Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Siyaasada arrimaha dibedda Imaaraadka Carbabta, waxay muddo dheer ku dhisneyd xeelad (strategity) ah saaxiib leh faa’iido. Waxaana arrinkaas u suurto-gelinayey dhaqaalaha ay ka hesho saliida. Xiriirka ku dhisan danaha dhaqaale ee Galbeedka ay la leeyihiin, ayaa Amiirada ka taliya Imaaraadka u suurto-geliyey inay farogeliyaan arrimaha gudaha dalal badan oo ku yaala Bariga Dhexe, iyo Qaarada Afrika. Haddaba dooda maqaalka ayaa ah, Imaaraadka Carbabta ma yahay saaxiib la isku haleen karo? Inkastoo muddo dheer, Imaaraadka Carbabta farogelin ku hayey wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya, haddana waxay aduunyada ku baraarugtay kadib markii uu dhacay “Kacdoonkii Carabta.” Haddaba maxaa Amiirada Imaaraadka dhibsadeen oo uu kacdoonkii Carabeed siday? Dhaqdhaqaaqii kacdoonka Carabta ee 2011 wuxuu udub dhexaad u ahaa muujinta caro (cadho) qoto dheer oo ka dhalatay gaboodfalka kaligii taliyeyaasha Carabta, arxan darradii laamaha amniga, shaqo la’aantii dhallinyarada, sicir-bararka maciishada iyo musuqmaasuq uu weheliyo gaar-u-yeelashada hantida dawladda ee dalalka qaarkood. Amiirada u taliya Imaaraadka, waxay qaadeen howlgalo sirdoon iyo ciidan iskugu jira si loo fashiliyo “Kacdoonkii Carabta.” Ujeeddada keliya ee ay ka la haayeen howlgaladdaas waxay ahayd inaysan u soo gudbin dhaqdhaqaaqa shacabka gudaha Imaaraadka Carbabta, si ay xukunka ugu sii dheganaadaan. Daminta kacdoonka, waxay iska kaashadeen dowladdaha khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga, Baxreyn iyo kuwo ay ku xod-xoteen dhaqaale, iyo taageero kale. Faragelin militari ayaa laga bilaabay dalka Yemen 2015kii, taasoo horseed ay ka ahaayen dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, ayagoo kaashanaya sagaal dal oo ka socda Bariga Dhexe iyo Afrika. Duqayntii diyaaradaha Sucuudiga ayaa si dhakhso leh loogu fidiyay inta badan Galbeedka Yemen oo ay ku jiraan goobaha shacabka degan yahay, halka Imaaraatka uu hoggaaminayay ciidamada dhulka ee Koonfurta. Balse, Imaaraadka Carbabta waxay dagaalka Yemen ka la haayeen qorshe uusan la ogayn Sacuudiga. Amiir Mohammed bin Zayed Al Nahyan (MBZ), ayaa labo kulan kula yeeshay aqalka Kremlin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Kulamadaas, waxay Moscow ka dhaceen March 24, 2016, iyo April 20, 2017. Sida laga soo xigtay saraakiisha labada dhinac, wadahadalka waxuu ku qotamay dagaalka Yemen. Balse khabiirada siyaasada, waxay ku doodayaan in booqashada MBZ ee Moscow ay u badan tahay inay fududeyso soo laabashada Ruushka ee Koonfurta Yemen, (www.atlanticcouncil.org April 25, 2017). Taas, ayaa la filayaa inay qayb ka tahay dhismaha ciidamada Koonfurta Yemen ee aan tiradooda la xaqiijin karin, ujeeddadooduna tahay gooni u goosadka Yementa Koonfureed. “Imaaraadka Carabta, oo ka mid ah dhinacyada ugu awoodda badan dagaalka Yemen, ayaa bilaabay inuu kumanaan ciidamadiisa kala baxo Yemen. Taasi waxay Sacuudiga ka dhigaysaa mid ku tabar-daran dagaalka” (www.apnews.com July 24, 2019). Dhanka kale, La-Taliyaha Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Iran ee dhanka difaaca – Mudane Xussen Dehghan, ayaa shaaciyey in Imaaraadku ay u soo direen wufuud tiro badan, si wadahadal nabadeed looga yeesho xiisadaha ka aloosan gobolka khaliijka. Intaas wuxuu raaciyay, in tallaabada Imaaraatka ay muujineyso waxa uu ku tilmaamay “guuldaradii Abu Dhabi” (www.middleeastmonitor.com July 26, 2019). Siyaasiyiinta ka faallooda arrimah khaliijka, ayaa sheegaya in tallaabada Imaaraadku uu u qaaday dhanka Iran ay ahayd tii labaad ee uu ku dhabar-jabinayo xulafadiisa “Sacuudi Carabiya.” Marka ay timaado arrimaha Libiya iyo Sudan, farogelinta, Imaaraadka Carbabta waxay abuurtay degenaansho la’aan siyaasadeed iyo mid amni ee maanta haysato dalalkaas. Dagaalkii xukunka looga tuuray Mucamar khadafy, waxaa qayb ka ahaa Imaaraadka Carbabta, ayadoo ay taageero siinaysay kooxihii ka soo horjeeday Qadafi, haddana dowladda rayidka ah ee Tripoli fadhida waxaa duulaan ku ah falaago taageero ka hela Amiirada Imaaraadka ka taliya. Dhanka kale, Sudan markii meesha laga saaray Al-Bashir, ciidamadii xukunka qabsaday waxaa taageero dhaqaale u fidiyay Imaaraadka Carbabta iyo Sacuudiga. Balse markii heshiis awooda lagu qaybsanayo ay la gaareen kooxihii kacdoonka July 17, 2019, waxaa ka carooday Amiirada Imaaraadka. (Jamhuriyadda – Abril 17, 2019). “Kani wuxuu ahaa shirqoolkii afgambi ee labaad ee laga soo sheegay Sudan, halkaas oo wadahadallada u dhexeeya milatariga iyo dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda ee waddanku ay u jihaysteen qaybta ugu dambeysa uguna muhiimsan ee heshiiska awood-qaybsiga ee xilliga kala-guurka” (The Washington Post – July 24, 2019). Khabiirada siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin, in Amiirada Imaaraadka Carbabta ka dambeeyaan afgebiyada la fashiliyey. Sir ma ahan, in Imaaraadka Carbabta dagaal kula jiro dowladda Soomaaliya, isagoo u arkay in ay caqabad ku tahay danihiisa guracan ee uu ku boobayo dekadaha Soomaaliya! (Jamhuriyadda – November 8, 2018). Imaaraadka Carbabta waxuu laaluush ku bixiyey helitaanka heshiisyo aan waafaqsaneen xeerarka caalamiga. Waxuu maamulaa dekedaha Berbera, iyo Boosaaso, isla-markaasna waxuu leeyahay saamiga ugu badan dakhliga ka soo xarooda dekedahaas, isagoo aan samayn maalgelin u qalanta saamigiisa. Sidoo kale, waxuu saldhig ciidan ka samaysatay Berbera. “Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Imaaraadka inay faragelin ku heyso dhowr dal oo Carbeed, oo ay ku jirto Soomaaliya, laguna eedayay inay hurinayaaan khilaafka. Guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Senate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in waddankiisu isha ku hayo doorka Imaaraadku ka leeyahay rabshadaha hadda ka socda Libya, Sudan, iyo Soomaaliya” ( www.allafrica.com May 9, 2019). Waxaa dhab ah, haddalkii Aqoonyahan Cabdiraxmaan Bashir ee ahaa “Imaaraadku waa dowlad shar ah” (Jamhuriyadda – July 10, 2019). W/Q: Saciid Cabdisalaam Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax miino uu goordhow ka dhacay waddada Afisyooni ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qarax lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee booliska. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ciidamada ay waxyeello gaartay, balse weli lagama hayo faah-faahin buuxda. Ciidamada ayaa rasaas xooggan furay kadib qaraxa, waxayna sidoo kale xireen waddada. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xukunka Axmed Madoobe ee Jubaland ay soo geba-gebeyn karto loolan adag oo kaga imanaya Cabdinaasir Seeraar iyo odayaasha beeshiisa. Wargeyska ayaa qoray in Seeraar, oo horey ugala tirsanaa Axmed Madoobe jabhaddii Raaskambooni, uu wado olole xooggan oo xukunka looga tuurayo Axmed Madoobe. Warbixinta ayaa sheegtay in Seeraar oo haysta maleeshiyo ku dhow kun askari uu isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe iyo ciidankiisa haysta Jubaland. Seeraar ayaa sidoo kale qaaday tallaabo ka dhan ah Axmed Madoobe, isaga oo ciidamadiisa ku difaacaya musharraxiinta kale ee Jubaland ee Axmed Madoobe uu ku beegsanayo Kismaayo, kuwaas oo uu ilaalo siiyey. Seeraar ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu iska indha tirayo sharciga, uu cajuub ku hayay shacabka, islamarkaana uu arbushayo ciidamada qaranka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa wajahaya saddex musharax oo kasoo jeeda beesha Cawlyahan ee Ogaadeen, oo kala ah Seeraar, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo Maxamed Daahir Marsheeye, oo horey ula shaqeyey hay’adda QM ee FAO. Seeraar ayaa la sheegay in sidoo kale uu taageero ka haysto qaar badan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Ogaadeen, gaar ahaa beesha Cawlyahan ee ku badan Waqooyi Bari Kenya. Axmed Madoobe oo u diyaar ah inuu xukunka mar kale kula wareego doorasho uu isaga maamulayo, iyo Seeraar oo ay ka go’an tahay inuu awood kaga hortago, ayaa Kismaayo qarka u saareysay dagaal soekeeye. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-02082019.mp3 View the full article
  5. Dubai-based DP World on Wednesday slammed the Government of Djibouti for continuing to disregard for the legal system in an ongoing dispute over the Doraleh Container Terminal. The port operator said in a statement that a decision to be taken later this week by the government to apply to the country’s high court to rule all previous international adjudications null and void is a complete disregard for and contravention of the global legal system and existing contracts. Doraleh Container Terminal (DCT), a Djibouti port operator owned 33.34 percent by DP World Group, and 66.66 percent by Port de Djibouti, an entity of the Republic of Djibouti, has been successful in five previous rulings over the last three years by the London Court for International Arbitration in London and the High Court of England and Wales. All have been ignored by Djibouti despite the original contract for the concession being written under English law, DP World said. The most recent decision in March found that by developing new container port opportunities with China Merchants Port Holdings Co Limited, a Hong-Kong based port operator, Djibouti has breached DCT’s rights under its 2006 concession agreement to develop a container terminal at Doraleh. The tribunal ordered Djibouti to pay DCT $385.7 million plus interest for breach of DCT’s exclusivity by development of container facilities at Doraleh Multipurpose Terminal, with further damages possible if Djibouti develops a planned Doraleh International Container Terminal (DICT) with any other operator without the consent of DP World. It also ordered Djibouti to pay DCT $88 million for historic non-payment of royalties for container traffic not transferred to DCT once it became operational. Djibouti was also ordered to pay DCT’s legal costs. “DCT and DP World continue to seek to uphold their legal rights in a number of legal fora, following Djibouti’s unlawful efforts to expel DP World from Djibouti and transfer the port operation to Chinese interests,” the statement said. It added that litigation against China Merchants also continues before the Hong Kong courts Arabian business Qaran News
  6. Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa ku adkeysaneysa mowqifkeeda ku aadan baahida loo qabo in la baaro qaraxii bishii May ka dhacay magaaladda dekadda leh ee Boosaaso kaasoo lala xiriiriyay dalka Qadar. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, lataliyaha sarre ee dhanka ammaanka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu shaaca in uusan wax isbedel ku imaan mowqifka xukuumadda Garowe. Majaladda New York Times oo baahisay sheekada ku aadan in Dooxa ay kaalin ku lahayd weerarkaasi ay ku dhaawacmeen tobban ruux ayaa xustay in ay ujeedku ahaa in meesha looga saaro Imaaraadka. “Arrinta ay Jariiradu ka qortay Qadar iyo ku lug-lahaanshiyaheeda qaraxii Boosaaso ka dhacay, qodobkaasi dowladda Puntland mowqif bey ka qaadatay, madaxweynuhuna waa ka hadlay, markii ugu horeysay oo ay jariiradu shaacisay maqaalkeeda,” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, oo ka qeybgalay Barnaamijka Faaqidaada ee VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga. Isaga oo mar kale sharaxaya mowqifka dowladda Puntland ayaa wuxuu intaasi raaciyay: “Waxay ka qaadatay mowqif kaasi oo ah dalab ay ka dalbaneyso hay’addaha dowladda Soomaaliya in arrinkaasi ay si degdeg ah baaris ugu sameeyan, kadibna baaristaas wixii kasoo baxa, markaasi aan annugu caddeyno mowqifkeena iyo dhamaan dowladda federaalka”. Joornaalkan reer Mareykanka ayaa ku waramaya in uu hayo cod laga duubay safiirka Qadar u fadhiya Muqdisho, kaasi oo ganacsade dalkaasi u dhashay “u sheegaya in ay iyagu ka dambeeyeen dhacdadaasi”. “Wargeysku lama dhayal-san karo, New York Times, waa jariirad ballaaran, waxyaabaha ay ka shan-qarisay, tuhun bey iyaddu koley muujisay, oo waxay tiri arrin caddeyneysa waan haynaa, annagu ka dowlad ahaan, mowqifkeena illaa iyo hadda ma aha Qadar baa ka dambeysay ama dowlad kalaa ka dambeysay, laakiin maadaama warkaasu soo baxay soona shaax-baxay, waxaan ku dhawaaqnay cod-saneyna in baaris degdeg ah lagu sameeyo, welina mowqifkaasi ayaan taaganahay,” ayuu lataliyaha ku daray hadalkiisa. Xukuumadda Dooxa ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay iyadda oo dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay sheegtay “in ay ku qanacday” beeninta iyo sharaxaada Qadar. Warbixinta NYT ayaa timid iyadda oo mudooyinkii dambe ay magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika iyo magaalooyinka kale ee qaar ay kusoo kordhayeen weerarada qaraxyadda, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan. Isha: Garowe Online
  7. Todobaadkii dhowaa yabaq ayaa ka soo yeeray heshiiskii amniga ee ka dhexeeyay Ahlu-Suna iyo Dowladda Dhexe. Bishii July 2, 2019 Dowladda Federalka Soomaaliyeed (DFS) ayaa si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii Ahlu-Suna ee gobollada dhexe. Isla maalintaas, qoraal ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay taageeradii la siin jiray Soomaaliya. Maraykanka waxuu gargaar raashin iyo shidaal siin jirtay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), taas oo la joojiyay December 2017, kadib markii hoggaanada – maaliyadda, saadka iyo ciidanka ay ku fashilmayn xisaab celin macquul ah, (Reuters – Dec. 14, 2017). Tallabada Maraykanka waxay muujisay kalsoonida ay deeq bixiyaashu ku qabaan nidaamka isla xisaabtanka, ee ka dhashay hirgelinta dib u habeynta iyo diiwaan gelinta lagu xaqiijiyay tirada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Dowladda Federalka iyo madaxda Ahlu-Suna ayaa ku heshiiyey in caasimadda Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliyeed ay ka dhacdo doorashada, isla markaasna ciidamada deeganka iyo kuwa federalka ay si wadajir ah u sugaan amniga xilliga shirweynaha dib u heshiisiinta iyo doorashada. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka asagoo aan waqti ka lumin, ayuu howlgeliyay Guddiga Isku-dhafka Ciidamada, si loo billaabo hab-raaca diiwan gelinta askarta. Hase yeeshee, war wuxuu ka dhashay habka diiwaan gelinta saraakiisha Ahlu-Suna. Sida muuqata, Dowladda Federalka waxaa u qorsheysan in dhammaan saraakiish maliishiyaadka (Ahlu-Suna iyo maamul-goboleedyadaba) dib-u-qiimeyn lagu sameeyo inta aan loo aqoonsan darajooyinkooda. Badanaa saraakiishaas, waxaa darajo lagu siiyay ayagoo aan soo marin kuliyad leyli sargaal amase mid hoggaan. Taas waxay khasbaysaa “in dib loo qiimeyo aqoontooda guud, xirfadooda ciidanimo iyo hoggaankooda maamul” ayuu yiri sargaal hore ciidamada uga tirsanaan jiray. Hadafkaas, ayaa dib u dhac ku riday diiwaan gelintii saraakiisha Ahlu Suna, waana arrinta saldhiga u ah gadoodka iyo yabaqa ka soo yeeray Dhuusamareeb. Inkastoo tabta ay u dhaqmeen ay la mid tahay tii taliyeyaashii ku naaxay xuquuqda “askarta cirfiidka,” haddana, kuwa Ahlu-Suna waxay filayeen inay ku badbaadsan doonaan darajoyinkooda. Tan iyo bishii Maarso 2019, ciidamada Soomaaliyeed waxay mushaarkooda u helayeen si joogta ah oo aan kala go’ lahayn, walow laysku dayay in la carqaladeeyo nidaamka diiwan gelinta iyo dib u habeynta mushaar-u-dirida askarta. Tira koobkii ciidamada XDS ee wajigii 1aad, wuxuu xaqiijiyay in tirada rasmiga ahee Ciidanku tahay 16,000 (Lix & toban kun) oo askari. Halkaas, waxaa laga helay in ciidamadii u diiwan gashnaa dowladda ay seddax meelood meel ahaayen askar aan jirin (askar cirfiid). Labadii sanadood ee ugu dambeysay, ciidamadda XDS waxaa laga lunsaday lacagdhan 28,080,000 doolar oo iskugu jirta mushaar, guno iyo raashin, haddana ilaa iyo hadda lama hayo cid loo horgeyay maxkamad (Jamhuriyadda – March 27, 2019). Caqabadahaas iyo kuwa la mid ah ayaa maanta ka taagan wajiga 2aad, oo ah diiwaan gelinta maliishiyada maamul-goboleedyada iyo jameecooyinka diinta. Waxaase cajiib leh, in dowladda ay dardargelisay mushaarka ciidamadii Ahlu-Suna ee dhawaanta la diiwaan geliyay, kuwaas oo si lama filaan ah loogu soo shubay xisaabaadkooda bangiyada. Tallaabadaas, waxay wax weyn ka bedeshay: (1) Gorgortanka hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha Ahlu-Suna kula jireen dowladda; (2) Jeebka qoysaska askarta la qarameyay, dhaqaalaha suuqa iyo ganacsatada Dhuusamareeb; (3) Ishortaagii dib-u-dhiska hay’addaha dowladnimada – gobolka iyo qarankaba. Sideedaba, isbedel ma aha wax sahlan, haddana waxaa muuqata in dunida ay ku ammaanayso ka gorgortan la’aanta Dowladda Federalka Soomaaliyeed dib-u-habaynta ciidamada. Maqaal lagu daabacay wakaalada warfaafinta Fransiiska ayaa qiray, in Soomaaliya ayadoo go’doosan ay u dhaqaaqday dib-u-habeyn ciidankeeda, mushaarkoodana si joogta ah loo siiyo (AFP News – July 26, 2019). Sir ma aha, in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu musuq-maasuqa badan dunida. Hay’addaha dowladda oo aan si hufan u shaqeynayn ayaa fududeeya jawiga sharci la’aanta, ciidamadana kama hufneen arrintaas. Tallaabada tan xigtaa, ee Dowladda Federalka laga sugayo ayaa ah diiwaan gelinta ciidamada maamul-goboleedyada haatan mushaar looga qaato dowladda dhexe, si loo xaqiijiyo tiradooda loona soo afjaro hanjabaadaha iyo marmarsiiyada hoggaamiyeyaasha miliishiyadda iyo madaxda maamul-goboleedyada. W/Q: Cabdulqadir Cariif Qaasim Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Dhuusamareeb (SMN) – Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu sheegay in howlaha Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan, muddo Afartan Cisho ahna loo fadhiyay. Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay. Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga Soomaaliya. Dr; C/raxmaan C/llaahi Baaddiyow, oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb. Xildhibaan; Mahad Maxamed Salaad , ayaa sheegay inay qaadanayaan doorkooda ku aaddan Dhismaha Galmudug, maaddaama degaannada Galmudug isaga laga soo doortay. Galmudug ayaa isu diyaarinaysa dhismaha maamul loo dhan yahay , waxaana hadda soconaya qaban-qaabadii ugu dambaysay. View the full article
  9. The mayor of Somalia's capital Mogadishu has died of wounds sustained in a suicide attack inside his office last month. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti madax-dhaqameed ah uu hoggaaminayey guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Muqdisho oo ka qabsoomay xalay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa hoggaanka dhaqanka beeha Muqdisho madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo burcad-badeednimo ugu xirnaa Somaliland , kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhowaan cafis u fidiyay. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa isla maanta oo jimco ah odoyaasha ku wareejiyay 19-kii maxbuus ee madaxweynaha Somaliland cafiyay waxaana ay u ambabaxeen koonfurta magaalada Gaalkacyo. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Somaliland oo maxaabiis ku wareejisay odoyaasha dhaqanka beelaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabadda Xuska 1-da Agoosyto ee Garoowe lagu qabtay ayaa mar kale faahfaahiyay shaqada guddiga Kumeel gaarka ah ee Guddoonka Aqalka hoose Baarlamanka Soomaaliya u magacaabay Soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka. Guddoomiyaha khudbaddiisa kaga hadlay arrimo kale oo ku saabsan khilaadka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka iyo arrimaha masiiriga ah ee wata-tashiga u baahan oo labada dhinac aysan weli ka heshiin. Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Khudbadda Mursal ma u muaqata in uu Villa Somalia ka hiiliyay? appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, Mudane Maxamed Xasan Xaad. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Mogadishu Clan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey. Madaxda dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan ayaa maantaba u ambo baxay magaalada Muqdisho iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey. Maxaabiista la cafiyey ayaa muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii sagootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka
  13. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa xalay khudbad uu ka jeediyay xuska 1-da Agoosto waxaa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo Nidaamka Federaalismka. Halkaan hoose ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Abshir Bukhaari: Puntland waxay kaalin mugleh ka soo qaadatay dib u soo noolaynta dowladnimadii burburtay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta war ka soo saray geerida Eng. Yariisow. Gudoomiyaha ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Hoos ka aqriso qoraal uu arrintan kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Gudoomiyuhu “Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman [Yariisow] Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Illaahay waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto, qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Mogadishu Mayor Dies After Being Injured In Suicide Attack May Allah Grant Him Jannah, the Mayor of Mogadishu, Somalia, Abdirahman Omar Osman, “Eng. Yariisow” has died in Doha, Qatar, as a result of severe injuries received in a deadly suicide blast at his offices last week. Eng. Yariisow, along with several other officials were the victims of an attack claimed by the Al-Shabab group targeting the recently appointed UN Special Envoy, Ambassador James Swan. The envoy left the meeting with the Mayor ahead of schedule and as a result survived the assassination attempt. Despite the heroic efforts by doctors and surgeons in Mogadishu and Doha, Mayor Yariisow succumbed to his injuries. Family members were at his bedside. Qarannews.com Qaran News
  16. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee maamulkaasi. Sarakiisha ayuu faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno ragii geystay falalkii amniga lidka ku ahaa ee ka dhacay Kismaayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka. Axmed Madoobe ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in cadaaladda lasoo taago cid walba oo ku lug-lahayd weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee isbuucii hore. Wakiilka UN-ka u fadhiya Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in falalka noocaasi oo kale ah loo baahan yahay in ay u midoobaan shacabka Soomaaliya. Dowladda ayaa shaacisay in ay baaritaan ku waddo qaraxan, waxayna balanqaaday in ay natiijada lasoo wadaagi doonto dadweynaha. James Swan, ayaa dhanka kale, wuxuu ka tacsiyeeyey geerida Eng Yariisow, duqii hore Muqdisho ahaanna gudoomiyihii gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa shalay wuxuu ugu dhintay Dooxa, caasimada Qadar, dhaawac kasoo gaarey falkaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Meydka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa lagu wadaa in maalinta Sabti ah laga soo dejiyo magaala madaxda waddanka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u magacowday Aaska Injineer Yariisow, kaasi oo la rajeynayo in si maamuus sare ah loo duugo. View the full article
  18. Halkan ka daawo Khudbadda madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo haatan ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya PUNTLAND POST The post Dr. Faroole oo sheegay in uu Firimbi ku yeerin doono Xukuumadda Deni haddii ay ka gaabiso shaqadii loo doortay appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ammaanka Muqdisho la adkeynayo inta lagu guda jiro maalmaha baroor-diiqa ee Eng Yariisow. Jenaraal Maxamed Xuseen Madaale, oo ku hadlayey afka taliyaha guud ee bileyska, ayaa shaaciyey in ciidamada la geliyay heegan sarre. Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay lasoo wadaagan taliska waxyaabaha ay ka shakiyaan si looga hortago kahor inta aysan waxyeelo sababin. Dhinaca kale, Mr Madaale ayaa wuxuu sheegay in isaga oo wakiil ka ah taliyaha Booliska uu tacsi u dirayo qoyska marxuumka. Sikastaba ha ahaatee, maalinta berri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in meydka marxuum Eng Yariisow la keeno magaaladda Muqdisho. View the full article
  20. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay sugidda amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Munaasabadda ay dowladda Federaalka kula wareegtay amniga Dhuusamareeb, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa munaasabaddaasi ka sheegay in howlaha dib u-heshiisiinta Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan. Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa isna halkaasi ka shaaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si buuxda ula wareegtay amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxa Golaha xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan , ayaa dhankiisa sheegay in Ciidanka amniga sugaya wixii ka soo hara ciidamada kale la gayn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya. Dr Cabdiraxmaan Cadullaahi Baaddiyow oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay sugidda Amniga Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU (Xinhua) -- African Union and United Nations envoys in Somalia have mourned the death of Mogadishu mayor Abdirahman Omar Osman, who on Thursday died from injuries sustained in a suicide bomb attack on July 24, saying increased attacks will not derail efforts to stabilize the country. Source: Hiiraan Online
  22. Kismaayo (SMN) – Iyadoo qaban-qaabo loogu jiro sidii ay doorasho uga dhici lahayd degaanada maamulka Jubalanad ayaa waxaa jira dhinacyo iska soo horjeeda oo aragtiyo kala duwan ka qaba hanaanka loogu diyaar-garoobayo doorashadaasi. Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo Jubbaland ayaa qirsan in Axmad Madoobe, madaxweynaha maamulkaasi uu u xusul duubayo soo noqoshada mar kale, arintaas darteedna u wax kasta u samayn karo. Arimaha tuhunka badan dhaliyey ayaa ah qaraxyada iyo dilal qorshaysan ee ka dhacaya Kismaayo, kuwaaso dad qaar ay la yaaban yihiin waxa kusoo beegay xiligan aadka xasaasiga u ah. Nabadoon Badal Jaamac Xirsi Badal Laangare oo kamid ah Waxgaradka ku sugan Magaalada Muqdisho, deegaan ahaana ku abtirsada Jubaland ayaa saluug badan ka qaba sida doorashada loo maamulayo. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo fara galiso arimahan. Kismaayo waxaa ku sugan Murashaxiin badan oo ku tartamaya kursiga Madaxweynaha Jubalanad, kuwaaso cabsi badan ka qaba in uu faragalin ku sameeyo doorashada Madaxweynaha uu waqtiga kasii dhacayo ee Axmed Madoobe. View the full article
  23. Jabuuti (SMN) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir. View the full article