Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,249
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Caafimaadka waddanka Masar, ayaa shaacisay in 17 ruux ay ku dhinteen, 32 kalena ay ku dhaawacmeen, qarax ka dhashay tiro baabuur ah oo isku dhacday bartamaha magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaasi. Sidoo kale wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Masar, ayaa sheegtay in shilka gaadiid ee qaraxa dhaliyay uu dhacay, kadib markii baabuur si xawliya ku socda oo seedkiisa ka baxay, uu ku dhacay saddex baabuur oo kale, islamarkaana dab iyo qarax ka kacay. Wasaaradda ayaa tilmaantay in shilkaasi ka dhacay bartamaha magaalada Qaahira, gaar ahaanna aga’gaarka Mac-hadka Qaranka ee lagu barto cudurka KANSAR-ka Egypt’s National Cancer Institute. Dhinaca kale Xeer-ilaalinta guud ee waddanka Masar, ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo waxa sababay shilka, waxaana goobta shilka gaaray koox ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta, si ay baaritaan ugu sameeyan. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhashay shil-gaari oo dad badan ku laayay dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa la sheegaya in uu shuruudo adag ku xidhay in la soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya xukuumada Somaliland, isla markaan uu ogolaado wada-hadal midho dhala. Waxgaradka iyo Odayaasha beelaha Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo jiid iyo waan-waan ka dhex wadeen Jabhada Kornayl Caare iyo Xukuumada Somaliland, midaasi oo muddo hakad galisay dagaalkii labada dhinac. Suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo wafdi odayaala oo uu hogaaminayay ayaa shalay waxay kulan kula qaateen Buuraha gobolka Sanaag Hogaamiyaha Jabhadaasi Kornayl Caare, kuwaasi oo sii xoojinayay cadaadiska lagu saarayey Kornaylka in uu wada-hadal la furo xukuumada Madaxweyne Biixi. Kornayl Caare ayaa lagu soo waramayaa in uu shuruudo dhowr ah hor-dhigay odayaashan u tagay, kuwaasi oo uu ku xiray in wada-hadal midho dhal ah la furo xukuumada Somaliland, isla markaana u noqota bilowga daminta colaadaasi. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayan in Kornayl Caare uu dalbaday lacag dhan 2-milyan oo dollar, taasi oo uu ku macneeyay inay tahay magdhowga hubka lagu qarameynayo ciidamada Jabhada, maadama sida uu sheegay ahaa hanti beelo laga soo ururiyay. Si kastaba, Xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegtay in xiisada kala dhaxeysa Jabhada Kornayl Caare ay ku dhameyn doonto wada-hadal, midaasi oo suurta-galinaysa in dalabaadka Caare xukuumadu qalinka ku duugto. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Madaxada Somaliland in badan ayey ku celceliyaan xadka xoog baa lagu soo xidhayaa. Wuxu hadalku u dhacayaa waa xadka Puntland iyo Somaliland oo ah kii ay lahaayeen maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland iyo mustacmaraddii Talyaaniga ee Somalia; ka hor 1dii Luuliyo 1960kii. Summad aan ku dhigtee, dulucda maqaalkani kuma saabsana sax ama khalad ka uu yahay xadkii isticmaarku; sidoo kalena sax iyo khalad ka uu yahay xad dawli ah oo abtirsiin-raac ahi. Maqaal hore ayaan ka qoray mowduucaas. Fadlan arag tixraaca hoose. Waa arrin murugo leh, muddo imika ku sii siqaysa 30 sannadood, in dad badan ku dhinteen, ku naafoobeen ama ku barokaceen isku-dhacyada dhinacyada kala duwan ee ku hardmayey deegaanada bariga Sanaag, bariga Sool iyo Buuhoodle. Isku-dhacyadaas oo dhexmarayey: Puntalnd, Somaliland, Khaatumo iyo Jabhaddii SSC. Waxa kale oo murugo leh dagaalka reeraha dhexdooda ah ee ay ugu dambaysay shaqaaqadii bishiii September 2018kii ka dhacday Dhumay, koofurta Laascoonood, oo ay dad badani ku dhinteen, qaar ku laxaad beeleen, kuwana ku baro-kaceen. Waxa iyana aad fajac ka qaadi in bishii Janaayo horaamaheedii 2018kii, in aynu subax ku soo toosnay dagaal milatari oo ay ciidamada Somaliland ku qaadeen goobta caanka noqotay ee Tukaraq iyo isku dhacyadii faraha badnaa ee fool-ka-foolka ahaa ee isla baradaas ka dhacay. Taas oo ilaa hadda taagan, la iskuna hor fadhiyo, xataa dhexdhexaadin ay ka galeen Qaramada Midoobay (UN) iyo ururka Midowga Afrika (AU). Bal qabsoo muddo yar baa u dhaxaysay markii Somaliland weerarkaa qaaday iyo caleemo saarkii madaxweynaha cusub, Md Biixi. Madaxweyne Biixi wuxu ku dooday, isagoo dalo u samaynaya duulimaadkiisa, in aanu weli gaadhin xadkiisii. Xadka uu gaadhayo ama soo xidhayaa waa kee? Xadku ma mid aan la gaadhin baa? Sidee loo soo xidhi karaa xad dherekiisu dhan yahay ilaa 650Km, ugu yaraan? Waxa gacantiisa ku jiray labada magaalo gobol (Ceerigaabo iyo Laascaanood), nabad-na ahaa, tahdiid milatari-na ma ay muuqan markaas. Sida keliya ee dhul lagu qabsadaa, marka aan qalbigu shacabku kula socon, waa xoog. Xoogguna, xilligan casriga ah, ee baaruudda qaraxda la isla beegasnayo, ma aha wax sahlan. Taas macanaheedu ma aha in aysan jirin dad taabcsan Somaliland. Taasi waxa marag u ah magaalada Laascaanood. Shacabka Laascoonood xasiloonida nabadda ay haystaan waxay u mareen dariiq nabadeed iyo dib-u-heshiisiin. Weliba, waxa shaamabad ku sii dhufatay heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ee ay Caynabo ku kala saxeexdeen bishii August 2017kii. Dhanka kalena waxa marag cad ah in aan xoog shaqaynayn Buhoodle oo xoog kasta la dul dhigay, weeraro darandoori ah lagu qaaday sannadihii 2012-13, ilaa haddana maalin qudha aan cag la dhigin. Dadka qalbigaa laga hantaa. Buuuhoodle ba sow xadka kuma taalo! Marka aad u fiirsato waxa aad is-odhan shayga xad la yidhaa waa ba dhalanteed. Xad-maamul, sideedaba, waa xariiq la jeexay, ama la mala-awaalay; ay wacan tahay in la isku raaco, dabeetna lala noolaado. Dagaal ma soo saaro xad-dawladeed. Bal aan marjac ahaan soo qaato sida uu dagaalka u qeexay faylasuufka Clausewitz,“dagaalku waa sii wadidda ujeedo siyaasadeed oo si kale lagu gaadhi waayey”. Hase yeeshee waxa aynu ognahay in Somaliland deegaanada ay hadda joogaan badidooda ay ku gaadhay nabad iyo aqbalka shacabka. Haddaan mar kale soo amaahado xikmadda faylasuufkii Clausewitz, “dagaalku ma ha cayaar waqtiga la isku dhaafiyo, ama qar-iska-maqiiq loo qaado guulaysa uun, mana aha shaqo-bilaash loo xiisoodo: waa marin halis ah oo looga gol-leeyahay yool culus oo culus”. Waxan qabaa in nuxurkii caalimka aanan soo wada turjumin ee fadlan qasadka ka raac. Waxan uga socdaa tallow yaa garanya ujeedada m/weyne Biixi uu ka lahaa duulaankiisii Tukaraq ee bishii Janaayo 2018? Ujeedadaasi ma cadda: ilayn ilaa hadda xad la gaadhay oo la soo xidhay ma jiree! Sida keliya ee lagu fasiri karaa waa in uu Md Biixi aaminsanaa, marku qaadayey duulaanka: in dagaalku yahay ciyaar-ciyaar dhoolo-tus ah. Sow tii la lahaa Md Biixi waa colonel. Malaa wuu ilaabay qeexidda erayga dagaal! Maxaa lagu fasiri karaa madaxda Somaliland ee imika soddon sanno ku dhowaad ku taamaysay xadkaa la tegayaa, khasaare badan oo nafeed iyo maalba keentay, joogtana dhiiggu u daato; haddana ku sii indho-adag yoolkaas – xadkaa la soo xidhayaa. Malaa ictiraafkaa sidaa ku jira! Xadku sidiisaba ma aha xariiq Ilaah samada ka soo rogay; waa xariiq dadku isku raaco si loo fududeeyo is-maamulka dawliga ah. Jeer kasta oo xoog lagu sameeyo, ma aha xad illaa deriskaagu aqbalo mooyee. Dagaalkii Somalia iyo Ethiopia ee 1977-78, waxa sabab u ahaa: Somalia oo aan aqbalin in uu xad yahay. Waxa aad hadal ku daysaa inta uu jiro fekerka Somaliland ee ah xadka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland xoog baa lagu soo xidhayaa, diriri waa ina daanweyne. Aniga ila ah maan guracan iyo garasho xumo. Allow noo sahal. Wa Bilahi towfiiq Tixraac: http://salaanmedia.com/2019/01/ismaan-dhaafka-dhexyaal-maamulka-puntland-iyo-somaliland- jan-19-19/ W/Q: Maxamuud C/llahi Axmed “Daneeya wadajirka Soomaalida UK” maxamuudaxmed@live.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay soo heleen Kitaab Qur’aanka Kariimka ah oo far-guri lagu qoray, kaasi oo lagu qabtay Koox tahriibisa waxyaabaha qadiimiga ee qiimaha leh. Kitaabkaasi oo laga farsameeyey Maqaarka Xayawaanka Gooddirka ayaa lagu soo qabtay Degmadda Yatağan ee Gobalka Muğla ee Koonfurta dalkaasi, sida ay sheegeen Ilo dhanka Ammaanka. Labo eedeysane oo qorsheynayey inay iibiyaan Kitaabka Qadiimiga ayaa lagu xiray hawlgal ay ciiddanka ammaanka qaadeen. Dhinaca kale, hawlgalkaasi waxay Ciiddanka ku soo qabteen qori aan sharciyeysnayn iyo matoorada gaadiidka.
  5. Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo ay weheliso Marwada Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Luul Yuusuf Xasan, ayaa caawa Casho sharaf u sameysay Haweenka Puntland. Kulanka Casho Sharafta ah waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Haweenka ee Dowladda Puntland Aamino Cismaan Xaaji, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Puntland ah iyo qeybaha kala duwan ee Haweenka Puntland. Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo khudbad kooban ka jeedisay halkaasi, ayaa dib u xasuusisay Haweenka doorkii ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Puntland iyo sida ay lafdhabar Haweenku ugu yihiin Bulsho kasta. Marwo Ijaabo waxay Haweenka uga mahadcelisay doorkii ay ka qaateen todobaadka Puntland iyo xuskii 1da August. Marwada Madaxweynaha ayaa Haweenka Puntland u sheegtay inay kala shaqeynayso wax ka qabashada tacadiyada haweenku la kulmaan. Ugu Danbeyn Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf ayaa soo dhoweysay Shirkii Haweenka Puntland ee dhawaan ka qabsoomay Garoowe iyo qodobadii kasoo baxay, Marwo Ijaabo ayaa bogaadisay dadaalka Haweenka ee wanaajinta iyo horumarinta Puntland. PUNTLAND POST The post Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ballan-qaadyo u samaysay Haweenka Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saakay deegaanno hoos taga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada isgarabsanaya oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen Tuulo lagu magacaabo Buulo-Jebi iyo tuulooyin kale, kuwaas oo horay ay u maamuli jireen Al-Shabaab. Xiliga ay ciidamada dowladdu weerarka ku qaadeen ayaa waxaa la sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab lacago iyo xoolo ay ugu yeereen sakawaad ka qaadayeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaas oo u badan xoolo dhaqatto. Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay ku jiraan madixii amniyaadka iyo madaxii sakawaadka oo Al-shabaab u qaabilsanaay deegaanada saakay lagu weeraray. Saraakiisha hoggamineysa ciidanka xoogga dalka ee saakay la wareegay deegaanadaas ayaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada waxay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda, iyagoo u balan qaaday inaysan dib uga laaba doonin deegaanada ay ka saareen gacanta Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-04082019.mp3 View the full article
  8. The second reconciliation conference to end the tribal skirmishes and strengthen cooperation between Somalis and Oromo ethnic communities in Ethiopia has kicked off in Jigjiga on Sunday. The first meeting was held in Adhama, Oromia administrative capital earlier this year. Officials from Somali and Oromo regional states of Ethiopia led by President Mustafe Muhumed Omar and President Mr. Shinmelis Abdisa, elites the from the two communities, traditional leaders from both communities attended the conference at the administrative capital of Somali-Ethio regional state. Somali state President, Mustafe Muhumed Omar who opened the conference recalled the strong cultural and religious relationship between the two ethnic groups saying there is a need to fortify the bond and end the difference. On his side, the President of the Oromia region, Shinmelis Abdisa urged the two neighboring communities to stop listening to political interest groups and instead focus on their historic relations in the country. The two communities who are both pastoralists clashed over land, pasture, and water in recent years mainly after the government of Prime Minister Abiy Ahmed Ali. Several people were killed and hundreds displaced as the result of the tension but the new reconciliation conference is expected to bring a lost lasting solution. View the full article
  9. The slain mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman was laid to rest in Mogadishu on Sunday. Senior government officials led by President Mohamed Abdullahi Farmajo, Prime Minister Hassan Kheyre, the deputy speaker, Mahdi Mohamed Guled, the speakers of the lower and upper house of parliament attended the state funeral. The body of the late mayor who also doubled up as the governor of Mogadishu was laid to rest at Somali police Academy cemetery after Janaza prayers at Aden Abdulle International Airport. The government officials led by President Farmajo delivered their condolences to his family. Villa Somalia said the legacy left behind by Engineer Yarisow during his tenure will be remembered. The mayor who succumbed to injuries sustained from an al-Shabaab suicide attack on 24th July was among 8 government officials killed after the suspected female bomber blew her self up during security meeting chaired by the Mayor View the full article
  10. A former Puntland minister has survived a landmine explosion that targeted his vehicle at the center of the northeastern Somali town of Bosaso. Witnesses have confirmed that the explosion was targeting the vehicle of former finance minister of Puntland state, Haji Hassan Shire. The bulletproof vehicle was hit by the landmine at the back at a four-lane street near the former Ramadan Hotel in Bosaso. Injuries among his security staff have been confirmed. Shire Haji Farah was one of Puntland’s presidential candidates in the 2013 elections won by Abdulweli Mohamed Ali Gaas, but later held the positions of Puntland’s finance and planning ministers. Security forces in Bosaso town, Bari region, have not yet commented on the explosion, but in recent months, the city of Bosaso has become increasingly unstable, with bombings and killings claimed by the militant group, Al-Shabaab. View the full article
  11. Dr Shire Xaaji Faarax Wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland xilligii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waraysi uu bixiyey faahfaahin kaga bixiyey qarax [...] Source
  12. Eng. Cabdiraxmaan – Yariisow ayaan maanta soo aasnay. Waxaa meydka la socday Marwadiisa iyo carruurtiisa. Waxaana garoonka hore u joogtay Hooyadii oo dorraad Baydhowa ka soo amba baxday. Eng. Yariisow wuxuu ahaa saaxiib aan muddo dheer aad isugu dhoweyn, xog wadaag ahayn, marxalado kala duwanna aan soo wada marnay, ha noqoto wanaag, istaageerid iyo wadatashi dhexdeenna ah. Sidoo kale ha noqoto isku tashi in ninba ninka kale uu ku tashado xag kasta iyo xilli kasta. In kasta oo muddadii uu Duqa magaalada ahaa uu xiriirkeenna habac galay, haddana waxaan mar walba ahayn saaxiibbo isu dhow, waxaanna ku faraxsan ahay in kelmaddii ugu dambeysay ee aan u qoro ay ahayd Guuleyso, taas oo ahayd mid iga niyad ah. Qoraal iyo laba kuma soo koobi karo dhacdooyinka faraha badan ee waayaha wanaagsan iyo kuwa adag ee aan Eng. Yariisow iska kaashannay nolosha siiba xag xirfadeed iyo xagga danta guud ee Dalkeenna. Waxaan isku dayayaa bal in aan sawir guud ka bixiyo qofka uu ahaa Yariisow iyo xiriirka naga dhexeeyay. Waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in markii u horreysay aan isku aragnay Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane dabayaaqadii sannadkii 1981. Jaamacadda oo sannad ka dib noo billaabatay ayuu ka billowday xiriir saaxiibtinnimo guud ah. Jaamacadda waxaan ku xuustaa in uu ahaa nin jecel kuna wanaagsan kubbadda cagta, kana mid ah Guddiyada ardayda ee cayaaraha qaban qaabiya. Markii dambe ee uu yara cuslaaday wuxuu Sportigiisu inta badan ku soo koobmay daawashada kubbadda cagta iyo cayaaridda boojada miiska ama billiardi. Horaantii sagaashanaadkii ayaan magaalada London dib isugu aragnay, aan ogaannay in aan deris nahay, iyada oo amniga iyo siyaasadda dalku ay marayaan meel aad u xasaasi ah. Eng. Yariisow waxaan noqonnay rafiiq dhow oo shaqada iyo guryahaba si joogta ah isugu booqda, isla markaasna wadajir u soo booqda saaxiibbo aan wadaagno ama midkeen u gaar ah annaga oo isla baabuur fuushan inta bandanna uu kiisa yahay. Wakhtiyo kale gaarigeyga ama mid kira ah ayaan ku safarnay xaafadaha kala fogfog ee bartanka London iyo jihooyinkeedaba, Gobollada Ingiriiska iyo waliba dalal dibadda ah sida Belgium, France, Holland iyo Germany oo aan u tagnay saaxiibbo salaam ama tamashle. Sidoo kale waxaan munaasabado badan uga wada qeyb galnay rafiiq dhowna aan ku ahayn Xamar iyo Nairobi. Xagga maamulka oo aan uga horreeyay darteed, waxaan talo madax bannaan dhowr jeer ka siiyay howlo uu igala tashaday mar tartan uu ku guuleystay u galay in uu noqdo horjooge iyo ka dib arrimo maamul oo soo food saaray. Eng. Yariisow, wuxuu ahaa nin dadaal badan, ma nooge ah, dad isku wad leh siiba marka ay noqoto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, jecelna in uu u adeego bulshada. Wuxuu ahaa nin si naxariis iyo dabacsanaan leh isugu daya in uu dadka ka fikirka duwan ula doodo. Dad aan daliil u hayn ayaan hadda ka hor arkay oo ku eedeynaya in uu qeyb ka ahaa urur magac qabiil ugu ololeeya mid ka mid ah shanta beelood ee siyaasadda loo qeybsado. Ka sokow in aan u qabo in aan ururkaasi jirin, waxaan hubaa in ay yihiin dad aan aqoon Yariisow. Waxaan markhaati u qabsanayaa inta taqaan Yariisow in ay og tahay in aanuu ahayn nin qabiil. Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed ee sidaa ku eedeyay in ay haddii ay dhab ka ahayd oo ay sidaa rumeysnaayeen ay ka qancaan, haddii ay ku-jiq-siin ula jeedeenna ay Rabbi ka baryaan in uu cafiyo, kana waantoobaan in ay u bareeraan in ay isku dayaan in ay dhaamaan sumcadda iyo sharafka muwaaddin Soomaaliyeed. Cabdiraxmaan marxalado badan oo dalku soo maray annaga ayaa si aad ah siyaasadda uga sheekeysannay ugana doodnay, waanan ka warqabaa in badan oo ka mid ah mowqifkiisa, damaciisii iyo dhaqdhaqaaqiisii siyaasadeed si la mid ah sida uu isaguba uga warqabay kuweyga. Haa, Cabdiraxmaan waa noqday af Hayeenka Mudane Muuse Suudi Yalaxow oo markaa ahaa Hoggaamiye Kooxeed. Saaxxiibada qaar way ka gaabsadeen berigaas, aniguse waan kula socday. Ma aqaan sida uu ku noqday afhayeen laakiin durba waa uu iska casilay. Sidoo kale, Haa, qeyb waliba firfircoon wuu ka ahaa ololihii afka ahaa ee looga soo horjeeday arrinkii khilaafka weyn iyo waliba dagaalka uu dhiigga badani ku daatay ka dhex dhaliyay Soomaalida ee ahaa ku faafiddii ay ciidammada Ethiopia dalkeenna ku galeen usbuucii ugu dambeeyay 2006, soona gaareen caasimaddeenna. Eng. Yariisow wuxuu ahaa nin Qaran. Wuxuu taageeray, qaarkoodna ka mid noqday dhammaan Dowladihii dalka soo maray tan iyo 2000 marka laga reebo 2007 iyo 2008. Nin kasta oo saaxiib dhow u ahaa Eng. Yariisow, ama ay wada shaqeeyeen wuxuu markhaati ka yahay in uu ahaa nin afkiisa laga ammaan helo, akhlaaq wanaagsan, ah reer magaal, bulshay ah oo sheeko iyo qosol jecel. Wuxuu ahaa nin marka la sheekeynayo ama la doodayo rogroga arrinka, wax ka eega dhinaca wanaagsan, qaatana mowqif maangal ah. Weligay kuma arag isaga oo ku dheggan mowqif aanuu sababeyn aqoon. Wuxuu ahaa oo kale nin Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliya jecel kana shaqeeya. Ilaa uu naftiisa u huray. Ma adeegsanayo ku waayay naftiisa ee waxaan adeegsanayaa u huray naftiisa, maaddaama isaga oo aan ku khasbaneyn, ogna khatarta taalla Muqdisho, uu ka shaqeynayay dhowr iyo toban sano. Aniga wuxuu muddo dheer ii ahaa saaxiib aan ku tashado isna igu tashada. Qaraxii 14-oktoobr 2017, inkasta oo annagu aynaan ahayn bartilmaameed, haddana waxaan fadhinnay shir ka socday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu qaraxu aad u saameeyay. Ku dhowaad labaatan ruux oo saddex ka mid ahi ay ka tirsan yihiin Golaha Wasiirrada inta kalena ay Agaasimayaal yihiin ayaan ahayn. Eng. Yariisow waan is garab fadhinnay. Kursiga ayaa gadaal ula dhacay. Laakiin nasiib wanaag waxba ma ay gaarin. Markiiba waxaan lug ku tagnay xero militeri ka dibna waxaa nala siiyay ciidan iyo gaari. Maaddaama uu dhiig iga da’ayay oo aan ka baqayay in reerkeygu ay sawirro ku arkaan saxaafadda, waxaan markiiba wacay xaaskeyga iyo carruurteyda. Laakiin Yariisow wuxuu wacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Wuxuuna uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen inta yar ee aan markaa ogeyn. Dhammaadkii sagaashanaadkii ilaa uu ka soo guuray London, waa ay yar tahay munaasabad aan habeen tegey ama labada maalmood ee wiiktirka ah ee shaqada laga nasto oo aynaan Yariisow is raacin. Xataa munaasabadaheyga shaqada ee u furan saaxiibbada waan isu raaci jirnay. Maaddaama aan ka xiriir badnaa inta aan isagu siyaasadda gelin, Eng. Yariisow waxaan ku xiray saaxiibbo aad u tiro badan oo ah xagga siyaasadda, sidoo kale ganacsiga, aqoonyahannada qurbaha iyo saxaafadda ah oo Soomaali iyo ajnebi isugu jira. Xagga siyaasadda waxaan xusuustaa mar xilligii Madaxweyne Shariif uu igu wargeliyay in culeys uu dareemayo awgiis uu ka fekerayo in uu dalka ka baxo oo in muddo ah uu ka soo nasto. Laakiin markii uu iiga warramay kulankii uu Madaxweynaha la qaatay waxaan kula taliyay in aanuu dalka ka bixin isaga oo aan arag Madaxweynaha. Muddo ka dibna wuxuu ka mid noqday Golaha Wasiirrada. Muddadaa dheer ee aan Yariisow sida dhow rafiiqa u ahayn, marna ma arag isaga oo ka shaqeynaya shirqool iuo dibindaabyo. Ma arag isaga oo ka qeyb qaadanaya lug gooyada muwaaddin kale. Danjire Soomaaliyeed oo ay saaxiib ahaayeen Yariisow ayaa maanta annaga oo qabriga wada dultaagan wuxuu igu yiri, Yariisow haddii hal sifo laga baran karo waa Dulqaadka. Eng. Yariisow, waa halyeey dalkiisa si nadiif ah ugu soo shaqeeyay ilaa dhibicda dhiiggiisa u dambeysay. Ka sokow adeeggiisa sannadaha badan, wuxuu qalbiyada saaxiibbadiis, inta Soomaalinnimada jecel iyo inta naxariisi ku beeran tahay qalbiyadooda uu ku hantay in Qarax lagu dilay isaga oo jooga xafiiskiisa, in badan oo ay wada shaqeynayeenna ay la dhinteen qaar badanina ay dhaawac yihiin. Iyada oo dilkaas ay geysteen qaar ka mid ah bulshada uu adeegayay. Taas ayaa sababtay in geeridiisa ay quluubta Soomaalida wada taabatay. Madaxweynaha Koofur -Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay ay soo wadashaqeeyeen madxna ka ah Gobol uu Yariisow wax ku lahaa, waxaan shalay ka soo wada duulnay Baydhowa si uu uga qeyb galo aaska. Wuxuu ii sheegay Maayga in aan tan oo kale la dhihin Tacsi ee loo yaqaan Ooysin. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo fadhigiisu yahay Hargeysa waxay shucuurtiisu ka tallaabtay soohdinta siyaasadda is diiddan wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida Eng. Yariisow. Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu geerida Duqa Caasimadda uu uga tacsiyeeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Walaal kasta oo qormadan akhriya waxaan ka codsanayaa in uu Eng. Yariisow u baryo in Ilaaheey Jannada ugu bishaareeyo isaga iyo hwolwadeennadii Gobolka ee isku goobta lagu weeraray. Sidoo kale waxaan codsanayaa in aan u duceyno dhammaan Soomaalida iyaga oo Qarankeenna u adeegaya gaadmada lagu dilay, iyo kuwa difaaciisa ku dhintay hadda iyo had horeba. Walaalaha gudanaya waajibaadka Xajka, si gooni ah ayaan codsigan ugu soo jeedinayaa. Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa, xaqna aan ugu leennahay in ay sameyso baaritaan biyo kama dhibcaan ah. Bulshadana ay u soo bandhigto natiijo si aan leexleexad lahayn u abbaarta ugana jawaabta weydiin kasta oo hadda la qabo iyo mid kasta oo la qabi karo. Sidoo kale, waxaan Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ugu baaqayaa in adeeg ama goob dadweyne loogu magacdaro Eng. Yariisow, si ay astaan ugu noqoto sooyaalkiisa wanaagsan ee adeegga dadweynaha una adkeyso niyadda inta u damqatay. Bulshada Muqdisho ku nool iyo Dowladdana waxaan ugu baaqayaa in ay tani fure u noqoto in si dhab ah oo xaldoon ah aan wadajir isu weydiinno muhiimadda koowaadna aan siinno su’aasha ah – sideen nabadgelyo ugu noolaannaa caasimaddeenna? W/Q: Yuusuf Garaad
  13. Muqdisho (SMN) – Wafdiga Aqalka Sare ee uu hogaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku joogay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo wafdigiisa oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe ee Casimada Puntland, ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay ka qeyb galeen xuska markii la unkay maamulkaasi 1-da Agost 1998-dii. Sidoo kale,guddoomiye Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa intuu ku sugnaa magaalada Garoowe kulamo duwan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka ay kooxda Al-Shabaab canshuurta uga qaaddo alaabaha kasoo dega dekedda magaalada Muqdisho. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku sheegay in Al-Shabaab ay helaan xogta alaabaha dekedda kasoo degaya, gaar ahaan ganacsadaha soo dejisanaya alaabta iyo taleefon lambarkiisa, kuwaasi oo si maalinle ah toos loogu diro. Marka ay xogta helaan kadib ayay Al-Shabaab, la xiriiraan ganacsadaha ayaga oo faraya inuu bixiyo qiimaha canshuurta ah ee ay gooyeen. Halkii tan ee alaab ah ee dekedda kasoo dega waxay Al-Shabaab ka qaadaan canshuur 4 dollar ah, halka halkii konteenar laga qaado canshuur 80 dollar ah. Lacagtan waa maalinle, waxaana muuqata in lacag badan Shabaab ay kasoo gasho dekedda. Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in shaqaalaha dekedda ay wada-xaajood la galaan Al-Shabaab ayaga oo matalaya ganacsatada, wada-xaajoodkaas oo lagu go’aamiyo qiimo la isku raacsan yahay oo canshuur. Waxa uu intaas ku daray in Shabaab ay sidoo kale lacag ka qaadaan dhammaan dhulalka lagu kala iibiyo Muqdisho iyo ganacsisyada magaalada, si la mid ah dowladda federaalka. Ganacsatada badankood ayaa bixiya canshuurta Al-Shabaab ayaga oo naftooda u baqanaya, maadaama aysan dowladda ka bad-baadin karin Al-Shabaab, islamarkaana jiirn cid kale oo amnigooda sugi karta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Kenyan President Uhuru Kenyatta has kicked off a diplomatic charm offensive in Africa, Europe and the Middle East as the dispute with Somalia over maritime resources continues to weigh heavily on his government. The time is running out and Kenya’s options are dwindling as the International Court of Justice at The Hague prepares to start hearings on September 19 on the Indian Ocean maritime border case filed by Somalia in 2014. The dispute has simmered over time, with Somalia accusing Kenya of encroaching on its 100,000-square-kilometre territory with oil and gas deposits. Before the case was filed, bilateral negotiations had dragged on for six years without much success. While Kenya insists that the marine boundary be determined by a parallel line of latitude to the East – as per the standards set by the colonial powers, which were adopted in the marine borders between Kenya and Tanzania, Tanzania and Mozambique and Mozambique and South Africa — Somalia wants it redrawn to a diagonal, an extension of the land border. Nairobi has been pushing Somalia to withdraw the case, but Mogadishu has been adamant, preferring to wait for determination at the ICJ. With this stance, Kenya early this year sought mediation, drawing in the reformist Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed to lead the effort. The talks were initiated – Mr Abiy and the Somalia leader Mohamed Abdullahi Farmaajo met with Kenyatta in Nairobi in March – but the effort soon collapsed. One of the explanations is that President Farmaajo, who is seeking re-election next year, dare not withdraw the case, as it would be seen as giving in to “outside forces” to relinquish what they considers Somalia resources—a sign of weakness. President Farmaajo has since avoided Kenya, even its airspace. Meanwhile, there is little hope in that Mogadishu will consider a bilateral or regional resolution effort; this leaves Kenya with a few options, one of which is a diplomatic charm offensive in Africa and beyond to convince peers that a decision that affirms Somalia’s claim will have security, diplomatic and economic reverberations. Nairobi has assembled a team of international lobbyists to reach out to oil and gas investors, who are said to be keen on the outcome of the matter at the ICJ. According to insiders, Kenya believes that oil and gas companies are fuelling the dispute, with some already taking strategic positions to join the race for exploration soon after the matter is dispensed with by the court. Politically, Kenya is reaching out to international allies to get the much-needed support “to protect its territory,” regardless of the outcome of the case at the ICJ. Already, the Arab League has sent a warning to Kenya, telling it to stop interfering in Somali waters, but insiders say the visits President Kenyatta has been making to Middle Eastern countries are not mere courtesy calls. On a recent tour of China, the president is said to have camped for a few days in the Gulf seeking the ears of powerful figures over the matter. The strategy, according sources, is to consolidate the African voice, which will be key in making collective decisions at the African Union and United Nations once the court has delivered its verdict. But some advisers have also said Kenya could just withdraw from the ICJ proceedings, a recommendation that is not proving popular. These options were discussed at a recent symposium in Nairobi organised by the HORN Institute for Strategic Studies. The consensus, however, was to maintain the diplomatic charm offensive and also forward Kenya’s concerns to the United Nations Security Council and the General Assembly. Roselyne Omondi, associate director at the HORN Institute, said it is prudent for Kenya to move ahead of the ICJ hearing. “Kenya may have made a few wrong decisions since the dispute arose, but it remains one of Somalia’s most reliable security, trade and development partners,” said Ms Omondi, adding that there was still a chance for a solution out of court. Having suffered a defeat during the preliminary proceedings while attempting to show that the court does not have jurisdiction over the matter, after a false start trying to settle the issue through a memorandum in 2009, experts say that Kenya has no alternative but to pursue subtle dispute resolution mechanisms. Monica Juma, Kenya’s Cabinet Secretary for Foreign Affairs, who has been running a covert campaign for support, says that Nairobi has not exhausted all mechanisms for resolving disputes of this kind. She has refused to be drawn into the details of the plan. But Foreign Affairs Permanent Secretary Kamau Macharia said Kenya and Somalia must co-exist and jointly manage resources in the Indian Ocean. “Ultimately, if Somalia is to enjoy its blue economy resources—oil, gas, marine, fisheries etc—a long its maritime boundary with Kenya, it will have to do so in cooperation with Kenya,” Mr Macharia said in an interview with Sunday Nation. As Kenya seeks this resolution hoping for the best, it is also preparing for the worst. So it has kicked off a campaign for support for a seat in the UN Security Council as a non-permanent member. The UNSC is the only UN body with the authority to issue binding resolutions on member states. All member states are obligated to comply with its decisions. Kenya hopes that its membership, which would be the third since the body was formed, will help with conflict resolution in the event of a falling out after the ICJ verdict. If Nairobi loses the case, experts say it will be landlocked, complicating its security and business arrangements. It will need the support of the UNSC and the General Assembly. Several African countries have committed to supporting Kenya’s bid at the 74th session of the UN General Assembly in September. Apart from the EAC partner states and neighbours in East Africa, the Mozambican, Zambian, Namibian and Botswana leaders have all promised to throw their weight behind Nairobi. President Kenyatta is visiting Jamaica this coming week and is expected to seek its support as well. Africa is entitled to three non-permanent seats in the 15-member UNSC. Kenya is vying for the seat for the East African sub-region, which consists of 11 or more countries, including the six EAC members. Harold Acemah, a Ugandan diplomat, who has worked at the UN, told The EastAfrican that the membership of the Security Council is prestigious and provides a country a place at the high table of the United Nations. If elected, the country will for two years rub shoulders with the world’s high and mighty. But Mr Acemah said there is no advantage Kenya will enjoy in the dispute with Somalia. “Unless the dispute seriously threatens regional and international peace, the Security Council cannot force Kenya and Somalia to negotiate. That is a role for the EAC and AU, which I assume and hope they are already playing. The option is for Kenya and Somalia to request the UN Secretary General to mediate,” said Mr Acemah. But still, Kenya is seeking the support of the European Union, the US and the other permanent members of the UNSC—France, China, Russia and UK. Diplomatic sources say that while China, Russia and UK are Somalia-leaning, together with the Gulf States, Kenya has received a positive response from France and the US. Norway, whose companies are also angling for the resources, is reportedly “open for consultation.” While the ICJ decision is final, the court has no mechanism for enforcement and requires the affected countries to still sit down and chart the way forward. This was the case with resource disputes between China and Philippines and Nigeria and Cameroon. In the case of Nigeria and Cameroon in the dispute over the Bakassi Peninsula, which was awarded to Cameroon in October 2002, the UN secretary-general had to call a meeting of the two countries’ leaders in Geneva where they were persuaded to establish a commission chaired by the special envoy to implement the decision. Surv Bashir Shettima, a former director of the National Boundary Commission of Nigeria, said implementation of these matters takes along time and, in the case of Nigeria and Cameroon, they had to establish a sub commission on demarcation supported by a technical team. Source: The Citizen
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-04082019.mp3 View the full article
  17. Many Somalis believe the unceasing violence in Somalia is sponsored by foreign countries or entities out to advance their economic interests in the impoverished state despite vast untapped resources, including oil and gas. Well, it seems Somalis have a reason to think this way. On 22 July, the New York Times published an expose claiming it had obtained an audio recording from a phone conversation between the Qatari ambassador to Somalia and a Qatari businessman close to the Emir of Qatar boasting about militants who had carried out a bombing in the Somali port city of Bosaso to advance Qatar’s interest by driving out its rivals, the United Arab Emirates. These reports have resurfaced long after the Gulf Crisis, where Qatar was blockaded by its Arabian Gulf neighbours Saudi Arabia, UAE and Bahrain allegedly for what they termed as its support to terrorists. A UAE-affiliated company, DP World, runs the port of Bosaso in the semi-autonomous state of Puntland. The bombing referred above by the businessman took place in May outside a Bosaso courthouse, wounding at least 10 persons, including a judiciary official. In yet another separate attack associated with the above commercial motives, unknown gunmen on February 3 assassinated the Bosaso head of DP World, the same UAE company managing the port of Bosasso. AUDACIOUS ATTACK If indeed the New York Times expose turns out to be true, which is likely to be so given the Times reputation, then Somalis should brace themselves for worst times ahead. Talking of violence, in July alone, there have been three massive suicide attacks in Mogadishu and Kismayu, killing nearly 50 innocent people. This includes famous Somali Diaspora journalist Hodan Naleye, who was killed alongside her husband. Even more sadly, she was pregnant. These three attacks have also wounded close to 100 other people, many of who were unarmed civilians. The latest attack on July 24 was the most audacious. A female suicide bomber blew herself in a hall where the mayor of Mogadishu, Eng Abdirahman Osman Yarisow, was meeting with his District Commissioners to discuss Mogadishu’s security. The blast killed six officials, including three district commissioners and wounded many more, including mayor Yarisow. Al Shabaab claimed responsibility of the attack, saying they were targeting the new UN envoy to Somalia, James Swan, who had just left the mayor’s office moments before the attack. In the wake of the Qatar accusation, the Somalia government must investigate the serious claims as well as any other corroboration that might be linked to the attacks in Somalia that might be foreign-sponsored. Surprisingly, Mogadishu simply defended Qatar, saying they believed Doha’s denial of the New York Times article. Many say since Qatar helped fund the election of President Mohamed Abdullahi Farmaajo, Mogadishu is likely to ignore the latest accusation of supporting terror in Somalia. TERRORISM AND RESOURCES If you look carefully, you will notice a trend of such terror or other private militia linked attacks in most mineral-rich African countries — Nigeria, Mali, Congo, Central African Republic, Somalia, Libya, Sierra Leone and Angola. This cannot be a coincidence. Violence or terrorism seems to be following oil, gas, gold, diamond, cobalt and other rich minerals. Just look at those countries closely and you will also notice the presence of high illiteracy and unemployment rates, weak, divided, corrupt and ineffective governments. All these are good fodder for terrorists to use to further their unholy wars. Somalia is a classic example, with all those characteristics in abundant. For the last 11 years, the world has paid millions of dollars to African Union peacekeepers, whom we must thank for helping to weaken al Shabaab. However, the Somalia National Army and other Somali forces remain weak, divisive, unpaid, underpaid or in some case totally neglected and demoralised. As a matter of fact, foreign forces can never restore order or peace without a properly equipped and professional government forces who are patriotic. Inasmuch as much as the Somalis must fix their own problems, how do we expect them to secure their country when they cannot arm their military because of a UN Security Council arms embargo? SOMALIA POLITICS But that is not the only problem. Politicians are even more divided than the forces. The national government is currently at loggerheads with its federal member states and has of late been acting like a rogue government that has no respect for the law. It has illegally been usurping power by installing their yes men in the federal states. They have already done that in HirShabele and SouthWest States and are currently fixing Galmudug State. The leadership is now fixated on the upcoming Jubaland election, which they also want to control and put their yes man in power. They are apparently doing all this in the hope of getting back to power in 2020 when the next general election in Somalia is expected to be held. We have no problem with them usurping power in all these federal states, but surely if they cannot take care of Mogadishu alone, how will they secure the whole country? If a female suicide bomber can penetrate all the security layers, checkpoints, armed soldiers and barriers to blow herself inside Mogadishu mayor’s office, what can’t those heartless vagabond terrorists not do? How safe is the whole country from these terror cells who seem to be getting a helping hand – from both outside the country and within inside the government? PROXY WAR Mind you, this is not the first time for a female suicide bomber to hit at the heart of government and kill high-ranking officials. A former Interior Minister was also killed in 2011 by a similar female suicide bomber. Somalia must learn its lessons and know the enemy its fighting against. That is the only way it to can tackle this mammoth task of securing itself. These are some of the hard questions the Somali people are asking themselves now that it is very clear the violence that has torn apart their country, killed tens of thousands and virtually left them in limbo, is a proxy war between foreign powers fighting over their resources. But before Somalia can do anything about those foreign legions, it must put its house in order, protect and serve its own people because it is the people who make a nation great. However, as long as the people and their leaders continue to be annihilated like locusts, then there is really a crisis in the making that needs to be seriously addressed by Somali leaders. Source: The Star
  18. The election in the Somalia state of Jubbaland where Sheikh Ahmed Islam Madobe wants to retain the presidency is turning into a battle on land and online. Source: Hiiraan Online
  19. A man in the Midlands has been jailed for more than five years - after finally being granted the right to come to Britain. Source: Hiiraan Online
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Guyow iyo xubno kale oo katirsan Xafiiska IGAD ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wafdigan ayaa Saddexda Maalmood ee soo socda ku sugnaan doona magaalada Kismaayo, iyagoo si dhab ah ugu kuur gali doona Xaalada Doorashada Jubbaland ee dhamaadka bishan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Wafdiga IGAD mudada ay Kismaayo joogaan waxay kulamo la qaadan doonaan Gudiga Doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baarlamaanka iyo sidoo kale ururada aan dowliga aheyn ee ku bohoobey magaca JUNSA. Gaba gabada waxaa wafdigan la kulmi doonan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyadoo aan la ogayn waxyaabaha kulankaas kasoo bixi doona. Beesha caalamka ayaa dhamaan u dheg taageysa natiijada safarka wakiilka IGAD ee Kismaayo kaas oo noqon doona go’aanka ay beesha caalamku ka qaadan doonto habsami u socodka doorashada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  21. Burco (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta dhacdo naxdin leh ay ka dhacday, isla-markaana uu Oday waayeel ah uu dilay saddex Caruur ah oo uu Adeer u yahay. Odayga ayaa waxa uu saddexdan Caruurta ah ku dilay deeganka Dhagax Dheer oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer. Caruurtan la dilay ayaa waxa la sheegaya in dhamaantood ay walaalo ahaayeen, isla markaana uu ugu weynaa Afar jir. Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Caruurtaasi ay isla markiiba ay ku geeriyoodeen goobtii uu odaygu ku dilay. Gudoomiyaha deegaankaas ayaa xaqiijiyey inuu Carruurtaasi dilay Odey Adeerkood ah oo Maskaxda ka jiranaa, balse ciidamada Booliska Somaliland ay markii dambe ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilkaasi u geystay saddexda Carruurta ah ee wada dhashay. Ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka iyo laamaha amniga ee gobolka Togdheer, balse waxa la filayaa in Warbaahinta uga warbixiyaan dhacdadan saacadaha soo socda. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Xubin ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Bari Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo saaka gudaha magaalada Boosaaso lagula eegtay wasiirkii hore ee Qorshaynta dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax. Qoraal ay daabacday warbaahinta Daacish ee Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in ciidamada Khilaafadu ay qarax miino u dhigeen wasiir hore Shire Xaaji Faarax xilli uu marayey nawaaxiga hoteel Shabeelle ee magaalada Boosaaso. Daacish ayaa sheegtay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu sii aaysay ay ku dhaawacmeen laba kamid ah ilaalada mas’uulka balse isagu ka badbaaday. Balse, laamaha Amniga gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsana ilaalada Shire Xaaji Faarax cid kalena aysan wax dhib ah ka soo gaarin. Hoos ka akhriso qoraalka Daacish PUNTLAND POST The post Daacish oo sheegatay qaraxii uu ka badbaaday Shire Xaaji Faarax appeared first on Puntland Post.
  23. Wafdiga Aqalka Sare ee uu hogaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku joogay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo wafdigiisa oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe ee Casimada Puntland, ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay ka qeyb galeen xuska markii la unkay maamulkaasi 1-da Agost 1998-dii. Sidoo kale,guddoomiye Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa intuu ku sugnaa magaalada Garoowe kulamo duwan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Dhoobo oo sii saagootiyaya Abshir Bukhaari Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo madaxweynihii hore ee Puntland haatana ah, xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka sare, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed faroole, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Garoowe ku sii saagotiyay, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo xildhibaanno kale tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay Garoowe kaga qeyb-galeen xuska sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ka hor inta uusan Muqdisho ku laaban warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa shaaciyay in xubnaha Aqalka sare ku matala Puntland, ay markii u horraysay xarun ka furteen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Hoos ka daawo Muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Guddoomiye Dhoobo: Waxaa Baarlamanka Puntland ka dhacay waxaan weligiis dhicin oo unique ah appeared first on Puntland Post.