-
Content Count
209,189 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Thirteen Kenyan seafarers who were held captive in Somalia after their employer terminated their contract returned home on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay dowladda Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998-dii, ayaa saaka oo Khamiis ah looga dabbaal-degaya guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Puntland. Xuska ugu weyn ee munaasabadda sannad-guurada 1-da Agoosto, ayaa saaka ka dhacaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana goob kasta ku sharraxan calanka iyo astaanta dowladda Puntland, halka dadka qaarkoodna ay ku lebbisan yihiin dhar ka samaysan calanka. Sameecado iyo cod-baahiyaal gaadiid saaran oo ay ka shidan yihiin heeso Waddaniya, ayaa sidoo kale laga maqlaya gudaha caasimadda Garoowe, waxaana xaddidan goobaha ganacsiga oo badankoodu xiran yihiin. Waxaa kale oo si weyn loo adkeeyay amniga magaalada, oo ay sugayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Amniga, iyadoo dhammaan la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, islamarkaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee bartamaha caasimadda. Boqollaal shacab ah oo ku qaarkood ku lebbisan yihiin dhar ka tolan calanka, halka qaar kalena ay sitaan calanka, ayaa hadda ku diyaarsan barxadda weyn ee Garoowe oo uu goor dhow ka dhici doono dabbaal-dega xuska 1-Agoosto. Sidoo kale, cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka culus, ayaa soo bandhigi doona dhoola-tos ciidan oo ay ku muujinayaan cududooda. PUNTLAND POST The post Puntland: Maalinta Weyn ee 1-d Agoosto oo loo dabbaal-degayo appeared first on Puntland Post.
-
MUqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Aabaha dhalay Gabadhii Indhoolaha aheyd ee lagu eedeeyay in ay isku qarxisay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir. Sida ay ilo-wareedyo la socday dhacdadan u sheegeen Caasimada Online, aabaha dhalay Gabadhaan lagu magacaabo Basiiro Cabdi Maxamed, ayaa booliska ay waydiiyeen su’aalo ku saabsan Xogta gabadhiisa iyo waxa uu kala socdo in ay ka tirsaneed Al-Shabaab. Aabaha dhalay Gabadha ayaa Booliiska u sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay uusan waxba kala socon Xaaladda Gabadhiisa islamarkaana magaca Basiiro aan la dhihin oo ay magac kale ay u yaqaanaan waalidkeeda. “Gabadhayda waxaa iigu dambeysay dhowr sano ka hor mana ka warqabo Xaaladeeda, midda kale aniga Gabadhayda magaceeda waa Maryama Cabdi Maxamed mana la dhaho Basiiro” ayuu yiri Aabaha dhalay Gabadha la sheegay in ay isku qarxisay Xarunta Gobalka Banaadir, sida ay noo sheegeen dad goobjoog u ahaa kulanka. “Yaan waxba layga weydiinin arrinta gabadhayda waayo markii aad qorateen iima sheegin, aniga idin makeenin, markii aad magaca ka badalateynna igalama tashan” ayuu yiri Aabaha dhalay Gabadha Aragga naafadaha ka ah ee lagu eedeeyay in ay isku qarxisay Xarunta Gobalka Banaadir. Wali waxaa socda baaritaanka ay Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku aadan Kiiska Qaraxii 24kii bishaan ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 10 qof waxaana ku dhaawacmay 10 kale oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Ilaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin karo in Basiira ay ahayd xaqiiqdii qofka isku qarxiyey xarunta gobolka, waxaana suurta-gal ah inay qeyb ka ahayd dhibanayaasha. Waxaa jirta gabar kale oo la socotay oo la tuhunsan yahay, oo iyana aan la hayn, islamarkaana baxsatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Cuban President Miguel Diaz-Canel met on Wednesday in the city of Santa Clara with the family of Dr. Landy Rodriguez, one of two doctors kidnapped in Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi, Kenya - Normalcy has returned to the 14 Riverside Drive complex, the scene of a bloody attack at the beginning of the year as high-end hotel DusitD2 reopened its doors to customers after seven months. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Mogadishu Clan ayaa la filayaa in kulan weyn ay maanta ku yeeshaan hotel-ka H ee magaalada Muqdisho, sida ay xubno ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiinta, xildhibaanada, aqoonyahanada, odayaasha iyo waxgaradka kale ee beesha, waxaana uu ka kooban yahay laba ujeedo. Ujeedada koowaad ah ayaa ah in loogu duceeyo mas’uuliyiintii gobolka Banaadir ee ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka, halka ujeedada labaad ee kulanka ay tahay ka hadalka aayaha gobolka. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya ergo ku dhow 250 qof oo lagu casuumay. Beelaha Mogadishu Clan ayaa sare u qaadaya dadaalka ay ugu jiraan in gobolka Banaadir uu helo maamul ay dadka soo doortaan oo aan loo soo magacaabin, taasi oo ah hadafkooda koowaad ee ka hor doorashada dalka ka dhaceysa 2020. Waxgaradka beelaha ayaa isku raacay inaan marnaba la aqbali karin nidaamka hadda ay wax ku socdaan, islamarkaana ay joogaan marxalad ay tahay in gobolka uu helo maamul shacabka matala ama in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay taas ku xaqiijin karaan. Beelaha Mogadishu Clan ayaa waxaa ka go’an in haddii aysan dowladda federaalka aqbalin in gobolka Banaadir uu helo maamul shacabka ay soo doortaan iyo maqam sax ah, inay qaadacaan doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020, islamarkaana ku dhowaaqaan maamul gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay sabaihii keenay in todobadyo ka hor uu ka baaqsado safar la qorsheeyay in uu ku tago Kismaayo si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa ee Madaxweynaha Jubbaland. Wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aadi taanka Magalada Kismaayo ay tahay mid qasab ah oo shaki geli Karin, isla markaana aysan jiri Karin cid ka hor-istaageyso. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Magaalada Kismaayo ka aheyn qof ajnabi ah oo uu ku yaalla gurigiisa,waxaana uu sheegay inaysan jirin colaad kala dhaxeysa dadka Magalada Kismaayo, hayeeshee uu ku jiro abaabul iyo olole ku aadan musharaxnimadiisa Madaxweynaha Jubbaland. Dhawaan ayaa War kasoo baxay Mamulka Jubbaland waxaa lagu sheegay in deegaannada Maamulkas uusan tegi Karin qof xil ka haaya Doowladda Soomaaliya,waxaana Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) uu ka mid yahay Golaha Wasiirada Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka wasiirka Oomaar https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Cod-Wasiir-Oomaar.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), kaasoo ahaa Suldaankii Beesha Samaale, ayaa xalay ugu geeriyooday magaalada Kismaayo dhaawac kasoo gaaray kadib markii qof hubeysan uu halkaas ku toogtay. Geerida Suldaanka waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka, isagoo mas’uuliyada dilkaasna dusha u saariyay maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe. Rag hubeysan ayaa marxuumka waxa ay ku toogatay Isgoyska Caasha Deerow ee xaafadda Dalacaadda, xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaadii maqrib. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow waxa uu sheegay in hubka loo adeegsaday dilka Suldaanka uu ahaa qori AK47 ah, isagoo tilmaamay in Shabaab ku dhiiran karin iney qori ku dhex sitaan Kismaayo, iyadoo rasaasta lagu toogtay marxuumka ay Saddex qof oo kale dhaawacyo ku noqdeen. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in marxuumka uu u geeiryooday arrimaha doorashooyinka ee ka jira magaalada Kismaayo, wuxuuna dowladda ka dalbaday iney baaritaano dhaba ku sameyso qaabka dilka uu u dhacay. Geerida Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure),ayuu tilmaamay inaan la isaga hari doonin, isagoo ku sifeeyay marxuumka ruux noloshiisa ku soo qaatay isu keenida dadka Jubaland, balse Caawa dad Cadaw ah ay dileen. Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire ayaa waxaa uu maalmo ka hor uu warbaahinta ka weeraray Maamulka Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona ku eedeeyay inay afduubteen doorashada. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan C/qaadir Muudey ayaa si dareen leh kaga hadlay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, kaasoo galaaftay nolosha dad masuuliyiin ahaa, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Xasan C/qaadir Muudey ayaa sheegay in wax aan yaraan uu ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kalena aan la aqbali karin in lagu dhibaateeyo masuuliyiintii ugu sareysay, ee adeegga u haayay shacabka. “Waxaan meesha ka dhacay wax sahlan maaha, waa wax taabtay dareenka umadda Soomaaliyeed oo dhan. Wax caqliga fiyow aqbali karana maaha in si sahlan lagu beegsado Dowladda Hoose, laguna dhibaateeyo masuuliyiintii ugu sareysay.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey. Xasan C/qaadir Muudey oo su’aalo badan ka keenay qaraxaasi ayaa yiri “Yaa bamka qarxiyay? Yaase geliyay oo dhaafiyay Scankii yaalay Xarunta Gobalka? Kuwii dilay iyo kuwii dagay Dowladda Hoose ee Xamar mala hayaa? Mala waayay kuwii Shabaabka la shirkada ahaa? Gudoomiye Yariisow yuu dhaawiciisu u jiifaa? Maxaa cusleeyay natiijada baaritaanka in la soo bandhigi waayo? Ma mudnaa Duqii Magaalada Muqdisho in uu cadaalad xaqiiqsan waayo, tan iyo markii uu dhaawacu gaaray iyo dhammaan intii kale ay waxyeeladu gaartay?” Xasan C/qaadir Muudey, La taliyaha qaybta Warbaahinta ee Maamulka Hirshabelle ayaa xusay in xilligan la bartilmaameydsaday Xarunta Dowladda Hoose Xamar, berrina ay dhici karto in la beegsado Villa Somalia, haddii aan si dhow loo eegin waxa ka dhacay halkaasi. “Maanta waxaa la qarxiyay waa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo loogu adeeggo saddexda malyan ee ku nool Magaalada Muqdisho, berrina waxaa la beegsan karaa Aqalka Villa Somalia oo umadda Soomaaliyeed loogu adeeggo. Waa haddii Madaxda Qarankeena ay sidaan ku aamusnaadaan.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey. Xasan C/qaadir oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ka dhawaajiyay in Madaxda Qaranka uu xusuusinayo in dadka Soomaaliyeed ay ka dhawrayaan inay bannaanka keenaan ciddii ka masuulka ahayd dhibaatadaasi dhacday. “Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa inay dadka oo dhan ka dhur-sugayan natiijo lagu qanci karo, oo laga soo saaro baaritaanada ay laamaha ammaanka ku hayaan falkaasi foosha xun. Marka waxaan rabnaa inay si dhab ah u qaataan in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin.” Ayuu yiri Ina Muudey. Ina Muudey waxa uu intaasi ku daray “Aniga iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inaan aragno masuuliyiintii meeshaasi lagu dhibaateeyay oo cadaalad helo, Madaxda Qarankana ay ka shaqeeyan sidii dadkaasi ay cadaaladda ku heli lahaayeen.” Si kastaba ha-ahaatee weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa weji gabax ku noqday laamaha ammaanka iyo Dowladda Somaliya, waxaana looga fadhiyaa inaanay meesha uga harin waxa dhacay, isla-markaana ay dadka la wadaagaan natiijada baaritaankaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Abal (Caadimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Bokool ayaa sheegaya in la gubayo saldhigyo dhowr ah oo kooxda Al-Shabaab ay lahayd. Saldhigyada la gubay ayaa ku yaalla deegaanka Moodamoode oo ku dhow deegaanka Aba lee gobolkaas.. Saldhigyadan ayaa lagu gubay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mukhtaar Roobow oo ay wehliyaan kuwa qalabka sida ee Soomaaliya, sida ay Caasimada Online ku heshay xog gaar ah. Caasimada Online ayaa sidoo kale heshay sawirro muujinaya dhacdadan. Ciidamada Roobow ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin horleh oo hoos yimaada degaanka Abal oo muddo ay ku sugnaayeen. Aadan Cabdi Abaarey oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Xudur oo howlgalkan hoggaaminayey ayaa sheegey in howl-gallo ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab ay ka wadaan degaano dhowr ah oo ka tirsan Bokool.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), Suldaankii Beesha Samaale ayaa caweysnimadii caawa Magaalada Kismaayo ugu geeriyooday dhaawacii fiidnimadii caawa loogu gaystay magaaladaasi. Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire ayaa Isbitaalka Kismaayo ku geeriyooday, xilli lagu sameeyay qaliin looga soo saaray rasaastii lala dhacay. Suldaanka iyo laba nin oo kale oo la socday ayaa waxaa lagu weeraray xaafadda Dalacaadda, gaar ahaa Isgoyska Caasha Deerow, iyadoo ay rasaas huwiyeen rag bastoolado ku hubeysnaa. Raggii kale ee Suldaanka lala dhaawacay ayay xaaladoodu ka soo reynaysaa. Ciidamada Jubbaland oo daqiiqado ka dib markii xubnahaasi la weeraray gaaray Isgoyska Caasha Deerow ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen fal demiyeedkaasi. Suldaan C/rashiid Dure ayaa waxaa uu maalmo ka hor uu warbaahinta ka weeraray Maamulka Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona ku eedeeyay inay afduubteen doorashada. Suldaanka ayaa waxaa lagu xusuustaa inuu si weyn kaga horyimid jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland. Ma cadda cidda ka masuulka ahi weerarkaasi, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay tallaabada lagu qaarajiyay Suldaanka, oo si weyn looga garanaayay Deegaanada Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/BAr___Qubanaha-31072019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Dabley ayaa oday dhaqameed caan ka ahaa degaanadda Jubbaland ku dishay caawa magaaladda Kismaayo, xarunta maamulkaasi. Suldaan Cabdirashiid Suldan Muuse Shire ayaa waxaa khaarijiyey kooxo hubeysan isaga oo kasoo baxay Masaajid, Salaadii Maqrib. Marxuumka ayaa goobta looga qaaday dhaawac ahaan, balse waxaa lasoo wariyay in uu dhintay markii Isbitaalka la dhigay. Dhanka kale, qof kale oo shacab ahaa kaasi oo kusoo baxay dilka marxuumka ayaa la sheegayaa in ay dishay dableyda. Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadda falkan oo kusoo aadaya iyadda ay doorasho kusoo fool leedahay maamul goboleedkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo muuqday nin cadaan ah oo u dhashay waddanka Ingiriiska. Ninkan oo lagu magacaabo Thomas Anthony Cox ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan. Mr Cox oo 48-sano jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu khal-khalgelinaya ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan. Shaqsigan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu garoonka la galay aalado qarxa isaga oo aanan kusoo war-gelin laamaha amniga. Ugu dambeyntii, gudoomiyaha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kiiskan, dibna laga soo sheegayo goorta dhagageysiga. Sikastaba ha ahaatee, 19-kii Junaayo ayay ahayd markii Cox la qabtay markii boorsadiisa laga helay sunta dadka ka ilmeysiisa. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah musharaxiinta maamulka Jubbaland ayaa ka cabsi ka qaba in dagaallo sokeeye ay ka bilaawdaaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose oo ay ka socoto diyaar garowga doorasho ee maamulkaasi. Musharaxiintaan ayaa qaarkood ku dhiiran waayay in ay tagaan Kismaayo halka qaar kalane sheegeen in ay dareemayan cabsi gelin iyo hanjabaad joogto ah oo uga imaanaya masuuliyiin ka tirsan Jubbaland. Sheekh Daahir oo ka tirsan Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo ay lugaha la sii galayso dagaalo Sokeeye maadaama aysan jirin doorasho xor ah oo degaankaas ka socoto. “Haddii aysan wax iska badalin aragtida Axmed Madoobe iyo sida ay wax ku socdaan waxaa xaqiiqo in dagaalo Sokeeye ay marti gelin doonto Kismaayo” ayuu yiri Sheekh Daahir oo ka tirsan Musharaxiinta Jubbaland. Musharaxiinta isbadal doonka ee Jubbaland ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka in ay si deg deg ah wax uga qabtaan arimaha ka taagan Jubbaland ee dhanka doorashada. Xulista Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay bilaabato maalin kadib waxaana aad looga walaacsan yahay in Xildhibaanada la soo xulaya ay noqdaan dhalinyaro hadaba katirsan Maamulka oo daacad u ah Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason iyo saraakiil kale. Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland gaar ahaan mashruuca JPLG oo uu Mason ka hambalyeeyey sida habsamida leh ee dowladdu u wado iyo guulaha la gaaray. Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay siday uga go’an tahay Dowladda Puntland inay maamul daadejinta gaarsiiso degmooyin hor leh oo aanay horay u gaarin mashaariicda barnaamijkan, dhaqaale uruurin iyo isku tashi gudaha ahna samayneyso dawladdu sidoo kale wuxuu xusay inay muhiim tahay hay’adaha JPLG ku shaqo leh inay u qareemaan sidii taageero loosiin lahaa dawladda si ay hiigsigeeda u gaarto. Dhankiisa Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason waxa uu bogaadiyay sida habsamida leh ee Puntland uu uga hirgalisay mashruucaan JPLG, wuxuuna sheegay in hadda loo hayo dhaqaale JPLG, lana sii wadi doono u qareemida shaqadan wanaagsan ee bulshada loo wado. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga wada hadlay in UN-ku ay taageero ka gaystaan arrimaha doorashooyinka ee dawladdu ka fulin doonto Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle (Ibrahim-Dhere) ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta Waaxda saddexaad ee October Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda. “Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.” Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa horey amar ugu bixiyey dhismaha xarunta Waaxda October oo ay dhisteen dad shacab ah, kuwaas oo laga burburiyey, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Guddoomiyaha Gobolka ku weheliyey Kuxigeenkiisa Howlaha Guud Mudane Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo masuuliyiinta degmada Waaberi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Garowe (SMN) – Gudoonka labadda Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka qeybgaleen fadhiga Golaha Wakiiladda Puntland. Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Hoose ayaa khudbad ka jeediyay kulanka. Mas’uuliyiintan ayaa u tegay Garowe ka qeybgalka munaasabadda sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay aas-aaska dowlad goboleedkaasi. Xafladda ayaa waxay qabsoomeysa berri oo Khamiis ah kuna beegan 1-da bisha August, iyadda oo ammaanka aad loo adkeeyay. View the full article
-
Popular Contributors