-
Content Count
209,145 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Twenty Somali Police Force (SPF) officers have ended a seven-day training in Mogadishu aimed at detecting and eliminating extremism in the country, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
The speaker of Somali Federal Parliament, Mohamed Mursal has met with the president of Puntland Said Abdullahu Deni in Garowe, the administrative capital of the state on Monday. The speaker is in Garowe to attend an occasion to mark the 21st anniversary since the establishment of the regional state which is slated on 1st August. During their meeting, Mursal and Deni at the statehouse discussed ways to improve working relations between the federal government and the regional member states. Deni and his Vice president, Ahmed Elmi Karaash thanked speaker Mursal and his team for the visit and participation of the anniversary celebrations due to be held next Thursday. On his side, Mursal urged the people and the leadership of Puntland state to continue their efforts in maintaining development they achieved in recent years. View the full article
-
The Chairperson of the African Union Commission, Moussa Faki Mahamat condemns in the strongest terms the attack perpetrated on 29 July 2019 by Al-Shaabab militants against AMISOM personnel, which led to a number of casualties. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaad guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa soo hagaageyso, sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uul ku sugan gudaha dalka Qatar. Guddoomiyaha oo weli xaaladdiisa caafimaad ay la tacaalayaan dhaqaatiirta ayey mas’uuliyiintan sheegeen in haatan ay ka soo fiicnaaneyso sidii hore. Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Cumar oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sidoo kale ka warbixiyey xaaladda Duqa Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u soo Duceeyaan. “Waxaan ku suganahay isbitaalka lagu dabiibaayo guddomiye Yariisow xaaladdiisa caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa uu inooga baahan yahay in aan dDucada ku caawino.”ayuu yiri Yuusuf Cumar. Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo 11 kale oo dhaawacyo ah ayaa ku jira isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar. Khamiistii la soo dhaafay ayaa Duqa magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) loo qaaday Qatar, kadib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii xooganaa ee Al-Shabaab ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guriga uu ka dagan yahay Dhuusamareeb ku qaabilsay Maxamed Cabdullaahi Darwiish oo baxsad ka ah ciidamada ammanka ee maamulka Puntland. Wiilkan dhalinyarada ah ee la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu isaga soo tagay xaafaddii uu ka daganaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii uu ka war helay inay baadi goobayaan ciidamada Puntland ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu xusay in cabsi darteed uu u soo hayaamay, islamarkaana u yimid magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xog wareystay Darwiilsh, sida ay tahay xaaladiisa, isaga oo u ballan qaaday inuu garab istaagi doono. Maxamed Cabdullaahi Darwiish ayaa ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dhawaan ugu dhaweysay garoonka kubadda cagta Cawaale oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Puntland oo ka carootay booqashadaasi ayaa horay u xirtay xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada Boosaaso, kadib markii la sheegay in ay lacag ka guddoomeen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.co
-
Rand Paul oo ah Senator ka tirsan Mareykanka ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal aan aheyn hanti-goosad ah, oo aaney ka jirin xuquuq dastuuri ah isaga ka deyriyey xaaladda guud ee dalka. Senatorka oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ Ma jirto hanti-goosad, xuquuqdii uu ilahey dadka siiyey kuma xusna dastuurkooda, todobo beel ayaa dagaalamaya 40-kii sano ee la soo dhaafay”. Arrintan ayuu jeediyey isaga oo ka hadlayey Ilhaan Cumar, waxaa uu Rand Paul u soo jeediyey haweeneydan asal ahaan ka soo-jeeda Soomaaliya iney dib ugu soo noqoto dalkan ku yaala geeska Afrika, oo ay aragto heerka dhibaatada. “Marka ay Soomaaliya booqato, waxaa ay qadarin doontaa Mareykanka”…”Dalkan ay leedahay cadaalad kama jirto, wey timid, waan quudinay, dhar ayaan u xirnay, nolol, waxbarasho iyo caafimaad ayey ku heshay” ayuu sheegay Senator Rand Paul Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The national government is set open a consulate at Hargeisa in Somaliland aimed to increase exports to the autonomous country. Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa markale weerar dhinaca afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa shaaciyey in Villa Soomaaliya ay difaaceyso danaha Qatar, iyada oo ka hor marineyso tan Qaranka Soomaaliyeed. “Waxaa muuqata dawlada Soomaaliya in ay u taagan tahay difaaca danaha Qatar, balse danta Qatar ay ka hormarinayso danta qaranka Soomaaliyeed oo ay leedahay ruuxii Qatar wax ka sheega Soomaaliya ayuu wax ka sheegay.” ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame Warsame. Sidoo kale waxa uu jawaab ka bixiyey hadalkii la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Carabta iyo islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis). Wuxuu tilmaamay in Sheekha lagu qasbay inuu beeniyo wareysi uu siiyey wargeyska Al-Wadan, kaas oo uu kaga hadlay ra’yigiisa ku aadan warbixintii uu dhawaan daabacay Wargeyska New York Times ee la xariirta ku lug lahaanshaha Qatar qaraxii bishii May ee sanadkan ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. “Wadaadkan wuxuu maalmo ka hor waraysi siiyey wargayska Al- watan ee dalka Sucuudiga ka soo baxa. Wuxuu wargayska uga waramay ra’yigiisa ku aadan warbixintii uu daabcay Wargayska New York Times ee la xariirta ku lug lahaanshaha Qatar ee qaraxii Boosaaso. Wadaadkii waxaa looga yeeray Villa Somalia oo uu mushaari ka yahay waxaa lagu qasbay in uu beeniyo waraysigii uu wargayska Al-watan siiyey. Wadaadku waraysigiisa waxba kama sheegin dawlada Soomaaliya, wuxuu cabiray ra’yigiisa ku aadan warbixinta wargayska NY times iyo guud ahaan aragtida taban ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan dawlada Qatar.” ayuu intaasi raaciyey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Warka ka soo baxay guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa ku soo aadaya , iyadoo Sheekh Cali Wajiis oo saxaafadda la hadlay uu beeniyey warbixintii lagu daabacay wargeyska Al-Wadan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in fasiraad khaldan uu ka bixiyey wareysiga uu siiyey, iyadoona la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis) ayaa beeniyay warbixin lagu daabacay wargeyska Alwaddan ee kasoo baxa Dalka Sucuudiga, taas oo lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku tuhunsan tahay dowladda Qatar taageeridda dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sheekh Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wargeyskan uu fasiraad khaldan ka bixiyey wareysiga uu siiyey, iyadoona la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa. Lataliyaha Madaxweyne Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ayaa tilmaamay in aysan Soomaaliya xamili karin in loo soo tallaalo khilaafyada Gobolka, balse taas baddelkeed ay u baahan tahay in si muuqda loo garab siiyo, looguna taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay mar kale cagahooda ugu istaagi lahaayeen. “Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Boqortooyada Sucuudiga ma ahan mid uu saameynayo marin habaabinta uu sameeyey wariyaha diyaariyey warbixintan, si taas la mid ah ayeysan waxyeello ku noqonayn warbixintan la marin habaabiyey xiriirka aan la wadaagno dowladda Qatar, sababtoo ah dhammaan dalalka Carabta ee aan bahwadaagta nahay waxaan la wadaagnaa xiriir walaaltinimo oo wanaagsan.” Sheekh Cali Wajiis ayaa xusay mowqifka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed ay ka taagan yihiin khilaafyada dalalka aan bahwadaagta nahay, mowqifkaas oo ku saleysan dhexdhexaadnimo iyo in laga shaqeeyo isu soo dhaweynta, heshiisiinta iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee lama huraanka u ah horumarka iyo xasilloonida Gobalka. View the full article
-
Four years ago in West Africa, during the biggest Ebola outbreak the world had seen, Canada was considered a leader in the global fight against the deadly virus, with a Canadian-developed vaccine considered a game-changer. Today Canada is largely on the sidelines — even being called out internationally for it — as a new deadly epidemic spreads across the Democratic Republic of Congo and beyond. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay Shabelle ayaa ugu horreyn faah faahin ka bixiyey socdaal ay ku tageen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Baadiyow ayaa sheegay in kulamo wax ku ool ah ay la qaateen waxgradka deegaanada ay tageen, islamarkaana ay ka dhaadhiciyeen ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb. Dhanka kale wuxuu beeniyey eedeymo la xariira in uusan dhex dhexaad aheyn guddiga uu hoggaamiyo, isaga oo gaashaanka u daruuray wararkaasi. Waxa uu meesha ka saaray in si gaar ah ay uga shaqeynayaan dana dowladda federaalka Soomaaliya ee maamulka Galmudg. Shirka dib u heshiisinta Galmudug ayaa la filayaa in shanta bisha soo socota uu ka furmo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/wareesi-c-raxmaan-macalin-c-laahi-baadiyow.mp3 View the full article
-
kuala lumpur (SMN) – Dowladda Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Dalka ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday Dowladaha Carabta, Waddamada Aasiya, ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Waddamada Caalamka, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay fursado muhiim u ah maalgashadayaasha Dunida. Wafdiga Dowladda Soomaaliya ugu qeyb galaya shirka ayaa waxaa hoggaaminaayey uqeybsanaha ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya u fadhiya Dalka Malaysia mudane; Maxamed Amiin Abuukar. Mohamed Amiin Abuukar, oo shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay in Sanadkii Labaad ay kasoo qayb gasho shirkaan muhimka u ah is-dhexgalka ganacsiga Waddamada Carabta iyo Aasiya. Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo Maalgashadayaasha kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan Waddanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu Dalku yahay mid soo koraya islamarkaana ay fursado badani jiraan, Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira Dalkeenna. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya oo ka hadlayey safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu ku mashquulsan yahay xaaladda maamulka Galmudug oo uu tilmaamay inuu ku jiro xalka Soomaaliya. Xildhibaanka oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in dhibka Soomaaliya uu ka yimaado Galmudug, islamarkaana ay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafka la dagay maamulkaasi. “Haddii Galmudug xal loo helo Soomaaliya xalbaa loo helay ayaa la yiraahdaa ayuu yiri.”Xildhibaan Ciyaar Jecel. Dhanka kale wuxuu ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu jiro fashil amni. Ciyaar Jecel ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka in ay la yimaadaan isbedal dhab ah oo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad geylada. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan weerar ismiidaamin ahaa Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ay ku dhinteen guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin uu ku jiro guddoomiya gobolka Banaadir, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Halkan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Ciyaar-jecel.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kulan looga hadlayey ammaanka ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana kulankaasi yeeshay saraakiisha ammaanka ee talisyada Booliiska iyo Nabad sugidda heer federaal qeybaha ka howlgala magaaladaasi. Waxaa shirkan diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa ammaanka Dhuusamareeb, iyadoo digniin loo direy shacabka magaaladaasi, sidoo kale amarro cusub la faray. Qodobada shirka kasoo baxay ayaa kala ahaa: 1: Qofkii Iska iibinaya Garigiisa kuna Sugan gudaha Dhuusamareeb waa in uu kusoo wargaliyaa Xafiisyada qaabilsan Diiwaangalinta Gaadiidka Ee Labada Xafiis. 2: Qofka leh Gaadiidka waa in uu Gaarigiisa ku xiraa Taargada Maamulka lamana ogolaan doono Gaari aan laheyn Taargo oo ah Aqoonsiga Uu Gaariga ku shaqeeyo. 3: Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyadad Guri ku yaalla Caasimadda Dhuusamareeb rabana Inuu ijaarto (Kireeysto) Waa Inuu lasoo xiriiro ama tago Talisyada Hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hay’ad, INGO,Mas’uuliyiin ama Shaqsi Iska Caadi ah. 4: Cidii kireeysa Guri aysan la socodsiin Hay’adaha Amniga, iyaga ayaa mas’uul ka noqon doona wixii Gurigaas lagu Qabto Ama lagu arko,kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro. 5: Qofkii la qabto, Isaga oo hub ku dhex wata Magalada Dhuusamareeb sida’ qori_Bistoolad_Ama Bambo aan laheyn Sumad loo raaco Isaga Iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona Hay’adaha Amniga Ee ku sugan Dhuusamareeb. 6: Gaadiidka ay ku dhegan yihiin Muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargalinayaa Inay Iska diiwaan geliyaan Talisyada Amniga si loo siiyo Aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in Gaadiidkooda ay ku dhejiyaan Muraayadaha Madow. 7: Gaarigii ku dhex socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacad socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki doona Gaari ka qayb iaadanaya qalqal galinta Amniga. 8: Qof walba waxaa laga codsanayaa Inay si buuxda ula Shaqeyaan Hay’adaha Amniga si loo Ilaaliyo Badqabka Muwaadinka Naftiisa Iyo Maalkisa intaba. 9: Qofkii arka Gaari,Goob Ama Shaqsi uu ka shakiyo waa Inuu si deg deg ah ula Xariiro Hay’adaha Amniga si Loo baajiyo Qatar laga yaabo Inay Mahadho Reebto ama dhibaato culus u keento Bulshada Magalada Dhuusamareeb. 10: Askari kasta Ee ka tirsan Xero kamida qeybaha Ciidanka ee soo baxaya waa Inuu soo qaataa Aqonsigiisa Ciidanimo si aysan u dhicin is Maandhaaf iyo Isku Ekeyn Xilliyada Howlgalladu socdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Dalka ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday Dowladaha Carabta, Waddamada Aasiya, ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Waddamada Caalamka, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay fursado muhiim u ah maalgashadayaasha Dunida. Wafdiga Dowladda Soomaaliya ugu qeyb galaya shirka ayaa waxaa hoggaaminaayey uqeybsanaha ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya u fadhiya Dalka Malaysia mudane; Maxamed Amiin Abuukar. Mohamed Amiin Abuukar, oo shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay in Sanadkii Labaad ay kasoo qayb gasho shirkaan muhimka u ah is-dhexgalka ganacsiga Waddamada Carabta iyo Aasiya. Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo Maalgashadayaasha kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan Waddanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu Dalku yahay mid soo koraya islamarkaana ay fursado badani jiraan, Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira Dalkeenna. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweynaha maamul Goboleedda Puntland, Siciid C/llaahi Deni. Labada mas’uul ayaa waxay iska xog wareysteen xaaladda guud ee Dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada oo xubin ka ah Dowladda dhexe. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu Mahad celiyey Guddomiyaga Golaha Shacabka , Mudane; Maxamed Mursal Iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen Puntland, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa kula dardaaramay Shacabka Puntland iyo Madaxdooduba in ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen horumar kan kasii ballaaran. Source: goobjoog.com
-
Dhuusa-mareeb (PP) ─ Kulan amniga la xiriira oo ay magaalada Dhuusa-mareeb ku yeesheen talisyada booliska iyo nabad-sigudda heer federaal ee ka hawl-gala Galmudug, ayaa waxaa laga soo saaray amarro iyo Digniino ku socda shacabka ku nool magalada Dhuusa-mareeb. Amarrada ay soo saareen hay’adahan amniga ayaa ka kooban 10 qodob oo dhamaantood la farayo dadka ku nool caasimnadda Galmudug ee Dhuusa-mareb, waxayna kala yihiin; 1. Qofkii iska iibinaya garigiisa kuna sugan gudaha Dhuusa-mareeb waa inuu kusoo wargaliyaa xafiisyada qaabilsan diiwaan-gelinta gaadiidka ee labada xafiis. 2. Qofkii leh gaadiid, waa inuu ku xiro gaarigiisa taargada maamulka lamana ogolaan doono gaari aan laheyn taargo oo ah aqoonsiga uu gaariga ku shaqeeyo. 3. Shirkad ama shaqsi iska leh milkiyadda guri ku yaalla Dhuusa-mareeb rabana inuu ijaarto (kireeysto) Waa inuu lasoo xiriiro ama tago talisyada laamaha amniga si loola socdo dhaq-dhaqaaqa cidda dagaysa guriga sida; shirkad, hay’ad, INGo, mas’uuliyiin ama shaqsi iska caadi ah. 4. Ciddii kireeysa guri aysan la socodsiin hay’adaha amniga, iyaga ayaa ka noqonaya mas’uul wixii gurigaas lagu qabto ama lagu arko, kuwaasoo la xiriira arrimo nabad-gelyo darro. 5. Qofkii la qabto, isagoo hub ku dhex-wata magaalada Dhuusa-mareeb sida; qori, bistoolad ama bambo aan laheyn sumad loo raaco isaga iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona hay’adaha amniga ee Dhuusa-mareeb ku sugan. 6. Gaadiidka ay ku dheggen yihiin muraayadaha madow ama beensalka ah waxaa lagu war-gelinayaa inay iska diiwaan-geliyaan talisyada amniga si loo siiyo aqoonsiga beensalka ama u ogolaanaya in gaadiidkooda ay ku dhejiyaan muraayadaha madow. 7. Gaarigii ku dhex-socda xawaare ka badan 20 saacaddii socodka gaariga gudaha Magaalada waxaa loo arki doona gaari ka qayb-qaadanaya qal-qal-galinta amniga. 8. Qof walba waxaa laga codsanayaa inuu si buuxda ula shaqeyaan laamaha amniga si loo ilaaliyo bad-qabka nafta muwaadinka iyo maalkiisa. 9. Qofkii arka gaari, goob ama shaqsi uu ka shakiyo waa inuu si deg-deg ah ula xariiro hay’adaha amniga si loo baajiyo khatar laga yaabo inay mahadho reebto ama dhibaato culus u keento bulshada magaalada Dhuusa-mareeb. 10. Askari kasta ee ka tirsan xero ka mid ah qaybaha ciidanka ee kassoo baxaya waa inuu soo qaataa aqonsigiisa ciidanimo si aysan u dhicin ismaan-dhaaf iyo isku ekeyn xiliyada hawl-galadu socdaan. Ugu dambeyn, Amarradaan kasoo baxay hay’adaha amniga Somalia ee ku socda shacabka Dhuusa-mareeb ayaa u muuqda in amniga mgaladaas si toos ah loogu wareejiyay hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Somalia. PUNTLAND POST The post Amarro culus oo la dul-dhigay shacabka ku nool Xarunta Maamul-goboleedka Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (SMN) – Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, mudane; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweynaha maamul Goboleedda Puntland, Siciid C/llaahi Deni. Labada mas’uul ayaa waxay iska xog wareysteen xaaladda guud ee Dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada oo xubin ka ah Dowladda dhexe. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Mudane; Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu Mahad celiyey Guddomiyaga Golaha Shacabka , Mudane; Maxamed Mursal Iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen Puntland, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa kula dardaaramay Shacabka Puntland iyo Madaxdooduba in ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen horumar kan kasii ballaaran. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay fashilka amni ee xilligan ka jira Muqdisho, isagoo dhaliil u jeediyay Madaxda DF, una jeediyay talooyin muhiim ah. Cayaar-jecel oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda dalka ay wajahaan culeyso fara badan, balse ay mas’uul ka yihiin inay la yimaadaan qorsho dhinaca amniga ah, si loo badbaadiyo dhiigga shacabka. Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre uu xilligan ku mashquulsan yahay xallinta doodaha adag ee ka taagan Galmudug, balse markii uu dib ugu soo laabto Muqdisho laga sugayo isbedddel dhinaca amniga ah. “Ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu hawlo Qaran ka hayaan Galmudug oo la filayo in marka uu soo dhameeyo uu kusoo laabto Xamar, tallaabadan ugu horreysa ee aan filaynana waa inuu isbedel muuqda la yimaado si amniga dalka loo hagaajiyo,” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Shire. Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda dalka ugu sarreysa ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sugidda amniga dalka, maadaama ay yihiin kuwa ugu sarreeya hoggaanka cidamada gaar ahaan madaxweynaha Somalia. “Madaxweynuhu isaga ayaa ugu sarreeya ciidamada, waxaana filayaa inay la gudboon tahay inuu la yimaado isbeddel muuqda, waayo qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ma ahayn mid iska yimid, waana in baaris dheeraad ah lagu sameeyo,” ayuu hadalkiisa ku daray. Xildhibaanka ayaa si adag uga hadlay qaraxii xarunta maamulka Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo sheegay in inta aan Villa Somalia falal amni-darro ka dhicin la beddelo golaha xukuumadda Somalia. Ugu dambeyn, Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa ahaa midkii ugu saameynta badnaa ee ka dhaca xarun dowladeed tan iyo markii lasoo doortay Farmaajo, waxaana qaraxaas lagu dilay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Madaxda Dowladda Somalia oo loo jeediyay Talooyin muhiim u ah Amniga Guud ee Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa saaka amaro culu ku soo rogay dadka ku dhaqan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. Go’aanno ka kooban 10 qodob oo ka soo baxay hay’adaha amniga ayaa lagu wargeliyey shacabka inay ilaaaliyaan nabad galayada, kana shaqeeyaan horurmarka deegaanka. Halkan hoose ka Akhriso: 1- Muwaadinka iska iibinaya gaarigiisa, kuna sugan gudaha Dhuusamareeb waa in uu ku soo wargeliyaa Xafiisyada qaabilsan diiwaangelinta gaadiidka ee labada xafiis. 2- Qofka leh gaadiidka waa in uu gaarigiisa ku xiraa Taargada maamulka lamana ogolaan doono gaari aan laheyn Taargo oo ah aqoonsiga uu gaariga ku shaqeeyo. 3- Shirkad ama shaqsi iska leh milkiyadad guri ku yaalla Caasimada Dhuusamareeb rabana inuu ijaarto (kireeysto) waa inuu la soo xiriiro ama tago talisyada hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida dagaysa guriga sida, shirkad, hay’ad, INGO, mas’uuliyiin ama shaqsi oska caadi ah. 4- Cidii kireeysa guri aysan la socodsiin hay’adaha amniga, iyada ayaa mas’uul ka noqon doonto wixii gurigaas lagu qabto ama lagu arko, kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro. 5- Qofkii la qabto, isaga oo hub ku dhex wata magaalada Dhuusamareeb sida Qori, Bistoolad, ama Bambo aan laheyn sumad loo raaco isaga iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona hay’adaha amniga ee ku sugan Dhuusamareeb. 6- Gaadiidka ay ku dhegan yihiin muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargelinayaa inay iska diiwaan geliyaan talisyada amniga si loo siiyo aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in gaadiidkooda ay ku dhejiyaan muraayadaha madow. 7- Gaarigii ku dhex socda xawaare ama karaar kabadan 20 saacad socodka gaariga gudaha magaalada waxaa loo arki doona gaari ka qeyb qaadanaya qalqal galinta amniga. 8: Qof walba waxaa laga codsanayaa inay si buuxda ula shaqeyso hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo badqabka muwaadinka naftiisa iyo maalkisa intaba. 9- Qofkii arka gaari, goob, ama shaqsi uu ka shakiyo waa inuu si deg deg ah ula xariiro hay’adaha amniga si Loo baajiyo qatar laga yaabo inay mahadho reebto ama dhibaato culus u keento bulshada magaalada Dhuusamareeb. 10- Askari kasta ee ka tirsan xero ka mid ah qeybaha ciidanka ee soo baxaya waa inuu soo qaataa aqonsigiisa ciidanimo si aysan u dhicin is-maandhaaf iyo isku ekeyn xiliyada howlgalladu socdaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-300719.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa soo saaray awaamiir culus oo la xariirta amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aanno oo ka kooban illaa 10 qodob, kuwaas oo wax looga qabanayo nabad galyada. Qodobada ayaa waxaa ay u qornaayeen: 1_Muwadinkii Iska iibinaya Garigiisa Kuna Sugan gudaha Caasimada Waa Inuu Soo Wargaliyaa Xafiisyada Qabilsan Diwangalinta Gadiidka Ee Labada Xafiis. 2_Muwaadiniinta Leh Gaadiidka Waa Inay Qaataan Targada Maa,mulka Lamana Ogolan Doono Gaari Aan Laheyn Taargo Oo ah Aqoonsiga Gaariga inuu Shaqeeyo. 3_Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyada Guri Kuyala Casimada Rabana Inuu ijaarto(Kireeysto) Waa Inuu Lasoo Xariiro Ama Yimaado Talisyada Hayadaha amniga si loola Socdo Dhaq Dhaqaaqa Cida Dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hayad, INGO,Masuliyiin Ama Muwaadiniin Iska Caadiya. 4_ Cidii Kireeysa Guri Aysan Lasocodsiin Hayadaha Amniga Iyagaa Masuul Kanoqon Doona Wixii Gurigas Lagu Qabto Ama Kayimaada. 5_muwaadinkii La Qabto Isagoo Hub Kudhex Wata Caasimada sida’ qori_Bistolad_Ama Bumbo aan Laheyn Sumad Loo Raaco Isaga Iyo Hubkiisaba Waxaa Lawaregi doona Haayadaha Amniga Ee Caasimada. 6_Gaadiidka Ay Ku Dahaaranyihin muraayadaha Madow (Bensulka) Waxa Lagu Wargalinayaa Inay Iska Diwan galiyan Talisyada Amniga Si loo siiyo Aqoonsiga Beensulka. 7_Gaarigii Ku dhex Socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacada socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki Doona Gaari Kaqayb Qaadanaya Qalqalgalinta Amniga. 8_ Muwaadininta Waxaa Laga Codsanayaa Inay Si Buuxda ula Shaqeyaan Hayadaha Amniga Si Loo Ilaaliyo Badqabka Muwadinka Naftiisa Iyo Maalkisaba. 9_Muwadinkii Arka Gaari,Goob Ama Shaqsi Uu Kashakiyo Waa Inuu Si Deg Deg Ah ula Xariiro Hayadaha Amniga Si Loo baajiyo Qatar Laga Yaabo Inay Mahadho Reebto. 10_Askari Kasta Ee Katirsan Xero kamida Qaybaha Ciidanka ee Sobaxaya Waa Inuu Soo Qataa Aqonsigiisa Ciidanimo Si Aysan Udhicin Is Maandhaaf iyo Isku Ekeeyn Xiliyada Howlgaladu Socdaan. Go’aannadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan magaalada Dhuusamareeb uu ka furmayo shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com