-
Content Count
209,094 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka, ahna xildhibaan mucaarad ah ayaa dhaliil culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Fiqi ayaa sheegay in Madaxa Villa Soomaaliya uusan uu muuqan dhiiga , dhaawaca joogtada ah iyo dayacaad uu sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho. Wuxuu tilmaamay in hankooda uu ku siman yahay kaliya boobida kuraasta dowlad goboleedyada dalkaka. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo qoraalkam soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa intaasi ku daray in Xamar oo ay ka jirto amni xumo laga daad gureynayo ciidamo, islamarkaana la geynayo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud oo uu xusay inay ka jirto nabad galyo, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka aqriso: Ciidamada la leeyahay Xamar oo amni xumada ka jirta la wada og-yahey ayaa laga daad-guraynayaa oo loo wado Dh.Mareeb oo nabadgalyo ah, sow uma eka in hashii caloosha laga rarayo. Waxaa muuqata in madaxda Villa Somalia uusan u muuqan dhiigga iyo dhaawaca joogtada ah ee ka dhashey amni xumada iyo dayacaadda Muqdisho ka jirta, hammigooda iyo hankooduna uu ku siman yahay kuraasta dawlad goboleedyada oo xoog lagu soo boobo iyo qalqal-gelinta dhul nabad ay ka jirto. Muddo 40 casho ah oo uu raysulwasaaruhu ku maqnaa Galmudug wuxuu ka badin waayey in uu codsado ciidamo xamar laga soo daad-gureeyo oo amni xumadii ugu weyneyd ay ka dhacday todobaadkan asagoo xataa aamini waayey kuwii uu lahaa waa qarameeyey! ma warkisii hore ayaan wax ka jirin mise maleeshiyaadkii asaga daacadda u ahaa ee uu deegaanadaas ku abuuranayey ee la sheegayey ayaa run ah? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The US Supreme Court has said that President Donald Trump can use $2.5bn (£2bn) of Pentagon funds for a section of wall on the southern border. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamaweyne ee gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Cabduqadir ayaa ka hadlay qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Cabduqaadir Maxamed Cabduqadir oo ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa sheegay in mar qura uu ka soo baraarugay, iyagoo dhulka wada jifo, islamarkaana meesha ay noqotay dhaawac, dhimasho iyo burbur . Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu aad uga murugeysan yahay Saaxibidiisii ku dhintay weerarkaasi “Allaah ayaa mahad iskaleh oo iga badbaadiyay qaraxii Al-Shabaab nala beegsadeen waxaan weli la murugeysanahay Asxaabteydi qaaliga ahaa oo wax yar ka hor aan wada faraxsaneen daqiiqada kadibna aan ku soo baraarugay anagoo dhulka wada jiifno meesha dhan ay noqotay dhaawac iyo dhimasho iyo burbur. Weli qalbigeyga wey ka bixi la’dahay wixii meesha ka dhacay Asxaabti meesha nooga shahiiday Allaaha u naxariisto, inta dhaawaca ah ee uu ugu horeeyo gudomiyaha gobolka banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cisman Yariisow Allaaha caafimaad dag dag ah hasiiyo” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamaweyne. Dhanka kale waxa uu ka warbixiyey xaaladdiisa caafimaad iyo sida ay wax u gaareen. “Aniga waxaa igaaray jab kalxanta ah iyo firir yar ah oo lugta ah iyo muraayadihii hoolka oo wajiga iga dhaawacay, alxamdulilaah ilaahey intaas iigu simay ayaa mahad iskaleh waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Asxaabti isoo booqatay iyo kuwii iisoo duceeyay, aad ayaad u mahadsan tihiin”ayuu intaasi raaciyey Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir. Weerarkan oo ay sheegatay Al-Shabaab ayaa lagu soo aadiyey, xilli uu shir u socday maas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ku dhintay guddoomiye degmo, agaasimeyaal ka tirsan gobolka iyo dad kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dr. Sheekh Cali Nuur oo ka mid ah falanqeeyeyaasha dhanka ammaanka ayaa sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay gabi ahaan ku fashilantah sugidda ammaanka caasimadda Muqdisho. Dr. Cali Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa xusay in fashilka ammaanka magaalada ay sabab u tahay in dowladdu ammaanka dalka iyo magaaladaba ay ku aamintay dad aan ehel u aheyn, waxaa hadaliisa ka mid ahaa”Hadda waxaan ognahay Muqdisho kama shaqeyaan dadkii ammaankeeda ka shaqeyn lahaa, dumar iyo caruur iska yaacayoo gawaarida dul saaran waxba aan gelin, waxba aan goyn, oo dadka iyo deegaanka aan wax ka aqoon ayaa la dhahay adinku wax qabta”. Sidoo kale Dr. ka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ammaanka dalka iyo weliba caasimadda ay adkaan doonto in la sugo ilaa la helo is-afgarad siyaasadeed iyo dadka in talada gacanta loo galiyo lana dareen siiyo in ay ilaashadaan deegaanka iyo waxa ay wada leeyihiin waxaana uu yiri” Meel kasto oo dhibaato ammaan darro ay ka jirto, waxaa ka jira oo garab socda oo ka jira dhibaato siyaasadeed, waxaa loola jeedaa is afgarad siyaasadeed kama jiro, oo bulshada deegaankaas degan wax ay isla ilaashadaan oo ay iskula dadaasho oo wixii dhibaayo hal meel ay uga soo wada jeesato”. Dhanka kale, Dr. Cali Nuur ayaa sheegay in loo baahan yahay si dadka siyaasadiisa iyo ammaankiisa loo xaliyo in marka hore si gaar ah loo xaliyo caasimadda, asaga oo intaasi raaciyey in loo baahan yahay in magaalada dadka degan ay mudan yihiin in ay maamulaan loogana danbeeyo. “ Magaalada marka arrimaheeda la xalinayo, waa inay noqotaa waa caasimaddii Soomaaliyeed oo dadka deegaanada kale iyo dibadda ka jira laga talo galiyo, laakiin xoogeeda dadka dagan oo ganacsiga guryaha iyo jaamacadaha ku leh oo noloshooda ay ku xiran tahay waa inay lahaadaan go’aanka maamulka oyo maareynta magaalada Caasimada ah ee Muqdisho” Ugu danbeyn Dr. Sheekh Cali Nuur ayaa hadalkiisa ku soo gaban gabeeyay in dadka magaalada dagan ay bixiyaan canshuur aad u badan haddana aysan heli ammaan, assaga oo u sababeeyay in laamaha ammaanka uu gacanta ugu jiro dad ka yimid dalka dibaddiisa. ” Laakiin suurto gal maahan in reer Muqdisho ay bixiyaan bishii 15 milyon oo doller , marka waxaa la rabaa in magaaladaan xal looga raadiyo dadka maanka iyo garashada u saaxiibka ah oona aqoonta u leh oo waxna go’n kara” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ayaa ciyaar xiiso badan la leh dhigiisa Wadanka Uganda waxayna labada dhinac wada dheelidoonaan tartanka CAF African Nations Championship 2019 (Chan). Wiilasha Xulkeena ayaa diyaar wanaagsan ku qaataay garoonka Al-Xaaji Guuleed ee magaalada Jabuuti,iyagoo dhamaan xidigaha xulka ay diyaar u yihiin kulanka ay la ciyaaraan dhigooda Uganda. Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa 22-July 2019 ciyaar saaxiibtinimo ku qaatay garoonka Xaaji Guuleed Abtidoon ee dalka Jabuuti waxaana kulankaa 1-0 ku badiyay xidigaha xulka Jabuuti. Soomaaliya Iyo Uganda ayaa sanadihii lasoo dhaafay isku arkay tarmada kala gedisan ee qaarada waxaana ciyaartii u danbeesay ay wada dheeleen 1-0 ku adkaaday wiilasha xulkeena waxayna ciyaartaas ahyed rubac dhamaadka tartanka17-jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay wadanka Burundi. “Si wanaagsan ayaan ugu diyaar garoownay kulankan waxaan juhdi ku bixinaynaa sidii aan guul ugu gaari laheyn dhigeena Uganda” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay kabtanka xulka Cabdicasiis Catoosh. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-African Nationas Champianship Dalalka-Somalia VS Uganda Taariikhda-27-July 2019 Maalinta-Sabti Saacada-6:00pm (Jabuuti) Garoonka-Hagi Guuleed Abtidoon W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The Kenyan defense forces [KDF] were reported to have burned down a lorry truck in an area near the porous border with Kenya. Local residents said the Kenyan troops set ablaze on the truck transporting sugar from Somalia and wounded its driver. The motive behind the attack is yet unclear. The incident comes days after Al-Shabaab carried out an attack in the Northeast region of Kenya, targeting Kenyan police officers patrolling the border. Kenya has witnessed deadly attacks since it sent combat forces to Somalia to fight the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab in 2011 which was blamed for a series of kidnappings and killings. View the full article
-
The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) has pledged its support and solidarity with the people and government in the fight against al-Shabaab fighters. In a statement, the eight-member regional bloc expressed sympathy and condolences to the families of the victims and wishes a speedy recovery to those wounded. East African bloc has condemned the suicide attack that took place in the offices of Mogadishu’s mayor on Wednesday which left seven government officials dead with the mayor among those injured. “IGAD condemns in the strongest terms the terrorist attacks perpetrated by Al-Shabab against the Mayor’s Office in Mogadishu yesterday, which left a number of innocent civilians dead and others wounded, including the city’s Mayor,” the bloc said. The statement comes barely two days after a suicide bomber blew herself up in Mogadishu’s municipal headquarters premises, leading the death of three district commissioners, two directors, and legal advisor. The blast also injured the mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman and several other local government officials. Al-Shabaab has claimed the responsibility for the attack saying their target was the UN envoy who they believe was inside the mayor’s compound at the time of the attack. View the full article
-
Riyadh (SMN) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyda. Wasiirka oo ay socdaalkiisa Indha-Indhaynta iyo soo dhoweynta ah ku wehliyaan , Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah , Ilyaas Sheekh Cumar, la taliyaha Wasaaradda, Maxamed C/raxmaan Nadiif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan Xujeyda halkaa tagaeysa iyo xaaladahooda guud. Cusmaan Aaden Dhuuboow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ballaaran oo la xiriira ka war qabka xaaladda Xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, taas oo ah qorshe ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka, isagoo intaa raaciyay in ay sii Laba jibbaari doonaan howlaha ay halkaasi u joogaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dirtay Dalka Sacuudi Carabiya Guddi ka shaqeeya saacidaadda iyo la socoshada Xujeyda Soomaaliyeed, iyagoo kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay inta badan Garoomada ay ka degaan Xujeyda, goobaha ay ka deggen yihiin Dalka Sacuudiga iyo qaabka ay acmaasha u gudanayaan. View the full article
-
Marka (SMN) – Guddoomiyaha maamulka degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose C/laahi Cali Axmed (Waafow) ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen weeraro iyo qaraxyo la damacsanaa in la soo galiyo gudaha magaaladaasi. Waafow oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weeraro ay damacasanaayeen inay geystaan Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada dowladda ay heegan buuxa ku jiraan, islamarkaana ay ka hortagi doonaan waxkasta oo qatar ku ah nabad galyada. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-1-Cadaani.mp3 View the full article
-
Wasaaradda gargaarka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney waddo qorsheyaal ballaaran oo ay ku doonayaan in looga hortago xilliyada abaaraha iyo sidoo kale fatahaadaha wabiyada dalka mara. Mukhtaar Shire Xuseen, agaasimaha wasaaraddan ayaa sheegay in wasaaradda ay ku howlan tahay qorsheyaal ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa maareynta musiibooyinka. Wuxuu sheegay in muhiim ay tahay xilli walbo in la isku dayo sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo sidoo kale fatahaadaha, dadkana loo bari lahaa ka hortaggooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/agaasimaha-wazaaradda-gargaarka-somaaliya-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shalay gelin dambe dil toogasho ah ku fulisay nin ay sheegeen inuu ahaa Sixiroole. Toofgashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Fagaaraha lagu toogtay ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne iyo xubno ka tirsa Al-Shabaab. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ninkaasi ku eedeeyey in uu labo jeer Kufsaday gabar uu dhalay, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa 51 jir ahaa, waxaana maxkamad hootagta Al-Shabaab ay sheegtay inuu qirtay dhammaan eedeymahaasi. Muddooyinkii dmabe Al-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana dhawaan gobollada Jubbooyinka ay ku tootgeen dad ay ku eedeeyeen falal la xariira basaasnimo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagaga hadlo hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee BJFS . Ajandayaasha uu Golaha Aqalka sare Maanta ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka Shidaalka (Bartoolka), Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hawlgabnimada, iyo sidoo kale xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
When Somalia’s largely-appointed parliament and senate elected Mohamed Abdullahi Mohamed, or Farmajo as he is better known, president, there was optimism in the West Source: Hiiraan Online
-
Kampala (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in beri magaalada Muqdisho ay soo gaaraan saraakiil Kumaandoos ah oo tababar culus ku soo qaatay gudaha dalka Uganda. Saraakiishan oo gaaraya illaa 95 oo u badan dhalinyaro ayaa hal sano iyo bar tababar socday ku soo qaatay xerada Kambaba oo ku taalla degmada Mubende ee dalkaasi. Qaban qaabada munaasabad ay ku qalin jabinayaan saraakiishan ayaa haatan ka socota xerada Kambaba oo ah xero weyn oo lagu soo saaro ciidanka Uganda. La-taliyaha Madaxweynaha ee xagga ciidanka iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa ka qeyb galaya xafladdaasi. Gelinka dambe ee bari oo Axad ah ayey saraakiishan soo gaari doonaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo ka howlgali doono deegaano kala duwan. Uganda ayaa ka mid ah dalalka sida aadka uga qeyb qaata tababarida ciidanka dowladda, waxaana sidoo kale ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagaga hadlo hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee BJFS . Ajandayaasha uu Golaha Aqalka sare Maanta ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka Shidaalka (Bartoolka), Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hawlgabnimada, iyo sidoo kale xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida. View the full article
-
Dalka Faransiiska ayaa waxaa uu canshuur ku soo rogay shirkadaha tiknolojiyadda Mareykanka sida Facebook, Google iyo qaar kale, arrintaas uu ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump. Mr. Trump ayaa sheegay in arrintaas ay tahay cadaalad darro isaga oo intaasi raaciyey “ Faransiiska waxaa uu canshuur ku soo rogay shirkadaheenna tiknolojiyadda, haddiiba kuweenna ay ku soo rogeyso, kuwooda haku soo rogto”. Madaxweynaha Mareykanka oo sii hadlayey ayaa yiri“Waxaan ku dhawaaqi-doonnaa tallaabooyinka ka dhan ah, doqonnimada Macron, weligey ayaan sheegi jiray in khamriga Mareykanka uu ka fiican yahay kan Faransiiska”. Mar la weydiiyey, adiga maba cabi khamri ayaa dhihi jirtayey sidee ku ogaatay in khamriga Mareykanka ka fiican yahay kan Faransiiska? “ Midabka Khamriga Mareykanka ayaa jecleystay” Trump ayaa ku jawaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa waxaa uu yeeshay hoggaan cusub kadib markii uu madax ka noqday Gen. Stephen J. Townsend, waxaa uu badalay Gen. Thomas D. Waldhauser oo howlgab noqday kadib 43 sano uu shaqeynayey. Townsend oo goobta kala wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hoggaankan cusub isla markaana uu safar ku iman-doono bariga Afrika si uu si dhow ula socdo howlgalka ka socda Soomaaliya. Townsend waxaa uu horay u soo hoggaamiyey ciidamada Mareykanka ee ku sugan Iraq iyo Syria, waxaa uuna la wareegayaa howlgalka Afrika xilli ay dowladda Soomaaliya wajaheyso dhibaato xoog leh oo kaga imaaneysa Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay Qorayaal lagu marti-qaaday bandhiga Buugaagta Garoowe, ayaa si kooban u fasiray farriinta uu dirayo qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Xamar, ay tahay meel si weyn amnigeeda loo sugo, islamarkaana qaraxa ka dhacay halkaasi uu tusaale u yahay ,calaamad khatar ah oo muujinaysa rajo xumo cusub. “Xarunta waxaa la ii sheegay in security-gu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa” ayuu yiri Deni. Balse, madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu aaminsanyahay in qaraxaasi wax laga baran doono ” laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye”. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Kenya oo gaari xamuul ah ku gubay xadka Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Kenya gaari siday xamuul ay ku gubeen halkaasi. Gaarigan oo siday Sokor ayaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen ciidanka Argagixisa la dirirka ee dalka Kenya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay dhaawaceen wadihihii gaariga iyo qof kale oo la socday. Lama oga illaa iyo hadda ujeedada ka dambeysa falkaasi ay ku dhaqaaqeen ciidamada dowladda Kenya Inta badan ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa dhibaatooyin xoogan ka geysta deegaanada dhaca xadka Soomaliya. View the full article -
Addis Ababa (SMN) – Siddeedda Waddan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadkan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira Duqa Muqdishana ay ku dhaawacmeen. War ay si wada jir ah usoo saareen, laguna daabacay Jariiradda Strategic Intelligence, ayaa sidaa lagu sheegay. Urur Goboleedka IGAD wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo isu soo dhowaashaha Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka ka jira, dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan oo maalintaasi shir uga qeyb galay halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-27072019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo ka mid ah Musharraxiinta ugu caansan ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay sameysan doonaan guddi ka madax banaan kan doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland. Xidig oo Wariyeyaasha kula hadlayey Kismaayo ayaa shaaciyey inay wadaan qorshe ay ku sameysanayaan guddi doorasho oo dhex dhexaad ah, sida uu hadalka u dhigay. Musharrax Cabdirashiid Maxamed (Xidig) ayaa hoosta ka xariiqay in guddiga hadda jira ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe aysan ku shaqeyn wax Cadaalad ah. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay garab u yihiin Musharrax gaar ah, gaar ahaan Axmed Madoobe. Waxa kale uu sheegay in aysan soo xulin Odayaal sax ah, islamarkaana ay laga soo tagay Odayaashii Dhaqanka ee lahaa dhismaha Jubbaland. Doorashada Jubbaland oo dhaceysa bisha soo socota ee Augusto ayaa waxaa weli jira caqabado iyo tabasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com