-
Content Count
209,189 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga loo saaray aaska guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho, Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka warbixiyey qaban qaabada iyo diyaar garowga loogu jiro aaska marxuumka. Afhayeenka mamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan qaban qaabadii ugu dambeysay, islamarkaana saacadaha soo socdo Meydka la keenayo magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddiga uu Ra’iisul wasaaruhu u xil saaray aaskan ay howlihii loo igmaday u marayaan meel wanaagsan. “Run ahaantii Guddigu waxay soo qabteen howlo fara badan, iyadoo la marayo howlihii ugu dambeeyay iyo diyaar garoowgii ay Guddigu ku jireen, waxaana la filayaa in marxuumka Meydkiisa la soo gaarsiiyo magaalada Muqdisho.” ayuu yiri Afhayeenku. Ammaanka ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyey, iyadoo inta badan la xiray jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ka qeyb gali doono aaska duqii hore ee magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee Injineer Yariisow ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarkii 24-tankii bishii hore Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta dowladda Hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddoomiyaha guddiga shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macalin C/laahi Baadiyow ayaa shaaciyey in shirka Dhuusamareeb uu ku furmi doono waqtigiisa oo ah 5 bishan August ee 2019-ka. Baadiyow ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Galmudug in ay muujiyaan tanaasul, islamarkaana aan la siyaasadeyn shirkaasi. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in oo loo midoobo dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/bd.mp3 View the full article
-
Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socota dhaq-dhaqaaqa diyaar garowga aaska guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Yariisow, kaas oo la filayo in la soo dejiyo saacadaha soo socda. Marxuumka ayaa u geeriyoodey dhaawaca qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir muddo todobad laga joogo, halkaas oo ay ku dhinteen 10 qof. Waxaa la xiray inta badan amniga magaalada, iyada oo aan dadka loo sheegin wax sabab, lana siin jidad kale oo isticmaalaan. Guddi ayaa loo saaray aaska guddoomiyaha, waxaana lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan mas’uuliyiin iyo shacab badan. Wararka aaska, halkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Halkaan hoose ka daawo muuqaal kooban soo soo bandhigaya madaxda iyo shacabka Puntland oo jiibta iyo jaanta isla helay xalay iyo sidoo kale abaal-marinno uu madaxweyne Deni bixiyay. PUNTLAND POST The post Muuqaal: Madaxda Puntland iyo shacabka oo jiibta iyo jaanta isla helay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ayaa lagu wadaa in maanta la keeno Muqdisho, iyadoo la xiray waddooyin muhiim ah loona diiday gaadiidka. Duqii hore ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar oo looga daweynayay dhaawacyo kasoo gaaray qarax toddobaadkii hore ka xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaasoo ay ku dhinteen xubno badan oo ka tirsan maamulka Dowladda Hoose ee Xamar. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maydka marxuumka ay la socdaan qaar ka mid ah qoyskiisa oo dhawaan ka yimid dalka Ingiriiska iyo sidoo kale xubno ka tirsan safaaradda Somalia ay ku leedahay dalka Qatar. Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa la xiray intooda badna waxaana ku sugan ciidammo fara badan oo diiiddan in gaadiidku ay maraan, inkastoo shacabka loo ogol yahay inay waddooyinkaas si caadi ah u maraan. Dhanka kale, Aaska Qaran ee loo sameynayo Inj. Yariisow ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan mas’uuliyiinta dalka ugu sarreysa qaarkood, inkastoo aan la ogeyn in Madaxweynuhu uu ka qayb-galayo iyo in kale. Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta fasaxan iyadoo ka qayb-galaya aaska loo sameynayo guddoomiyahoodii hore, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo weli loo baroor-diiqayo Duqii geeriyooday. Ugu dambeyn, Qaraxii lagu dilay Guddoomiye Yariisow iyo xubinhii kale ee gobolka Banaadir ayaa loo xirxiray dhawr qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin maamulka gobolka Banaadir, inkastoo shaki weyn laga qabo sida uu qaraxan ku dhacay. PUNTLAND POST The post Maydka Marxuum Yariisow oo kusoo wajahan Xamar iyo Waddooyin muhiim ah oo la xiray appeared first on Puntland Post.
-
An Eldoret court has remanded an American national of Somali origin suspected of terrorism for seven days pending investigations. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro aaska guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu wadaa in goor dhow Meydkiisa laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoona saaka inta badan la xiray waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gudaha Caasimadda. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doono aaska Qaran ee loo sameynayo Marxuum Injineer Yariisow. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab ayaa ka warbixiyey qaban qaabada iyo u diyaar garowga loogu jiro aaska duqii hore ee magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-1-faad-jooy.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shirka amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka qayb galeen dhammaan hay’adaha amniga heer federal ee lagu wareejiyey Amniga magalaada Shirka ayaa aad looga hadlay Qorshaha sugida amniga caasimadda caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb, Diyaar garowga sugida amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha Dhuusamareeb iyo sidoo kale Dardar-gelinta qorshaha xoraynta deeganada Galmudug ay argagaxisadu uga sugantahay Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan hey’adaha ku shaqada leh amniga waxa uu faray in iyaga oo wadajira ay kalsoonida bulsahda sare loo qaado, sida ugu habboon uga soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee loo dhiibay si ay guul ugu dhamaadaan qorshaha lagu dhisayo hey’adaha dowladeed ee Galmudug. Laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si rasmi ah ula wareegeen sugidda amniga magaalada Dhuusamreeb ee caasimadd dowlad gobaleedka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-03082019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid cabdullaahi Deni, ayaa xalay mar kale khudbad ka jeediyay, munaasabad lagu maamuusayo loogana mahad-celinayo madaxdii iyo bulshadii kasoo qeyb-galay xuska 1-da Agoosto oo ku beegan sannad-garuuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa si kooban u guud maray arrima ay kamid yihiin; faa’idooyinka laga dhexlay Nidaamka Federaalka, Kaalinta Puntland ka qaadatay hirgelinta Federaalism-ka dalka iyo Maqaamka caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, Deni ayaa madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed ka codsaday in maalinta 1-da Agoosto loo aqoonsado “Maalinta Federaalism-ka Soomaaliya” isagoo sharraxay muhiimadda ay u leedahay Nidaamka Federaalka. Madaxweyne Deni, ayaa munaasabadda ka shaaciyay in Sabtida maanta ah ay fasax yihiin, dhammaan shaqaalaha dowladda Puntland, maadaama laga soo baxay todobaad shaqa-adag ah oo lagu jiray 1-da Agoosto. Ugu dambeyntii, mudane Deni ayaa u mahad-celiyay dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii kale ee ka qeyb-qaatay, in ay si qurux badan u qabsoonto xuska 1-da Agoosto, isagoo abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyay. Halkaan ka daawo khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la soo bandhigayo Maqaamka magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shir looga hadlayey amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauduud. Khayre ayaa faray ciidanka isku dhafka ah ee lagu wareejiyey amniga Dhuusamareeb in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada amray inay la yimaadaan qorshe lagu dar-dar gelinayo amniga, maadaama dhawaan shirka dib u heshiisiinta uu ka furmayo halkaasi. Ugu dambeyn wuxuu kala hadlay sarakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug. Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay si rasmi ah dowladda Soomaaliya ay ula wareegtay amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay guddoomiyey shirka amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka qayb galeen dhammaan hay’adaha amniga heer federal ee lagu wareejiyey Amniga magalaada Shirka ayaa aad looga hadlay Qorshaha sugida amniga caasimadda caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb, Diyaar garowga sugida amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha Dhuusamareeb iyo sidoo kale Dardar-gelinta qorshaha xoraynta deeganada Galmudug ay argagaxisadu uga sugantahay Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan hey’adaha ku shaqada leh amniga waxa uu faray in iyaga oo wadajira ay kalsoonida bulsahda sare loo qaado, sida ugu habboon uga soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee loo dhiibay si ay guul ugu dhamaadaan qorshaha lagu dhisayo hey’adaha dowladeed ee Galmudug. Laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si rasmi ah ula wareegeen sugidda amniga magaalada Dhuusamreeb ee caasimadd dowlad gobaleedka Galmudug. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Khayre: Dhuusamareeb Xiisihii loo qabay waa boqol jibbaarmaya appeared first on Puntland Post.
-
The day Simegnew Bekele was found dying at the wheel of his Toyota Land Cruiser in central Addis Ababa—doors locked, engine running and a bullet wound to his head—he had left home holding a plane ticket and a packed bag. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Seychelles ayaa si xoogan u cambaareysay illaa 19 Maxaabiis ah oo loo heystay Burcadbadeednimo, kuwaas oo uu dhowaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyey cafis, lagana sii daayey xabsi ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada dalkaasi ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka baxday heshiis ay horay ula gashay Seychelles, kaas oo ku aadanaa in Maxaabiista lagu eedeeyey Burcadbadeednimada ay ku sii jiraan xabsiga inta ay ka dhameysanayaan xukunka ku dhacay. Sidoo kale Seychelles ayaa sheegtay inay la yaab ku noqotay tallaabada lagu sii daayey Maxaabiistaasi ee dib loogu siiyey Xorriyadooda. “Sanadkii 2011 waxaan kala saxiixanay heshiis isfaham oo la xiriiray iswaydaarsiga maxaabiis xukuman, sanadkii 2012 maxaabiis gaaraya 19 ayaanu ku wareejinay hay’addaha maamula xabsiyada Somaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay shaacinta sii daynta maxaabiistu waxay nagu noqotay la yaab sababtoo ah waa ficil la qaaday iyada oo aan waxba nalaga ogaysiin.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Seychelles. Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maxaabiista la sii daayey ay xukunaayeen xabsi u dhaxeeya 30, 36 illaa 42 sano, islamarkaana ay hadda xirnaayeen kaliya sagaal Sano. Ugu dambeyn Seychelles ayaa shaacisay in tallaabada ay qaaday Somaliland ay jabineyso heshiiskii ay horay ula gaartay maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Popular Contributors