-
Content Count
209,079 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa shaaciyey sir culus oo ku aadan weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose Xamar. Tuulax ayaa sheegay weerarkaasi ay hagayeen dad ku sugan gudaha dhismaha xarunta mamaulka gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay baarayaan cida la shaqeyneysay Haweeneyda is qarxisay oo la rumeysan yahay inay ka tirsan tahay shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa intaasi ku daray in dib loo baarayo waxa ay duubeen Kaamirooyina ku xiran xarunta, si loo ogaada sida ay wax u dhaceen. Qaraxan oo ay sheegatay Al-Shabaab, islamarkaana ay ku dhinteen guddoomiyeyaal iyo agaasimeyaal heer gobol ayaa waxaa la’is weydiinayaa, sida uu ku suuragalay weerarkaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa guddi gaar ah u xilsaartay dhacdadan, kuwaas oo sidoo kale ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka daka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddi ka kooban wasiiro iyo maamulka Gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-25072019.mp3 View the full article
-
Guddoomiye Yariisow oo la dhigay Qolka xaaladda deg dega ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sida laga soo xigtay dhaqaatiir ku sugan Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow oo shalay ku dhaawacmay qaraxii xarunta dowladda hoose ee Xamar, ayaa saaka la qorshaynaya in loo qaado dalka debaddiisa. Dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer ayaa la xaqiijiyay in ay xalay ku guulaysteen labo qalliin ah oo ay ku sameeyeen guddoomiyaha, waxaana laga saaray qolka Qalliinka, iyadoo uu haatan ku jiro qolka xaalada degega ah, islamarkaana ay xaaladdiisa si dhow ula socdaan dhaqaatiirta. Qaar ka mid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawaca Eng yariisow, ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladdiisa, kadib dadaal badan oo xalay ku bixiyeen qalliinkii iyo xannaaneyntii kale ee loogu sameeyay isbitaalka Digfeer. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayan in diyaarado laga leeyahay dalka Qatar iyo Turkiga oo ah kuwa gurmad ay saaka ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay u qaadan dhaawacyada guddooomiyaha iyo mas’uuliyiin kale oo ku dhaawacmay qaraxii shalay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Yariisow oo la dhigay Qolka xaaladda deg dega ah appeared first on Puntland Post. -
Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigtay rag Ajanaiib ah oo ay sheegtay inay ka barbar dagaalamayeen Xooggaga Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa sheegay in raggan oo sadex ahaa lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaciyey in xubnaha Ajaaniibta ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania. Ma shaacin hay’adaha amniga Jubbaland magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi. Qabashada Ajaaniibtan ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe ay kordhiyeen howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee K/Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Qoraa naafo ah oo u ol’oleeya xuquuqda Naafada, ayaa shalay hadal dareen qiiro xambaarsan ka jeediyay, bandhiga Buugaagta ee ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraaga oo lagu magacaabo Maxamed Faarax, ayaa sheegay in uu fursad qaaliya u arko ka hadalka Carwada Buugaagta Garoowe oo kulmisay dad aad u badan, si uu farriintiisa ku aaddan ilaalinta xuquuqda Naafada ula wadaago madasha. “Fursad aad iyo aaad qaaliya bay iigu tahay, ka hadalka hortiina maanta, waxaan u ol’olaynayey aniga arrintaan ilaa 2007-2008, waxaan aas’aase ka ahaa hay’ad Awood-siinta Naafada Soomaaliyeed la yiraahdo” ayuu yiri Maxamed. Wuxuu sheegay in uu guud ahaan u doodo ilaalinta xuuqda Naafada iyo awood-siintooda, balse hadda uu wado ol’ole lagu magacaabo “Albaabka-iga-fur” oo ku jihaysan in bulshada lagu wacyi-geliyo, sidii loo baabi’in lahaa xatabadaha loo sameeyo dhismayaasha guud ee aysan geli karin Naafada Soomaaliyeed. Hoos ka daawo farriimo kala duwan oo uu diray Qoraaga PUNTLAND POST The post Qoraa Naafo ah oo farriin qiiro leh u diray madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
degmada Taariikhiga ah ee Taleex Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmada taariikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool. Madaxweynaha ayaa Iimaan Cali Shire u magacaabay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee degmada Taleex sida ku qoran Dikreeto ka soo baxday xafiiska Deni oo ku taariikhaysan 24-Luuliyo-2019. Hoos ka akhriso dikreetada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex. Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo guddoomiye ku meel gaar ah u magacaabay degmada Taleex appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddi isugu jira wasiiro, xildhibaanno Iyo maamulka gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Guddiga oo ka kooban 14 xubnood, ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknology-da Cabdi Canshuur Xassan, halka guddoomiye ku xigeenna looga dhigay, Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame. Halkan hoose ka akhriso magacaabistooda PUNTLAND POST The post Guddi loo magacaabay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay qaraxii xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa waxyeelada qaraxii maanta ay cadawgu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dowladd Puntland iyo shacabkeeduba waxa ay tiiraanyada iyo xanuunka la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaasi, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda ee ku nafwaayey falkaasi arxandarada ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi. waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda ee falkaasi arxandarada ah ku shahiidey. Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale Alle “SWC”u waydiinayaa inuu u boogadhayo intii ku dhaawacantay. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka tacsiyaysay Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa damacsan in uu isbadal ku sameeyo qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada todobaadyada soo aadan sida ay noo sheegeen Xubno katirsan HirShabelle. Maxamed Cabdi Waare, ayaa la sheegay in uu isbadal ku sameynayo Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiir-u-dowlayaasha kuwaas oo aan aheyn Xildhibaano waxaase la filayaa in isabadalkaan uusan saameen doonin Wasiirada sidoo kale Xildhibaanada ah. Qof katirsan Xafiiska Madaxtooyada HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu go’aansaday in uu xilka ka qaado Wasiiro dhowr ah islamarkaana lagu badalo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka HirShabelle. Arintaan ayaa lagu sheegay in ay sababtay culees siyaasadeed oo soo food saaray Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda khilaaf kala dhaxeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Madaxweyne Waare, ayaa markii la doortay waxyaabihii uu balan qaaday waxaa kamid ahaa in uu soo dhiso doono Gole Wasiiro oo kooban oo aan kamid aheyn Xubnaha Baarlamaanka HirShabelle balse ma dhicin. Wasiirada ugu badan ee maamulka HirShabelle hadda waxay sidoo kale katirsan Xubnaha Golaha Wakiilada HirShabelle waxayna noqdeen difaaca ugu adag ee Madaxweyne Waare iyadoo hadana la filayo in Wasiirada dhan laga dhigo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta qaaday talaabo ay cadaadis xoogan ku saareyso Hogaamiyaha jabhada dib u xoreynta Somaliland, Kornayl Siciid Caare. Xukuumada Biixi ayaa saaka Ciidamo badan waxay geysay deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, oo u dhow Buuraley ay saldhig ka sameeysteen ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare. Ciidamadan saaka la geeyay deeeganadaasi ayaa waxa hogaaminayey Taliyaha Ciidamada RRU-da Somaliland, kuwaasi oo laga soo kala qaaday deegaanada Tukaraq iyo galbeedka Hargeysa. Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Somaliland ay ciidamadan culeys ku saareyso in Kornayl Caare uu ogolaado inuu isku soo dhiibo, kadib markii ay wax natiijo ah keeni weysay waan-waan iyo wada-hadal ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray odayaal iyo waxgaradka gobolka Sanaag. Ilaa iyo haddana ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan ciidamadan badan ee saaka ay geeysay deegaanada Ceerigaabo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
A suicide bomber has seriously injured the mayor of Somalia’s capital, Mogadishu, killing at least six other people, officials told the BBC. The female bomber blew herself up inside the office of Mayor Abdirahman Omar Osman during a security meeting. Militant Islamist group al-Shabab says it carried out the attack, hoping to target the new UN special envoy to Somalia, James Swan, a US citizen. But he had met the mayor earlier, leaving before the blast occurred. It is unclear how the bomber managed to enter the heavily guarded building. The victims, five men and one woman, were all government officials, Information Minister Dahir Mohamud Gelle told the BBC. Al-Shabab seeks to overthrow Somalia’s central government and has been carrying out regular attacks in Mogadishu, despite the heavy presence of African Union peacekeepers and US-trained Somali troops. The group is affiliated with al-Qaeda and remains a powerful presence in rural Somalia. Source: BBC News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay guddi ka kooban wasiiro Iyo maamulka Gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso magacyada guddiga
-
A suspected al-Shabab suicide bomber killed at least six people Wednesday and injured six others, including the mayor of the Somali capital Mogadishu, witnesses and security officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___Qubanaha-24072019.mp3 View the full article
-
Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Golaha sare ee La-talinta Madaxweynaha oo ka kooban lix xubnood. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni, ayaa lagu magacaabay Golaha oo uu guddoomiye u yahay Nuuraddiin Aadan Diiriye waxaana magacyadoodu kala yihiin: Nuuraddiin Aadan Diiriye, Mahdi Maxamuud Cali, Yaasmiin Maxamuud Xaamud, Drs Siciida Axmed Cali, Eng Axmed Abshir Faarax iyo Cismaan Siciid Cilmi. Halkaan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Gole cusub appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafadda uga warbixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime. Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa xusay in ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen. Dhanka kale wasiir warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com