Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,124
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka lagu soo bandhigay qaraxyo ay xaafado ka tirsan Boosaaso ka soo qabteen ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Ciidanka PSF ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda lagu magacaabo Buuraha ee magaalada Boosaaso waxay ku soo qabteen qaraxyadan oo kooxihii diyaariyay ay doonayeen in ay amniga magaalada ku dhibaateeyan. Ciidamada Amniga Puntland ee ku sugan gobolka Bari ayaa maalmihii u dambeeyay hawlgallo lagu adkaynayo nabadgelyada ka waday gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari xilli loo diyaar-garowbayo xuska maalinta aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto oo maalmo kooban ka dhiman yihiin. Sidoo kale guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxa ka socda hawlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada maadaama ay Puntland xusayso sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskeedii oo ku beegan 1-da Agoosto 1998. Madaxweynaha Puntland oo shalay kulan la qaatay saraakiisha Amniga iyo Difaaca ayaa ku amray in si gaar ah in la xoojiyo amniga guud ee Puntland maalmaha lagu jiro Todobaadka dabaaldegyada 1-da August oo dhammaan ka dhacaya gobollada kala duwan ee Puntland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo qaraxyo fashiliyay appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT- California)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla gobolka California ee dalka Mareykanka. Goob joogayaal ayaa kusoo warramayaa in nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta. Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka oo cararaya xilli la maqlayo dhawaaqa rasaasta. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla markaasna ay feejignaadaan. Duqa magaalada Gilroy, Dion Bracco ayaa warbaahinta Mareykanka u xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen weerarka. Munaasabaddan lagu soo bandhigo cuntooyinka ee lagu qabto magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ayaa sannad kasta lagu qabtaa halkaas, waxaana markii ugu horreysay la bilaabay sannadkii 1979-kii, waxaana xilliyada laga qabanayo munaasabadda goobta mamnuuc ka ah hubka, sida laga soo xigtay bogga maamulka soo qabanqaabiyo munaasabadda. Source
  3. (SLT-Riyadh)-Maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee dalka Sacuudiga ayaa dib u dhigtay dhageysiga iyo xukunka danbi ay dowlada ku eedeysay wadaad ka caanka ah ee lagu magacaabo Shiikh Salmaan Al-Cowdah. Wiilka uu dhalay wadaadkaan ayaa xaqiijiyay in xukunka aabbihii dib uu u dhacay ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada Sannadkaan. Al-Cowdah oo la filayay in lagu xukumo dil ayaa shalay oo loo balansanaa in uu ka soo muuqdo maxkamada magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. Balse Cabdulaahi Shiikh Salmaan oo ah wiilka wadaadkan ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay qoraal ah in dhageysiga xukunka aabihiis dib loo dhigay mudo shan Bilood Ah. Wuxuu yidhi aabahey oo xeer ilaaliyaha guud uu dalbaday in toogasho lagu xukumo ayaa maanta dib u dhac ku yimid Xukunkiisa. Waa markii labaad oo boqortooyada Sacuudiga ay dib u dhigto isla sanadkaan xukunka wadaadkaan oo la xiray bishii Septemper ee sanadkii 2017-dii oo hada ku dhow laba Sano. Shiikh Salmaan Al-Cowdah ayaa xukuumada sacuudiga ku eedeysay in uu ku xadgudbay sharci dalkaasi iyo arimo ay ka mid yihiin kacdoon ka dhan Dowlada. Source
  4. Somali National Army (SNA), backed by African Union forces, on Sunday killed three al-Shabab extremists in Hiraan, in central Somalia, an official confirmed. Source: Hiiraan Online
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo siyaabo kala duwan saacadihii la soo dhaafay uga dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray khilaafka cusub ee ka dhashay sugida ammaanka magaaladaasi. Ilo ku dhow shirarkaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiis is afgarad ah, isla markaana ay qeyb ka tahay in howlihii Dhuusamareeb ay sidoodii u sii socdaan. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in aan deegaanada Galmudug la geyn Ciidamo ka socda dowladda federaalka ah, taas oo aheyd arrinta ugu daran ee la’isku hayey. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado laga soo celiyey diyaarado waday ciidamo ka ambabaxay gudaha magaalada Muqdisho. Sida muuqata Ahlu-Sunna ayaa ka sii mid ahaan doonto howlaha nabad galyada Dhuusamareeb, iyadoo ay si wadajir iskula shaqeynayaan ciidamadeeda iyo kuwa dowladda ee haatan ku sugan gudaha magaaladaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  6. (SLT-Moscow)-Dad ka badan 1,000 oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaal Xisbiyo Mucaarad iyo Musharraxiin u taagan Doorashada Golaha deegaanka Caasimadda Ruushka, ayaa la xidh-xidhay Sabtidii, markii ay sameeyeen Dibed-bax ay ku dalbanayaan doorasho Xor iyo Xalaal ah. Boqollaal Booliska Rabshadaha la dagaalama ah iyo Cidiammada difaaca Qaranka ayaa la soo dhoobay badhtamaha Caasimadda Ruushka ee Mosco, waxayna xidheen Waddooyinka soo gala halka Mudaharadayaashu ku ballansanaayeen inay iskugu yimaaddaan Tirada Dadka la xidhay ayaa sii kordhaya, laakiin Mudaharaadkan ayaa noqonaya kii labaad ee Mosco ka dhaca Toddobaad gudihii, kan kii horreeyay ayaa dhacay Sabtidii. Sabtidii, Dad ka badan 20,000 kun oo Qof ayaa iskugu yimid Badhtamaha Mosco, kuwaasi oo dalbanayey in doorashada Goleyaasha deegaanku noqoto mid Xor ah. Mudaharaadka Sabtidii dhacay ayaa ahaa kii ugu weynaa, marka laga yimaaddo dibed-baxyadii Sanadihii 2011-2012 lagu diidanaa in dib loo soo doorto Madaxweyne Vladimir Putin. Dadka Mudaharaadaya ayaa diiddan go’aan ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Ruushka, kaasi oo Xubno Mucaaradka ka mid ah iyo Shaqsiyaad kale oo tiro yar oo keliya u fasaxaya inay ka qayb-galaan doorashada Golaha deegaanka. Source
  7. (SLT-Washington)-Agaasimihii hay’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, Dan Coats ayaa noqonaya qofkii ugu dambeeyay oo xil sare ka hayay maamulka Trump oo shaqada ka tagaya. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Mr Coats uu shaqada ka tagayo bisha Agoosto, islamarkaasna uu shaqada ku bedelayo John Ratcliffe oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka, kana soo gala gobolka Texas. Madaxweynaha ayaa ammaanay Mr Ratcliffe, sheegayna in uu dalka ugu adeegi doono si uu jacayl ku jiro. Mr Coats iyo Trump ayaa marar badan isku qabtay arrimo ku saabsan sirdoonka iyo siyaasadda arrimaha dibedda, gaar ahaan arrimaha Ruushka. Shaqada Mr Coats ayaa ahayd in uu ahaa madaxa guud ee hay’adaha sirdoonka Maraykanka ee 17-ka ah oo ay ka midyihiin CIA iyo NSA. Balse intii uu xilka hayay ayaa warbixinada uu soo saaro waxaa mid ka duwan sheegi jiray madaxweynaha oo marar badan durey shaqada hay’adaha sirdoonka. Ninkan ayaa ka mid ah kuwa badan oo siyaabo su’aalo dhaliyay isaga tagay maamulka Trump, waxaana kasii horeeyay xoghayihii difaaca James Mattis iyo kii arrimaha dibedda Rex Tillerson. Warqadiisii is casilaadda ayuu ku sheegay in la gaaray xilligii uu horey u socon lahaa, furana lahaa baalka xiga ee noloshiisa. Trump iyo Coats ayaa isugu dhacay arrimaha la xidhiidha Fadeexadii farogalinta Ruushka iyo waliba arrimaha wada hadalada Kuuriya Waqooyi. Mr Coats ayaa sannadkii hore sheegay in Madaxweyne Trump uusan waxbo oga sheegin kulankii uu la galay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ee uu albaabada u xirnaa, iyada oo uu dhaqanka yahay in madaxweyne kasta uu xog siiyo agaasimaha sirdoonka haddii uu la kulmo madaxweyne dal cadaw loo arko. Waxa kale oo uu sheegay in haddii Trump uu kala tashan lahaa kulanka uu la yeeshay Putin, in uu talo ka siin lahaa qaabka kulanka, kaas oo ka duwan sidii uu ula kulmay. Waa kuma Dan Coats ? Waxa uu ahaan jirey dublamaasi hore, waxana uu xilka uu hadda ka dagayo qabtay 2017-kii, xiligaas oo uu badelay James Clapper. Waxa uu ka qalin jabiyay labo jaamacadood sanadihii 1960-maadkii, isaga oo qaatay labo shahaado oo sarsare oo kala ah qaanuunka iyo siyaasadda. Labo jeer ayaa laga soo doortay gobolka Indiana, isaga oo galay Aqalka Seneta-ka sanadkii 1989-kii iyo markale oo ahayd 1999-kii. Ninka badelaya Coats oo lagu magacaabo Mr Ratcliffe ayaa ah nin si weyn u taageersan Trump isaga oo xitaa difaacay todobaadkii hore. Source
  8. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland ayaa saaka u fadhiisatay dhegaysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland oo ku eedaysan in uu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa. Asakariga ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilka Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhegaysiga dacwadda kadib ayaa maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka lagu riday askariga oo magaciisa lagu sheegay Dable Cabdi cali xirsi waxaana lagu xukumay dil toogasho ah balse sida maxkamaddu sheegtay waxaa u furan bil rafcaan ah. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Askari ku eedaysan in uu fududeeyay dilkii Paul oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
  9. In meetings with Somaliland’s leadership today, the United Nations Secretary-General’s Special Representative highlighted the importance of building on Somaliland’s achievements as well as preparing for upcoming elections there. Source: Hiiraan Online
  10. Garowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay walxaha qarxa iyo raggii diyaarinayey, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Buuraha oo ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano (PSf) ee maamulkaasi. Ciidamada ayaa warbaahinta ugu soo bandhigay qaraxyadan iyo raggii waday gudaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Saraakiisha ayaa shaaciyey in qaraxyadaasi la doonayey in laga fuliyo gudaha Boosaaso, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale saraakiishani ayaa intaasi ku sii daray in baaritaanadooda ay sii wadi doonaan, inta lagu guda jiro dabaal daga aas aaska Puntland oo ku beegsan 1-da August. Puntland ayaa xoojisay nabad galyada magaalooyinka maamulkaasi oo dhawaan lagu qabanyo xuska 21 sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaskeeda. Al-Shabaab iyo Daacish oo heysta qeybo ka mid ah gobolka Bari ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  11. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ( Siyaasadda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Dadweynaha ) Halkan Ka Akhriso: ID-Policy-Somali-cover-final- Source: goobjoog.com
  12. Lawmakers from pastoralist communities have issued a famine alert warning that their constituents might miss out on the forthcoming population census. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) -Warbixin ka soo baxday Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey tirada ergada is diiwaangelisay ee u hoggaansamay amarkii dhawaan ka soo baxay kooxdaasi. Warkan ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku sheegteen in illaa iyo hadda ay isa soo diiwaangeliyeen 159 Oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa shaacisay inay la hadleen Odayaasha kale ee aan weli isa soo diiwaangelin. Sidoo kale waxay warbixintooda ku sheegeen in ergadani ay iska soo diiwaangeliyeen maamullada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, kuwa Puntlandna taleefan loogu qabtay Towxiidka, sida ay hadalka u dhigeen. Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay liiska iyo sida ay maamul goboleedyada uga kala tageen xubnahaasi Jubaland: 33 Oday dhaqameed. Hirshabeelle 53 Oday dhaqameed. Koofur Galbeed 40 Oday dhaqameed. Galmudug 33 Oday dhaqameed. 15-kii bishan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ku socday ergada, kuwaas oo ay u qabteen inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Aussie startup Lumachain has secured $3.5 million in funding for its blockchain technology tracking food supply chains, and tackling modern slavery at the same time. Source: Hiiraan Online
  15. “Doorasho 4 Bilood ku dhacaysaa ma jirtee Yaan la caayin caqliga Shacabka !! . qalinkii A/rahman fidhinle UK.” 1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahaayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan B) Dar-dar gelinta iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo, way arkayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee waqtigii doorashada loo cayimay ay ka hadhay 4-ta bilood. iyaga oo hore u sheegay in ay u baahan yihiin mudo ugu yaraan 10 bilood ah. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose : A) in ay diyaariyaan shuruucdii saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa doorashadii hore hortaalay.. B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan. C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama uu mudo xileedkoodii dhamaaday. D) Waxay ku fashilmeen in ay sii diyaarinyaan oo miiska sii saaraan xeerarkii lagu bedeli lahaa maadaama uu maandheytkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay qodobadan hoose : A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudadaa dheer ee kolba waqtiga loo sii kordhinaayey. B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay xukuumad ahaan qaybtooda soo dhameystiri waayeen. C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah taas oo uu waqti badani ku lumay. D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto. E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen oo aanay marna ku qabsoomi karin 4-bilood gudahood. Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay. Shuruucda Dastuurka ee sida badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday “dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku ay mar kasta is cadeeyaan oo ay sii sheegaan halka howshu mareyso iyo in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsadeen inagana ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Doorasho 4 bilood gudahood ku dhacaysaa ma jirtee Shacaboow – Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey geyso !!! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  16. Militariga Maraykanka ayaa shaaciyay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa malayshiyaadka Daacish. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo sabtidii 27-Julay ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari lagu dilay sarkaal ka tirsana Daacish oo kaalin muhiima ka ciyaaray fududaynta hawlaha Kooxda. Waxaa kale oo qoraalka AFRICOM lagu sheegay in duqenta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku nool dhulka duqeyntaasi laga fuliyay. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis si loo curyaamiyo dhaqdhaqaaqyada ay halkaasi ka wadaan. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu gudaha Puntland ku dilay sarkaal kaalin muhiima ugu jiray Daacish appeared first on Puntland Post.
  17. ISTANBUL -The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA), Hayrat Foundation and the UN Refugee Agency (UNHCR) have performed free eye surgeries for 300 people in Kenya’s northern town of Garissa in remembrance of July 15 failed coup attempt martyrs. Source: Hiiraan Online
  18. A Queens man who stalked Rep. Alexandria Ocasio-Cortez has been sentenced to two months of jail time, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
  19. Eagan, MN - Hundreds of community members rallied and marched on the Twin Cities Premium Outlets in Eagan on Saturday afternoon, July 27, to demand justice for Isak Aden, a Somali man who was killed by police in this Saint Paul suburb on July 2. Source: Hiiraan Online
  20. Angry residents stormed a shop in Khayelitsha, Cape Town, on Sunday morning after the owner allegedly shot a man in a dispute over change. Source: Hiiraan Online
  21. Insecurity in Somalia is diminishing the numbers of refugees willing to return home from the Dadaab camps in Kenya, the United Nations said recently. Source: Hiiraan Online
  22. NAIROBI (Reuters) - A U.S. air strike killed a facilitator for an Islamic State-aligned militia in northern Somalia, a statement from the American military’s Africa Command said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada talaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashooyinka maamulka Jubbaland waxaana saacadihii la soo dhaafay ay qaadatay go’aano adag. Caasimada Online ayaa ogaatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay Taliska ugu Sarreeya Ciidamada AMISOM ayna ka dalbatay in ay amarkii ay bixiso Dowladda uu ka dhaqan galo Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland fulinta amarkaasna laga rabo Ciidamada AMISOM. Dowladda Soomaaliya ayaa AMISOM ka dalbatay in amaanka Kismaayo ay la wareegaan Ciidamada Itoobiya lagana wareejiyo Ciidamada maamulka Jubbaland iyadoo sheegtay in ay musharaxiinta wajahayaan qatarro badan oo dhanka amaanka ah. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheysay in maalmaha soo socda ay Kismaayo gaaraan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo musharaxiin ka walaacsan amnigooda sidaas darteedna looga baahanyahay Ciidamada AMISOM in ay sugaan oo ay la wareegaan amaanka Jubbaland. Taliska AMISOM ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan madaxda hey’adaha amaanka islamarkaana ay ku wargeliyaan in amaanka ku wareejiyaan Ciidamada AMISOM waxaana socda kulamo arintaasi ku saabsan. Maamulka Jubbaland, ayaa maalmo ka hor soo saaray go’aano degaanada maamulkaasi looga mamnuucayo masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Jubbaland ku jirto Marxaladda doorashada iyo waqtiga kala guurka ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com