Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,189
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeyay ciidanka Xoogga qeybtooda Danab ee lagu wareejiyay gacan ku heynta amniga Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa taliska ciidanka sugaya amniga garoonka kula dardaarmay in adkeeyaan amniga garoonka, si loogu guuleysto dadaallada ballaaran ee lagu dhisayo Galmudug loo dhanyahay. Shalay ayaa ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya waxaa si rasmi ah looug wareejiyay sugidda amniga caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Tan iyo markii Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaliya ay horumarin iyo dib u habeyn ballaaran ku sameysay hannaanka maamul-maaliyadeed ee dalka,waxaa sii kordhayay isbedelada dhinaca kobaca dhaqaalaha ee dalka,taasi oo keentay in Deeq bixiyaasha Caalamku ay u riyaaqaan Talloobooyinka iyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ee(IMF), ayaa si-weyn looga hadlay dadaalka ay waddo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,iyadoo hay’addu bogaadisay guulihii laga gaaray sidii loo abuuri lahaa jawi uu ku kobco dhaqaalaha Dalka,taasoo loo marayo in si wanaagsan looga faa’iideysto ilaha dhaqaale ee dalka,islamarkaana la hagaajiyo hanaanka maamul-maaliyadeed. Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la soo gebagabeeyey wadatashiyo ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya ee sanadka 2019, iyadoo qoraalka lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kasbatay jawi ku dhisan kalsoonida deeqbixiyaasha Caalamka. Ka dib markii horumaro ay ka sameysay Hay’adaha maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka Musuqa oo dhinackasta leh,waxaana warbixinta lagu sheegay in meelaha ay ku guuleysatay ay kamid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha sida , dhiirigelinta Ganacsiga, Dib-u-dhiska iyo kuwo kale. Hay’adu waxay kaloo warbixinta ku sheegtay in roob yarida Soomaaliya laga cabsi qabo in ay keeni karto saameyn dhinaca cunada ah,waxaa ka mid ah qorsayaasaha ay soo bandhigtay sida dhinaca kobaca, GDP waxaa lagu qayaasay 2018, 2.8 %,2019 2.9 % Qayaastii. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa horumarinta hanaanka qaadista canshuuraha ee dalka,taasi oo keentay in uu kordho dakhliga dowladda uu ka soo galo gudaha dalka, 30% in kabadan sanadkii 2017, islamarkaana ka caawinaysa dowladda Soomaaliya in ay ku bixiso adeegyada muhiimka ah ee ay dadweynahu u baahan yihiin,sida Caafimaadka,Waxbarashada,Mushaharaadka, iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah”. ayaa lagu yiri qoraakaasi oo ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka ee(International Monetary Fun). Sidoo kale Hay’adda(IMF) ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Soomaaliya ay gaari doonto isku filnaansho waqti dhow,marka la eego habka uu ku socdo horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka,oo ay horumuudka ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,waxaana ay intaasi ku dartay in deganaansho dhaqaale oo heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedka uu jiro. Warbixinta Hay’adda (IMF) ayaa lagu sheegay in horumarka dalka ay qeyb lixaad leh ka qadaanayaan Ansixinta Sharciyada muhiimka ah,sida Betroolka,La-dagaalanka Argagixisada, iyo kuwo kale ee muhiim ah,kuwaasi oo ay sheegtay hay’addu in ay keenayso Hufnaan,ayna horumarinayso hanaqaadka iyo hanaanka Dowladnimo. Sidoo kale waxaa ayna bogaadisay dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso horumaro laga gaaro guud ahaan ilaha dhaqaale ee dalka. Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha,taasi oo meel fiican mareyso kadib markii laga gudbay qeybo badan oo ka mid ah shuruudihii laga rabay oo dowladdu guulo lataaban karo ay ka sameysay,waxaana taasi horseeday in aaminaad iyo kalsooni buuxda ay ku abuurtay taasi hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamka, iyadoo taasi fursad u siinaysaa in dalka deymaha laga cafiyo islamarkaana uu gaaro horumaro badan,sida koboca Dhaqaalaha,dib u dhiska,caafimaadka,waxbarashada,nolosha guud ahaan adeegyada muhiimkam u ah bulshada Soomaaliyeed. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii safar qaatay inkabadan bil uu ugu maqnaa deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole. Mudadii uu booqashada ku joogay Ra’iisul Wasaare Kheyre deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulkaas. Ujeedada booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ee Galmudug ayaa ahayd sidii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah iyo doorashada madaxweynaha Galmudug. Waxana uu ku guuleystey ra’iisul Wasaare Kheyre in heshiis ay la gaarto dowlada federalka ah ururka Ahlu Sunna isla markaana ay dowladu la wareegto ciidamadii iyo hubkii ururka Ahlu Sunna,iyadoo boqolaal ka tirsanaa ciidamada Ahlu Sunna ay ku biireen ciidamada dowlada federalka. Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay xilli maanta la sugayay in la keeno dalka meydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba daareed) ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray kal-fadhigii 44aad ee barlamaanka oo muddo ku dhow [...] Source
  5. Kalfadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland oo soo bilowday 15-June-2019 ayaa Sabtida maanta ah oo ku beegan 3-Agoosto soo xirmay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudanayaashu ay fasax yihiin ilaa laga gaarayo 25-October ee sannadkan 2019 oo uu furmi doono Kalfadhiga 45-aad ee kan xiga. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Kalfadhiga Baarlamanka Puntland oo xirmay appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo dhoweeyey go’aankii uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya ee uu dib ugu celiyey Jinsayaddii uu ka heystay dalka Mareykanka. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in tallaabo geesinimo ah uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/faad-jooy.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd meydka marxuumka. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan, ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa Maanta meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda, isla maraana loo beddelay Diyaarad kale, iyadoo qorshuhu uu yahay in Berrito 8:00 barqanimo la keeno Muqdisho. “Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri, Wasiir Canshuur. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Injineer Yariisoow, ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay u duceeyaan guddoomiyahii Ummadda Sooaamliyeed, wuxuuna mar kale Alle ugu baryay in uu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo. Innaa Lilaah Wa innaa ileyhi raajicuun. View the full article
  8. Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo guddoomiyihii gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid diyaaraddii maydka keeni lahayd kadib markii sida uu sheegay cillad farsamo ay dhacday. Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda isla maraana loo beddelay Diyaarad kale iyadoo qorshuhu uu yahay in Berriya maydka la keeno magaalada Muqdisho. “Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri Wasiir Canshuur. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Maxay tahay sababta maanta loo baajiyay keenista maydka ENG Yariisow? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid keenista magaalada Muqdisho meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah. Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya iyadoo saaka oo idil la sugayay keenista meydka. Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca hase yeeshee dalka Qadar ayaa ah dal ay xayiraad ku soo rogeen wadamada qaliijka qaarkood. Sababta dib u dhigtay keenista meydka Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow kuma aysan dhawaaqin guddiga iyada oo ay soo baxayaan in ay jirto cillad dhinaca farsamada duullimaadka ah. Magaalada Muqdisho ayaa saaka inta badan la xiray,waxaana Ciidan badan la soo dhoobay Waddooyinka Muqdisho. Yariisow ayaa waxaa uu Khamiistii u geeriyooday dhaawac 24kii Bishan ka soo gaaray Qarax ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof oo ka mid ahaa maamulka Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ku wareejiyay amaanka garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaaladda Dhuusamareeb. Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa lagu wareejiyay Amniga Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa saldhigo ka samaystay Kontorooladda laga Galo Garoonka Diraadaha Ugaas Nuur, waxaana halkaasi laga qaaday Ciidamo horay ugu sugnaa. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ugu tagay ciidanka lagu wareejiyay Garoonka Dhuusamareeb isagoo kula dar-daarmay Adkeynta Amniga Goroonkaasi. Shalay ayay aheed markii Dowladda Faderaalka iyo Maamulka Galmudug ay isku afgarteen in amaanka Magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidanka Amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow uu sheegay in ay amaanka iyagu Masuul ka yihiin. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  11. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeyay ciidanka Danab ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu wareejiyay gacan ku heynta amniga garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa taliska ciidanka sugaya amniga garoonka kula dardaarmay in adkeeyaan amniga garoonka, si loogu guuleysto dadaallada ballaaran ee lagu dhisayo maamulka Galmudug. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Dhuusamareebo oo lagu wareejiyay ciidanka Danab ee DFS appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ), ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo aaska Qarn ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Eng C/raxman Cumar Cismaan (Yariisoow), oo ku geeriyooday Dalka Qatar, markii uu dhaawac kasoo gaaray qaraxii dhowaan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. Madaxweyne Laftagareen, ayaa u tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada Marxuumka ee Deggan Magaalada Muqdisho ,isagoo Hoygiisa ugu tagay Ugaaska Beesha uu kasoo jeedey Marxumka, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdull, wuxuuna Alle uga baryay in uu Janadii Firdowsa ka waraabiyo Marxuumka. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane ; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ), kasoo qeyb galka aaska Qaran Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisoow). View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-03082019.mp3 View the full article
  14. Goordhaw halkan kala soco wixii laysla meeldhigay Qaran News
  15. HOENIX — Two Somalia refugees will be jailed until their trial on charges they provided support to a terror group after federal agents say they were planning to travel from Tucson, Arizona, to Egypt to join the Islamic State. Source: Hiiraan Online
  16. Kismaayo (Caasimadda Online) – Aadan Aw-Xirsi oo ah Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka Koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Jubbaland in ay faragalin toos ku hayaan Odayaasha dhaqanka. Wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa muuqday Khilaafka kala dhaxeeyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan, waxaana uu sheegay in Sharaf dhac ay ku hayaan waxgaradka. Maalin ka hor ayuu sheegay Wasiir Xirsi in Waxgaradka gobolka Gedo Caburin iyo Sharaf ay ku hayaan labadiisa Mas’uul, islamarkaana aysan heysan Fursad ay ku soo xulaan xildhibaanada. Maanta ayuu sidoo kale bartiisa Twiterka kusoo qoray in Wasiir ka tirsan Jubaland uu Odayaasha Beeshiisa u gacan geliyay liis Xildhibaanno ah, haddii ay beddelaanna ay kala kulmi karaan qatar kale. Xirsi ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay Saaxiibada dhow ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana uu ka mid ah xubnaha sida weyn u difaaci jiray sidoo kalena Wasaaraddo kala duwan kasoo qabtay Jubbaland. Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan iyo Madaxweyne ku xigeenka labadaba wali kama hadlin eedeymaha kaga imaanaya Wasiir Xirsi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  17. Gudiga loo xilsaaray qabanqaabada Aaska Marxuum Cabdiraxmaan Yariisow Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegeen innMeydka Marxuumka uu ku soo wajahan yahay Muqdisho isla markaasna lagu [...] Source
  18. Madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre Wasiiro ama madax iyo odayaalxoolahoodii lagu laaluushayo oo mid kasta ku faraxsanyahay! Waxaa arrin yaab leh danta uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka leeyahay inuu jinsiyaddii uu dalka Maraykanka ka haysta iska celiyo! Kolayba ma aha mid dadka Soomaaliyeed ugu macnaysmaysa inay tahay sabab la xiriirta danta dalka, wadaninimo, Soomaali jacayl, iyo inuu shisheeye ka madax bannaanyahay! Waxaa iyadana jira warar kale oo tilmaamaamaya in dowladda Maraykanka ay iyada kala noqotay sharcigiisii jinsiyadda iyadoo ku eedeynaysa musuqmaasuq baahsan oo uu ku sameeyay doorashadii maamul goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya 2018kii. Waxaana adag sida loo rumaysto in Madaxweyne Farmaajo uu iska celiyay jinsiyaddii uu ka haysta dalka Maraykanka sida loo ekeysiinayay sababo la xiriira dal jacayl iyo wax-iska-celin, dabeecad ahaanna Farmaajo ma aha qofkaas ama kama muuqato dhaqankiisa qof ahaan ama kartidiisa hoggaamiyenimo, laakiin waxaa lagu macnayn karaa inay jiraan sababo badan oo wali inaga qarsoon!…maxay yihiin waqtigaa sheegi doona… Waxaan iyadana mar keliya ka muuqan oo aan madaxweynaha hannaankiisa siyaasadeed laga dheehan wadaniyaddii uu shaatigeeda soo gashtay, oo xataa haddii ay dhab tahay inuu isaga iska celiyay jinsiyaddii Maraykanka waxaa loo qaadan karaa oo keliya in arrintani ay tahay mid uu doonayo inuu ku xoojiyo hal-ku-dhegyadiisii hore ee lagu soo doortay ee wadaniyadda ku salaysnaa, taasoo dadku xooggiisu qabaan inuusan ka run sheegin oo uusan lahayn dhaqankeeda! Madaxweynuhu isagu dantii uu doono ha ka lahaado inuu celiyo jinsiyaddiisii Maraykanka, laakiin shacabku waxay taaganyihiin Timirtii Hoaraba Dab Loo Waa! Waxaanse shaki ku jirin in arrintani ay qayb ahaan ka mid tahay waxyaabaha ay madaxweynaha la noqotay meeshii uu ka bilaabi lahaa ololihiisa doorashada 2021-ka…Waxaa kaloo loo qaadan karaa inay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamijyada uu ugu diyaar garobayay sidii mar kale loo soo dooran lahaa, waxaana aad macquul u ah inay wada socdaan duulaanka uu ku qaaday maamul goboleeddada, iyo inuu markii hore iibsaday golihii sharci ahaanshaha maamul-goboleeddada difaaci lahaa (baarlamaankii) isagoo wasiiro ka dhigaya ama mushaaro dheeri ah u qoraya!… Waxaa iyadana aan qofna daah ka saarnayn madaxweyne, Farmaajo, ra’iisal-wasaare, Xasan KHeyre, iyo wasiirada dhammaan ay isku raacsanyihiin inay ku shaqeeyaan nidaam musuqmaasuq ah oo guntiisu tahay burburinta nidaamka dowladeed ee taagta daran ee wali la lagdamaya burburkii uu dalka soo maray iyo siyaasadihii is diidanaa ee burburkaas ka dhashay. Waxay ku shaqeeyaan siyaasad loo adeegsanayo lacago ay ku laaluushayaan dad-weynihii, siyaasiyiintii, aqoonyahankii, ganacsatadii, dhallin-yaradii, taasoo sida ay is fahmasiiyeen ay ku meel marin karaan siyaasado guracan oo lagu wiiqayo dhammaan qawaaniintii iyo hay’adihii dowladda, oo uu ugu horeeyay golihii shacabka, waxay la dagaaleen dhaqankii suubanaa ee mujatamaca, iyagoo ku bedelay been lagu faafiyo dad-weynaha dhexdiisa taasoo ay waliba dhammaan isku raacsanyihiin, waxayna habkaas u arkeen qaabka keliya ee ay ku meel marin karayaan siyaasaddooda qaloocan ee ka soo hor jeedda qawaaniinta, dastuurka dalka u yaala iyo damiirka qof kasta oo garasha leh, oo ay ku jirto wadaniyad iyo lixo-jeclo uu dadkiisa iyo dalkiisa uu u qabo. Waxaa iyadana in si cad loo qeexo ah in laaluushka noocaas ah uu yahay midka albaabada loogu xiray golihii shacabka, in laaluushka noocaas ah uu yahay midka aamusiiyay guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Mursal SHiikh Cabdiraxmaan isla markaasna fadhiidka ka dhigaya hawshii golaha shacabka!…waa shaqadaas, shaqada ay hayaan Farmaajo, KHeyre, iyo xukuumadooda! Waa laaluushkaas midka Galmudug loogu kala raray Dhuusamareeb, Hobyo, Cadaado, iyo Caabudwaaq, shacabku waa inuu indhaha kala qaadaa oo uu arkaa waxa hareerihiisa ka socda…Bal Maxamed Mursal ha la weydiiyo aaway ammaannadii iyo hawshii aad ummadda u haysay?!…Aaway golihii laguugu ogaa?! Ma hubtaa kitaabkii aad ku dhaaratay cahdigii aad ku martay inaad ku taagantahay!… SHaki la’aan “haa” buu oran lahaa lagana yaabo inuu kitaab kale ku mari lahaa inuu ku taaganyahay cahdigii loo dhaariyay!… Arrinta ay bilaabeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali KHeyre ee ay ku sharciyeeyeen musuqmaasuqa ma aha mid iyag keliya ku ekaanaysa, laakiin waa nidaam ay jideeyeen oo khatar weyn oo dalka soo wajahday ah, taasoo haddii aan la helin talo lagu hor joogsado dhibaato aad u weyn siyaasadda dowladnimmada Soomaaliya ay ka dhaxlayso. Adigu ka feker dowlad wax kasta gadanaysa, Guddoomiyihii golaha shacabka gadanaysa, madaxdii maamul goboleeddada gadanaysa, wasiiradii gadanaysa…Sharcigii dalka oo dhan lacago siisatay!… Taasi waa sharci la’aan, waa dowlad la’aan, macnaha waa Burcadnimo! Arrintan sida muuqato waxay noqonaysaa tab ay barteen siyaasiyiinta aan noocooda iyo tayadooda aragnay, ama aan baranay, waxaana shaki la’aan ah musuqmaasuqa, iyo laaluushka in xukuumadda hadda joogta ay ka dhigtay qayb ka mid ah nidaamka ay dalka ku maamusho! Sida hadda muuqata fal-danbiyeed ma ah in xukuumadda ay laaluush bixiso, dowladda waxaa lagu eedeeyay inay Maxamed Cusmaan Jawaari lacag laaluusha siisay si uu xilkii guddoomiyinimmada baarlamaanka uga tago, ma aysan beenin!… Sidaas oo kale waxaa lagu eedeeyay inay lacag faro badan ku laaluushta SHariif Xasan SHiikh Aadan madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed si uu xilkaas uga tago ma aysan beenin!… Arrinta wali taagan ee Galmudug, si ay isaga hor keento Ahlu-Sunnah iyo madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) waxaa lagu eedeeyay dowladda in hoggaanka Ahlu-Sunnah siisay lacag laaluusha ah oo 4 million oo dollar, sidaasoo kalana ay madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ay siisay 3 million oo dollar oo laaluusha ah si uu isaga tago xilka, dowladdu marna ma aysan beenin jiritaanka musuqmaasuqa intaas la eg ee ay dalka nidaamkiisa siyaasadeed ku burburinaysay taasoo loo qaadan karo inay si ula kac ah dalka xeerarkiisii iyo qawaaniintiisii u burburnaysa, waxaana la moodaa inay XABAASHA ama QABRIGA ku soo ogaadeen Golihii Shacabka iyo hay’adihii sharci-ilaallinta!… Maxay hadda ka wadaa Jubbaland?!… Dalkii wuxuu noqday shimbirkii garabka ka jabay ee uu cunugga yar qabtay! Waxaas oo dhan marka aad u dhabbo gasho waxay ku tusayaan in Farmaajo iyo KHeyre aysan lahayn tayo hoggaamin dowladeed ama siyaasadeed, isla markaasna aysan ku kalsoonayn awooddoda hoggaaminta haddii aysan laaluush bixinayn, waxayna xeylad yaridooda siyaasadeed ay ku qasabtay qaybinta lacago laaluusha ah, isku-dir, iyo kala geynta ummadda!…Waxayse khatarta ugu weyn ka imaanaysaa in denbiyada ay galeen labadaas nin aysan waxba ka qaban ama haba yaraatee aysan wax ka oran haddii ay ahaan lahayd Golihii SHacabka, ama Xeer-Ilaallinta Qaranka!… Waxaana talo wanaagsan ah si aysan mar dmbe u dhicin in Xildhibaannada lagu laaluusho xil wasiirnimo in si sharci ah laga mamnuuco qofka xildhibaanka ah inuu wax xil ah oo ka baxsan xildhibaanimmada qabto sida; inuu wasiir noqdo ama xil kale ee dowladeed, ama in laga mamnuuco qof aan xildhibaan ahayn inuu wasiir noqdo si loo ilaaliyo tayada iyo taabo galnimmada golaha ama loo yareeyo in xildhibaannada lagu laaluusho wasiirnimo, ama xilal kale sida ay hadaba sameeyeen KHeyre iyo Farmaajo! Qays Bin Mulawax oo ahaa ninkii u waashay Laylah Al-Caamiriyah ayaa markuu dhibaatooday oo uu waayay wax uga garaaba dhibaatada uu ku jiro ku calaacalay tix uu macnaheedu ahaa; Anigu soo ma ihi shimbirkii garabka ka jabayee ilmuhu qabteen, iyagana aysan lahayn caqli ay ku daayaan asna uusan lahayn awood uu kaga duulo! Soomaaliya Allow sidaas ma u egtahay?! Burburkii ku dhacay!… Farmaajo iyo KHeyre waxay siyaasad u qaateen isku dirka iyo kala dilka shacabkii ay u adeegi lahaayeen, waxay la dagaaleen dareen kasta oo wadan jacayl iyo wadaniyad horseedi lahaa, waxayna wadankii u ekeysiiyeen dal aan la kala lahayn oo ay u simanyihiin qofka Soomaaliga ah iyo qofka aan ahayn!…Waxay dhallin-yardii ka dhaadhiciyeen dalkooda lagu soo duulay gaalo iyo muslimiinba inuusan cadow lahayn! Waxa ay ina badeen waxaa ka daran waxa ay ina bareen!…Dad-weynaha wax laga doonayaa inay gartaan oo ay fahmaan wax ku dhacay Galmudug, iyo xiisadaha maamullada jira laga dhex wado iyadoo laaluush loo isticmaalayo lacagihii loogu adeegi lahaa dadka iyo dalka… W/Q: Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan The post Dowladda Farmaajo iyo KHeyre: SHarcigii waxaa looga kaaftoomay Laaluush! appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online ) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo warbixin cusub soo saartay ayaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos u dhacay labada sano oo ay jirto dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). IMF ayaa shaacisay in dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka aanu isbedaleyn sanadkan, islamarkaana uu ahaan doono 2.9 boqolkiiba. Sidoo kale hay’adda ayaa xustay in uu aad u hooseeyo daqliga soo gala qofka, iyada oo ku talisay in la raadiyo ilo dhaqaale oo lagu xoojiyo “Inkasta oo uu koror jiro, maaliyadda ay soo fiicnaaneyso, laakin daqliga qofka soo galo waa mid hooseeya, waana in la helo ilo lagu xoojinayo dhaqaalaha, laguna dhimayo faqriga” ayaa lagu yiri qoraalka IMF. Sida lagu sheegay warbixintan labadii sano ee ay jirtay xukuumadda Kheyre waxa ay qiyaastu aheyd (2.3) 2017 iyo (3.1) 2018. Waxaa xusid mudan in marka uu madaxweyne Farmaajo la wareegayay talada dalka uu GDP Soomaaliya uu ahaa 4.4 boqolkiiba. IMF ayaa ugu dambyen warbixinteeda ku sheegtay in dhaq dhaqaaqa ugu fiican uu hadda ka jiro kaliya isgaarsiinta, ganacsiga iyo dhismaha. Warbixintani ayaa ku soo aadeysa, xilli xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Maaliyaddu muddooyinkii dambe ay shaacineysay in isbedal weyn laga dareemayo dhaqaalaha Soomaaliya, islamarkaana uu meel wanaagsan marayo qorshaha deynta lagu leeyahay looga cafinayo dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filay in uu todobaadkan mar kale magacaabo mas’uuliyiin cusub oo ka tirsan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland, si uu u sii dhammaystiro isbeddelka maamul ee uu soo waday todobaadyadii tegay. Isbeddelka uu madaxweynuhu ku samaynayo agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada wasaaradaha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda oo todobaadkii la soo dhaaafay hakad-galay, maadaama la xusayey munaasabadda 1-da Agoosto, ayaa la sugaya in uu todobaadkan dhammaystiro. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynuhu uu todobaadkan isbeddel ku samayn doono agaasimayaasha guud iyo agaasima-waaxeedyada Wasaaradaha iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta kale ee dowladda. Isbeddelkan ayaa sida la sheegayo saamayn doona wasaarado kala duwan. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa isla todobaadkan magacaabi doona, 5 xubnood ee u horreeya guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland, kadib markii ay is-wada casileen xubnihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland ee (TPEC). Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa madaxweynuhu soo bilaabay, isbeddelka la sugayo in uu haatan sii dhammaystiro, iyadoo uu hore u magacaabay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradaha iyo mas’uuliyiin kaleba. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo seefta la baxay iyo mas’uuliyiin xilalkooda waayi doona appeared first on Puntland Post.
  21. The body of the late Banadir Region Governor and Mogadishu mayor, Eng Abdirahman Omar Osman (Yarisow), who last Thursday succumbed to injuries sustained in a deadly Al-Shabaab suicide attack in Mogadishu, will be buried in the capital on Saturday, the government has announced. A commission has been named to organise a state burial for the former governor, whose death puts into sharp focus just how dangerous the militant group Al-Shabaab is proving to be. His body will be flown from Qatar, where he died as he was undergoing treatment, to Mogadishu by a private plane. President Mohamed Abdullahi Farmajo has announced three days of mourning over the governor’s death. A woman blew herself up at the meeting hall of the Banadir administration headquarters on 24 July, killing three district commissioners and wounding Yarisow. Several other officials were also killed in the attack. A number of other officials, who were also wounded in the attack, are still undergoing treatment at a hospital in Doha, Qatar. Al-Shabaab, which claimed responsibility for the attack, said the target was UN envoy to Somalia James Swan, who left the building shortly before the explosion after meeting the governor. View the full article
  22. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has chaired a security meeting in Galmudug administrative capital on Friday. The meeting is first by the Hassan Kheyre since the federal government security agencies officially took over the management of security in the state. The meeting which was attended by the various heads of security department from both federal and regional government discussed ways to beef up security in Dhusamareb ahead of the upcoming reconciliation meeting as well as plans on the liberation of areas still under the control of al-Shabaab. The premier directed different level of security apparatus in the state to closely coordinate on security issues as efforts by his government to improve capacity building of the significant agency continues. Meanwhile, Galmudug chief of cabinet, Sheikh Mohamed Shakir Hassan confirmed the transfer of security to federal government agencies. Speaking during an event to officially handover security to federal government security apparatus in Dhusamareb, Sheikh Shakir said local armed forces will move out of Galmudug state headquarters as federal agencies resume full control of the security responsibility. The move will end a political stalemate between Mogadishu and Dhusamareb based religious group on the responsibility of security for years. View the full article
  23. Hey’adda Lacagta adduunka (IMF) ayaa todobaadkan waxaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka Soomaaliya aanu isbadaleyn sanadkan, oo uu ahaan-doono 2.9 boqolkiiba, waase haddii ay da’aan doorababka la filayo dhammaadka sanadkan. “Inkasta oo uu koror jiro, maaliyadda ay soo fiicnaaneyso, laakin dhakhliga qofka soo galo waa mid hooseeya, waana in la helo ilo lagu xoojinayo dhaqaalaha, laguna dhimayo faqriga” sidaasi waxa lagu sheegay qoraalka IMF. Meelaha uu ka jiro dhaq-dhaqaaq fiican ee xaga dhaqaalaha waxaa ay hey’adda ku sheegtay isgaarsiinta, ganacsiga, dhismaha iyo hey’adaha maaliyadda. Bangiga adduunka waxaa uu sanadkii hore sheegay GDP ama kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka Soomaaliya uu kobac ahaan gaaray ilaa 2.8 boqolkiiba. Dhanka kale sicirbararka sanadkan 2019-ka waxaa uu gaari-doonaa 3 boqolkiiba halka 2018-ka uu ahaa 3.2 boqolkii. Labadii sano ee ay jirtay xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ay qiyaasta aheyd 2017(2.3) iyo 2018(3.1), waxaa xusid mudan in uu madaxweyne Farmaajo la wareegay talada dalka iyada oo GDP Soomaaliya uu yahay 4.4 boqolii. Goobjoog News Source: goobjoog.com