Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Caasimada Online) – Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada Soomaaliya Injineer Cabdi Canshuur Xasan, ahna guddoomiyaha guddiga loo saaray Aaska guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaciyey in Marxuumka beri aas qaran loogu sameynayo magaalada Muqdisho. Wasiir Canshuur ayaa sheegay in diyaarad qaas ah loo dirayo dalka Qatar, taas oo soo qaadi doonto Meydka Marxuum Injineer Yariisow. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay isku diyaarisay aaska guddoomiyihii maamulka gobolka Banaadir. Injineer Cabdi Canshuur Xasan ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku dhawaaqay saddex maalin oo baroordiiq ah. Allaha u naxariistee guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shalay galab ku dhintay isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, kadib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii 24-kii bishan Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar. Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kuma aysan dhawaaqin natiijada ka soo baxday baaritaanka weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii u timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maxaweyne Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jabuuti: Mar walba waxaan garab taagannahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Munaasabaddii Xuska 1-da Agoosto ka shaaciyay, in ay diyaar yihiin 1500 (kun iyo shan boqol) oo booliis ah, kuwaasi oo soo dhammaystay tababar ay u furtay dowladda uu hoggaamiyo. Waxa kale oo uu sheegay in la dayac-tiray Xeryihii ciidanka Daraawiishta Puntland, islamarkaana ay dardar ku socoto Kala hufidda ciidamada iyo sare u qaadidda aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda. “Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sugidda amniga iyo dhismaha ciidan xoog leh oo ku filan ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca xuduudaha Puntland. “Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad aan siinay, waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay dowladda Puntland, kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay ugu horreyso ciribtirka Argagixisada iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo berriba” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST The post Deni sheegay in dowladdiisu tababartay 15oo oo askari appeared first on Puntland Post.
  4. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa markale weerar dhinaca afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Deni ayaa shaaciyey in xukuumadda Xasan Cali Khayre ay ku fashilantay arrimaha amniga dalka, gaar ahaan kan sugida magaalada Muqdisho. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa xusay in aan la’iska indha tiri karin dilalka iyo qaraxyada sii kordhay ee ka dhacaya gudaha Caasimada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in siyaasada xukumadda federaalka Soomaaliya ay dalka u horseeday amni xumo iyo xasilooni darro, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo mudnaansiin la’aanta arrimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseeday nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay falalkii argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka.” ayuu yiri Deni. Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in marka Al-Shabaab weeraro ka gaysato Muqdisho, ay ugu jawaabto waddo xiris, taas oo culeys iyo cadaadis horleh sii saarta shacabka ku dhaqan xaafadaha magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho. “Waxaa kordhay falalka argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga jawaabto waddo xiris taas oo culeys badan ku sii noqotay shacabkii dhibanaa xal amnina aan keenin” ayuu hadalkiis sii raaciyay Madaxweyne Siciid Deni. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli todobaadyadii la soo dhaafay falal liddi ku ah amniga ay ka dhacayeen gudaha Caasimada, waxaana ugu dambeeyey weerarkii xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo sababay geerida guddoomiyihii gobolka Banaadir oo shalay galab ku dhintay magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  5. Earlier this month, the United Arab Emirates announced that it would be withdrawing at least part of its military contingent from Yemen, hinting at serious trouble in the country’s relationship with Saudi Arabia. Source: Hiiraan Online
  6. A day after scores of Somali mothers pleaded for help stopping gun violence a 16-year-old Somali boy was gunned in a notoriously rough North York neighbourhood. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan qorshe la doonayo lagu dhiso maamul gaar ah oo ay yeelato magaalada Muqdisho, si ay u hesho maqaamkeeda siyaasadeed. Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanadaasi ayaa tilmaamay in dad isugu jira Qurbe Joog iyo reer Muqdisho ay diyaar garow ugu jiraan in maamul gaar ah loo sameeyo gobolka Banaadir. Xildhibaan Cosoble ayaa xusay dadka degan Muqdisho ay dhiban yihiin, islamarkaana laga xirtay waddooyinka, welina ay dhacayaan dilalka iyo qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay. “Dad isugu jira Qurbe Joog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar garow ugu jira in maamul gaar ah loo sameeyo gobolkan Banaadir, dadkeenii waa ay dhiban yihiin, waxaana rabnaa in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo u sheegno in dhagax waddada lagu xiro aan dalka lagu maamuli karin.‘‘ ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka xildhibaano ahaan ay ka shaqeynayaan, sidii loo heli lahaa maqaamka siyaasadeed ee Muqdisho, si buu yri looga baxo dhibaatooyinka ka jira Caasimada. Ugu dambeyn waxa uu carabka ku dhuftay in wadatashiyo ay wadeen maalmahaan dambe ay soo gabagabeynayaan, islamarkaana ay dhisayaan guddi ka shaqeeya soo diyaarinta Dastuurkii lagu aas aasi lahaa maamul uu yeesho gobolka Banaadir. Muqdisho ayaan weli helin mataalad siyaasadeed, iyadoo marar badan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Muqdisho ay ololeeyeen arrintaasi, balse ma jirto wax ka soo saana cadaaday dadalladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Halkaan hoose ka daawo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo xalay ka hadlay sida loo soo celin doono gobolka maqan ee Sool oo Somaliland haysato PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo ka hadlay sida loo soo celin doono gobolka Sool oo Somaliland haysato appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha iyo taliyaasha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland oo kulankaasi looga warbixiyay ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu Sarakiisha amray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan natiijada ka soo baxday baaritaannada lagu hayo dadka ku eedaysan falalkii u dambeeyya ee ka dhacay magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu xusay in madaxweynuhu uu Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida Jubaland uuna kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo amray in la soo bandhigo natiijada baarista falalkii u dambeeyay ee ka dhacay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  10. Jabuuti (SMN) – Duqa magaaladda Jabuuti ee caasimadda waddanka Jabuuti ayaa ka hadashay geerida duqii Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Marxwo Faadumo Cawaale Cismaan oo tacsi u dirtay ehelada Marxuumka ayaa waxay Yariisow ku sifeysay “shaqsi afgaaban oo xushmad badan”. Naxariista ALLE iyo Janatul Firdowsa ayay shaaca ka qaaday in ay u rajeyneyso, iyadda oo arrintaasina EBBE uga bariday. Marxuumka ayaa shalay ugu geeriyooday dalka Qadar dhaawacii kasoo gaarey weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday xafiiskiisa kaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday guddi ka shaqeyn doono Aas-ka marxuumka oo lagu wado in Sabtida la keeno magaala madaxda. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray in calanka hoos loo dhigay muddo saddex casho ah, taasi oo ah mid loogu baroor-diiqayo marxuumka. View the full article
  11. Insurgent and government forces in Somalia together account for some of the highest numbers of children abused in conflicts worldwide, the United Nations secretary-general said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. Garbahaarey (SMN) – Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in xiisad xoogan oo u dhaxeysa ciidamada xooga dalka iyo kuwa Kenya ay ka taagan tahay qaybo kamid ah gobolka Gedo. Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ayaa ka warbixiyey waxay salka u hayso xiisadda. Mr Rufle ayaa daboolka ka qaaday in xiisada ay salka ku hayso dhibaatooyin ay ciidamada Kenya u geysanayaa shacabka Soomaaliyeed. Sarkaalka ayaa hoosta ka xariiqay in xoogaga difaaca qaranka ay ka dhiidhiyeen arrintaasi, ayna is-hor-istaag ku sameeyeen dhigooda Kenya. Isaga oo sii hadlaya ayaa ku nuux-nuux saday in xiisadda ay sababtay in aysan wax wadashaqeyn ah aysan dhex-marin labadda dhinac. Dowladda Federaalka ayuu ka codsaday in ay soo farogeliso arrintan, isla markaana ay kaalin ka geysato sidii ciidamada Kenya u joojin lahaayeen dhibaatadda. View the full article
  13. Improved confidence, on the back of the continued implementation of reforms, and strong donor support continue to support economic activity, especially in the telecom, trade, construction, and financial sectors. However, poor rainfall in Spring weighs on the outlook and threatens food security. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay, in ay ku fashilantay Sugidda Amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Madxaweyne Deni ayaa sheegay in siyaasad-xumada haysata dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dalka u horseedday amni la’aan iyo xasilooni-darro, gaar ahaanna magaalada Muqdisho oo sida uu sheegay ay ku sii kordhayaan falalka argagixiso ee shacabka lagu beegsanayo. “Waa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo mudnaansiin la’aanta aarimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseedeynabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhayfalalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka” ayuu yiri Deni. Sidoo kale, wuxuu xukuumadda ku eedeeyay in markii kooxaha argagixisada ah ay Shacabka dhibaato gaarsiiyan, ay kaga jawaabto wadda-xiris aan wax amni ah soo kordhin, balse culays iyo cadaadis horleh sii saarta Shacabkii dhibbanaha u ahaa dilalka iyo qaraxyada Muqdisho. “Waxaa kordhay falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kagajawaabtay waddo xiris taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii dhibannaa xal amnina aan keenin” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo madaxweynuhu ka tacsiyeeyay, geerida guddoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shalay dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii todobaadkii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Al-shabaab iyo dowladda Federaalka ay dhib ku hayaan shacabka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMM) – Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Is-gaarsiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in Sabtida dalka la keenay Meydka Yariisow. Eng Cabdi Canshuur ayaa tilmaamay in marxuumka Aas qaran loogu sameyn doono magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa shalay wuxuu ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee xarunta dalka Qadar. Duqii hore ee Muqdisho ayaa kamid ahaa tobanaan ruux oo ku naf-waayey weerarka isbuucii hore lagu qaaday xarunta dowladda Hoose. Dhinaca kale, wasiir Canshuur ayaa wuxuu tacsi u diray ehelada marxuumka, oo uu tibaaxay in lagu xusuusan doono wax-qabadkiisa. View the full article
  16. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa hanbalyo u diray Shacab waynaha Puntland xuska sanad guurada 21-aad 1-da Ogoosta ee Asaaskii Puntland 1998. Madaxweyne ku xigeenka oo hadal ka jeediy Xuska Munaasabadda 1da Ogoosta oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in Puntland 21-kii sano ee la soo dhaafay ay ku tallaabsatay horumar ballaaran, amnigeeduna uu yahay mid taabo galay. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay arimaha gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxa uu sheegay in gobolaadi ay kaalinta kowaad kaga jireen Aasaaskii Puntland oo kaalin wayn ku lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in gobolaadi ay Puntlandba iyagu yihiin oo la’aantood Puntland aysan cagaha isku taagteen. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in dhammaaan goboladii iyo dadkii samaystay Puntland oo dhan ay wada qayb galaan dabaal degga xuskan, waxaana uu caddeeyay in inta aan ka qayb galin ee la kulmaya caburinta iyo caga juglaynta ay ka qayb gali doonaan sanadaha soo socda. Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa u mahad celiyay dhammaan madaxda iyo marti kale xafladda ka soo qayb galay, waxaana bogaadiyay guddiga barnaamij soo agaasimay sida qurux badan ee ay howshaan uga soo dhalaaleen. Halkaan hoose ka daawo muuqalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay qodoba kala duwan appeared first on Puntland Post.
  17. The United Nations joins Somalia in mourning the tragic passing of the Governor of Benadir Region and Mayor of Mogadishu Abdirahman Omar Osman, known as Engineer Yarisow, from injuries he sustained in a terrorist attack in Mogadishu last week. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-02082019.mp3 View the full article
  19. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ka hadlay geerida ku timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan (Yariisow) oo shalay ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Qatar. Ugu horreyn madaxweyne Geelle ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Yariisow. “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska maxaweyne Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay garabkiinna, dowladda iyo shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Cabdiraxmaan Yariisow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistii Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo todobadkii hore ka soo gaaray weerar lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa dhowr qof oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir u xiray qaraxii todobaadkii hore ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ee ay ku dhinteen guddoomiye Yariisow iyo xubno kale.. Dadka la xiray oo qaarkood ka soo muuqday Kaamirada wax duubta ee CCTV iyagoo la fadhiya ka hor qaraxa Haweeneyda la aaminsan yahay in ay ismiidaamisay ee Basiiro Cabdi Maxamed ayaa la sheegay in dhowr jeer la kala qabtay. Sidoo kale, Ciidamada ayaa xiray Ciidamo ay qaarkood salaantay ama la istaagtay Gabadhaan looga shakisan yahay in ay is qarxisay ee Basiiro Cabdi Maxamed. Shaqaalaha Gobalka ee maalintaas ku sugnaa Xarunta Dowladda Hoose islamarkaana maalin ka muuqday Kaamirada iyagoo la hadlaya ama la macaamilaya Basiiro ayaa la sheegay in la baadi goobayo. Dadka la xiray ayaa waxaa ku socda su’aalo weydiin, waxayna u badan tahay in badankood ay gabadha ula hadlayeen aqoon kala dhaxeysay, sida ay sheegeen saraakiil aan la hadalnay. Ilaa hadda hey’adaha amaanka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarkii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir 24kii bishii hore waxaana soo baxaya in uu gaabis ku socdo Baaritaanka Weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Dowladda Federaalka Guddoomiye K/X Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Golayaasha kale ee Dowladda heer Federaal iyo heer Puntland Madaxweynayaashii iyo Madaxweyneku ku-xigeenadii hore ee Puntland, Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Xubnaha beesha caalamka iyo safaaradaha Siyaasiyiinta iyo waxgaradka, Isimadda, cuqaasha iyo culimada Haweenka, dhallinyarada, saxaafadda iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Mudanayaal iyo Murwooyin, Waxaan idin ku salaamayaa dhammaantiin salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAAKAATU. Marka ugu horaysa waxaan ka tacsiyaynayaa geerida walaalkeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ku geeriyoodey dalka qadar, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo Samir iyo imaanna Alle kasiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxaan si gaar ah u ahayn saxiib dhow wakhti dheer. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa caruurtii iyo xaaskiisii. Waxaa sharaf noo ah dhammaanteen ineynu u dabaal degayno sannad guuradii 21aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Dowladda Puntland. Waxaan ALLE uga mahadnaqaynaa Guulihii iyo waxqabadyadii faraha badnaa ee halkaan caawa looga sheekeeyey oo ay ugu horreeyaan dhismaha hanaanka dowladnimo, adkeynta amniga iyo taabba-gelinta horumarka dhaqaalaha, siyaasada iyo adeega bulshada. Waxaan bogaadinayaa iskutashiga reer Puntland horumarkaas ku gaareen waxaana ugu baaqayaa shacabka reer Puntland in ay sii wadaan halgankaas si loo gaaro hadafyadii loo aasaasay Puntlnad oo ay ka mid tahay yagleelidda Dowlad dhexe oo Federaal ah, kuna dhisan maamul wanaag iyo sarraynta sharciga. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa aasaasayaashii Puntlnad; isimo, siyaasiyiin, waxgarad, haween, dhalinyaro, ganacsato iyo qurbojoog ba intooda nool waxaan u rajayanyaa cimri dheer iyo cibaado suuban, intoodii dhimatayna janno iyo naxariis ALLE. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Guddiga qabanqaabada xuska sannadguurada 21aad oo runtii hawl adag qabtay, dhammaan shacabkii, ciidankii iyo shaqaalihii kala duwanaa oo ay ka mid ahaayeen fardooleyda, ubaxa Punland, haweenka, xaafadaha, walaalaha Puntlnad, ardayda, dhalinyarada, shaqaalaha caafimaadka, beeraha, kalluumaysiga, shirkadaha korontada, dabdamiska, ciidamada, taraafikada, asluubta, booliiska, difaaca xeebaha, ciidamada difaaca Puntland qaybahoda kala duwan sida daraawiishta, cigaaleyda, kumaandoosta iyo gaadiidka gaashaaman dowrkii waynaa ee ay kaga qayb qaateen damaashaadkii saaka kasoo bilowda bartamaha Magaaladda Garoowe, dhamaan dadweynaha reer Putnland ee ku damaashaadaya gudaha iyo daafaha dunidaba, iyo dhamaan walaalaha meelaha fogfog dalka guduhiisa iyo dibaddiisaba inoo ka yimid si ay xuskaan inoo kala qayb galaan. Waxaan si gooni ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye K/X aqalka sare iyo wafdiyadii la socday. Mudanayaal iyo Marwooyin, Maanta waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1da Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka. Mudanayaal iyo Marwooyin, Haddii aan dib u milicsano geedi socodka dowladnimo ee Puntland waxay inoo sawireysaa taariikh horumar iyo taariikh dowladnimo la taaban karo. Tusaale ahaan 1998kii Puntland waxaa ka jirey 28 Iskuul oo lagu kala dhigo dhowr iyo toban manaahij oo kala duduwan. Maanta waxaa Puntland ka jira illaa 1,000 school oo dhammaantood ku shaqeeya hal Manhaj oo midaysan. Ardeyda ka qallin jebisa dugsiyada sare waxaa u diyaarsan oo ay kala doordoortaan 13 Jaamacadood oo dhamaantood la aasaasey 20-kii sanno ee la soo dhaafey. Waxaa sidoo kale Puntland ku soo kordhey 23 cisbitaal iyo dhowr-kun oo xarumo caafimaad oo loogu adeego bulshada oo dhan. Waxyaalaha la taaban karo oo adeegyadaas ka dhashey waa arin aad u farxad gelineysa dadka Soomaaliyeed oo dhan. 3% oo keliya ayaa laga tallaali jirey cuduradda dilaaga ah caruurta ku dhalata Puntland 1998-dii. Waa Ilaahay mahadiis ah in maanta la tallaalo 87% caruurta ku dhalata Puntland waxaana idiin ballanqaadayaa in aanan ka seexan doonin kor uqaadista horumarka Puntland oo ay Dowladeydu nasiib u yeelatay in 21 Sano kabacdi aan hoggaanka u qabano Puntlandta Maanta, una gaarsiino Puntlandta aan dhammaanteed wada higsanayno. Walaalayaal, waxaana guulahaas aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan ku gaarney wadajirka, iskutashiga iyo wadashaqaynta dowladda iyo shacabka reer Puntland. Mudanayaal iyo Marwooyin Dowladda Puntland ee aan hoogaanka u hayaa waxay leedahay yoolal waaweyn oo ay tahay ineynu gaarno 4ta sano iyo dhowrka bilood ee soo socota haddii Allaah idmo. Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad aan siinay waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay dowladda Puntland kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay ugu horreyso ciribtirka Argagixisada, iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo berriba. Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda. Waxaa ka mid ah yoolasha aan higsanayno kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo muddadii yarayd ee an joognay shaqooyin fiican nooga qabsoomeen annaga oo qorshaynayna in waqti dhow ay bilaabaan mashaariic waawayn oo iskugu jira dhisme iyo dayactir waddooyin halbowle ah, ballaarintii Dekedda Boosaaso, dhismaha dekedda Garacad, Marsooyin laga hirgaliyo magaalooyinka xeebaha ah, dhismaha Airport ka Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha Puntlnad. Waxay dowladdu xoogga saaraysaa sidii ay u horumarin lahayd ganacsiga iyo maalgashiga gudaha iyo dibada. Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba ugu bishaareynayaa in ay Puntland u furan tahay maalgashi iyo kala faa’iideysiga. Iyadoo taa la taabagelinayo ayaanu qabanaynaa shirweynaha maalgashiga Puntland oo dhici doona bartama Bisha Sibtembar ee foodda inagu soo haysa. Mudanayaal iyo Murwooyin; Waxaa kale oo ka mid ah Yoolasha aan taabbagelinayno adkayntla midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland. Puntland waxaa aasaastay shacabka walaalaha ah ee goboladii 5 ahaa iyo degmaada Buuhoodle, maanta 21 sano ka dib waxay noqdeen 9 gobol oo dhamaantood uu ka hanaqaaday hannaanka dawladnimu uuna gaaray adeegyada kala duwan ee bulshada. Waa xaqiiq in gaabis iyo isudheelitirnan la’aan dhinaca horumarinta ah ay jirtaan sabab kasta hakeentee, dawladda aan madaxda ka ahay waxaan ballanqaadnay kuna shaqo bilownay inaan caddaalad iyo sinnaan ugu adeegno dhamaan bulshada reer Puntland gobol iyo degmo kasta ha joogeene. Si gooni ah waxaan xoogga saarnaynaa in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay helaan difaac, daryeel iyo horumar dhaqaale iyo arrimaha bulshada. Waxaan hirgalindoonaa hindise hormarineed oo ku aaddan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn si bulshada goboladaasi u helaan horumarka ay mudanyihiin. Waxaan sidoo kale caawa halkaan idiin ka sheegayaa in Magaaladda taariikhiga ah ee Taleex iyo Caasimadda Puntlnad aan sannadkaan inta uusan dhamaan la daahfuridoono dhismaha waddo isku xirta labadaas magaalo, iyadoo dhinaca kalana la daahfuridoono waddo kale oo isku xiridoonta degmada Boocame iyo laamiga Garowe- Laascaanood. Mudanayaal iyo Marwooyin, 21 dii sano ee ay Puntland jirtay waxa qorshuhu ahaa bulshaduna ku taameysay in laga gudbo hannaanka doorasho ee qabaliga ah oo looga gudbo hannaan doorasho oo dimuquraadi ah oo muwaadin kasta oo Puntlandi ah dhiibto codkiisa si uu u doorto mas’uulka matalaya iyo madaxda heerarka kala duwan ee maamulka. Inkastoo dadaal farabadan lagu bixiyey arrinkaas hadana maysan suurto gelin. Si aan korna ugu qaadno hammiga iyo hiigsiga dadka reer Puntland, Waxaan gaarsiin doonaa dadkayaga in ay wakiiladooda golayaasha degaanka iyo baarlamaanka ku soo doortaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ah qof iyo cod. Taasi waxay xoojinaysaa dowladnimadeena iyo kalsoonida ka dhexaysa shacabka, wakiiladooda iyo madaxda sare ee dowladda. Waxaan idiinku bishaareynayaa in si dhaqso ah aan kusoo dhisidoono Guddiga doorashooyinka Puntlnad. Waxaa naga go’an in Puntlnad aan gaarsiino hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo kor u qaadaysa dadku inay helaan matalaad ay iyagu doorteen, waxaanna hubaa in dad badan oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka iyo cid kasta oo ku dulman nidaamka qabaliga ah ay helidoonaan fursado lagu doorto. Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaa mandaqada Puntland ka soo jeeda geesiyaal badan oo u soo halgamay naftoodana u huray u dagaalanka xorriyadda, dhismaha qaranka iyo adkaynta midnimada Soomaaliyeed. Taasi waxay ka turjumaysaa hadafyadii loo asaasay Puntland oo ay ka mid ahayd ilaalinta wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Welina taas ayey Puntland u taagan tahay. Nasiib darro, dagaaladii sokeeye ee sagaashanaadkii waxay keeneen in la kala irdhoobo lana kala aamin baxo iyadoo dalkuuu ahaa hal magaalo9 ka-noool, markii ay duntayna dalkii oo dhan baa dumay, dhaqaalahiisii, kaabayaashiisii iyo dowladnimadiisiiba Hadaba si taas xal loogu helo waxaa mar kale la baadigoobay dowladnimadii Soomaaliyeed iyadoo Puntland ay hormuud u ahayd hoggaan iyo shacabba. Waxaa xal loo arkay in markaan lagu dhiso nidaamka Federaalka ah, maadaama lagu guuldaraystay nidaamkii urursanaa. Maanta waxaa inoo dhisan Caasimasdeenii Muqdisho oo kasoo kabanaysa lana soo laabanaysa bilicdeedii si kasta oo nabad diidku u wiiqaan, Ceerigaabo, Boosaaso, Laascaanood, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Beletweyn, Jowhar, Baydhabo, Marka, Baraawe, Kismaayo, Baran, Garbahaaray, Hargeisa, Borame iyo kuwo kale oo badan. Sidaasi awgeed waa in aynu fursad iyo dadaalba gelinaa sidii si hufan loogu hirgelin lahaa loona horumarin lahaa nidaamka federaalka aynu isku afgaranay. Mudanayaal iyo marwooyin, Waxaan diyaar u nahay in aan qaadano doorkii hormuudnimo ee bulshada ku dhaqan Puntland ka qaateen helitaanka xoriyadda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Waxaan marwalba diyaar u nahay in aan kaalin mug leh ka noqono dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed, taas oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah, sarraynta sharciga, daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Maanta waxaa dheelinaya geedi socodkii dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya, waxaana jirta tabashooyin isasoo tarayay oo ah in la baalmaray hannaankii gindhigga u ahaa geedi socodkaas oo ay ka mid yihiin federaalka, ilaalinta sarraynta sharciga, qaybsiga dhaqaalaha magaca Soomaaliya laguhelo, awood qaybsiga siyaaaadeed iyo hannaanka dimoqoraadiga ah. Ummadda Soomaaliyeed kuma filna hal ku dhigyo aan waxba wehelinin iyo carqaladayn maamuladda ka dhisan gobolada dalka. Dalkani wuxuu u bahaan yahay in dadkiisa la heshiisiiyo, kalsoonida iyo is aaminaadda dadkiisa kor loo qaado, siyaasadiisana lagu wado wadatashi, walaalnimo iyo isku tanaasul, iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha dowladeed heerkooda kala duwan. Dadka Puntlnad dawladnimadii soomaaliyeed ee ay dhiig iyo dheecanba galiyeen ma aqbali karaan in dhibi gaarto. Mudanyaal iyo marwooyin, Dhinace kale, waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo fikir walba oo ay qabaanba u xaqiijinaynaa in aanaan marna bedelayn ama yaraynayn, jacaylkii iyo rabitaankii aanu u hayney ummadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed . Waa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo mudnaansiin la’aanta aarimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseedey nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga jawaabtay waddo xiris taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii dhibannaa xal amnina aan keenin. Dhacdooyinkaas xanuunka badan waxaa ugu damaysay qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho oo dad badan oo masuuliyiin ah lagu laayay kuwana ku dhaawacmeen, waxaan naxariis ALLE u waydiinaynaa intii dhimatay, waxaana utacsiyeynaynaa ehelkood, caafimaad buuxa ayaana u rajaynaynaa dadkii ku dhaawacmay. Mudanyaal iyo marwooyin, Waxaan ugu baaqaynaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan arrimaha masiiriga ah sida dhamaystirka dastuurka oo waqti aad u dheer qaatay, amniga iyo dhismaha cudud ciidan oo astaan qaran soomaaliyeed leh, hagaajinta wadashaqaynta ay la leeyihiin dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, wadashaqayntaas oo ku dhisan sharci, is-ixtiraam, faragelin la’aan iyo wadatashi. Waxaan ugu baaqayaa inay ka daayaan faragelinta arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland. Dhismaha Maamulada dalka waxaa laga soo maray dadaalo aad u dheer waxaana galay maskax iyo muruq badan, maanta uma baahna wiiqis iyo faragelin huwan Olole siyaasadeed ee waxay u baahanyihiin in laga taageero baahidooda wixii ay ku filanyihiina lagu xurmeeyo. Waxaan leeyahay haloo daayo dadka reer Jubbaland iyo Galmudug inay iyagu go’aansadaan cidda talada ay u dhiibanayaan. Mudanayaal: Gudoomiye iyo guddoomiye ku-igeen (Dowladda Federaalka), Waxaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka sugayaan dhameytirka iyo ilaalinta dastuurkii lagu heshiiyey. Dhammaanteen waajib ayaa inaga saarran ilaalinta sharciyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diyaar ayaan u nahay in aan idin kaala shaqeyno dhameystirka dastuurka iyo sidii loo heli lahaa hannaan hufan oo ay ku dhici karto doorasho xalaal ah sanadka 2020. Dhinaca kale, Mudane Guddoomiye, waxaan kaaga mahadcelinaynaa kuguna bogaadinaynaa mawqifka hoggaanka baarlamaanka federaalku ka qaatay samaynta sharci doorasho oo loo dhanyahay. Waxaan xusid mudan inaan arrintaas muddo codsanaynay, maantase baarlamaanku qaaday go’aankii ku haboonaa. Waxaan la wadaagidoonaa talada aan hayno guddiga aad magacawday, sida aad sheegtayna waxay wadatashi ugu imaandoonaan maamuladda dalka ka jira. Waa muhiim doorasho xalaal ahi ku dhacdo waqtigii loogu talo galay. Mudanyaal iyo marwooyin, Waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba inaynu ka wada shaqayno dowladnimadeena, wadajirkeena iyo midnimadeena. Waxaan ku soo gunaandayaa hadaylkayga Soomaali waa Soomaali, Soomaliyana Soomaali baa leh. Soomaaliya ha noolaato Puntland ha noolato Soomaaliyana ha is raacdo. Waad mahadsantihiin dhamaantiin. The post Akhriso: Khudbaddii madaxweyne Deni ka jeediyay munaasabadda 1-da Agoosto appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si adag kaga hadlay qaraxa 24-kii bishii July ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar, kaasoo sababay dhimashada masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Xasan Maxamed Xuseen ayaa ku waramaya in qaraxan uu shaki weyn ku abuuray shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in mugdi weyn uu ku gadaaman yahay sida uu ku dhacay qaraxaasi. “Qaraxii sababay geerida Gudoomiye Yariisow, Masuuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa isbitaalada, kana dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shaki weyn ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku gadaaman mugdi weyn oo looga fadhiyo Dowladda Federaalka inay caddeyeso.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir. Waxa Madaxda Qaranka uu ka dalbaday inay cadeeyan sida uu qaraxaasi ku dhacay, cidda fulisay, isla-markaana ay iftiimiyaan cidda qaadeysa masuuliyadda fashilka amni-darro ee jiro. “Sida uu qaraxa u dhacay, cidda fulisay, cidda fududeysay iyo cidda qaadeysa masuuliyadda fashilka amni ee aan indhaha laga qarsan karin.” Ayuu yiri Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Waxa kaloo uu yiri “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Somaliya inay umadda u caddeeyaan sida wax u dhaceen, waxaana waajib loogu leeyahay inay qanciyaan ehelada iyo umadda Soomaaliyeed, Inta mugdigaas jiro way adag tahay in la aamino Madaxda Dalka iyo hay’adaha amniga.” Muungaab ayaa soo hadalqaaday in Gudoomiye Yariisow laga horjoogsaday in si caadi ah uu ugu adeeggo bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir, lagana shaqeeyay in si fudud loo shirqoolo. “Eng. Yariisow Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Guddoomiye Gobol oo loo diiday in uu wax kaalin muuqata ah uu ku yeesho nabadgelyada gobolka uu xaakimka ka ahaa ee Banaadir, xitaa Ilaalada Xafiiskiisa kama amar qaadan jirin, dabadeedna si fudud loo mishimay.” Ayuu yiri Muungaab, oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxa uu baaq udiray dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona ka dalbaday in cadaalada la hor keeno cid walba oo ka qeyb qaadatay qaraxii xarunta maamulka Gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso qoraal uu arrimahan kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay “Waxaan murugada iyo tacsida la wadaagayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo shacabka gobolka Banaadir aniga oo ka tacsiyeynaya geerida guddoomiyihii gobolka ahaana duqii caasimadda eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo goor dhoweyd la iisoo sheegey. Runtii waa geeri naxdin leh Ilaahayna samir iyo iimaan hanaga siiyo injineerka, isagana janadii haka waraabiyo, aanna u wada duceeyno walaalkeen. Ugu dambeyntiina Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in cadaaladda ay horkeento cid walba oo qayb ku lahayd weerarkii 24 July lagu qaadey xarunta maamulka gobolka Banaadir ee lagu diley qaar kamid ah madaxdii maamulka iyo shaqaalihii dowladda hoose ee Xamar”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com