Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa Shalay guddoomiyay shir dhex maray Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo qaar kamid ah safiirrada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya ee shalay Magaalada Dhuusamareeb. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmdug, Prof. Cabdiraxmaan Baaddiyoow , oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanla looga hadlay hannaanka ay u socdaan qorshaha dib-u-heshiisiinta ay wadaan. Wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirrada Midawga Yurub, Qatar, Turkiga, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya ee saldhiggoodu yahay Muqdisho ayaa Guddiga ku bogaadiyay dedaalka ballaaran ee ay ugu jireen isu keenidda reer Galmudug, si loogu diyaar garoobo dhismaha ay ku mudeysan yihiin reer Galmudug. Dhowaan ayaa wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo gudaneysa waajibaadkeeda shaqo waxay u Magacaawday Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka kooban 12 xubood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa guddoomiyay shir dhex maray Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo qaar kamid ah safiirrada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya ee shalay Magaalada Dhuusamareeb. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmdug, Prof. Cabdiraxmaan Baaddiyoow , oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanla looga hadlay hannaanka ay u socdaan qorshaha dib-u-heshiisiinta ay wadaan. Wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirrada Midawga Yurub, Qatar, Turkiga, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya ee saldhiggoodu yahay Muqdisho ayaa Guddiga ku bogaadiyay dedaalka ballaaran ee ay ugu jireen isu keenidda reer Galmudug, si loogu diyaar garoobo dhismaha ay ku mudeysan yihiin reer Galmudug. Dhowaan ayaa wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo gudaneysa waajibaadkeeda shaqo waxay u Magacaawday Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka kooban 12 xubood. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Kismaayo (PP) ─ Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ayaa waxay ku dhawaaqeen liiska magacyada odayaasha-dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland. Odayaasha soo xulaya xildhibaannada Maamulka Jubbaland ee la shaaciyay ayaa tiradoodu tahay 135-oday, iyagoo matalaya dhammaan beelaha ay ka kooban yihiin shacabka dada Jubbooyinka, waxaana odayaashaan laga rabaa inay muddo kooban kusoo xulaan xildhibaannada Jubbaland ee soo dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulaas. Xilka hoggaanka maamulka Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa isku soo taagay musharraxiin fara badan, kuwaasoo mid ka mid ah lagu dilay weerarkii dhawaan ka dhacay Kismaayo oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab. Musharraxiinta u taagan hoggaanka Jubbaland ayaa waxaa ku jira Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha xilligan ee Jubbaland, waxaana musharrax walba uu wadaa dadaal uu ku doonayo in isaga loogu doorto madaxweynaha cusub ee Jubbaland. Haddaba, AKHRISO; Magacyada Odayasha dhaqanka Jubbaland ee soo xulaya Xildhibaannada cusub: PUNTLAND POST The post Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay liiska Odayaasha soo xulaya Xildhibaannada cusub appeared first on Puntland Post.
  4. Buulo-burte (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Jabuuti iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Buulo-burte gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee degmadaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmniga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey boggagooda Internet-ka ayaa waxa ay guullo uga sheegteen dagaalkaasi. Al-Shabaab ayaa shaaciyey in halkaasi ay ku dileen 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya. View the full article
  5. Kulan wadajir oo xalay magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen guddiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoomiyaha Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Kulanka oo ay Sidoo kale ku sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim “Muudey” iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” waxa uu ahaa kulan lagusii amba qaadayay dar dar gelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaansho yar oo labada Aqal dhexdooda ka jirtay ,islamarkaana Guddiyada isku shaqada ah ee Baarlamaanka wada shaqeyntooda ay sii xoojin doonaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay labada aqal ay hal baarlamaan isku yihiin wada Shaqeyn joogta ahna ay ka dhaxeyso,sidoo kalena gudiyada joogtada ah loogu baahanyahay in ay sii xoojiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Guddiyada joogtada ah ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia ayaa xalay kulan ku yeeshay Muqdihso, kaasoo ay kaga hadleen sidii ay u xoojin lahaayeen wada-shaqeysta u dhexeysa labada aqal, kaddib markii dhawaan ay ka heshiiyeen khilaafyadii ku dhex-jiray. Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayaya labada guddoomiye ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana goobjoog ka ahaa; gudoomiye ku-xigeennada labada aqal iyo xubno kale. Intii uu socday kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sameyn lahaa xeer labada aqal ay wada leeyihiin oo ay kuwada shaqeeyaan iyo sidii wada-shaqeynta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka loo xoojin lahaa. Dhawaan ayay ahayd markii labada guddoomiye ee labada aqal ay heshiis kama dambeys ah ka gaareen khilaafyo soo jiitamayay oo u dhexeeyay, kuwaasoo saameyn xooggan ku yeeshay hawlaha labada aqal ee Golayaasha Baarlamaanka Somalia. Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Somalia ayaa waxay shaqadiisu tahay inuu soo dhiraan-dhiriyo sharciyada la doonayo in hawlaha dalka ay ku socdaan, halka Aqalka sare ay hawshiisu tahay inuu ansixiyo sharciyada soo mara aqalka hoose ee baarlamaanka. Madaxda Dowladda Somalia ayaa dhawaan dadaallo badan ku bixiyay sidii ay isugu keeni lahaayeen hoggaanka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, si loo guda-galo meel-marinta sharciyo uu ka mid yahay kan doorashooyinka kaasoo muran xooggan uu ka taagan yahay. Ugu dambeyn, Heshiiska labada aqalka iyo kulankoodaan ugu horreeyay ee wadajirka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli muddada u hartay labada aqal ay aad u kooban tahay, ayna horyaallaan hawlo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah. PUNTLAND POST The post Kulan ay si wadajir ah u yeesheen Guddiyada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda amniga, haatana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyn kulul u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in habacsanaan baahsan ay jirto, islamarkaana dhagax meel la dhigo kaliya aan lagu sugi karin amniga magaalada Muqdisho. Wuxuu ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aysan weli la imaan qorshe gaar ah lagu sugayo ammaanka guud ee degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu ayaan darro ku tilmaamay tallaabadii lagu burburiyey hay’adda NISA oo uu xusay inay ka hortagi jirtay weerarada ka dhaca Muqdisho. Ugu dambeyn waxa uu is weydiiyey, sida ay ku timid in la fashiliyo qarax sababay dhimashada 17 qof, kaas oo shalay ka dhacay gudaha Caasimada. War ka soo baxay taliska Booliska, gaar ahaan taliye ku xigeenka ayaa lagu sheegay in ciidadamdu ay ka hortageen qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab. Dadka dhintay iyo kuwa kuwa dhaawacmay ayaa isgu jiray askar iyo shacab intaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Warar xalay lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay mooshin ka gudbiyeen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo sida la sheegay ay ku eedeeyeen fashil-hoggaamineeed. Haddaba, Warbaahinta Puntland Post oo saaka xiriiro kala duwan la samaysay dhincyada warkani khuseeyo, ayaa xaqiijisay in aysan jirin xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka oo mooshin ka gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumaddiisa midna. Wararka la xiriira in mooshin laga gudbiyay madaxweyne Deni, ayaa si weyn saaka looga hadal-haya goobaha lagu sheekaysto ee meheradaha iyo hoteellada ku yaallla magaalada Garoowe, iyadoo ay jaah-wareer kala kulmeen bulshadu sax ahaanshaha wararkaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmatay maalin kadib, markii sidaan oo kale magaalada Gaalkacyo lagu faafiyay warar jaah-wareer dhaliyay oo ku aaddanaa in dowladdu ciidamo u dirtay degmada Gaalkacyo, si ay soo qa-qabtan Guddiga dhismaha garoonka ciyaaraha Cawaale. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in mooshin laga gudbiyay madaxweynaha Puntland? appeared first on Puntland Post.
  9. Kismaayo (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee Jubbaland ayaa shaaciyey magacyada Odayaasha soo xulaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Liiska ergada lagu dhawaaqay ayaa waxa ay isugu jiraan Odayaashii wax ka soo xulay baarlamaanka federaalka ah iyo kuwa kale oo matalaya beelaha Jubbaland. Odayaashani ayaa la filayaa in dhawaan ay si deg deg ahg ku soo doortaan xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Halkan hoose ka akhriso: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com View the full article
  10. MOGADISHU-- Foreign envoys on Monday lauded the ongoing process to integrate forces of moderate Islamic group Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) into Somali security forces. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey liiska Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Liiska Odayaasha lagu dhawaaqay ayaa waxaa laga sugayaa inay si deg deg ah ku soo doortaan xildhibaanada maamulka Jubbaland. Ergadan ayaa waxa ay isugu jiraan Odayaashii wax ka soo xulay baarlamaanka federaalka ah iyo Odayaal dhaqameedyo kale oo matalaya beelaha dega deegaanada Jubbaland. Sidoo kale Odayaashani ayaa dhawaan tababar lagu baranayey habka loo soo xulayo baarlamaanka waxa ay ku qaateen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Doorashada Jubbaland oo isugu jirta mida baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota Augusto ee sanadkan 2019-ka. Musharraxiin dhowr ah ayaa u taagan xilka Madaxweynaha, kuwaas oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe oo doonaya in markale loo doorto xilkaasi. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Two years after Qatar was accused of sponsoring terrorism abroad – and isolated by many Gulf states and their African counterparts – comes the news that Qatar may well be coordinating attacks in Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. Britain on Monday said it was planning a European-led protection force for shipping in the Gulf after Iranian authorities seized a British-flagged tanker in a dramatic escalation of tensions in the region. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-23072019.mp3 View the full article
  15. Hadda ka hor ayaa nin saxaabi ah oo in uu sakada soo uruuriyo Nabiga (NNKH) u diray, ayaa markii uu shaqadii soo dhammaatay yiri “Intaan [...] Source
  16. A Saudi blogger who is in Israel at the invitation of the Foreign Ministry was attacked and cursed at Monday, during a visit to the Temple Mount in Jerusalem’s Old City. Source: Hiiraan Online
  17. Afghan has exported medical equipment and hygiene products to Somalia for the first time. Source: Hiiraan Online
  18. The number of civilians killed in Sidama zone in southern Ethiopia since July 18 has risen to “more than 35”, according to Yigezuh Adamu, a resident of Yirgalem who is currently in Hawassa city. Source: Hiiraan Online
  19. Somali forces have apprehended three al-Shabab militants in a security operation conducted on Sunday in Kismayo town, southern Somalia, an official said on Monday. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Gacanada ay kuwada xiriiraan Ciidamada Booliiska Soomaaliya (Isgaarsiinta Booliiska) ayaa xalay laga shaaciyay in magaalada Muqdisho ay ku jirto Haweeney darawal ka ah gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo damacsan in ay weerar ka fuliso magaalada Muqdisho. Saraakiisha ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah ay wadato qofkaan dumarka ah islamarkaana dooneyso in ay weerarkeeda la beegsato Difaacyada Madaxtooyada Soomaaliya ama Xarunta Dowladda Hoose ee gobalka Banaador. Waxaa inta badan la fasaxay shaqaalaha aan baahida joogtada ah loo qaban ee ka tirsan Xarunta Dowladda Hoose, iyadoo sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka Xarumaha Dowladda gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir. Ma jirto cid si rasmi u xaqiijin karta arintaan balse waxaa jirta Qaraxyo sidaan oo kale ay Booliiska Soomaaliya uga digeyn balse markii dambe ka dhacay goobihii laga digay. Digniintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo shalay qarax xoog leh uu ka dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 20 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu aasay Meydka Askari katirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoobar kaas oo lagu dilay Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir. Askarigaan iyo qof kale oo shacab ah ayaa dhintay dhamaadka Bishii Ramadaan kadib shaqaaqo ka dhacday Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir, taas oo u dhaxeysay Ciidamo Booliis ah iyo Askar uu katirsanaa marxuumka dhintay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishuu Juun Guddi u saaray arintaan waxaana muuqata in ay socon waysay oo ay lugaha la gashay xubno sar sare oo katirsan Dowladda Soomaaliya. Muddo ka badan 40 cisho ayuu Marxuumka ku jiray Finijeer laga leeyahay Isbitaalka Digfeer waxaana ku socotay lacag. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan amray in Marxuumka la duugo waxaana la aasay iyadoo aysan ka war qabin qoyskiisa iyo dhamaan qaraabadiisa. Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa shaqadaan qabtay waxaana lacagta kirida Finijeerka bixiyay Dowladda iyadoo ay dib u soo cusboonaatay arintaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waqti badan geliyay sidii arrintaan loo damin lahaa balse waxaa ku dhagan Saraakiil uu kamid yahay Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in Somaliland ay iska badalayso magaceed si beesha caalamka aqoonsi buuxa uga hesho. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay u howl-galeyso sidii ay iskaga badali laheyd magaceeda, taasi oo uu sheegay inay u horseedi karto ictiraafka ay mudada badan ugu jirtay baadi-goobka, isagoona xusay in dowladda Soomaaliya ay ku colaadineyso Somaliland magaceeda. Xildhibaa Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dib u heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wada-hadal la fureyn dowlada Soomaaliya, ilaa inta ay ka imanayso dowlad loo dhanyahay. Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ku jirto colaad, isla markaan uu Somaliland ka raadinayo godob uu sheegay inay hore u gashay. Xildhibaan Dheeg oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxa wada-hadlaya reer Talyaani iyo reer Ingiriiskii Soomaaliya, Soomaaliduna shan meelood ayey kala aheyd, Waxaana wada-hadlaya Somaliland iyo Soomaaliya, labadii maalintii isku darsaday kowdii luulyo ayaa wada-hadlaya”. “Nin anaga maalintii Somaliland ahaa, xagaa (Muqdisho) intuu ka soo jeesto sidii wax waalan la hadli mayno anagu, wuxuunba la hadleynaa Nimankii reer Talyaani ee aanu wax isku darsanay oo soocan, oo weliba goboladooda ka kooban, ilaa marka ay dowlad yeeshan, dowladaasina ciday inoo soo dirto ayaanu la hadleyna” Wuxuuna intaas kusii daray “Farmaajo intuu haysto la hadli mayno, waayo ninkan colaad baa ku jirta, Adeerkii ayaanu ka ridnay oo godobtii ayuu naga raadinaya anaga, waanu garaneyna halka uu nagala dagaalamayo, markaa wixiisa ha iska haysto, cidii uu wax ka qaadayo ha ka qaado, wuxuu naga cadaadinayo hanaga cadaadiyo”. “Waxa ina haysta waa magaca xun ee aan la sheeganeyno, waana raacsanahay in la iska badalo magaca oo waa in laga fikiro oo labada Golle loo diro magacaa, lana ansixiyo magacaasi, loogana tago sidaynu uga tagnay Baasaboorkeeni”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaska Madaxweymihii hore ee dalka Mareykanka Michelle Obama ayaa taageero u muujisay Ilhaan Cumar iyo saddex kale oo ka tirsan Kongreska dalkaasi. Michelle Obama ayaa si weyn uga horjeesatay hadalkii uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Trump, kaas oo ahaa inay dalalkoodii hore ku laabtaan haweenka xildhibaanada midabka leh ee ka tirsan golaha Kongreska Mareykanka. Qoraal ay soo dhigtay haweeneydan barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in Trump uu ku kacay gef aan garowshiyo laheyn. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareykanka qofka u dhashay iyo kan Qaxootiga ku ah ay u wada siman yiihiin. “Xitaa, haddii aan ku dhalanay halkan ama aan soo raadsanay Qaxooti, waxaa jira meel aan wada leenahay, waana waajib inaan xusuusnaano inaysan ahayn Maraykankaya ama Maraykanka, ee waa Maraykanka aan wada leenahay” ayey ku qortay Twitterkeeda. Siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa horay u cambaareeyey tallaabada uu qaaday Madaxweynaha dalka Mareykanka Donold Trump. Afarta haween oo uu Twitterkiisa ku weeraray Trump ayaa kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez , kuwaas oo dhammaan loo doortay aqalka Koongreska doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan ka dhacday Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com