-
Content Count
209,145 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The police in the breakaway Somaliland on Tuesday arrested four journalists in Hargeisa town. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa war ka soo saaray qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxayna shaaca ka qaadeen inay jirana tuhunno iyo su’aalo badan oo u baahan in dowladda ay ka jawaabto. Waxgaradkan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo inay si deg deg ah ku soo bandhigto baaritaanka dhacdadaasi. Waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay in la cadeeyo, sida uu ka dhacay weerarkaasi iyo cida fududeysay intaba. Odayaasha ayaa xusay in xarunta dowladda hoose ay aheyd goob amnigeeda si weyn loo sugo, islamarkaana aysan suuragal aheyn in si fudud qarax lagu galiyo. Sidoo kale wax ay tilmaameen in arrin lala yaabo ay tahay in weli Caasimada oo kala xiran la beegsanayo xarumihii dowladda, weeraraduna ay sii socdaan, iyadoo ciidamo badan ay ku sugan yihiin magaalada, howlgalladuna ay joogto yihiin. Ugu dambeyn Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka inay la yimaadaan isbedal wax looga qabanayo nabad gelyada, sidoo kalena lagu yareynaya culeyska heysta shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir. Ammaanka degmooyinka Muqdisho ayaa maalmihii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoo ay ka dhacayeen weeraro iyo qaraxyo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo codka odayaasha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tagay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federalka Soomaaliya Xafiiska Puntland, gaar ahaan Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ay wehliyaan, Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda laanta Puntland Col. Maxamed Faarax Qambi iyo Saraakiil kale. Kormeerkan oo Madaxweyne ku xigeenku uu ku eegatay bannaanka shaqo ee Laantan waxa uu indhaha indheeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Waaxaha Baasaboorada, Fiisooyinka, IT-ga iyo kuwa kale. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane ayaa bogaadiyay Maamaamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS, gaar ahaan Laanta Puntland, waxaana uu kala dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday ee ay ummaada u hayaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Guddoomiyaha iyo xildhibaannada la socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay Senetor Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka sare iyo sidoo kale guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale. Sidoo kale waxaa Garoowe ku sugan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo xubno weheliya kaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland xalayna la kulmay madaxweyne Deni. Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid ka qeyb-galka xiritaanka Kalfadhiga 44-aad ee Baarlamanka Puntland iyo sidoo kale ka qeyb-galka munaasabadda ballaaran ee xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto 1998. Dhinaca kale mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in mudada ay Garoowe joogan ay dowladda Puntland kala hadli doonaan arrima ku khuseeya xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Dadyawga Soomaalida waxaa la sheegaa in ay yihiin isir da’weyn iyadoo qaybo ka mid ahi ay ciriq ku leeyihiin qoomiyadaha Carabta iyo meelo kale balse way yar yihiin qoraallo ku filan oo caddaynaya sheegashada carabnimada iyo isirka soo jireenka ah midnaba, waxaase jira raadad iyo tibaaxo arrimahaa wax ka iftiiminaya. Somaliland waxaa gumaysan jiray boqortooyada Ingiriiska, taas oo xoriyaddeedii ka qaadatay 26 June 1960, halka Soomaaliya uu gumaysan jiray dalka Talyaanigu oo ay xoriyaddeedii ka qaadatay 1 July 1960 isla markiibana ay isku biireen oo la baxeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhalashadii dawladda cusub ayaamo yar uun ka dib, waxaa soo shaacbaxay tabashada dadkii Somaliland taas oo ku wajahnayd israaca ilaa ay keentay isku daygii inqilaabkii dhicisoobay ee 1961. Si kastaba ha ahaatee, ammin aan badnayn ayay talinaysay dawladdii shicibka ahayd, muddo ka dibna waxaa dhacay gulufkii meleterigu horkacayay ee uu General Maxamed Siyaad Barre talada dalka kula wareegay 1969kii, iyada oo xilligaa ay dhaceen xadgudubyo, dilal tiro badan iyo xasuuq ka dhacay gobollada dhexe iyo Somaliland, iyada oo uu ka talinayay ilaa 1991kii oo ay jabhado hubaysani qori caaradii xukunka kaga tuureen, isla markaana uu qarxay dagaal sokeeyo oo dhiig badani ku daatay. Wadahadalladu waa shay muhiimad weyn u leh Somaliland, Soomaaliya iyo gobolkaba guud ahaanba, waxaana dunidu wadahadallada siisaa qiimo weyn. Waa waxa keenaya is waydiimaha dunida in ay labada daraf waydiiso oo ku celceliso oo muujiso in ay danaynayso. Waana dariiqii ay u mareen dhammaan dawladihii kala baxay ee dunida soo maray sida Jakoslafaakiya oo noqotay labada dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia. Sidaa waxaa la mid ah qaar badan oo ay ka mid yihiin East Timor iyo Indonesia. Ethiopia iyo Eritrea. Serbia iyo Montenegro iyo kuwii ugu dambeeyay 2010 Sudan iyo Koonfurta Sudan. Dhammaan intan aan soo sheegay wadahadalladii waxay ku dhammaadeen in ay kala baxaan oo labadii dhinac noqdaan labo dawladood duniduna ku waafaqday oo u aqoonsatay. Waxaa iyaguna dib u heshiiyay oo wadahadalkoodii midnimo ku dhamaaday Yemen oo isu hayay koonfur iyo waqooyi, waxaa iyaduna dhawaan Scotland ay dalbatay in ay ka go’aan dalka UK, waxaana loo qaaday afti taas oo ku dhammaatay midnimo. Somaliland waa xaqiiqo jirta iyo hannaan dawladeed oo aan la dafiri karin, laakiin dawlad dunidu aqoonsan tahay ma aha. Muddo 29 sanadood ah iskeed ayay isu maamulaysay (de facto state) halka muddo 31 sanadood ahna ay Soomaaliya ka midka ahayd. In kasta oo ay inta badan dadkeedu ku qanacsan yihiin sida ay tahay, haddana dood badan ayaa ka taagan sidii ay dawladnimo ugu gudbi lahayd. Najax M. Aadan oo qormo ku falanqeeyay arrintan ayaa ku dooday “Guud ahaan rejada laga qabo in Hannaanka de facto uu u gudbo Jamhuuriyad madaxbannaan (de jure) waa mid hawl adagi hor taal marka la eego xaaladda siyaasiga ah ee dunida maanta. Sidoo kale, soojireenka taariikhda ee cilmiga siyaasaddu wuxuu muuqaal wanaagsan ka bixinayaa xaqa aayo ka tashiga. Tusaale ahaan, xog aruurin uu sameeyay Adrian Florea ayaa muujineysa tiro 34 dawladood oo hannaanka de facto ah maray, intii u dhaxeysay 1945 iyo 2011, iyada oo 18 keliya ay ka badbaadeen. H alka 16kii kalena ay galeen khilaaf ku saleysan Madaxbannaani, kaas oo markii danbe la xalilay. 12 ka mid ahi waxay dib ula midoobeen dalalkii ay ka soo jeedeen weji nabadeed oo aan xoog loo adeegsan. Waxa xusid mudan in afar kaliya ay u gudbeen heer dawlad madax bannaan — Eritrea, East Timor, Kosovo, iyo South Sudan. Somaliland waxay ka mid noqon kartaa kuwa badbaada, muhiimad dhuleed iyo taariikheed. Waase sababo ku dhisan mala-awaal iyo odoros.” Haddaba, wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxaa saldhig u ahaa rabitaanka labada dhinac iyo soo jeedintii shirkii London oo ay fadhiyeen in ka badan 50 dawladood madaxdoodu, iyo shirkii Istanbul oo la mid ahaa, kuwaas oo ay ka soo baxday War murtiyeed lagu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay xidhiidhkooda mustaqbalka ka wadahadlaan, waxaa dhacay kulamo isdabajoog ah oo kii ugu horreeyay ka qabsoomay dalka UK, kuwii xigayna ay ka dhaceen dalalka UAE, Turkey iyo Djibouti. Dariiqyada lagu kala baxo waxaa ka mid ah, hannaan dunidu gogosha dhigto, (Facilitation process) markhaatina ka noqoto oo si toos ah labada dhinac u wadahadlaan. Hannaan Dhexdhexaadinta (Mediation process). Hannaan Kala saarid xeerbeegti (Arbitration Process), iyo Maxkamadda Adduunka ee ku kala baxa sharciga (International Court of Justice). Waxay Somaliland iyo Soomaaliya xilligaa isla qaateen, in Soomaalidu wada hadasho duniduna gogasha u dhigto markhaatina ka ahaato. Waxaanay labada dhinac muhiim u arkeen, in lala kaashado khabiirro caalami ah iyo farsamo yaqaanno ku xeeldher arrimaha wadahadallada, qodobka 5aad faqraddiisa 4aad ee heshiiskii London: “Called on the international community to continue to facilitate the talks, including providing the two sides with external experts on legal, economic and security matter” Wadahadalladaana waxaa ka soo baxay midho fiican oo la taaban karo, waxaa ka mid ah: • Waxay noqdeen wadahadallo caalamiya oo dunidu taqaan, (International Fasciation process) oo siddeed jeer qabsoomay oo markhaati leh. Kulankii ugu horreeyay ee ka qabsoomay aqalka caanka ah ee Chevening House, waxay ahayd madal ay goob joog ka ahaayeen Dawladda Ingiriiska ee martigelisay, Dawladda Norway iyo Isutagga Yurub (EU)—qodobka 2aad ee heshiiska ayaa odhanaya:“The meeting was hosted by the UK and co‐hosted by Norway and EU, at the request of the two sides). Kulankii Dubai waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Arrimaha Debedda, Mr. Anwar Gargash. Kulankii Ankara waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiga iyo Raysal wasaaraha Turkiga, Kulankii Djibouti waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Djibouti, waxaana dhammaan go’aamadii ka soo baxay laga akhriyay fagaare saxaafaddii caalamku joogto. • Sida ku cad qodobka 5aad, faqradda 1aad ee heshiiskii London, waxaa lagu heshiiyay in loo wada hadlo labo dhinac, “ Agreed that the talks would take place between two sides ‐ the TFG (or its replacement) and Somaliland, in accordance with paragraph 6 of the London Conference Communiqué and paragraph 10 of the Istanbul II Conference Communiqu” • Qodobka 4aad ee heshiiskii Ankara ayaa odhanaya, waxaa lagu heshiiyay in la dhiirrigeliyo mucaawinooyinka, “Agreed to encourage and facilitate International Aid and development provided to Somaliland.” Waana waxa saldhig u ahaa hannaankii lagu liibaanay ee (Somaliland Special Arrangement iyo Somaliland Development Fund) • Waxaa kale oo lagu heshiiyay in hawada maamul labada dhinac ka koobani maamulo, xarunteedu Hargeysa noqoto, si simanna loo qaybsado wixii ka soo baxa. Qodobka 1aad ee heshiiyadii Istanbul ayaa odhanaya:“Agreed to the return of the air traffic management from the UN and decided to establish a joint control body that is based in Hargeisa to lead the air traffic control of both sides. It is also agreed that this body will propose a mechanism for equitable revenue-sharing.” • Labada dhinac waxay isla garteen garwaaqsiga dhibtii uu gaystay rajiimkii meleteriga ahaa ee aynu kor ku soo sheegnay, oo qodobka 9aad ee heshiisyadii Istanbul II ayaa odhanaya: “We condemn all the atrocities committed by that regime throughout all Somali people particularly the people in Somaliland” • In la iska kaashado kahortagga wixii dhib ku ah labada dhinac sida, xagjirnimada, Sunta badda lagu qubo, Kaluumaysiga sharcidarrada ah. Eeg qodobka 6aad iyo 7aad (Agreed to cooperate in the fight against terrorism, extremism and serious crime, Agreed to cooperate in the fight against piracy at sea and on land, maritime crime, illegal fishing and toxic dumping). Hoggaamiyayaasha labada dhinac haddii aanay hayn wax xal ah, waxaa habboon in aanay uga sii darin halkii ay maraysay. Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo labada dhinac midna ku doonayo madaxbannaani, midka kalena ku doonayo midnimo. In kasta oo furitaanka wadahadallada iyo qodobbada lagu heshiiyayba ay ahaayeen horumar fiican, haddana waxaa jiray caqabado aan la dhayalsan karin. Caqabadaha wadahadallada ee ka jiray welina ka jira Somaliland waxaa ka mid ah: 1) waxaa jirta caqabad mooral oo ku salaysan xadgudubyadii iyo xasuuqii dadka reer Somaliland loo gaystay iyada oo weliba aad loogu kala aragti duwan yahay arrintan lana odhan karo waa kaaf iyo kala dheeri! Waxa dadka reer Somaliland sheeganayaan xasuuq uu gaystay rajiimkii Meleteriga ahaa ee ka talinayay Soomaaliaya. Wixii ay iska dileen ciidamadii Soomaaliya iyo Jabhaddii hubaysnayd ee SNM waa gaar, waxay sheeganayaan xasuuq ay tusaale u yihiin dad aan waxba galabsan sida; Ganacsatadii Burco ee 45 ahayd ee guryahooda lagala soo baxay ee fagaaraha lagu toogtay, Dhallinyaradii iyo haweenkii baaska lagu furay, qaarna la xidhxidhay goobta dhagaxtuurka ee Hargeysa. Dadkii shicibka ahaa oo habeenimo guryahoodii lagala soo baxay laguna laayay xeebta Jasiira ee Muqdisho. Dadkii lagu soo ururiyay tuulada Kal-sheekh oo Iskarogada dhagaxa ah dusha lagaga shubay. Diyaaradihii lagu soo iibiyay cashuurtii dadweynaha oo garoonkan Hargeysa ka kacayay, ka dibna duqaynayay Hargeysa, Burco meelo kale ee haweenkii iyo caruurtii magaalooyinka ka qaxay ku rushaynayay daafaha magaalooyinka, ee ay ka sii qaxeen, ee ay ka daba tegeen ee garaacayey ilaa xadka ay ka tallaabeen oo ay Itoobiya ka magan galeen. Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda biniaadamka iyo qiyamka islaamka iyo 240 Xabaalo-wadareedyo ah. 2) Dabarka sharci ee Dastuurka oo dadka Somaliland 97% ay ugu codeeyeen gooni isu taagga Somaliland ayaa isaguna lama taabtaan ka dhigaya diidmada in lala midoobo Soomaaliya. Kaas oo odhanaya “Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaban Jamhuuriyadda Somaliland. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale” Caqabadaha Wadahadallada ee Soomaaliya ka jiray welina ka jira waxaa ka mid ah: Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa goloyaasha dawladda ku waajibinaaya midnimada xuduudaha dalkii Soomaaliya. Kaas oo odhanaya “Gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.” Wadahadallada ayaan aaminsanahay in ay yihiin dariiqa ugu wanaagsan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Go’aaga haddii lagugu qabsado waa laga garbaxaa’. Haddii wadahadal la diido, waxa looga gudbaa waa cunfi, xumaan iyo dagaal. Dagaal ninkii u xiiso-qabaa isagay jirtaa. Waxay ila tahay, si looga baxo murugga wadahadallada iyo ismariwaaga, in ay noqdaan wadahadallo caafimaad qaba oo wakiillada uga qayb gelayaa labada daraf ay yihiin metelayaal rasmi ah. In darafka Somaliland madaxbannaanidu yool u noqoto, darafka Soomaaliyana midnimadu yool u noqoto, daraf kastana lagu ixtiraamo hadafkiisa, si aan dib looga dhicin halka la joogo oo jaanis loo siiyo mustaqbalka, Inta wadahadaladu socdaana la samaysto qorshe lagu kala nabadgalo, wixii suurtagal ahna layska kaashado. Heshiisyadii hore loogu heshiiyay oo la meelmariyo. Wixii danbe ee lagu heshiiyo oo loo markhaatiyo badsado oo dunidu goob-joog ka ahaato.Waxa lagu heshiin karo wax ka mid ah: 1) In afti laga qaado dadka Somaliland oo madaxbannaani iyo midnimo wixii ka soo baxa la raaco. 2) In lagu heshiiyo muddo cayiman, madax bannaani shuruud leh iyo midnimo shuruud leh oo mar wada dhaca, kaas oo Somaliland loo aqoonsanayo dawlad madax bannaan, si ay u helaan dammaanad qarannimo. Iyada oo la wadaaagayo hal calan (Union Chuck), Arrimaha debadda, Gaashaandhigga, Lacagta iyo Baasboorka, si Soomaaliya u hesho dammaanad faderaal iyo midnimo. Marka muddadu dhammaato afti laga qaado isku jirka bulshada labada dhinac. 3) In lagu heshiiyo wax dhexe oo labo dhinac ka imanaya sida (Somali Union), lana wadaago waxyaalo cayiman. Tani ma aha mawqifkayga siyaasadeed, waase waxyaalaha miiska wadahadalada iman kara, waxaanan ku metelaa aragtidayda inta igu taageersan. Xirsi Cali X. Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani —29-July-2019— “Wa Billaahi Tawfiiq” Qaran News
-
Wariyayaal Ka Hawlgala Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland Oo Xukuumadda Muuse Biixi Xabsiga Dhigtay Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa goordhawayd Xabsiga dhigay Afar wariye oo ka tirsanaa Warbaahinta ERYAL TV kuwaasi oo ku guda jiray Hawl maalmeedkooda shaqo. Wariyayaashan Oo Kala Ah 1.Badri Kozar 2.Caydaruus Maxamed, 3. Cabdiraxmaan Fantastic 4. Iyo Sawirqaade Kamaal oo ka hawlgalayay Telefishanka ERYAL TV ayaa waxa loo taxaabay Saldhiga Ibraahim Koodbuur. Wariyayaashan ayaa sida la sheegay waxa ay duubayeen War cabasho ah. Warkan oo faah faahsan Goodhaw ka akhriso Foorenews.com. Qaran News
-
Tucson (Caasimada Online) – Laba nin oo qaxooti Soomaaliya ka yimid ah ayaa lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaga isku diyaarinaya inay raacaan diyaarad u qaadi lahayd Masar, si ay ugu biiraan kooxda Daacish. Mas’uuliyiinta federaalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in labada nin la xiray Jimcihii kadib bilo ay wadeen qorshooyin halis ah oo ay la-wadaageen qof saaxiib la ah balse si qarsoodi ah uga tirsanaa FBI-da. Labada nin ee Soomaalida ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ahmed Mahad Mohamed oo 21 jir ah, iyo Abdi Yemani Hussein oo 20 jir ah. Ahmed ayaa haystay degenaanshaha Mareykanka ee Green Card, halka Abdi uu haa qaxooti. Abdi Yemeni Hussein oo isku magacaabay Abu Jihad ayaa waxaa qorshihiisa ka mid ahaa inuu qarxiyo Aqalka Cad ee Mareykanka, sida laga soo xigtay halka Ahmed uu sheegay inay doonayeen inay noqdaan labada nin ee loogu doonista badan yahay argagixisada dunida. Ahmed wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayey inuu noqdo “midka qoorta ka gooya dadka.” Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in labada nin ay xogtooda heleen bishii August ee 2018 markaasi oo Ahmed uu xiriir la sameeyey shaqaale si hoose uga tirsan FBI-da oo ay ku kulmeen Online, una sheegay inuu diyaar u yahay inuu jihaad aado. Wuxuu sidoo kale sheegay in qoyskiisa ay taas raali ka yihiin. Waxay dejiyeen sheeko been oo ah inay xaflad aroos uga qeyb-galayaan dalka Masar, balse qorshahoodu ahaa inay ku biiraan kooxda Daacish ee Bariga Dhexe. Waxaa lagu xiray albaabka diyaaradda markii ay garoonka diyaaradaha yimaadeen. Waxaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwado ku saabsan inay taageero agab siinayeen urur argagixiso oo caalami ah. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
JAWAAB HADAL KA SOO YEEDHAY GUDDOOMIYEY KU XIGEENKA KOOWAAD EE GOLAHA WAKIILADA JSL Waxan dhegeystey hadalo kasaa-kasaa iyo kibir ka muuqdo oon loo meel deyin oo uu goob fagaara ah isla soo mutuxay Md Axmed Sheikh Cali Ayaanle- waa Guddoomiyaha Koowaad ee Golaha Wakiilada JSl. Markasta oo Doorasho soo dhowaato ayaa waxa inan dhego barjaysa “Saami Qeybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada.” Dunida waxa waxa lagu Qeybsada waa tiro koobta rasmiga ah ee dadka. Qaab beeleed iyo 4.5 tabliiqiga Axmed Ismaaciil Samater iyo Cali Khaliif da’yarta kula dhexwareegayaan waxba laguma qeybsado. Ciddii saami qeybsiga samayn lahayd waa adiga iyo 81 kale ee shan iyo toban sannadood ummadda soo hor kambadhuudha. Sidii lagu heshiiyey Doorashadi Deegaanka ee Bish December, 2002-Hal Qof- iyo Hal Cod iyo tiro Rasmi ah! Gobolka aad ka soo jeedo iyo guud ahaan qarankaba cisaabadka aad horjooga ka tahay aya gabay oo wax ma tarayaal iyo mooshin quutayaal noqday. Tusaale Sida Dunidu wax u qeybsato: Dalka Ingriiska: Tirada Xubnaha Aqalka Hoose: 650 Xubnood oo lookala Qeybsada sida soocota: Gobolka “Scotland”== 59 Xubnood Gobolka W/Ireland== 18 xubnood Gobolka “Wales” == 40 xubnood Gobolka “England” == 533 Sidaas waxay ku noqotay waa tiro koo, waana afartaa Gobol. Siyaado doonow indhaha iyo dhegaha furo. Cidina cid kuma xad-gudbikarto oo xaqeeda ma duudsiyi karto. Bilowgii Somaliland markay xiix, xuux, iyo hoos u gurxanku dhamman waayey, waxa markhaati ma doon ah iyo laba kursi oon laha Gobolka Saaxil Laga soo jaray ayaa midna Awdal la siiyey, midna Sanaag Bari. Ayaanlow Reer Sanaag Bari kursigii la siiy si la yaableh ayey ka yeeleen. Adiga ayaan kuu dhaafayaaye saxiibadaad Reer Las Qorey bal ka wareyso. Gobolada dalka waa la wada degaa. Suaal ina Cali Ayaanlow kuraasta aad hadda Gobolkaagu heysto dadka aad ka tirada badantahay intee ayey saami u heleen marka degmo-degmo loo sii qeybiyo? Taydaa keli lihi taada kula lihi dunida kama shaqayso. Wixii Gobolku helo anna isku koobaaya halkee lagaga dhaqma? Maroodi-Jeex nin inaadeerkaa ah ayaa ka soo baxay. Cidi kama hadal oo lama odhan Gobol kale ayuu ka soo jeeda. Doorashadii Deegaanka ee 2012 Gailey waxa kasoo baxay dad laga tiro badan yahay, cidina hoose ugumay fiirsan. Taana Ilaahay iyo Isaaq uunbaa laga helaaye ha u deymo la’aan. Somaliland oon halaqii Afweyne shan farood iyo calaacal kaga dhaqaajay ayaan ku idhi kaama lihi ila wadaag. Ilaahay ka seko taa Isaaq uunbaa laga helaa. Dad iyo duunyaba Isaaq wuu ku shuf beelay waanu u badheedhay. Markaanu ciidamadii Afweyne arladan ku hirdamaynay halkeed ku uumanayd? Ma asxaabul-kahaf- wal raqiim- baad ahayd? Kun iyo kow jeer haddii la tiro koobo, Ina Cali Ayaanlow ku Abshir kuraasta aad maanta haysto inka yar in aad helaysid. Marnaba hal kursi oo siyaada ha u fadhin. Awood dhaqaale iyo tiro ayaad sheegtay intaba soo bandhig, waxaynu barbar dhigi dadka reer Awdal asal ahaan ka soo jeeda ee Shaqaale Dowladeed ah askar ha noqoto ama shaqaale kale. Waa madax ka kow? Haddii Gobolkaagu daalac yeesho waa laguu celin; haddii Gobolka siyaado la socoto waa soo celiye sidaa ula soco. Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse July 30, 2019 Qaran News
-
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in amniga magaalada ay maanta la wareegeen ciidamo loogu talogalay sugidda amniga doorashada. Ciidamadan oo 100 askari ah ayaa waxaa hoggaaminaya Ismaaciil Saxardiid oo horay u ahaa taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka, haatanna ah taliyaha ciidanka amniga doorashada Jubbaland. Wararka ayaa intaasi ku daraya iney jidadka Kismaayo sidoo kale joogaan ciidamo booliis ah, oo horay halkaasi uga shaqeynayey. Dhinaca kale, dad xog ogaal ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ay magaalada ka baxeen murashaxiinta ay taageerto dowladda federaalka ah, kuwaas oo qaarkood Muqdisho u imaanaya la tashiyo iyo xeelado kale. Xaaladda amni ee magaalada Kismaayo ayaa caadi ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada guud ee August. Wararka doorashada Jubbaland, kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Mareeyaha Dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan ayaa sheegay in maanta in ay soo saareen saddex Markab oo horay ugu degtay gudaha Dekeddaasi. Sidoo kale Maareeyaha ayaa tilmaamay in haatan ku howlan yihiin soo saarista afar kale oo weli ku jira halkaasi. Waxaana uu tilmaamay in haraadiga Maraakiibtan ay culeys xoogan ku hayeen dhaq dhaqaaqa Dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-1-kismaayo.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Midowga Afrika ayaa wuxuu si adag u cambaareeyay weerarkii askarta looga dilay dalka Burundi ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaaladda Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Muuse Faki Maxamed, gudoomiyaha ururkaasi oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa wuxuu shaaciyey in uu tacsi u dirayo eheladda askartaasi oo tiradooda lagu sheegay lix iyo dhaawac saddex. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay ku garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sabtidii lasoo dhaafay ayey ahayd markii weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku ekeysay kolanyo ay la socdeen gaadiidka ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM lagu weeraray Balcad. Afhayeen u hadlay ciidamadda wadankaasi ayaa shaaciyey in la la’yahay laba askari, kuwaasi oo aanan nolol iyo geeri meelna lagu sheegin. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah waxay ku beegsadaan ciidamada ajnabiga ah iyo kuwa xooga dalka ee isaga kala gooshaya goboladda kala duwan ee dalka. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbalad Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamadan oo u badan kuwa Boolis ah oo dhowaan la tababaray ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona Musharraxiinta ku sugan Kismaayo ay dareemayaan qal-qal amni. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha soo socota ee August, balse waxaa weli taagan caqabado u baahan in la xaliyo. Inta badan Musharaxiinta ayaanan is-diiwaan gelin, waxaana ay cabasho ka yihiin guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeyeen inuu si gaar ah ula shaqeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe. Lama oga sida ay wax noqon doonan, balse waxaa isha lagu hayaa tartanka adag ee doorashada Jubbaland . Axmed Madoobe oo doonaya in markiii saddexaad la doorto ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo cadaadis uga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markii ciidamo u badan kuwa Boolis ah oo ka amar qaata Axmed Madoobe ay la wareegeen amniga magaaladaasi. Ciidamada ayaa isku fidiyey goobaha muhiimka ah ee ku yaala magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale arrintan qal-qal amni ku abuurtay Musharraxiinta ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay isaga tageen hallkaasi. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee August, iyadoo weli xiisado siyaasadeed ay ka taagaan yihiin deegaanada maamulkaasi. Inta badan Musharaxriina ayaanan is diiwaan gelin, iyada oo uu dhamaaday waqtigii lagu daray. Musharraxinta ayana cabasho ka muujinaya guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeyeen inuu kaliya la shaqeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe. Lama oga sida ay wax noqon doonan, balse waxaa guud ahaan isha lagu hayaa doorashada Jubbaland iyo cida ku soo bixi doonta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-30072019.mp3 View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa sheegaya in odeyaasha dhaqanka ee Cadaado ay ka biyo-diideen soo-jeedinta guddiga ay dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug u magacawday dowladda federaalka ah. Odeyaasha ayaa la sheegay iney guddiga hordhigeen arrimo lagama gudbaan ah, taasi oo ay jawaab u waayeen ergada ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Qodobbada ayaa kala ahaa: Ama hala hirgeliyo heshiisyadii iyo Dekrootooyinkii hore, ee dhigayey in Cadaado tahay caasimadda baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ama hala wada baa’biyo, oo aan hadda inta aan isu nimaado, qoronno heshiisyo cusub oo ay ku jiraan caasimadda maamulka iyo arrimo kale. Guddiga ayaa la sheegayaa iney ku adkeysteen in wixii cabasho looga tashto kulanka Dhuusamareeb, arrintaas oo u cuntami weysay odeyaasha Cadaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa halkaan idinkugu soo gudbinayaa 10 dhacdo oo aan lala wadaagin dowladda hadda jirta ee la magac baxday Nabad iyo Nolol. dhacdooyinkaan ayaa iskugu jira kuwo ku yimid gaabis dowladda dhankeeda ah, kuwo ay gacanteeda ku geesatay iyo marxalado ay ka qaadatay go’aan aa la jecleysan. Inta badan dhacdooyinkaan ayaa ku yimid habacsanaan dhanka dowladda ah oo jaaniska ugu badan siiyay kooxada dagaalka kula jira oo ay ka midka yihiin Al Shabaab iyo Daacish. Maku koobna 10-kaan oo kaliya dhacdooyinka aan hore loo arag ee dhacay inta uu talada waddanka hayay madaxweyne Farmaajo, balse intaan ayaa u arkay in ay yihiin kuwa ugu muhiimsan. 1- Madaxda ugu sarreysa Al Shabaab ayaa hal meel ku kulmay, waxeyna ka hadleen arrimo ay ka midyihiin amniga iyo is badal ku aaddan Wilaayadooda (Maamul goboleedyada), sida ay sheegeen, waana markii ugu horreysay ee sidaas dhacdo. 2- Qarax aan wali la xaqiijin qaabka uu u dhacay oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen masuuliyiin xilal muhiim ah ka hayo gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka dhacay hool shir uga socday gudaha xarunta gobolka Banaadir. 3- Al Shabaab ayaa iskugu yeeray Ergada soo dooratay xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna soo bandhigay meel fagaaro ah, iyagoo dharka ka badalay, waxeyna sheegeen in ay towxiidka u qabteen. 4- Qaraxii ugu saameynta badnaa Soomaaliya isla markaana ugu qasaaraha badnaa ayaa ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana ku naf waayay in ka badan Kun qof. 5- Dowladda Soomaaliya ayaa ka taqalustay Hay’addii Sirdoonka Qaranka NISA, waxeyna ku dartey Booliska, Iyadoo magacii Hay’adda Sirdoonka Qaranka jeebka ugu ridday shaqsi lagu xanto in uu yahay milkiilaha dowladda hadda jirta. 6- Dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay muwaadin Soomaali ah dowladda Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah kala dhaxeyso Soomaali, waxeyna sheegtay xukuumadda in uu Qalbi dhagax yahay Argagaxiso. 7- Ciidamada dowladda ayaa weerar qaawan ku qaaday habeen saq dhexe guriga siyaasi hogaamiye u ah xisbi ka mid ah axsaabta dalka oo ka fikir duwan dowladda, iyagoo ku dilay askar dowladda ka tirsan oo ilaalinayay guriga siyaasigaas, isagii oo dhaawac ahna xabsiga u taxaabay, illaa markii dambe Maxkamad uu kasoo muuqdo, wax dambi ahna lagu waayo. 8- Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Jabhadda ONLF in ay tahay Argagaxiso dhibaato ku heyso dowladda Itoobiya, Waloow ugu dambeyn ay heshiiyeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF una aqoonsadeen garab ka mid ah mucaaradka. 9- Waxaa markii ugu horreysay la arkay kooxo inta dila qof, ka duubayo muuqaal iyagoo dilaya, meeshana ka baxsado ayagoon la qaban, ka dibna muuqalka ku baahiya baraha bulshada, in kastoo laamaha ammaanka sheegeen in ay qabteen qaar ka mid ah raggaas. 10- Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo shaqadooda ku jiro ayaa idaacadaha ka maqlay in xilkii laga qaaday, waxeyna ku dhacday wasiirro ay ka mid yihiin Juxa iyo Yuusuf Garaad. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad W/Q:- Nuune Ali Hassan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhuusamareeb (Cadaado ) – Waxgaradka beesha Saleebaan oo maanta kulan la qaatay guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka biyo diiday inay ka qeyb galaan shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulankan oo saacado badan qaatay, islamarkaana warbaahinta ay dibad joog ka aheyd ayaa intiisa badan diirada lagu saaray, sidii ay Odayaasha Cadaado uga qeyb galin lahaayeen shirkaasi. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo ku dhow shirka waxgradka Cadaado ayaa guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow ku wargeliyey in aysan marbanaba ka qeyb gali doonin gogosha taalla Dhuusamareeb. Cadaado ayaa weli tabasho ka muujineysa in shirka iyo doorashada labaduba lagu qabto halkaasi. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Saleebaan ayaa horay u shaaciyey inuu ballantii uga baxay Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaana ay ku eedeeyeen inuu u xaglinayo dhinaca Dhuusamareeb. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli la filayo in shanta bisha soo socota ee August uu furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka Galmudug. Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
The Federal Government of Somalia sent a delegation to attend the Arabic Comprehensive and exhibition kicked off in Kuala Lumpur, the capital of Malaysia on July 26 and continued until July 28 Somalia was represented by Mohamed Amin Abukar, the commercial and industry attaché at the embassy in Malaysia and other diplomats, according to a statement from the forum obtained by Radio Shabelle. Speaking at the podium, Abukar said Somalia is proud to participate for the second year in such conference which is vital for the economic integration between the Arab World and Asia countries. He urged the business and investors who attended the conference to invest in Somalia, pointing out that the country is on the rise with many opportunities. Finally, Abukar said his country’s Federal Government is ready to welcome anyone who wants to have an investment in the important opportunities in Somalia. View the full article
-
18 July 2019-guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa noqday guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAf,iyadoo siyaabo kala duwan guushan ay u soo dhaweeyeen bahda kubadda cagta Soomaaliya ee gudaha dalka iyo dibada. Xiriirada kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAF ayaa iyagana jagadan ugu hambalyeeyay mudane Cabdiqani Saciid,iyagoo u raajeeyay in uu la yimaado wax qabad wanaagsan yoolkooda taa guddoomiye Cabdiqani ayaa Goobjoog u sheegaya in uu aad ugu faraxsanahay guushan. “Guushan waxayna usoo hooyatay dhamaan bahda kubbadda cagta Soomaaliya darajadan in aan helno waxa ay ka dhigantahay in aan wax la qeebsano xiriirada caalamka” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab. Bahda kubbadda cagta ayaa fariimo kala gedisan u diray gudoomiye Cabdiqani markii uu xaqiijiyay helitaanka booskan,iyagoo sheegay in arintan tahay wax weyn oo lagu farxo,balse guddoomiye Cabdiqani ayaa kaga mahad celinaya dhiiri-gelinta iyo garab istaaga loo muujiyay,isagoo intaa raacayay wax walbo oo horomar ay gaaraan madaxa Xiriirka kubbadda cagta ay gundhig u yihiin shacabka Soomaaliyeed meelbo ay joogaan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Arinkaa W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com