-
Content Count
209,145 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bujumbura (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix askari oo ka mid ah ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Amisom, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, waxaa sidaas xaqiijiyey sarkaal sare “Unugyo ka tirsan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa weeraray ciidaamda Burundi ee ku sugan degmada Balcad, oo 30 km u jirta Muqdisho” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Burundi, Colonel Floribert Biyereke. “Lix askari ayaa isla goobta lagu dilay. Saddex waxaa gaaray dhaawacyo halis ah, laba askarina waa la la’yahay.” Ayuu yiri. Kooxda Al-Shabaab ayaa sabtidii sheegatay in dagaal-yahannadeeda ay cagta mariyeen kolonyo ciidamo Burundi ah oo dhaq dhaqaaqyo ka sameynayey degmada Balcad. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu gubay ugu yaraan saddex gaari ah, oo ay ku jiraan gaadiid dagaal iyo baaldoozarro, halka sidoo kalena ay si dirqi ah ku baxsadeen gaadiid kale oo dhowr ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegatay in weerarka ay ku dishay 10 askari. Burundi ah ayaa ah dalka labaad ee ugu ciidamada badan Amisom, waxaana Soomaaliya ka jooga 5,432 askari, halka Uganda oo ugu badan ay ka joogaan in ka badan 6,000 oo askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe)-Maxkamadda Ciidammada Puntland ayaa xukuntay Askari lagu eedeeyay inuu fududeeyay Dil Magaalada Boosaaso bishii February ee sanadkan loogu geystay Madaxii Shirkadda P&0 oo qayb ka ah Shirkadda DP World oo maamusha Dekedda Boosaaso. Askarigan oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Xirsi ayaa markii la dhegaystay Dacwaddiisa waxa Maxkamaddu ku xukuntayt Dil toogasho ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu fududeeyay in nin ka mid ah Al-shabaab oo Dekedda Boosaaso ku dilo dilay Paul Anthony Farmosa oo ahaa Madaxii Shirkadda P&0 ee hoos tagta DP World u qaabilsanaa Maamulka Dekedda Boosaaso. Paul Anthony oo u dhashay Dalka Talyaaniga ayaa waxa masuuliyadda Dilkiisa sheegatay Al-shabaab xilligaa. Askariga Dilka lagu xukumay ayaa rafcaan ka qaadan kara xukunka ku dhacay, sida Maxkamaddu sheegtay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Dilka Ciidammada Qaranka iyo Booliska ee Bilihii u dambeeyay ku soo noqnoqonayey Gobollada bariga Dalka, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Dil Deegaanka Ceel Af-weyn loogu geystay laba Askari oo Boolis ah Toddobaadkan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay illaa hadda garanayn sababta labadaa Askari loo dilay, sababta Dadka Shacabka ahi ay ugu deg-degaan Dilalka Askarta. Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Booliska lagu laayey Ceel Af-weyn, oo aan la garanayn sababta loo laayey, kuwa dhintay Allaah ha u naxariisto, kuwa dhaawaca ahna Allaah ha caafimaadiyo, Garan mayno waxa Ciidankaa lagu laayey, Wax Alaale iyo wax Ciidankaasi ay iskugu yimaaddaan oo Maanta la qiri karaa ma jirto, Saraakiishii hore ee jeelka ayaan iyadana la garanayn wax Alaale iyo wax loo laayey.” Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey Munaasibad ka dhacday Magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay “Waxa layaab leh in Cid ama reer uu Ciidanka Qaranka si dhibyar iskaga laayo, reerihiina ay laba Jilib kala baqdaan oo Ninku hadduu qolo yahay aan la taaban karin oo reerkooda laga baqanayo, hadduu Qaranka yahayna lagu soo deg-degayo oo bilaa macno lagu dilayaa wax dhici kara maaha. Haddaynu nidhi Xukuumaddu ha dul-qaadato, Dadka hala waaniyo, Gacan qabow ha lagu maamulo, Dul-qaadka iyo doqoniimadu waa walaalo, waxaad mooddaa in inta Qarankii uu Dul-qaadkii dhaafay uu imika doqonimadii ku jiro, oo Maalin walba Qarankii uu Meyd soo waadhsanayo (Qaadanayo) oo ay tahay Ninkii waa looma ooyaan, waxay ila tahay inay taasi soo afjarmayso, Caqli ka badana la keeno dhib yaraantaa Ciidammada Qaranka loo laynayo..”ayuu yidhi. Source
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Maxamed Laftagareen ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur galbeed in qof waliba dhinaciisa uu xil iska saaro ammaanka, waxaa uuna sheegay in dhowaan ay bilaabanayaan howlgallo la is kugu furayo magaalooyin Muqdisho iyo Baydhabo. Madaxweyne Laftagareen oo ku sugnaa maalmahaan magaalada Muqdisho ayaa xusay in madaxda dalka uu kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgalka, loona baahan yahay in shacabka reer Koonfur galbeed ayagu ay hoggaan ay u noqdaan holwgalkaas waxaa uuna yiri” Marka ugu horeeyo sidii qorshaha amniga loo bilaabi lahaa ugu danbeyna howlgalladu ay u bilaaban lahaayeen sida aad uwada joogtaana aan idiin kugu sheego, Koonfur galbeed dadkeeda iyo deegaanadeeda waa dad fiican oo sharaf leh oo dad dowladeed ah oo isku kalsoon waaye, culeyska iyo caqabadda heysato maanta Shabaab waaye”. Madaxweyne Laftagareen ayaa hadalkiisa ku daran in dadka Koonfur galbeed la rabo in qof waliba qeybtiisa uu ka qaato ammaanka deegaanda Koonfurgalbeed iyo howlgalka lagu furayo wadada u dhaxeyso Baydhabo iyo Muqdisho, oo dhibaato badan ay ka taagan tahay waxaana halakiisa ka mid ahaa “ Hay’adaha amniga, xildhibaanada , ururada bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa inaad ka qeyb qaadataan sidii la isku firi lahaa deegaanada Koonfurgalbeed oo aan howlgal aan u bilaabi laheyn, rajo fiicanna waan ka qabnaa meel fiican ayeey mareysaa”. Dhanka kale madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in loo baahan yahay is xilqaan amni in ay la yimaadaan dadka reer Koofur galbeed waxaana uu yiri” Muqdisho waxaa ka socda wax la yiraahdo isxilqaan oo dib loogu dhisaayo, annaga waxaan u baahan nahay inuu isxilqaankeenu noqdo mid amni oo nin kasta oo mas’uul ah uu isxilqaamo, oo ay wasiirada iyo xildhibaanada ay noqdaan kuwa hoggaanka u noqdaan dadka amniga ka shaqeeyo”. Ugu danbeyn Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koofur galbeed Cabdi casiis Maxamed Laftagareen ayaa rajo fiican waxaa uu ka muujiyay in dhowaan la bilaabo howlagalada lagu xoreynayo deegaanada Koofurgalbeed iyo in la furo wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Baydhabo wuuna yiri”safarka aan ku taganay Muqdisho waxaan kula kulanay madaxda sare ee dalka qorshaha amni oo noowada socday ayaan ka wada hadalnay meel fiican ayaana wax noogu soo dhamaadeen, dhawaan ayaana rajo ka qabaa inay bilaawdaan howlgallada” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee gobolada; Bari, Karkaar, HighLand, Sanaag iyo Guardafui ee dowladda Puntland, ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday, dad ku eedaysan dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, gaar ahaanna dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa. Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay afar eedaysane oo magacyadooda lagu sheegay Mahad Xassan Xuseen, Ayuub Nuur Nuux , Bishaar Maxamed Xassan iyo Maxamed Xassan Baraka Xaarisa, kuwaasi oo dhammaantood la sheegay in lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana ay ku lug-lahaayeen dilkii Maareeyihii P&O Paul Farmosa iyo dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso. Maxkamaddu waxay sidoo kale dil toogasho ah ku ridday, todoba eedaysane-maqane oo sida maxkamaddu sheegtay ay ku caddaatay, in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, ayna wax ka qorsheeyeen dilkii Maareeyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa. Sidoo kale, maxkamaddu waxay isna dil toogasho ah ku ridday, askari ka tirsanaa ciidanka badda Puntland ee PMPF oo magaciisu yahay, Xiddigle Maxamuud Axmed Maxamed Sheekeeye, kaasi oo lagu helay in uu fududeeyay dilka Maareeye Paul. Waxaa kale oo maxkamaddu ay xabsi daa’im ku xukuntay, Caasho Axmed Maxamed (Caasho Maajoor) iyo Shukri Xuseen Axmed(magaca dambe waa nin) oo wax ka fududeeyay isla dilka Maareeye Paul, halka ay min 20-sano oo xabsiya ku xukuntay, Cabdiraxmaan Maxamed Saalax (Dukhunbe) iyo Cabdirisaaq Axmed Maxamed (fidhig) oo lagu helay in ay xiriir la sameeyeen kooxdii dishay Maareeyaha, balse aan qiran in ay denbigaasi galeen. Ugu dambeyntii, maxkamaddu waxay xorriyaddiisa dib ugu celisay eedaysane magaciisa lagu sheegay, Aadan isaaq Aadan oo sida maxkamaddu sheegtay wax caddayn ah loo waayey denbiyada lagu soo eedeeyay ee la xiriira in uu wax ka fuliyyay dilkii Maareeyihii dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Puntland: 12 Qof oo lagu helay dilkii Paul Anthony Farmosa oo toogasho lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shaacisay tirada rasmiga ah ee illaa iyo hadda isa soo diiwaangelisay, kadib markii 15 bishan ay amar culus dul-dhigeen Odayaashii soo xulay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Warbixin ka soo baxday Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in 159 Oday ay iminka is- diiwaangeliyeen, kuwaas oo tegay deegaanadooda. Haddaba Odayaashee ugu badan liiska ay soo bandhigeen Al-Shabaab? Ergada ugu badan ee iska diiwaangelisay goobaha Al Shabaab ay gacanta ku hayaan ayaa ah kuwa maamulka HirShabelle, iyagoona gaaraya 53 Oday. Maamullada kale marka la eego waxaa Hishabelle ku xigo Koonfur Galbeed oo deegaanada Al Shabaab ay iska diiwaangeliyeen 40 Oday Dhaqameed, halka maamallada Jubbaland iyo Galmudug ay iska diiwaangeliyeen min 33 Oday. Is-diiwaangelinta ergadan oo gaareyso 159 ayaa waxa ay imaaneeysaa, iyadoo weli mudo bil ah ay ka harsan tahay waqtigii Al-Shabaab ay u qabteen in dhammaan ay isku soo diiwaangeliyaan Odayaashii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya Arrintan ayaa dhabar jab ku ah qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobeyso in 2020-ka illaa 2021-ka la qabto doorasho qof iyo cod ah. Go’aanka Al-Shabaab ee dhaqan galay ayaa sidoo kale wuxuu muujinayaa, sida ay weli ugu xoogan yiihiin gudaha Soomaaliya, marka laga tago weerarada ay mararka qaar ka geystaan gudaha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka. Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo sida Roobow la xirayo iyo qorshaha Macalin Maxamuud Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku riddey askari ka tirsanaa ciidanka maamulkaasi, kaasi oo lagu eedeeyey in uu fududeeyey dilkii Boosaaso loogu geystay Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O. Dable Cabdi Cali Xirsi, ayeey sheegtay maxkamadda in lagu helay caddeynta dambigii uu galay, sidaas darteedna dil loogu xukumay. Waxay maxkamadda sidookale sheegtay in askarigan uu haysto muddo bil ah, taasi oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka maanta lagu riday. Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda DP World ayaa lagu dilay Boosaaso 4-Feb-2019, iyadoo askariga maanta la xukumay ka mid ahaa dadkii loo qabtay dilka Farmosa, walow shaqsigii dilay u dhintay dhaawac soo gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
At least six soldiers from East African country of Burundi, were killed in an attack near Somali capital Mogadishu, an official said. Source: Hiiraan Online
-
Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay iney aqbaleen ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Waxay sheegeen waxgaradkan in wadahadallo dheer kadib ay is fahmeen xubnaha guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug, sidaasi darteedna ay diyaar u yihiin iney tagaan Dhuusamareeb. Sidoo kale, waxgaradkan ayaa sheegay in ka beel ahaan ay diyaar u yihiin iney tagaan meel walbo oo gogosha nabadeed la dhigayo. Waxay tilmaameen in wixii ku saabsan maamulka iyo cadaaladda ay ka wada hadli doonaan markii la isku tago. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Waxgaradaka-iyo-Dhalinyarada-Gaalkacyo-ayaa-soo-dhaweeyay-Shirka-Dib-u-heshii.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland saaka ayaa xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada Badda maamulkaasi oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilkii bishii February ee sanadkan magaalada Boosaaso loogu geystay maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa. Askarigan oo lagu magacaabo Dable Cabdi Cali Xirsi ayaa la sheegay inuu fududeeyey dilkaasi. Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland oo saaka go’aan ka gaartay kiiskan ayaa askarigaasi ku xukuntay dil toogasho ah. Sidoo kale waxay maxkamaddu shaacisay in eedeysanaha uu weli heysto racfaan uu ku qaadan karo muddo bil ah. Xukunka askarigan ayaa lagu soo aadiyey, iyadoo ay dhawaan Puntland shaacisay inay ku dhawaaqeyso baaritaanka dilkii Paul Anthony Farmosa. “Dowladda Puntland waxay si buuxda ula shaqeyneysa geedi u socod kasta oo baaritaan lagu sameynayo, waxayna dhowaan baahineysaa fahfaahinta baaritaanka gaarka ah ee dilka maamulihii P&O.” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay Puntland. Arrintan ayaa soo ifbaxday, kadib markii uu dhawaan wargeyska New York Times shaaciyey in Qatar ay ku lug laheyd qarax iyo dil ka dhacay bishii May ee sanadkan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo sida Roobow la xirayo iyo qorshaha Macalin Maxamuud Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay u yeedheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad oo ay sheegeen inay doonayaan su’aalo ay weydiiyaan. Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad speaks during an interview with Reuters in Mogadishu, Somalia April 20, 2018 REUTERS/Feisal Omar Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen inay doonayaan in Wasiirka Arrimaha Dibadda uu hortooda yimaado, si ay wax kaga weydiiyaan warbixintii uu daabacay Wargeyska The New York Times, ee la xidhiidha arrinta Dowladda Qatar. Warbixinta New York Times ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Qatar ay ku lug leedahay qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso, iyadoo uu ujeedku yahay sidii Emirate-ka looga saari lahaa Dekedda Boosaaso. Wasiir Cawad oo arrintaasi ka hadlay ayaa mar sii horeysay sheegay in warka lagu daabacay Wargeyskaasi uu yahay mid lagaga been abuuranayo Dowladda Qatar. Hadaba Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa waxay sheegeen in aanu ku qancin jawaabaha uu siiyay, sidaasi darteedna ay ugu yeedhayaan inuu horyimaado Golaha Shacabka. Wasiir Cawad ayaa waxaa lagu haystaa in uu shaqaaleysiiyay 12 qof oo ay isku ehel yihiin, in uu saxiixay heshiisyo aan Baarlamaanka la soo hormarinin iyo arrinta ku aadan Dowladda Qatar. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Guud ahaan dalka Itoobiya waxaa maanta ka socdaa olole ballaadhan oo lagu beerayo 200 milyan oo geed, waxaana howshaas garwadeen ka ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Abiy Axmed ayaa saaka geedo ku beeray garoonka diyaaradaha Arbaminch ee ku yaalla dalkaas. Dadweynaha kala duwan ee Itoobiya ayaa maanta ka qeyb qaadanayaa beersita geedaha guud ahaan shacabka ku nool deegaannada kala duwan ee dalka. Waxaana kamid ah goobahaas Dowlad Deegaanka Soomaalida. Dadweyne geedo ku beerayo Dowlad Deegaanka SoomaalidaImage caption: Dadweyne geedo ku beerayo Dowlad Deegaanka Soomaalida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu bilaabay ololaha wacyigelinta ah ee lagu ilaalinayo deegaanka si loo beero dhir badan. Waxaa uu farriin u diray shacabka si ay dhammaantooda ugu qeyb qaataan la dagaalanka isbaddallada cimilada si loo beero geedo badan. Source
-
Taliska Qeybta Booliiska gobolka karkaar iyo kan saldhiga degmada Qardho ayaa maanta soo bandhigay noocyo kala duwan oo mukhaadaraad ah (Maan-dooriye) kuwaasi oo ay ku soo qabteen hawlgallo ay xalay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Taliska ayaa sheegay in mukhaadaraadkan ay ku soo qabteen dad si sharci-darro ah uga ganacsanayey gudaha degmada Qardho kadib hawlgallo ay ciidanka Amnigu ku qaadeen goobaha lagula dhuunto maan-dooriyaha ee ku yaalla magaalada waxaana ay tilmaameen in xabsiga loo dhaadhiciyay dadkii ka ganacsanayey mukhaaddaraadkaasi. Waxaa kale oo saraakiisha Booliisku sheegeen in ay soo qa-qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo habeenkii dhibaato u geysta shacabka ku nool magaalada Qardho gaar ahaanna dhalinyarada ku hawllan dhaca Taleefoonnada. Saraakiisha ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan hawl gallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada magaalada Qardho iyo degmooyinka kale ee gobolka Karkaar isagoo digniin adag u diray dadka ku hawllan mukhaadaraadka iyo amni-darrada. PUNTLAND POST The post Booliiska magaalada Qardho oo soo xir-xiray dad lagu qabtay mukhaaddaraad appeared first on Puntland Post.
-
Masuul Ka Tirsan WADDANI Oo Aaminsan Inaanu Suurto-gal Ahayn Heshiis Guddoomiyahoodu Galay, Ceebna Ku Tilmaamay Baabuur Labada Guddoomiye Madaxweynaha Codsadeen Inuu u Iibiyo. “Ma Maqasheen sheekadii ahayd ‘Carabi Way Heshiisay, Oo Waxay Ku Heshiisay In Aanay Weligeed Heshiinin,’ Waxa Sidaas ka dhigan Arrinta Somaliland [Heshiiska Xisbiyada Iyo Xukuumaddu Ka Gaadheen Doorashada]”- Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Xisbiga Waddani, Cali Cantar (SLT-Hargeysa) – Siyaasiga Cali Cantar oo ah Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dhaliilay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo Toddobaadkan gudihiisa uu laba Gaadhi u iibiyey Madaxweyne Biixi. Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro iyo UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madal Shirkadda Dahabshiil ku soo bandhigtay gaadiid waxay ka muujiyeen inay u baahan yihiin gaadiid, waxaana markaa ka dib laba gaadhi u ballan-qaaday Madaxweyne Biixi. Laakiin, Cali Cantar oo shalay la hadlayey Warbaahinta ayaa arrintaa ku macneeyay khalad “Labadaa Gaadhi ceeb bay noo horseedeen, ma fiicnayn inay labadaa Gaadhi qaataan, Aniguna khalad baan u arkaa, Waayo? Dadka qaarna waxay odhanayaanba maxaa waalay odayaasha, ma iyagii baa dhaameel noqday (qaatay)..” ayuu yidhi. Mr. Cantar wuxuu sheegay oo kale in aanay suurto-gal ahayn in doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay qabsoomaan sannadkan Gudihiisa “Aniga Shaqsiyan waxay iila muuqataa in wax ka suurto-galayaa in aanay jirin, ma maqasheen Carabi way heshiisay oo maxay ku heshiisay, waxay ku heshiisay in aanay weligeed heshiinin, waa sidaasi oo kale arrinta Somaliland (Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu ka gaadheen Doorashada). Waxyaabaha ku xeeran ayaan ogolaanayn doorashada, waxyaabahaa waxa ka mid ah xeerkii doorashada lama samaynin, Saami-qaybsigii lama samaynin, diwaangelin lama samaynin, Dadkii kaadhadhkooda la hayey looma qaybin, waxaas oo dhami wakhti ayay doonayaan, Qofka Musharraxa ahina waa inuu isaguna helaa fursad uu Dadkiisa ugu sheego inuu Musharrax yahay, lama samayn Calaamadahoodii, markaa marka la leeyahay 12-ka December, 2019 ayay doorashadu dhacaysaa, waa arrin wax alaale iyo wax ka jiraa aanu jirin..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xubnaha Komiishanka oo Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ku heshiiyeen in laga dhigo 9 aanay suurto-gal ahayn oo ay 7 ahaanayaan “Ma jirayaan laba xubnood oo Komiishanka lagu darayaa inta Madaxweyne Muuse joogo, waayo? Xildhibaannada wuxuu leeyahay 60, markaa markay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu lixdan Xildhibaan leeyihiin way laalayaan labada xubnood, dabadeedna 7 baa xubnood ayuun buu Komiishanku ahaanayaa, wax aanu faa’idnayna ma jiraan.” Ayuu yidhi Source
-
(SLT-Hargeysa)-War Saxafadeed kasoo Baxay Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA ayaa si kulul u cambaareeyey xildhibaannada ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ee xabsiga ku jira. Warsaxaafadeedkan uu uu ku sexeexan yahay gudoomiyaha ururkaasi oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Somalilandtoday waxa uu u dhignaa sidan: Ujeedo. War saxaafadeed Cambarayn Xadhiga Xildhibanada Waxay cambaaraynayan Xadhiga qayra sharciga ah e lagu xidhay lixda xildhiban e degmada Gabiley xadhigan xildhibaanadu waa xadhig qayra sharci ah oo ku xad-gudub ku ah dastuurka qaranka JSL. Xadhigan xildhibaanadu waa xadhig aan loo marin nidaam xeered iyo mid caddaladeedtoona waxaana jira gaf sharci oo xad-gudubku ku ah dasturka iyo xeerarka kale e Somaliland ba waxaana la khalday nidaamkii xadhiga e dastuurka qaranku tilmaamay waana sidan hoos ku qoran khaladaadka sharci e ay xukumada gashay e xad-gudubka ku ah dasturka qarankan lagu dhisay Xadhiga xildhibaanada looma marin nidaamkii sharcigu tilaamayey waxaanu xadhigoodu xad-gudub ku yahay Qod.24 xubintiisa 3 aad oo xildhibanada golaha degaanka siinaysa xasaanad sharci ah waxaanu xubinta qodobkani mabnuucaysa in la xidho xildhibaanada golaha degaanka haddii aan ogolaansho laga haysan golaha ay ka tirsanyihiin, waxaana la xidhay iyada oo aan wax ogolaansho ah laga haysan golaha degaanka Gabiley waana xad-gudub dastuuri ah , waxa kale oo sharci ahaan xildhibaanka la xidhi kara marka lagu qabto isaga oo fal danbi ah oo ka badan saddex sanno faraha kula jira taasina may dhicin oo ma jirto waxaana loo qabtay hab ka baxsan nidaamka sharciga ah kana soo hor jeeda mabaadii’da dastuuriga ah e dalka. Xadhiga xildhibaanada wax ogolaansho sharci ah looma haysan ogolaanshahaasi oo ah in marka hore la eedeeyo loona gudbiyo Xafiiska xeer-ilaalinta Gobolka Gabiley ka dibna haddii xeer-ilaaliyuhu ku qanco ay xafiiska xeer-ilaalintu ka dalbada golaha degaanka gabiley in xildhibaanadan Xasaanada laga qaado sidaana uu golaha fadhi kaga dalbado oo ka dib fadhiga golaha haddii laga ogolaado oo ay goluhu Xasaanada kaga qaadan fadhi aan caadi ahayn waxa uu xeer –ilaaliyuhu ka dalbanaya waaran sharci ah si wafaqsan Qod.40 XHC Maxkamada Gobolka Gabiley waxaana lagu qabanlahaa waarankaasi Maxkamadii haddii ay ka ogolaato dalabka Xafiiska xeer-ilaalinta marka nidaamkan la dhamaystiro ayaa la xidhi kara xildhibanada golaha degaanka kaliya Xadhig kasta oo xildhibaan loo gaysto oo aan loo marin nidaamkan sare ku xusani waa xaaran waana qayra dastuuri waxaanay xukumadu ku xad-gudubtay oo jabisay Qodobka dastuurka e .25 xubintiisa kowaad oo mabnuucaysa in aan qofna xoriyada laga qaadi karin lana xidhi karin ilaa loo maro hab-sharciga waafaqsan waxaanu qodobkan xubintiisa kowaad u dhigantahay sidan” Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” . xadhigan xildhibaanadana looma marin nidaamkii sharcigu tilmaamay e ku xusan Qod.24 xubintiisa 2aad e xerN0 23/2002 waana gaf sharci iyo ku xad-gudub dastuur , sidoo kale isla Qodobkan 25 e dasturka qaranka JSL xubintiisa 2 labaad wuxu Mabnuucaya in qof la xidho iyada oo aan loo haysan waaran sharci ah oo ka soo baxay garsoore awood sharci u leh waxaanay xubinta qodobkani u qorantahay sidan “ Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.” Xadhiga xildhibaanadan looma marin nidaamka uu tilmaamayo Qodobkan dastuuriga ahi waxaana lagu xidhay bilaa waaran sharci oo ma jiro waaran sharci oo u fasaxaya booliska inay qabtan xildhibaanada awood sharci oo ay ku qabtaana may jirin qabashada bilaa waranka ah iyo bilaa ogolaansho golaha degaanka ahi ee ay ku qabteen boolisku xildhibanadana waxay xad-gudub ku tahay qodobkan 25 e dasturka qaranka JSL Xildhibaanada waxa loo diiday markii la xidhay inay la kulmaan qareenadooda iyo ehelkoodaba diidmadaasi waxa diiday oo qareenadii iyo ehelkiiba u diiday inay arkan Taliyaha laanta danbi baadhista booliska oo aan habayaraatee ogolayn in la arko una diiday qareen iyo ehelba diidmadaasina waa mid qayra dastuuri ah waxaana ka dhalanaya danbi ciqaab ah xukumada Somaliland baana dastuurku ku waajibiyey inay talaabo ka qaado cid kasta oo diida xaq dastuuri ah oo qodob dastuur ahi jideeyey waxaana dastuurku siinaya qof kasta oo la xidho ama xoriyada laga qaado wuxu xaq u leeyahay inuu si deg deg ah ula kulmo qareenkiisa iyo ehelkiisaba waxaana suurta galinaya oo deg deg ula kulansiinaya booliska soo xidhay muwaadinka xoriyada la qaaday waana waajib dastuuri ah sida ku cad Qod. 27 e dasturka qaranka JSL xubintiisa kowaad oo u dhigan sidan “ Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado” waana gaf dastuuri ah oo ay booliska iyo xukumaduba ku xad-guduben oo qodobkan dastuurka waxa ka xoog badan oo sharci ah amarada khaldan e ay bixinayan masuuliyiinta xukumada iyo taliyeyaasha boolisku sharciguna waa mid ku qoran uun buugaagta oo aan masuuliyiinta xukumada qaban, sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod. 27 xubintiisa 9 aad oo u dhigan sidan “ Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya’” sidoo kale isla Qod. 25 xubintiisa 3 oo u dhigan sidan “ Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda” labadan qodob e dasturka ahi waxay waajib sharci kaga dhigayan xukumada in cid kasta oo ku xad-gudubta xuquuqaha dastuuriga ah e la xidhiidha xadhiga iyo xoriyaadka muwaadiniinta talaabo sharci laga qaado ciqaab danbina uu mutaysanayo sarkaal ama masuul kasta oo ku xad-gudba xuquuqaha dastuuriga ah e aan kor ku soo sheegnay waxaaana dhacda in maalin kasta la jabiyo laguna xad-gudbo qodobada dasturka e ka hadlaya xaqa xadhiga iyo xoriyaadka muwadiniinta waana Qod.24,25,26,27 e dasturka dhamaantood qodobadan waa la jabiya dhaqan kasta ama ficil kasta oo ay xukumadu qaadaysana waxay ka so hor jeedan qodobadan waana mid caado iyo dhaqan ah Maxkamada la hor-geeyey e xadhiga xildhibaanada awood sharci oo lagu horgeeyo oo ay ku rumaan garayn karto ma leh , xadhiga 7 da cisho e ay rumaan garaysayna waa mid qayra sharci ah awoodna uma laha waana Maxkamad aan sharciga baalmartay oo wax aanay awood sharci u lahayn xalaalaysay 7 cisho e ay rumaan garaysayna waa qayra dastuuri sababtoo ah sida uu tilmaamayo xeerka Ismaamulka Gobolada iyo degmooyinku Xadhiga xildhibaanada waxa awood sharci u leh Maxkamada ku taala degmada laga doorto ama gobolka ay xildhibanada ka yihiin Maxkamada ku taala xildhibanadani waxay ka tirsanyihiin Golaha degaanka Gobolka Gabiley waxaana xalaalayntooda la hor-gaynaya Maxkamada Gobolka Gabiley waxaana jidaynaya Qod.26 oo sheegaya in Maxkamada ku taala degmada laga soo doortay la hor-gaynayo xildhibanada golaha deganka sidoo kale waxa tilmaamaya awooda Maxkamada qaadaysa dacwada Qod.5 e xerka habka Ciqaabta xerN0 Law No. 84 of 12 December 1972 waana qayra dastuuri in ay Maxkamada Gobolka Maroodi jeex rumaan garayso Xadhiga xildhibanadan waayo Maxkamadii awooda u lahayd maaha sidoo kale horgaynta la hor-geeyey Xadhiga Xildhibaanada waxay xad-gudubku tahay Qod. 7 aad e XerN0 .24/2003 Maxkamada gobolka Maroodi jeexna waxay xalaalaysay Xadhig xaraan ah oo gaf ku ah dastuurka qarankan JSL Xalaalaynta Xadhiga Xildhibaanada e Maxkamada Gobolka Hargaysi waa xad-gudub dastuuri ah sababta oo ah waxa la hor-geeyey xadhiga aanay awood u lahayn , waxa kale oo ay rumaan garaysay xadhig qayra sharci ah oo gaf sharci ku ah Qod, 24 xubintiisa 3 aad e XerN0 23/2002 oo u dhigan sidan “ Xubinta Golaha lama qaban karo haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha ama aanu fal dambiyeed faraha kula jirin” waxa kale oo ay ku gaftay Maxkamada gobolku Qod.25 e dasturka qaranka JSL xubintiisa 2aad oo waxay rumaan garaysay xadhig qayra sharci ah oo aan loo haysan amar ogolaansho sharci ah oo ka so baxay garsoore awood u leh oo aan loo marin nidaamkii xeerku baneeyey kana soo horjeeda Qod,25 xubintiisa 1aad e dasturka qaranka JSL waxaanay Maxkamada gobolka Maroodi jeex ku gaftay Qod 97 xubintiisa 2aad oo u dhigan sidan “Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka” ficilkan ay Maxkamadu samaysayna waa mid ka soo horjeeda qodobkan dastuuriga ah waayo waxa waajib sharci ku ah Maxkamada inay shaqadeeda u gudato si waafaqsan dastuurka islamarkana ka madax banaan awooda waaxyaha kale e qaranka waxaana muuqata inaanay Maxkamadu wax sharci ah eegin oo aanay ixtrimaamin dastuurka qaranka, islamarkaana aanay muujin madaxbanaanidii dasturku siiyey , waxa kale oo ay Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ku gaftay Qod,21 e dasturka qaranka JSL oo waajib sharci kaga dhigaya Maxkamada in ay ilaaliso fuliso una fasirto si waafaqsan bayaanada Caalamiga ah waana xuquuqaha dastuuriga ah e ku xusan Qod.25.26.27.28.29.30.31.32 e dasturka qarankan JSL . Ugu danbayntii urur ahaan waxaanu aad uga walaacsanahay ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka wadanka oo maraya meel aad u liidata islamarkana ka sii daraya maalinba maalinta ka danbaysay taasina waxay sii xoogaysay in tacadiyada loo gaysto muwadiniintu uu batay maalin walbana ay si joogta ah ay hayadaha booliska, Xeer-ilaalinta, Maxkamaduhu ugu tuntaan xuquuqda dastuuriga ah e Muwadiniinta reer –Somaliland , waxaa meesha ka baxay ku dhaqankii dasturka qaranka JSL oo aan habayaraatee wax ixtraam ah la siinin laguna shaqayn waxa sharci ah, dasturkii dalkuna noqday amarada ay bixiyaan masuuliyiinta xukumada iyo taliyeyaasha boolisku waana arin cad oo xaqiiqo ah oo taala manta dalka waxana tusaale ugu filan bulshada reer-Somaliland habkii loo xidhay Xildhiban dhakool iyo habkan loo xidhay lixdan xildhibaan e reer Gabiley e la garab maray nidaamka xadhiga e u jideeyey dasturku e ku xusan Qod. 25.26.27.28.29, 21, dasturka qaranka JSL oo aan wax macno leh ahayn halka amarada Madaxda booliska iyo masuuliyiinta xukumaduna ay yihiin kuwa ugu xooga badan e la fuliyo taasi oo ah mid ka baxsan hanaanka suuban e dowladnimo islamarkana xad-gudub ku ah xuquuqda aadamaha waayo xuquuqda muwaadiniinta waxa ilaaliya dasturka qaranka JSL gaar ahaan Qod, 21,24,25,26,27,28,29,30,32 e dhamaana qodobadan xukumada way ka saartay meesha oo maba shaqeeyan lagumana dhaqmo taasi macnaheedu waxa weeyi in aanay dowlada Somaliland ogolayn xuquuqda caalamiga ah iyo xaqa xadhiga iyo xoriyadka e muwaadiniinta dasturku u dammaanad qaaday oo ay ka soo horjeedo xuquuqaha caalamiga ah Waxaanan baaq u diraynaa Madaxwaynaha qaranka JSL , Goleyaasha sharci dajinta, Guddoomiyaha Maxkamada sare in sharciga lagu dhaqmo oo shaqada qaranka lo ohayo lagu dabaqo dasturka qarankan JSL in la ixtiraamo xuquuqaha xadhiga iyo xoriyadaha la xidhiidha loona fasiro si waafaqsan baaqyada caalamiga ah e dunida in talaabo sharci laga qaado cidkasta oo ku xad-gudubta dasturka qarankan JSL oo ah ka ugu sareeya dalka in la joojiyo fullinta amarada taliyeyaasha booliska iyo xukuumada e qayra dastuuriga ah kuwaasi oo aad moodo inay halkii dasturka galay oo aan dastur shaqayn balse ay amaradan qayra dasturiga ahi ay waqti xaadirkan dastuurkii dalkan noqdeen Waa in si deg deg ah xildhibanada xoriyadooda loogu celiyo madaama aan loo qaban hab sharciga waafaqsan xadhigooduna xad-gudub ku yahay Qod.25 xubintiisa 1aad iyo 2aad iyo qod,27 xubintiisa I aad iyo 2aad e dasturka qaranka JSL iyo Qod,24 xubintiisa 3aad e XerN0 23/2002 kuwan oo dhamantood lagu xad-gudbay Waxaanu u soo jeedinaynaa Goleyaasha sharci dajinta inay la xisaabtaman xukumada oo ay kula xisaabtaman ku xad-gudubka dasturka iyo gafafka dhaqanka noqday e ka dhanka ah xuquuqal aadamaha e loo gaysto muwaadiniinta xoriyada laga qaado kuwaasi oo an helin gabi ahaanba xuquuqdii dastuuriga ahayd e u dhalanaysay marka la xidho ama xoriyada laga qaado oo qaab ka baxsan nidaamka dastuuriga ah loo qabto, waana in talaabo sharci laga qaado cidkasta oo ku xad-gudubta dasturkan qaranka JSL waayo ku xad-gudubka dasturku waxa ka dhalanaya danbi ciqaabed ALLah Mohad Leh Mohamed Mohamoud Hashi ———————————————- Guddoomiyaha Ururka Qarenada Somaliland e SOLLA Source
-
Bishii Ogost ee sannadkii 2009-kii ayuu bilaabay khilaafkii doorashadu inay dhacdo. Wakhtigani wuxuu ahaa dhammaadkii muddo kordhintii xukuumaddii Daahir Riyaale. Khilaakani wuxuu dhashay markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay doorashu Madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayn. Wakhtigii hore loogu muddeeyey inay dhacdo doorashadu waxa ay ahayd 27-ka Sebtember 2009-kii. Doodda murankaasi oo dheerayd awgeed yaanan idinku daaline waxa jiray ergooyin badan oo kala duwanaa oo qaarkood is-xilqaameen si ay xaalada u dejyaan, balse dhammaan dedaaladaasi way dhicisoobeen, markii ay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen. Beesha Caalamka Yaa U Yeedhay? Xisbiga KULMIYE ayuu ahaa kii ku dhawaaqay inay beesha caalamku soo kala dhexgasho iyaga iyo xukuumada Somaliland. Waana baaqii keenay faragelintii ugu horaysay ee shisheeye Somaliland ku sameeyo. Waa Sunne khaldan oo xisbiga KULMIY jideeyey, balse aanay ka baydhin xisbiga WADDANI oo dhinacooda kaga ka daba maray. Iyadoo hadalkaasi laga shidaal qaadanayo ayey markiiba ka jawaabtay xukuumada Itoobiya oo iyada werwer gaar ahi ka haystay Somaliland oo ku xidhan dhinaca amaankeeda xudduuda ay Itoobiya la wadaagto Somaliland oo muddo dheer nabad ahaa. Xukuumadda Itoobiya waxay soo dirtay wefti iyo wefti kale oo ka socda midowga yurub. Bulshadii isu-xilqaantay Ergada Muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 100 xubnood ayaa isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa shirar wadatashi ah u qabtay ururada Saxaafadda oo ay kala hogaaminayaan C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsanaa wargayska SAXANSAXO, Yuusuf Cabdi Gaboobe (Haatuf), Xasan Siciid (Jamhuuriya). Dedaalkii ay ku jireen xubnahan is-xilqaamay waxa xagaal daaciyey xukumadii Riyaale iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, waxa ay markii dambe qaateen lixdii qodob ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay. Waxa ayna qaateen go’aankii ay soo jeediyeen shisheeyuhu. Iyadoo arrintaasi halkaasi taagan tahay ayuu C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) soo bandhigay maqaal kooban, balse nuxur ahaan macno weyn xambaarsan. Maqaalkan wuxuu ku soo qoray wargayska Jamhuuriya 24-kii Sebtember 2009-kii. Kaasoo ciwaan looga dhigay” waxaan ka tacsidaynayaa inta u diir naxaysa iyo muwaadiniintaba Diimuqraadiyadda Galbatay.”Dhinaca kale waxaan mar kale ka tacsiyadaynayaa diidmadii ay hogaamiyayaasha siyaasadeed ee dalku sida cad u diideen ergooyinkii tirada badnaa ee muwaadiniintii iyo waxgaradkii ummadda ahaa. maqaalkani wuxuu ugu dambayntii cannaan dusha kaga tuuray siday xisbiyadu uga door bideen ergaddii dalka kuwa shisheeye, oo ay qaateen 6-dii qodob ee waraaqdda ku xardhanaa. Ergadii Dawladda Itoobiya ee Dhexdhexaadinta Markii uu khilaafkii u dhexeeyey xukuumaddii Daahir Riyaale iyo xisbiyada mucaardku meel sare marayo ayuu dalka yimid wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirul dawladihii arrimaha dibadda ee la odhan jiray Takadhe Alemo. Weftigii Itoobiya wuxuu kullano kala duwan la yeeshay xisbiyada Somaliland iyo Baarlamaanka. Markii ay joogeen muddo 7 cisho ah ee ay u kala dab-qaadayeen labadii dhinac ayey dib ugu laabteen dalkoodii iyagoon wax hadal siinin saxaafadda Somaliland. Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid habkii dhexdhexaadinta ee ay wadeen dawlada Itoobiya. Waxa ay sheegeen inuu weftiga Itoobiya soo jeediyey laba arrimood oo kala ahaa: In doorashada lagu galo diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo SERVERKA laga sii shaqeeyo In mudadaasina ku sime ahaan xilka M/weynenimo u sii hayo Riyaale. Xisbiyada mucaaradka ayaa labadaasi qodob u arkay inay taageerayaan xukuumadda Riyaale, markiibana way ku gacansaydheen. Dhinaca xisbiyada mucaaradka ayaa u soo jeediyey weftiga Itoobiya in marka la gaadho 27-ka Sebtember 2009-ka dalka loo dhiso dawlad dhexdhexaad ah oo doorasho dalka ka qabata, oo aanay ku jirin 6-da xubnood ee musharaxiinta u ah 3-da xisbi. 6-dii Qodob ee Beesha Caalamku Soo Saartay Markii ay xukuumadii Riyaale iyo xisbiyaddii Mucaaradku diideen ergadii muwaadiniinta ahayd ee u guntaday xal u raadinta khilaafka ka dhex-aloosnaa xukuumada iyo xisbiyadda mucaaradka, ayey mar keliya aqbaleen 6 qodob oo shisheeye soo saaray, waa ta keentay inay noqoto markii ugu horaysay ee shisheeye wax inoo yeedhiyo sida ka taagan Soomaaliya 24 sannadood ee aynu soo dhaafnay. Lixdii qodob waxay kala ahaayeen: In doorashooyinka lagu galo diiwaangelin In SERVER-ka la saxo oo khubaro caalamiya loo xil saaro, oo ay khuburadaasi caddeeyaan mudada ay hawshaasi laga sugayey ku diyaariyaan. In mudadaasi SERVER-ka ku fulin karo hawshaasi kala saarista khaladaadka codadka ku jiray inay caddaato In tallaabooyinka farsamo ee ay khubaradaasi ku sargooyaan qabsoomidda doorashada ay qaataan amma ogolaadaan xisbiyada Somaliland In mudadaasi loo kordhiyo xukuumadii Riyaale ee wakhtigeed ku dhammaanayey 27-ka Sebtember 2009-ka, da dib 3-da xisbi heshiis wada shaqayn yeeshaan xaalada doorashooyinka In guddiga doorashooyinka la bedelo, iyo inay beesha caalamku taageeri doonto heshiiska 3-da xisbi hirgeliyaan. Xaaladda Maanta Taagan. Heshiiskan saddexda xisbi ee uu isu soo dhaweeyey Ergayga Midowga Yurub wuxuu mid yahay faragelintii labaad ee uu shisheeye gacmaha la soo galo Soomaalilaan, wixii ka dambeeyey la soo noqoshadii dawladnnimada. Baaqa ah beesha caalamka ha soo soo dhexgasho waxa hore u jideeyey xisbiga Kulmiye, waxa se haatan sunnahaasi raacay oo ku baaqay inay beesha caalamka soo dhexgasho iyaga iyo dawlada Soomaalilaan xisbiga Waddani. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka lagu soo bandhigay qaraxyo ay xaafado ka tirsan Boosaaso ka soo qabteen ciidanka Amniga Puntland ee PSF. Ciidanka PSF ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda lagu magacaabo Buuraha ee magaalada Boosaaso waxay ku soo qabteen qaraxyadan oo kooxihii diyaariyay ay doonayeen in ay amniga magaalada ku dhibaateeyan. Ciidamada Amniga Puntland ee ku sugan gobolka Bari ayaa maalmihii u dambeeyay hawlgallo lagu adkaynayo nabadgelyada ka waday gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari xilli loo diyaar-garowbayo xuska maalinta aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto oo maalmo kooban ka dhiman yihiin. Sidoo kale guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxa ka socda hawlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada maadaama ay Puntland xusayso sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskeedii oo ku beegan 1-da Agoosto 1998. Madaxweynaha Puntland oo shalay kulan la qaatay saraakiisha Amniga iyo Difaaca ayaa ku amray in si gaar ah in la xoojiyo amniga guud ee Puntland maalmaha lagu jiro Todobaadka dabaaldegyada 1-da August oo dhammaan ka dhacaya gobollada kala duwan ee Puntland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo qaraxyo fashiliyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT- California)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla gobolka California ee dalka Mareykanka. Goob joogayaal ayaa kusoo warramayaa in nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta. Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka oo cararaya xilli la maqlayo dhawaaqa rasaasta. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla markaasna ay feejignaadaan. Duqa magaalada Gilroy, Dion Bracco ayaa warbaahinta Mareykanka u xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen weerarka. Munaasabaddan lagu soo bandhigo cuntooyinka ee lagu qabto magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ayaa sannad kasta lagu qabtaa halkaas, waxaana markii ugu horreysay la bilaabay sannadkii 1979-kii, waxaana xilliyada laga qabanayo munaasabadda goobta mamnuuc ka ah hubka, sida laga soo xigtay bogga maamulka soo qabanqaabiyo munaasabadda. Source
-
(SLT-Riyadh)-Maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee dalka Sacuudiga ayaa dib u dhigtay dhageysiga iyo xukunka danbi ay dowlada ku eedeysay wadaad ka caanka ah ee lagu magacaabo Shiikh Salmaan Al-Cowdah. Wiilka uu dhalay wadaadkaan ayaa xaqiijiyay in xukunka aabbihii dib uu u dhacay ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada Sannadkaan. Al-Cowdah oo la filayay in lagu xukumo dil ayaa shalay oo loo balansanaa in uu ka soo muuqdo maxkamada magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. Balse Cabdulaahi Shiikh Salmaan oo ah wiilka wadaadkan ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay qoraal ah in dhageysiga xukunka aabihiis dib loo dhigay mudo shan Bilood Ah. Wuxuu yidhi aabahey oo xeer ilaaliyaha guud uu dalbaday in toogasho lagu xukumo ayaa maanta dib u dhac ku yimid Xukunkiisa. Waa markii labaad oo boqortooyada Sacuudiga ay dib u dhigto isla sanadkaan xukunka wadaadkaan oo la xiray bishii Septemper ee sanadkii 2017-dii oo hada ku dhow laba Sano. Shiikh Salmaan Al-Cowdah ayaa xukuumada sacuudiga ku eedeysay in uu ku xadgudbay sharci dalkaasi iyo arimo ay ka mid yihiin kacdoon ka dhan Dowlada. Source
-
Somali National Army (SNA), backed by African Union forces, on Sunday killed three al-Shabab extremists in Hiraan, in central Somalia, an official confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo siyaabo kala duwan saacadihii la soo dhaafay uga dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray khilaafka cusub ee ka dhashay sugida ammaanka magaaladaasi. Ilo ku dhow shirarkaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiis is afgarad ah, isla markaana ay qeyb ka tahay in howlihii Dhuusamareeb ay sidoodii u sii socdaan. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in aan deegaanada Galmudug la geyn Ciidamo ka socda dowladda federaalka ah, taas oo aheyd arrinta ugu daran ee la’isku hayey. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado laga soo celiyey diyaarado waday ciidamo ka ambabaxay gudaha magaalada Muqdisho. Sida muuqata Ahlu-Sunna ayaa ka sii mid ahaan doonto howlaha nabad galyada Dhuusamareeb, iyadoo ay si wadajir iskula shaqeynayaan ciidamadeeda iyo kuwa dowladda ee haatan ku sugan gudaha magaaladaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Moscow)-Dad ka badan 1,000 oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaal Xisbiyo Mucaarad iyo Musharraxiin u taagan Doorashada Golaha deegaanka Caasimadda Ruushka, ayaa la xidh-xidhay Sabtidii, markii ay sameeyeen Dibed-bax ay ku dalbanayaan doorasho Xor iyo Xalaal ah. Boqollaal Booliska Rabshadaha la dagaalama ah iyo Cidiammada difaaca Qaranka ayaa la soo dhoobay badhtamaha Caasimadda Ruushka ee Mosco, waxayna xidheen Waddooyinka soo gala halka Mudaharadayaashu ku ballansanaayeen inay iskugu yimaaddaan Tirada Dadka la xidhay ayaa sii kordhaya, laakiin Mudaharaadkan ayaa noqonaya kii labaad ee Mosco ka dhaca Toddobaad gudihii, kan kii horreeyay ayaa dhacay Sabtidii. Sabtidii, Dad ka badan 20,000 kun oo Qof ayaa iskugu yimid Badhtamaha Mosco, kuwaasi oo dalbanayey in doorashada Goleyaasha deegaanku noqoto mid Xor ah. Mudaharaadka Sabtidii dhacay ayaa ahaa kii ugu weynaa, marka laga yimaaddo dibed-baxyadii Sanadihii 2011-2012 lagu diidanaa in dib loo soo doorto Madaxweyne Vladimir Putin. Dadka Mudaharaadaya ayaa diiddan go’aan ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Ruushka, kaasi oo Xubno Mucaaradka ka mid ah iyo Shaqsiyaad kale oo tiro yar oo keliya u fasaxaya inay ka qayb-galaan doorashada Golaha deegaanka. Source