Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,094
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Inta ku dhimatay qaraxii shalay Allah u naxriisto, inta dhaawaca ahna, caafimaad degdeg Allah siiyo. Inta badan, nin weliba geeridii iyo dhaawaca qofkii quseysay ayuu la qiirooday, inta kalena Allah u naxriisto. Balaayada adiga kaa maqan qeyrkaa bay ku maqantahay. Tiro male qaraxyadu, dhimashada iyo dhaawacana ka daran. Marka ay mashaqada dhacdo mid kasta wuxuu lasoo boodaa dhaleeceyn iyo dhoocaar ku socota, dowladda iyo madaxdeeda. Waxaa la is weydiiyaa su’aalo badan oo ka mid aha “ sidee qaraxu ku dhacay?, side kusoo gudbay?, maxaa loo baari waayay, maxaa kusoo beegay iyo kuwo lamida! Maxaa libaax loo jeedo raadkiisa loo raadinayaa?!! Ninna kuma dhiirado inuu dhaleeceeyo cidda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Qofna ma darso waxa daa’imiyay qaraxyada. Midna isma weydiiyo maxaa mashaqadan loo maareyn la’yahay, qof saadaaliya majiro halka ay sartu ka qurunsantahay! Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “Qur’aanka alifka ka halaaba Albaqra kuma tooso”. Qaraxyada waxba lagama qaban karo iyadoon la is weydiin sidee qarax looga hortagi karaa. Marka ay timaado warcelinta SIDEE ayey imaan kartaa xalka SIDAAN. Sideedaba in amni la sugo waxaa ka horeysa in caddaalad la helo, taasna sir ma ahoo, reer galbeedka marka iyaga dhexdooda ay cadaalada isku sameeyeen ayaa Ilaahey amni siiyay. Ma ahan wax caad saaran in Soomaliya guud ahaan aysan caddaalad ka jirin. Qolo kasta howsheeda uu qabiil ku dhisanyahay. Majo ilaa madax, Madaxweyne ilaa iyo agaasime waxey xil ku hayaan qaab qabiil. Meel kaleba yaanan ka doonine, Maxkamaddi caddaalada la sugayay waxay ku dhisantahay qabiil 4.5. Marka ay sheekadu halkaas mareyso, qof weliba kursigiisa wuxuu ku matalaa beesha uu kasoo jeedo. Haddii isaga tagana mid xigtadiisa ah baa xilka la wareega. Bal adiga is weydii, ninka qaab ceynkaas ah madax kugu ah, wasiir kugu matala, wax kugu agaasima, taliye ciidan kugu ah, askarina kugu aha, CADDAALAD intee la eg ayuu u sameyn karaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee la yiri wuu matalaa?! Bal adba! Soomaliya si ay dhibka uga baxdo waxay u baahantahay CADDAALAD. Caddaaladu waxay howlkasta iyo shaqsi kasta u jiheysaa halkii loogu talagalay. Taasna iskama lihihiye, Eebbihii na abuur ayaa na faray inaan noqona kuwo caddaalada u taagan kana hormarino wax kasta xittaa nafteena, waalidkeen, qaraabadeen IWM. Surat Al-Nisa 135. Marka ay caddaalad jirto, waxaa madax noqonaya nin aan qabiil lagu soo dooran. Waxaa xil qabanaya, shaqsi, aqoon ama khibrad lagu soo xulay. Waxaa ciidan noqonaya kuwo caddaalad lagu soo xulay. Dowlada hadda jirta iyo kuwii ka horeeyay, majirto mid isku dayday dhisidda maxkamada sare ee caddaalada iyo dastuurka, taasoo ka madax banaan dhamaan hoggaanka dalka. Oo maxaa loo dhisi waayay miyaad aqrist i weydiin? Iga hoo jawaabta ”Waxaa caddaalad u istaaga nin isaga caddalad lagu soo doortay. DHAN. Ma ahan wax la beenin karo in dad badan ay caddaalad u doontaan Alshabaab, xilli ay dalka ka jiraan maxkamada loo igmaday howlahaas. Waxay taasi ku tusineysaa muhiimadda caddaaladu leedahay iyo dadka inay u raadsanayaan cidkasta ay ka helayaan. Ha sugin amni iyo barwaaqo inta howl kasta lagu saleenayo qabiil bedelkii caddaalad ama yaa u qalma. Shacabka soomaliyeed waxaa la gudboon inay runta usoo jeestaan, riyadana ka baxaan, cilladana meel looga soo wada jeesto, inta ka horeysa geeridii galbeed ka dhacdaa gondahaaga ka filo. Wa billaahi towfiiq W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Wargeyska “The New York Times,” ayaa qoray warbixin la xiriirta in qarax ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso, ay ka dambaysay dowladda Qadar (Qatar). Wargayska eedaas, waxuu sal uga dhigay wadahadal telefoon dhexmaray nin ganacsade reer Qadar ah, Khalifa Kayed al-Muhanadi, iyo Safiirka dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xassan bin Xamza Hashem. Sida wargayska uu qoray, wada-sheekaysiga waxuu dhacay May 18, 2019 kaasoo ku beegan todobaad uun ka hor qaraxa ka dhacay Boosaaso. Ganacsadaha reer Qadar, ayaa ku yiri Safiirka “Qaraxa iyo dilka waan garanaynaa cidda ka dambaysa,” isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Mudane Al-Muhanad yiri “Saaxiibadeen ayaa ka dambeeyey qaraxii u dambeeyey.” Ujeeddada laga lahaa qaraxaas, waxuu ku sheegay mid joogitaanka Imaaraadka Carbeed looga saarayo meesha (magaalada Boosaaso). “Ha eryeen qolyaha Imaaraadka, si aysan ugu cusboonaysiin heshiisyada, waxaanan heshiisyada keeni doonnaa halkan Dooxa,” ayuu yiri Muhanadi sida uu qoray wargeyska – The New York Times. Dhanka kale, arrinka xiisaha leh ayaa ah, in wargeyska “The New York Times,” uu cadeeyey in codkaas wada-sheekaysiga uu duubay sirdoon wadan, ay is hayaan dalka Qadar. Taas oo loo fasirtay Imaaraadka Carbeed oo ah isha xogta, eeda loo jeedinayo dalka Qadar. Marka dib loo celiyo waqtiga, waxaa jirta in xurgufta khaliijka ka bilaabatay kadib markii la jabsaday website-ka Wasaarada Warfaafinta Qadar, laguna qoray warar waxyeeleyay amaanka, iyo danaha qaranka dalkaas yar, balse saamaynta weyn ku leh dunida. Jabsiga website-ka Qadar, waxuu dhacay Mach 24, 2017 wax yar kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu dhammeystiray kulan dheer oo looga hadlayey la-dagaallanka argagixisannimada oo uu la yeeshay hoggaamiyayaasha Khaliijka, (Independent – July 20, 2017). Inkastoo bilowgii Madaxweyne Trump, uu rumaystay waxii lagu shubay, haddana dib ayuu uga joogsaday, kadib markii sirdoonka Maraykanka ogaadeen in ay aheed shirqool ay ka dambaysay Imaaraadka Carbabta. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa yiri “Dowlada Qadar waxay soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeyneyso ineysan ku sifoobin waxa uu qoray wargeyska New York Times.” “Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Qadar ayaa had iyo jeer ahayd mid abuuraysa deganaansho iyo barwaaqo – kuma mashquulnno arrimaha gudaha ee dalal madax bannaan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Qadar. Sidoo kale, waxay balan qaaday in ay baaritaan ku samaynayaan Mudane Al-Muhanad. Intaas wuxuu raaciyay wasiir Cawad, “Safiirkooda Muqdisho ayaa inoo yimid, sharaxaad badan ka dibna waan ku qanacnay,” (VOA Somali – July 23, 2019). Hase yeeshee, su’aasha waxay tahay maxaa hadda loo soo bandhigay fadeexadda? Maxaase ka run ah jiritaanka warkaan? Khabiirada siyaasada gobolka, waxay rumeysan yihiin in Imaaraadka Carbabta dhibaato u aragto, xiriirka dhow ay dowladda Soomaaliya la leedahay Turkiga iyo Qadar. Waxay Abu Dhabi rumaysan tahay in dalalkaas caqabad ku yihiin qorshayaashii ay ka leedahay Soomaaliya. War laga soo xigtay koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo dacwad ku oogtay shirkadda NSO oo fadhigeedu yahay Israa’iil iyo Qubrus, ayaa sheegtay in kolkii hore “Pegasus sofware” Imaaraadka uu u adeegsaday in lagu basaaso kuwa kacdoonka siyaasadda ka wada gudaha iyo dibedda, iyada oo loo marayo taleefoonadooda gacanta. Wargeyska wuxuu intaa raaciyay in “kadib markii loo soo jeediyay Imaaraadka in la casriyeyo teknoloojiyada ayay codsadeen in la gaarsiiyo awood ay ku dhegeysan karaan Amirka Qadar, kan Sacuudiga ee nabadsugidda ka mas’uulka ah, Ra’iisul-wasaaraha Lubnaan iyo tifaftiraha wargeys ka soo baxo dalka Ingiriiska,” (Haaretz – August 31, 2018). Mudane Cigaal oo wax ka qora Soomaaliya ayaa yiri, “Imaaraadka markii ay ku fashilmeen xeeladdahii hore oo ay doonaysay inay jilbaha dhulka ugu dhigto dowladda Soomaaliya, miyeyasan tani ahayn isku-day hor leh,” Intaas wuxuu raaciyay in “ujeeddadu tahay si la iskaga hor-keeno, (1) Qadar iyo Soomaalida, (2) dowladda dhexe iyo mucaaradka.” Balse, “Waqti dheer, Imaaraadku wuxuu sameenayey giraan ka badan nus dersin dekedo ganacsi ama saldhig milatari oo ku hareereysan Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo ay ku jirto saldhig militari oo weyn Assab, Ereteriya, oo loo adeegsaday in laga qaado hawl gallada Yemen,” (Al-Jazeera – July 23, 2019). Imaaraadka Carabta, waxuu heshiisyo baal-marsan dowladda Soomaaliya la galay maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxay saldhig ciidan ka samaysteen Berbera, raali la’aanta dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Abu Dhabi waxuu khilaaf dekedaha kala dhaxeeyaa Jabuuti. Intaas waxaa uga daran in “dowladda Soomaaliya ay maalinba maalinta ka dambeyso ka taag badaneyso – dhaqaale, siyaasad iyo diblomaasiyadba, kuwii ka horeeyey, taasina ay keeni karto in Abu Dhabi aysan helin waxa guracan ay raadineyso,” ayuu yiri Cabdalla Jaylani oo ka faallooda Geeska Afrika. “Qaabka wada-sheekaysiga u dhacay, waxay u muuqataa, in ganacsadaha Al-Muhanadi uu ku shirqoolayay safiirka Xassan bin Xamza, isla-markaasna codka duubistiisa wax ka og’aa,” ayuu yiri Cigaal. Wararaka ku wareegsan qaraxa waxaa sheegayey ganacsadaha, safiirkana waxuu ahaa mid dhagaysanayey. Halkaas waxaa ku jira tuhun ah, in sirdoonka duubayey iyo ganacsade Al-Muhanadi ay is ogaayeen. Eeda safiirka ayaa ah inuusan naqdin, taas waxaa loo fasiran karaa inuu ku anfariiray warka uu sheegayo ganacsade Al-Muhanadi. Inkastoo, Wasaarada Arrimah Dibedda Itoobiya, ku gaabsatay inay baaritaan ku samaynayso cidii ka dambaysay in website-keeda la soo dhigo khariiradda Soomaaliya oo ku daraysa Itoobiya, isla- markaasna Somaliland u aqoonsanayso dal madax-banaan. Khabiirada siyaasadda Geeska Afrika waxay rumeysan yihiin inay aheed mid wax lagu yeelanayey xiriirka isa soo taray ee ka dhaxeeye Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaasna waxay u muuqata in website-ka la jabsaday (Jamhuuriyadda – July 3, 2018). Waxaa intaas dheer, in Muddane Aby Ahmed, mar uu ka hadlayey isku daygii afgambi fashilmay ayuu yiri “waxaa ka dambeeyay afgambigaan ciidamo calooshu u shaqaysta yaal ah,” taasoo loo fasiran karo dowladd shisheeye ah. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa agaasimaha Madaxtooyada u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo khabiir ku ah culuunta kumbiyuutarka (computer science), xog-dhigista (date-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda. Tani waxay cadeen u tahay welwelka Villa Soomaaliya ay ka qabto in la jabsado xogta Qaranka. Haddii uusan ahayn warka wargeyska lagu qortay “hal dhagax laba shinbir ku dil,” amase “fadeexee Qadar, fashilina Soomaaliya,” haddaba waa maxay ujeeddada kale oo ka dambeysa!?! W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif Qassim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-____-Wararka-25072019.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan xogta qaraxii shalay laga fuliyey xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo qofkii ka dambeeyay. Caasimada Online ayaa xiriiro la sameysay Saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee baaritaanka kuwada weerarkii xanuunka badnaa ee shalay ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan qofkii weerarka fuliyay. Wararka aan ka helnay masuuliyiinta amaanka iyo Saraakiisha Gobalka Banaadir ayaa sheegaya 90% baaritaankii la sameeyay ay sheegayaan in weerarka ay fulisay Gabar magaceeda lagu soo koobay Basiiro, oo aheyd Agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobalka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd. Sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Gabadhaan ay weerarka fulisay waxaana soo abaabulay gabar kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay oo argga naafo ka aheyd. Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baarin oo albaab gaar ah ka soo gala gobalka Banaadir. Gabadhaan ayaa ka soo gali jirtay Albaabka wayn ee Gaadiidka laga soo geliyo waxayna wadatay qof kale oo dumar, waxaana la sheegay in aan la baari jirin maadaama aysan soo mari karin goobaha dadka lagu baaro oo ay yaalaan qalab casri ah oo dadka dhib badan kamaraan markii la baarayo. Saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan oo ay meesha ka baxsatay gabadhii soo abaabushay weerarkaan ee Caawiyaha u aheyd qofkaan aragga la’a ee is qarxisay. Waxyaabaha kale oo ay Caasimada Online ogaatay waxaa kamid ah in qofka is qarxiyay ay fadhiday kurisga 5-aad ee Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo aan loogu talagalin islamarkaana aysan markii hore fariisan jirin. Qofka la raadinayo ayaa xarunta gobalka ka baxsatay ka hor inta uusan qaraxa dhicin waxaana la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Gabadhaan is qarxisay ee Aragga naafaha ka aheyd islamarkaana aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Gobalka Banaadir ayaa markii ay dadka u sheekeyneyso waxaa ka muuqday in ay aheyd qof wadani ah oo balse wajaheyso waayo iyo daruufo adag waana sababta dad badan ay u aamineen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Fikrada Guban: Wajaale, Arabsiyo waxay u qalmaan degmooyin is-maamula July 21, 2019 Baarlamaanka wakhtigiisu dhammaaday waxay shalay ansixiyeen sharci ay ku qiimeenayaan degmooyinka Somaliland. Waxay u kala qaybiyeen degmooyinka afar darajo. Hase ahaatee, baarlamaanka ma uusan faahfaahin , shuruudaha lagu qiimeeyey sida tirada dadka, iwm; taasina waxay dhalisay jahwareer hor leh. Laakiin, arrinta uga yaabka badan waxay tahay, sida deegaanooda qaarkood degmooyin loogu magaacabay, kuwa kalena iyagoo tiro dad, baaxad dhul iyo dhaqdhaqaaq ganacsi leh loogu reebay degmoyinka ka jira wadanka. Tusaale ahaan, side bay ku dhacday in Tog-Wajaale, oo ah goobta ganacsiga ee Somaliland ugu weyn, iskuna xidha Somaliland iyo Ethiopia, lehna dhul baaxad weyn oo ku habboon beeraha; Arabsiyo oo dadka ku nool sannad walba ay kordhiyaan aysan noqon degmooyin madaxbannaan oo is maamula. Laakin, Dila, Awadal; Dar-Salaam iyo Faroweyne, Hargeysa agagaarkeeda; Duruqsi, Toghdheer; iyo Xiis, Sanaag, ay ku noqdeen degmooyin. Dadka ku nool Wajaale iyo Arabsiyo way ka badan yihiin kuwa ku nool degmooyinkaas. Degmada Wajaale waxaa hoos yimaada 23 tuulo. Dawlada dhexe iyo ta hoosaba waxaa ks soo gala canshuur baxad leh oo laga qaado shacabka.sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada,dhulka, iyo ganacsatada. . Magaalada Wajaale aad iyo aad bay u fiday labaatankii sano ee ugu dambeeyey. Waana meelaha ugu dhul qaalisan Somaliland. Waxaa ka socda dhismayaal iyo bakhaaro waaweyn. Laakiin, wadooyinkeeda waxay u baahan yihiin in la hormariyo.Adeegyada aasaasiga ah dhamaan way leedahay degamadu. Wajaale way ka bilic wacan tahay degmooyin badan oo dalka ka mid ah lana siiyay darajada uu dhigayo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka ee dhawaan markale golaha wakiiladu ansixiyeen. Dadweynaha wajaale iyo Arabsiyo waxa ay doonayaan waa xuquuqdooda ay isku maamuli lahaayeen. Laakiin, waxa ka hortaagan faragelin baahsan iyo xakameyn oo ay ku hayso Wasaarada Arrmiha Gudaha, oo u dhaqanta sidii ‘Faqshta” oo kale. Waxaa kaloo caqabad ku ah siyaasiintii u hana qaaday Gabiley oo noqday kuwa a deega dano xisbi iyo mid gaar ahaaneed, laakiin hadda hawlgab noqday Maanta, Gabiley waxay ku leedahay baarlamaan ku sheega hal xildhibaan oo keliya.Waa tiradii ay ku lahayd Somaliland markay xorriyada ka qaadatay UK. Labo ka mid ah xildhibaanada Gabiley way dhinteen, waxaana lagu bedelay wakiilo degaano kale matala.Ku soo dhawow dimiqoradiyada Somaliland. Somaliland waa meesha aad helayso xuquuqdaada ama sadbursiba marka aad abaabusho mudaaharaad lagu gubayo taayaro, dariiqa dhagax lagu gooyo, ama lagu hanjbo “Somaliland baa lagu kala tegayaa haddii aanan helin waxan ama waxaas”. Ficiladaas foosha xun oo kale deegaanado qaarkood ayaa ku helay waxaysan u qalmin. Dadka reer gabiley way ka daaleen balamo madhan ah oo codod lagu helo xilliga doorashooyinka. 2010 iyo 2017 waxay Gabiley u codaysay xisbiga Kulmiya. Biixi, madaxweynaha ma uusan ahaadeen manta codadka Gabiley. la’aantood. Maxaase loogu abaalguday reer Gabiley ? In lagu madaaliyo gobol aan jirin, Wasaarada arrimaha gudaha ay ka dhammaan waydo golaha deegaanka Gabiley.Iyo, in loo magaacabo Wasarad madhan wasiirka metelaya Gabiley. Waa in reer gabiley ay ka kacaan hurdada ay ku jireen mudada dheer. Maamul xumada ka taagan iyo is qab qabsi joogatada ee golaha deegaanka Gabiley waa qorshe laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliland iyo Wassarada arrimaha Gudaha tan iyo 1993, waxaana suurto geliyey danaystayaal reer Gabiley sida Abiib-Tima-cade iyo kuwa la mid ah.Laakiin, Biixi fursad ayuu u haystaa in wax ka bedelo habkii loola dhaqmo Gabiley. Wixii tegay tage. Sidee bay reer Tog-wajaale iyo Arabsiyo u heli karaan arrimahooga inay ka taashadaan ayna isku maamulaan sida uu waafaqsan yahay dastuurka— ila iyo hadda aan dib loo eegin ee Somaliland. Dadweynaha reer Gabiley ama Somaliland oo dhanba khaatiyaan bay ka joogaan Gole deegaan oo tiro badan, lagana hago Wasaarada Arrmiaha Gudaha, wax hagardaamyo ahayn aan u qaban reer Gabiley. Tusaale ahaan, soo ma habboona in wajaale, Arabsiyo, Allaybaday iyo Gabiley mid walba u lahaado mayor dadka ay si toos u soo doortan iyo gole deegaan oo aan ka badnayn 3-4 qof. Waa sida ay addunnka uu u shaqeeyo.Mayorka iyo golahaas ay masuul ka noqdaan siday ugu adeegi lahaayeen dadka soo doortay. Haddii ay shqadooda ay ka soo bixi waayeen, dadweynaha ayaa ku ridi kara codkaada. Maxaase keenay xildhibaan dadweynahu ay soo doorteen in uu ka amar qaato Wasaarada Arrimaha Gudaha? Ma doonayno dhaqankii “Faqashata” ku dhisnaa “population control” in lagula dhaqmo golaha deegaanada Somaliland. Wasaarada Arrmiha Gudaha waa inay faraha ka la baxdaa arrimaha golaha deegaanada(Local govenrments). Dastuurka Somaliland ayaa si cad u qeexaya inay golaha deegaandano ay masuul ka yihiin, nabagelyada, biyaha iyo kororntada, waxbarashada, caafimaadka, iyo xitaa isgaadhsiinta. Dadweynahu waa inay xor u noqdaan siday ay u maamuli lahaayeen arrimahooga.Habka loo qiimaynayo degmooyinka uu noqdaa mid cadaalad ku dhisan oo aan ku dhisnayn deegaan ama reer jeclaysi. Sida ka muuqata degmooyinka qaarkood laguma xulin si xaq ah. Taasna waxay dhalin kartaa in dawladu ay ku weydo kalsoonida qaybo ka mid ah bulshadeenna. Ugu dambeyn, si loo adkeeyo maamulka iyo nabadgelyada Somaliland, waa in deegaaanada Wajaale, Arabsiyo, Alleybadey iyo kuwa kaleba si toos u soo doortaan mayorka iyo golaha deegaankaba. Xakameyn, cabudhis dadweyne, iyo siyaassin la iibsado kama shaqayn doonto Gabiley. Reer Gabiley waxay u dagaalameen inay arrimahooga ay maamulaan, Somalilandna noqoto ummad isku maamusha dastuur. Wixii kale waa fawdo iyo qab-qabsi hor leh. Ali-Guban Mohamed Editor, Gubanmedia.com Covering Horn of Africa Region aliadm18@gmail.com Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa in socdaal uu ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Danjire James Swan iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa waxa la filayaa in magalada Hargeysa soo gaaran. Swan ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Madaxweyne Biixi. James ayaa socdaalkan uu ku imanayo Hargeysa wuxuu noqonaya safarkiisi ugu horeeyay ee uu ku yimaado Caasimada Somaliland, tan iyo markii labo bilood ka hor loo magacaabay xilkaasi. Danjire James ayaa waxa la filayaa in culeys xoogan uu ku saarayo Xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka sidii ay doorashooyinka Somaliland ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda. Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu Mas’uuliyiinta Somaliland kala hadli doona sidii dib loogu furi lahaa wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo mudo badan hakad ku jiray. James Swan ayaa shalay ka bad-baaday qaraxii ka dhacay xarunta maamulka G/Banaadir, kadib markii uu daqiiqado ka hor un ka baxay xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu kula shirayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Swan uu ahaa bartilmaameedka qaraxaas. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo saaray fatwo ku aadan dhaqaalaha la siiyo Al-Shabaab, uguna baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo ganacsataduba ugu baaqay in aan gabbaad la siin, lana taageerin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baarruud Gurxan, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa ganacsatada dhaqaalaha ama canshuurta siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa uu hseegay inay caadeysteen daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuuna intaa raaciyay in ganacsatada qaarkood ay si wanaagsan ugu qeyb qaadanayaan “xasuuqa ay Al-Shabaab iyo Daacish ku hayaan shacabka”, mar haddii ay dhaqaalaha ay bixiyaan “lagu soo iibiyo hubka iyo qaraxa lagu laynayo Ummadda Soomaaliyeed.” “Qofkii cabsi uu ka qabo Al-Shabaab awgeed lacag u siiyo, ha ogaado in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan” ayuu yiri. “Waxaan ku talinayaan in dadka bixiya lacagta ama canshuurta inay ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo nafteyda” ayuu yiri Sheekh Nuur. Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna dhallinyarada “la marin habaabiyay” ugu baaqay in ay ka soo laabtaan “Waddada qaldan iyo fikirka gurracan ee Kooxda Al-Shabaab.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Marka (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya dagaal muddo laba saac ah socday oo ka dhacay bartamaha magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadka ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda oo kala ah nabad-sugida iyo milatariga gaar ahaan guutadaa 14-ka October. Isku dhaca labadda dhinac oo la sheegay in uu salka ku hayo Khaad ayaa darafyadda u geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey 10 ruux ayaa ku dhimatay oo lix kamid ay askar yihiin, halka afarta kalena la tibaaxay in ay shacab yihiin. Dagaaladda dhexmaray ciidamada Soomaaliya ayaa inta badan ka dhaca magaalooyinka, iyadda oo saameynta ugu badan uu rayidka ku yeesho. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dadkii ku dhaawacmay weerarkii xarunta gobolka Banaadir ayaa loo qaadey waddanka Qadar kadib diyaarad qaas ah oo waddankaasi ka timid. Bukaanadda ayaa waxaa kamid ah; Eng Yariisow, duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo gudoomiyeyaal degmo. Sababta dalka dibadiisa loogu qaadey ayaa waxaa lagu sheegay markii loo baahday baxbaano dheeraad ah. Lix ruux oo ay ku jiraan gudoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal ayaa ku naf-waysay qaraxaasi oo is-miidaamin ah, kaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa magacowday guddi ka shaqeyn doono taakuleynta dadkii wax ku noqday dhacdadaasi. View the full article
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-25072019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay sameysay dayacaad amni iyo in aysan weerarkii xanuunka badnaa wali ka bixin Jawaab Dowladnimo waxaana isa soo taraya eedeymaha loo jeedinayo. Su’aalaha dad badan maskaxdooda ka guuxaya ayaa waxaa kamid ah Sidee qofkaan ku galay Xarunta Gobalka oo aad loo ilaaliyo? Yaa u fududeeyay in ay la fariisato Guddoomiyaha gobalka iyo masuuliyiinta kale? Gargaarkii loo baahnaa ma bixisay dowladda? Maxaa diiday in la baaro oo lagu dhawaaqo guddi natiijo ka keena weerarkaas? Maxaa loo qaban masuuliyiintii amaanka ee Xarunta Gobalka? Waxaa soo baxaya in weerarkii dhacay uu ahaa mid maalmo badan la qorsheeyay, islamarkaana waxaa jira tuhun la xiriira in laga yaabo iany gacan ka gaysteen xubno dowladda ka mid ah marka sida uu adkaa amniga goobta la qarxiyey. Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan raali ka aheyn in la baaro weerarkii dhacay islamarkaana ay hore u diiday baaritaanka weeraro nuucaan oo kale ah. “Dadkii ay aheyd in labaaro ayaa baaraya dadkii la’laayay sidaasna dowladnimo ma ahan waxaana umadda Soomaaliyeed u cadeynayaa in aysan DF-ka raali ka aheyn in la baaro wixii dhacay oo xog dhab ah laga keeno” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. WASAARADDA WAXBARASHADDA SOMALILAND: Xubno Xilalkoodii Ku waayey XOG-WARAN Uu Hanti dhawrku La Yeeshay Oo Ay Iskaga Fogeeyeen lacago Magacyadooda lagula baxay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cismaan Jaamac Aadan Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Axmed Abokor ayaa Xilkii ka qaaday Agaasime Waaxeedyo iyo xubno kale oo uu Hantidhawrku waraystay, kuwaas oo iyagu iska fogaayey Lacago magacyadooda ku qornaa inay qaateen oo ay Hantidhawrka u sheegeen inaanay shaqo ku lahayn. dhacdadan ayaa sida la sheegay ay Wasiirka Waxbarashadda iyo Agaasimaha Guud ay aad uga cadhoodeen, isla markaana sababtay in xilka laga qaadaan. sida ay sheegayaan Xogaha laga helaya Amuurtaasi Waxa jira iyaguna Saraakiil kale oo Hantidhawrka Xogta dhabta ah ka qariyey oo la sheegay iyaguna inay arintaasi ku mutaysteen Dalacsiin. Sidoo kale xubnaha Xilkooda ku waayey Warbixinta dhabta ah ee ay Siiyeen Hantidhawrka ayaa waxa ka mid ah Agaasimihii Waaxda shaqaalaha, Agaasimihii Dugsiyada gaarka loo leeyahay Iyo maamulihii dugsiga Farsamada Gacanta ee dawladda iyo xubno kale. dhinaca kala Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa isagu 5 bilood ka hor baadhis ka bilaabay Wasaaradda Waxbarashadda oo la sheegay inuu ka jirro Musuqmaasuq baahsani, kaas oo aan ilaa imika Wax Natiijo ah kasoo saarin. Isku soo wada duuboo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa iyaga la dhawrayaa go’aamada ay ka qaataan aar-goosigan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud kula kaceen masuuliyiinta Khashifay lacagaha been abuurka ah ee lagula baxay magacyadooda. Qaran News
  13. Muqdisho (PP) ─ Dhaawaca guddoomiyaha gobolka banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa goor-dhaw laga duuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyadoo loo qaaday dalka dibaddiisa. Diyaarad kuwa ciidamada ah oo ay leedahay dowladda Qatar ayaa dhaawaca Duqa Muqdisho iyo xubnaha kale ka qaadday garoonka Muqdisho, balse lama oga in lagu daweyn doono dalka Qatar iyo dalal kale loo sii qaadi doono. Sidoo kale, Dhaawacyada ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha degmada Wadhiigley Saynab Xaabsay, waxaana la sheegay in dhakhaatiir fara badan ay la socdeen diyaaradda, si ay kaalmo caafimaad ugu fidiyaan guddoomiye Yariisow haddii ay lasoo darsaan xaalado dhanka caafimaadka ah inta lagu sii jiro duullimaadka. Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan oo markii la qaadayay dhaawaca Yariisow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Duqa Muqdisho lagu sameeyay laba qalliin oo kala duwan intii uu ku jiray isbitaalka Digfeer ayna xaaladdiisu soo hagaagayso. Dhanka kale, Xaaladda guddoomyaha gobolka Banaadir ayaa inta badan laga dayrinayaa iyadoo ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaybta sare ee jirka, waxaana tan iyo xalay dhaawiciisa lagula tacaalayay isbitaalka Digfeer ee Xamar. Ma jiraan warar rasmi ah oo laga heli karo xaaladda caafimaad ee Yariisow, waxaana uu ka mid ahaa dhaawacyadii shalay soo gaaray xubno fara badan oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir. Qaraxan ayaa la sheegay inay fulisay haweeney indhool ah, balse warkaan ayaan si dhab ah loo hubin, waxaana socda baaritaanno ku aaddan sidii loo ogaan lahaa sida uu qaraxaan u dhacay. Ugu dambeyn, Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo laga hadlyay shirka amniga caasimadda, waxaana weerarkan sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta DF. PUNTLAND POST The post Dhaawicii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo diyaarad khaas ahi ay ka qaaday Xamar appeared first on Puntland Post.
  14. Kismaayo (PP) ─ Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay maanta inay hakisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka Somalia iyo in safarro ay ku tagaan Kismaayo mas’uuliyiinta DF, sida golaha wasiirada, xildhibaananada iyo mas’uuliyiinta kale. Go’aankan ayaa wuxuu kasoo baxay kulan ay golaha wasiirada Jubbaland ku yeesheen maanta magaalada Kismayao, kaasoo uu shir-guddoomiye ka ahaa madaxweynaha maamulkaas, Axmed Madoobe. Kulanka ayaa waxaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir ee Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyaddiisa, waxay allah uga baryayaan kuwa dhaawaca uu soo gaaray caafimaad deg-deg ah, halka kuwii dhintay loo baryay Janno Aakhiro. Sidoo kale, Waxaa kulanka looga hadlay xaalada amni ee Jubbaland ina lagu jiro doorashooyinka, waxayna goluhu sheegay in laamaha amnigu ay si adag u sugaan nabad-galyada muddada lagu jiro doorashooyinka si looga hortago isku-dayada argagixisadu ay ku doonayaan dhibaataynta shacabka. Golaha wasiirrada maamulka Jubbaland ayaa waxay dood-dheer ka yeeshay fara-gelin ay sheegeen inay Dowladda Federaalka ku heyso doorashooyinka Jubbaland iyo qal-qal-gelin joogtada ah. Waxayna soo saaray go’aan ah in la hakiyay wada-shaqaynta iyo isku-socodka Dowladda Somalia iyo Jubbaland. Ugu dabmeyn, go’aankan cusub ayaa waxaa gacan-taag ku ansixiyay golaha wasiirrada Jubbanad, waxaana dhamaan shacabka Jubbaland loogu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo adkeynta amniga deegaannadooda. PUNTLAND POST The post Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay inuu hakiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay DF appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Ganacsato Keenyaan ah ayaa wada qorshe halis ah ku ah ganacsiga qaadka Soomaaliya, iyagoo doonaya inay la wareegaan ganacsiga Qaadka la keeno Somalia, si loo musuq-maasuqo canshuuraha ay dowladdu ka hesho qaadka, laguna curyaamiyo ganacsatada Soomaalida qaadka keena dalka. Waxaa qorshahan ku lug leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, kuwaasoo garab ku siinaya ganacsatadan in si aan sharci ahayn [Monopoly] ay ku maamulaan ganacsiga qaadka, iyagoo si ay dhaqaale aan sharci ahayn uga sameeyaan arritan. Maalmihii u dambeeyay waxaa soday shirar hoose oo ay lahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada aan Sooamalida ahayn ee qaadka iyo mas’uuliyiinta DF ka tirsan iyadoo wararku ay sheegayaan in mas’uuliyiintan laaluush ahaan loo siiyay lacag u dhexeysa 380,000 illaa 400,000 oo doollar, si ay ugu jideeyaan musuq-maasuqa ay doonayaan, iyadoo lacago loo ballan-qaaday mas’uuliyiinta arrintan ku lugta leh, kuwaasoo ka tirsan wasaaradaha ku shaqada leh canshuuraha qaadka. “Waxaa socda qorshe la doonayo in ka ganacsiga qaadka Somalia gacanta loogu geliiyo ganasato aan Soomaali ahayn, kuwaasoo doonaya inay suuqa ka saaraan ganacsatada Soomaaliyeed ee keena qaadka,” ayuu yri mas’uul ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka keena dalka. Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in ganacsatadan ay gacan ka helayaan shirkadaha diyaaradaha qaadka keena. Waxaana qorshahoda lagu sheegay inay doonayaan inay mar kale musuq-maasuqaan canshuuraha laga qaado qaadka, iyadoo la ogyahay in dhawaan mas’uuliyiin kala duwan loo xir-xiray musuqmaasuqa canshuuraha qaadka. Dhanka kale, Tallaabadam ayaa waxay ku kooban tahay gobolka Banaadir oo keliya, waana mid u muuqata in la doonayo in lagu curyaamiyo gacansiga, dhaqqalaha iyo shacabka ku nool caasimadda dalka. Ugu dambeyn, Diyaaradaha qaadka keenaya Somalia oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxay milkiilayaasha iska leh la safteen ganacstada Keenyaanka ah si ay u helaan dhaqaale ka badan midka ay hadda Qaadka ku keenaan Somalia. PUNTLAND POST The post Musuq-maasuqa weyn oo ku wajahan Qaadka Somalia iyo Canshuuraha kasoo gala DF appeared first on Puntland Post.
  16. A rare female suicide bomber used in the deadly al-Shabab attack in the office of Mogadishu's mayor was aiming for the American who is the new United Nations envoy to Somalia and had left the office just minutes earlier, the extremist group and officials said. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay isgoyska Ceel Gaabta, dhinaca degmada Waaberi ee magaaladda Muqdisho. Shilka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid ka gedaal markii gaari Booyad ah gaar ahaan nooca shidaalka qaada ay wadada ka baxday, ayna dad jiirtay. Inta la xaqiijiyey afar qof oo shacab ah ayaa waxay ku dhimatay dhacdadan, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo intaasi ka badan. Wariye Aadan Daahir Cabdi [Diyeeshe] oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdeg ah ee maamulka gobolka Banaadir ay yimaadeen goobta. Dadka dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaaladda caasimadda si loola tacaalo xaaladooda caafimaad, loona badbaadiyo noloshooda. Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu Diyaashe ku fahfaahinayo https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi-aadan-diyeeshe.mp3 View the full article
  18. Shalay waxaa ka dhacay Gobolka Banaadir masiibo qaran. Waxaa ku dhintay ku dhawaad dhowr iyo toban qofood oo iskugu jiray Gudoomiyeyaal degmo, Agaasimeyaal Gobolka Banaadir iyo dhalinyaro amni ahaan ula socday Gudoomiyeyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee meesha joogay. Waxaa dhaawac halis ah soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Eng Cabdirahman Yariisow, Gudoomiyeyaal degmo iyo Agaasimeyaal. Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay magacyada sadex Gudoomiye degmo, afar agaasime, la taliye iyo xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga oo dhamaantood weerarkaas ku dhintay. Waxayna kala yihiin: 1. Mahad Cilmi Cali (Gudoomiyaha degmada Waaberi). 2. Sahra Xaaji Markiizi (Gudoomiyaha degmada Shangaani). 3. Sabaax Cabdullaahi Asad (Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis). 4. Xasan Maxamed Sabriye (La taliyaha dhinaca sharcigada Gobolka). 5. Cabdi Daahir Diirye (Xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga). 6. Eng Shuuriye (Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Injineeriyada Gobolka). 7. Cabdifitaax Cumar Xalane (Agaasimaha Waaxda Nadaafada Gobolka). 8. Cabdullahi Dheere (Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka). 9. Basiira Cabdi Maxamed (Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka). 10. Dhalinyaro iyo xoghayeyaal la socday Gudoomiyaha Gobolka. Dhanka amniga xarunta Gobolka Banaadir marka aan qiimeyno, waxaa loo ogolyahay in baaritaan la’aan iyaga iyo gaadiidkooda ay soo galaan Gudoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenadiisa. Gudoomiyeyaalka degmooyinka iyo agaasimeyaalkana baabuurta banaanka ayaa looga soo reebaa AFAR BAROOD oo kala duwan ayaana lagu soo baaraa, markaas kadib ayayna soo geli karaan gudaha hoolka shirarka ee shalay lagu qarxiyay. Masiibadii shalay dhacday ilaa hada majirto qof loo soo qabtay, qof isku casilay iyo qof xilka looga qaaday midna, marka laga reebo sheeko suuqa lasoo geliyay oo la leeyahay qofka isqarxiyay waa gabadha Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka Banaadir. Lkn waxaa isweydiin mudan meel amnigeeda sidaas loo adkeeyay oo kuwii lixaadka qabay ay ku adagtahay in ay soo maraan sidee qof indha la’ ugu suuragashay in uu qarax keeno. Sidoo kale gabadhaan mudo dhowr sano ah ah ayay joogtay gobolka, waxayna goob joog u ahayd munaasabado kuwaan ka waaweyn oo madaxda dalka ugu saraysa iyo kuwa ajnabi ahba ay joogeen laguna qabtay xarunta gobolka, marka maxay isugu qarxin waysay?! Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo shalay hadlay qaraxa kadib wuxuu sheegay in lix qofood ku dhinteen weerarkaas. Sida tirada dhimashada looga been sheegayo ayaadna ka garan kartaa in la rabo in la qariyo masiibada meeshaas ka dhacday iyo malaha cidii soo maleegtay sirqoolkaas lagu xasuuqay dhalinyaradii laf dhabarta u ahaa mustaqbalka dalkaan! Waxaa intaas kasii daran, masiibada intaas la’eg ee dhacday ilaa hada Madaxweynaha Soomaaliya kama hadlin, umana tacsiyeyn eheladii dadkaasi ay ka dhinteen. Janaasadoodii maanta kama qayb gelin. Sidii caadada ahaan jirtayna dadkii weerarkaas argagixiso ku shahiiday Salaadii Janaasada lagulama tukan masjidka madaxtooyada. Haddaba, miyaan la dhihi karin mas’uuliyada Al-Shabaab waa lala wadaaga waan la sheegayne! Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda labada dhinac. Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in la hakiyay wada shaqaynta iyo isku socodka xukuumada federaalka iyo Jubbaland. Golaha ayaa go’aankaan ku sababeeyay “faragalinta qaawan ee dowlada federaalka ku hayso hannaanka doorashooyinka Jubaland iyo khalkhal galinta joogtada ah ee arrimaha Jubbaland.” Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa sidoo kale laga mamnuucay deegaanada maamulka Jubaland Golaha ayaa dhammaan shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan isla markaana meel uga wada soo jeedsadaan cidwalba oo dooneysa dhibaateynta amnigooda, sida hadalka loo dhigay. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay soo saratay qoraal ay ku sheegtay in liiska odayaasha soo xulaya xildhibaanada Jubaland ee maamulka uu soo saaray uu yahay mid aan sax ahayn. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan jirin musharax is-diiwaan gelin kara inta laga soo xulayo xildhibaanada maamulka, taasi oo ku socotay Axmed Madoobe oo horey isku diiwaan geliyey. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Madax ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa ka qaybgalay Aaska mas’uuliyiintii lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir. Xubnaha la aasay ayaa kala ah; Cabdifitaax Xalane, agaasimihii Waaxda Nafaada gobolka iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis, Shangaani iyo Waaberi. Xalena ayaa lagu duugay khabuuraha Iskool Buluusiyo, halka saddex gudoomiye degmo lagu aasey khabuuraha Isbitaal Madiina. Ka qeybgaleyaasha Salaada Janaasada ayaa u rajeeyay marxuumiinta naxariista ALLE iyo Janatul Firdowsa. Dhanka kale, mas’uuliyiinta kale ee ku dhaawacantay weerarkan oo uu ku jiro duqa caasimada Eng Yariisow iyo gudoomiyeyaal kale ayaa weli isbitaal ku jira. Gudoomiyeyaasha degmooyinka ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in xaaladooda ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore. Eng Yariisow oo qaliin laba jeer lagu sameeyay ayaa lagu waramayaa in laga yaabo in dibadda loogu qaado baxnaano dheeraad ah. View the full article
  21. Kulan maanta ay golaha wasiirrada Jubbaland ku yeesheen Kismaayo, uuna goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Axmed Madoobe ayaa la go’aamiyey in la hakiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah “Waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal fadhiga ka soo baxay. Jubbaland waxaa bisha soo socota ka dhaceysa doorashooyin, waxaa ayna ka cabaneysaa in dowladda federaalka ah ay fargelin ku heyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland, waxaana looga hadlay qaraxii Muqdisho iyo arrimaha amniga doorashada Jubbaland. Ugu horayn, Madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka. Intaas kadib waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga qaban-qaabadda shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo kawada magaaladda Dhuusamareeb. Xubnaha guddigaasi ayaa waxay la kulmayaan odayaasha dhaqanka, iyaga oo kala hadlaya ka qaybgalkooda shirweynahaasi. Shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in bisha dambe uu ka qabsoomo magaaladdaasi, isla markaana ay kasoo qeybgalaan in ka badan 300 ergo ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dhismaha Galmudug middeysan, oo shirweynahaasi qayb ka ah. View the full article