Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Here we are again, mourning yet still another loss of young, vibrant and core of our society—which append to long list victims at the hands of heartless terrorists. First of all, I would like to send my deepest sympathy and condolence to the Somali people Source: Hiiraan Online
  2. Paul Anthony Formos oo ahaa maamulihii Dekada Bosaso wakiilka uga ahaa Shirkada P&O Ports oo hoostimaada PD World waxaa feberaaayo sanadkaan lagu dilay Bosaso, Ninkii [...] Source
  3. Qatar and Somalia denied a news report that suggested Doha had an "interest" in a bombing in northern Somalia carried out by a local armed groupin May. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-2307-2019.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaanno maanta shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xaaladda dalka, ayaa sheegay in ay tahay arrin laga walwalo warbixin uu uu soo saaray wargeyska New york times ee dalka Mareykanka ka soo baxa. Wargeyska warbixinta ka soo baxday ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ka mid tahay dowladdo falal dil ku ah ammaanka ka geystay Soomaaliya. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxaa uuna yri “ Arrinta ay soo saartay New york times ayaa waxaa ay tahay arrin walal nagu beertay, dalkaan waxa ka socda iyo argigisada meesha ay fanka ka hesho, arrintaas guddiga difaaca gudoomiyihiina waa uu joogaa,waxaan dadka soomaaliyeed u sheegeynaa in baaritaankeena iyo xaqeena aan ka gudaneyno waana arrin walwal noo muujineyso runtii” Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka dowladda Qadar u fadhiya dalka,uu wargeysku sheegtay in laga helay cadeymo muu jinaayo in dowladda Qadar ay soomaaliya ka fulisay dilal iyo mashinno lagu qaarijiyay dad ajaanib ah. “ Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo safiirkii dalka Qadar waxa uu ku lug leeyahay mashinno iyo dilal dalka ka dhacay, ayadoo dadka reer Muqdisho ay maalin kaso ay la kulmaan dilal,qaraxyo iyo waxyaabo lamid ah, annaga guddi hoosaadka difaaca ah oo aniga madax u ahay waxaan qaadaneynaa inaan baaritaan sax ah aan galino warbixin sax ahna aan ka soo saarno, haddii uu cadaadana in tilaabada haboon ay qaataan dadka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Soomaaliyeedna aan u gudbin doono arrintaasna walwal xoogan ayeey naga muujisay” Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in aan layska indho tiri Karin arrintaan oo ah arrin walwalkeeda leh,waxaa uuna sheegay in Baarlaman ahaan ay waajibkooda gudan doonaan ku aadan arrintaan maanta soo baxday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in si habsami leh ugu qabsoomay kulamadoodii hordhaca ahaa ee dar-dar gelinta qorshaha geedi-socodka shirweynaha dib-u-heshiisiinta intii u dhaxeysay 20 – 23ka July 2019. Guddigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug magacaabista iyo taageerada ay guddiga u muujiyeen si khilaafaadka reer Galmudug xal waara looga gaaro. Guddiga Wuxuu uga mahad-naqayaa madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hawshii baaxadda lahayd ee uu ka qabtay Galmudug muddadii afarta usbuuc ahayd ee uu meelo badan oo ka mida degaannada Galmudug kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan, taa oo abuurtay jawi sahli kara in reer Galmudug ka heshiin karaan waxyaabihii soo dhex maray iyo dadaalkii mugga lahaa ee Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaystay suurtagelinta jawi nabadeed. Ugu danbayntii, guddigu wuxuu bogaadinayaa kulankii shalay (22 July) ay la yeesheen wakiilada caalamka oo si buuxda u taageray geedi-socodka Shirweyanaha D-ib-heshiisiinta Galmudug. Intaa kadib, guddigu markii uu qiimeeyay xaaladda ka jirta deegaannada Galmudug iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo lagu lafa guro isla markaana lagu xaliyo khilaafaadka bulsho ee deeagaanada Galmudug wuxuu go’aamiyay:- 1. In ergooyinka ku matalaya beelaha wada dega Galmudug ee tira ahaan loo qoondeeyay beel walba lagu soo xulo, waayo aragnimo la xariirta arrimaha dib-u-heshiisiinta kana kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida; hoggaamiyaasha dhaqanka, culimaa’u-diinka, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka. 2. In shirweynaha Dib-u-heshiisiinta uu ka dhaco magaalo madaxdada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 5ta bisha Agoosto, 2019. 3. In ergooyinka shirweynaha loo qoondeeyay ay soo gaaran goobta shirka 1da Bisha Agoosto, si ay waqti ugu helaan deegaan iyo kulamo gaar-gaar ah. 4. Guddigu wuxuu qoondeeyay in tirada guud ee ergooyinka kasoo qayb gelaya shirka ay noqdaan (356) seddex boqol konton iyo lix ergo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo tixgelinaysa qorshaha guddiga ay diyaariso dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergooyinka ay u baahanyihiin. 6. Guddigu waxa uu taageero buuxda waydiisanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuna casuumayaa furitaanka shirweynaha. Guddigu wuxa uu bulshada Galmudug ugu baaqayaa in ay taageeraan kalana shaqeeyaan guddiga sidii uu Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug u guuleysan lahaa. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir gudoomiyey Shirka kaabayaasha dhaqaalaha Dalka oo Saddexdii biloodba mar Lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Waxaa kasooqayb galay Wasaaradaha Kumidaysan Madasha Kaabayaasha dhaqaalaha ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Xubno kasocday Maamul Goboleedyada Dalka, Madaxda Haayadaha Qaramada Midoobay & Wadamada Taageera Soomaaliya Oo ay kamid ahaayeen Italian Coorperation, World Bank, African Development Bank, UNDP, UNOPS, & UN-Habitat. Shirka ayaa waxaa looga Wada Hadlay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Waxaayabahii Qarsoomay, Mashaariicda qabyada ah & Sidii loo dhamaystiri lahaa. Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow oo shirka daahfuray ayaa yiri “Kaabayaasha dhaqaaluhu waa wadadii horumarka run ahaantii Waxay inaga caawinayaan Nabad galyada oo muhiimada gaar ah inoo leh, waxay inaga caawinayaan shaqaalaysiinta oo iyadana muhiim ah sabatoo ah inkabadan 70% bulshadeena waa dhalinyaro, Waxay inaga caawinayaan Baahinta Adeegga Dowladda, Markaan haysano Waddooyin wanaagsan Adeeggyada Dowladduna waxa ay gaarayaan meelo aysan hadda gaari karin, Waxay inaga cawinayaan Ganacsiga gudaha dalka & Isku xirka kan Gobolka, Marka Kaabayaasha Dhaqaaluhu aad ayey muhiim ugu yihiin horumarka Dalka” Shirkan ayaa Saddexdii biloodba mar laqabtaa Waxaana looga arinsadaa Mashaariicda Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka waxaana kukulma Dowladda Soomaaliya, Haayadaha Caalamiga ah, & Deeq bixiyeyaasha. View the full article
  8. Somalia has secured about 29 million U.S. dollars from the African Development Bank (AfDB) for water and sanitation and roads projects designed to improve livelihoods and boost the country's resilience. Source: Hiiraan Online
  9. The National July 23, 2019 05:47 PM New evidence concerning a car bombing in Bosaso, Somalia, which took place in May, suggests that the attack [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay warbixin lagu daabacay wargeyska The New York Times oo dowladda Qatar la xiriirisay qarax ka dhacay Boosaaso oo ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” Cawad oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay la wadaagtay bayaan ay soo saartay oo ay ku beenineyso inay ku lug leedahay qaraxa iyo dhammaan wax kasta oo ka dhan nabad-galyada Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaadda ay dowladda Qatar ka bixisay arrintan. Waxa uu sidoo kale sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem uu u yimid wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya lana hadlay isaga oo beeniyey inuusan taleefon kula hadlay ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi, kana sheekeysteen qarax ka dhacay Soomaaliya. Cawad ayaa meesha ka saaray in arrintan baaritaan lagu sameeyo, sida uu dalbaday madaxweynaha Puntland, wuxuuna ku adkeystay in sharxaadda ay bixisay dowladda Qatar ay ku filnaatay Soomaaliya kuna qanacday. Hoos ka dhageyso codka Cawad https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cawad-VOA.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-23072019.mp3 View the full article
  12. Dayaxay ka shiddan tahay Waxa kasoo wareegtay mudo qarni badhkiiya ama 50 sanadood markii ugu horeysay ee dad nooli Dayaxa ku dul degeen, waxay ahayd 20-07-1969 kii markii ay cago dhigteen Dayaxa guudkiisa kuna dul socdeen mudo Neil Armstrong iyo Buzz Aldrin oo ahaa Cir-ubaxeenadii la socday Dayax-gacmeedkii apollo11 ee maraykanku u diray Dayaxa. Wakhtigaas lategay Dayaxa oo ahay wakhtigii loolanka iyo tartanku ka dhexeeyey Ruushka iyo Maraykanka kaas oo Ruushku uu ahaa wadankii ugu horeeyey ee xayawaan nool hawada sare ee Dhulka ka baxsan u diray siddoo kale dalkii ugu horeeyey ee Ruux nool hawadaa sere u diray ee kasoo celiyey, hase yeeshee Maraykanka ayaa bun dhaafiyey Markuu noqday dalkii ugu horeeyey ee dad nool Dayaxa ka dul dejiyey ee haddana kasoo celiyey, waxayna ahayd Sabtidii 20-07-2019 sanad guuradii kontonaad ee kasoo wareegtay wakhtigaa la dul degey Dayaxa xuskeedii, Sikastaba ha ahaatee in mudo dheer ahay Dayaxa siddaa looma Hadal hayn se iminka in mudo dhow ah aad ayey u soo noqotay Hadal hayntiisa iyo loolankii beri samaad oo kale, iyaga oo ay kusoo biireen loolanka Dayax tagista cusub dalal badani sidda Dalalka midowga Yurub, Shiinaha iyo Hindiya, waxa shalay oo ay Taariikhdu ahayd 22-07-2019 Hindiya kicisay Dayax-gacmeed lagu magacaabo (Chandrayaan-2) kaas oo ay u dirtay in uu ku dego Dayaxa guudkiisa oo uu baadhitaan ku sameeyo Dhanka fog ee Dayaxa oo biyo lagu sheegey, waxa jira in Dayaxu aanu isku duurin sidda Dhulka oo Mar walba dhan kaliya ama dhan qudhi uu ina soo eegaayo, siddaa laajigeed Dhanka siijeedka aynaan arag ayaa loo yaqaanaa dhanka fog ama (far side). Sikastaba ha ahaatee haddii ay indiya ku guulaysato oo ay ku dul dejiso Dayax-gacmeedka Dayaxa guudkiisa waxay noqonayaan dalkii afaraad ee Dayax-gacmeed Dayaxa u diray ee ku degey, waxa ay yihiin 3da kale Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha, waxa ay Hindiya ku rajo weyntahay in uu ku dego Chandrayaan-2 Dayaxa guudkiisa weliba cidhifka sare ee waqooyi ee Dayaxa 06-09-2019 halkaas oo uu uga daadegi doono Dhanka fog ee Dayaxa, noqon doonana mid baadhitaan buuxa kusamay doona Dayaxa, xog cusub oo ku saaban Dayaxana soo kordhindoona. Dhanka kale iyana waxa Jira mashruuc ay wada jir u hirgelinayaan Maraykanka iyo midowga Yurub kaas oo ay iskaga kaashanayaan in xarun laga dhiso Dayaxa guudkiisa loo adeegsado xog uruurin kusaabsan xiddigaha maadaama uu Dayaxu lahayn hawo ku dahaadhan sidda Dhulka iyo in loo adeegsado meel laga kiciyo Dayax-gacmeedada loo diraayo meerayaasha aynu Cadceeda wadaagno iyo kuwa xiddigaha kale ku meeraba, maadaama uu Dayaxu uu ka cufis-jiid yaryahay Dhulka wuu ka sahlanaanayaa Dhulka, kicinta Dayax-gacmeedka. Hadal iyo dhamaan Dayaxay kashidan tahay oo dunidii lakala bax oo hindigii isticmaarka Mar ina wada haystay wakaa la beratamaaya ee ka bidinaaya inakuna hoos marnay aduunkii oo biriishna dhisan kariweynay biyona lasoo bixi kari weyney baaniyaalkii hindiya-laynka iyo hargeysa kula joogi jirayna Dayaxuu biyo u doontay, 69kii ayaa nin laga hayaa ORGI FUULAYAA AMA QABAAL MIIG KA DHIGANAYAABA ANIGA IYO AMISTARON MARUUN DAYAXA GUUDKIISA WAA ISKU ARKI DOONAA, maanta haddana Dayaxay ka shiddan tahaye awr kornayaa ama foosto-gobolo sayruukh ka dhiganayaaba inaga iyo Baaniyaalku Biyaha Dayaxa weynu wada dhaansan DOONAA!!. Caddaaladbaa Ummad isku tiiris Caddaaladbaa Ummad toosisa Caddaaladbuu Dalna ku taabo qaadaa. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  13. Waa Kuwa Inoo Diidan Horumarka Iyo Isku-filaansho In Aynu Gaadhno “W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare” Hordhac: “Qormadan kooban waxaynu ku falanqayn doonaa dhinacayo badana ka eegi doonaa Ha’yaddaha Caalamiga ah ee dalkeena sida raxan-raxanta ah u imanaaya iyo waxqabadyada ay ka geystaan gudaha dalkeena. Hadaba Ha’yadahani ma yihiin kuwo wax inoogu qabta sida aynu u rabno, isla markaana ma yihiin kuwo inoo daneeya mise waa kuwo danno gaar ah iyo ujeedooyin ay wataan u fuliya arimaha caawimadda ah ee ay inoo qabtaan”. Tiro kor u dhaafaysa boqolaal Ha’yaddood oo caalami ah oo aan dawli ahayn (NGO), ayaa ka xafiisyo iyo xarumo ku leh gudaha caasimadda iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, Ha’yaddahani waxay inta badan barahooda Internetka ku faafiyaan waxqabadyadda iyo deeqaha ay doonayaan in ay ka geystaan hadba shaqadda quseysa ee ay lacagaha kusoo qaateen, Isla markaana waxay isla barahoodda Internet-ka ku faafiyaan mashaariic ay sheegaan inta badan boqolkiiba sagaashan (90%) in ay iyagu gacan ka geysteen oo ay ka hirgeliyeen Magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka, isla markaana goob kasta oo wax-yar oo ribad leeg ay ka fuliyaan, waxay ku dhejiyaan boodhadh, isla markaana waxay ku faafiyaan Internet-ka iyo caalamka, iyaga oo tusaaya in horumar ka wadaan gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, “Ha’yaddaha Caalamigu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, laakiin inta aanan idinla wadaagin cilmi baadhis aan si shakhsiyan ah u sameeyey, aan idin xasuusiyo qodob muhiim ah oo la xidhiidha xogta iyo halka ay ka keenaan lacagaha ay inta badan sheegaan in ay ku bixiyaan ama ku fuliyaan mashaariicda Waddamada soo koraaya oo aynu ka mid nahay, kuwaas oo sheega in ay bulshada ra’yidka ah iyo Dawlada ka caawiyaan. Halkay Ka Helaan Lacagaha: Inta badan Ha’yadaha Caalamiga ah (NGO), oo ay sida inoo sheegaan sumadoodu ama astaan-toodu tahay “Kuwo aan faa’ido doon ahayn(Non-profit Oriented)”, waxay inta badan lacaguhu kusoo galaan laba hab oo waaweyn :- 1. Xafiisyada Arimaha Dibada Ee Waddamada Horumaray: Ha’yadana inta badan deeqaha iyo mashaariicada ka fuliya inta badan waddamada soo kor’aaya ee Afrika oo aynu kamid nahay, waxay Xafiisyada arimaha dibadda ee waddamada horumaray u gudbiyaan nuqulo ay ku sharaxayaan ujeedooyinka ay u samaysan yihiin iyo hiigsiga ay rabaan in ay gaadhaan mustaqbalka dhaw, waxa ayna si kalsooni ku jirto uga dhaadhicyaan ahmiyadahooda guud, halka ay xafiisyadaas arimaha dibada ku qanciyaan in xafiiska laftiisa iyo wadankiisuba ay sumacad iyo taariikh u noqon doonto hadii ay bixiyaan xadiga lacagta ah ee ay ka codsanayaan, iyagoo u balan-qaadaya in xafiisyadaas arimaha dibada ay ugu noqon lahaayeen waddo ay u adeegsadaan sidii ay u gaadhi la’ahaayeen dalka ay Ha’yadahani caawimada ka geysanayaan waa hadii arimo muhiim ahi kasoo galaan wadankaas. 2. Sadaqo Iyo Lacago Lagasoo Uruuriyo Kiniisadaha Iyo Dadka Hantida Leh: Ha’yaddahan mashaariicada caawimadda ah ka fuliya gudaha dalkeenu waxay sawiro iyo muuqaalo u gudbiyaan inta badan dadka hantida leh iyo goobaha kiristaanku ku cibadeystaan ee Kiniisaddaha, sawirada iyo muuqaalada ayey kusoo bandhigaan dad baahan, Afrikaan ah, misna gaajo, abaaro, xanuuno iyo caqbado kae oo badani haystaan, taas waxaa tusaale la taaban karo u aha Maal-qabeenka Bill Gate oo caawimadda dartii u furay Ha’yad isaga hoos timaada oo la yidhaah “Bill & Melinda Gates Foundation” Ha’yaddan isagu uu maamul ayaa dhawaan soo bandhigtay ilaa mudadii la aasaasay oo ahayd 2000 in hanti kor u dhaafaysa 4.6 bilyan oo doolar ka geysatay wadamada soo koraaya ee u badan Afrika. Dhanka kale wax ay ku tilmaamaan sadaqo ayaa inta badan Kiniisadaha wadamada horumaray ay kasoo uruuriyaan iyagoo u sheega in ay ugu gar-gaarayaan dad iyo dalal baahan. Hadaba hadii aynu labadaas qodob kusoo koobno hababka ay lacagaha iyo deeqaha ku helaan Ha’yadaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (NGO), aan ku xasuusiyo in ay jiraan habab kale oo wadamada soo koraaya ee aynu kamidka nahay ay ku helaan lacago iyo deeqo sharciyeysan, hababkaas kale oo ka madax-banaan Ha’yadaha aan dawliga ahayn ayaa ah in dawaladaha horumaray si toos ah lacago iyo mashaariic ugu yaboohaan, halka lacagahaas ama mashariicdaasi yihiin kuwo dalkaas soo koraaya loogu deeqay ama kuwo ku ah amaa(deyn) oo hadhow laga rabo in wadamada soo korayaa dib iskagasoo celiyaan, mashaariicaha iyo deeqaha noocan ahi waa kuwa inta badan si rasmi ah uga hirgala wadankaas ay ugu deeqeen, isla markaana marka la dhameystiro waa mashaariic noqoda kuwo dhaxal-gal ah oo sanado badan loo aayo, inta badana wadamada ku deeqay kuma faafiyaan warbaahinta, keliya marka ay deeqahaas wareejinayaan iyo marka ay dhamaystiraan mooyaane. Hadaba hadii aynu hoos ugu daadegno ujeedada qormadaydan, bal aynu dhinacyo badan ka istaagno mashaariicaha iyo deeqaha ay Ha’yadduhu sheegaan in ay ka fuliyeen gudaha dalkeena, iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay wixii ay fuliyeen. BEERAHA: Inta badan beeraha iyo deegaanka ayaa ah meelaha sida aadka u ba’an ay saameyn iyo waxyeelo kaga tagaan Ha’yaddaha caalamiga ahi, Waxa ay siidh iyo bacramiyayaal u qaybiyaan inta badan beeralleyda tuulayaasha miyaga, waa wax fiican in siidh iyo bacramiyayaal ay helaan beeralleyda dalkeenu, laakiin natiijadii laga dhaxlay ayaa waxay noqotay in siidhkaasi uu noqodo mid hal mar uun beerma ama bax, kaas oo aan dib u baxahayn, isla markaana nabaad guur iyo xaaluf ku rida dhulkii irmaanaa ee lahaa ciida dihin ee waxsoosaarka sanaddo badan lugu yaqaanay. Midhaha kasoo baxa shiidhkaas iyo bacramiyaashaas ayaa gadaal laga ogaadey in aanay lahayn faaidadii hore ee lugu yaqaanay cuntadaas, taas oo bulshada ka dhigi karta kuwo aan nafaqo iyo awood buuxda ama koritaan dhamaystiran aan helin. Waxyeeladda iyo nabaad guurka ay deegaanka iyo beeraha kaga tageen siidhka iyo iniinyaha ay Ha’yadduhu beeralleyda dalkeena ugu deeqaan, waxay gaadhey heer dalagii yaryaraa ee wakhtiga kooban ku bixi jiray, ahaana kuwa ugu muhiimsan ee sida maalinlaha ah dalka looga quuto ay noqodeen kuwo meesha ka baxa, waxaana tusaale u ah in Xabuubta iyo khudaarta lamidka ahi ay maanta inooga yimadaan wadamadda jaarka siiba Itoobiya, WAX-BARASHADDA: Dhanka waxbarashada hadii aynu eegno, inta badan Ha’yaddahan caalamiga ah ee aan dawliga ahayn waxay deegaano badan oo dalka kamid ah ka fuliyeen mashaariic dib u dayac tir iyo dhismayaal cusub labadaba inta badan dugsiyadda kuyaal deegaano badan oo dalka ah. Ilaa hadda ma jiraan dhismayaal buuxa oo ay Ha’yaddahani ka fuliyaan dugsiyada, laakiin inta ugu badan ayaa ah dhismayaal kookooban sida Suuliyadda iyo hal-hal fasal oo ay ku biiriyaan dugsiyadaas, sida ay Ha’yaddahani ku caan baxeen inta badan isma laha tirada dhismaha ee ay goob ka sameeyeen iyo sidda ay xayeysiisyo ugu sameynayaan, iyagoo ka dhigaaya in guud ahaan dhismaha dugsigaas ay gacantooda ku qabteen, isla markaana boodhadh waaweyn ku dhejinaaya dugsiyadda ay dayac-tireen, taasina waxay meesha ka saaraysaa jiritaankii Wasaaradda waxbarashada, waxayna indhaheena iyo indhaha caalamkaba arkayaan in idil ahaanteenba dalkeenu yahay mid caawimo ku dhisan, kol hadii aynaan laba suuli iyo hal fasal dhisan kari weynay. Maaha dhanka waxbarashada oo keliya ee sidoo kale waxay tanoo kale ka dhacadaa Sariibadaha degmooyinka iyo cisbitaaladaba. XOGTA: Tusaale ha inoogu filnaadaan labadaas qodob ee aadka u muhiimka ah, kana hadlaaya muhiimadda iyo jiritaanka guud ahaan bulshadadeena. Haddaba “Ha’yadduhu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, aynu isbarbar dhigno dhaqaalaha xoogan ee ay kusoo qaataan Ha’yaddaha aan dawliga ahayn ee caalamku iyo waxqabadyada muuqda ee ay inoo qabtaan, waa kala-maan iyo laba aan isbarbardhigi karin kharashka ama lacagta (Fund-ka) kuwaas oo kor u dhaafaya Balaayiin doolar oo lacag ah iyo waxqabadkoodii oo ku kooban kuwo aad u yar oo tiro ahaan kooban misna aan faaido badan laga dhaxlin jiritaankooda iyo manafacaadkii looga fadhiyey waxqabadkaas ay fuliyeen. Xogtan waxaan ku cadeynayaa in ay meesha ka maqantahay gebi ahaanba la xisaabtankii Ha’yadaha NGO-yadda ah ee inooga yimaada caalamka, taasina waata keenaysa in waxqabadka Ha’yaduhu noqodaan “Qawda maqashii, waxna ha u qaban”, taasna waxaa dayacay oo aan ka daba-shaqayn cidii masuuliyad u lahayd in ay la xisaabtamaan, halka madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay kow ka yihiin kuwii la xisaabtami lahaa. Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
  14. Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar waxay gaashaanka ku dhufatay Warbixintii shalay lagu soo daabacay Wargeyska The New York Times ee lagu muujiyey inay ku lug leedahay Qaraxyadda ka dhaca Soomaaliya, isla markaana ay taageero siiyaan Kooxaha Islaamiyiinta. Warbixinta wargeyska waxaa lagu soo bandhigay Cod laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade, iyagoo ka wada hadlaya Qarax Bosaaso ka dhacay bishii May ee sannadkan, oo ay Kooxda Daacish sheegatay mas’uuliyadiisa. Hadal ka soo baxay Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Siyaasadda Dibedda ee Qatar had iyo jeer ku dhisan tahay in la abuuro Deganaansho iyo Barwaaqo, isla markaana aysan marnaba faragelinin Arrimaha Daakhiliga ee dalalka madaxa bannaan. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in qof kasta oo arrimahaasi ku kaca uusan matalin Karin Dowladda Qatar. “Somali gudaheeda, Imaaraadka inay leedahay Siyaasad Dibedeed oo ay ku doonayaan inay ku maamulaan Somalia, iyagoo ku bedelanaya Taageero Maaliyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Qataar. Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxay beenisay xiriirka ay la leedahay Ganacsadaha lagu magacaabo Khaliifa Kayad Al-muhindi oo horey loo sheegay inuu aad ugu dhow yahay Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani. “Khaliifa Kayad Al-muhindi uma aha La-taliye nooc kasta Dowladda Qatar, mana matalo Dowladda Qatar, xaqna uma laha inuu hadal-celin ku bixiyo, isagoo matalaya magaca Dowladda Qatar” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Qatar. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay baari doonaan qofkaasi, isla markaana uu qaadi doono mas’uuliyadda hadalkii uu bixiyey. “Xiriirkeenna aan la leenahay Somalia waxaa asaas u ah Is-xushmayn wadajir ah iyo danno guud, waxaana rajeynaynaaa wanaag DFS iyo dadka, waana sii wadi doonaa Taageeradooda ilaa Deganaanshaha laga dhowrayo” ayey Dowladda Qatar ku tiri qoraalka ay soo saartay. Ugu dambeyntii, Dowladda Qatar waxay sheegtay inay ka codsadeen Wargeyska The News York inay ka taageeraan Baaritaanka Eedeymaha ay qoreen, balse, Maamulka wargeyska wey ku gacan sayreen arrintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Guddiga arrimaha Bulshada oo ka warbixinaya xeerka Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta ansixiyay xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland, kadib markii ay nidaamin iyo wax ka beddel ku sameeyeen qodoba ku jira xeerkaasi. Golaha wakiilada, ayaa ka hor inta aysan ansixin xeerkan, waxay warbixin ka dhegaysteen guddiga arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Baarlamanka, oo sharraxaad ka bixiyay qodoba ay dib u-eegista ku sameeyeen ee ku jira xeerka. Kadib warbixinta guddiga ayaa mudanayaasha fadhiga soo xaadiray oo ka koobnaa 37 xubnood, waxay dood dheer ka yeesheen xeerka, iyadoo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen, kadib markii 32 mudane u codaysay, halka 4 xubnood ay diideen, xildhibaan kalena ka aamusay. Halkan hoose ka daawo muuqaal dhammaystiran PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaanno maanta shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xaaladda dalka, ayaa sheegay in ay tahay arrin laga walwalo warbixin uu uu soo saaray wargeyska New york times ee dalka Mareykanka ka soo baxa. Wargeyska warbixinta ka soo baxday ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ka mid tahay dowladdo falal dil ku ah ammaanka ka geystay Soomaaliya’ xildhibaanka ayaana sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxaa uuna yri “ Arrinta ay soo saartay New york times ayaa waxaa ay tahay arrin walal nagu beertay, dalkaan waxa ka socda iyo argigisada meesha ay fanka ka hesho, arrintaas guddiga difaaca gudoomiyihiina waa uu joogaa,waxaan dadka soomaaliyeed u sheegeynaa in baaritaankeena iyo xaqeena aan ka gudaneyno waana arrin walwal noo muujineyso runtii” Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka dowladda Qadar u fadhiya dalka,uu wargeysku sheegtay in laga helay cadeymo muu jinaayo in dowladda Qadar ay soomaaliya ka fulisay dilal iyo mashinno lagu qaarijiyay dad ajaanib ah. “ Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo safiirkii dalka Qadar waxa uu ku lug leeyahay mashinno iyo dilal dalka ka dhacay, ayadoo dadka reer Muqdisho ay maalin kaso ay la kulmaan dilal,qaraxyo iyo waxyaabo lamid ah, annaga guddi hoosaadka difaaca ah oo aniga madax u ahay waxaan qaadaneynaa inaan baaritaan sax ah aan galino warbixin sax ahna aan ka soo saarno, haddii uu cadaadana in tilaabada haboon ay qaataan dadka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Soomaaliyeedna aan u gudbin doono arrintaasna walwal xoogan ayeey naga muujisay” Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in aan layska indho tiri Karin arrintaan oo ah arrin walwalkeeda leh,waxaa uuna sheegay in Baarlaman ahaan ay waajibkooda gudan doonaan ku aadan arrintaan maanta soo baxday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada magaalada Boosaaso kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay lacag usoo dirtay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya taas oo loogu talagalay horumarinta Magaalada Boosaaso. Gudigga ayaa maanta lasoo taagay maxkamada derajada koowaad ee Magaalada Boosaaso taas oo dib xoriyadooda u siisay. Guddiga oo shir jaraaid qabtay sii dayntooda ka dib waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan dhamaystirka mashruucaas. Waxay ummada soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ugu baaqeen in ay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan. Maxakamada ayaa maanta xukuntay in lacagta hartay ay dawladu maamuli doonto, gudigguna waxay sheegeen in duqa degmada Boosaaso uu iyaga digreeto ku magacaabay ayna wada-shaqayn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  18. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka daah-furay Shirka dib u eegista adeeg bixinta baahsan ee degmooyinka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha Jira. Shirkaan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey , xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, howl wadeeno kale oo ka socday dowladda iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa shirka khudbad uu ka jeediyay waxa uu ku dheeraaday muhiimadda shirkaan looga hadlayo horumarinta degmooyinka Puntland. “Waxaynu halkaan isugu nimid inaynu dib u milicsano howlihii sanadka 2018-2019 ee adeeg bixinta fidsan ee dowlaha hoose, wixii inoo qabsoomay, wixii inaka baaqday, Caqabadaha jira iyo xal u helliddooda iyo hiigsigeena Mustaqbalka”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed karaash. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay inay qabsoomeen howlihii adeeg bixinta ee tijaabada ahaa ee uu ka howlgalo mashruuca JPLG, kaas oo ay iska kaashadaan dowladda Puntland iyo hay’addaha Qaramda Midoobay, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dedaalka halkaasi laga sii badiyo. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kasoo qayb galayaasha ku booriyay inay shirkaan maanta kasoo saaraan Talooyin ku aadan sidii loo gaadhi lahaa adeeg bixin baahsan oo laga hirgaliyo dhammaan degmooyinka, taas oo ay taageerayso dawlada dhexe ee Puntland. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Furay Shir Dib Loogu Eegayo Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland Ee JPLG appeared first on Puntland Post.
  19. Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xorriyaddooda dib ugu celisay afar xubnood oo ka tirsan guddiga dib u-dhiska wadada bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Saddex xubnood oo guddiga ka tirsan ayaa Khamiistii hore xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland taasi oo dowladda Federaalku ugu deeqday dib–dhiska wadada bartamaha Boosaaso. Sidoo kale guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa isna xabsiga la dhigay laba maalmood ka hor isagoo ka soo laabtay safar uu puntland uga maqnaa. Xubnaha la xiray oo dhammaantood duhurnimadii maanta la horgeeyay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa xorriyadooda dib loogu celiyay kadib markii sida la sheegay wax dembiya lagu waayay. PUNTLAND POST The post Guddigii dhismaha wadada Boosaaso oo xabsiga laga sii daayay appeared first on Puntland Post.
  20. Abdicasiis Diiriye Dahir Oo Shalay Lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa sheegtayna inuu yahay xildhibaan lagasoo doortay deegaanka Hylte ayaa laxaqiijiyay inay been tahay waxbana kajirin kadib markii dad deegaankaasi kunooli ka yaabeen sheegashadiisa. Kana waayeen magacaciisa sheegeen inuu isasoo sharaxay balse cidba u codayn kana mid ahayn golaha deegaankaasi. Fariin aanu u dirnay degmada uu sheeganayo Ee Hylte ayaa maamulkaasi laf ahaantiisa ku cadeeyeen inuu ka mid ahayn golaha deegaankaasi sheegashadiisuna been cad tahay. Cabdicasiis Dahir waxaa baraha bulshada loogu sheegay inuuna bilaabin wax kala dhex dhigaaya shiki iyo kala aaminaad ku abuura shacabka somliland iyo qurbajoogta waxaan loogu baaqay inay tahay dambi in qofku darajo uu gaadhin ka sheegto dhul uu isleeyahay lagu a zoo baadhi karo. Cabdicasiis Diiriye maaha xildhibaan warbaahintana ha usoo bandhigo goorta la doortay. Hoos ka akhriso maamulka golaha deegaanka uu sheegay Ee Hylte iyo dadka kusoo baxay doorashada. Xalkan ka eeg magacyada golaha deegaanka ee degmada uu sheegtay HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATID Qaran News