Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,094
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tunisian President Beji Caid Essebsi, the North African country's first democratically elected leader, died Thursday at the age of 92, his office said. Source: Hiiraan Online
  2. The victims who got critically injured in Wednesday’s suicide bombing in Mogadishu will be airlifted to Qatar for medical treatment on Thursday. Speaking to the media, the deputy governor of Benadir, Mohamed Abdullahi Tuleh said the several people including Mogadishu Mayor, Abdirahman Osman Omar will be lifted to abroad for further treatment. A plane dispatched by the government of Qatar will land shortly and is expected to take the injures to Doha for treatment,” he said. The plane will be accompanied by staff from Qatari Health ministry including medical team specialized in emergency service. A suspected suicide bomber on Wednesday blew herself up within Mogadishu municipal premises during a meeting. The blast killed six people including district commissioners, directors, and local government officials. Several Others among them Mayor Abdirahman Omar Osman also injured in the explosion. The attack was claimed by al-Shabaab saying it was well-coordinated attack planned to target UN envoy who meeting with the mayor hours ago. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada mas’uuliyiintii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee lagu gumaaday xarunta maamulka Gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah. “Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah Bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in Dadka iyo Dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehelada Dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle. Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka. View the full article
  4. Hargaysa(SL-T):Xildhibanadii Laga Soo Xidhay Magaalada Gabilay Ee Ka Tirsanaa Golaha Deeganka Degmada Gabilay Oo Maanta La Horkeenay Maxkamada Gobalka M/Jeex. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere ayaa faah-faahin cusub ka bixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Injineer Yariisow oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay xarunta gobolka. Saalax Dheere ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay “in xaaladda caafimaad ee Duqa Muqdisho, Abdirahman Omar Osman ee aad usoo hagaageyso.” Qoraalka ayuu sidoo kale ku yiri “Shacabka Soomaaliyeed, ee samaha iyo wanaaga jecel, waxaan ka codsaneynaa in ay is-dajiyaan, Isla markaana ducada ugu soo kaalmeeyaan intii shalay waxyeelada kasoo gaartay falkii wuxuushnimada ahaa.” Guddoomiye Yariisow iyo qaar kale oo ka mid ah mas’uuliyiintii shalay dhaawacmay ayaa la filayaa in dalka Qatar loo qaado maanta, si halkaas loogu soo daweeyo. Dhinaca kale, Saalax Dheere ayaa sheegay inuusan jirin bog been abuur ah oo facebook lagu sameeyey kaasi oo iska dhigaya inuu leeyahay duqa Muqdisho. Saalax Dheer oo bogaas tix raacaya ayaa yiri “Waa page been abuur ah, oo aan waxba ka jirin isla markaana sawiradiisa photoshop lagu sameeyay, waxaan ku baaqayaa in aan lagu qaldamin page-jajka been abuukar ah ee tan iyo shalay la isla dhex maraayo social media.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Madaxtooyada Tunis ayaa goordhow sheegtay inuu geeriyooday madaxweynaha Tunis Baaji Qaa’id El-sibsi, waxaa uu ku geeriyooday da’da 93 jir-ka. Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha loola cararay Isbitaal ku yaala caasimadda kadib markii uu xanuun dareemay. Bishii June ayaa sidaas oo kale waxaa uu galay isbitaal, laakin waxaa laga saaray todobaad kadib markii ay xaaladiisa roonaatay. Waxaa uu dalkaasi madaxweyne ka noqday 2014-kii, doorashadii ugu horeysay ee dalkaasi ka dhacday kadib markii la riday Zain Caabidiin Bin Cali 2011-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. ismaayo (SMN) – Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay xubno Ajaaniib ah oo ay sheegeen inay ka barbar dagaalamayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Raggan oo gaarayey illaa saddex ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose Jubbaland ayaa shaacisy in ragga Ajaaniibta ah ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania. Ma shaacin hay’adaha amnigu magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin dagaalayahannada Al-Shabaab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-25072019-ok-.mp3 View the full article
  9. Tunis (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda calmaaniga ah ee Wadanka Tuunis ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi. Wararka ka imaanaya dalka Tuunis ayaa xaqiijinaya in Isbitaal Melleteri uu ku dhintay Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa 92 sana jir muddo shan sanadood ah soo maamulayay wadankan dhaca waqooyiga qaaradda Afrika. Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Tuunis ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu udhintay cudur maalmihii lasoo dhaafay lagala tacaalayay. Essebsi ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay Tunisia kaddib kacdoonadii ka dhacay dalalka carabta. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. (SLT-Caynabo) Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Caynaba Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyey Deegaanka Ulasan Oo Aanay Ka Di,in Raxmaadkii Gu.ga Source
  11. Muqdisho (SL-T)Dawlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xarunta Banaadir Dawlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xarunta Banaadir Qaraxi galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney ku dhinteen 6 qof oo ay laba guddoomiye degmo ka mid yihiin. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo BBC u warramay ayaa sheegay in qaraxi galabta ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho ay ku dhinteen 6 ruux, oo ay laba ka mid ah yihiin guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka gobolka banaadir ka tirsan ay ka mid yihiin. Wuxuu sida oo kale sheegay qaraxaasi iney ku dhaawacmeen 6 qof oo kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Wasiir Maareeye oo ka hadlayey xaaladda uu ku sugan yahay Guddoomiyaha Gobolka banaadir Injineer C/raxmaan Yariisow wuxuu sheegay sida ay dhakhtarrada ay u sheegeen isaguna uu soo arkay inuu dhaawaciisa uusan halis ahayn. “Dadka uu qaraxaasi dhaawaca uu ka soo gaaray waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Digfer oo dhaawacyada ugu badan la geeyey dhaawacyada sida ay kala yihiinna warbixinta ugu dambeyso waxaan ka sugeynaa dhakhaatiirta.” ayuu yiri. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahin dheeri ah dib ka soo sheegi doonaan. “Dowlad ahaanna waan cambaareyneynaa ficilka aragaggixisada ee bahalnimada ah waa sida uu hadalka u dhigaye, oo lagu soo qaaday mas’uuliyiinta soomaaliyeed ee ka shaqeeynayey sidi uu dalkan uu nabad u heli lahaa dadka soomaaliyeedan ay horumar iyo noola u heli lahaa.” “Shacabka Soomaaliyeedna waxaan u sheegeynaa wax cad weeye inaan dagaal kula jirno waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee la duufsaday dagaal kula jirno, shacabka Soomaaliyeedna waxaan leennahay dagaalkaasi lagu hayo argagixisada iney ku gacan siiyaan dowladda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo BBC u warramay. Weerarka Ismidaaminta galabta ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho waxaa sheegtay ururka Al-shabaab. Qaraxa ayaa ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho xilli uu maamulka Gobolka Banaadir uu halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan. Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo. Source
  12. Hargaysa(SL-)Daawo: Tafatiraha Bbc Afrika Mary Harper oo Sawir ka Bixisay Farqiga u Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya “Somaliland waxaan dareemaa nabadgelyo taam ahi ka jirto, Balse Soomaaliya waxaan ku maraa anigoo wata lix ilaalo ah iyo baabuur gaashaaman” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ay wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/naasir Cumar Jaamac iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa soo dhaweeyey Mary Harper oo ah suxufiyad caan ah oo ka tirsan BBC-da oo maanta soo Booqatay Wasaaradda Warfaafinta. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Muuse Diiriye iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa soo kormeeray Waaxyaha ay ka kooban tahay Wasaaraddu, waxaanay warbixin ka dhegaysteenIdaacada Radio Hargaysa, Wakaaladda Wararka iyo Telefishanka qaranka. Md. Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay inay weriye Mary Harper ay u soo dhaweeyeen maadaama oo ay tahay suxufiyad xog ogaal u ah Somaliland, waxaanu yidhi”Waxa halkan (Wasaaradda Warfaafinta) noogu timid oo aanu soo dhaweynaynaa Weriye Mary Harper oo ah suxufiyad caan ah oo ka tirsan BBC-da. Waxaannu u soo dhaweynaynaa waa wax ay naga mutaysatay. Waxaan filayaa in wixii ay ku aragtay Somaliland ay u sheegi doonto adduunweynaha oo ay ka hadasho dalka horumarkiisa iyo reer Somaliland dawlad ahaan waxay qabsadeen.” Mary Harper oo ka hadlaysay booqashada ay ku timid Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxay tidhi “Aad ayaad ugu mahadsan tahay Wasiir sida diiran ee aad iigu soo dhaweysay Hargeysa iyo halkan oo ah Wasaaradda Warfaafinta. Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan halkan ku arkay laba agaasime waaxeed oo dumar ah, taasi oo ah mid lagu diirsado. Waxaan soo maray Idaacadda, Telefishanka, Wakaaladda Wararka iyo qaybaha kala duwan ee wasaaradda Wafaafinta.waxaan dareemayey inaan joogo gurigaygii oo kale.” Mary Harper oo la weydiiyey waxay dareento marka ay timaado JSL. Waxaanay tidhi “Waxaan dareemaa markaan imaado Somaliland inay ka badbaado badan tahay deegaannada kale ee mandaqada. Sidoo kale waxaan dareemaa Itoobiya inay iyana tahay meel nabadgelyo ah. Soomaaliya oo kale waxaan dareemaa inaanay ahayn meel nabadgelyo ahayn. Somaliland waxaan dareemaa nabadgelyo taam ahi ka jirto oo aan lugayn karo jidadka iyo shaaricyada magaalada anigoo sita boorsadayda oo aanay ciddi taabaynin. Balse Soomaaliya waxaan ku maraa anigoo wata lix ilaalo ah iyo baabuur gaashaaman waxaana aad la daris tahay qarax. Laakiin Somaliland waxaad maqlaysaa muusig iyo samxada Baabuurta waxaanad dareemaysaa nabadgeylo buuxda.” Source
  13. (SLT-Burco) Wiil Da yar Oo Ku Xanuusanaaya Magaalada Burco iyo Aabihii Oo Umada Ka Codsaday inay Soo Caawiyaan Muslinku Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – 23-kii July 2019, maalin ka hor qaraxii lala beegsaday xarunta gobolka Banaadir, Caasimada Online waxay qortay warbixin ay cinwaan uga dhigtay: Xog: Haweeney damacsan inay is qarxiso oo soo gashay magaalada MUQDISHO Ka sokow xogta ku saabsan in haweeney is-qarxin rabtay ay magaalada ku jirto, waxa ugu muhiimsan ama ugu yaabka badan ee warbixinta Caasimada Online ku jiray ayaa ahayd halka ay beegsan rabto gabadhan, oo ahayd xarunta gobolka Banaadir ama albaabka madaxtooyada. Waxaa si gaar ah warbixinta ay u shegtay inay u badan tahay inay beegsato xarunta gobolka, islamarkaana la fasaxay inta badan shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee dowladda hoose ee Muqdisho. Inkasta oo aan warbixinta ku sheegnay, in gabadhan ay adeegsan karto baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey ama jaakad is-miidaamin ah, waxaan si gaar ah u sheegnay inay u badan tahay midda dambe. Xogta Caasimada Online, ma ahayn mid cirka kasoo dhacday, ee waxaan ka helnay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kal oxgtan haystay maamulka gobolka maadaama shaqaale badan oo muhiim aan ahayn la fasaxay, taasi oo yaab ka dhigeysa in ayada oo ay jiraan arrimahan oo dhan maalin kadib qaraxii uu dhacay. Inkasta oo qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay haysteen xogtan, haddana waxaan xogtan u baahinay inaan kasii degno halista soo socota, innaga oo og in laga yaabo in mararka qaar xogta aysan wada wadaagin hay’adaha amniga ama laga yaabo in la fududeysto. Halkan Click sii si aad u aqriso warbixintii aan daabacnay Talaadadii Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Matteson native Antoine Lewis was one of 346 victims of two fatal plane crashes involving Boeing’s 737 Max aircraft. His wife on Wednesday filed a lawsuit against the aircraft’s manufacturer and urged airlines to ban the plane from their fleets and replace it with an alternative “proven to be safe." Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Hirshabelle Dr; Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada mas’uuliyiintii iyo dadkii Shacabka ahaa ee lagu geeriyooday xarunta maamulka Gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah. “Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah Bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in Dadka iyo Dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehelada Dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle. Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa inta badan weeraro ka geysata magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Weerarada oo isugu jira kuwa toos ah iyo qaraxyo ayaa waxa ay Al-Shabaab ay la beegsadaan xarumaha dowladda iyo goobaha ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta. Al-Shabaab waxa ay weerarada ay geystaan u fuliyaan siyaabo kala duwan, waxaana kii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Haddaba waa immisa weerarada ismiidaaminta ee ay Dumar u adeegsadeen Al-Shabaab. Ugu yaraan Al-Shabaab ayaa geystay afar weerar oo ismiidaamin ahaa oo ay fuliyeen Dumar, tan iyo wixii ka dambeeyey 2010-kii. Weerarkii ugu horreeyey ee ay fuliso qof Dumar ah ayaa ahaa midkii lagu dilay wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladdii KMG aheyd, Cabdishakuur Xasan, kaas oo 10- kii June sanadkii 2010-kii ka dhacay gurigiisa, waxaana fulisay gabar isa soo miidaamisay. Sidoo kale bishii April 4-teeda sanadkii 2012-kii, haweeney walxaha qarxa isku soo xirtay ayaa 10 qof waxay ku dishay xarunta Tiyaatarka Qaranka. Qarax gaari iyo haweeney is qarxisay ayaa sidoo kale bishii Febraayo 20-keeda sanadkii 2015-kii, waxa uu ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen 20 ruux, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Weerarkii afaraad oo ay fuliso haweeney ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Sudan's military said Wednesday it had arrested a top general and several others over a foiled coup attempt announced earlier this month. Source: Hiiraan Online
  19. Saacadaha soo aaddan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho laga qaado dhaawaca guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale, kuwaa oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta dowladda hoose. Diyaarad gaar ah ayaa saakay soo gaartay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in ay dhaawacyadan dibadda loo qaaddo. Duqa Muqdisho ayaa Labo jeer qaliin galay xalay, wuxuuna dhaawaciisa u badan yahay dhanka caloosha, iyadoo lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad. Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey guddoomiyeyaal degmo iyo mas’uuliyiin maamulka gobolka Banaadir ka tirsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Bariire (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisimo Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan saraakiisha ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. View the full article
  21. Wasiir Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golaha wasiirada Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo shalay gaaray magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, ayaa saaka si faahfaahsan uga warbixiyay ujeedka socdaalkooda ku aaddan degmadaasi. Wasiir Dhabancad oo saaka khudbad u jeediyay bulshada degmada Dhahar, ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda Dhahar uu ku saabsanyahay saddex arrimood oo kala ah; in ay la kulmaan oo xog-wareystaan qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, in ay indhahooda ku arkaan baahiyaha ka jira adeegyada aas’aasiga ah ee degmada Dhahar,si dowladdu wax uga qabato iyo in ay goob joog ka ahaadan munaasabadda uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hayland. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in qeybo kamid ah xarumaha dowladda ee degmada Dhahar oo ay kormeer ku sameeyeen, ay ku soo arkeen dayac ka muuqda, gaar ahaanna xarunta taliska Booliiska iyo isbitaalka degmada Dhahar, waxaaana uu ballan-qaaday in dowladdu ay si dhakhso ah wax uga qaban doonto xarumahaasi. Wasiirka ayaa farriin mas’uuliyiinta Puntland ee gobolka Hayland, gaar ahaanna degmada Dhahar, isagoo xasuusiyay in lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan, loona baahanyahay in ay soo gudbiyaan baahiyaha aas’aasiga ah ee ka jira degaanka, si dowladdu wax uga qabato. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo uu arrimo badan uga hadlay PUNTLAND POST The post Wasiir Dhabancad oo farriin adag diray isagoo ku sugan degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
  22. Turkey’s Foreign Ministry condemned a suicide bombing Wednesday in the office of the mayor of Somalia’s capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online