-
Content Count
209,151 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Soomaaliya ayaa kula saxiixatay Muqdisho heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada. Heshiiska oo ka kooban qodobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Siihayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-31072019.mp3 View the full article
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada. Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “halista codka la duubay ma ahan mid lagu dabooli karo war-saxaafadeed la soo saaray.” Wasiirka ayaa intaasi ku daray “u ololeynta argagixisanimo ee ka dhanka ah Imaaraadka waa mid laga shaleyn doono” wuxuuna intaa raaciyay in xiriirka afarta dal u jareen Qatar uu ahaa mid loo baahnaa. Toddobaadkii tagay, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso. Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi caasimada@live.com
-
“Soomaaliland waa ayo, yaase ka mid ah?” Maadaama dadka waqooyiga Soomaaliya ku dhaqan ayna wada ahayn Soomaaliland ama ayna isku raacsaneyn iney ka go’aan Soomaalida inteeda kale, xukuumadda Farmaajo kuwee la fureysaa wada hadalka ay guddiga u magacawdey? Ma kuwa wax ka tirsanaya Soomaali inteeda kale ee ah kooxda gooni u goosatada ah qabiilka kali ah, mise kuwa ku naaloonaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee Soomaali weyn wax dhibaato ah aan ka sheeganeyn? Miyaaney ku habooneyn in dadyowga midnimada jecel sida Makhir, SSC iyo Awdal iney xukuumaddu aqoonsato? Mise xukuumadda Farmaajo waxay shacabka midnimo doonka ah u sadqeyneysaa kooxda yar ee goonigoosatada ah, si ay danaheeda u gaarto? Ilaa sannadkii ay kooxda reer Hargeysa, Burco iyo Berbera ay ku dhawaaqeen gooni-isu-taagga, isimada degaannada SSC, Maakhir iyo Awdal waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen iney xukuumadihii Soomaaliya iyo dawladaha caalamka u sheegaan in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ahi ay tahay muqaddas aan laga gorgortami Karin. Iyaguna ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid yihiin oo aaney ku raacsaneyn kooxda sheegatey iney Soomaaliya ka go’een. Waxa u dambeyey warsaxaafadeedkii dhowaan ay soo saareen Isimada beesha SSC ee Sool clan iyagoo sii xoojinaya baaqyadoodii hore, kaas oo xukuumadda madaxweyne Farmaajo iyo aduunweynaha ay si cad ugu sheegeen in aanay ka mid ahayn Soomaaliland, isla markaana wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland qof ama koox ku matali kartaa gobollada SSC aaney jirin. Isagoo, habayaraatee wax tixgelin ah aan siinin arrimahii ay soo jeediyeen Isimada degaannada SSC, ayuu madaxweyne Farmaajo magacaabey Guddiga Qaran ee Dib-u-heshisiinta iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Guddiga uu magacaabey madaxweyne Farmaajo wuxuu ihaano ku yahay dhammaan dadka midnimo doonka ah ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaanna baaqii isimada gobollada SSC ee bishan horraanteedii. Kaas oo cod buuxa ay ku diideen arrimaha wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Una sheegey Xukuumadda Federaalka in aanay raalli ka noqon doonin wada hadalladaas. Guddigani wuxuu taariikhda ku galayaa inuu ka mid noqonayo arrimaha Siyaasad xumada iyo dhibaatooyinka ah ee ay xukuumadda Soomaaliyeed ku dhabar jabineyso dadka midnimada jecel ee waqooyi Soomaaliya. Xukuumadda Farmaajo waxay duudsidey xuquuqdii aayo ka talinta gobollada SSC. Waxana muuqata iney dooneyso iney ku khasabto iney raacaan goonigoosatada. Taasina waxay caddeyneysaa in xukuumadda federeaalku aanay rabin inay taageerto yuhuunta shacabka midnimo doonka ah si xal waara laga gaadho dhibaatada ka jirta waqooyiga Soomaaliya. Waxaan xukuumadda kula talin lahaa:- Iney iska daayaan siyaasadda gurracan ee madhaleyska ah ee at ka waxaan waqooyiga Soomaaliya. Iney dadyowga midnimada jecel ee waqooyiga u oggolaadaan iney ka tashashdaan aayahooda midnimo doonka ah, isla markaana gacan ku siiyaan. Iney kooxda goonigoosatada ah ee “Isaaq” la furaan wadahadal u gaar ah, kana shaafiyaan waxyaabaha ay tabanayaan. Iney xukuumaddu magacawdo guddi ballaadhan oo si ku saleysan xaqiiqada shacabka Soomaaliyeed u soo lafagura dib-u-heshiisiin dhab oo loo sameeyo ummadda Soomaaliyeed. Guddigaas oo ka kooban aqoonyahanno ku takhasusey cilmiga bulshada, siyaasiyiin ruug-caddaa ah, culamaa’udiin, isimada iyo cuqaasha beelaha. Qore: Xildhibaan Ahmed Ismail Shabel Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la sheegay in bil walba lacag kumanaan dollar ah uu ku bixiyo daganaansho la’aanta siyaaseed ee degaanada maamulka Galmudug oo muddo dheer loolan siyaasadeed iyo muran dhuleed kala dhaxeeyo. Xabno sare oo ka tirsan oo maamulka Ahlu-Sunna oo la hadlay Caasimada Online ayaa Xaqiijiyay in maamulka Ahlu-Sunna uu bil walba lacag gaaraysa 30,000$ uu ka qaato maamulka Puntland sidoo kalane adeegyo lacag la’aan ah loo sameeyo. Lacagtaan la siiyo Ahlu-Sunna ayaa la sheegay in laga jaro Canshuurta Dekadda Boosaaso sidoo kalane gaadiidka iyo adeegyada kale ee u socda Ahlu-Sunna ay si lacag la’aan ah uga soo dagaan Dekadda Boosaaso ee Puntland. Sababta ay Puntland lacagtaan u bixiso ayaa lagu sheegay in aysan dagin Siyaasadda Galmudug, sidoo kalane aysan isu raacin gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ay maamulka Puntland u arkaan u arkaan caqabadda 1aad ee horumarkooda. Galmudug iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya muran ku saabsan soodinta magaalada Gaalkacyo waxaana dhowr jeer dhaxmaray dagaalo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Wali xal looma helin murankaasi labada maamul waxaana la’ aaminsan yahay in Ahlu-Sunna ay garabka ugu wayn ka helaan maamulka Puntland. Sidoo kale wararkan aan helnay ayaa Xaqiijinaya in Puntland ay qayb ka tahay go’aanada qaar ee Ahlu-Sunna ka gaarto masiirkeeda siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa maanta war ka soo saartay halka ay marayaan Wada-hadalada u socda jabhadada uu hogaamiyo Kornayl Caare. Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa sheegay inay meel fiican marayaan wada-hadalaasi kala dhaxeeya Jabhada. Wasiir Cabdilaahi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada Biixi markasta ka go’antahay inay nabad ku dhameyso tabashada Kornayl Caare. Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Caare waa nin somalilander ah, inaguna waxaynu ku soo caano maalnay sodonkaas sanadood wax kasta oo ina horyimaada in si nabadgalyo ah lagu dhamaystiro, xukuumadana go’aankeedu waa in hawshaasi ku dhamaato si nabad galyo ah waayo nin kasta oo dhinaciisa iyo dhinaceena ka dhimanayaaba waa dadkeenii”. “Xilkuna waxa uu saaran yahay waa mas’uuliyiinta iyo dadkaas la doortay ilaahayna kala xisaabtamayaa markaa dawladu waxay ku dedaalaysaa in hawshaasi ay ku dhamaato nabad galyo”. Si kastaba, Wada-hadaladan u socda xukuumada Biixi iyo Jabhada Kornayl Caare ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka badalin xiisada dagaal ee ka taagan deegaanada gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee xisbiga Waddani ayaa si mug weyn uga hadlay wada-hadala u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Xirsi ayaa sheegay in Wada-hadaladaasi ay muhiimad gaara u leeyihiin Somaliland, oo ku sheegay inay tahay xaqiiqo jirta iyo hannaan dawladeed oo aan la dafiri karin. Hogaamiye Xirsi ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoon xusay bar bilowgii wada-hadaladasi iyo arrin hadda suurta-galinya inay dib u furmaan wada-hadaladaasi. Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran: “Dadyawga Soomaalida waxaa la sheegaa in ay yihiin isir da’weyn iyadoo qaybo ka mid ahi ay ciriq ku leeyihiin qoomiyadaha Carabta iyo meelo kale balse way yar yihiin qoraallo ku filan oo caddaynaya sheegashada carabnimada iyo isirka soo jireenka ah midnaba, waxaase jira raadad iyo tibaaxo arrimahaa wax ka iftiiminaya. Somaliland waxaa gumaysan jiray boqortooyada Ingiriiska, taas oo xoriyaddeedii ka qaadatay 26 June 1960, halka Soomaaliya uu gumaysan jiray dalka Talyaanigu oo ay xoriyaddeedii ka qaadatay 1 July 1960 isla markiibana ay isku biireen oo la baxeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhalashadii dawladda cusub ayaamo yar uun ka dib, waxaa soo shaacbaxay tabashada dadkii Somaliland taas oo ku wajahnayd israaca ilaa ay keentay isku daygii inqilaabkii dhicisoobay ee 1961. Si kastaba ha ahaatee, ammin aan badnayn ayay talinaysay dawladdii shicibka ahayd, muddo ka dibna waxaa dhacay gulufkii meleterigu horkacayay ee uu General Maxamed Siyaad Barre talada dalka kula wareegay 1969kii, iyada oo xilligaa ay dhaceen xadgudubyo, dilal tiro badan iyo xasuuq ka dhacay gobollada dhexe iyo Somaliland, iyada oo uu ka talinayay ilaa 1991kii oo ay jabhado hubaysani qori caaradii xukunka kaga tuureen, isla markaana uu qarxay dagaal sokeeyo oo dhiig badani ku daatay. Wadahadalladu waa shay muhiimad weyn u leh Somaliland, Soomaaliya iyo gobolkaba guud ahaanba, waxaana dunidu wadahadallada siisaa qiimo weyn. Waa waxa keenaya is waydiimaha dunida in ay labada daraf waydiiso oo ku celceliso oo muujiso in ay danaynayso. Waana dariiqii ay u mareen dhammaan dawladihii kala baxay ee dunida soo maray sida Jakoslafaakiya oo noqotay labada dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia. Sidaa waxaa la mid ah qaar badan oo ay ka mid yihiin East Timor iyo Indonesia. Ethiopia iyo Eritrea. Serbia iyo Montenegro iyo kuwii ugu dambeeyay 2010 Sudan iyo Koonfurta Sudan. Dhammaan intan aan soo sheegay wadahadalladii waxay ku dhammaadeen in ay kala baxaan oo labadii dhinac noqdaan labo dawladood duniduna ku waafaqday oo u aqoonsatay. Waxaa iyaguna dib u heshiiyay oo wadahadalkoodii midnimo ku dhamaaday Yemen oo isu hayay koonfur iyo waqooyi, waxaa iyaduna dhawaan Scotland ay dalbatay in ay ka go’aan dalka UK, waxaana loo qaaday afti taas oo ku dhammaatay midnimo. Somaliland waa xaqiiqo jirta iyo hannaan dawladeed oo aan la dafiri karin, laakiin dawlad dunidu aqoonsan tahay ma aha. Muddo 29 sanadood ah iskeed ayay isu maamulaysay (de facto state) halka muddo 31 sanadood ahna ay Soomaaliya ka midka ahayd. In kasta oo ay inta badan dadkeedu ku qanacsan yihiin sida ay tahay, haddana dood badan ayaa ka taagan sidii ay dawladnimo ugu gudbi lahayd. Najax M. Aadan oo qormo ku falanqeeyay arrintan ayaa ku dooday “Guud ahaan rejada laga qabo in Hannaanka de facto uu u gudbo Jamhuuriyad madaxbannaan (de jure) waa mid hawl adagi hor taal marka la eego xaaladda siyaasiga ah ee dunida maanta. Sidoo kale, soojireenka taariikhda ee cilmiga siyaasaddu wuxuu muuqaal wanaagsan ka bixinayaa xaqa aayo ka tashiga. Tusaale ahaan, xog aruurin uu sameeyay Adrian Florea ayaa muujineysa tiro 34 dawladood oo hannaanka de facto ah maray, intii u dhaxeysay 1945 iyo 2011, iyada oo 18 keliya ay ka badbaadeen. H alka 16kii kalena ay galeen khilaaf ku saleysan Madaxbannaani, kaas oo markii danbe la xalilay. 12 kamid ahi waxay dib ula midoobeen dalalkii ay ka soo jeedeen weji nabadeed oo aan xoog loo adeegsan. Waxa xusid mudan in afar kaliya ay u gudbeen heer dawlad madax bannaan — Eritrea, East Timor, Kosovo, iyo South Sudan. Somaliland waxay ka mid noqon kartaa kuwa badbaada, muhiimad dhuleed iyo taariikheed. Waase sababo ku dhisan mala-awaal iyo odoros. Haddaba, wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxaa saldhig u ahaa rabitaanka labada dhinac iyo soo jeedintii shirkii London oo ay fadhiyeen in ka badan 50 dawladood madaxdoodu, iyo shirkii Istanbul oo la mid ahaa, kuwaas oo ay ka soo baxday War murtiyeed lagu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay xidhiidhkooda mustaqbalka ka wadahadlaan, waxaa dhacay kulamo isdabajoog ah oo kii ugu horreeyay ka qabsoomay dalka UK, kuwii xigayna ay ka dhaceen dalalka UAE, Turkey iyo Djibouti. Dariiqyada lagu kala baxo waxaa ka mid ah, hannaan dunidu gogosha dhigto, (Facilitation process) markhaatina ka noqoto oo si toos ah labada dhinac u wadahadlaan. Hannaan Dhexdhexaadinta (Mediation process). Hannaan Kala saarid xeerbeegti (Arbitration Process), iyo Maxkamadda Adduunka ee ku kala baxa sharciga (International Court of Justice). Waxay Somaliland iyo Soomaaliya xilligaa isla qaateen, in Soomaalidu wada hadasho duniduna gogasha u dhigto markhaatina ka ahaato. Waxaanay labada dhinac muhiim u arkeen, in lala kaashado khabiirro caalami ah iyo farsamo yaqaanno ku xeeldher arrimaha wadahadallada, qodobka 5aad faqraddiisa 4aad ee heshiiskii London: “Called on the international community to continue to facilitate the talks, including providing the two”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-30072019.mp3 View the full article
-
In the past five months, a chap named Michael Rubin began suddenly writing negative articles mostly comprising unsubstantiated characterizations, and outright lies about Somalia and Somali government. Many started asking questions about his motives Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo dad xil-doon ah ayaa durba billaabay inay u loolamaan xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir, oo dhaawaciisa lagu daweynayo magaalada Doha ee Caasimadd dalka Qatar. Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Caasimadda ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin reer Muqdisho ah oo doonaya in lagu bedalo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer C/raxamaan Cumar Cismaan (Yariisow). Odayaashani ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay dadnimo xumo ah, islamarkaana siyaasiyiintaasi ayasan matalin shacabka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in siyaasiyiintaasi xil doonka ah, oo la xiriiray madaxweyne Farmaajo, ay yihiin kuwo aan damiir laheyn, islamarkaana ay iska qaban doonaan. “Waxaa jira siyaasiyiin naga mid ah oo Madaxweynaha ula rooraya warqado oo xilka Injineer Yariisow ka jarinaya dowladda, Madaxweyne ha ku ajarmin, Ra’iisul wasaare haku ajarmin nimankaas damiir maleh.” ayaa yiri mid ka mid ah Odayaasha. Sidoo kale isaga oo sii hadlayey ayaa wuxuu intaasi raaciyey “Nin nool lama dhexlo.” Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacmay weerarkii 24-tankii bishan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa haatan lagu dabiibayaa gudaha dalka Qatar, waxaana xaaladdiisa caafimaad ay haatan ah tahay mid soo hagaageyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ugu tegay ciimada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu Sunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda diyaar u ah howl-gallo lagu baacsanayo argagaxisada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay kormeer dhiirri gelin iyo dardaaran ah ayaa ku boorriyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada, qarannimada, sugidda amniga iyo howl-gallada argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay uga suganyihiin dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay Taliyaha guutada 15-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir (Kaanti), isaga oo ku adkeeyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran difaaca dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay u xil saaranyihiin. Mudane Xasan Cali Khayre oo sheegay in muhiimad wayn ay dowladda u leedahay tayeynta ciidamada iyo qalabeyntooda ayaa ballan qaaday in si dhaqsa ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fulinta mas’uuliyadda weyn. Isku dhafka ciidamada xoogga ayaa xoojinaya guulihii laga gaaray isku dhafidda ciidamada Booliiska iyo nabad-sugidda, arrintaas oo muujineysa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku guuleystay qorshihiisii ahaa qarameynta ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada deegaanka, si ay wadajir ugu xureeyaan deegaannada Galmusug ay argagaxisadu uga sugantahay.
-
Ciidamada Ahlu sunna ee dhowaan la diiwaan geliyey, ayaa maanta waxaa la wareegtay dowladda federaalka ee Soomaaliya. La wareegitaanka ciidankaan ayaa timid ka dib xaflad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, waxaana lagu shaaciyay, maanta wixii ka danbeeyo ay noqonayaan ciidamo hoostaga taliska guud ee xooga dalka iyo wasaaradda Gaashaandhigga ee federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare-BFS mudane Abshir Maxamed Axmed, ayna ku jiraan senataro ay deegaanka doorashadoodu tahay Puntland ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, waxaa ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu horkacayey guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland. Mudane Abshir ayaa qeyb ka ah martida ka qeyb galeysa xuska 1-da August ee aasaaska dowlad goboleedka Puntland. Halkaan ka eeg sida ay u dhacday soo dhaweynta gudoomiye ku-xigeen Abshir Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (SMN) – Wafdigaan uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku- xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare-BFS, Senataro iyo hoowlwadeeno ayaa gaaray magalaada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland. Wafdiga ayaa looga mahadceliyey in ay Garoowe u yimaadaan ka qeyb-galka munaasabadda 1-da August oo ah markii dhidibada loo taagay Puntland. Sanad-guuradan ayaa noqaneeysa tii 21aad. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Abshir Maxamed Axmad ayaa Puntland ku ammaanay horumarrada ay gaartay iyo sida ay qeyb weyn uga tahay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-30072019.mp3 View the full article
-
Ganacsato reer Puntland ah oo ku midaysan Hiigsiga ah in gudaha dalka laga hirgeliyo warshado wax soo saar oo looga maarmo kuwa debadda ayaa markii u horraysay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka hirgeliyay warashad cusub soo saari doonta Tuubbooyinka iyo Siligga. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray warshadda cusub ee Tuubooyinka iyo Siligga oo ay maalgashadeen Ganacsatada reer Puntland taas oo markii ugu horaysay laga hirgaliyey guud ahaan Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta dowladda Puntland oo madaxweynuhu u horreeyo, qaar kamid ah Ganacsatad waaweyn ee Puntland , Nabaddoono, Waxgarad,isimo, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale. Maamulaha shirkaddan cusub ee SOBIC ENN Abshir Cabdullaahi oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedka ay shirkaddan u hirgeliyeen ay tahay, in laga maarmo Tuubooyinkii iyo Siliggi dalka debaddiisa laga keeni jiray ee dhibta badan laga mari jiray iyo in ay shaqa-abuur ka helaan dhalinyarada Waxbartay ee Puntland. Madaxweyne Deni oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska-kaashaday shirkaddan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo. “Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey wersheddan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”. “Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee soo socota, waxaana rajaynayaa in qeybaha kala duwan ee ganacsatadu in ay ku yeeshaan talo badan “xagge dalku u socon karaa dhinaciisa horumarka”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan la qabandoono shirka maalgashiga Puntland, kaasi oo ay kasoo qayb gelidoonaan maalgashadayaal ajanebi ah iyo kuwo Soomaaliyeedba, waxaa uu sidoo kale xusay Madaxweynuhu in hadda lagu hawlan yahay samaynta xeerka Maalgashiga oo kala saaraya xuquuqda maalgashadayaasha muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibta ah. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta shirkadda SOBIC ayaa dhammaan dadkii kasoo qeyb galay bogaadiyeen shirkaddan cusub ee qaybta ka ah horumarka koboca dhaqaalaha Puntland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Warshad Tuubbooyinka iyo Siligga samaysa oo markii ugu horraysay Puntland laga hirgeliyay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta ayaa shaaciyey in diyaaraddo dagaal ay laba duqeyn ka geysteen magaaladda Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose, koonfurta Soomaaliya, habeenimadii Isniinta. Saraakiisha oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa tilmaamay in duqeynta koowaad lala beegsaday munaasabad ay Al-Shabaab tababar ugu soo xireysay dagaalameyaal cusub. Xubnahaasi oo tiradooda aanan la cayimin ayaa waxaa la sheegay in loo qoray guutada xoogaag gacansaarka la leh Al-Qaacida u qaabilsanaa wadanka Kenya ee loo yaqaano Jaysh Ayman. Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in weerarka labaad ee dhanka cirka uu ka badbaaday horjooge sarre oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo aanan wali la xaqiijin magaciisa iyo jagada sare ee uu hayey. Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha dhabta ah ee howlgaladaasi kasoo gaarey Al-Shabaab, wallow la tibaaxayo in ay jirto “dhimasho badan”. Jubadda Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu kamid yahay degaanada ay ku xoogan tahay kooxdaasi, isla markaana ay ku tababarto xubnaha ka barbar-dagaalama. Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysaa iyadda oo Jimcadii ay kulan ku yeesheen tuulada Buula Fulay ee gobolka Bay hogaamiyeyaasha Al-Shabaab, iyaga oo ka wada arrin-saday qodobo dhowr ah. Xogo la helay ayaa tilmaamay in kulankooda uu daarnaa isbedel ay ku sameeyaan degaanada ay maamulan iyo waliba xeelad cusub oo ay qorsheynayaa in ay kusoo kordhiyaan howlgalada ay fulinayaan. Mareykanka iyo Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya degaanada Jubooyinka, inkasta oo howlgalada culus aalaaba looga bartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Washington. Xigasho: Garowe Online
-
Sii Deynta Maxaabiistii Budhcad-badeedku waxay ahay Talaabo Aadaminimo oo xaga fiican loo qaaday Culayskeedana leh ! Waxay ahayd bishii Labaad ee Sanadkii 2012 markii ay heshiis Caalami ah ay magaalada London ku kala sexeexdeen Madaxweynaha Dalka Seychelles Mudane James Michel iyo Madaxweynihii hore ee Dalka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, heshiiskaasi oo ahaa in Maxaabiis budhcad-badeed ah Soomaali ah oo Xukunkooda Maxkamadeed lagu qaaday Dalka Seychelles loo soo wareejiyo Jeelasha Somaliland si ay mudada lagu xukumay ay ugu qaataan Jeelka Hargeysa. Heshiiskaas ay labada Madaxweyne kala saxeexdeen waxaa goob joog ka ahaa Wasiirkii Dalka Ingiriiska u qaabilsanaa Qaarada Africa, Henry Bellingham, iyo Wasiirrada Arrimaha debeda iyo waliba gudaha ee Dalka Seychelles iyo madax kale. Ujeedada guud ee ay Somaliland u gashay heshiiskaas una ogolaatay in budhcad badeed reer Soomaaliya ah la keeno Somaliland waxay ahay iyada oo Xukuumada Somaliland si Aadaminimo iyo Muslinimo iyo Soomaalinimo ah u aqbashay Codsi uga yimi Qoysaskii maxaabiista oo Somaliland ka dalbaday in ay Maxaabiistaas qaabisho si ay ugu fududaato booqashadooda iyo ka war-hayntooda maadaama aanay Dalka Seychelles tegi karin kuna booqan karin oo ay culays ku ahayd. Shuruuda ay Xukuumada Somaliland ee waagaasi ay hor dhigtay Waalidiinta iyo waliba Dunida waxay ahay in qofkii si ikhtiyaar ah oo xor ah u dalbada oo kaliya ay qaabilayso, shuruuda kale waxay ahayd in go’aanka Xukunka ku dhacay uu yahay go’aan kama danbays ah oo aanuu rafcaan u hadhin. Hadaba Maxaabiistan oo aan shakhsiyan ku booqday Xabsiga Hargeysa waxay badankoodu ahaayeen qaar aan wax rafcaan ahba ka qaadan Xukunkii koowaad ee ku dhacay, waxaanay ii sheegeen in sababta ay Rafcaanka u qaadan waayeen ay ahayd iyaga oo ka baqanayay in ay ku sii jiraan Xabsiyada Seychelles baahi culusna u qabay in Hargeysa loo soo wareejiyo si ay dadkoodu usoo booqan karaan. Waxaa maxaabiista Jeelka Hargeysa ku jirtay ka muuqatay inay helaan daryeel fiican eheladooduna ay kaga war-hayn jireen kuna booqan jireen Jjeelka, inkasta oo maxaabiista qaarkood oo aan la kulmay ay ka muuqatay didmo iyo anfariir iyo waliba xanuun nafsi ah oo ay keentay Xukunka mudada dheer ahaa ee ay ku xukunaayeen kaasoo qaarkood Labaatan Sanadood Xabsi gaadhaya ay ku xukunaayeen. Aad iyo aad ayaan ugu Mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee qaatay go’aanka geesinimada leh ee uu maalintii Shalay uu ku sii daayay xubnahan Xabsiga ku jiray oo kala ah: 1) Maxamed Axmed Ciise 2) Cadow Cali Cismaan 3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi 4) Axmed Cali Cismaan 5) Axmed Cali Siciid 6) Maxamed Axmed Cali 7) Bashiir Khaliif Xaashi 8. Cabdirisaaq Maxamed Cali 9) Cabdifataax Axmed Xasan 10) Nuur Maxamed Aadan 11) Jamaal Maxamed Cali 12) Cali Maxamed Cali 13) Cabdillaahi Maxamed Xasan 14) Cabdi Tahliil Xasan 15) Daahir Cabdillaahi Warsame 16) Cabdiqaadir Cabdi Cali 17) Cabdinuur Xaaji Aadan 18) Maxamed Maxamuud Xasan 19) Abuukar Axmed Ciise Waa go’aan culus oo miisaankiisa leh, waxaase hubaal ah inuu ahaa go’aan bini-aadaminimo oo loo baahnaa oo xiligii ku haboonaa yimi. Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
-
We want to vote in an election held with INTEGRITY on its scheduled date Democratic power in the political system comes from simply being a citizen. Every citizen gets one vote and no one can be more of a citizen than another citizen. So we all supposedly get equal input into our politics and thus roughly equal Political Power. It is the struggled masses who are the foundation of this country; and if the foundation be rotten or insecure, the rest of the structure must eventually crumble; so they deserve to listen their concerns and be respected. When citizens join political parties, volunteer their time, donate money and vote for their leaders, they are exercising their basic democratic rights. Participation of citizens in political parties offers unique benefits, including opportunities to influence policy choices, choose and engage political leaders, and if capable run for office. Somaliland citizens want Elections held with Integrity and with no delay to express their opinions on the political choices. Internationally an Election held with Integrity (Electoral Integrity) was defined as the election based on the democratic principles of political equality. This means its administration is professional, impartial, and transparent throughout the electoral cycle including during its preparation period, its code of conduct guidelines, its campaign procedures, actions in the polling day and its aftermath activities. Electoral Integrity is important because it means to avoid rule of a government came through fraudulent election, to avoid political or ethnical conflicts and fights, to avoid bad governance and to avoid violent and destructive transfer of power. Elections are freedom of opinion and expression through the ballot box; then elections are the right of every person to take part in the government of one’s country through voting for his/her choice of the country’s representatives and leaders. Therefore, the right to vote and participate in elections administered with neutrality and equal access to vote on the appointed days are part of the basic civil and political rights of citizens. In democratic states political parties are also essential institutions of democracy; by competing in elections they offer citizens a choice in governance. Particularly the opposition parties are a major pillar of a country’s democracy; because they are the institutions that can hold the government to be accountable and act in the best interests of the society and in accordance with the constitution or be criticized and face consequences. In Somaliland we need to continue the vibrant, accountable and inclusive multiparty system and conduct elections held with Integrity on their scheduled dates. That is the only way to offer our citizens meaningful choices and opportunities for political participation. When elections are held with integrity, the bedrock democratic principle of political equality is honored. Electoral integrity or free and fair elections are the only instrument of democratic and peaceful transfer of power with the consent and choice of the majority of any country. When a government of a country comes to power through free and fair election means democratic principles and citizen rights are valued. But if elections are lacking integrity the choice of the majority and the rights of the citizens are always denied. Moreover, the heart of Somaliland’s hope to get recognition from the international community partly depends on democratic elections held with integrity on their scheduled dates. When the results of such elections are accepted by all parties or stakeholders, it would boost sustained democracy and increase the democratic credibility as international standard demands. So we need elections that are conducted with integrity; because only that type of elections upholds the rule of law, strengthens our democracy, strengthens our social and individual security, gives boost to our social integration and empower our unity. In order to achieve that goal, an environment with the acceptance and confidence of the three competing parties should be created; that is the refereeing institution (NEC) should be neutral trusted by all election competitors. Always when a political differences and conflicting ideas arise between a country’s ruling and opposition political parties; there may be a political hegemony practices by those who rule. Always the Side enjoying with the government power and related opportunities or the ruling party denies or refuses a legal procedural step or task or issue; that its implementation is in accordance with the country’s electoral laws; but it is against the political interest of that ruling party. The current situation in Somaliland has the same image as the president and his party refused the removal of NEC members from office; which is the key issue to go forward to solve the other disagreed issues and other election challenges. The refusal to remove the accused current NEC members from the office by the president and his party is the cause of the political standoff in Somaliland. Any effort to keep these accused NEC members in the office is a clear sign of delaying the election and distorting the integrity of that election; because NEC accused with partiality with true evidences will not hold a fair and free election. And when the integrity of the election is challenged; the public will lose the confidence and faith in the outcome of such election; the public will lose their trust to the government; the people supporting the parties may confront with each other; and the security and peace that we were proud of will be damaged. However, the ruling party should honor the rights of citizens including its supporters and respect the voters to take their turn of the decision to vote the coming election on its scheduled date. The most important step enabling us to boost sustained democracy, to increase our democratic credibility as international standard demands, to hold a free and fair election on the appointed date is to face the reality and select new electoral commission members; who are responsible, independent, accepted in the perception of the stakeholders or all parties and the public; a commission guided by the electoral laws and country regulations in the whole range of the electoral tasks. As soon as this issue is solved, there will be a constructive dialogue and an understanding between the political parties on the other disagreed issues concerning the elections. Without this, it is clear that the coming parliamentary election will go under serious strain, more delay will happen and our democracy will come to an end. The interest of Somaliland and the betterment of the future of its people is more bigger than the interest of seven persons and the interest of few governing persons. Adam Ali Younis aayonis@hotmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Si Adag Uga Digay Ciidamada Qaranka ee Sida Fudud Loogu Laynayo Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Sanaag Hargeysa:29/07/2019 ()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay ciidamada qaranka ee ku hawlan sugidda amniga shacabka ee sida fudud loogu layno deegaanno kamid ah gobolka Sanaag, waxana uu shaaca ka qaaday inaan qaranku u dulqaadan doonin dhibaatada lagu hayo ciidamada qaranka. Madaxweynaha oo maanta ka hadlay madal lagu daah-furay qorshaha shanta sano ee hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gu horrayn waxa uu tacsi u diray tiro kamid ah ciidamada qaranka oo dhawaan lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn, isaga oo wax aan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay dilka ciidamada qaranka ee soo noqnoqonaya, “Waxa aan Tacsiyadaynayaa ciidankii qaranka Booliska ee lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn oo aanan garanayn sababta loo laayey. Maalin dhaweyd uun bay ahayd markii saarkiishii Booliska ee Jeelka oo wax Allaalle iyo wax lagu laayey aan la garanayn,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale si cad u sheegay inaan loo adkaysan Karin ii ciidamada qaranka layntooda lagu degdego oo aan waxba la iska saarin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa la yaab leh in cid ama reer uu ciidanka qaranka si dhib yar isaga laayo, haddii looba dulqaato oo la yidhaahdo nabadda halla ilaaliyo ay waddo xalaal ah in ciidankii qaranka la laayo maalin walba oo ninku hadduu qolo yahayna aan la taaban Karin, hadduu qarankii yahayna lagu soo degdegayo oo bilaa macni lagu dilayaa wax la aqbali karo ma aha.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Xukuumaddu ha dulqaadato, dadka halla waaniyo, gacan qabowna hallagu maamulo, laakiin dulqaadka iyo doqonniimadu waa walaalo, lamana kala saari karo, waxana ay ila tahay in dulqaadkii intuu qaranku dhaafay inuu doqonniimadii ku jiro oo maalin walba uu qarankii meyd soo wanaqsanayo oo ay noqotay ninkii waa ooma Ooyaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay qabashada dambiilayaasha dhibka ku haya ciidamada qaranka, waxana uu yidhi, “Annaga xukuumad ahaan iyo madaxweyne ahaanba waxa naga go’an in dambiilihiina la qabto iyo ninkii gardarraa, gacantii gacan ka weynna aan la geysanin.” Qaran News