Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,094
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa) Xisbiyada Qaranka Somaliland Oo Soo Af-Jartay Khilaafkii Ka Taagnaa Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada Source
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka. Tababarka ayaa loo furay ku dhowaad 200 bare oo loogu tala galay in ay sii tababaraan Macallimiinta Iskuullada ku yaalla Gobalka Banaadir . Tababarka barayaashan oo socon doona mudo 10 Maalmood ah ayaa waxaa bixin doona aqoonyahanno qibrad dheer u leh tababarka Macallimiinta Dugsiyada. Macallimiinta ayaa lagu tababari doonaa Manhajka ay dhowaan diyaarisay Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, oo ka kooban Fasallada 1-aad illaa 8-aad. Wasiir Goodax, ayaa sheegay si Manhajka ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya loo gaarsiiyo Dalka oo dhan, in ay ka go’an tahay in ay soo saaraan Macallimiin u tababaran. “Maanta waxaan furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada Dalka,Manhajka lagu tababarayo Macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada Soomaaliyeed” ayuu yiri, Wasiir, Goodax. Wasiirka ayaa sheegay in tayada waxbarashadu ay ka kooban tahay Macallinka iyo Manhajka, balse loo baahan yahay in la helo kormeer adag oo hubiya, si loo ogaado in ay si wanaagsan isula taabba qaadeen, isagoo intaa raaciyay in Dugsi kasta iyo hay,ad walba Fasallada 1-aad illaa 8-aad ay qasab ku tahay in ay ku shaqeeyaan Manhaj ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaad ayaa sheegaya in dagaal culus uu deegaanka Karin ee degmadaasi ku dhex-maray Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid ka dib markii Jabhada Caare ay ka soo baxeen Buurtii ay hore saldhiga uga sameysteen ee ku taalay deegaanada Ceerigaabo, isla markaan weerar ku qaaden deegaanka Karin oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iyaguna markiiba iska caabin kala hor-tagay ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare, midaasi oo sababtay iska hor imaad culus. Dagaalkan ayaa imaanaya kadib markii Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare ay shalay sameysay aag badalasho, iyadoona ka guurtay Buurtii ay saldhiga hore uga dhigatay, isla markaana u guurtay marin muhiim ah oo ku yaala degaanka Tabca. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, inkasta oo ay soo baxayaan tirooyin is-khilaafaya oo ku aadan ciidamada labada dhinac kaga waxyeeloobay dagaalkaasi. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa maanta daabacday war ku saabsan tacsi uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u diray dowladda iyo Shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi. Haddaba, arrintan kama degin dadka Soomaaliyeed, gaar ahaa kuwa isticmaala baraha bulshada iyada oo su’aalo badan ka weydiidey madaxweyne Farmaajo sababta uu uga aamusay dadkii ku waxyeeloobey qaraxii xarunta gobolka Banaadir 24-kii bishan, dadkaasi oo 9 ay dhinteen, waxaa kale oo dhaawac culus soo gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow. Dhacdadaas kadib madaxweyne Farmaajo ma hadlin, ma soo booqan, mana ku tukan, arrintaas oo iyadana su’aalo badan la iska weydiiyey. Halkan Hoose Ka Akhriso, Sida ay dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen tacsida uu Farmaajo u diray Tunis. Source: goobjoog.com
  5. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qoraal amarro ah soo saartay, waxaanu u qornaa sidan: Source: goobjoog.com
  6. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayaa ka qayb galay dhoolatus ay sameenayeen Ciidamada isu diyaarinaya ka qayb galka xuska 1da Augost. Source
  7. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ahlusunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb. Ciidankaan ayaa meesha ka saaray Ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan la geeyay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo Milatari kala socday Ciidanka Sunna iyo kuwa dowladda. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Ahlusunna ay diideen in Ciidamo hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, taas badalkeeda ay Amniga Magaalada ku sugi doonaan Ciidankii dhawaan la qarameeyay. Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa diiday in Ciidamo laga qaado Muqdisho laga geeyo Magaalada Dhuusmareeb,islamarkaana uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Kheyre iyo Madaxda Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb. Waxaa socda dedaalo la doonayo in ciidamada garoonka heysta laga saaro si dib loogu soo celi dhaq dhaqaaqii maalin laha ahaa ee ka socday. Wixii warar ah ee ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaa Insha Allah. Wararkii ugu dambeeyey qaabkii loo fuliyey qaraxii Xarunta Goboka Banaadir Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Xeeldhereyaal ka tirsan jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska ayaa ka digay khatar caafimaad oo ka dhalan karta nooc sonkorta ka mid ah oo caan ku ah in lagu macaaneeyo qaar ka mid ah cabbitaannada warshadaysan sida sharaabbada aan sonkorta lahayn iyo xanjadaha aan iyadana sonkorta lagu darin. Noocan sonkorta ah oo loo yaqaanno ‘Aspartame’ waxa ay leedahay magacyo kala duwan oo ay warshadaha soo saaraa ula baxeen, laakiin magaceeda rasmiga ahi waa Aspartame oo ka turjumaya samayskeeda. Eric Milston iyo Elizabeth Dawson oo ah laba xeeldheere oo cilmibaadhis ku sameeyey khataraha caafimaad ee ay sonkortani keeni karto ayaa sheegay in uu goldaloolooyin badan lahaa go’aankii sannadkii 2013 ka ay sii deysay hay’adda badbaadada cuntada ee Midowga Yurub, kaas oo sheegayey in sonkorta Aspartame aanay wax dhibaato caafimaad ah keenayn. Waxa ay labada khabiir hay’adda badqabka cuntada ee midowga Yurub ku dhaliileen in ay go’aankaas qaadashadiisa u cuskadeen natiijada daraasad ay sheegeen labada khabiir in ay aad u daciif ahayd. Eric iyo Elizabeth oo u warramayey wargeyska New York Post ee ka soo baxa dalka Maraykanku waxa ay hay’adda ku eedeeyeen in ay iska indhatirtay daraasado tiro badan oo caddaynayey in sonkortani ay khatar ku tahay caafimaadka. Eric oo isagu mar kale la hadlayey waregeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay dad tiradooda lagu qiyaasayo 250 ruux oo ay xeeldheereyaashu baadhis ku sameeyeen ay qireen in sonkortani ay ku keentay dhibaatooyin caafimaad. Kuwaas oo ay ka mid tahay caafimaad darro dhinaca neerfeyaasha ah. Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna ka digay in sonkorta samayska ahi ay mustaqbalka fog qofka ku keento Khalkhal dhinaca xarakaadka xubnaha ah. khalkhalkaas oo ay xeeldheereyaashu ku xidhiidhiyeen Khalkhal ay sonkortani marka hore ku keento caafimaadka caloosha iyo midhicirada. Aspartame waa mud macaan samaysa leh oo sonkorta caadiga ah ka macaan 2 boqol jeer laab, laakiin haddana Kalooriska ku jiraa ay ka yar yihiin xaddiga ku jira sonkorta caadiga ah. waxaa inta badan lagu daraa dhammaan cabbitaannada ay ku qoran tahay in aanay sonkor lahayn, oo inta badan ah kuwa loogu talagalay dadka macaanka qaba. Geeska Qaran News
  9. Stockholm (SMN) – Dowladda Sweden ayaa Staffan Tillander u magacaabatay in uu noqdo danjiraheeda cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, sidda ay xaqiijisay safaaradda Muqdisho. Tillander oo lagu waddo in uu xafiiska la wareego horaanta bisha September ee sanadkan 2019 ayaa wuxuu bedeli doonaa diblumaasiga Andreas von Uexk&uuml War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in safiirka cusub uu waayo-aragnimo badan u leeyahay Soomaaliya. ‘Tillander waxa uu khibrad balaaran uu ka haystaa Afrika iyo gobolka Geeska Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka. Uexkü oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa dowlad goboleedyadda dalka kuwii ugu dambeeyay ee uu socdaal ku tegay waxaa kamid ah Puntland iyo Jubbaland. Madaxda maamuladaasi ayaa wuxuu kala arrinsaday taageerada ay siiso dowladiisa, mashaariicyadda horumarineed iyo doorashooyinka waddanka kusoo fool leh sanadkan 2020-21. Sweden ayaa safka hore uga jirta wadamada Midowga Yurub iyo kuwa kale ee caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed ku garab-taagan Soomaaliya tan iyo burburka haatan laga soo kabanayo. View the full article
  10. Kismaayo (SMM) – Xeer ilaaliyaha ciidamada Jubbaland Maxamed Axmed Yaasiin ayaa soo saaray amar culus oo ku socda ciidamada maamulkaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu wargeliyey ciidamada ay ka madax banaanadaan doorashada hoggaanka maamulka Jubbaland. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  11. Baarlamaanka Puntland oo mamnuucay konteenarada Berbera Xukuumadda Puntland ayaa dheg jalaq u siin go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka, kaas oo lagu mamnuucay konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland. Baarlamaanka Puntland ayaa go’aan ay soo saaareen 8-bishan July ku macnuucay konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera , ee la keeno degaannada Puntland. waxayna Goluhu sheegeen in ay curyaamin ku yihiin dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland. Guddiga dhaqaalaha Baarlamaanka oo warbixin jeediyay xiligaas ayaa tilmaamay in konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ay fududeeyeen Wasaarahada Maaliyadda iyo Ganacsiga Puntland, ayna sababi karto arrintaasi in ay howl-gab noqoto dekedda Boosaaso, oo ay xuseen in taxaa laga yaabo in xoolaha laga dhoofiyo loo wareejiyo Berbera, madaama doonyihii qaadi jiray oo badeecooyinka keeni jiray ay joog sadeen. Kadib go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka Puntland waxaa wali si xowli ah ku socda badeecooyinka ka soo dega dekedda Berbera ee Somaliland, waxaana maagaalooyinka waaweyn ee Puntland lagu dhex arkayaa gaadiid xanbaarsan konteenaro laga keenay Berbera. Somaliland ayaa konteenarada ka soo dega dekedda Berbera ka qaada khidmad kaliya, halka Puntland ay ku canshuurto Kastamka Tukaraq, waxaana daagiidka badeecooyinkaas soo qaada intooda badan laga leeyahay deegaanada Somaliland. Mid ka mid ah daadiidka konteenarada ka soo qaada Berbera Badeecooyin badan oo ka yimaada China, Turkey iyo meelo kale ayaa hadda si toos u yimaada dekedda Berbera, kuwaas oo gaadiid ku soo daabulo Puntland, halka markii hore lagu soo furfuri jiray Dubai iyo Salaalah, kadibna doonyo loogu soo qaadi jiray Puntland. Macaamilka ganacsi ee Somaliland iyo Puntland ayaa imanaya, iyadoo labada maamulka ay ku muransan yihiin gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo dhowr jeer dagaallo dhiig ku daatay ku dhexmaray labada dhinac. PUNTLAND POST The post Puntland: Go’aan ka soo baxay Baarlamaanka oo aan dheg jalaq loo siin appeared first on Puntland Post.
  12. Saddexda Xisbi ee Somaliland oo kala ah Kulmiye Waddani iyo UCID ayaa maanta ka heshiis ka gaadhay doorashada Golaha wakiilada iyo Golayaasha degaanka Somaliland oo wakhtigoodi dhaafay. Saddexda xisbi ayaa ku heshiiyay in Golaha wakiilada Somaliland ay diyaariyaan mooshin lagu kordhinayo guddiga doorashooyinka Somaliland oo hadda ah 7 xubnood waxaana ay isku raaceen in saddex xubnood oo cusub lagu daro guddiga. Sidoo kale waxay isku raaceen in guddiga doorashooyinka Somaliland ee hadda dhisan ay diyaariyaan diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha halka guddiga doorashooyina la soo dhisi doono ee Somaliland ay qabtaan diiwan-gelinta cod-bixiyaasha iyo doorashada labadaba. Hoos ka akhriso dhammaan qodobada ay isku raaceen PUNTLAND POST The post Xisbiyada Somaliland oo heshiis ka gaadhay doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha degaanka appeared first on Puntland Post.
  13. Doha (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Doha ee dalka Qadar ayaa sheegayo inuu weli xaalad deg deg ah ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow kaasoo dhaawaciisa maalin ka hor la geeyey halkaas. Dhaawacyadaan oo gaarayo illaa 12 ayaa waxaa la dhigay Hamad General Hospital oo ah Isbitaalka ugu weyn oo ay leedahay Dowladda Qadar. Dhaqaatirta ayaa sheegay inuu Yariisow weli ku jiro xaalad deg deg ah, isla markaasna ay la tacaalayaan ilaa hadda sidii uu ugu soo laaban lahaa xaalad degan. Dhaawacyada ayaa labo qeyb loo kala qeybiyay, qeyb dhaawacyada culus oo uu ku jiro Guddoomiye Eng, Yariisow oo la dhigay qeybta sare ee dhismaha Isbitaalka Hamad, halka qeybta kale la dhigay ee hoose. Ehelada dhaawacyada ayaa la dejiyay Hotel ku dhow Isbitaalka, si ay xaaladooda ula socdaan, waxaana Safaaradda Soomaaliya ee Doxa ay qaabilsaneyd howlaha isku xirka ehelada iyo bukaanada. Dhaawacyadaan ayaa yimaadeen kadib markii qof la sheegay inay dumar aheyd ay isku qarxisay bartamaha shir u socday Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka inkastoo ay Al-Shabaab sheegtay inuu qaraxa ahaa mid meesha lagu diyaariyey. Dhanka kale Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galay muddo fasax ah kaddib weerarkii Arbacadii ka dhacay Xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Gobolka ayaa sheegay in shaqaalaha gobolka ay galeen saddex maalmood oo fasax ah. Waxaa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Arbacadii ka dhacay Xarunta dowladda hoose halkaas oo uu qarax ka dhacay iyada oo uu ka socday kulan looga hadlayay amniga Muqdisho. Afhayeenku sooma hadal qaadin xaaladda caafimaad ee Duqa Muqdisho oo ka mid ah dadka weerarkaas ku dhaawacmay islamarkaana loo qaaday dalka Qadar. Dhinaca kale Saalax Dheere ayaa sheegay in Guddigii loo saaray in ay weerarkaas baaris ku sameeyaan wali wadaan howsha baarista islamarkaana natiijada ay soo saaraan laga war dhowrayo. Wararkii ugu dambeeyey qaabkii loo fuliyey qaraxii Xarunta Goboka Banaadir Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Balacad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Ilbaq oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Goobjooge la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in lagu dilay 6 ka mid ah ciidanka AMISOM, sidoo kalena lagu gubay mid ka mid ah gaadiidkooda. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka taliska AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-c-qani.mp3 View the full article
  15. Ilo’wareedyo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa laga soo xigtay in khilaaf iyo muran uu ka dhashay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta la geyn lahaa Dhuusamareeb si ay qeyb uga noqdaan sugidda amniga degmadaasi. In ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in saaka la geeyo magaalada Dhuusamareeb ayaa sida la sheegayo lagu baajiyay amar ka soo baxay maareeyaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo faray in diyaaradda ciidamada sidday aysan ka soo degi karin garoonka. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in hoggaamiyaha Ahlu-sunna Macallin Maxamuud uu amar ku bixiyay in aan ciidamo ka socda magaalada Muqdisho ama ka baxsan maamulkooda aan la keeni karin degmada Dhuusamareeb. Dhinaca kale Ciidamo ka gadoodsan arrima la xiriira mushahar ayaa maanta hakad geliyeen howlihii garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb balse markii dambe gadoodkooda la xalliyay. Gadoodka ayaa la sheegay in ay sabab u ahaayeen rag markii hore saraakiil ahaan loo qoray balse loo diray Mushahaar le’eg kan askariga caadiga ah sidaasna ku carooday maadaama mushaarka askariga iyo sarkaalka aanay is le’ekaan karin. PUNTLAND POST The post Khilaaf ka taagan magaalada Dhuusamareeb iyo ciidamo Federaal ah oo loo diiday appeared first on Puntland Post.
  16. Beledweyne (SMN) – Wararka laga helayo Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya qarax xoogan lagula eegtay gobolkaasi. Qaraxa oo Miino ahaa ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa shaaciyey inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Ma shaasin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  17. Hours after taking charge of U.S. Africa Command Friday, Gen. Stephen J. Townsend, was at work assessing the state of operations on the continent where he now leads military efforts. Source: Hiiraan Online
  18. Ceerigaabo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay duleedka degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland iyo Jabhadda Dulmidiid ee uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac Caare. Sida la sheegay dagaalka ayaa yimid, kadib markii Somaliland ay weerar ku qaaday fariisin ciidamo taabacsan Col Caare ay ku leeyihiin deegaanka Karin ee gobolka Sanaag. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka oo socday muddo kooban ayaa la’isku adeegsaday hubka nuucyadiiska kala duwan. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa weli si hor fadhiya dhinacyadii ku diriray halkaasi. Ciidamada S/land iyo kuwa Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa dhowr jeer ku dagaalamay qeybo ka mid ah gobollada Sool Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-27072019.mp3 View the full article
  20. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo booqasho howleed ku jooga Dalka Maraykanka, ayaa qurba joogta Soomaaliyeed kula kulmay Magaalada Washington DC ee caasimadda waddankaasi, isagoo faah-faahin ka siiyay guulaha dhaqaale ee ay Dowladdu gaartay iyo waxyaabaha la tiigsanayo. “Sharaf ayay iitahay in aan khudbad muhiim ah ka jeediyo shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Magaalada Washington oo aan u faa- faahiyay guulaha dhaqaale ee aan gaarnay iyo inta weli aan tiigsaneyno ku guuleysigooda” ayuu yiri wasiir Beyele. Wasiir Beyle, ayaa qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay dedaalka ay muujiyeen iyo dhaqaalaha ay soo diraan , taas oo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee Dalka ka jira, wuxuuna intaa ku daray in looga baahan yahay in looga baahan yahay wax qabad intaa kasii badan. Wuxuu sheegay Wasiirku in aysan jirin cid marti ka ah horumarka Soomaaliya qurba joog iyo dal joog midna, wuxuuna ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dhismaha dalka. “Horumarka Soomaaliya cid marti ka ah ma jirto qurbe ama kuwa dalka jooga, waa inaan wadajir uga wada shaqeynaa, Dalkasta Dadkiisa ayaa dhisa, Soomaaliya Soomaali uunbaa dhisi karta” ayuu sii raaciyay wasiirka. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo Qurba-joogta Soomaaliyeed ku amaanay dhaqaalaha ay dalka soo geliyaan appeared first on Puntland Post.