-
Content Count
209,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shir u Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada Oo Ka Furmay Jigjiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo xoojinta iyo iskaashiga deegaannada Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya, kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergo aad u badan. Shirkan oo ah kii Labaad ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Oromada, aqoonyahanno, waxgarad iyo sidoo kale bulshada qeybaheeda kala duwan. Inta shirkan uu socdo ayaa diiradda waxaa lagu saari doonaa nabad ku noolaanshiyaha Labada dhinac, dhaqaalaha iyo iskaashigooda. Shirkan ayaa socon doona Labo cisho, iyadoo la filayo gabagabadiisa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga shiray. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjog News Source: goobjoog.com -
Garowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa qorsheyneysa, sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis ku eedeysan Burcadbadeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garowe, iyadoo tallaabadaasi oo kale ay dhowaan qaaday Somaliland oo ay hadda ku heysato Seychelles sababta ay u sii deysay maxaabiis burcabadeednimo ugu xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in 48 eedeysanayaal ah oo loo heysto Burcadbadeednimo ay haatan si xaq darro ah ugu xiran yihiin xabsiyada maamulkaasi. Aw Cismaan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay u doodo xuquuqda maxaabiistaasi. “Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u doodo maxaabiistaan, Puntland inta tabarteeda ah waa dadaashay, baarlamaanku ha u doodeen dadkaan.” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka koowaad aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Senator Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo kormeer ku tegay xabsiga Garowe ayaa sheegay in ujeedka booqashadooda uu ahaa ogaanshaha xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku xukuman Burcadbadeednimada ee ku xiran xabsiga weyn ee magaaladaasi. Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay in arrinta maxaabiistaan ay la wadaagi doonaan madaxda sare ee dalka, islamarkaana ay jawaab ku soo celin doonaan Puntland. “Waa dadaalaynaa dowladdana waa ku war celineynaa, jawaab ayaana idinku soo celineynaa, markii hore rajadaydu waxay aheyd inaa diyaaradda ila raacdaan, laakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”. ayuu yiri Senator Bukhaari. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii Somaliland ay xabisga ka sii deysay illaa 19 maxaabiis ah oo ku eedeysnaa falal la xariira Burcadbadeednimo, hayeeshee dowladda Seychelles ayaa maamulkaasi ku dhaliishay sii deyntooda, kuwaas oo ku xukunaa 30, 36, ilaa 43 sano oo xabsi ah. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows. Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Click here Qaran News
-
Guddida madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka ee u xilsaaran maamulida iyo maareynta doorashooyinka Soomaaliya ayaa diyaar u ah iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah 16 bil gudaheed, hade waa doorasho ka dhacdo dalka oo dhan oo ay ka qeybgalayaan 5 Milyan oo qof. Guddiga waxaa ay goob walb ku soo bandhigeen, mas’uuliyiinta kala duwan iyo shacabkana tuseen shaqada ka socota xarunta guddiga, waaxyada kala duwan sida: Sharciyada, wacyigelinta, hawlgalka iyo maaliyadda iyo iney diyaar yihiin dhammaan sharciyadii, qorshihii, tababaradii loo baahnaa, qaabka diiwaangelinta, qorshaha ololaha, goobaha codbixinta, xaqiijinta natiijada iyo xataa talaabooyinka doorashada kadib. Haddaba Halkan Ka Akhriso Toban(10) Shaqo Oo Ku Tusinaya Diyaar-garowga Guddiga Doorashada: 1. Waaxyaha: Shaqada waaxyada kala duwan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa la qabtay 100% haddii ay tahay hawlgalka, wacyigelinta iyo sharciyada. 2. Wacyigelin: Guddiga Doorashada waxaa uu tagay, oo bulsho iyo madaxba uu kula kulmat 24 degmo, ugu yaraan 4 degmo ayuu ka tagay 5-ta dowlad goboleed, 100 kulan ka badan ayey ahaayeen, isaga oo gudbiyey fariimo dhinac walbo ah, coddheerna ku sheegay iney diyaar u yihiin qabashada doorashada 2020-ka. 3. Goobaha Doorashada: 1005 goob ayaa la asteeyey ilaa hadda oo ka mid ah deegaannada Koonfur galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Banaadir, waxaa socoto Jubbaland iyada oo ay harsan tahay Puntland oo keliya. 4. Nidaamka Diiwaangelinta: Guddiga waxaa uu go’aamiyey in nidaamka ku haboon diiwaangelinta uu noqdo BIOMETRIC. 5. Diiwaangelinta: Guddiga doorashada waxaa uu qorsheeyey waqtiga uu u baahanyahay bilowga diiwaangelinta codbixiyaha ilaa bixinta kaarka, dhammaan hawshaas waxay ku qaadan-doontaa 3 bil, iyaga oo xataa si wacan u qeexay diiwaangelinta kadib sida xog uruurin, kala soocid, soo bandhigidda liiska horudhaca ah iyo qeybinta kaararka. 6. Xeernidaamiyeyaal: Qeybtan waxaa ka mid ah wacyigelinta codbixiyaha, diiwangelinta, maamulka xisbiyada, maaliyadda xisbiyada, maamulka doorashada, xalinta khilaafaadka doorashada iyo arrimo kale. 7. Xeerarka Hab-dhaqanka: Waxaa ka mid ah hawlwadeennada GMDQ, xisbiyada iyo musharaxiinta, saxaafadda, korjoogtada doorashada. 8. Habraacyo: Waxaa qeyb ka ah midowga iyo isbaheysiga xisbiyada, dhismaha madasha xog isweydaarsiga iyo wadatashiga guddiga iyo xisbiyada 9. Maalgelinta Doorashada 2020: Guddiga iyo hey’adaha doorashada ku shaqada leh waxaa ay isla meel dhigeen lacagta doorashada 2020-ka ku baxeyso oo gaareysa ilaa 55 Milyan oo Doolar ah. 10. Shaqaalaha: Guud ahaan shaqaalaha loogu talogalay iney shaqada doorashada qabtaan bilow ilaa dhammaad waa 5,000. Haddaba, iyada oo guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka diyaariyey wax walbo oo dhankooda ah ayaa waxaa jiro caqabado iyaga ka baxsan, oo la’aantood aaney dhici karin doorashada la filayo 2020-ka. 3 Arrin Oo Doorashada Ku Qabsoomi Karto: 1. Sharciga Doorashada: Sharciga oo muhiim u ah qabsoomidda doorashada 2020-ka, waxaa uu hadda horyaallaa golaha shacabka ee BF, dedejinta sharciga waxaa ay sahli-doontaa in si dhaqso ah wax loo qabto, sharciga waxaa sidoo kale oo ku xiran Xeernidaamiyeyaal, Hab-dhaqan iyo Hab-raacyo muhiim u ah doorashada 2020-ka. 2. Amniga: Goobaha doorashada 2020-ka ay ka dhaceyso iyo dadka codeynaya waxaa ay u baahan yihiin amni, qaar ayaa go’doonsan, taasi oo ay tahay iney ka wada shaqeeyaan AMISOM iyo dowladda federaalka ah, waana in ciidamo gaar ah arrinkaas loo xilsaaro, haddii ay dhici weyso waa adkaan doontaa doorashada 2020-ka. 3. Heshiis Siyaasadeed: Waxaa dhibaato ka jirtaa nooca doorashada, oo waxaa jira khilaaf xoogan oo siyaasadeed oo ku aadan midka la qaadanayo “hal deegaan doorasho oo dalka oo dhan ah mise in lagu saleeyo dowlad goboleed”, taasi oo u baahan heshiis siyaasadeed. Dastuurka, amniga, xuduudaha iyo arrimo kale oo waxaa jiro u xayiran heshiis ay gaaraan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada la’aantoodna aaney dhici karin doorashada 2020-ka. W/ D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Email: gurbiyshow@gmail.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows. Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay laamiga weyn bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay gaari HELUX ah oo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxa uu gaariga la socday wasiirka, balse uu ka badbaaday. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kaas oo ka mid ahaa ilaalada Shire Xaaji Faarax. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, islamarkaana baaritaano ay ka sameeyeen halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay gudaha magaalada Boosaaso waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumkan ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka maydka la huwiyey Calanka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso ka waraabiyo. Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Eng Yariisow oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee waxaa goor dhow xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho lagu aasay meydka marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho. Madaxda DFS oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde. Source: goobjoog.com
-
Waxaa goor dhaweyn la keeney Meydka alla ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, Diyaaradaha Ciidan ayaa meydka waxay kasoo qaaday [...] Source
-
Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran ayaa mar kale maanta oo Axad ah markab ajinabi ah ka qabsatay gacanka Cumaan, sida ay sheegtay warbaahinta Qaranka dalkaasi Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay warbaahinta waddanka Iran ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ee ay qafaasheen markab shidaal oo marayay gacanka Cumaan, kaas oo ay sheegeen in shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah dalalka Carabta. Waxay sheegtay in markabka uu siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray. Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereytay xasaradda gacanka ka dib markii Mareykanka uu sii adkeeyay cunaqabteenada uu ku soo rogay shidaalka Iran. Cunaqabteenada ayaa Iran dib loogu soo ka dib markii uu Mareykanka ka baxay heshiiskii nuclear-ka Iran sannadkii 2015-kii. Waa markii labaad oo ay Iran qafaalato markab shisheeye iyadoo 13-kii bisihii July ciidamadeeda Ilaalada Kacaanka ay xeebaha Iran ku qabteen markab ay sheegen in uu siday shidaal shaci darro ah. Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ka dambeysay laba weerar oo lagu qaaday Maraakiib shidaal oo marayay gacanka, balse Iran ayaa gaashaanka u daruurtay edeyntaasi. PUNTLAND POST The post Dowladda Iran oo qafaalatay markab kale oo shisheeye appeared first on Puntland Post.
-
Hal askari oo ka tirsan ilaaladad wasiirkii hore ee Qorshaynta dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ku dhaawacmay qarax goor dhoweyd lala eegtay gaariga wasiirka oo marayey laamiga bartamaga magaalada Boosaaso. Gaariga wasiirka oo ahaa nooca loo yaqaan HELUX ayaa qaraxa lala eegtay xilli uu marayey laamiga weyn ee bartamaha magaalada waxaana ku dhaawacmay hal askari oo dusha saarnaa sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Boosaaso. Wasiirka oo gaariga la socday ayaan wax dhibaato ah ka soo gaarin qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka lagu sii aasay, sidoo kale lama sheegin wax khasaare ah oo cid kale ka soo gaaray . PUNTLAND POST The post Boosaaso: Wasiirkii hore ee Qorshaynta Puntland oo ka badbaaday qarax lala eegtay appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Maydka Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho. Madaxda DFS oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada. Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Marxuumka Khabuuraha ku yaala xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in hadda uu qarax ka dhacay nawaaxiga hoteelkii hore loo oron jiray Ramaada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay islamarkaana lala eegtay gaari halkaasi marayey balse faahfaahin dheeriya lagama hayo. Warar kale ayaa sheegaya in gaariga uu saarnaa wasiirkii hore ee Qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax inkastoo aan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMM) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Maydka Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho. Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada. Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Marxuumka Khabuuraha ku yaala xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Taliyaha ciidanka Booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ka warbixiyey howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in ciidamadu howlgalladaasi ay kula wareegeen tuulooyin u dhexeeya deegaanada Awdiinle iyo Goofgaduud-Buurey ee gobolkaaasi. Taliyaha oo goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-konfurgalbeed.mp3 View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Ehellada guddoomiyihii gobolka Banaadir Inj. Yariisoow ayaa shaaca ka qaaday inay tuhmayaan in qaraxii lagu dilay marxuumka uu ahaa mid aysan ka dambeyn kooxda Al-shabaab, laakiinse dad isaga ka ag dhaw ay ka dambeeyeen. Nabad-doon Axmed Maxamed Muuse oo adeer u ahaa C/raxmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii lagu dilay Duqii hore ee Xamar uu ahaa mid gobolka dhexdiisa laga abuuray oo aysan jirin wax meel kale ka yimid. Sidoo kale, Nabadoon Muuse ayaa xusay inay rumeysan yihiin in qaraxii lagu dilay Yariisow uu ahaa mid ay fuliyeen dad cadow ku ahaa – oo ku dhex-jiray maamulka gobolka Banaadir, weliba isaga aad ugu dhawaa. “Yariisow wuxuu ku baxay si uusan mudneyn oo cadowtooyo ah, waxaan ka rabnaa madaxweynaha iyo RW Somalia iyo dhammaan dadkii falkaas ka dambeeyay la helo si cadaaladda loo hor-geeyo,” ayuu yiri nabad-doonka. Isagoo sii hadladya ayuu intaas raaciyay. “Waxaan qabnaa in dadka dilay ay ku dhex-jiraan maamulka gobolka Banaadir, waxaana qabnaa in la marsiiyo wixii uu maray Inj. Yariisow wax kasii daran. Waxaan rabnaa caddaalad inuu helo.” Duqii hore ee Gobolka Banaadir ayaa u geeriyooday Khamiistii lasoo dhaafay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray Qarax ka dhacay gudaha xarunta dowladda Hoose ee Xamar, halkaasoo uu shir ka socday, iyadoo weli aysan caddeyn qaabka loo dilay marxuumka. “Inj. Yariisow ma ahayn nin Soomaaliya baahi uu yimid, wuxuu dalkiisa ugu soo laabtay inuu dadkiisa wax u qabto, balse waxaa abaal looga dhigay in la dilo oo weliba ay dilaan dadkii isaga aadka ugu dhowaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Nabad-doon Axmed Muuse. Ugu dambeyn, Inj. Yariisow ayaa waxaa lagu wadaa in maanta Aas Qaran loogu sameeyo Muqdisho, waxaana dilkiisa uu saameyn xooggan ku yeeshay hawlihii maamulka gobolka Banaadir oo u adeegayay malaayiin qof oo ku nool caasimadda dalka ee Xamar. PUNTLAND POST The post NABADDOON MUUSE: dilkii Yariisow waxaa laga dhex-abaabulay Xarunta Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigay illaa 86 oday dhaqameed oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Goobta lagu soo bandhigay odayaashan waxaa ku sugnaa Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan oo ah Guuddoomiyaha gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa shaacisay in odayaashaasi ay isugu jiraan 53 oday dhaqameed oo ka tegay HirShabelle iyo 33 ka imaatay deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta Al-Shabaab sheegeen in odayaashaasi ay aqbaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey, sida ay hadalka u dhigeen. Dhowaan Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay deegaanadooda iska soo diiwaan geliyeen illaa 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Bayaanka Al-Shabaab ee la xariira ergada ayaa soo baxay 15-kii bishii hore ee July, iyaga oo markaasi u qabtay odayaasha inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle maydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho marxuum Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ra’iiusul wasaare Khayre iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda ayaa ka qeyb-galay salaadda Janaasada marxuumka. Marxuumka ayaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Qabuuraha ku yaallaa xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho sida ay sheegtay Wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA. Allaha u naxariistee Inj Yariisow ayaa dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday xafiiskiisa Muqdisho, waxaana sidoo kale qaraxaas ku geeriyooday xubo badan oo ka tirsan agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaale kale. Geerida Duqii hore ee Muqdisho ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa iyadoo ehelladiisa ay ku doodayaan in marxuumka la dilay isla markaana qaab shirqool ahaan ah loo dilay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaadda janaasada marxuum Eng Yariisow appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Meydka Duqii Muqdisho Eng Yariisow kaas oo ku geeriyooday M/Dooxa ee dalka Qadar. Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kus ugan Madax iyo dad wayne badan oo ka qaybgalaya Aaska Qaran ee loo samaynayo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho. Meydka oo lagu soo daboolay calanka Soomaaliya ayaa waxaa soo dejiyay qaar ka mid ah ciidamada iyadoo goor dhow lagu tukan doono salaada janaasada. Dhowaan ayuu marxuumka u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Diyaarad gaar ah oo sidday maydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa goor-dhaw soo caga-dhigatay garoonka diyaaradah ee Muqdisho, iyadoo saacadaha soo socda lagu wado in maydkiisa la aaso. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay RW Somalia, Xasan Cali Khayre iyo golihiisa wasiirrada ayaa ku sugan garoonka, waxaana sidoo kale jooga xubno ka tirsan qoyskiisa iyo shaqaalaha gobolka Banaadir. Sidoo kale, Aaska Qaran ee loo sameynayo marxuumka ayaa waxaa ka qayb-galaya xubno ka tirsan madaxda maamul-goboleedyada dalka ka jira, balse weli lama iclaamin halka lagu aasi doono guddoomiyaha geeriyooday. Dadka aaska ka qaybgalaya ayaa waxaa ka mid ah Maama Nuuriya oo ah hooyada dhashay marxuum Inj. Yariisow oo waayeel ah, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya caruurtiisa iyo xaaskiisa oo ka yimid London oo ay muddo fog ku noolaayeen. Waddooyinka Muqdisho ayaa intooda badan la xiray, waxaana loo diidayaa inay maraan gaadiidka, balse shacabka ayaa lugeynaya, lamana oga inuu Aaska ka qayb-geli doono Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo in kale. Allaha u naxariistee Inj. Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday xafiiskiisa Muqdisho, waxaana sidoo kale qaraxaas ku geeriyooday xubo badan oo ka tirsan agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaale kale. Ugu dambeyn, Geerida Duqii hore ee Muqdisho ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa, iyadoo ehelladiisa ay ku doodayaan in marxuumka la dilay isla markaana qaab shiaqool ahaan ah loo dilay, qaraxa lagu dilayna uusan ahayn mid dibadda laga soo abaabulay, iyagoo dowladda weydiistay inay ka faalooto sida uu qaraxa u dhacay, soona xirto dadkii ka dambeeyay falkaas. PUNTLAND POST The post Maydka Duqii hore ee Muqdisho oo la keenay Xamar iyo Amniga oo si aad ah loo adkeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-04082019.mp3 View the full article
-
Popular Contributors