-
Content Count
209,094 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab u sameysay dowladda Soomaaliya, kadib qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo ka hadlay weerarkaasi ayaa marka hore Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen, isagoona ku dhaawaca ah u rajeeyey caaafimaad deg deg ah. Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisu cambaareyneyso weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid baahalnimo ah. Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Soomaaliya, islamarkaana uu ka gacan siinayo baabi’inta Argagixisada. “Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri Yamamoto. Ugu dambeyn waxa uu amaan iyo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii gobolka Banaadir. Weerarkan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 Qof oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal heer gobol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay shacabka in ay laba jibaaraan la shaqeynta hay’addaha ammaanka. Cabdinaasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka amniga ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab. Mr Muuse ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in weerarada kooxdaasi aysan u hakan doonin howlaha dib u dhiska dalka, sidda uu hadalka u dhigay. Arbacadii ayey ahayd markii weerar is-miidaamin oo ay Al-Shabaab sheegatay lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir. Dhacdadaasi ayaa galaafatay nolosha todoba mas’uul, waxaana ku dhaawacmay in ka badan tiradaasi oo uu ku jiro duqa caasimada, Cabdiraxmaan Eng Yariisow. View the full article
-
Wanlaweyn (SMN) – Howlgalo ay sameynayaan ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ka socdo qaybo kamid ah degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dhaqdhaqaaqan ayaa ka dambeeyay markii askari ka tirsan ciidanka Bangaraafta lagu dilay shalay gelinkii dambe magaaladaasi. Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dabley qaab beeleed u abaabulnaa, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday durbadiiba. Xoogaga dowladda ayaa isla shalay dhowr qof u soo xiray falkaasi, waxaana saaka la sheegayaa in ay wadaan howlgalka. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in howlgaladda ay sameeyeen isu socodka degmadda. Mudooyinkii dambe degmada Wanlaweyn waxaa kusoo badanayey dilalka ay maleyshiyaadka hab beeleed u geysanayaan ciidamada dowladda. View the full article
-
Bank and partners prioritise the African Education Fund Abidjan, Côte d’Ivoire, 23 July, 2019 – The African Development Bank, the Association for the Development of Education in Africa and the African Union are recommending the establishment of the African Education Fund as the unique African mechanism to address the challenges of education and skills development in Africa. A joint declaration in support of the African Education Fund was produced after a workshop organised in Abidjan 16 -17 July, 2019 “The African Education Fund is a vision many education stakeholders in Africa have had but could not put into practice. It is no longer just a vision – it is a reality,” Oley Dibba Wadda, the Bank’s Director of human capital, youth and skills development, told more than 50 attendees representing 12 African governments, 4 regional economic communities and other development partners specialising in finance, skills development, and education. Workshop organisers sought inputs from regional member countries on the structure of the African Education Fund and highlighted the need to strengthen its position as a ‘go to’ resource for financing education across the continent. “The AEF is a unique, Africa-initiated and continental mechanism for resourcing post-secondary education in Africa” said Albert Nsengiyumva, Executive Secretary of the Association for the Development of Education in Africa. Beatrice Njenga, Head of the Education Division at the African Union Commission, reminded workshop participants that the Fund was not intended to be a substitute for existing funding mechanisms. “The African Education Fund complements these mechanisms at national and international levels”. Côte d‘Ivoire’s Minister of education and technical, vocational education and training, Kandia K. Camara, opened the workshop, emphasising the need for countries to be accountable and to take ownership of Africa’s education and training. Camara also encouraged participants to pay special attention to supporting girls and people with disabilities in the structure of the fund. The two-day series of presentations, discussions and group sessions explored strategies for financing projects intended to contribute to human capital and skills development across Africa under the banner of the African Education Fund. For more information, please contact: Chawki Chahed, Chief Communications Officer, African Development Bank, email: c.chahed@afdb.org Stefano De Cupis, Senior Communication Officer, ADEA, email: s.decupis@afdb.org Qaran News
-
African Development Bank welcomes Fitch’s affirmation of AAA Rating: Driven by extraordinary shareholder support Abidjan, Côte d’Ivoire, July 25 2019 – The Fitch rating, of the African Development Bank, published 24th July in London, is affirmed as AAA, with a stable outlook, on improved assessments, qualifications and estimates. The rating provides a significant boost for the Bank at a time when it is discussing a substantial general capital increase to finance its strategy and activities over the next few years. Fitch Ratings is one of the leading global providers of credit ratings, commentary and research. The agency upgraded the intrinsic assessment to ‘aa’ from the previous ‘aa-‘driven by an improvement in Fitch’s assessment of the Bank’s business environment. The Bank’s ‘aaa’ support from its shareholders was based on Fitch’s forecasts that the Bank’s net debt will be fully covered by callable capital from ‘AAA’ rated member countries by 2021. The projection assumes shareholder approval of an increase in subscribed capital from 2020, and lending growth averaging 7% year on year in 2019-2021. Other key points from the Fitch rating include the following: The Bank’s solvency assessment of ‘aa’ primarily reflects its ‘strong’ capitalisation. The equity to asset and guarantees ratio remains within the ‘strong’ range. Fitch’s usable capital to risk-weighted assets (FRA) ratio, newly introduced, was just below the threshold for an ‘excellent’ assessment (35%) at end-2018 and is likely to be ‘excellent’ in 2019. Overall risk is rated as ‘low’, with risk management policies seen as conservative and assessed as ‘excellent’. Concentration risk is considered ‘low’ and has benefited from the Exchange Exposure Agreement with other development finance organisations. Equity participation is expected to remain below 5% of the banking portfolio by 2021, in line with the internal limit of 15% of risk capital. FX and interest rate risks are very limited and conservatively managed. The liquidity assessment is ‘aaa’ and the quality of liquid assets is ‘excellent’ The Bank’s business environment now translates into no negative adjustment (from a one notch negative adjustment previously) to the improved intrinsic rating, which reflects a stronger assessment of the bank’s strategy to ‘medium’ risk from ‘high’ risk. The Bank’s outlook is rated as Stable. As the Fitch rating states, the process for a General Capital Increase (GCI-VII) is expected to be completed by end-2019, including a final agreement on its amount. The President of the African Development Bank, Akinwumi Adesina welcomed the assessment and said, “I am delighted by the affirmation of the AAA rating as well as the accompanying explanations, which clearly explain the solid and comprehensive reasons for the overall improvements in the intrinsic rating, as well as the ‘extraordinary support’ we receive from our shareholders. It is a massive boost for the Bank to be encouraged so strongly in the year of the General Capital Increase and with so much hard evidence provided. He added that “It is also a tribute to all our stakeholders, partners, and those who have been working at and with the Bank during this past year. Fitch’s rating is not just about our credit; it speaks volumes for the Bank’s solid achievements, consistent strategy, development impact, leadership, and overall direction.” Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib go’aankii uu maamulkaasi xiriirka ugu jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka waarfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in dhammaan in ciidamada maamulkaasi ay u diyaar garoobeen ka hortaga falal uu sheegay inay maleegayaan cadowga Jubbaland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in si weyn loo adkeeyey amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Injineer Cabdi Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in go’aankoodii ahaa in mas’uuliyiinta dowladda aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi uu weli sidiisii yahay, islamarkaana ay dhaqan gelin doonaan, inta ay ka dhaceyso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland. Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu doonayo Axmed Madoobe inuu kaga hor imaado dowladda Soomaaliya oo isku dayeyso inay meesha ka saarto, si uu isbedal uga dhaco halkaasi. Doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhici doonto bisha soo socota ee Augusto, lamana oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto dowladda dhexe, maadaama maamulka Axmed Madoobe uu ka qaatay go’aan culus. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi ka taagan tahay xiisad. Xiisadda oo laga cabsi qabo in gacan ka hadal isku rogto ayaa salka ku haysa iska hor-imaad dhex-maray ciidamo kawada tirsan dowladda. Isku dhacaasi oo galaaftay nolosha tobban ruux ayaa yimid ka gedaal markii ay isku qabteen xoogaga Khaad, sidda la sheegay. Tobanaan kale oo ku dhaawacmay ayaa kuwa waxyeeladoodu daran tahay la sheegayaa in loosoo qaadayo magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Kulamo ay garwadeen ka yihiin dhinacyo kala duwan oo xiisadaasi lagu xalinayo ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay socdaan. Xaaladda Marka ayaa haatan mid degan, balse waxaa lagu waramayaa in ay tahay mid aanan cago badan ku taagneyn. Inta badan dagaaladda dhex-maray ciidamada dowladda ayaa ah kuwa soo laab-laabta, mana muuqato dedaalo wax looga qabanyo arrintaasi. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hay’adaha Amniga iyo Guddiga Gurmad Qaraxii D/Hoose ee Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-26072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Maraykanka waxa ay si xoogan u cambaareynaysa weerarka 24-kii July ka dhacay Muqdisho, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirtey qoysaska iyo saaxiibbada dhibanayaasha la dilay. Waxaan siddoo kale u duceeneynaa dadka ku dhaawacmay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirahmaan Cumar Cusman,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safiirka Washington. Danjiraha ayaa ammaanay ciidamada Soomaaliyeed iyo shaqaallaha gurmadka degdeg ah ee caawiyey dadkii dhaawacmay. “Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan,” ayuu raaciyey. Ku dhowaad todoba qof oo badankooda ah mas’uuliyiin ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay in ka badan sideed oo uu ku jiro duqa caasimada oo dhaawacyadooda loo qaadey dalka Qadar. View the full article
-
Some 152 soldiers graduated from Turkey’s largest overseas military training camp in Somalia, Turkish Defense Ministry announced Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Deployed in one of the world's most dangerous conflicts, Somali soldiers risking their lives daily against Al-Shabaab insurgents were growing weary of being paid months late and shortchanged by their superiors. Source: Hiiraan Online
-
WhatsApp is reportedly launching a payments system later this year, starting in India. Will Cathcart, the Facebook subsidiary's global head, said Wednesday it has been testing its payments in India since last year, according to Business Today. Source: Hiiraan Online
-
The mayor of Somalia's capital, Mogadishu, is to be flown to Turkey for treatment along with several others injured in Wednesday's suicide attack that killed six people, officials have told BBC Somali. Source: Hiiraan Online
-
The East African bloc on Thursday condemned the suicide attack that took place in the offices of Mogadishu's mayor on Wednesday which left seven government officials dead with the mayor among those injured. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ahaa mid goobta lagu sii diyaariyey. Warbaahinta Al-Shabaab oo soo xiganaysa xubno ka tirsan kooxda oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday “maaddo qaraxda oo lagu sii diyaariyay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.” Sarkaalka lasoo xigtay oo aan la shaacin magaciisa ayaa sheegay in uu qaraxu ku diyaarsanaa gudaha xarunta islamarkaana loogu talagalay in lagu beegsado wakiilka gaarka ah ee QM u jooga Soomaaliya James Swan. Waxaa sidoo kale ay sheegeen in “cillado farsamo oo dhacay darteed ay maadadu qarxi weysay intii uu joogay wakiilka balse ay goor dambe ku qaraxday saraakiisha maamulka gobolka Banaadir” oo halkaas ku shirayay. Warkan cusub ee ah in qaraxu ku diyaarsanaa xarunta ayaa ka duwan kan maamulka gobolka oo ah inay is-qarxisay haweeney nafteeda haligtay. Hadalka Shabaab ayaa u muuqda mid is-burinaya ujeedkuna yahay in lagu taageero sheegashada ah in qaraxa lala beegsaday James Swan, taasi oo khuburada amniga ku sheegeen isku day weerarka looga dhigayo mid caalami ah. Khuburada amniga ayaa rumeysan in qaraxan iyo booqashada Swan ay ka dhaxeysay kaliya inay si kam ah isugu soo aadeen. Waxa ugu weyn ee hadalka Shabaab burinaya ayaa ah xaqiiqda ah in sheegeen in qaraxu markii hore u qarxi cillado farsamo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah “haddii marki hore cilad darteed u qarxi waysay maadada, sidee markii dambe ku qarxay, yaa u tagay maadada oo ciladii ka saaray?” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta Booliiska Soomaaliya ee gobalka Banaadir ayaa wada diyaarinta Sharci cusub oo isbadal loogu sameynayo qodob kamid ah Sharuucda cadeyneysa Xuquuqda muwaadinka islamarkaana saameyn ku leh shaqada Booliska. Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Taliska Booliiska Gobalka ay soo gudbiyeen in la dhareeyo waqtiga ay Maxkamad la’aan xabsi ku heyn karaan dadka la soo qabto oo soo gala gacanta Ciidamada Booliiska ka hor inta aan la saarin Maxkamad. Dalabka Ciidamada Booliiska ayaa ah in 48 saac aysan ku filneyn oo ay u baahan yihiin in la siiyo ugu yaraan 90 cesho si baaritaan dheer loogu sameeyo qofkii laga shakiyo kadibna la horgeeyo Maxkamad, wixii markaas ka dambeeyana go’aan Maxkamad lagu sii daayo ama lagu sii haayo. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Sharcigaan loo gudbin doono Golaha Wasiirada markii uu ka soo dhamaado Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre. Dastuurka dalka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalo ayaa tilmaamaya in qofka muwdaanka ah aan Xabsi lagu sii heyn karin muddo ka badan 48 saac, iyadoo aan ku dhicin Xukun Maxkamadeed. Arintaan ayaa Taliska Booliiska Gobalka Banaadir waxay u arkaan in ay aad u yartahay islamarkaana aysan qof uga dhamaan karin muddo 48 saac oo ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay baaritaan ku sameeyaan. Haddii ay arintaan dhacdo waxay noqon doontaa dhibaato daran oo ay wajahaan Shacabka Soomaaliyeed madaama ay noqonayso in go’aanka loo gacan geliyay Booliiska garsoorkiina meesha laga saaray. Sidoo kale arintaan ayaa waxay noqoneysaa in hoos loo dhigay adeegga Garsoorka isamarkaana la baneestay ku xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed. Lama oga go’aanka uu ka qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xubnaha Golaha Wasiirada. Sidoo kale lama oga go’aanka ay ka qaadan doonaan Baarlamaanka dalka hadii sharcigaan la horgeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa looga jawaabay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaasoo lagu tilmaamay inuu yahay mid hareer marsan sharciga iyo Dastuurka Kumeel gaarka ah. Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ay faragelin qaawan ku heyso arrimaha doorashooyinka, isla markaana ugu baaqday Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan, wixii caaqib ah ee ka dhasha fara gelintaas. Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Puntland Lacag ayaa Dowladdu federalka ugu deeqday dhismaha wadada Boosaaaso. Lacagtan waxaan oran karaa Bam ka weyn, waxay u muuqatay Kasbo ay Dowladdu ku ogaaneyso Xikmadda Madaxda Maamulka & Mowqifka shacab weynaha Puntland. . Falkan ay Dowladdu deeqda ku bixisay boqol waji oo xun & ka badan oo wanaag leh ayaa loo dhigi karaa, loona fasari karaa. wajiga qura ee aan qaadanay waa kan dadkii kala dilay, waa kan abuuruay af-lagaado & caay anshax xumo gaarsiisan. waxuu kala dilay Saaxiibo aragtidaa yar isla waayay, waliba dadka qaar waxay dhigteen jaamacdo, qaarkood ayaa heysta shahaadada sare (PHD) waxayna qorayaan afkaar & macno Awoowaha aan Alifka dhigan uusan ku dhiiran karin. Yaa qaadaya mas,uuliayada xumaantaa leh…??? Yaa Jiilka soo koraya ee raba in ay aduun weynaha wax la qeybsadaan jidka xun & dhiilada aan cimriga laheyn galiyay..?? yaa qiimaha Dowladnimo & macnaha hoggaan dilay oo ku soo dhameeyay fal yar oo looga gudbi karo si degan oo aan jabaq laheyn…??? Inataba waxaa Ma,suul ka ah Hoggaamiyaasha Soomaali…. Dowaldda haddaan xumeyno talaabadeed Maamul ahaan ma saxna. Xoolaha Dowladdu hal mar si sahlan jeebka loogama soo bixiyo. haddi la khaldamo oo Wasiiirku iska soo siiban karo Doolarka Dowladda waxaa jira xeer & Nidaam Lacagta baxeysa u degsan, haddii ay ku socoto Maamul Gobol oo Nidaam ahaan ka baxsan Dowladda dhexe ayaduna waa mid ka sii daran oo hooos tageysa Dastuurka Guud ee Dowladda Federaalka kala hagaya…. Haddiiba ay Dowladdu ku dhiiratay falkaa, maamulka Puntlan falkan si siyaasadeysan uma qeexin. Inta ay abuurtay talaaabada ay qaadeen oo ah in ay Lacagta joojiyaan, Gudigii Wadadana soo xiraan ma aysan abuuri laheyn dhacdadan haddi Maamulka Puntland uu ka aamusi alahaa. Waxaad mooddaa Hoggaamiyaha Soomaali markuu Madaxyahay oo uu Magac weyn wato & waaguuu Caruurtaa ahaa isku si in uu dhacadada ula fal galo. kursiga Madax ee uu hadda fadhiyo & Dugsigii Hoose uu soo dhigtay waxaa kala bara da,da & qaab Labiska bes, laaakin Caqliga & Misaanku waa mid. Waxaa Madaxda Puntland La gudboonaa in ay arintan qiimeeyaan. haddii la taliyaasha Madaxweyanaha & Xubnaha Golaha Wasiiradu uu dheeh ka galao go,aanka ugu suuban waxay u aheyd in ay la kaashadaan la-taliyaal banaaanka ah, si gaar ah aqoonayahno Siyaasada soo dhigtay, nasiib xumo Falka maamulka Puntland qaaday waxuu feyday garashada Siyaasi & heerka Hoggaan ay madaxdeeenu ka joogaan maaareynta dhacdooyinka xasaradaha abuuri kara… . Tusaale. Falka madaxda Puntland waxaa taageero badan ku helay Madaxad Dowladda federaalka, oo ayagu buun-buuninta kursiga ku jooga. Dhanka kale Gudiga Dhismaha Wadada Boosaso ayagoo awalba ammaan mudnaa ayaa haddana waxaa magaci & mamuski u sii kordhiyay Xariga & talaabada laga qaaday Lacagta. intaa waxaa ka daran Buuqa ka soo yeeeray Xildhibaanada qaar oo diiday talaabada Maamulka Puntland ka qaaaday Lacagta Dowladda Federalka. tan oo la dhihi karo waa gogol xaar ah in Riawayadihi ay dhigi jireen Xildhibaanada Muqdisho ay alifaadoodu dib uga bilaabato Garoowe. Intaaas & tusaale ka sii badanba waxaa dhaliyay go,aankakhaldamay ee Madaxda Maamulka Puntland. Gabagabo. haddaad rabto in aad sawirato dhibaatooyinka Siyaasi ee Soomaaliya & sababaha ay Hoggamiyaasheenu ugu guul dareeysteen in ay maareeyaan Khilaafka Siyaaasi waxaad kor istaagtaa Khilaafkan ay abuurtay Dowladda Federaalka & Talaabada ay qaadeen maamulka Puntland. Xasilooni Siyaaasi… W/Q: Mahdi Muse mahdimuse13@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid