-
Content Count
209,094 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Traders in the local cattle market located in Sharjah have been advising early customers of sacrificial animals for Eid Al Adha to wait till next week as the shipment of livestock from India arriving soon. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa inay xabsiga ka saarto Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, una wareejiso xabsi guri, sida ay ilo-wareedyo ku dhow wadaadka u sheegeen Caasimada Online. Roobow ayaa ku jira xabsi ku dhex yaalla xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, oo lagu hayey tan iyo markii laga soo xiray magaalada Baydhaba bishii 13-kii December ee 2018. Sababta xabsiga guriga loogu wareejinayo Roobow ayaa lagu sheegay in dadka isaga ku dhow ay ka walaacsan yihiin inuu u baylahan yahay in Al-Shabaab ay ku dhex beegsato xabsiga, waxayna dalabanayaan in lasii dayao. Waxaa sidoo kale jirta in xaaladda caafimaad ee Roobow aysan wanaagsaneyn bilihii dhowaa, waxaana la rumeysan yahay in xabsiga guriga uu uga wanaagsan yahay xabsiga caadiga ah. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa 24-kii June laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay muddo 5 habeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka iyo eheladiisa. Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsanaya Kiliyaha waxaana la sheegay in uu aad u dhamaaday islamarkaana ay ka sii dareyso xaaladda Caafimaad. Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ku taliyay in Sheekh Mukhtaar loo qaado dibadda si loogu soo daweeyo. Waxay markaas ahayd waqtigii labaad oo muddo ka yar 40 cesho Isbitaal la dhigo Abuu Mansuur. Bartimihii ramadaanka ayaa sidoo kale Roobow la dhigay Isbitalka. Mukhtaar Roobow, waa adag tahay in dal walba loo qaado sida wadamada Caafimaadka ku wanaagsan sida Hindiya iyo Germany balse waxaa la filayaa in loo qaado Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalka Qatar oo aad u taageera Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Ambassador Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guryo iyo dhul ka iibsaday magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Caasimada Online ayaa ogaatay in dhowr bilood ka hor uu Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaaan Guri wayn uu ka iibsaday magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga waxaana la sheegay in uu yahay gurigii 2-aad ee uu ka iibsado Turkiga. Gurigaan oo ka kooban dhismo casri ah iyo dhulka uu ku yaalo ayaa sidoo kale leh beer lagu nasto iyo Baraag lagu qubeysto, waxaana lagu tirayaa guryaha dadka sar sare ay dagaan. Turkiga waxaa lagu tiriyaa dalalka ay aad u hooseyso qiimaha noolasha ama qarashka ku baxa, waxaana ku soo badanaya shaqsiyaadka Soomaalid ah ee halkaas degaanka ka dhiganaya islamarkaana ka iibsanayo Guryo. Guryahaan ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka loo iibiyay bilo kadib markii laga soo laabtay buuq iyo guuxii siyaasadeed ee ka dhashay Warbixintii Guddiga Maaliyadda taas oo sababtay Khilaafka Madaxda Dowladda Markii dambane lagu xaliyay in uu tanaasulay Guddoomiye Mursal. Iskuday aan kula xiriirnay xafiiska Mursal, si ay jawaab uga bixiyaan nooma suurta-gelin inaan helno. Haddii ay nala soo xiriiraan si ay uga jawaabaan arrintan waan idinla soo socodsiin doonnaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Karin ee degmada Ceerigaabo, ee u dhexeyay Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dagaalkii saaka ka dib ay dagantahay xaalada guud ee deegaankii lagu dagaalamay, isagoona xusay in dadaalo ay wadaan Mas’uuliyiinta xukuumada iyo odayaasha gobolkaasi. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dib u bilowdeen oo meel fiican ay mareyaan wada-hadalada u socda Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare, isla markaana arrinta lagu dhameyn doono jawi nabadeed. Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Saaka xoog bey xiisadu u kacday ilaahay mahadii wey dagantahay himika, odayaashi, taliyayaashii ciidamada, badhasaabkii halkii bey ka wadaan waxay ku soo noqotay arrintii nabada ee wada-hadalka, taasina waa ilaahay mahadii”. “Arrinta maanta ka taagan Sanaag, wey dhamaan doonta sidan hore u sheegay, nabadna wey ku dhamaaneysa, wax walba waqti ayey leeyihiin, midhaha geedku markay bislaadan iyaga soo dhaca, iyadoo cidina soo goyn, dadka nabadu waqti baa la siiya, qof-walba waa dhageysta waqti bey qaadata weyna daal badantahay, laakiin taladu iyadoo fiican oo bislaatay soo gu’i doonta”. Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu xukuumad ahaan, annaga oo aan sharciga dalkana ku xad-gudbaynin waxannu diyaar u nahay in wax kasta oo xaggayaga dulqaad, qaboojin iyo gacan walaaltinimo ahba aannu u fulinno oo dabcinno kaliya wixii sharci ah ee aan la dhaafi karaynin mooyaane”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog cusub ka heshay xiisadda cusub ee u dhaxeysa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo kooxda Ahlu-Sunna, xilli la rumeysnaa in ra’iisul wasaaraha uu soo afjaray dhibaatadii Galmudug. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in waxa ugu weyn la isku hayo ay tahay 35 xildhibaan oo Ahlu-Sunna ay dooneyso inay ku yeelato baarlamanka cusub ee Galmudug. Arrintan ayaa waxaa la sheegay inay hore isugu afgarteen ra’iisul wasaaraha iyo Macallin Maxamuud oo ah hoggaamiyaha Ahlu-Sunna. Si kastaba, inta badan beelaha Galmudug ayaa ku gacan seeray in xildhibaanadooda la hoos geeyo Ahlu-Sunna, waxayna dalbadeen in ay beel ahaan u qaataan. Ra’iisul wasaaraha oo markii hore raali ka ahaa in Ahlu-Sunna ay maamusho 35 xildhibaan, balse qaab beel ahaan ay u qeybisyo, ayaa beddelay mowqifkiisa kadib markii uu ogaaday inay sii kordhayaan beelaha diidan arrintan, xilli markii horeba ay dhowr beelood diidanaayeen. Kheyre si rasmi ah uma diidin dalabka Ahlu-Sunna, balse wuxuu isku dayayaa inuu maaweeleeyo ilaa shirka Galmudug, hase yeehsee Ahlu-Sunna ayaa dalbatay in heshiiska qodobkan si rasmi ah loo saxiixo, islamarkaana beesha caalamka ay marqaati ka noqoto Ahlu-Sunna ayaa rumeysan in haddii ay soo xusho 35 ka mid ah xildhibaanada Galmudug ay maamuli doonto doorashada, islamarkaana xaqiijin karto in madaxweyne uu noqdo qofka ay ayada dooneyso. Dowladda ayaa maanta isku dayday in ciidamo dheeraad ah la geeyo Dhuusomareeb si ay awoodda halkaas ugu qabsato Ahlu-Sunna, hase yeeshee Ahlu-Sunna oo ka war heshay ayaa ciidan badan gaysay garoonka, kana hortagtay isku daygan. Xiisadda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana arrintan ku jira wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Sabriyem, oo isku dayaya inuu isku soo dhoweeyo Kheyre iyo Macallin Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday mid ka mid dhaawacyadii loo qaaday Magaalada Dooxa ee Qatar. Maxamed Cusmaan Cali ayaa Galabta ku geeriyooday isbitaalkii Xaaladdiisa Caafimaad lagula Tacaalayay. Sidoo kale, waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Cabdalla Caaqil oo kamid ahaa mas’uuliyiintii dhaawaca daran uu ka soo gaaray qarixii xoogganaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha Aqalka dowladda Hoose. Marxuumka oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq, ayaa kamid ahaa dadkii ugu darnaa dhaawacyada xun ay ka soo gaareen qaraxa, waxaana suura gali weysay in loo qaado dalka Qatar. Qaar kamid ah eheladiisa, ayaa Warbaahinta u sheegay in Maxamed Cabdalla Caaqil ku xirnaa Ogsajiin, taasoo suura galin weysay in mar qura laga furo, si uu qeyb uga noqdo mas’uuliyiintii dalka laga dhoofiyay Khamiistii. Waxa uu noqonayaa mas’uulkii 8-aad inta la xaqiijiyay ee gobolka Banaadir uga geeriyootay qaraxa oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Shabaab, wallow bartilmaameedka weerarka ay ku micneeyeen inuu ahaa James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobe, kaasoo Saacad kahor goobta isaga tagay. Waxaa hore loo xaqiijiyay geerida Gudoomiye-yaasha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Waaberi, Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/laahi Dheere, Abukaate Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa La-taliyihii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye, halka ay ku dhaawacmeen masuuliyiin uu ugu sareeyo Duqa Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Al Hajji Hussein Gouled Stadium ee dalka Jabuuti ayaa marti geliyay kulan ciyaareed xiiso badan uu u dhaxeeyay xulka dalkeena Soomaaliya iyo wadanka Uganda waxayna ciyaartan ka tirsaneyd tartanka African Nations Championship 2019 (Chan). Qeybta 1-aad labada dal ayaa dadkii kasoo qeyb galay kulankan usoo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,inkastoo xidigaha xulkeena ay sameeyeen fursado badan oo goolal ah,balse dhamaadka qeybta kowaad garsooraha reer Itooobiya ayaa xulka Uganda u dhigay gool laad waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Patrick Kaddu. Markii leysku soo laabtay dheesha wiilasha xulka Uganda ayaa helay goolkii 2-aad waxaana Daqiiqadii 64-aad kubbadd laad xor ah am (Free Kick) dhaliyay Kizza Mustafa,Daqiiqadii 83- xulka Uganda ayaa dhaliyay goolkii 3-aad waxaana u dhaliyay Taddeo Lwanga. Dhamaadkii kulanka laacibka kooxda Horseed Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) ayaa fursad uu ka shaqeeyay waxaa gool qurux badan u badalay isla xidiga naadiga Horseed Farxaan Maxamed Axmed wuxuuna kulanka kusoo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku qaateen xidigaha xulka Uganda. “Ma garanayo waxa aan u sheego taageerayaasha dalkayga,balse kaliya waxaan lee nahay naga raali noqdo wixii Allah inoo qoray ayaan helnay waxaa ku da’daalaynaa kulan xiga aan Uganda kula dheelayno gurigooda” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay katanka xulka qaranka Soomaaliya Cabdicasiis Catoosh. Safka Xulka Qaranka Lagu Soo Bilaaway Gool Haye-Mustaf Maxamed Yuusuf (Heegan) Daafacyada-CabdiWali CabdiRaxmaan (Dekedda),Ayman Maxamed Xuseen (Midnimo) Siid Cali Baana (Dekedda),Noor Cali Xasan (Horseed) Qadka Dhexe-Ibraahim Cabdi Maxamed (Horseed),Feysal Axmed Xasan (Muqdisho City Club),Cumar Xaaji Baanow (Heegan) Weerarka-Feysal Xasan Xaashi (Dekedda),CabdiMajiid Cusmaan (Dekedda),Mahad Cabdqaadir (Jeenyo) Si kastaba xulalka Soomaaliya iyo Uganda ayaa 02-08-2019 ku dheelaya magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaana xidiagaha xulka looga fadhiyaan in ay iska dhaqaan ceebtan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay soconayaan wadahadallo ku saabsan heshiis ganacsi “oo aad muhiim ah” oo uu la leeyahay UK. Heshiis labada dal ay yeeshaan kaddib markii Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub ayaa waxaa suuragal ah inuu horseedo ganacsi ka badan “saddex ilaa afar, xitaa jeer” midka haatan jira, waxaa sidaasi sheegay madaxweynaha Mareykanka. Kaddib markii uu Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay Boris Johnson, ayuu Mr Trump waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub uu noqon doono mid “weyn”. Mr Trump ayaa sheegay in ganacsiga markii hore ka dhaxeeyay Mareykanka iyo UK ay “waxyeeleysay” xubinnimadii Britain ee Midowga Yurub. Haddaba markii UK ay Midowgaasi isaga baxdo, ayuu ku daray, waxaa laga filan karaa “inay wax badan” ka qabato gacansiga kala dhaxeeya Mareykanka. Mr Johnson iyo Mr Trump ayaa sheegay inay “sida ugu dhaqsiyaha badan” u bilaabi doonaan wadahadallada rasmiga ah kaddib markii Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub. Inta UK ay ka tirsan tahay Midowga Yurub ayaanay geli karin heshiisyo ganacsi oo u gaar ah. Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurubna waxaa lagu wadaa inuu dhaco 31 bisha Oktoobar ee soo aaddan. Muxuu yahay heshiis ganacsi? Heshiisyada gacansi ayaa waxa ay dhexmaraan laba ama in ka badan dalalka caalamka kuwaas oo isku afgarta qaabka ay badeecadaha isku dhaafsadaan iyo adeegyadaba. Heshiisyada ayaa waxaa loogu talagalay in sare loogu ganacsiga sidoo kalana meesha loogaga saaro waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara ganacsiga. Waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara ganacsiga waxaa ka mid ah canshuuraha la saaro alaabaha uu dalka dhoofiyo ama la soo dego ama in meesha laga saaro shuruucda ku saabsan arrimaha sida badqabka. Maxaanay Mareykanka iyo UK heshiis ganacsi u lahayn? Si kooban Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaanan lahayn heshiis ganacsi. Xiriirka kastamyada ee Midowga Yurub ayaa waxa uu mamnuucayaa in dal ka tirsan Midowga uu heshiisyo ganacsi dal kale kala xaajoodo. Taa badalkeedana heshiisyada ganacsi si guud ayaa loo gala. 2013-kii Madaxweynihii Mareykanka ee waqtigaas Barack Obama, ayaa Mareykanka iyo Midowga Yurub waxa ay bilaabeen barnaamij wadaxaajood ah oo loo yaqaan Ganacsiga dalalka dhaca badda Atlantic-ga iyo Iskaashiga Maalgashiga ee loo soo gaabiyo TTIP. Heshiiskaasi ganacsi ee la soo jeediyay ayaa waxaa hakiyay Mareykanka kaddib markii xilka madaxtinimada loo doortay Mr Trump, hasayeeshee Midowga Yubub ayaa waxa uu meel mariyay wadahadallo cusub in la galo. Muddo intee la eg ayey qaadan kartaa in Mareykanka iyo UK ku heshiiyaan heshiiska ganacsi? Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa iyo hadda hay’adaha amaanka Soomaaliya waxay wadaan baaritaanka dadkii soo abaabulay weerarkii lagu qaaday Xarunta maamulka gobalka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo masuuliyiin ah. Hay’adaha ammaanka waxay si gaar ah u baarayaan gabar hogaamiye u aheyd haweeneyda la aaminsan yahay in ay is qarxisay ee aragga naafada ka aheyd taas oo lagu magacaabo Basiiro Cabdi Maxamed. Sidoo kale hey’adaha amaanka ayaa wada dedaal ay ku raadinayaan in ay soo helaan qoyska iyo gurigii ay ku nooleed Basiiro Cabdi Maxamed oo la sheegay in ay is qarxisay. Raadadka baaritaanka ayaa la aaminsanyahay in uu saameyn ku yeelan doono masuuliyiin ka tirsan hey’adaha ammaanka ee Gobalka Banaadir iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Busra ayaa waxaa la sheegay in maamulka gobolka uu u geeyey xildhibaan ka tirsan dowladda kana codsaday in loo shaqaaleeyo. Ciidamada Dowladda ayaa xalay baaray ilaa 2 guri oo la sheegay in lagu tuhmay in Al-Shabaab ay ka soo abaabuleen weerarkii Xarunta Gobalka Banaadir, kuwaas oo ay dagan yihiin Xubno ka tirsan Dowladda Hoose oo aan magacooda la shaacin Rajo wayn lagama qabo in sida xogta loo helo iyo baaritaankii la sameeyay natiijadiisa in ay Dowladda Soomaaliya ku shaqa geli doonto maadaama kiiskaan uu lagaha la sii galayo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidaan oo kale qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliyeen xarumo dowladeed baaritaan ku sameysay kadibna meel dhexe uga soo hartay kadib markii uu lugaha lagalay masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
NAIROBI: Deployed in one of the world’s most dangerous conflicts, Somali soldiers risking their lives daily against Al-Shabab insurgents were growing weary of being paid months late and shortchanged by their superiors. “We never received the complete amount,” a captain told AFP on condition of anonymity, grumbling about “middlemen” who syphon off troops’ meagre wages — some as low as $100 a month — and plunder budgets meant for weapons, rations and uniforms. Then in March, his pay arrived on time, in full and straight to his bank account, in what officials say is the first step in a radical shake-up of its graft-ridden armed forces. The government, under pressure from foreign backers, has started paying troops directly, bypassing army commanders previously tasked with disbursing their pay but diverting the money instead. Under the new system, payments are linked to a biometric database containing soldiers’ fingerprints, personal details and bank accounts, replacing patchy records kept on Excel spreadsheets. Officials say about 10,000 “ghost soldiers” were expunged from the records — roughly one in three troops according to government estimates, though analysts questioned these figures. These fictitious troops either did not exist at all or had long ago deserted. By taking control of salary payments, Mogadishu is seeking to cut out powerful commanders who for decades ran the Somali National Army (SNA) “as private fiefdoms,” Fiona Blyth from the UN Assistance Mission in Somalia wrote in an April report. The shake-up was fiercely resisted in some quarters of the army, with several soldiers deserting their barracks in March in protest. But the government is pressing ahead. In July it also began registering fighters from an allied militia into its security forces, and identifying older or injured soldiers for retirement. Mogadishu says the reforms are a milestone in decade-long efforts to rebuild the army into a force capable of taking over when the roughly 20,000 African Union AMISOM peacekeepers leave. “We are not there yet. A lot of things need to be done first… but ultimately I think it will be a game changer,” a government adviser told AFP. African soldiers were deployed in 2007 to provide muscle until Somalia’s army could stand on its own. AMISOM’s withdrawal is slated for 2021. Somalia’s donors have long complained that there is little to show for the hundreds of millions poured into rebuilding the SNA. In 2017, after a decade of international money and support, an internal review concluded the army was a “fragile force with extremely weak command and control and military capabilities.” Many units lacked weapons, basic medical supplies and even uniforms. That same year, the United States suspended aid for the SNA over fraud concerns. But recent efforts to boost accountability and professionalism in the military have struck a chord with traditional allies. The United States announced this month it was resuming limited, non-lethal assistance to an army unit in Lower Shabelle, where SNA and AMISOM troops liberated key towns from Al-Shabab in April and May. “The US notes several Somali-led steps toward security sector reform over the last year, notably the biometric registration,” a State Department official told AFP. Mohamed Ali Hagaa, a cabinet minister and top defense official, told AFP this “clearly demonstrates increased confidence in the security sector.” Analysts say the reforms, though important, gloss over a sobering reality: the SNA is nowhere near ready to secure a nation mired in civil war, clan violence and jihadists still controlling swathes of countryside. “It’s really an army in name only,” said Matt Bryden, director of Nairobi-based think tank Sahan. “Just because an individual has been biometrically registered and is on some payroll list, doesn’t mean that they are actually a trained soldier in a formed unit.” The SNA faces a formidable foe in Al-Shabab, which this month alone bombed the Mogadishu mayor’s office, blew up a checkpoint near Somalia’s international airport and stormed a hotel with gunmen, collectively killing 49 people. In January, heavily-armed jihadists overran a military camp on the outskirts of Kismayo, killing at least eight soldiers in one of their frequent ambushes of SNA locations. Efforts by Somalia’s international partners to ready the SNA for war have been criticized as being uncoordinated and piecemeal. Some are trained by the British, others by the EU or the Turkish. Until 2018, the United Arab Emirates drilled its own troops in Somalia while the US, which focuses on drone strikes and Somalia’s special forces, mentors another unit. Encouraging these myriad stakeholders — all with their own strategic ambitions in the Horn of Africa nation — to work together has been difficult, say analysts. Until this happens, the SNA would be “highly uneven in their effectiveness,” said Paul D. Williams, associate professor at the Elliott School of International Affairs at George Washington University. “Ideally, greater coherence would come from fewer partners directly training and mentoring the SNA. But no single country has proved willing to offer the entire package,” he said. Source: AFP
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal kasoo saaray qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa Shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan isla markaasna aan la marin habaabin Kiiskaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Caasimadda wuxuu u ahaa usbuuc murugo badan. Waxaan luminnay dad muhiim u ahaa geedigeenna soo kabashada, rajada mustaqbalka iyo halganka horumarka. Allaha u naxariisto dhamaantood, inta dhawaca ah ee uu ku jiro walaalkeen Gud Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Allaha caafiyo. Waxaan arkaa su’aallaha faraha badan oo ay shacabku iska weydiinayaan dhacdadii xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa jira walaac badan oo la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana muuqata in hay’addaha amniga looga fadhiyo warbixin faah faahsan iyo talaabooyin cad cad. Markii noogu dambeysay xarunta Dowladda Hoose dhamaan waxaa shaqeynayay kaamirooyinka CCTV-ga kuwaas oo ku xirnaa Albaabka koowaad ee laga soo galo xarunta ilaa iyo hoolka shirarka oo ay mashaqadu ka dhacday. Taasi waxay ka dhigantahay in baaritaanku fudud yahay oo caddeymo raad-raac leh la heli karo. Shacabku waa in ay is dejiyaaan oo aan natiijada laga hordhicin, sidoo kalena aan kiiska la marin habaabin. Waxaan ku kalsoonahay in arrintani ay wax badan kaga duwanaan doonto dhacdooyinkii hore madaama raad-reeb (CCTV) la heysto. Sida ay noqoto natiijadda baaristan, waxay fasiri doontaa heerka kalsoonida laamaha amaanka iyo sida ay Xafiisyadeenna Sare u yihiin goobo aamin ah. Waxaan ku talinayaa in masuuliyad dheeraad ah la iska saaro baarista oo aan marnaba la sahlan. Caasimada Online Xafiiska Mudqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay qorayaal lagu marti-qaaday bandhiga Buugaagta Garoowe, ayaa si kooban u fasiray farriinta uu dirayo qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Deni ayaa sheegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Xamar ay tahay meel si weyn amnigeeda loo sugo, islamarkaana qaraxa ka dhacay halkaasi uu tusaale u yahay calaamad khatar ah oo muujinaysa rajo xumo cusub. “Xarunta waxaa la ii sheegay in amnigeedu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa” ayuu yiri Deni. Balse, madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu aaminsan yahay in qaraxaasi wax laga baran doono. “laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye.” Ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland. “Waxaan rajeynayaa in umadda Soomaaliyeed amniga u feejignaadan. Hadan dad Soomaali ah fududeyn way adkaaneysaa in waxay doonan ay fuliyaan,” ayuu Deni ku daray. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Shirkadda Gadiidka Ee Dhaweeye Oo Ku Guulaysatay Abaal Marinta Somaliland Awards. Adeegga Dhaweeye oo ah adeeg casri ah oo mobile app ah isla markaana aad ku dalbankarto gaadhiga kuugu dhow ayaa ku guulaystay abaalmarintii ganacsiga ugu fiican Somaliland ee loo yaqaan Bussiness of the year award waxana abaalmarinta guddoonsiiyey wasiirka wasaaradda Maalgaashiga ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cawed. Abaalmarintan oo ah mid sannadle ah ayaa waxa qabta Somaliland Awards, waxana sannadkan ku tartamayey saddex ganacsi. Adeegga Dhaweeye waa adeeggii Noociisa ah ee ugu horreeyay ee laga hirgeliyo dalka, isaga oo sameeyay shaqo abuur aad u ballaadhan. Waxa uu shaqo abuur u sameeyay darawalo tiradoodu gaadhasyo 2000 oo darawal, isaga oo isku xidhaya darawalka iyo macmiilka. Adeegga Dhaweeye waxa aad ku dalban kartaa laba hab oo ah in aad applicationka ka dalbato gaadhiga kuugu dhow adiga oo kala soo degaya playstore-ka amaba appstore-ka iyo adiga oo soo wici kara numberka 3000 ee callcentre ka. Dhaweeye Company waxa uu hiigsanayaa in uu noqdo adeegga ugu weyn ee geeska Africa isku xidha macaamiisha iyo darawalada, iyada oo adeeggu ka shaqeeyo hadda 7 Meelood oo geeska Africa ka mid ah. Ugu danbayn adeegga Dhaweeye waxa uu u mahadnaqayaa macaamiisha sharafta leh ee ku xidhan adeegga Dhaweeye isla markaana u coddeeyay ee u gartay in uu noqdo ganacsiga sannadkan ugu fiicnaa. Source
-
Kulankan ay wada yeesheen Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa Looga hadlayay Xeerka Saxaafadda ee dhowaan ansixiyeen golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qorshe howleedka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Xarunta golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado dheer ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macallin Cumar Nadiir, waxa uu sheegay in wasiirka uu gudiga uga warbixiyay tubaha Wasaaradda warfaafinta ku shaqayso, Warbaahinta Dowlada iyo kuwa Madaxa Bannaan Horumarka iyo Caqabadaha haysta. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa ka warbixiyay qorshaha Wasaaradda iyo tubaha ay Wasaaradda ku shaqayso iyadoo gudigan ay lee yihiin wada shaqayn dhow ayna ka wada shaqayn doonaan xeerka saxaafadda ee dhowaan Ansixiyeen Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo la xiriira Horumarinta Warbaahinta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta suxufiyiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com