Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ganacsato Keenyaan ah ayaa wada qorshe halis ah ku ah ganacsiga qaadka Soomaaliya, iyagoo doonaya inay la wareegaan ganacsiga Qaadka la keeno Somalia, si loo musuq-maasuqo canshuuraha ay dowladdu ka hesho qaadka, laguna curyaamiyo ganacsatada Soomaalida qaadka keena dalka. Waxaa qorshahan ku lug leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, kuwaasoo garab ku siinaya ganacsatadan in si aan sharci ahayn [Monopoly] ay ku maamulaan ganacsiga qaadka, iyagoo si ay dhaqaale aan sharci ahayn uga sameeyaan arritan. Maalmihii u dambeeyay waxaa soday shirar hoose oo ay lahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada aan Sooamalida ahayn ee qaadka iyo mas’uuliyiinta DF ka tirsan iyadoo wararku ay sheegayaan in mas’uuliyiintan laaluush ahaan loo siiyay lacag u dhexeysa 380,000 illaa 400,000 oo doollar, si ay ugu jideeyaan musuq-maasuqa ay doonayaan, iyadoo lacago loo ballan-qaaday mas’uuliyiinta arrintan ku lugta leh, kuwaasoo ka tirsan wasaaradaha ku shaqada leh canshuuraha qaadka. “Waxaa socda qorshe la doonayo in ka ganacsiga qaadka Somalia gacanta loogu geliiyo ganasato aan Soomaali ahayn, kuwaasoo doonaya inay suuqa ka saaraan ganacsatada Soomaaliyeed ee keena qaadka,” ayuu yri mas’uul ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka keena dalka. Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in ganacsatadan ay gacan ka helayaan shirkadaha diyaaradaha qaadka keena. Waxaana qorshahoda lagu sheegay inay doonayaan inay mar kale musuq-maasuqaan canshuuraha laga qaado qaadka, iyadoo la ogyahay in dhawaan mas’uuliyiin kala duwan loo xir-xiray musuqmaasuqa canshuuraha qaadka. Dhanka kale, Tallaabadam ayaa waxay ku kooban tahay gobolka Banaadir oo keliya, waana mid u muuqata in la doonayo in lagu curyaamiyo gacansiga, dhaqqalaha iyo shacabka ku nool caasimadda dalka. Ugu dambeyn, Diyaaradaha qaadka keenaya Somalia oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxay milkiilayaasha iska leh la safteen ganacstada Keenyaanka ah si ay u helaan dhaqaale ka badan midka ay hadda Qaadka ku keenaan Somalia. PUNTLAND POST The post Musuq-maasuqa weyn oo ku wajahan Qaadka Somalia iyo Canshuuraha kasoo gala DF appeared first on Puntland Post.
  2. A rare female suicide bomber used in the deadly al-Shabab attack in the office of Mogadishu's mayor was aiming for the American who is the new United Nations envoy to Somalia and had left the office just minutes earlier, the extremist group and officials said. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay isgoyska Ceel Gaabta, dhinaca degmada Waaberi ee magaaladda Muqdisho. Shilka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid ka gedaal markii gaari Booyad ah gaar ahaan nooca shidaalka qaada ay wadada ka baxday, ayna dad jiirtay. Inta la xaqiijiyey afar qof oo shacab ah ayaa waxay ku dhimatay dhacdadan, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo intaasi ka badan. Wariye Aadan Daahir Cabdi [Diyeeshe] oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdeg ah ee maamulka gobolka Banaadir ay yimaadeen goobta. Dadka dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaaladda caasimadda si loola tacaalo xaaladooda caafimaad, loona badbaadiyo noloshooda. Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu Diyaashe ku fahfaahinayo https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi-aadan-diyeeshe.mp3 View the full article
  4. Shalay waxaa ka dhacay Gobolka Banaadir masiibo qaran. Waxaa ku dhintay ku dhawaad dhowr iyo toban qofood oo iskugu jiray Gudoomiyeyaal degmo, Agaasimeyaal Gobolka Banaadir iyo dhalinyaro amni ahaan ula socday Gudoomiyeyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee meesha joogay. Waxaa dhaawac halis ah soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Eng Cabdirahman Yariisow, Gudoomiyeyaal degmo iyo Agaasimeyaal. Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay magacyada sadex Gudoomiye degmo, afar agaasime, la taliye iyo xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga oo dhamaantood weerarkaas ku dhintay. Waxayna kala yihiin: 1. Mahad Cilmi Cali (Gudoomiyaha degmada Waaberi). 2. Sahra Xaaji Markiizi (Gudoomiyaha degmada Shangaani). 3. Sabaax Cabdullaahi Asad (Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis). 4. Xasan Maxamed Sabriye (La taliyaha dhinaca sharcigada Gobolka). 5. Cabdi Daahir Diirye (Xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga). 6. Eng Shuuriye (Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Injineeriyada Gobolka). 7. Cabdifitaax Cumar Xalane (Agaasimaha Waaxda Nadaafada Gobolka). 8. Cabdullahi Dheere (Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka). 9. Basiira Cabdi Maxamed (Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka). 10. Dhalinyaro iyo xoghayeyaal la socday Gudoomiyaha Gobolka. Dhanka amniga xarunta Gobolka Banaadir marka aan qiimeyno, waxaa loo ogolyahay in baaritaan la’aan iyaga iyo gaadiidkooda ay soo galaan Gudoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenadiisa. Gudoomiyeyaalka degmooyinka iyo agaasimeyaalkana baabuurta banaanka ayaa looga soo reebaa AFAR BAROOD oo kala duwan ayaana lagu soo baaraa, markaas kadib ayayna soo geli karaan gudaha hoolka shirarka ee shalay lagu qarxiyay. Masiibadii shalay dhacday ilaa hada majirto qof loo soo qabtay, qof isku casilay iyo qof xilka looga qaaday midna, marka laga reebo sheeko suuqa lasoo geliyay oo la leeyahay qofka isqarxiyay waa gabadha Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka Banaadir. Lkn waxaa isweydiin mudan meel amnigeeda sidaas loo adkeeyay oo kuwii lixaadka qabay ay ku adagtahay in ay soo maraan sidee qof indha la’ ugu suuragashay in uu qarax keeno. Sidoo kale gabadhaan mudo dhowr sano ah ah ayay joogtay gobolka, waxayna goob joog u ahayd munaasabado kuwaan ka waaweyn oo madaxda dalka ugu saraysa iyo kuwa ajnabi ahba ay joogeen laguna qabtay xarunta gobolka, marka maxay isugu qarxin waysay?! Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo shalay hadlay qaraxa kadib wuxuu sheegay in lix qofood ku dhinteen weerarkaas. Sida tirada dhimashada looga been sheegayo ayaadna ka garan kartaa in la rabo in la qariyo masiibada meeshaas ka dhacday iyo malaha cidii soo maleegtay sirqoolkaas lagu xasuuqay dhalinyaradii laf dhabarta u ahaa mustaqbalka dalkaan! Waxaa intaas kasii daran, masiibada intaas la’eg ee dhacday ilaa hada Madaxweynaha Soomaaliya kama hadlin, umana tacsiyeyn eheladii dadkaasi ay ka dhinteen. Janaasadoodii maanta kama qayb gelin. Sidii caadada ahaan jirtayna dadkii weerarkaas argagixiso ku shahiiday Salaadii Janaasada lagulama tukan masjidka madaxtooyada. Haddaba, miyaan la dhihi karin mas’uuliyada Al-Shabaab waa lala wadaaga waan la sheegayne! Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda labada dhinac. Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in la hakiyay wada shaqaynta iyo isku socodka xukuumada federaalka iyo Jubbaland. Golaha ayaa go’aankaan ku sababeeyay “faragalinta qaawan ee dowlada federaalka ku hayso hannaanka doorashooyinka Jubaland iyo khalkhal galinta joogtada ah ee arrimaha Jubbaland.” Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa sidoo kale laga mamnuucay deegaanada maamulka Jubaland Golaha ayaa dhammaan shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan isla markaana meel uga wada soo jeedsadaan cidwalba oo dooneysa dhibaateynta amnigooda, sida hadalka loo dhigay. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay soo saratay qoraal ay ku sheegtay in liiska odayaasha soo xulaya xildhibaanada Jubaland ee maamulka uu soo saaray uu yahay mid aan sax ahayn. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan jirin musharax is-diiwaan gelin kara inta laga soo xulayo xildhibaanada maamulka, taasi oo ku socotay Axmed Madoobe oo horey isku diiwaan geliyey. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN) – Madax ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa ka qaybgalay Aaska mas’uuliyiintii lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir. Xubnaha la aasay ayaa kala ah; Cabdifitaax Xalane, agaasimihii Waaxda Nafaada gobolka iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis, Shangaani iyo Waaberi. Xalena ayaa lagu duugay khabuuraha Iskool Buluusiyo, halka saddex gudoomiye degmo lagu aasey khabuuraha Isbitaal Madiina. Ka qeybgaleyaasha Salaada Janaasada ayaa u rajeeyay marxuumiinta naxariista ALLE iyo Janatul Firdowsa. Dhanka kale, mas’uuliyiinta kale ee ku dhaawacantay weerarkan oo uu ku jiro duqa caasimada Eng Yariisow iyo gudoomiyeyaal kale ayaa weli isbitaal ku jira. Gudoomiyeyaasha degmooyinka ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in xaaladooda ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore. Eng Yariisow oo qaliin laba jeer lagu sameeyay ayaa lagu waramayaa in laga yaabo in dibadda loogu qaado baxnaano dheeraad ah. View the full article
  7. Kulan maanta ay golaha wasiirrada Jubbaland ku yeesheen Kismaayo, uuna goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Axmed Madoobe ayaa la go’aamiyey in la hakiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah “Waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal fadhiga ka soo baxay. Jubbaland waxaa bisha soo socota ka dhaceysa doorashooyin, waxaa ayna ka cabaneysaa in dowladda federaalka ah ay fargelin ku heyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland, waxaana looga hadlay qaraxii Muqdisho iyo arrimaha amniga doorashada Jubbaland. Ugu horayn, Madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka. Intaas kadib waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga qaban-qaabadda shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo kawada magaaladda Dhuusamareeb. Xubnaha guddigaasi ayaa waxay la kulmayaan odayaasha dhaqanka, iyaga oo kala hadlaya ka qaybgalkooda shirweynahaasi. Shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in bisha dambe uu ka qabsoomo magaaladdaasi, isla markaana ay kasoo qeybgalaan in ka badan 300 ergo ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dhismaha Galmudug middeysan, oo shirweynahaasi qayb ka ah. View the full article
  10. Tunisian President Beji Caid Essebsi, the North African country's first democratically elected leader, died Thursday at the age of 92, his office said. Source: Hiiraan Online
  11. The victims who got critically injured in Wednesday’s suicide bombing in Mogadishu will be airlifted to Qatar for medical treatment on Thursday. Speaking to the media, the deputy governor of Benadir, Mohamed Abdullahi Tuleh said the several people including Mogadishu Mayor, Abdirahman Osman Omar will be lifted to abroad for further treatment. A plane dispatched by the government of Qatar will land shortly and is expected to take the injures to Doha for treatment,” he said. The plane will be accompanied by staff from Qatari Health ministry including medical team specialized in emergency service. A suspected suicide bomber on Wednesday blew herself up within Mogadishu municipal premises during a meeting. The blast killed six people including district commissioners, directors, and local government officials. Several Others among them Mayor Abdirahman Omar Osman also injured in the explosion. The attack was claimed by al-Shabaab saying it was well-coordinated attack planned to target UN envoy who meeting with the mayor hours ago. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada mas’uuliyiintii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee lagu gumaaday xarunta maamulka Gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah. “Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah Bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in Dadka iyo Dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehelada Dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle. Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka. View the full article
  13. Hargaysa(SL-T):Xildhibanadii Laga Soo Xidhay Magaalada Gabilay Ee Ka Tirsanaa Golaha Deeganka Degmada Gabilay Oo Maanta La Horkeenay Maxkamada Gobalka M/Jeex. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere ayaa faah-faahin cusub ka bixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Injineer Yariisow oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay xarunta gobolka. Saalax Dheere ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay “in xaaladda caafimaad ee Duqa Muqdisho, Abdirahman Omar Osman ee aad usoo hagaageyso.” Qoraalka ayuu sidoo kale ku yiri “Shacabka Soomaaliyeed, ee samaha iyo wanaaga jecel, waxaan ka codsaneynaa in ay is-dajiyaan, Isla markaana ducada ugu soo kaalmeeyaan intii shalay waxyeelada kasoo gaartay falkii wuxuushnimada ahaa.” Guddoomiye Yariisow iyo qaar kale oo ka mid ah mas’uuliyiintii shalay dhaawacmay ayaa la filayaa in dalka Qatar loo qaado maanta, si halkaas loogu soo daweeyo. Dhinaca kale, Saalax Dheere ayaa sheegay inuusan jirin bog been abuur ah oo facebook lagu sameeyey kaasi oo iska dhigaya inuu leeyahay duqa Muqdisho. Saalax Dheer oo bogaas tix raacaya ayaa yiri “Waa page been abuur ah, oo aan waxba ka jirin isla markaana sawiradiisa photoshop lagu sameeyay, waxaan ku baaqayaa in aan lagu qaldamin page-jajka been abuukar ah ee tan iyo shalay la isla dhex maraayo social media.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Madaxtooyada Tunis ayaa goordhow sheegtay inuu geeriyooday madaxweynaha Tunis Baaji Qaa’id El-sibsi, waxaa uu ku geeriyooday da’da 93 jir-ka. Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha loola cararay Isbitaal ku yaala caasimadda kadib markii uu xanuun dareemay. Bishii June ayaa sidaas oo kale waxaa uu galay isbitaal, laakin waxaa laga saaray todobaad kadib markii ay xaaladiisa roonaatay. Waxaa uu dalkaasi madaxweyne ka noqday 2014-kii, doorashadii ugu horeysay ee dalkaasi ka dhacday kadib markii la riday Zain Caabidiin Bin Cali 2011-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. ismaayo (SMN) – Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay xubno Ajaaniib ah oo ay sheegeen inay ka barbar dagaalamayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Raggan oo gaarayey illaa saddex ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose Jubbaland ayaa shaacisy in ragga Ajaaniibta ah ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania. Ma shaacin hay’adaha amnigu magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin dagaalayahannada Al-Shabaab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-25072019-ok-.mp3 View the full article
  18. Tunis (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda calmaaniga ah ee Wadanka Tuunis ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi. Wararka ka imaanaya dalka Tuunis ayaa xaqiijinaya in Isbitaal Melleteri uu ku dhintay Mohamed Beji Caid Essebsi oo ahaa 92 sana jir muddo shan sanadood ah soo maamulayay wadankan dhaca waqooyiga qaaradda Afrika. Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Tuunis ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu udhintay cudur maalmihii lasoo dhaafay lagala tacaalayay. Essebsi ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacay Tunisia kaddib kacdoonadii ka dhacay dalalka carabta. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. (SLT-Caynabo) Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Caynaba Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyey Deegaanka Ulasan Oo Aanay Ka Di,in Raxmaadkii Gu.ga Source
  20. Muqdisho (SL-T)Dawlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xarunta Banaadir Dawlada Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xarunta Banaadir Qaraxi galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney ku dhinteen 6 qof oo ay laba guddoomiye degmo ka mid yihiin. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo BBC u warramay ayaa sheegay in qaraxi galabta ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho ay ku dhinteen 6 ruux, oo ay laba ka mid ah yihiin guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka gobolka banaadir ka tirsan ay ka mid yihiin. Wuxuu sida oo kale sheegay qaraxaasi iney ku dhaawacmeen 6 qof oo kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Wasiir Maareeye oo ka hadlayey xaaladda uu ku sugan yahay Guddoomiyaha Gobolka banaadir Injineer C/raxmaan Yariisow wuxuu sheegay sida ay dhakhtarrada ay u sheegeen isaguna uu soo arkay inuu dhaawaciisa uusan halis ahayn. “Dadka uu qaraxaasi dhaawaca uu ka soo gaaray waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Digfer oo dhaawacyada ugu badan la geeyey dhaawacyada sida ay kala yihiinna warbixinta ugu dambeyso waxaan ka sugeynaa dhakhaatiirta.” ayuu yiri. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahin dheeri ah dib ka soo sheegi doonaan. “Dowlad ahaanna waan cambaareyneynaa ficilka aragaggixisada ee bahalnimada ah waa sida uu hadalka u dhigaye, oo lagu soo qaaday mas’uuliyiinta soomaaliyeed ee ka shaqeeynayey sidi uu dalkan uu nabad u heli lahaa dadka soomaaliyeedan ay horumar iyo noola u heli lahaa.” “Shacabka Soomaaliyeedna waxaan u sheegeynaa wax cad weeye inaan dagaal kula jirno waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee la duufsaday dagaal kula jirno, shacabka Soomaaliyeedna waxaan leennahay dagaalkaasi lagu hayo argagixisada iney ku gacan siiyaan dowladda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo BBC u warramay. Weerarka Ismidaaminta galabta ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho waxaa sheegtay ururka Al-shabaab. Qaraxa ayaa ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho xilli uu maamulka Gobolka Banaadir uu halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan. Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo. Source
  21. Hargaysa(SL-)Daawo: Tafatiraha Bbc Afrika Mary Harper oo Sawir ka Bixisay Farqiga u Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya “Somaliland waxaan dareemaa nabadgelyo taam ahi ka jirto, Balse Soomaaliya waxaan ku maraa anigoo wata lix ilaalo ah iyo baabuur gaashaaman” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ay wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/naasir Cumar Jaamac iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa soo dhaweeyey Mary Harper oo ah suxufiyad caan ah oo ka tirsan BBC-da oo maanta soo Booqatay Wasaaradda Warfaafinta. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Muuse Diiriye iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa soo kormeeray Waaxyaha ay ka kooban tahay Wasaaraddu, waxaanay warbixin ka dhegaysteenIdaacada Radio Hargaysa, Wakaaladda Wararka iyo Telefishanka qaranka. Md. Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay inay weriye Mary Harper ay u soo dhaweeyeen maadaama oo ay tahay suxufiyad xog ogaal u ah Somaliland, waxaanu yidhi”Waxa halkan (Wasaaradda Warfaafinta) noogu timid oo aanu soo dhaweynaynaa Weriye Mary Harper oo ah suxufiyad caan ah oo ka tirsan BBC-da. Waxaannu u soo dhaweynaynaa waa wax ay naga mutaysatay. Waxaan filayaa in wixii ay ku aragtay Somaliland ay u sheegi doonto adduunweynaha oo ay ka hadasho dalka horumarkiisa iyo reer Somaliland dawlad ahaan waxay qabsadeen.” Mary Harper oo ka hadlaysay booqashada ay ku timid Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxay tidhi “Aad ayaad ugu mahadsan tahay Wasiir sida diiran ee aad iigu soo dhaweysay Hargeysa iyo halkan oo ah Wasaaradda Warfaafinta. Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan halkan ku arkay laba agaasime waaxeed oo dumar ah, taasi oo ah mid lagu diirsado. Waxaan soo maray Idaacadda, Telefishanka, Wakaaladda Wararka iyo qaybaha kala duwan ee wasaaradda Wafaafinta.waxaan dareemayey inaan joogo gurigaygii oo kale.” Mary Harper oo la weydiiyey waxay dareento marka ay timaado JSL. Waxaanay tidhi “Waxaan dareemaa markaan imaado Somaliland inay ka badbaado badan tahay deegaannada kale ee mandaqada. Sidoo kale waxaan dareemaa Itoobiya inay iyana tahay meel nabadgelyo ah. Soomaaliya oo kale waxaan dareemaa inaanay ahayn meel nabadgelyo ahayn. Somaliland waxaan dareemaa nabadgelyo taam ahi ka jirto oo aan lugayn karo jidadka iyo shaaricyada magaalada anigoo sita boorsadayda oo aanay ciddi taabaynin. Balse Soomaaliya waxaan ku maraa anigoo wata lix ilaalo ah iyo baabuur gaashaaman waxaana aad la daris tahay qarax. Laakiin Somaliland waxaad maqlaysaa muusig iyo samxada Baabuurta waxaanad dareemaysaa nabadgeylo buuxda.” Source