-
Content Count
209,189 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta oo Khamiis ah dib u celiyay Jinsiyaddiisa labaad oo ka haystay waddanka Maraykanka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu dib u celiyay Jinsiyaddiisa labaad ee uu ka qaatay dalka Maraykanka” waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo qoraalka lagu xusay in hawsha celinta Jinsiyadda labaad ee madaxweyne Farmaajo ay soo socotay in muddo ah, ayna ku hawllanaayeen sharci-yaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan Jinsiyadaha labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka ” Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka”. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegaya in mudadii uu xilka hayay dhib kala kulmay jinsiyaddiisa labaad ee Maraykanka, isagoo shirar dhowr ah oo Maraykanka ka dhacay uga baaqday, maadaama sharciga Maraykanka uu diidayo in qof dhalasho ka haysta dalka, haddana madax ka ah waddan kale uu soo galo gudaha Maraykanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo iska celiyay Jinsiyaddiisii labaad ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa celiyey Jinsiyaddii Labaad ee uu ka haystay dalka Maraykanka. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidan u qornaa: Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka. Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010. Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu celiyay jinsiyadda labaad ee uu ka haystay waddanka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa. WAR-SAXAAFADEEDKA Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka. Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010. Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay. DHAMMAAD View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku dhowaaqay inuu celiyey jinsiyaddiisa labaad ee uu ka haystay dalka Mareykanka. Hoos ka aqriso qoraal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay Villa Somalia Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka. Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010. Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay. DHAMMAAD Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada JFS Muqdisho-Soomaaliya
-
Barxada Garoowe Khamiis 1-da Agoosto 2019 Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey, Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay dowladda Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998-dii, ayaa saaka lagu qabtay barxadda weyn ee caasimadda Garoowe. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ,guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland , xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, marti sharaf iyo kumanaan dadweyne ah. Barxadda magaalada garoowe ee munaasabaddu ka dhacday, ayaa si heer sare ah loo qurxiyay, waxaana dhinac kasta looga sharraxay calanka Puntland oo uu ka dul-babanayo calanka Soomaaliya, iyadoo shacabka xuska isu’gu soo baxay qaarkood ay ku lebbisnaayeen, dhar ka samaysan calanka Puntland, halka qaar kalena ay gacmaha ku siteen calanka. Sidoo kale, cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Puntland oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa munaasabadda ku soo bandhigay, gaardis iyo dhoolla-tus ay ku muujinayeen cududooda iyo sida ay heeggan ugu yihiin ilaalinta difaaca, sharafta iyo dowladnimada Puntland. Amniga caasimadda Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha, iyadoo la xiray waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla bartamaha magaalada, gaar ahaanna barxadda weyn ee ay ka dhacday munaasabadda xuska 1-da Agoosto. Ugu dambeyntii, madaxda dowladda Puntland iyo mas’uuliyiinta heer Federaal ee ka qeyb-galay dabbaal-deggii saaka, ayaa khudbadahooda dib ugu dhigtay, munaasabad kale oo caawa ka dhici doonta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe oo looga taariikhayn doono aas’aaskii Puntland iyo wixii u qabsoomay mudadii ay dhisnayd. Halkaan hoose ka eeg sawirro hordhac ah PUNTLAND POST The post Garoowe oo si weyn looga xusay sannad-guurada aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lala beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in duqeyntaasi lagu burburiyey xarun lagu keydiyo qaraxyada lagu xiro gawaarida, laguna diyaariyo shaqsiyaadka is qarxiya. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca xooggaga Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxa sare u kacay weerarada xagga cirka ah iyo kuwa dhulka ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii xooganaa ee 24-kii bihsii hore ee July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyey amniga xaruntaasi, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Xamar. Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Ibraahim Mahad Alle oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa shaaciyey in isbedal ballaaran lagu sameeyey ammaanka dhismaha xarunta dowladda hoose ee Xamar. Mahad Alle ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay heegan ku jiraan, islamarkaana ay si wanaagsan u gudanayaan waajibaadkooda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli hay’adaha amniga dowladda ay wadaan baaris ku aadan dhacdadii gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ayaa ugu dambeyn warbaahinta u sheegay inay si caadi ah u socdaan shaqooyinkii caadiga aha ee maamulka gobolka Banaadir. Tan iyo markii uu dhacay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday dowladda hoose, waxaa gaabis uu ku yimid howlihii xaruntaasi, kadib markii ay ku dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal ka tirsanaa gobolka, sidoo kalena ay ku dhawaacmeen mas’uuliyiin uu ku jiro guddoomiye Injineer Yariisow oo weli lagu daaweynayo dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmuudg Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa shuruud adag ku xiray qabashada shiweynaha la filayo in dhowaan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Baadiyow ayaa sheegay in shirka aan la qaban karin, iyada oo ammaanka Dhuusamareeb aysan la wareegin Ciidamada dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa xusay in arrintaasi ay kala hadleen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliye Xasan Cali iyo Khayre iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. “Waxaa la kulanay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sheekh Shaakir, waan u sheegnay anaga Guddiga qaban qaabada maadaama aan nahay meel aan amnigeeda sugneyn oo aysan si buxuda gacanta ugu heyn Ciidamada Federaalka oo aan deegaanka aheyn haddii aan la keenin in aanay dadka u yeeri karin”ayuu yiri Baadiyow. Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Khayre iyo hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay ballan qaadeen in dhowaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka loo gacan galinayo amniga guud ee magaaladaasi. Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo weli tabasho ay ka qabaan reer Cadaado ayaa la filayaa inuu furmo shanta bishan August ee 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa ka hadlay dil xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Durre oo ka mid ahaa waxgaradka aadka looga yaqaan Jubbaland. Wuxuu sheegay madaxweyne Madoobe iney aad uga xunyihiin falkaasi, isaga oo tacsi u diray ehlada Suldaanka, wuxuuna sheegay in Suldaanka ahaa shaqsi kaalin mug leh ka qaatay nabadeynta Jubbaland. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa faray laamaha ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigaan cid walbo oo dilka Suldaanka ka dambeysay. Suldaan Rashiid Durre ayaa la dilay xalay Salaaddii maqrib kadib, waxaana toogtay qof la sheegay inuu ku hubeysnaa qori AK-47. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan shacabka iyo dowladda Puntland ugu hambalyeeyay xuska Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-Agoosto 1998. “Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka iyo xasilloonida ay dowladda Puntland ku tallaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka dhulka Puntland iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa umadda Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo hambalyo u diray Puntland ku hambalyeeyay Munaasabadda 1-Agoosto appeared first on Puntland Post.
-
Guud ahaan deegaannada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa maanta looga dabaaldegayaa 21-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska maamulkaasi. Munaasabado aad loo soo agaasimay ayaa ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo dadweyne badan isku soo baxeen. Magaalada Garoowe ayaa si weyn looga dabaaldegayaa, iyadoo kumanaan shacab ah iyo madax isugu soo baxeen goob fagaare ah. Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay gaada ka ciyaarka ciidanka iyo waxyaabo badan oo maalintaan si gaar ah loogu weyneynayo. Madaxda Puntland iyo mas’uuliyiinta DFS ka socda ee jooga Garoowe ayaa la filayaa in halkaasi khudbado ay ka jeediyaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwo taabacsan Sheekh Mukhtaar Roobow oo u xiran DFS iyo Al-shabaab oo dhan ah ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobolkaasi. Ciidanka K/galbeed iyo kuwa Roobow ayaa la sheegay iney ku baxeen deegaanno ku dhow Tuulada Abal halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Maxamed Macallin, guddoomiyaha degmada Xudur ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay ka saareen deegaanno dhowr ah, islamarkaana bur-buriyeen saldhigyo urukaasi lahaa. “Waxaan qabannay degaanno ay nabad diidka dadku ku dhibaateyn jireen, waxaan ka bur-burinnay saldhigyo waaweyn oo ay iska soo abaabuli jireen, hubna waa laga qabtay” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan la sheegay in lagu gaarsiiyey khasaaraha badan. Deegaanno badan oo gobolka Bakool ah waxaa maamusha Xarakada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay go’doon geliyeen degmooyin ku yaalla gobolkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si kulul uga hadlay dil xalay gudaha magaalada Kismaayo loogu geystay Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), kaas oo ahaa Suldaankii guud ee Beesha Samaale. Axmeed Madoobe ayaa marka hore ka Tacsiyeey geerida ku timid Suldaanka, wuxuusha tilmaamay inuu aad uga xun yahay dilkiisa. Sidoo kale wuxuu xusay in Suldaan Dure uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo Nabadda Shacabka reer Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale faray saraakiisha laamaha amniga inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dilkaasi, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa shaaciyey in dilka Marxuumka loo adeegsaday Qori AK47 ah, islamarkaana ay ku raadjoogaan ninkii fuliyey. Wasiir Darwiish ayaa tilmaamay in weli ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaasi. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka ayaa dilka Suldaan Cabdirashiid Dure oo xalay ka dhacay isgoyska Caasha Deerow ee magaalada Kismaayo ku eedeeyey mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, gaar ahaan madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Warar dheeraad ah ayaa lagu helayaa nabadoon caan ah oo habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Nin ku hubeysan Qori AK-47 ayaa salaaddii maqrib kadib dilay Suldaan Rashiid Dhurre Cumar, oo aad looga yaqaan deegaannada Jubbaland. Ninkii dilkaasi ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ay illaa iyo saakay baaritaanno wadaan. Suldaankan ayaa ka mid ahaa waxgarad kasoo horjeestay go’aanno dhowaan ay soo saareen guddiga doorashada ee Jubbaland. Dilkan ayaa imaanaya xilli dhowaan aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Kismaayo maadaama loo diyaar-garoobayo doorashooyinka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi uga digay in ay geystaan weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001kii oo kale, arrintaas oo ah mid qatarteeda leh. Trump oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa uga hadlay wiilal Soomaali ah oo lagu qabtay gobolka Arizona, kuwaas oo doonayay in ay ku biiraan kooxda Islaamiga ah ee Daacish. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in labada wiil ee la xiray ay ku sii jeedeen gudaha dalka Masar, si ay ugu biiraan kooxdaasi. “Waxaa la xiray Soomaali Qaxooti ah oo doonayay in ay ku biiraan Daacish, baaqeenna ugu weyn waa in aan hurdada ka kacnaa oo aan jebinaa ISIS ama waxaa dhacaya weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001kii ka dhacay Dalka Mareykana.” ayuu yiri Trump. Sidoo kale Trump ayaa ku amaanay hay’adaha ammaanka ee dalkiisa, sida ay uga hortageen damaca dhalinyaradaasi. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in aan loo dulqaadan karin qaxooti argagixisanimo ku lug leh, islamarkaana ay iska qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Labada wiil ee Soomaalida ah ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mahad Maxamed iyo Cabdi Yamani Xuseen. Mid ka mid ah Wiilashan ayaa lagu eedeeyey inuu doonayay in uu isku qarxiyo aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka. Arrintan ayaa walwal iyo cabsi hor leh ku beertay Soomaalida degan Mareykanka oo horay dhibaato u wajahayey tan iyo markii uu Donald Trump xilka qabtay sanadkii 2017-kii. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidammo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, kuwaasoo la sheegay inay qayb ka noqonayaan hawlgallada ay dowladdu ku doonayso inay kula dagaalanto Al-shabaab. Wasiirka gaashandhigga DF oo ay wehliyaan ku-simaha taliyaha ciidanka xoogga dalka ahna taliye Ku xigeenka ciidanka iyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay cutubka ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Sidoo kale, Ciidamadan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhaw sanad waxay tababbar ku qaadanayeen gudaha Turkiga, waxaana ay qayb ka yihiin ciidammada sida gaarka ah loo tababaray. Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Somalia, Jen. Odowaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidamadan kaga mahad-celiyay qaabka wanaagsan ee tababarka ay u qaateen muddadii ay joogeen Turkiga Dhanka kale, Ku-simaha taliyaha CXDS ahna taliye ku xigeenka CXDS Jen. Cabdi Xasan Maxamed [Xijaal] ayaa dowladda Turkiga kaga mahad-celiyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidanka xoogga dalka. Wasiirka gaashandhigga Somalia, Xasan Maxamed Cali [Amar-dambe] ayaa isna sheegay n dowlada Somalia ay ku hawlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Dalka Turkiga ayaa wuxuu dadaal badan ku bixinayaa sidii ay Somalia dib cagaheeda ugu istaagi lahayd, waxaana Muqdisho uga furay saldhig ay ku tababaraan ciidamada xooggad Dalka. PUNTLAND POST The post Ciidan Somali ah oo Tababar sare soo Qaatay oo ku soo laabtay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo, sannad-guurada 21-aaad ee ka soo wareegtay aas’aaskii dowladda Puntland, ayaa hadda ka socota barxadda weyn ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan,guddoonka labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, xildhibaanno, xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, marti sharaf kale iyo boqollaal dadweyne ah. Halkaan ka daawo munaasabadda PUNTLAND POST The post Toos: Munaasabadda Xuska aas’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhamaan shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelladii uu ka baxay marxuum Suldaan Rashiid Durre oo ka mid ahaa salaaddiinta dadka ku nool Jubbaland, kaasoo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid uu laf-dhabar u ahaa midnimada iyo nabad kuwada noolashaha shacabka Jubbaland wax badana uu waqtigiisa u huray nabadeynta iyo walaaleynta shacabka Jubbaland. Sidoo kale, Hay’adaha Amniga Jubbanad ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe faray in jawaab deg-deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markaana ay kusoo dhigaan gacana kuwii falkan ka dambeeyay. “Waxaan hay’adaha amniga farayaa inay jawaab dhaqso badan ka bixiyaan dilka suldaanka, waxaana laga doonayaa laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii falkaas ka dambeeyay, si cadaaladda loo hor-keeno,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Nabaddoonkan ayaa waxaa xalay lagu dilay bartamaha magaalada Kismaayo waxaana dilkiisa uu dhacay xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas laba wiil oo la socday, kuwaasoo lagu daweynayo hadda Isbitaalka magaalada Kismaayo. Dhanka kale, Marka laga soo tago hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha Jubbaland illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Sudaan Rashiid Dhurre, balse waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay Kooxda Al-shabaab. Ugu dambeyn, Dilka Suldaankan oo hoggaaminayay beesha Gaaljecel ayaa waxaa wuxuu dilkiisa kusoo beegmayaa xilli la filayo inay bishan gudaheeda ka dhacdo Kismaayo doorashada madaxweynaha maamulkaas, iyadoo inta aysan doorashadaas dhicin lasoo dooran doono xildhibaannada maamulka. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay dilka Sudaan xalay lagu dilay Xarunta Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda, Ibrahim Mahad-Alle ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta waaxda saddexaad ee Oktoobar Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey. Ibraahim Dheere ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda. “Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.” Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Duqa Muqdisho, Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa horey amar ugu bixiyey dhismaha xarunta Waaxda October oo ay dhisteen dad shacab ah, kuwaas oo laga burburiyey, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Ugu dambeyn, Xafladda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Ibraahim Dheere ku weheliyey Ku-xigeenkiisa Howlaha Guud, Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo mas’uuliyiinta degmada Waaberi. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray dhisme maamul oo dib loo dayac-tiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday degmooyinka loo dhameystirayo adeegyada aas-aasiga ah. Ibraahim Cumar Mahad-alle oo tilmaamay in ay wadaan mashaariicyo kala duan ayaa xusay in ay isugu jira dhinacyadda Waxbarashadda iyo Caafimaadka oo muhiim u ah muwaadiniinta. Ku simaha duqa caasimadda Soomaaliya oo ka hadlayey munaasabad ka qabsoontay magaaladda Muqdisho ayaa shacabka ku booriyey in ay kala shaqeeya ciidamada sugida amniga. Ugu dambeyntii, Mr Mahad-alle oo ku nuux-nuux saday in ay ka go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha dadweynaha ayaa tilmaamay in cashuurta laga qaado shacabka aysan ku dhicin jeebabka cid gaar ah. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Saladiinta Jubbaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre. Marxuumka oo kamid ahaa Saladiinta Jubbaland ayay dabley ku dishay magaaladda Kismaayo, fiidnimadii Talaadadda isaga oo kasoo baxay Masjid. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad kuwada noolanshaha Shacabka ree Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada. Hogaamiyaha dowlad goboleedkaasi ayaa falkaasi wuxuu ku eedeeyay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Hay’adaha amaanka ayuu faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falkan. Dhinaca kale, ciidamada ayaa tan iyo xalay waxay xarunta gobolka Jubadda Hoose ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda, wallow aanan hadii dad lagu soo qabqabtay dhaqdhaqaaqyadaasi. Dilka oday dhaqameedkaasi ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo degaanadda Jubbaland gaar ahaan magaaladda caasimada ku meel gaarka ah ee Kismaayo laga dareemayo diyaar-garowga doorashadda oo loo muddeeyay 24-ka bisha August. View the full article
-
Garowe (SMN) – Xuska 1-da August oo ah Maalintii la asaasay Maamulka Puntland ayaa Todobaadyadii ugu Danbeeyay Diyaargarow geeda laga dareemayey Deegaanada Maamulka. Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku sugan Magaalada Garoowe waxaa ayna Maanta ilaa caawa ka qaybgali doonaan Munaasabado waaweyn oo lagu maamusayo Maalintan oo qiimo Weyn uleh Shacbiga iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland. Magaalada Garoowe Barxad ay caan ku tahay ayaa qorshuhu yahay Maanta in lagu sameeyo Bandhig iyo Fantastiyo kala duwan. Cutubyo kala duwan oo Ciidamada katirsan ayaa dhoolatus ku samayn doona madaxda iyo shacabka hortooda sidoo kale ardeyda iyo shaqaalaha dowladda ayaa iyaguna soo bandhigi doona doorkooda maalintan. Dhalinyaro kala duwan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay Baraha bulshada kusoo bandhigayey Sawiro muujinaya sida ay ugu weyn tahay 1-da August 1998-dii oo ah markii la unkay Puntland Maamulka Puntland oo iminka jirsaday 21sano ayaa waxaa soomaray 6-lix Madaxweyne oo uu ku jiro Saciid Cabdulaahi Deni kuwaaso lagu doortay nidaam barlamaani ah mana jirin madaxweyne hirig galiyey wareejinta xilka. Deegaanada maamulkasi uu ka arimiyo ayaa ka kooban Bari, Nugaal iyo qaybo kamid ah Gobolada Mudug Sool iyo Sanaag Inkastoo Sool iyo Sanaag ay kuwada muransan yihiin Somaliland iyo Puntland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Kenya, Lucas Tumbo. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga labada dal ee deriska ah. Sidoo kale waxay isla soo qaadeen adkeynta xiriirka xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog. Is-aragan ayaa kusoo aadaya iyadda oo xiisad dhanka badda ah ay u dhaxeyso Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo mad-madow gelisay cilaaqaadka dowladahan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-010819.mp3 View the full article
-
Popular Contributors