-
Content Count
209,189 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Xasan Cali (ammar dambe), ayaa sheegay in uu socdo dedaal lagu soo celinayo tayadii Ciidanka xoogga Dalka. Mudane; Ammar dambe, oo warbaahinta la hadlayay ayaa uga mahad celiyay Dowladda Turkiga doorkii ay ka qaadatay tababarka Ciidanka xoogga, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay in ay soo laabato tayadii uu Ciidanka Xoogga Dalku lahaa. Wuxuu sheegay Wasiirku in Ciidankani tababarka soo dhammeystay ay ka horreysay Guutada Gor-gor, oo haatanba qeyb ka ah howl-galka lagula dagaallamayo Argagixisada ee ka socda Dalka. Dedaallada lagu soo nooleynayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ay hormuudka u tahay Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay sii socon doonaan illaa ay awood buuxda u yeeshaan in ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka. Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayuu sheegay in ay u direen Dalka Turkiga dhowaan, si ay u soo qaataan khibrado kala duwan, taas oo uu sheegay in ay bar-bar socoto Qaramaynta Ciidamada aan Dowladda dhexe hoos iman ee Dalka oo haatan meel wanaagsan marayso. Mudane; Ammar dambe, oo hormuud ka ahaa soo dhoweynta 330 Askari oo Kumaansoos Soomaaliyeed ah ,laguna soo tababaray Dalka Turkiga ayaa aad ugu mahad celiyay Ciidankaasi Dhabar adeygii ay muujiyeen intii ay ku jireen tababarka, wuxuuna kula dar-daarmay Waddaniyad iyo daacadnimo. View the full article
-
President of Somalia, Mohamed Abdullahi “Farmajo” Mohamed has officially renounced his US citizenship, a statement from his office says. Although Somalia’s constitution allows for dual citizenship, he decided to surrender his US passport after becoming president in February 2017, it said. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo was studying in the US when the civil war started in 1991 and so he stayed and claimed asylum. He was working for the transportation department in Buffalo when he was asked to return to Somalia as prime minister. He served in that position for eight months in 2010-2011 and then went back to the US. He returned to Somalia in 2016, leaving his family in the US, to announce his candidacy for president. Many politicians, including the current prime minister, have dual nationality as a consequence of the civil war. It is unclear if Mr Mohamed decided to give up his US citizenship because a US citizen he was unable to attend the UN General Assembly as a diplomat – a status which brings with it various privileges. He has not attended the gathering in New York since he became president. Source: Report Focus News
-
Madaxweynaha JF ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu dib u celiyey dhalashada Mareykanka, halkaasi uu ku waayey xuquuqdii muwaadinnimada Mareykanka. Inkasta oo ay soo daahday waa tallaabo bogaadin mudan, oo ahaa dalabka shacabka Soomaaliyeed. Mudane Farmaajo waxaa arrinkan horay ugu ogolaanayey dastuurka qodobkiisa 8aad faqradiisa 3aad oo u qoran: Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale, laakin hadda waxaa socdo qorshe dastuurkan qabyada ah ee dib u eegista ku socoto lagu daro in Soomaaliya aanu madaxweyne ka noqon karin qof 2 Baasaboor leh. In dastuurka qabyo qoraalka ah lagu daro in Soomaaliya aanu madaxweyne ka noqon karin qof labo Baasaboor leh ma aha wax cajiib ah, oo waxaa uu qodobkaas isaga oo far waaweyn ah ku jiray dastuurkii 1960-kii, qodobka 71aad, dastuurkii 1979-kii, Qod. 81aad iyo Dastuurkii 1990-kii qodobkiisa 78aad. Sababaha Madaxweyne Farmaajo Ku Qasbi Kara Inuu Celiyo Dhalashada Mareykanka: 1. In uu arkay dastuurka dib-u-eegista ku socoto, oo laga reebay qodobkii madaxweynaha u ogolaaney 2 Baasaboor, sidaa darteedna ansixintiisa uu si qasab ah ku weydoono Baasaboorka Mareykanka, taa darteed uu Farmaajo ka hor dhacay! 2. Inuu ku qancay xuquuqda uu siinayo sharciga xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha siyaasiyiinta dowladda Federaalka, oo hadda horyaalla golaha aqalka sare ee BF! 3. Inuu doonayo ka qeyb galka bisha September shirka ama Kulamada Kalfadhiga soo socda ee Jimciyadda Qurumaha! 4. Inuu xujeynayo siyaasiyiinta 2 Baasaboor leh, ee rajada weyn kala lahaa iney tartamaan doorashada 2020-ka! 5. In arrintan horudhac u tahay ololihiisa doorashada 2020-ka iyo damaca ah inuu dib u soo laabto! 7. Inuu degenaashiyo ka helay ama dal kale uu u soo bandhigay guri, ceydh, nolol iyo deegaan noloshiisa inta ka dhiman ah! Haddaba, waxaan akhristayaasha sidoo kale la wadaagi-doonnaa, Maxaa ka dhalanaya marka muwaadin Mareykanka uu iska celiyo dhalashada Mareykanka: 1. Sida ku qoran qodobka 349(a)(5) ee sharciga jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka, qofka ka laabanaya ama dib u celinaya dhalashada Mareykanka waa ku horsameeyo tilaabadaasi diblomaasi ama safiirka dalka Mareykanka. 2. Lama ogola inuu diro E-mail, boosto iyo IWM, waa inuu dhaartaa, waana inuu su’aalo badan uga jawaabo waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka ee raacsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga. 3. Waxaa uu weynayaa dhammaan xuquuqda uu ku heli jiray dhalashadii Mareykanka. 4. Qofka jinsiyadda Mareykanka iska celiya waxaa laga yaabaa haddii uu jinsiyad kale heysan inuu noqdo dhalasho la’aan, mana helayo xukuumad xuquuq siisa, oo heli-doono inuu wax lahaado, kireysto, shaqeeyo, guursado, waxbarto. 5. Qofka dhalashada Mareykanka ka laabto lama weydiin doono canshuur iyo dhibow ciidan ama arrimaha laga rabo muwaadinka caadiga ah. 6. Dhalasho la iska celiyo kama dhigna in aan lagu oogi karin dambiyo uu qofka horay u galaya ama uu geli-doono ama arrimo maaliyadeed uu bixin waayey sida biilka caruurta. 7. Haddii ay yihiin caruur 16 ka yar ama dadka baahiyaha gaarka ah, arrintaas waa mid adag, waxaa loo sheegayaa inuu sugo ilaa da’da 18 jir-ka. 8. Haddii qofka uu ka laabto dhalashada Mareykanka, dib uma codsan karo, oo waa go’aan aan laga laaban. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda darajada 1aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir. Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi ah Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:- 1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen MarxuumEx-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland. 2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso. 3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere). 4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka. Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Bariire (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah oo la socday Mooto mareysay halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex qof oo isugu jiray askar iyo shacab, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo ka fulisa gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Buula Burde ee Gobalka Hiiraan Cabdi Casiis Duurow ayaa sheegay in odayaal dhaqameed la kulmay Al-Shabaab ay u xireen Degmadaasi. Tirada odayaasha la xiray ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 5 qof, kuwaasi la tilmaamay in ay kulan la soo qaateen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan odayaasha ay xireen, islamarkaana waxaa uu sheegay in odayaal kale hada ay baadi goobayaan, kuwaasi oo ku sugan bartamaha degmada Buula burde ee Gobalka Hiiraan. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu digniin u diray odayaasha xiligan doonaya in ay kulan la qaataan dagaalamayaasha Al-Shabaab. 15-ka July ayay ahayd markii ay Al-Shabaab ay soo saareen amar ay ku fareyso Odayaal Dhaqameedyadda ka qaybgalay doorashadii 2017-kii in ay si degdeg ah ku yimaadan degaanada ay maamulan. Warsaxaafadeedka ayay ku sheegtay Al-Shabaab in ay khaarijin doonto odayaasha aanan u hogaan-samin fariintooda, inta fulisana ayay sheegtey in ay “ammaan siin doonto” Caasimada Online Xafiiska Buul Burte caasimada@live.com
-
Maxkamadda darajada 1aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir. Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi ah Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:- 1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen MarxuumEx-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland. 2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso. 3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere). 4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka. Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xuska sanadguurada 21-aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii Puntland ee 1998 waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddomiyaha Golaha Shacabka DFS Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowladda Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland. Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi weyn ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland. Munaasibadda dabaaldegga xuska sanadguurada Puntland ee 01 Augusto ayaa kusoo idlaatay qorshigii iyo habmaamuuskii qorshaysnaa ee ay u diyaariyeen Guddiga qabanqaabada xuska maalintani. Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa caawa lagu qabandoonaa munaasibad balaadhan oo ay Madaxda Puntland, kuwa Dowladda Federaalka, aasaasayaashii Puntland iyo shacabka halyeeyada ah ee Puntland ay kaga sheekayndoonaan taariikhda Guunka ah ee Puntland, Nebadda, xasiloonida, wadajirka iyo horumarka ay Puntland gaadhay 21 sano kadib. PUNTLAND POST The post Sawirro dheeriya: Dabbaal-dega Xuska 1-da Agoosto ee Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo has renounced his citizenship of the United States, according to the humanitarian journalist Moulid Hujale. This comes as 38% of the federal MPs of Somalia have dual citizenship. The issue of Somali politicians with dual citizenship and their loyalty to the country has been a major debate in the Somali political discourse. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo has been serving as the 9th and current President of Somalia since 16 February 2017. He was previously a Prime Minister of Somalia from November 2010 until June 2011 and is the founder and Chairman of the Tayo Political Party. While dual citizenship is accepted for politicians in Somalia, other African nations that have experienced similar diasporas are not quite as accepting. In Liberia, politicians and intellectuals have debated for years whether dual citizens should be allowed to hold power, especially after the 2006 election of Ellen Johnson-Sirleaf, the first democratically elected female president in Africa, who has dual Liberian/German citizenship. View the full article
-
Puntland state in Somalia on Thursday marked the 21st anniversary of statehood. The largest celebration was held in the capital Garowe, where was attended by Puntland officials including the president and speaker of Somalia parliament. During the celebration, dozens of people from civil society and hundreds of Puntland armed forces were paraded in front of government officials at Barhada square in Garowe. Puntland military vehicles also displayed there. Today’s celebration was the biggest one in the history of the Puntland, which was a peaceful state founded on August 1, 1998. Puntland President Said Abdullahi Deni did not give a speech on the scene, but the organizers of the celebration said he will deliver his speech tonight at the presidential palace, where the second festivity will be taking place. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dawlada Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Wasiirka Arimaha Dibada dalka Iran Mohammad Javad Zarif, waxaanay talaabadani ay muujinaysaa inay cadaadis ku sii kordhiso ololaha ka dhanka ah Iran. Waxaana waaxda maaliyada ee dalka Maraykanku ay sheegtay in ay cunaqabatayntan cusub ay ku soo rogtay Zarif oo isagu ah gacan yaraha hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei. “Javad Zarif waxa uu yahay mid loo adeegsado ajandayaasha hogaamiyaha Ruuxiga ah, waana afhayeenka taliska ee aduunka,” sidaasi waxa yidhi Xoghayaha Maaliyada dalka Maraykanka Steven Mnuchin. Hase yeeshee Wasiirka Arimaha dibada Iran oo ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay dalka Maraykanka ayaa qoraal uu kaga jawaabay oo uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in talaabadan maraykanku ay tilmaamayso in isaga ay u aragto Washington mid khatar ku ah. Waxaanu tilmaamay Wasiirka arimaha dibada Iran in talaabadani aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin isaga iyo qoyskiisa toona, maadaama oo wax hanti ahi iyo dano kaleba aanay ka oolin meel dibada ka ah Iran. Waxa isa soo taraysa xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran tan iyo intii Madaxweynaha dalka Maraykanku uu ka baxay heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ee lala galay dalka Iran, kuna soo rogay cunaqabatayno dhaqaale oo xaalada gacanka cirka ku sii shareeray. Source
-
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da bisha August, 2019, dib u celiyay jinsiyaddii uu ka haystey dalka Maraykanka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu muddo dheer ku noolaa dalka Maraykanka isaga oo wax ku bartay, kana soo shaqeeyay. Marar badan ayaa shacabka Soomaaliyeed ka doodeen jinsiyadaha shisheeye ee ay haystaan siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo xilal ka haya dalka amaba damac kaga jiro kursiyada ugu sarreeya ee dalka. Tallaabada Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaqay ee uu si iskiis ah kaga tanaasulay jinsiyaddiisii labaad ee dalka Maraykanka, iyada oo aanay jirin sharci diidaya in Madaxweynuhu haysto laba jinsiyadood, waxay ka tarjumaysaa sida ay Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay waddan jacaylka iyo Soomaalinnimada uu mar kasta ugu baaqo ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, arrintani waxay ibo-fur u noqonaysaa in haatan laga bilaabo, qofka raba inuu xilal sare ka qabto dalka ka tanaasulo jinsiyadaha kale ee uu haysto isla markaana u go’o u khidmaynta dadka, daacadna u noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaaday tallaabo taariikhi ah oo aan horey loogu dhiirran. Madaxweynuhu waxa uu mudan yahay bogaadin iyo in lagu garabsiiyo hankiisa ku aaddan in la helo Qaran Soomaaliyeed oo milgo iyo sharaf ku dhex leh caalamka. Adigu sidee u aragtaa tallaabada uu madaxweynuhu qaaday ? W/Q: Cabdullaahi Cismaan Faarax AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa celiyey Jinsiyaddii Labaad ee uu ka haystay dalka Maraykanka. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidan u qornaa: Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka. Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010. Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay. DHAMMAAD Source
-
(SLT-Washington)-Saraakiil ka tirsan waaxda sirdoonka dalka Maraykanka ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan inuu dhintay wiil uu dhalay hogaamiyihii ururka Al-Qaaciida Osama bin Laden oo magaciisa la yidhaa Xamza Osama bin Laden, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Maraykanku. Warbaahinta NBC ayaa sheegtay in sadex sarkaal oo ka tirsan Maraykanku ay u xaqiijiyeen warka ku saabsan dhimashada Xamza Osama bin Laden, balse wax faahfaahin ah kumay darin intaasi oo ku saabsan goorta uu dhintay iyo halka uu ku dhintay toona. Sidoo kale wargeyska The New York Times ayaa isaguna dhiniciisa ku waramay in in dawlada Maraykanku ay door ku lahayd hawlgal lagu dilay Xamza bin Laden, kaas oo dhacay laba sanadood ka hor. Bishii February ayaa dawlada Maraykanku ay Xamza bin Laden ay madaxiisa dul dhigtay $1m in la siin doono cidii war ku saabsan halka uu joogo soo sheegta. Waxaanu Xamza tan iyo intii la dilay Aabihii sanadkii 2011-kii uu cajalado maqal iyo muuqaal ah oo uu soo duubay uu ugu baaqi jiray kooxaha mayalka adag inay weeraro u geystaan dalka Maraykanka iyo dalalka kale ee la ologa ah, waxaanay dawlada Maraykanku ay sanadkii 2017-kii ay Xamza bin Laden ay ku dartay liiska madow ee Argagixisada. Source
-
Somalia President Mohamed Abdullahi Farmajo has renounced his United States citizenship. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, received in his Mogadishu office the Ambassador of the Republic of Kenya to the Federal Republic of Somalia Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo on Wednesday. The meeting discussed ways to enhance bilateral relations between the two neighboring states. The two sides also discussed means of joint cooperation between the two friendly countries to emphasize the depth of the Somali-Kenyan relations in all key areas. Mogadishu and Nairobi which share border cooperate on security, trade, and investment, but the collaboration was tested by maritime dispute along the Indian Ocean border that is already at the International Court of Justice. The diplomatic ties between the two went all-time low following misunderstanding to resolve the case out of court. Kenya argues that the two East African states can end their dispute outside the court but Somalia does not believe so and strongly emphasize the international justice system. The maritime border case is expected to be ruled by the Hague based court before the end of this year. More than 4000 Kenyan troops are part of African Union peacekeepers stationed in Southern Somalia since their incursion in October 2011, Somalia has also huge Diaspora community that does business in Kenya. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Nin u dhashay dalka Britain oo magaciisa la yidhaa Andrew Braian Irlam ayaa maanta la horkeenay Maxkamada gobolka Banaadir ee dalka Somalia. Ninkan Ingiriiska ah ayay soo xidhay hay’adda amaanka u qaabilsan Somalia bishii January ee sanadkan 2019-ka, kaas oo markii la xidhay doonayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Waxaana lagu eedeeyey inuu dhoofinayey oo uu doonayey inuu diyaarad la koro walxaha qarxa, sida ay sheegeen hay’addaha amaanka Somalia. Hase yeeshee Xeer-ilaalinta Somalia ayaa ku eedeeyay Andrew Braian Irlam inuu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in aanu ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa oo uu ku watay boorso xili uu doonayey inuu ka duulo Madaarka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Airport. Ninkan la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir ayaa intii uu ku xidhnaa xabsiga dhexe waxa la sheegay inay ku weerareen maxaabiis la xidhneyd, kuwaas oo hore uga mid ahaa ururka Daacish waxaana soo gaadhay dhaawacyo fudud. Maxkamada ayaa guud ahaan dhageysatay eedaha ka dhanka ahaa Andrew, iyadoo wali Maxkamaddu aanay ku dhawaaqin xukunka lagu riday ninkaasi Ingiriiska ah. Source
-
(SLT-Riyadh)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha Sacuudiga ee fadhigeedu yahay Yurub ayaa canbaareysay xadhiga Maxamed Cabdulahi Al-Cutaabi oo u xidhan Sacuudiga. War saxaafadeed ay ku soo qoreen barta Twitterka ayaa lagu eedeeyay xadiga ninkaan in uu mas’uul ka yahay dhaxal sugaha Sacuudiga maxamed Bin Salmaan. Mr Cutaabi ayaa u cararay dalka Sacuudiga waxaana uu magan galyo siyaasadeed u tagay Qatar ka hor inta aanu degaanaasho ka helin dalka Norway. Balse ciidanka amniga Qatar ayaa ku xidhay garoonka Xamad ee magaalada dooxa, xilli uu ku wajahnaa magaalada Oslo. Afar maalmood kadib xadhiga ninkaan ayaa 24 May ee sanadkii 2017-dii gacanta loo galiyay dowlada Sacuudiga. Source
-
Popular Contributors