Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Halkaan hoose ka daawo Khudbadda madaxweyne Deni oo uu dhinacyo badan uga hadlay PUNTLAND POST The post Deni: Waxaan xoogga saaraynaa in gobollada Sool Sanaag iyo Cayn ay helaan difaac iyo daryeel dhinac kasta ah appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-02082019.mp3 View the full article
  3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Maamulkaasi Jubbaland. Madaxweynaha ayaa Saraakiisha faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno danbiilayaashii Falalkii amniga lidka ku ahaa ee u danbeeyay ka gaystay Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka. Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland wuxuu kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku began tahay 2/8/2019 ayaa sirasmi ah waxaa loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb. Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed sabriye, taliyeyaash Ciidamada iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusamareeb ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhamaan Ciidamada kala Duwan ee ku sugan Gudaha Magaalada Dhuusamareeb loo saari Doonaa Bannaanka Magaalada,isla markaana Amniga Gudaha ay la wareegi doonaan Ciidamo Gaar ah oo Dowlada DFS u diyaarisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne ; Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Amaanka magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online ayaa 31-kii July shaacisay in kooxda Ahlu-Sunna ay ogolaatay in ciidamo boolis federal ah oo ka tagaya Muqdisho la geeyo magaalada Dhuusomareeb, taasi oo horey u diideen. Shir Jaraa’id oo goor dhow ay si wada jir ah ugu qabteen magaaladda Dhuusamareeb wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo guddomiyaha guddiga dib u heshiinta beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay ku sheegeen in ammaanka magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in lagu guulaystay in la isku daro ciidamadda booliska, Nabad Sugida iyo Militariga ayna si wada jir ah u xaqiijinayaan ammaanka magaalada. Wasiirka amniga Ducaale oo isna goobta ka hadlay ayaa Ku dhawaaqay In dowladda Soomaliya mas’uul ka tahay ammaanka magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Shaakir ayaa isna sheegay in ay ugu mahad celinayaan dowladda faderaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso dismaha maamulka Galmudug. “Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb waxaa loo saari doonaa banaanka magaalada, waxaana amniga gudaha la wareegaya ciidamo gaar ah oo dowlada faderaalka Soomaaliya u diyaarisey amamanka doorashadda” ayuu yiri madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Shaakir. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada maamulkaasi ayaa amray inay xoojiyaan amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa sheegay in saraakiisha looga fadhiyo inay adkeeyaan nabad gelyada inta inta lagu guda jiro doorashada dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in ay soo gabagabeeyaan baaritaanadooda ku aadan weerarkii dhawaan ka dhacay hoteelka Cascasey iyo dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaaladaasi. Madaxweyne Axmed Axmed ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamadiisa kula dar daarmay inay wada shaqeyn dhow la yeeshayaan shacabka qeybihiis kala duwan. Dhankooda saraakiisha ka qeyb galay shirka ayaa ballan qaaday in ay sii labo jibaari doonaan howlgalladooda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan falalka liddiga ku ah nabad gelyda. Dhowaan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  8. Washington DC (Caasimada Online) – Wiilka Osama Bin Laden ayaa la rumeysan yahay inuu dhintay, islamarkaana lagu dilay howl-gal uu Mareykanka taageerayey sida ay sheegayaan warbixinno cusub. Saraakiil magacooda qariyey ayaa xaqiijiyey dilka la tuhunsan yahay ee Hamza bin Laden, oo la rumeysnaa inuu ku jiray da’diisii soddonaadka, sida uu markii ugu horreysay weriyey taleefishinka NBC News. Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale weriyey in Hamza lagu dilay howl-gal dhacay labadii sano e ee ugu dambeysay gudahood, kaasi oo Mareykanka uu si un ugu lug lahaa. Si kastaba, saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay New York Times in dowladda aysan weli xaqiijin dhimashada Hamza. Mareykanka ayaa horey hal milyan oo dollar ugu yaboohay akhbaar kasta oo hoggaamin karta qabashada ama dilka Hamza bin Laden. Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis. VOA
  9. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan qorshaha uu gobolka Banaadir ku yeelanayo Maamul u gaar ah, kaasoo ay uga baxayaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira caasimadda. Cosoble ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay yihiin kuwa dhiban oo dowladda hadda jirta ay waddooyinka ka xiratay, ayna weli magalada qaraxyadii ka dhacayaan oo ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah. “Dad isugu jira Qurbo-joog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar-garow ugu jira in loo sameeyo gobolka Banaadir maamul gaar ah, dadkeenii way dhiban yihiin… waxaan rabnaa inaan u sheegno Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo in dhagax waddada lagu xiro aan dalka lagu maamuli karin,” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble. Sidoo kale, Wuxuuu mar kale sheegay inay soo gunaanadeen wada-tashadii ay maalmahaan wadeen, isla markaana ay magacaabayaan guddi ka shaqeeyaa soo diyaarinta dastuurkii uu ku shaqeyn lahaa maamulka cusub ee gobolka Banaadir. Xildhibaanka ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo beegmayaa xilli dhawr jeer uu fashilmay qorsho lagu doonayay in maamul ay dadku soo doortaan loo sameeyo gobolkan Banaadir, waxaana qorshahaas sida la sheegay xilkiisii ku waayay guddoomiyihii gobolkan Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed. Ugu dambeyn, Guddooomiyaha geeriyooday ee gobolka Banaadir ayaa horay uga hor-yimid talo arrintaan ku saabsan oo ay soo jeediyeen xubno uu ka mid yahay xildhibaan C/qaadir Cosoble, waxaana geeridiisa ay timid xilli aan weli la xallin khilaafka ku saabsan maamul u sameynta Xamar. DHAGEYSO: Codka; Xildhibaan C/qaadir Cosoble ee ku aaddan Maamul u smeynta Gobolka Banaadir; PUNTLAND POST The post Muqdisho oo laga wado dadaal lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa hanbalyo u diray Shacab waynaha Puntland xuska sanad guurada 21-aad 1-da Ogoosta ee Asaaskii Puntland [...] Source
  11. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa shaacisay xilliga la aasayo marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar, halkaasoo looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaaray qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Guddoomiyaha guddigii loo magacaabay xaaladaha deg-degga ah ee qaraxi kadhacay xarunta gobolka Banaadir, ahna wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Somalia, Cabdi Canshuur ayaa sheegay in DF ay diyaarad khaas ah u dirayso dalka Qatar si ay meydka u soo qaado. Wasiirka ayaa sheegay in maalinta berri ah Aas Qaran loo sameyn doono Inj. Yariisow, iyadoo aaskiisa ay kasoo qayb-geli doonaan xubnaha sare ee DFS, madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno kale oo muhiim ah. Sidoo kale, Waxaa dalka looga dhawaaqay saddex maalmood baroor-diiq Qaran ah, taasoo loogu barooranayo geerida guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir, ahaana Duqii hore ee Muqdisho, kaasoo xilk hayay muddo sannad iyo bar ah. Geerida Inj. Yariisow ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, iyagoo muujiyay sida ay uga naxeen geerida marxuumka oo ay ku tilmaameen mas’uul la dilay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u adeegaya, ayna dishay gacan-ka-xaq-daran. Dhanka kale, Waxaa la filayaa in aaska marxuumka ay ka qayb-galaan tiro badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa inay madax heer caalami ah ay ka qayb-galaan aaska marxuumka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa wuxuu ku dhawaaqay shalay guddiga aaska Qaran ee marxuum Yariisow, kuwaasoo uu hor-kacayo RW ku xigeenka Somalia, Mahadi Maxamed Guuleed, ayna xubnihiisa ka mid yihiin; Wasiirka Boostada, Cabdi Canshuur, Wasiirka Isboortiga, Khadiijo Diiriye iyo kuwo kale. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xilliga la aasayo Duqii hore ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. “You all know Somalia is a war-torn country. Because of the war we were lost from each other. He ended up in Libya, and then by sea, he went to Europe. Now he is in Germany.” Source: Hiiraan Online
  13. Saudi Arabia will allow women to travel abroad without approval from a male "guardian", the government has announced, ending a restriction that drew international censure and prompted extreme attempts to flee the kingdom. Source: Hiiraan Online
  14. Bulshada Dhulka Somalida Degta Way Mahadin-doonaan Wax Soo Saarka ay Samaynayso Warshada Daqiiqda ee Boodhari Mills!!!. Warbixin Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur Warshada Daqiiqda Boodhari Mills, waa Warshada ugu weyn ee ku taala dhulka Somalida, isla markaana ugu horaysay ee soo saarta Daqiiqda iyo Baadka Xoolaha nool ee geyiga Somalida. Warshadan oo ay aas-aaseen ganacsato iyo qurba joog maalgashadayaal ah, kuwasoo ku middeyey Maal iyo maskax firfircoon, waxay ku taala duleedka galbeed ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Magaalada Abaarso. Hadaba waa Maxay Hadafka Shirkada Daqiiqda ee Boodhari, muxus’e yahay qorshayaasha ay damacsan yihiin maalgashadayaasha aas-aasay. Hadafka Boodhari Mills waa inay wadanka gudihiisa, ka sameeyan wax soo saar, kaasoo ah Cunto iyo calaf, iyo weliba sida waddamada jaarka ee cajiimiya midhaha sareeenka oo laga sameynayo daqiiqda iyo burka. Sidoo kale, waxay Warshadda Daqiiqda ee Boodhari Mills, hadda si toosa u gudo-gashay, isla markaana wajigiisi koowaad fulisay mashruuc Beeraha, oo ay ku sameeyeen wax soo saar balaadhan, waxanay maalgashi dhul Beeriseed ka sameeyeen deegaano tiro badan, kuwasoo loo xushay sida ay ugu kala haboon yihiin, wax Beerista iyo soo saarka. Deegaanadasi waxay kala yihiin Gabiley, Oodweyne iyo Boorama inta ugu badan, sidoo kale waxay shirkadu ku hawlan yahay in deegaanada Sanaag,ay ka fuliso mashruuca wax soo saarka Beeraha, si Warshadoodu u hesho, wax soo saar buuxa. Deeganadka Odwayne, waxa uu kamid yahay meelaha ugu haboon, dhulka Somaliland, waxanu ku wanaagsan yahay, Xaga wax Soo saarka sareenka. Shirkaduna waxay ka samaysay maal-galinay Beereed gobolka Daadmareen. Waxa kaloo xusid mudan, Shirkadda wadaniga ah ee Boodhari, hirgelisay 2000 oo acre, oo dhul ah, dhulkaasoo ay shiniyayso, si loo helo wax soo saar tayo sare leh. Mashruuca Calafka Xoolaha, warshada Daqiiqda iyo burka Xoolaha ee Booshari, waxa kale oo ay soo saarayaan 30 Tan oo, ah buushiga xoolaha la siiyo maalin oo maalin-le ah, iyadoo Sareenku boqolkiiba labaatan 20% uu yahay buushi, waxana halkaa Xoolo dhaqada Somalida ka helayaan Faaido balaadhan, waxa kaloo qorshahaas ku lammaan, Xoolo dhaqatada ama dadka ka ganacsada Geela ,Adhiga, lo’da iyo digaaga waxay helayaan meel si joogta ah ay uga helaan raashinka iyo daryeelka xoolaha. Waxa xusid mudan, xilliyadan hada la joogo, in dhiibo badani haysato Xoolo-dhaqatada Somalida, kuwasoo ay had iyo goor ku habsadaan abaaro baahsan oo ay kaga leedaan Malaayin Xoolo Somaaliyeed ah, waxanay sabaaban abaarahaasi, inay yaraadaan xoolaha ka dhoofa dhulka Somalida oo dhan, iyadoo ay xooluhu Somalida u yihiin isha koowaad ee dhaqaale ahaan lagu tiirsan yahay. Marka la is bar-bar dhigo Warshada Daqiiqda soo saaraysaa ee Boodhari iyo tartanka daqiiqda qalaad ee lagu soo waarido, dhulka Soomalida, waxa xaqiiqo ah inay Tayo ahaan ka wanaagsan tahay daqiiqda ay soo saarayso Warshada Boodhari, xaga caaafimaadka, iyadoo la hubo, waqtigay soo baxday, isla markaana aas-aaskeedu yahay wixii Beeraha dalka ka baxay in laga sameeyey. La soco Qaybaha dambe todobaadka dambe. Diyaariyee Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur C.casiis98@hotmail.com Hargeysa/somaliland . Qaran News
  15. Kulmiye iyo Caddaaladu miyey kala Caagan yihiin? Xisbiga Kulmiye waa Xisbi ka mid ah saddexda Xisbi qaran ee Somaliland waana Xisbiga xukunka Dalka hagaayey ilaa 2010kii, isaga oo hada haya gacantii Labaad ee Dib loogu doortay xukunka Dalka, haddana Xisbiga Kulmiye waa Xisbi ay hadhaysay Caddaalad daro baahsani haddaynu kasoo bilowno 2010kii markii ugu horeysay ee Xisbiga kulmiye talada Dalka uu qabto siddaynu wada ogsoonahay ama Sooyaalka taariikhda ku xardhan xukuumaddii ugu horeysay ama dawladii ugu horaysay ee Xisbiga Kulmiye soo dhiso in laga biyo diiday oo mudaharaad lagu qaabilay, waana tii noqotay xukuumaddii abid Somaliland laga dhiso ee mudaharaad la kowsata, Maxaa yeeley waxay ahayd Xukuumad qaabka loo dhisay caddaalada baal marsan, waxayna ahay Xukuumad qaabka loo yagleelay aan hore Somaliland lagu arag oo xulufaysi iyo isbahaysi lagu dhisay waana tii ay shacabku ugu magac dareen xukuumaddaa Xukuumad DHAN KA RARAN caddaalad darada lagu yagleelay ee aan dheeli tirneyn owgeed,mudadii xukuumadaa hore ee Kulmiye waxay Dalka kusoo kordhisay kala qaybsanaan iyo kala qoqobnaan baahsan oo la curatey xukunka Kulmiye taas oo mashaariicda iyo ilaha dhaqaalaha si caddaalada baal marsan loo qaybiyey oo lagu tisay dad gaar ah taas oo sababtay in mushtamacii midaysnaa ee reer Somaliland ay kala fogaansho soo kala dhex galo ay sabab u tahay kala dhawaanshaha Xukuumadu Ummada kala xigsanayso ee xulufaysiga ku salaysan, taas oo kala furfurnaan, kala qaybsanaan iyo uurkutaalo ku dhex abuurtay mushtamacii isku uurka xaadhnaa ee reer Somaliland. Iyada oo xaalku meel aan loobogin maraayo ayuu Kulmiye doorashadii ugu danbaysay kursiga isku wareejiyeen iyada oo dad badani aaminsan yihiin in aanay si caddaaladi ku salaysneyn xaalku u dhacay, hase yeeshee waxay ahayd fursad qaaliya oo Kulmiye hantay taas oo noqonaysay mid uu wax ku saxo oo cabashadii, caddaalad daradii iyo saluugii taagnaa ee shacabka tirsanayeen inuu saxo, isaga oo ogsoon ama ka warhaya markaa madaxweynaha kursiga ku fadhiistay ee looga kacay tabashada taagan oo waa kii Halku dhig u ahaa BERI-MAANTA-DHAANTAA se waakii intuu been Dhaartay oo uu yidhi sinaan Iyo caddaalad baan wax ku dhaqayaa tabtii madaxweynihii Kulmiye ee ka horeeyey kaga dhigtay ” kadar oo Dibi dhal” ee judhiiba XUKUUMAD CID QUDHA U WADA RARAN soo yagleelay, oo ummadii qaadan waa’ ku noqotay xaal halkuu maraayeyna uu kasii daray ee shacabkii hididiiladu gashayna caddaalad daro kadaran tii hore lasoo daristay ay u dheer tahay cago-juglayn, cabudhin car juuq dheh iyo xadhig bilaa sifo ah, xitaa heer baa la gaadhay in goobaha bulshada ee Internetka sidda Facebook, whatsupp, iyo twitter-ka loogu talo galay in bulshado iskaga nafisto oo qof kastaa oo aduunka daafihiisa ku nooli uu ku cabiri karo afkaartiisa isaga oo aan xadhig iyo handadaad Dowladeed ka cabsanayn Taasna waxa cadayn inoogu filan ninkii cunsuriga ahaa ee newzealand masaajidada muslimiinta badan ku laayey, wuxuu boggagiisa ku yaala baraha bulshada soo dhigi jiray waxa fikirkiisa yahay kaas oo ahaa mid jinsi nacayb ku salaysanaa iyo xadjirnimo ku qotoma midabka se Dowlad fikirkiisa baraha bulshada ka xayirtay ama kiis ku qaaday oo xidhay ma jirto, se malkuu falkii xumaa sameeyey ayuunbaa wuxuu geystay lagu maxkamadeeyey, se nasiibdaro Somaliland Xisbi xaakumku dad badan oo si quman fikirkooda ugu cabiray boggogooda khaaska u ah ee bara bulshada ayey xadhig ku muteen halka cabudhin gaadhay, waana wax lala yaabo, caddaalad darada iyo kala qaybsanaanta baahsan ee Dalka ka jiraa waxay kaliftay markii muwaadiniintii u adkeysan kari waayeen in DHAQDHAQAAQ CADDAALAD IYO SINAAN U DIRIR ahi abuurmo, halkii layslahaa Kulmiye wuu ka waantoobi caddaalad darada uu dabada hayo ayuu maalinba maalinta ka danbaysa kasii darayaa se tii ugu darnayd ayuu dhigay taas oo uu ugaystay dhalinyaradii Dalka ee shaqo la’aantu ragaadisay ee bilaha inta xeryaha lagu xareeyey lagu yidhi tababar hoog iyo halaagleh mara oo dhamaysta shaqo qaran, wixii fursad shaqo soo baxdana ciddaan idinka ahayn ma geli doontee, se markii shaqo soo baxdayna sidda sharaf dhaca ah ee caddaalad darada ah u dhaqantay xukuumaddii Kulmiye ee musuq maasaqday dhalinyaradii Dalka ee shaqo-qaran soo gudatay, waana dhabar jab iyo niyad jab iyo hagardaamo iyo caddaalad daro toos ay ugu badheedhay Xukuumadu dhalinyaradii qaranka Somaliland, aad iyo aadna waanu uga xunahay, Kulmiyow haddaad dhan ka rartay oo hadana Cid qudha u wada rartay oo dalkii wada cuntay oo ummadii cadibtay oo dadkii wada cabudhisay oo suxufiyiinta Afka ka jifaysay oo shacabkii wada xidhxidhay caddaalad daro awgeed oo laguugu dul qaatay, miyaad maantana dhalinyaradii qaranka ee Dalka loo carbiyey cisayn weydey inuun, waa ayaandaro habdhaqanka Kulmiye Dalka uu ku hagayaaye, horta Kulmiye iyo Caddaaladu miyey kala Caagan yihiin?. Illaahay baa Mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  16. Muqdisho ( Caasimada Online) – Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada Soomaaliya Injineer Cabdi Canshuur Xasan, ahna guddoomiyaha guddiga loo saaray Aaska guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaciyey in Marxuumka beri aas qaran loogu sameynayo magaalada Muqdisho. Wasiir Canshuur ayaa sheegay in diyaarad qaas ah loo dirayo dalka Qatar, taas oo soo qaadi doonto Meydka Marxuum Injineer Yariisow. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya ay isku diyaarisay aaska guddoomiyihii maamulka gobolka Banaadir. Injineer Cabdi Canshuur Xasan ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku dhawaaqay saddex maalin oo baroordiiq ah. Allaha u naxariistee guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shalay galab ku dhintay isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, kadib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii 24-kii bishan Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar. Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kuma aysan dhawaaqin natiijada ka soo baxday baaritaanka weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii u timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maxaweyne Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jabuuti: Mar walba waxaan garab taagannahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Munaasabaddii Xuska 1-da Agoosto ka shaaciyay, in ay diyaar yihiin 1500 (kun iyo shan boqol) oo booliis ah, kuwaasi oo soo dhammaystay tababar ay u furtay dowladda uu hoggaamiyo. Waxa kale oo uu sheegay in la dayac-tiray Xeryihii ciidanka Daraawiishta Puntland, islamarkaana ay dardar ku socoto Kala hufidda ciidamada iyo sare u qaadidda aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda. “Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sugidda amniga iyo dhismaha ciidan xoog leh oo ku filan ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca xuduudaha Puntland. “Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad aan siinay, waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay dowladda Puntland, kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay ugu horreyso ciribtirka Argagixisada iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo berriba” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST The post Deni sheegay in dowladdiisu tababartay 15oo oo askari appeared first on Puntland Post.
  19. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa markale weerar dhinaca afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Deni ayaa shaaciyey in xukuumadda Xasan Cali Khayre ay ku fashilantay arrimaha amniga dalka, gaar ahaan kan sugida magaalada Muqdisho. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa xusay in aan la’iska indha tiri karin dilalka iyo qaraxyada sii kordhay ee ka dhacaya gudaha Caasimada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in siyaasada xukumadda federaalka Soomaaliya ay dalka u horseeday amni xumo iyo xasilooni darro, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo mudnaansiin la’aanta arrimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseeday nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay falalkii argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka.” ayuu yiri Deni. Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in marka Al-Shabaab weeraro ka gaysato Muqdisho, ay ugu jawaabto waddo xiris, taas oo culeys iyo cadaadis horleh sii saarta shacabka ku dhaqan xaafadaha magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho. “Waxaa kordhay falalka argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga jawaabto waddo xiris taas oo culeys badan ku sii noqotay shacabkii dhibanaa xal amnina aan keenin” ayuu hadalkiis sii raaciyay Madaxweyne Siciid Deni. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli todobaadyadii la soo dhaafay falal liddi ku ah amniga ay ka dhacayeen gudaha Caasimada, waxaana ugu dambeeyey weerarkii xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo sababay geerida guddoomiyihii gobolka Banaadir oo shalay galab ku dhintay magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  20. Earlier this month, the United Arab Emirates announced that it would be withdrawing at least part of its military contingent from Yemen, hinting at serious trouble in the country’s relationship with Saudi Arabia. Source: Hiiraan Online
  21. A day after scores of Somali mothers pleaded for help stopping gun violence a 16-year-old Somali boy was gunned in a notoriously rough North York neighbourhood. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan qorshe la doonayo lagu dhiso maamul gaar ah oo ay yeelato magaalada Muqdisho, si ay u hesho maqaamkeeda siyaasadeed. Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanadaasi ayaa tilmaamay in dad isugu jira Qurbe Joog iyo reer Muqdisho ay diyaar garow ugu jiraan in maamul gaar ah loo sameeyo gobolka Banaadir. Xildhibaan Cosoble ayaa xusay dadka degan Muqdisho ay dhiban yihiin, islamarkaana laga xirtay waddooyinka, welina ay dhacayaan dilalka iyo qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay. “Dad isugu jira Qurbe Joog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar garow ugu jira in maamul gaar ah loo sameeyo gobolkan Banaadir, dadkeenii waa ay dhiban yihiin, waxaana rabnaa in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo u sheegno in dhagax waddada lagu xiro aan dalka lagu maamuli karin.‘‘ ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka xildhibaano ahaan ay ka shaqeynayaan, sidii loo heli lahaa maqaamka siyaasadeed ee Muqdisho, si buu yri looga baxo dhibaatooyinka ka jira Caasimada. Ugu dambeyn waxa uu carabka ku dhuftay in wadatashiyo ay wadeen maalmahaan dambe ay soo gabagabeynayaan, islamarkaana ay dhisayaan guddi ka shaqeeya soo diyaarinta Dastuurkii lagu aas aasi lahaa maamul uu yeesho gobolka Banaadir. Muqdisho ayaan weli helin mataalad siyaasadeed, iyadoo marar badan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Muqdisho ay ololeeyeen arrintaasi, balse ma jirto wax ka soo saana cadaaday dadalladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Halkaan hoose ka daawo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo xalay ka hadlay sida loo soo celin doono gobolka maqan ee Sool oo Somaliland haysato PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo ka hadlay sida loo soo celin doono gobolka Sool oo Somaliland haysato appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha iyo taliyaasha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland oo kulankaasi looga warbixiyay ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu Sarakiisha amray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan natiijada ka soo baxday baaritaannada lagu hayo dadka ku eedaysan falalkii u dambeeyya ee ka dhacay magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu xusay in madaxweynuhu uu Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida Jubaland uuna kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo amray in la soo bandhigo natiijada baarista falalkii u dambeeyay ee ka dhacay Kismaayo appeared first on Puntland Post.