Mobil, Phillips, Deutch-Texaco, Amoco oo dhammaan tood u xuub-siibtay magacyo cusub sida Chevron, ConocoPhillips, ExxonMobil, BP, Shell iyo ENI. Hawsha baarista natiijo boositive ah laga ma helin. Markii loogu dhawaa ayaa shidaal ama gaas aan ganacsi gali karin la helay. Sida kale baaristaas wax micne leh kama soo bixin. Shirkadihii waxaa u suurta gashay in la fahmo sida lakabyada dhagaxda iyo hab-dhiskooda yahay. Waxaa kaloo la bartay dhagaca shidaalka dhalo, iyo qaab-dhismeedka uu ku aruuri karo iyo dhagaxda shidaalka kaydin kara meelaha ay kala yaalaan dhulka gudahiisa. Dadaalladaas waxaa lagu ogaaday hadda meelaha bar-tilmaameedyo laga dhigi karo marka shidaalka la qodayo – khaasatan dhagaxa kaydin karo shidaalka meelaha ay yaallaan marka laga fiiriyo dhanka da’da Jurassic, Cretaceous iyo Tertiary ga. Baaritaankii Dhexe (1991-2012) Muddadaan waa goortii burburka markii shirkado si gooni-gooni ah ula galeen heshiisyo maamul-goboleedyada markaa jiray sida Somaliland, Puntland iyo Galmudug Tii Hore. Dhinaca Somalialand waxaa ka hawl-galay Ophir Petroleum, Petrosoma, DNO, iyo Genel . Shirkadaha qaar illaa manta way joogaan inkastoo maal-gelin tooda ay la baqayaan. Qaarna waxay sammeeyay sahanka 2-D saysmik. Dhinaca Puntland, waxaa heshiis la galay Range Resources oo markii dambe Farm-in u oggolaatay Africa Oil iyo Horn Petroleum oo JV ku ahaa inay wada shaqeeyaan. Africa OIl waxay qodday labo ceel oo shidaal laga waayay oo ku yaal Dooxada Dharoor. Hawshaan waxay ahayd isku-day aad u fiican oo ay Puntland sammaysay; shirkadda Africa Oil waxay muujisay inay tahay shirkad shaqada loogu talo galay qabatay. Africa Oil hadda waxay ka shaqaysaa Ethiopia iyo Kenya. Dhanka kale, Galmudug Tii Hore waxay heshiis la gashay Liberty Petroleum (Petro Quest) inay baarto barri iyo bad Galmudug. Shirkaddaas uma gudbin inay sammayso sahanka 2-D saysmikada ama qodid. Waxay Liberty weli raadinaysaa inay DFS siiso Heshiiska Soo-saar Wadaagga (PSA) la saxiixato, inkastoo ay kula jirto Galmudug Tii Hore iyo Galmudug Ta Hadda ah heshiis qoran oo ah inay DFS tixgeliso. Heshiis kaas waxa u baahan yahay in lala jaan-qaadsiiyo PSA ga Soomaaliya. Shaqada cusub ee badda: 2013 -iminka Markii Dawladda Federaalka ka baxday Ku Meelgaarnimada, oo aqoonsi buuxda heshay , ayaa Soma Oil and Gas la saxiixatay heshiis ah inay maalgeliso baarista saysmikada ee 2-D ee Badda Indian Oceanka Soomaaliya; shirkaddaasna loo oggolaado in heshiis PSA lagula galo 12 Xirmo-badeed (12 Offshore blocks) ah. Soma Oil and Gas waxaa u sammeeyay sahanka 2-D shirkado sub-contract ah oo kala ah SeaBird Exploration, Spectrum iyo RPS Group. Dhinaca kale, Shirkadaha Shell, ExxonMobil iyo Total waxay aad u xiiseenayeen badda Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen Spectrum inay buuxiso shabakaddii 2-D ee Soma Oil oo ahaa 20 x 20 km kal-fogaasho (spacing) in laga dhigo 10 x 10 km kala-fogaasho (spacing) iyo in lagu daro baarista biyaha aan moolka ahayn oo ballacoodu yahay 12 nautical mile. Spectrum 2016 ayay hawshaas dhammaysay. Sidaas waxaa ku dhammays tirmay baarista badda Jubbaland, Koofur Galbeed, Gobolka Benadir, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waxaan baaris illaa hadda laga sammaynin badaha Puntland iyo Somaliland. Waxaan ogahay badda Somaliland qeyb ka mid ah inay baartay TGS oo dhawaan gadatay Spectrum. Labada shirkadood waa shirkado sammeeya 2-D saysmikis oo Norway laga lee yahay. Shirkadaha danaynaya badda Soomaaliya inay shidaal ka soo saaraan: Shirkadahaan waxaa ka mid ah kuwa waaweyn, kuwa dhexaad ah iyo kuwa yaryar. Kuwa waaweyn waa Shell, ExxonMobil, Total, ENI, BP iyo Equinor. Shirkadaha dhexe waxaa ka mid ah ONGC, Anadarco, Apache iyo Tullow. Shirkadaha yar-yarka ah inta badan waa shirkado carcar (aggressive) ah oo dhaqso wax soo saara ama raba inay shirkad kale ku wareejiyaan hawsha, dhexda ka faaidaan (Asset flippers). Laakiin shirkadaha yar-yarka ah qaabka ay heshiiska ku galaan ayaa musuqmaasuq iyo daah-furnaan la’aan hareerayso. Shirkadaha waaweyn ee u naxa sumcadooda iyo iyo suuqa ay ka diiwaan-gashan yihiin – bursa ama stock market. Shirkadaha yaryarka ee Soomaaliya jooga waxaa ka mid ah Soma Oil and Gas, Liberty Petroleum iyo Genel Energy (Somaliland). Africa Oil way ka baxday Puntland, inkastoo la rabay Dooxada Nugaal inay ceel qodid ka bilowdo. Caqabadaha hor taagan shirkadaha: Waxaa ugu horrayso amni darrada, sharciyada iyo xeerarka nidaaminta shidaalka oo aan fadhinin oo isbaddelo joogto ah ku dhaca, xasilooni-darro siyaasadeed, xasarradaha siyaasadeed oo joogto noqday, daah-furnaan yarida iyo musuq-maasuq baahsan – intaas waxay saamayn xoog leh ku yeesheen shirkadihii maal-gelin lahaa oo hormarin lahaa shidaalka Soomaaliya. Tusaale waxaa noo ah in Shell-ExxoonMobil (oo heshiis Somalia kula jira) ay weli aaminsan yihiin Somalia inay ka jirto xaaladda Force Majeure, oo aan shaqo laga dhex qaban karin. Arrimahaas kor ku qoran, waa in DFS u heshaa xal iyo inay ka shaqo gasho sida loo beddeli lahaa iyo sida loo hagaajin lahaa. Waxaa aad muhiim u ah inay isla jaan-qaadaan DFS iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya. Caqabadda kale ayaa ah in tamarta shidaalka laga gudbi rabo ka dib markay sabab u noqotay in cimillada adduunyada is-bedesho iyo heerkulka dunida kordho. Dunida waxay gashay dadaal cusub oo dhanka tamarta qorraxda iyo dabeesha lagu hormarinayo. Waxaa si xawaare leh u soo kordhayo teknoolojiyada tamarta qoraxda, dabeesha iyo niyuukliirka looga faa’idaysan lahaa. Tusaale ahaan Bangiga Adduunka waa u joojiyay maal-gelinta shirkadaha shidaalka sahmiya oo soo saara, laga billaabo 2020 ka. Sidaas awgeed, Soomaaliya waxay haysataa waqti yar oo ay kaga faaidaysan karto shidaalka. Prof. Cabdulqaadir Abiikar Xuseen Hormuudka Kulliyadda Cilmiga Dhulka iyo Deegaanka/Bii’ada Jaamacadda Benadir, Muqdisho, SOMALIA
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo ka mid ahaa Diblomaasiyiin ka qayb-gashay bandhiga carwada Bugaagta Hargeysa, ayaa ka hadlay Nabadgelyada, degganaanshaha iyo xasilloonida ka jirta Somaliland. Amb. Nicolás Berlanga Martínez ayaa wax lagu faano ku sheegay waxyaabaha u qabsoomay intii ay jirtay Somaliland. Safiirka ayaa intii uu ka hadlayay madashaasi si lama filaan ah wuxuu ugu lebistay koofiyadda Odayaasha iyo Cumaamadda Madaxda dhaqanka Soomaalidu qaadato oo uu madaxa iyo garabka saarta. Wuxuuna talaabadaasi ku muujinayey Safiirku dhaqanka ay ka turjumayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo boqollaal qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah ay ku sugnaayeen. Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Maanta ii oggolaada inaan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga. Farxad bay ii tahay inaan arko Buugaag ku qoran afaf kala duwan iyo kuwo ay sixitaan ku samaysay xarunta dhaqanka ee Hargeysa”. Safiirku sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Midowga Yurub ay farxad weyn u tahay inuu Somaliland ka taageero arrimahaasi “Midowga Yurub farxad bay u tahay inuu taageero arrimaha noocan oo kale ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay dalabka Puntland ee ku aadan inay ka mid noqoto Wada-hadalada DF Soomaaliya iyo Somaliland. Faysal ayaa ugu horeyntii sheegay inaysan guddigaasi waxba ka khuseyn Somaliland, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu ku tilmaamay mid ku jira mugdi ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu ka dhawaajiyey inaysan Farmaajo wada-hadal la galeyn Somaliland, wuxuuna yiri “Madaxweyne-na maahe ruwaayad ayuu dhigaya Farmaajo, wuxuuna na tusay caqligiisu halkuu joogo, markaad hadaladiisa dhageysato wuxuu ku leeyahay ‘waxay tabanayaan walaalahay’ waxaasina cago badnaanten ina-baday, ismaynu baraneenba Farmaajo iyo reerahoodaba, ninkaasi mugdi buu ku socda”. “Waxaa ka daranba Puntland oo dal iska dhigaysa oo leh hadii aanu wada-hadalada ku jirin, waxaasina waxa inagu baray maamulka Xamar jooga ee Puntland-ta haya si ay wadan kale ka dhigaya”. Wuxuuna intaasi kusii daray Faysal “Dadka wadanka u badan baanu heshiis la galeyna ee aynu markii horeba ku darsanay, Nin aan degmo ku lahaynba la hadli mayno”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar-Qumanaha-_-Warraka-21072019.mp3 View the full article
-
Ciidamada Kenya oo dilay kadibna gubay 8 qof oo Soomaali ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo Kenyan ah ay dileen dad shacab ahaa oo gaari la socday, kadibna ay gubeen. Tirada dadka ciidanka Kenya ay tacadiga u geysteen waxa ay ahaayeen 8-ruux kuwaas oo ku safrayay meel 10KM u jirta Deegaanka Raaskaambooni. Ciidamada oo socday waxaa kahor tagay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka, iyaga oo rasaas ku furay, kadibna gubay dadkii dhintay. Xildhibaan Jeesow waxa uu sheegay in ciidanka Kenya ay caadeysteen dhibaatooyinka ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee kunool deegaanada ay ku sugan yihiin ama ku safraan. “Waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo gaari saarnaa, ciidamada Kenya waxa ay u dileen si arxan darro ah, kadib wey gubeen, waana arrin bani aadamnimada ka baxsan” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Xidhibaanka ayaa soo jeediyay in ciidanka Kenya laga saaro Dalka, maadaama ay kordheen tacadiyada ay u geysanayaan dadka shacabka ee kunool deegaanada Jubbaland. Golaha shacabka oo uu katirsan yahay ayuu sheegay in ay ka doodeen, balse aan jirin wax iska badalay soo jeedintii Xukuumadda ee ku aadaneed in Kenya lagala xisaabtamo shacabka ay waxyeeleeyaan. Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer burburiyay anteenooyin ay leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, sidoo kale duqeyn ay ka geysteen deegaanno dhaca Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxa ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah iyo xoolo ay dhaqanayeen. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com