Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,166
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason iyo saraakiil kale. Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland gaar ahaan mashruuca JPLG oo uu Mason ka hambalyeeyey sida habsamida leh ee dowladdu u wado iyo guulaha la gaaray. Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay siday uga go’an tahay Dowladda Puntland inay maamul daadejinta gaarsiiso degmooyin hor leh oo aanay horay u gaarin mashaariicda barnaamijkan, dhaqaale uruurin iyo isku tashi gudaha ahna samayneyso dawladdu sidoo kale wuxuu xusay inay muhiim tahay hay’adaha JPLG ku shaqo leh inay u qareemaan sidii taageero loosiin lahaa dawladda si ay hiigsigeeda u gaarto. Dhankiisa Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason waxa uu bogaadiyay sida habsamida leh ee Puntland uu uga hirgalisay mashruucaan JPLG, wuxuuna sheegay in hadda loo hayo dhaqaale JPLG, lana sii wadi doono u qareemida shaqadan wanaagsan ee bulshada loo wado. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga wada hadlay in UN-ku ay taageero ka gaystaan arrimaha doorashooyinka ee dawladdu ka fulin doonto Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa galabta dhagax dhigay garoonka kubadda cagta Mira-awaare, Siciid Denni ayaana dhagax dhigga ka sheegay in xukuumaddiisu ay boqolaal [...] Source
  3. Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle (Ibrahim-Dhere) ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta Waaxda saddexaad ee October Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda. “Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.” Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa horey amar ugu bixiyey dhismaha xarunta Waaxda October oo ay dhisteen dad shacab ah, kuwaas oo laga burburiyey, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Guddoomiyaha Gobolka ku weheliyey Kuxigeenkiisa Howlaha Guud Mudane Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo masuuliyiinta degmada Waaberi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. Garowe (SMN) – Gudoonka labadda Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka qeybgaleen fadhiga Golaha Wakiiladda Puntland. Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Hoose ayaa khudbad ka jeediyay kulanka. Mas’uuliyiintan ayaa u tegay Garowe ka qeybgalka munaasabadda sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay aas-aaska dowlad goboleedkaasi. Xafladda ayaa waxay qabsoomeysa berri oo Khamiis ah kuna beegan 1-da bisha August, iyadda oo ammaanka aad loo adkeeyay. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka sheekeeyey dhacdo yaab leh oo shaki iyo cabsi abuurtay oo maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kadib markii qof diyaarad la saarnaa uu go’aansaday inuu diyaaradda ka haro. Hoose ka aqriso qoraal uu Yuusud Garaad soo dhigay facebook. Maanta aniga oo ka duuli raba garoonka dayaaradaha ee Muqdisho ayaa shaki ku abuurmay rakaabka aan dayaaradda wada raaci lahayn, muranna ka dhex dhalisay. Markii aan dayaaradda gudaheeda fariisannay ayaa qof ka mid ah rakaabku uu goostay in uu dayaaradda ka haro. Waxay taasi kalliftay in nala daahiyo, mas’uuliyiinta amniga ee Garoonka Aden Cabdulle ay goobaan, dejiyaanna qofkii haray shandaddiisa. Intaa laguma joojin ee waxaa la dejiyay dhammaan shandadaha dayaaradda hore loogu raray iyo dhammaan inteennii rakaabka ahayd iyo waliba shaqaalaha dayaaradda. Waxaa la keenay laba eey oo kala nooc ah, kala dambeeyana oo midba mar uu baaray xamuulka oo dhan, boorsooyinka gacanta iyo gudaha dayaaradda. Markaa ka dib ayaan fasax u helnay in aan dayaaradda gudaheeda galno oo qof waliba uu kursigiisa dib ugu laabto. Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan madaxda iyo hawlwadeennada amniga ee gegida dayaaradaha feejignaanta iyo go’aan qaadashada iyo waliba sida ay noogu fasireen iyaga oo cudur daar bixinaya in la hakiyay dayaaradda mar labaadna la baaray. Waxaan si gooni ah ugu mahadcelinayaa Gaashaanlihii hormuudka ka ahaa howsha, saraakiisha iyo ciidanka kale iyo Madaxa Gegida, Genereal Aden Ashkir oo qudhiisu goob joog ahaa inta ay dib u baaristu socotay oo dhan. Ilaaheey wuxuu si nabad ah nagu keenay Baydhaba. Soomaali oo dhan Allah ha ka badbaadiyo amni darro.
  6. Madaxweynaha Dowlada Goboloeedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicaziiz Laftagareen iyo Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha DFS Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa siwadajir ah Xariga Uga Jarey Xarunta Cusub ee Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada baydhabo. Dhismaha Xaruntan ayaa Waxaa Fuliyey Bankiga Horumarinta Afrika iyo Hay’adda IOM,Waxaana Furayaasha Xarunta Lagu Wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta KGS Iimaan Cali Cabdi. Furitaanka Xaruunta ayaa Waxaa Kaqeybgaley Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo Kamid ahaa Wafdiga Wasiir Fowsiyo Maaxmed Maxamed Sheekh ay hoggaaminaysay,kasi oo shalay garay magaalada Baydhaboka. Madaxweynaha Dowlada Goboloeedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicaziiz Laftagareen iyo Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha DFS Fowziyo Maxamed Sheekh oo furitaanka xaruntaasi ka hadlay ayaa siweyn uga hadlay muhiimadda arrintan ay u leedahay bulshaad deegaanka in loogu adeego,iyadoo looga mahadceliyay Wasaarada Tamarta iyo Kahayraadka Biyaha oo ay hoggaaminayso Fowsiyo Maxamed Sheekh dowrkeedi ku aadan horumarint aadeegyada Tamarta iyo biyaah guud ahaan Dalka. Furitaanka Xaruuntan ayaa kusoo aadeysa Xili dhawaan Lafilayo in deegaanada KGS laga bilaabo Mashaariic lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-31072019.mp3 View the full article
  8. Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qeyb galay xiritaanka kulankii 44-aad ee golaga wakiilada dowlad gobaleedka Puntland. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed , iyo xildhibaanno labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya , ayaa xaadir ahaa xiritaanka kulanka golaha wakiilada Puntland. Guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Dhoobo, oo furay kulanka ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta guddoonka labada gole ee fedetraalka ka soo qeybgalkooda, waxaa uuna sheegay in golayaasha ay leeyihiin xiriir wanaagsan waxaana uu yiri” Golayaashu xiriir fiican ayaa ka dhaxeeyo wada shaqeyn fiican ayeey leeyihiin, marna xiriirkoodu maxumaanin,waxaana rabnaa in la sii hagaajiyo, marabno sida xukuumaduhu isku riix riixayaan is riixriix naga dhagaxeeyo majiro, midkaas xukuumaddana, annaga ayaa golayaal ah waa inaan annagu saarno wax weynna ma ahan, Qaranimada waa inaan ilaashanno” Sidoo kale goddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay golaha wakiilada Puntland, waxaa uuna xusay in ay hormuud u yihiin golaha sharci dajinta ee dowlad gobaleedyada waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Sida lawada ogyahay golaha wakiilada Puntland waa hey’adda ugu da’da weyn hey’adaha xeer dajinta dhamman dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa uuna udub dhexaad uu u yahay jiritaanka dowladeed ee heerka labaad ee federaalka Soomaaliya’ waxaan idiin ku bogaadiyaa shaqada wanaagsan ee aad u heysaan deegaanada Puntland iyo dadkeeda, waxaadna tusaale wanaagsan u tihiin matalaadda looga baahan yahay xildhibaanada ka tirsan golayaasha xeer dajinta dowlad gobaleedyada” Dhanka kale Seneter Cabdiraxaa faroole oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay arrin wanaaagsan in maanta golihii sharci dajinta ee ugu sareeyay federaalka ay maanta joogaan xiriraanka kulankii 44-aad ee golaha wakiilada Puntland waxaana uu yiri” Kulankaan fiican ee maanta is ku soo aaday kulankii golihii waliilada oo xirmayo oo ku soo beegmay inuu nasiib u yeesho iyadoo barri loo dabaal dagayo munaasabaddii 21-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Puntland, ayna ka soo qeyb galeen guddoomiyayaashii iyo xildhabaanadii xeer dajinta Jamaariyadda federaalka ee Soomaaliya Ugu danbeyn guddoomiyaha golaha shacabka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa xusay in sharaf ay tahay golaha ay kal soo qeyb galaan xiritaanka kulankii 44-aad ee golaha wakiilada Puntland iyo xuskii 21-aad ka soo wareegtay aasaaskii Puntland, wuxuuna yiri” Marka hore waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa ma’suuliyiinta iyo shacabka Puntland, ujeedka aniga iyo wafdigeyga waxaa ay tahay inaan idiin kala qeyb galno xuska sanad guuradii 21-aad ee maanlinkii la aas aasay Puntland oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo xiritaanka kala fadhigii 44-aad ee Aqalka wakiilada Puntland” Goobjoob News Source: goobjoog.com
  9. Uplifting up the poor, creating jobs for the youth should be the priority for any investment in Somaliland Our Investment and Fiscal policies are misguided; the Poor are getting Poorer and the Rich Richer, writes Hassan Yusuf. Somaliland has put the chart before the horse as far as economic planning is concerned. Our business planning and government fiscal policies are not geared towards eradication of poverty, economic growth and job creation which are the top priorities for any developing economy. Luxury Car Showrooms, Furniture Galleries and Soft Drink Bottling Factories could be considered significant contribution in terms of the trust in Somaliland as a place for viable investment. We hope these unnecessary lavish spending ventures will, otherwise, open the doors for much larger and more grass-root oriented investment opportunities. Besides, we expect these local ventures will also encourage much larger Direct Foreign Interments (DFI) into the country. These DFI will provide the needed hard currency and technical know-how into our economy. However, it is obvious that our business community as well as government planners, need to redirect their compasses. Emphasis should be placed on areas that benefit the low-income communities and long-term economic wellbeing of the poor. The real targets should be: Selective Economic Growth with emphasis on Reduction of Poverty, Job Creation and Improving the Livelihood of the Masses. Somaliland is one of the poorest nations on Earth. Importing luxury cars would further increase the consumption of imported fuel which will, in turn, drain the few hard-earned dollars out of our country. It is ironic that these few dollars are earned by our poor rural communities but the hard currency is used for luxury cars, cosmetics, soft drinks and Kaat narcotic which is a source of an increasing number of serious health problems. In other words, our dollars come from the poor who are deprived of the basic health services, education and clean water for their children. The same bucks are used by the rich to purchase luxurious items which contribute nothing to improve the life the rural people – the actual earners of the dollars. On top of that, our taxes are not selectively levied to encourage import of raw materials that would be used for manufacturing and processing which would create thousands of jobs. For example, the import duties that we charge tailored garments and untailored textile are generally the same. This is wrong and depicts a misguided fiscal policy. We should heavily tax the import of tailored garments and second-hand clothing (who-died), but sharply reduce duties on untailored textile. This will encourage small garment factories who would employ thousands of tailors (mostly women) across the nation. By so doing, the hard currency will come from the poor (rural) and go to the poor (tailors). Similarly, we are importing furniture from China and Turkey that a time when our carpenters are unemployed or unable to feeds their children. Government fiscal policies should be remodelled to fix this problem. We should impose heavy import taxes on furniture and sharply reduce taxation on the import of timber and related carpentry raw materials. In a short period of time, you will see scores of small furniture manufacturing factories that would employ thousands of the people throughout Somaliland Hassan Abdi Yousuf Retired Senior Banker & Geopolitical Analyst Qaran News
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Dibadbax xoog leh ayaa maanta oo Arbaco ahayd ka dhacay Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ka dhan ahaay dowladda federaalka Soomaaliya. Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay Madaxtooyada Jubbaland, waxana ka qeyb galay qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ee magalada Kismaayo, kuwaas oo ku baaqayay inay dowladda Federaalka faragelinta ka joojiso doorashada maamulka Jubbaland. Dadka bananaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa watay boorar lagu soo qoray “Waxaan diidnay in la farageliyo doorashada Jubbaland dal iyo dibadba,” . Dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlayna waxey Odayaasha iyo Siyaasiyiinta reer Jubbaland ka dalbadeen in la dhowro ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaannada maamulka Jubbaland. Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ayaa waxaa dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe oo markii saddexaad xilkaasi u taratamaya uu wadaa qorsho uu markale ku guuleysan karo, isaga oo iska difaacaya culeys siyaasadeed oo uga imaanaya Dowladda Federaalka iyo musharixiinta kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle (Ibrahim-Dhere) ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta Waaxda saddexaad ee October Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda. “Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.” Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa horey amar ugu bixiyey dhismaha xarunta Waaxda October oo ay dhisteen dad shacab ah, kuwaas oo laga burburiyey, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Guddoomiyaha Gobolka ku weheliyey Kuxigeenkiisa Howlaha Guud Mudane Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo masuuliyiinta degmada Waaberi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. The European Union (EU) and its partners refunded Kenya Sh4.3 billion for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the fiscal year ended June 2019, latest Exchequer statistics show. Cash from African Union Mission in Somalia (Amisom) in the 12-month period was nearly half the Sh8.5 billion the Treasury had budgeted for. The 28-nation EU, the largest contributor of funds to the Amisom through the African Peace Facility, in April pledged to continue supporting the AU mission’s programmes and activities in financial year 2019/20. The EU funds cater for allowances for the Amisom troops and police, international and local civilian staff salaries, operational costs of their offices, among others. The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), on the other hand, provides logistical field support to the Amisom troops and Somali National Security Forces during joint operations. The United Nations has, however, been facing a record cash crunch, which its boss Antonio Guterres warned at the beginning of the fiscal year in July 2018 would affect the delivery of its mandate if not expeditiously addressed.The Federal Government of Somalia is, together with partners implementing the Somalia Transition Plan, backed by the UN Security Council and the African Union, aimed at transferring security responsibility to Somali National Security Forces ahead of Amisom’s planned exit in 2021. Kenya had signalled gradual withdrawal of her troops from the war-torn nation after it slashed the estimates of reimbursement from the Amisom for the year ending June 2020 by 41.17 per cent, compared with estimates for a year earlier. The Treasury expects refunds of Sh5 billion this financial year in the year starting July, the least amount in the past five years, cash inflows which will fall further in subsequent year. About 4,000 Kenyan soldiers are part of the Amisom, presently headed by Ethiopia’s Lt Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn. Conservative estimates shows the international community pays $1,028 (Sh106,706) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20, 760) for administrative costs. Source: Business Daily
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta wada-hadallo lama filaan ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, xilli uu aad u xun yahay xiriirka labada waddan. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya Jeneraal howl-gab ah, Lucas Tumbo. Qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay iskaashi dhex-mara labada waddan iyo in la xoojiyo xiriirka. “Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog.” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibdda Soomaaliya. Lama shacain wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo ku saabsan kulankan sida lama filaan ah ku yimid. Kulankan ayaa imanaya ayada oo labada waddan xiisad culus ay ka dhaxeyso, taasi oo ku saabsan badda Soomaaliya ee Kenya ay dooneyso inay xoogga ku qaadato. Dowladda Kenya ayaa bilihii dhowaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ay cadaadis ku saareyso Soomaaliya, si ay uga laabato kiiska horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, hase yeeshee Soomaaliya ayaa ku jawaabtay siyaasad ku dhisan degenaan iyo inaan lala ficiltamin Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu jeediyay maalintii Axadii ee toddobaadkan, wuxuu qayb ka mid ah kaga hadlay ‘dulqaadka’ oo uu ku tilmaamay inay walaalo yihiin doqoniimada. Hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu bulshada ka dhex abuuray hadal hayn badan, waxaanay dad badani isweydiiyeen sababta keentay in Madaxweynuhu dulqaadka iyo doqoniimada is garab dhigo. Madaxweyne Biixi oo khudbadiisan kaga hadlay dadka weerarada u gaysta ciidamada kala duwan ee dalka iyo khasaaraha ka dhasha, ayaa yidhi “Xukuumadu ha dulqaadato dadka hala waaniyo gacan qabow halagu maamulo; laakiin dulqaadka iyo doqoniimadu waa walaalo lama kala saari karo.” Madaxweynaha khudbadiisa oo ahmiyad lahayd, kana hadlaysay khasaaraha ka soo gaadha ciidamada dalka weerarada ay dadka qaar u gaystaan oo u baahan xal, ayaa haddana waxa khudbadiisa shiikhiyay kelmada uu isku garab dhigay dulqaadka iyo doqoniimada oo uu weliba yidhi waa walaalo. Siilaanyo Madaxweynihii hore ee uu Madaxweyne Muuse Biixi xilka kala wareegay, in badana ay rafiiq ku ahaayeen siyaasadda, ayaa waxa xusid mudan in sannadkii 2015 uu jeediyay khudbad aad moodo inay jawaab u noqonayso khudbada Madaxweyne Biixi ee maanta. Axmed-siilaanyo oo maalintii 18 May ee 2015 jeediyay khudbadaas, wuxuu dulqaadka ku tilmaamay inaanu ahayn doqoniimo balse uu yahay sahayda siyaasiga suuban, “Sabirka iyo dulqaadku ma’aha doqoniimo, balse, waxaan u aqaan sahayda siyaasiga suuban…” ayuu yidhi Axmed-siilaanyo. Gunaanad Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata inuu faraq u dhexeeyo hoggaaminta siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi iyo saaxiibkii Axmed-siilaanyo oo door libaax ka qaatay inuu ku guulaysto doorashadii 2017 dalka ka dhacday. Hadalka Madaxweyne Biixi ayaa noqday mid bulshadu faaqiday oo ay isweydiisay sababta ka keentay Madaxweynaha isagoo ah hoggaamiyihii dalka. Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dunida soo maray ayaa kuwooda ugu hoggaaminta wanaagsanaa waxay caan ku ahaayeen dulqaadka. Geeska Qaran News
  15. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo kooxda Ahlu-Sunna ayaa dib isugu soo dhowaaday kadib markii kooxdan ay ka tanaasushay mid ka mid ah qodobo ay isku qabteen ra’iisul wasaaraha. Sida ay noo sheegeen ilo-wareeydo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha, Ahlu-Sunna ayaa ogolaatay in ciidamo boolis federal ah oo ka tagay Muqdisho la geeyo magaalada Dhuusomareeb, taasi oo horey u diideen. Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay cadaadis kala kulmeen ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Ceyr ee uu ka dhashay hoggaamiyaha kooxdan, Macallin Maxamuud. Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Ahlu-Sunna weyso waxyaabo badan oo dowladda ay u ogolaatay, kadib markii ra’iisul wasaaraha uu ku hanjaby inuu tagayo Cadaado, halkaasna ku qabanayo shirka dib u heshiisiinta. Beesha Cadaado ayaa horey uga carrootay in Dhuusomareeb la isugu daro in shirka lagu qabto islamarkaana ay noqoto caasimadda Galmudug. Ciidamada federaalka ka socda ee booliska ah, ayaa la filayaa inay berri ama berri dambe u baxaan magaalada Dhuusomareeb, ayaga oo ka tagaya Muqdisho, sida aan xogta ku helnay. Si kastaba, waxaa jira weli qodobo kale oo ay isku hayaan Kheyre iyo Ahlu-Sunna, sida 35 xildhibaan oo ka mid ah baarlamanka Galmudug oo kooxdan ay dooneyso in ay ayada maamusho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa sheegay in Aqalka sare ay Golaha wakiilada Puntland kala shaqeyn doonaan is-waafajinta Shuruucda heer Federaal iyo heer Puntland. Mudane Bukhaari ayaa Golaha Wakiilada Puntland ku tilmaamay kuwa hormuud u ah dhammaan heerarka kala duwan ee Xeer-dejinta dalka waxaana uu bogaadiyay kaalinta Baarlamankii kala duwanaa ee Puntland soo maray ay ka soo qaateen hirgelinta Shuruucda iyo Nidaamka Puntland. “Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah wuxuuna idinkala shaqeyn doonaa arrimaha Xeer-dejinta iyo is waafajinta Shuruucda labada heer” ayuu Yiri mudane Bukhaari. Halkaan hoose ka daawo PUNTLAND POST The post Guddoomiye Bukhaari oo ballan-qaad u sameeyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Global Volatility Drives Demand for European Residence Programs Brexit, Bolsonaro, and the ongoing anti-government protests in Hong Kong are all contributing towards a significant spike in interest in the Portugal Golden Residence Permit Program and the Greece Golden Visa Program, according to Henley & Partners, a leading global investment migration firm. Britain’s new Prime Minister Boris Johnson’s promise to deliver Brexit by 31 October — with or without an EU deal — coupled with concerns over the Brazilian right-wing President Jair Bolsonaro’s commitment to democracy and eight weeks of escalating unrest in Hong Kong, has prompted many wealthy investors and families to look for alternative residence options beyond their national borders. Portugal remains the top destination of choice, with the Portuguese Consulate General in Macau and Hong Kong last week confirming a flood of enquiries. Likewise, wealthy Brazilians are now among the top five nationalities investing in Portugal’s residence program which includes a minimum real estate investment option of EUR 350,000. More and more Brits are also considering an alternative residence in the EU as Brexit and its potential consequences become more apparent and the countdown begins in earnest. Dr. Juerg Steffen, Chief Executive Officer of Henley & Partners, says investment migration programs are designed to manage the combination of risk and opportunity. “On the one hand, they create security: reliably diversifying risk through greater protection from volatile markets and political instability. On the other hand, residence- and citizenship-by-investment programs permit access to a significantly expanded suite of opportunities for travel, investment, and influence. In both cases, the benefits that accrue from having multiple citizenship and/or residencies creates significant and unique value for the investor that goes beyond simply providing political risk insurance.” Henley & Partners is also seeing a significant uptick in interest in the Greece Golden Visa Program which requires a minimum property investment of EUR 250,000 and a pathway to citizenship after seven years of residence. With the current tourism boom, acquiring real estate in Greece is now one of the most profitable types of investments, with ample opportunities for capital appreciation in a depressed real estate market. From being on the brink of bankruptcy a decade ago, Greece is quickly becoming a leading destination for entrepreneurs, remote workers, and digital nomads due to its exceptional and relatively low cost of living. -Ends- About Henley & Partners Henley & Partners is the global leader in residence and citizenship planning. Each year, hundreds of wealthy individuals and their advisors rely on our expertise and experience in this area. The firm’s highly qualified professionals work together as one team in over 30 offices worldwide. The concept of residence and citizenship planning was created by Henley & Partners in the 1990s. As globalization has expanded, residence and citizenship have become topics of significant interest among the increasing number of internationally mobile entrepreneurs and investors whom we proudly serve every day. The firm also runs a leading government advisory practice that has raised more than USD 8 billion in foreign direct investment. Trusted by governments, the firm has been involved in strategic consulting and in the design, set-up, and operation of the world’s most successful residence and citizenship programs. henleyglobal.com Qaran News
  18. (SLT-Burco) Xukumada Oo Ka Hadashay Sababta Keentay Dhalinyaro Lagu Xidh Xidhay Magalada Oodweyne Source
  19. (SLT-Burco) Tababar Kor Loogu Qaadayo Tayada Macalimiinta Wax Ka Dhiga Dugsiyada Gobolka Togdheer Oo Lasoo Xidhay Source
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Macharia Kamau ayaa shaaciyey in dowladdiisu ay waddo qorshe ay Qaramada Midoobay ku waydiisaneyso in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay u aqoonsato koox argagixiso ah, taasi oo ah arrin ay diidan tahay dowladda Soomaaliya Kamau ayaa xusay in warqad ay u diri doonaan golaha ammaanka ayna ka dalban doonaan in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha argagixisada. Ujeedada laga leeyahay arrintan ayuu ku sheegay in caalamka loogu soo jeediyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. “Waxaan diri doonaa codsi, iyadoo la raadinayo taageerada dalalka caalamka ee ku u aadan qorshaha Al-Shabaab loogu darayo liiska argagaxisada.” ayuu yiri Macharia Kamau. Ugu dambeyn xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa carabka ku dhuftay in qaraar tirsigiisu yahay 1267 la horgeyn doono golaha ammaanka, kaas oo haddii la meel-mariyo wax ka bedeli doono dagaalka Al-Shabaab. Arrinta ururka Al-Shabaab iyo in lagu daro liiska argagixisada ayaa ah arrin siyaasadeed oo ay isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa aad u diidan in Al-Shabaab lagu daro liiska QM ee argagixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo ay Kenya iyo dalalka kale uga faa’iideysan karaan inay ku beegsadaan shaqsiyaadka iyo shirkadaha Soomaaliyeed. Waxa ay si gaar ah uga cabsi qabtaa in Kenya ay arrintan kula wareegi karto hantida Soomaaliyeed ee taalla dalkaas, ayada oo qofkii ay doontaba inay beegsato si fudud ula xiriirin karta Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  21. Guddoonka Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb-galay fadhiga 23-aad ee Kal-fadhiga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare Sen. Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo ay weheliyaan Sen. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo xildhibaanno kale oo ka tirsan Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland. Muuqaal dheeriya Kulanka oo ay ujeedadiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xog waraysi guud iyadoo xubno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ay su’aalo waydiiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare. Guddoonka Labada Gole ee Federaalka iyo Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa ugu dambeyntii kormeer ku sameeyeen Xafiisyada kala duwan ee Golaha Wakiillada DPL. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Guddoonka Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka oo khudbado u jeediyayGolaha Wakiilada Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Trio Sana, a health and wellness company based in the United Kingdom, partners with farmers in Somaliland, also known as the "Land of Frankincense". Source: Hiiraan Online
  23. A UN agency has contracted Ethiopian Airlines to make periodic public announcements on its flights as part of efforts to combat human trafficking. Source: Hiiraan Online