Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,094
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay soo bandhigeen rag ay sheegeen iney ahaayeen ajaaniib ka dhinac dagaallami jirtay xarakada Al-shabaab, kana howlgeli jiray deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo. Raggan oo Saddex ah ayaa waxay saraakiisha ciidanka Jubbaland sheegeen iney u dhasheen wadanka Tanzania, laguna soo qabtay howlgal ay ciidanku ka sameeyeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiishan ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan raggan, islamarkaana dib laga bixin doono faah faahinno dheeraad ah. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal raggan la sheegay iney ka mid ahaayeen ajaaniibta ka bar-bar dagaallami jirtay, islamarkaana ay qabteen ciidanka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, has assured the Independent Expert on the Human Rights Situation in Somalia Mr. Bahame Tom Mukirya Nyanduga that AMISOM continues to conduct its operations in full compliance with its obligations under International Humanitarian Law (IHL), Human Rights Law and the United Nations Human Rights Due Diligence Policy (HRDDP). Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaReeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed. “Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska James Swan. James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa tacsi u diray Qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. View the full article
  4. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada Taleex ee gobolka Sool. Wareegtada ayaa u qorneyd sidan: Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex. Xeerkani wux uu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Qarax Ismiidaamin ah ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa uu ka dhex dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Ruux soo xirtay walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey hool uu ka socday shir looga hadlayey ammaanka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ku sugnaa mas’uuliyiin dhowr ah. Dadka weerarkaasi ku dhintey waxaa ka mid ahaa, guddoomiyahii degmada C/casiis, Sabaax C/laahi Asad, guddoomiyahii degmada Waaberi, Mahad Cilmi, guddoomiyahii degmada Shangaani, Sahra-zad Sheekh Maxamed, agaasimahii nadaafadda C/fitaax Cumar Xalane, agaasimahii shaqaalaha gobolka Banaadir, C/laahi Dheere, la taliye dhanka sharciga ahaa Xasan Sabriye. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Injineer C/raxmaan Cismaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, kuwaasi lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan Ismiidaaminta ah, waxaana ay tilmaameen iney la damacsanaayeen wakiilka QM ee Soomaaliya, oo saacado kahor halkaasi ku sugnaa. Dhanka kale, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto qaraxan, sida uu u dhacay, cidda fulisay iyo waliba cidda fududeysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, strongly condemns the suicide attack that took place in the offices of Mogadishu’s mayor today and which has reportedly led to casualties, with the mayor among them. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xog hordhac ah ayaa laga helayaa ciddii ka danbeysay qarixii shalay Galab ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa is-miidaamin, kasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray mas’uuliyiin fara badan. Xogta laga helay saraakiisha amniga iyo madaxda maamulka G/banaadir ayaa sheegaysa in qofka qaraxa fuliyey ee is-miidaamiyey ay ahayd Haweeney la socotay Gabar Indhoole ah oo Maamulka G/Banaadir u qaabilsaneyd arrimaha Naafarada ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, iyadoo isu muujisay inay kaalmeyneyso haweeneyda Indhoolaha ahayd oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiye Yariisow si ay arrimaha naafada ugu qaabilsanaato. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga Mohamed Tuulah oo aan isagu tegin shirkii Amniga ee shalay la qarxiyey ayaa laga soo xigtay in haweeneyda la tuhunsan yahay loo fududeeyay inay gasho xarunta maamulka G/banaadir, isla markaana baaritaan uu socdo si loo ogaado wixii dhacay. Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd goobaha sida weyn loo ilaaliyo oo baaritaankeedu adag yahay, iyadoo aan jawaab loo helin sida qaraxan uga dhacay. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana afhayeenka howlgallada ururkaasi uu shaaciyey in weerarka ay la beegsadeen wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo xarunta Gobolka Banaadir shalay tegay, balse ka tegay saacad ak hor xilliga qaraxa uu dhacay. Qaraxa laga fuliyey gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir iyo hoolkii shirarka xaruntaasi xilli uu socday shir amniga ku saabsan ayaa loo arkaa dharbaaxo weyn oo ku dhacday dadaalkii amniga caasimadda ee dowladda Somalia ay muddooyinkii danbe sheegtay inuu soo hagaagay, waxaana qaraxan uu dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan sida loo sugo Amniga iyo qorsheyaasha Alshabaab oo aan lagu guuleysan in laga hortago. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar , kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimayo iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan maamulka gobolaka Banaadir. Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaeeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed. “Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska James Swan. James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa tacsi u diray Qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Integrating Africa’s financial markets: African Development Bank and Egypt’s Stock Exchange hold investor roundtable for the African Domestic Bond Fund Cairo, Egypt, 24 July, 2019 – The Egyptian Exchange (EGX) and the African Development Bank have jointly organised an investor roundtable in Cairo to promote the African Domestic Bond Fund (ADBF), set up to improve the liquidity and transparency of African local currency bond markets – a key step in expanding the continent’s capital markets, with Egypt playing a leading role. The event held 21-22 July, was well attended by a wide range of financial groups including representatives of the Egyptian asset management and investment industry such as the Egyptian Capital Markets Association, Egyptian Investment Managers Association, CFA Society Egypt and the Egyptian Society of Technical Analysts. The African Development Bank country manager for Egypt, Malinne Blomberg, highlighted the importance of the ADBF in scaling up domestic capital markets in Africa by improving market knowledge and diversifying the investments available on the Egyptian financial markets. Mohamed Farid, Chairman of the EGX, expressed his interest in new products in the Egyptian market which would attract new investors, provided they were compatible with Egyptian rules. He said that the EGX team is working on the possibility of listing the ADBF exchange-traded fund that tracks the Bloomberg African Bond Index (ABABI), which includes eight African countries. Meetings were held with the African Development Bank mission to discuss the prospective listing of the ADBF. Meetings were also held with representatives from the Central Bank of Egypt, the Financial Regulatory Authority, as well as EGX representatives. The meetings also discussed the African Exchanges Linkage Project, the ongoing integration project between the Egyptian Exchange and six other African exchanges, and reviewed the possibility of linking all the African brokerage firms to increase cooperation between the African exchanges. ADBF, is a Pan-African Fixed Income Exchange Traded Fund (ETF) sponsored by the Bank, to improve the liquidity and transparency of African local currency bond markets, by investing in local currency denominated sovereign and quasi-sovereign African medium and long-tenored bonds. The Bank is an anchor investor in the ADBF with capital of up to $25m approved by the Bank’s Board. The ADBF was listed on the Stock Exchange of Mauritius in September 2018 and the sponsors are considering dual listings on other African securities exchanges, including the Egyptian exchange. The ADBF is one of the two pillars of the Bank’s African Financial Markets Initiative (AFMI), set up to help develop Africa’s domestic currency bond markets. Its exchange-traded fund provides an important source of funding for African governments and access to African fixed income markets in a cost efficient, liquid and transparent manner, offering diversification benefits and creating a benchmark for investors. ADBF fund managers Marine Serret and Abhimanyu Yadav from MCB Capital Markets, Mauritius, attended the event as well as Akin Adigun, Senior Capital Markets Officer for the African Development Bank. Qaran News
  10. Somaliland: Four Councillors Arrested In Gabiley & BBC Somali Fake Interview Four members of the Gabiley local council have been detained for plotting to remove the Mayor of the town, Mohamed Amin Omar, from his post. In a bizarre twist to the tail, the discredited and anti-Somaliland BBC Somali Service conducted an interview with an impostor pretending to be the town’s mayor. The Service has since admitted to his incompetence and issued an apology to the mayor of Gabiley. The four detained councillors are , Burale Mawlid Abdi, Hassan Mohamed Dhegjar, Mahdi Mohamed Hashi Jiijaa, and Id Hassan Abdi. The councillors accused the mayor of rampant corruption and cronyism. They were arrested by local Police officers acting on orders from the Somaliland Home minister, Mohamed Kahin Ahmed and are currently being held in Hargeisa. The terms of all the directly elected local councils in Somaliland are set to expire and the prospective parliamentary and local elections scheduled for December, 2019, if held, will see new councillors and mayors elected. There is also a new legislation enacted by equally the moribund and severely overdue Somaliland House of Representatives, which gives more power to the Council Secretaries to hold accountable their respective councils. This was always the intended purpose, but, the Council Secretaries instead of being independent and representing the central government became part of the local council politics. Qarannews.com Qaran News
  11. United Nations Envoy, James Swan, Narrowly Escapes Blast In Mogadishu The United Nations special envoy to Somaliland and Somalia, Ambassador James Swan and his staff narrowly escaped a deadly blast at the Mogadishu municipality building. The envoy had just concluded a meeting with the Mayor of Mogadishu, Abdirahman Yasiroow, and had departed the building, when a suspected suicide bomber infiltrated the security cordon and set off a deadly blast. Reports indicate, the blast occurred in a meeting hall, where the leaders of the local districts and the Mayor were holding a conference on security. There are also unconfirmed reports that the UN envoy may have been the target of the bomber. So, far two district heads are confirmed dead and the Mayor was also wounded in the attack. Qarannews.com will endeavour to report on any further developments. Qarannews.com Qaran News
  12. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa magacaawday guddi ka kooban wasiiro iyo maamulka gobalka Banaadir , kuwaas oo ka shaqeyn doono sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay wax ka soo gaareen Qaraxii ka dhacay xarumnta dowladda hoose ee Xamar. Guddigaan la soo magacaabay ayaa ka shaqeyn doono sidii ay u heli lahaayeen gurmad caafimaad oo dalka ama dibadda ah dadkii wax ku noqday Qaraxii shalay ka dhacay magaalagada Muqdisho gaar ahaan xarunta gobalka Banaadir. Qaraxa ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobalka Banaadir ‘ ayadoo inta la xaqiijiyay ilaa lix ruux ay ku dhinteen halka lix kale ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro godoomihii gobalka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow. Halkaan ka AKhriso magacyada liiska Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (SMN) – Dhaawaca guddoomiyaha G/Banaadir ayaa la filayaa in saaka loo qaado dalka dibaddiisa, kaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaalka Digfer ee M/Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa xalay maray labo Qalin, iyadoo weli xaaladdiisu ay tahay mid culus, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow isbitaalkaasi. Diyaarado ka socda dalalka Qatar iyo Turkiga ayaa la filayaa in goor dhow ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaadi doono dhaawacyada culus. Guddiga gurmadka ee uu xalay magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo loogu gurmanayo mas’uuliyiintii iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli lala tacaalayaa xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ku jiro isbitaalka Digfer ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo ku dhow isbitaalka guddoomiyaha ayaa xalay maray labo Qaliin, iyadoo weli laga deyrinayo xaaladdiisa caafimaad. Wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha saaka loo qaadayo dalka dibaddiisa, si loogu soo daaweeyeo halkaasi. Diyaarad laga leeyahay dalka Qatar oo ah nuuca ambalaasta ayaa goor dhow soo gaartay magaalada Muqdisho, taas oo qaadi doonto tiro ka mid ah dhaawacyada culus. Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda garoonka Aadan Cadde ay soo caga dhigato diyaarad ka socota Turkiga oo iyana qaadi doonto dhaawacyo kale oo uu ku jiro guddoomiye Yariisow, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa. Dhinaca kale guddiga gurmadka ee uu xalay magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo loogu gurmanayo mas’uuliyiintii iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose. Weli waxaa socda baaritaan dheeraad ah oo ku aadan, sida uu u dhacay weerarkaasi oo ay fulisay Haweeney isku soo xirtay walxaha qarxa. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa war ka soo saaray qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay gelinkii dambe ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. War ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in QM ay aad ugu xun tahay weerarkaasi, islamarkaana, Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysan ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale James Swan ayaa Tacsi u diray Ehellada mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxaasi. “Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa xilliga uu dhacayay qaraxa daqiiqado ka hora ka baxay xarunta dowladda hoose ee Xamar, isagoona kulan gaar ah hoolka uu ka dhacay kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho En. Cabdiraxmaan Yariisow. Al-Shabaab oo dusha u ridatay weerarkan waxa ay shaacisay in bartilmaameedku uu ahaa James Swan, sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa shaaciyey sir culus oo ku aadan weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose Xamar. Tuulax ayaa sheegay weerarkaasi ay hagayeen dad ku sugan gudaha dhismaha xarunta mamaulka gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay baarayaan cida la shaqeyneysay Haweeneyda is qarxisay oo la rumeysan yahay inay ka tirsan tahay shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa intaasi ku daray in dib loo baarayo waxa ay duubeen Kaamirooyina ku xiran xarunta, si loo ogaada sida ay wax u dhaceen. Qaraxan oo ay sheegatay Al-Shabaab, islamarkaana ay ku dhinteen guddoomiyeyaal iyo agaasimeyaal heer gobol ayaa waxaa la’is weydiinayaa, sida uu ku suuragalay weerarkaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa guddi gaar ah u xilsaartay dhacdadan, kuwaas oo sidoo kale ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka daka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddi ka kooban wasiiro iyo maamulka Gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-25072019.mp3 View the full article
  19. Sida laga soo xigtay dhaqaatiir ku sugan Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow oo shalay ku dhaawacmay qaraxii xarunta dowladda hoose ee Xamar, ayaa saaka la qorshaynaya in loo qaado dalka debaddiisa. Dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer ayaa la xaqiijiyay in ay xalay ku guulaysteen labo qalliin ah oo ay ku sameeyeen guddoomiyaha, waxaana laga saaray qolka Qalliinka, iyadoo uu haatan ku jiro qolka xaalada degega ah, islamarkaana ay xaaladdiisa si dhow ula socdaan dhaqaatiirta. Qaar ka mid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawaca Eng yariisow, ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladdiisa, kadib dadaal badan oo xalay ku bixiyeen qalliinkii iyo xannaaneyntii kale ee loogu sameeyay isbitaalka Digfeer. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayan in diyaarado laga leeyahay dalka Qatar iyo Turkiga oo ah kuwa gurmad ay saaka ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay u qaadan dhaawacyada guddooomiyaha iyo mas’uuliyiin kale oo ku dhaawacmay qaraxii shalay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Yariisow oo la dhigay Qolka xaaladda deg dega ah appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigtay rag Ajanaiib ah oo ay sheegtay inay ka barbar dagaalamayeen Xooggaga Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa sheegay in raggan oo sadex ahaa lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaciyey in xubnaha Ajaaniibta ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania. Ma shaacin hay’adaha amniga Jubbaland magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi. Qabashada Ajaaniibtan ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe ay kordhiyeen howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee K/Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Qoraa naafo ah oo u ol’oleeya xuquuqda Naafada, ayaa shalay hadal dareen qiiro xambaarsan ka jeediyay, bandhiga Buugaagta ee ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraaga oo lagu magacaabo Maxamed Faarax, ayaa sheegay in uu fursad qaaliya u arko ka hadalka Carwada Buugaagta Garoowe oo kulmisay dad aad u badan, si uu farriintiisa ku aaddan ilaalinta xuquuqda Naafada ula wadaago madasha. “Fursad aad iyo aaad qaaliya bay iigu tahay, ka hadalka hortiina maanta, waxaan u ol’olaynayey aniga arrintaan ilaa 2007-2008, waxaan aas’aase ka ahaa hay’ad Awood-siinta Naafada Soomaaliyeed la yiraahdo” ayuu yiri Maxamed. Wuxuu sheegay in uu guud ahaan u doodo ilaalinta xuuqda Naafada iyo awood-siintooda, balse hadda uu wado ol’ole lagu magacaabo “Albaabka-iga-fur” oo ku jihaysan in bulshada lagu wacyi-geliyo, sidii loo baabi’in lahaa xatabadaha loo sameeyo dhismayaasha guud ee aysan geli karin Naafada Soomaaliyeed. Hoos ka daawo farriimo kala duwan oo uu diray Qoraaga PUNTLAND POST The post Qoraa Naafo ah oo farriin qiiro leh u diray madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. degmada Taariikhiga ah ee Taleex Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmada taariikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool. Madaxweynaha ayaa Iimaan Cali Shire u magacaabay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee degmada Taleex sida ku qoran Dikreeto ka soo baxday xafiiska Deni oo ku taariikhaysan 24-Luuliyo-2019. Hoos ka akhriso dikreetada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex. Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo guddoomiye ku meel gaar ah u magacaabay degmada Taleex appeared first on Puntland Post.
  23. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddi isugu jira wasiiro, xildhibaanno Iyo maamulka gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Guddiga oo ka kooban 14 xubnood, ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknology-da Cabdi Canshuur Xassan, halka guddoomiye ku xigeenna looga dhigay, Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame. Halkan hoose ka akhriso magacaabistooda PUNTLAND POST The post Guddi loo magacaabay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay qaraxii xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  24. Dowladda Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa waxyeelada qaraxii maanta ay cadawgu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dowladd Puntland iyo shacabkeeduba waxa ay tiiraanyada iyo xanuunka la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaasi, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda ee ku nafwaayey falkaasi arxandarada ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi. waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda ee falkaasi arxandarada ah ku shahiidey. Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale Alle “SWC”u waydiinayaa inuu u boogadhayo intii ku dhaawacantay. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka tacsiyaysay Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.