-
Content Count
214,610 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa si kulul uga hadlay warkii xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee ku aadanaa habraaca doorasha kale oo dowladu ka qabaneyso maamulkaasi. Wasiirka ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashadaasi, islamarkaana aysan quseyn Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kismaayo ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay dhiman tahay kaliya in la caleema saaro Madaxweynaha. Waxa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyey inay ku xadgubeyso sharciga u yaalla dalka, islamarkaana aysan u tureyn dadka reer Jubbaland. Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintaasi ay qaadi doonto dowladda dhexe. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona 9-ka bishan oo ku beegan maalinta beri ah lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe. Dowladda federaalka ayaa ka hortimid doorashadaas oo 22-kii bishii hore ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Jubbaland.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo. Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere. Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaska ku barakacay abaaraha iyo Duqeymaha Ciimada Kenya, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey. Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere. Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay qeybta Booliiska gobolka Sanaag. Xeer-madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr-77 soona baxay xalay ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag loogu magacaabay G/dhexe Bashiir Cali Maxamed. Sarkaalkan ayaa ka hor inta xilka loo magacaabin isla xalay loo dallacsiiyay derejada Gaashaanle dhexe. Dikreetada magacaabista Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-77 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo. Wuxuu Xeeriyey 1. Waxaa L/X/Le Bashiir Cali Maxamed loo dalacsiiyey derajada G/dhexe Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Israel seeking 'non-aggression' agreements with Gulf states
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Israeli foreign minister says 'historic move' will pave way for peace pacts but analysts dub it 'wishful thinking' Source: Hiiraan Online -
ANKARA, Turkey (AP) — Turkey summoned a top American diplomat Sunday after the U.S. Embassy’s official Twitter account “liked” a tweet that said the people of Turkey should prepare for a political era without the leader of Turkey’s national party, who is reportedly ill. Source: Hiiraan Online
-
AHMIYADDA LA JAAN-QAADKA SOMALILAND EE IS-BEDDELKA TIKNOOLOJIYADA IS-GAADHSIINTA: Gardaadinta Shirkadaha Gaarka loo Leeyahay iyo Gacan-Qabashada Dawladda Qalinkii: Mohamed Hussein KHAN 6 Oct 2019 – Stockholm, Sweden Email: mohamedali2020@hotmail.com Hordhac Kooban Xilliyadan tiknoolojiyada casriga ah ee ay maanta dunidu marayso waxa socda isbeddelo xidid-siib ah – is-beddelo si togan u saamaynaya nolol-maalmeedka dadweynaha. Waxayse isbeddeladaasi yihiin dhaxal-wareejin la mahadiyay oo qaybaha kala duwan ee nolosha inoo fududaynaya. Waa isbeddelo ku socda xawli iyo xawaare sareeya oo mar walba sidii hirarka badda si isdabo-joog ah u soo labo kacaya. Wixii maanta cusbaayee laga dabo dhacay ayaa durbadiiba noqonaya calal duugoobay oo la tuurayaa. Wixii maanta la calmadee la deydeyey ayaa beritoba laga dookh-baxayaa oo aan kaamba la odhanaynin. Bal akhriste, dib u yara milicso telefoonada koorta[1] (mobile phones) marxaladihii ay soo mareen arag ahaan, samays ahaan iyo farsamo ahaanba. Maanta halkay marayaan telefoonada koortu waynu wada og nahay: Koortii ugu horaysa waxa keliya loo adeegsan jiray ku hadal uun. Maantana waxa uu u dhalan-rogmay laab-salaax (smart phones) oo dadkii yar iyo weynba la wada salaaxayo. Dad wada fadhiya oo aan is laba hadlayn ayaad arkaysa oo mid waliba dhiniciisa u fooraro. Halkii laga soo hayaamay iyo halka maanta la marayaa waaba kaaf iyo kala dheeri. Kobcinta Dhaqaale Xeebeedka – Dhaqaalaha Midab Cireedka (Blue Economy) Qaaradda Afrika waxay ay leedahay xeeb aad u dheer oo dhereran 30,500 km. 55ka dal ee qaaradda ku yaala, 39 ka mid ah ayaa xeeb leh (71% ku dhowaad ¾ ama 4tii dalba 3 ayaa xeeb leh). Xeebta ugu dheer waxa leh Jasiiradda Madgaskar (4,828 km); ta ugu gaabanna DR Congo (37 km). Afrika waxa ‘edeg-ku-jir-ah’[2] (landlocked) oo aan xeeb ba lahayn haba yaraatee 16 dal (29%). Somaliland waxa leedahay xeeb dherekeedu yahay 850 km. Waxa ka xeeb dheer 15 dal oo keliya (38.5%), waxaany ka xeeb dheer tahay 24 dal (61.5%) oo u dhiganta in ku dhow 2/3 (saddex daloolkiiba labo). Marka tiradaasi lagu daro dalalka ‘edeg-ku-jirka-ah’, 40 dal oo Afrika ku yaala ayay Somaliland kaga hodansan tahay xagga xeeb-dheerida (72.7%) taasi oo haddaynu si kale u dhigno u dhiganta ku dhowaad ¾ (afartii daloolba saddex). Qorshayaasha horumarineed ee caalamka siiba dalalka soo koraya waxa hadda diiradda xoog loo saaraa ka faa’iidaysiga khayraadka badda oo si Dalalka Afrika een xeebta lahayn gaar ah dhaqaalahooda loo kobciyo. Waxa loo curiyaa fikrado horumarineed oo aan hore u soo jiri-jirin (innovative). Erey-bixin cusub ayaa dhaqaalaha badaha loo unkamay si loo gardaadiyo. Waxa loogu wanqalay ‘dhaqaalaha midab cireedka’ (blue economy). Waa xeelad gacan-qabasho iyo dhiiri-gelin gaar ahaaneed oo looga jeedo in aan dhaqaalahaa cusubi curdin-dhadhin oo aanu ku dhex milmin dhaqaalaha guud ee soo jireenka ahaa. Horumarka Tiknoolojiyada Isghaadsiinta ee Shirkadaha Maxaliga ahi ku Talaabsadeen Saddex shirkadood oo maxali ah ayaa maanta dalka ka jira: SomTel waxa dhidibada loo taagay 1998kii, TeleSom-na 2002dii, SomCable-na 2009kii[3]. Saddexda shirkadoodba – haba kala badsadaane hana kala horeeyeene – waxay qayb libaax ka qaateen horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland maanta ku naalooto. Sumcad weyn iyo magac meel mar ah ayay Somaliland ku leedahay shirkadaha caalamka ee is-gaadhsiinta. Haybaddaa waxay ku hanateen horumarka ay ku talaabsadeen iyo guulaha ay gaadheen shirkadaheenaa adduunka hormuudka ka ahi. Haddii aynu si aad u kooban sii faahfaahinno guulahaasi kuwa indhaha soo jiitay waxa ka mid ah: Bill Gates (mulkiilaha MicroSoft ahna maal-qabeenka 2aad ee adduun-weynaha) ayaa shirkadda TeleSom iyo adeegga Zaad ku xusay hadal uu jeedinayay kuna amaanay shir caalamiya oo ka dhacayay magaalada Boston (USA) 2004tii. Guddoomiyaha TeleSom Abdikarim M. Eid[4] ayaa 2018kii ku guulaystay billad-sanadeedka AfricaCom ku maamuusto laguna dhiiri-geliyo is-gaadhsiinta Afrika. Waa billad-sharafeed huwan marag-kac, magac iyo maamuus caalami ah. Xawilaadda Lacagaha ee Telefoonada Koorta[5] (mobile phones) Hawlaha lacago ku diridda/kaydsashada ee telefoonada koortu maanta adduunka way ku faafeen waxayan ku yeesheen dhaqaale kobcin togan. Ogowoo, 11 sanadood ka horna mabay jirin haabkana lagumaba haynin. Dalalka aanay ka jirin baananku amaba ay ku yar yihiin sida dalkeena, adeeggaasi waxa uu noqday sime dadka oo dhan wada sima – adeeg uu qofkuba kaga maarmi karo inuu baan xisaabeed yeeshaba. Adeeggan koortu waxa uu u fududeeyay lacag diriddii, kaydsashadii iyo biil-bixintii intaba. Qof heleya adeeggaasi ‘asaasiga ahi (basic) muxuu uga baahan yahay baan inuu xisaab ka furto? Addeeggaasi ay koortu ibbo furtayna waxa uu aad u anfacay dadkii aan wax qori karayn oo ka maarmay jeeg qoristiiba. Adeeggaasi casriga ah waxa adduunka gadhwadeen iyo calan-sideba u noqoday dalka Kenya. Shirkadda is-gaadhsiinta ee SafariCom ayaa sannadkii 2007dii daah-furtay adeegga lacagaha ee M-Pesa. Curad-xigeenkiina waxa uu noqday dalka Somaliland oo sannadkii 2009kii isna baalasha la kala baxay. Shirkadda TeleSom ayaa daaha ka rogtay adeegga Zaad ee manta miyi iyo magaaloba la wada mahadiyay. Koor-xawilaadda lacaguhu maanta Afrika si qumman ayuu uga hano qaaday. Cilmi-baadhis la soo bandhigay Ogost 2018kii waxa lagu shaaciyay in dadka reer Kenya ay Afrika ku hoggaaminayaan koor xawilaadda lacageed (58.4% oo macanaheedu yahay 10kii qofba, lix ku dhowaad baa adeegsada). Waa la yaabe waxa ku xigta Somaliland (37.1% oo macnaheeda yahay 10kii qofba wax afar ku dhow ayaa adeegsada). Sida kor ku xusan, adeeggan cusub daah-furkiisa Kenya ayaa curad ka ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Xagga boqolayda (%) isticmaalka dadweynaha dalalka Afrika haddana Kenya ayaa curad ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Waa mucjiso ay Somaliland ku talaabsatay. Waxa iayan jirta oo xusid u baahan cilmi-baadhis 2014kii si gaar ahaaneed iyana lagu sameeyay isticmaalka ZAADka waxa lagu xaqiijiyay in uu celcelis ahaan qof waliba Somaliland uu adeegsado ZAADka 30 goor bishiiba taasi oo aad uga saraysa isticmaalka adduunka oo wakhtigaasi ahaa 8.5 bishiiba. Taasi waxay muujinaysaa in addeeggaasi meel muddakar ah uu kaga jiro nolosha iyo ganacsiga Somaliland. Xogahaa kala duwani waxay ka marag-kacayaan sida ay Somaliland uga mudhay dalalka kale ee Afrika iyo adduunka kaleba ee ka dhaqaalaha iyo awoodaha badnaa. Waa xogo muujinaya qaan-gaadhnimada horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland ku talaabsatay. Guulaha la filan karo ee soo socdana, weli fari kama qodna haddii aynaan inagu dawlad iyo shacab ahaan is habran isna hagran. Fursadaha Dahabiga ah ee Berbera ku Geedaaman Fursad badan oo dahabi ah ayay Berberi haystaa – waa haddii aynu garanno in aynu goosanno midhahaasi soo laalaada. Fursadaha is-barkan ee deegaanka Berbera ku suntan yahay haddaynu qaarkood taxno waxay yihiin: Deked dabiici ah oo joog dheer kuna taala goob si quman ugu beegan badhtamaha Somaliland si toos ahna ugu adeegi karta badhtamaha Somalia iyo bariga/koonfurta Ethiopia-ba. Bad dihin oo dheer oo la butaacaysa kaluumo noocya badan oo looga jilaaban karo si fudud -waa haddii si lexe-jeclo leh loo maareeyo jilaabashada kaluunka Deked casriya oo la balaadhinayo oo tartan adag la geli doonta dekedaha gobolka ku yaala Garoon diyaaradeed oo aad u dheer Marinka Berbera (Berbera Corridor)[6] Xogo ku saabsaan garoonka Berbera: Xagga dhererka dhabbaha ay diyaaraduhu ka haadaan, garoonka Berberi waxa uu cidhiidhsaday kaalinta 11aad madaarada Afrika kuwa ugu dhabbaha (runway) dheer. Gobolka Geeska iyo Bariga Afrikana, Garoonka Bole (Addis Ababa) ayaa ugu dhabbo dheer (4,725m), Berberina kaalinta 2aad ayay ku jirta (4,140m). Waa kaalin mug leh oo ay Berberi ku guulaysatay. Xuddun-xidhka Xadhkaha Fiber Optic-ga (Fiber Optic Cable Termination Station) Waxaynu ka wada war qabnaa in aanay Somaliland lahayn xuddin-xidhka xadhkaha (Cable Termination Station) ee Fiber Optic-ga badaha hoos mara. Adeeggaasi lagama maarmaanka u ah horumarka iyo koboca dhaqaalaheena waxa la inooga soo talaalaa dalka Djibouti ee aynu jaarka nahay. Waxase dhowaan inagu soo fool leh fursado la xidhiidha xuddin-xidhka xadhkahaasi oo u baahan in aynu isha ku hayno si xilkasnimo iyo wadanimoba lehna dalka iyo dadkaba looga faa’iideeyo. Waa fursad ahmiyaddeeda leh oo ah and guud oo aan la yaraysan karin. Xadhigga badda-hoos-maraha ah (subsea cable) ee loogu wan-qalay magaca DARE (Djibouti Africa Regional Express) waxa uu badda hoosteeda daadsan yahay 5,400 km. Sida ku cad khariidadda, waxa loogu talo galay in uu isku xidho marsooyinka Geeska iyo Bariga Africa ee kala ah Djibouti-Berbera-Bossasso-Mogadishu-Mombasa (Dar es Salaam-na waa la hadal hayaa). Lahaanshaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) waxa uu udub-dhexaad u yahay jiritaankeena dalnimo iyo qarannimo. Waxa uu lagama maarmaan u yahay koboceena dhaqaale, difaaca dalkeena, ganacsigeena iyo xidhiidhadeena caalamiga ah. Xigasho: Connecting Africa: The Community for the Architects of Africa’s Digital Future. Xuddun-xidhku waa arrin khuseeya nabadgelyada guud ee waddanka (National Security Issue). Sida aan ciidmada aminga dalna uga maarmin, dal bad lihina sina ugama maarmo inuu yeesho xuddun-xidh uu si madaxbanaan oo aanu cidna marti uga noqon maamulidda danihiisa istraatijiyadeed. Dalna dal kale si kasta ha u lahaadaan xidhiidh sokeeye ehe uma dabo fadhiisto nabadgelyadiisa. Xuddun-xidhkuna maanta waxa uu noqday arrin amniga qawmiga ah si toosa ah u saameeya. Haddii aynu daacad ka nahay higsiga dalkeena ee taabanaya dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo haybaddaba, Somaliland waa in ay yeelato xuddun-xidh u gaar ah. Sina ugama maaranto. Geel jire geela waanu wada jirtaa, waanuu kala jirtaa. Gunaanad Horumar isgaadhsiineed (telecommunication) oo uu caalmaku majiirto ayay Somalilandta ku talaabsatay – waa Laandta curdinka ah ee aan caalamka cidina ka gardaadini, cidina aanay gacan qabani. Waa horumar lagu sheego mucjiso iyo u-qaadan waa uu dal aan aqoonsi haysani kaga roonaaday dalal ka dhaqaale iyo aqoonba badan. Koboca dhaqaalaha dalkeenu (iyo kan dalalka kaleba) sina ugama maarmi karo horumarka is-gaadhsiinta. Horumarkaasina isna kama maarmo xadhkaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) la soo qotonsho dekeddeena Berbera. Sina uguma haqab-beelayno xuddun-xidh aan edeggeena ku jirin oo aynaan si buuxda uga talin dal ahaan. Horaa loo yidhi ‘biyo gacmahaagaa lagaga dhergaa’. Shirkado, shacab iyo xukuumadba waxaan ku boorinayaa in si wada jir ah looga hawl galo sidii ay Somaliland u yeelan lahayd xuddun-xidhka xadhkaha fiber optic-ga ah oo ay hantideeda iyo taladeedaba leedahay. Waxaan qabaa haddii ay Berberi isku darsato casriyeeynta/weenaynta dekadeeda, marinka Berbera (Berbera Corridor) iyo xuddunta xadhigga fiber optic-ga inay noqon doonto deked la tartanta dekedaha ku yaala marin-badeedka Geeska iyo Bariga Afrika. Danta guud ee dalkeenu waxay ku jirtaa in guntiga loo wada xidho sidii loo hanan lahaa xuddun-xidhista Berbera. Higsigeena koboc-dhaqaaleed iyo horumarineed ayaan sinaba uga maarmin. Horumarka aynu dal ahaan higsanayno ayaa rumoobi lahaa haddii aynu ka faa’iidaysano fursadaha inagu xeeran. Shirkadaha is-gaadhsiineed ee gaarka loo leeyahay si xilkasnimo leh ayay u gardaadiyeen horumarinta tiknoolojiyadda ee Laanta. Magac iyo manfac ba dalka way inoo soo hooyeen. Maanta waxa loo baahan yahay dawlad u hiilisa – dawalad daadihisa oo gacan qabata si guulahaasi aanay u xagal daacin. Waxay u baahan yihiin HIIL QARAN!! Dardaarankaygu waa danta guud ha laga hormariyo danaha gaarka ah. Berbera garba-duub xidhnaanta aan ka dayno. Aan u wada gurmanno hiil bay inooga baahan tahaye. Ilaahaw labo taloba tii roon. Wa bilLaahi tawfiiq. [1] Ereyga ‘koor’ ayaan ka door biday isticmaalkiisa ereyga ‘moobil’ oo ah af qalaad. Koorta waxa loo xidhaa geela si dhaqdhaqaaqiisa loola socdo. ‘Koortana’ (moobilka) waxa loogu baaqaa qofka si loo xog waraysto. [2] Akhriste bal isku day inaad ereyga ‘landlocked’ ee aan ku erey-bixiyay ‘edeg-ku-jir’ la timaaddo erey kaga habboon. Inta aan ogahayna ma jirto hay’ad xukuumiya ama mid madani ah oo u xilsaaran ama isu xil-qaantay erey-bixinta af Soomaaliga. Afkeenu hubaal waa hodane, inagaa hagrannay. [3] Xogahaasi waxaan ka helay baadhidda Google search. Maadaama aan maqaalakani ahayn cilmi baadhis, xogahaasi sugnaantooda maan hubin kumanaan samayn dabo-gal. Maqaal waliba waa muhimaddiisa. [4] Abdikarim M. Eid waxa lagu maamusay guulaha la yaabka leh ee ay hoggaamintiisu u soo hoysay “Africa Digital”. Helidda billadda iyo qaddarintaba Abdikarim waxa uu u galay tartan adag waxaanuu kaga guulaystay guddoomiyayaal badan oo Afrikada kale ah. Waa magac iyo maamuus iyo weliba “ictiraaf” dadban oo u soo hoyday Somaliland. [6] Marinka Berbera waa waddo qorshaysan oo isku xidhi doonta Somaliland iyo Ethiopia. Waxa isku xidhmaya marsada Berbera iyo magaalo-xuduudeedka Wajaale oo uu gaadiidku uga sii gudbo doono dhinaca dal-weynaha Ethiopia. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul ugu hadlay Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ee maalmahan aadka loo hadal hayey kadib markii ay ku fashilmeen banaan-bax uu madaxweynaha amray oo ay qorsheynayeen. Madaxweyne Xasan Shekeh ayaa waxyaab leh ku tilmaamay in koox gaar ah lagu tilmaamo waddaniyiin, wixii ayaga kasoo harana laga dhigo dad aan dalkooda jecleyn, taasi oo uu ku qeexay dhaqan laga naxo. “Yey tahay cidda shacabka Soomaaliyeed ka qaaday waddaniyadda ee siisay koox gaar ah” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale is weydiiyay cida ay ka tirsan yihiin xoogaggan iyo haddii ay yihiin Shaqaalaha Rayidka iyo haddii kale, isaga oo sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo inay sharciyeyso xooggagan oo ku darto shaqaalaha dowladda, isagoo caddeeyay in cid aan sharciyad heysan in aan qarash lagu bixin. Xoogagga Wadaniyiinta oo uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, bishii June sanadkii 2018-kii, islamarkaana toos ugu amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeeya degmo kasta oo ku taala Gobalka Banaadir iyagoo ka qabta xilal sara oo muhiim ah. Xoogagga Wadaniyiinta ayaa degmooyinka waxay ku leeyihiin Kaaliye Sare oo ka awood badan Guddoomiyaha iyo dhamaan xubnaha kale ee degmada waxaana sidoo kale degmooyinka ugu qoran dhalinyaro la shaqeeya Kaaliyaha degmada. Markii hore waxaa loo aas aasay in ay ka shaqeeyaan Howlaha dariseynta balse hadda waxay toos ula fal galaan wax kasta oo quseeya degmada. Qaarkood ayaa ku dhiiraday in ay awood u yeeshaan talo soo jeedin xil ka qaadis Guddoomiye. Dadka qaar ayaa arintaan ku micneeyay Kacaan cusub oo lagu doonayo in lagu abuurto degmooyinka dad ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo noqda Xoogag u abaabulan difaaca Villa Somalia iyo kooxda ku xiran. Hoos ka daawo Xasan Sheekh Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay waxyaabaha hor-taagan inay dib u furmaan wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowlada federaalku ay sabab u tahay hakadka ku yimid wada-hadaladaasi, isla markaana ay sameysay waxkasta oo ay ku sii fogeyn karto Somaliland, midaasi oo ku sheegay inay lumisay suurta-galnimadii ay dib ugu furmi lahaayen wada-hadaladaasi. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Horn Cable ayaa waxa kale oo uu si adag u dhaliilay maamulka Farmaajo, kaasi oo uu ku tilmaamay mid fidno ka kicinaya Somaliland, isagoona xusay inay sii lumineyso nidaamkii faderaalka. Cabdiraxmaan ayaa weliba si gaar ah Farmaajo ugu dhaliilay sawir uu dhowaan la soo galay Kornayl Tuke, kaasi oo loo haystay inuu deegaanada Somaliland ka geystay dambiyo ka dhana bini-aadanimada. “Somaliland wax loo reebtay malahan, anigu waxaan ahay dadkii u horeeyay ee ka qeyliyay, waxaa laga joojiyay mucaawinadii oo la yiri ha la soo marsiiyo halkaan, oo markii hore qaab ka duwan mucaawinada loo siin jirey” ayuu yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuuna intaas kusii daray “Fidno ayaa dhexdeeda inta la abaabulay laga soo kiciyay, oo dad intay dowladda ka tageen deegaanadaasi fidno ka soo kiciyay. Waxkasta oo Somaliland ku sii fogaan kartana waa la sameeyay”. “Qof loo haysto inuu ku xad-gudbay muwaadiniin deegaankaasi Somaliland ka soo jeeda oo maxkamado Mareykanka ka dacweeyeen ayuu Madaxweynihii isla sawiray oo uu weliba soo garab istaagay”. Siyaasi Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda federaalku ay marba marka kasii dambeysa ay qaadeyso talaabooyin ka dhana Somaliland, midaasi oo uu sheegay inay god madow ku sii rideyso wada-hadalada labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii Shalay laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose islamarkaana ay dib u celisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dowladda ay dib uga laabato go’aankaasi. Dadkaan oo la soo xiriiray Caasiamda Online, ayaa sheegay in ay wajahayaan cadaadis xoog leh islamarkaana ay soo wajahday cabsi ammaan. “Waxaan dareemeynaa cabsi xoog leh waana noola hanjabayaa, qaarkeen waxay wajahayaan jirdil iyo xadgudubyo kale, DF-ka waxaan ka codsaneynaa in aysan nagu sii heynin dhibkaan oo ay noo fasaxdo Muqdisho” ayuu yiri qof qariyay magaciisa oo ka tirsan dadkii shalay laga celiyay garoonka Muqdisho. “Annaga maamulkaan waan ka filaneynay tacadiyo laakiin waxaa layaab noqotay dowladii aan ka sugaynay naxariis iyo badbaado ee nagu soo celisay meel aan qof ku noolaan karin” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay ee ka tirsan dad shalay laga soo masaafuriyay Kismaayo. Dadkaan ayaa u badan Xildhibaano ka tirsan Golaha Isbadal doonka Jubbaland iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah kuwaas oo ka soo hor jeeday maamulka Jubbaland, gaar ahaan hogaanka Madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ehelada dad lagu laayay degmada Diinsoor ee gobalka Bay ay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Diinsoor ka billaabeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Dadkaan ayaa ka cabanaya dilal dhacay sanado kala duwan, dad xabsiyo ku raagay oo aan Maxkamad xukumin, shacab la xiray oo la waayay nolal iyo geeri, caburin iyo hanjabaad joogto ah, taas oo ka imaaneysa maamulka degmada. Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo muddo dheer maamulaya degmadaasi, ayaa lagu eedeeyey inuu muulka degmada ku koobay qoyskiisa, sidoo kalena halkaasi lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ka soo horjeestay maamulka kadib tacadiyo ka dhacay Diinsoor. Warar kale oo laga helay Diinsoor ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo laga qabtay Diinsoor loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya oo ku xoogan degmadaasi. Saraakiil ka tirsan masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha looga yeeray Baydhabo islamarkaana dhowaan la dhageysan doono eedeymo ka dhan oo ku saabsan xadgudubyo ka dhacay Diinsoor. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la sugayay inta uu dib uga soo laabanayo Baydhabo, wararkii ugu dambeeyay ayaa soo sheegaya in shalay uu gaaray Baydhabo Madaxweyne Lafta-gareen islamarkaana uu kulan la qaadan doono Guddoomiyaha eedeysan ee degmada Diinsoor. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Your Highness Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, I write to you to deliver a message from the besieged people of Jubbaland, Somalia. Have you heard about the brutal blockade imposed on the people of Jubaland by the rogue Mogadishu-based government that misgoverns my country with your backing and blessing? Has the news of the human tragedy unfolding in the Jubbaland State of Somalia reached you? What have the poor and vulnerable people of Jubaland done to you and your country to deserve such savage and egregious assault on their humanity and dignity in the hands of the proxies of the Al-Thani ruling family in Mogadishu? Your Highness, Since the imposition of the blockade on your country by your Arab neighbors and former allies two years ago, you and your envoys have been going around the world to protest against the decision by Saudi Arabia, United Arab Emirates, Bahrain and Egypt to punish and isolate your country. You have even spent a fortune to procure the services of highflying public relations firms to lobby great powers and influential global opinion makers on your and your country’s behalf. During the recently concluded United Nations General Assembly meeting, you spoke articulately and passionately about the hardships suffered by your people following the blockade slabbed on Qatar. Your speech included the following moving statement: I stand before you while my country and people are subjected to a continuing and unjust blockade imposed since June the 6th {2017} by neighboring countries. The blockade involves all aspects of life including severing family ties…The blockade was imposed abruptly and without warning, prompting Qataris to consider it a kind of betrayal (highlights added). Your Highness, How could you reconcile the polar opposites so profoundly ingrained in your ways and so profusely esteemed in your governance? How can you so vehemently condemn and resist the isolation of your country by rival Arab nations and at the same time enable and empower your proxies in Mogadishu to blockade ‘abruptly and without warning’ and collectively punish a people much poorer and more vulnerable that ordinary Qataris? What gain is there for the ruling Al-Thani family in depriving the children of Jubaland of the vaccines so critical for their health and development? How can you remain silent when known Qatari assets in Mogadishu use and deploy funds and military arsenal provided by your country to deny the elderly, the sick and pregnant mothers the medical care they urgently need? Are the children, elderly and mothers of Jubaland less human than their Qatari counterparts? Do they not deserve the basic human rights, freedoms, and dignity you persistently and proudly proclaim for your people? The people of Jubaland do not have the billions of dollars and huge investment assets that allowed you to transport by air herds of Holstein cows from Europe overnight to ensure that Qatari families and households have milk for their children. However, they, by the grace of Almighty God, shall survive the unjust and egregious assault on their lives, livelihoods and dignity. Qatari’s current stance on Jubaland in particular and Somalia in general is all the more perplexing when one looks at the enlightened visions and generous contributions your small country has made towards global peace and sustainable development in recent years. In this connection I would mention the Educate-A-Child program funded by Qatar. As a former senior UN official, I had witnessed the positive impact of this program in Africa and Asia. In the case of Somalia, I was part of a team that worked on one such project that was implemented by UNESCO and UNICEF several years ago. It is difficult to understand how a country capable of showing such generosity suddenly allows itself to be linked to what is increasingly seen as a predatory cabal and associated criminal networks hell-bent on recklessly gambling away the sovereignty of my country and the dignity of my people. How could a rational royal mind reconcile showering a child with the blessings of education and subjecting the same child to unimaginable indignities, including debilitating levels of deprivation, even starvation? Your Highness, This humble open letter and the howls of gut-wrenching protests it carries would not be complete without bringing to your attention the piece published by New York Times on 22 July 2019, outlining how your country has destabilized mine with guns, cash and terrorism. The reputable newspaper revealed in great and graphic details the extent to which Qatar went to wreck the fragile peace in my country. The words of Khalifa Kayed al-Muhanadi, a businessman and reportedly a confidant of yours, and your Ambassador to Somalia clearly indicate Qatar has a dirty hand in the deadly business terrorist are conducting in Somalia. If true, this seems to confirm the serious accusation your gulf rivals leveled against the State of Qatar. Your Highness, You have every right to stand up for and defend the sovereignty and dignity of your country and people. But you have no right to bankroll the dirty war being waged against the people of Jubaland and Somalia as a whole. The $385 million you pledged reportedly to support education, infrastructure and humanitarian needs in the country are likely to be used to underpin the machinery of intimidation, terror and oppression routinely deployed by Villa Somalia against its own people. The same applies to the 68 armored vehicles you recently shipped to Mogadishu. Clear signs of this are already evident in Jubaland. The vast arsenal and loads of ammunition the Qatar delegation promised to deliver to Villa Somalia during the Somalia Partnership Forum concluded in Mogadishu yesterday will either be used to suppress all forms of dissent or will end up in the hands of Al-Shabab. ‘Just talk to our friends from the simple people of Somalia.’ One last thing Your Highness. In the audio recording obtained by The New York Times, your close associate, al-Muhanadi, urged your Ambassador to our country: ‘Just talk to our friends from the simple people of Somalia.’ I do not know what he means by ‘the simple people of Somalia.’ However, this statement in my opinion smacks of the medieval form of racism many ignorant Arabs display towards black people. I do not believe that al-Muhanadi and your Ambassador to Somalia represent the views and judgement of all Qataris. But I am afraid many like them might be lurking in the corridors of power in the government and state of Qatar. Your Highness, Please keep your guns, cash and purveyors of terror away from my country and my people. And for God’s sake also keep the wealthy racists and ignorant bigots in your midst where they belong: their enclave of choice in Qatar. Somalia has just started the process of moving out of the degrading and deeply humiliating legacy of a failed state. Its Provisional Constitution (PC) is in disarray and highly contested. Its institutions are fragile and extremely vulnerable to infiltration, destabilization, corruption, and even takeover by internal usurpers and/or external predators. We do not need al-Muhanadi and people like him. May the peace and blessings of God be upon you. Prof. Hassan Keynan is a retired former senior UN Official who worked in Africa, Asia and Europe. He can be reached at keynanhassan@yahoo.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliye cusub u magacaabay qaybta Booliska gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha qaybta gobolka Nugaal u magacaabay G/Dhexe Muumin Cabdi Shire, oo horay u ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada madaxtooyada. Muumin Cabdi Shire oo ku magac dheer (Muumin Madaxweyme) ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Taliya qaybta Booliska gobolka Nugaal, waxaa digreeto Madaxweyne loogu dalacsiiyay darajada G/Dhexe. G/Dhexe Muumin Cabdi Shire oo ah sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa hogaaminayay howlgalka loogu magacdaray Tayeynta caasimada oo dowladdu kula wareegayso hanti dadweyne oo muddo 30 sano ah gacanta ugu jirtay dad gaara. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal waxaa horay si ku meel gaara u hayay Cabdixamiid Maxamed Dirir. Digreetada dalacsiinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-76 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Gaashaanle Muumin Cabdi Shire loo dalacsiiyey derajada G/Dhexe Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Digreetada magacaabista Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Booliska Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi shalay ka degtay magaalada Kismaayo. Ilo-wareedyo ka tirsan hey’adda duulista hawada ayaa Caasimada Online in xaqiijiyay arirntaan, sidoo kale xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay xildhibaan Xasan Macalin ayaa ku soo daabacay bartiisa Facebook-ga warkan. Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka. Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo madaxweynayaal ka soo noqday maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo tiro xildhibaano ah ayaa la socday diyaaradaas, kuwaas oo socdaalka ay ku tageen Kismaayo ay siyaasiyiin badan ku tilmaameen is-miidaamin siyaasadeed. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale, dowladda Soomaaliya ay hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay shalay ka degtay magaalada Kismaayo. Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay waraaq ay u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019,ka, ka dib markii horay Wasaaradda ay u qaadacday natiijada doorashooyinkii ku soo gabagaboobey fashil ka dhashay afduub iyo musuqmaasuq cad oo lagu sameeyey hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey. wasaaradda ayaa habraacan ku tilmaantay mid abuuri doona kalsooni lagu qabi karo Baarlamanka loo soo doori doono Jubaland iyo natiijada doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Sidoo kale waxay sheegtay in uu ku dhisanyahay xaqiiqada jirta islamarkaana waafaqsanyahay Dastuurka federaalka iyo kan Jubaland uuna xaqiijinayo isfaham iyo midnimo buuxda oo laga gaaro khilaafaadka taagan. Shaacinta habraacan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo shaacisay habraaca doorasho cusub oo laga qabanayo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-6102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019-ka. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war rasmiya ka soo saartay wafdi dhowaan la shaaciyay inay ka qeyb gali doonaan caleema saarka Axmed Madoobe. Xukuumada ayaa sheegtay in aan laga qeyb gali karin caleema-saarkaasi, isla markaan si adag uga digtay in lagu milmo arrimaha siyaasada ee ka taagan dalka Soomaaliya. Cabdisamad Cumar Maal, Garyaqaanka guud ee Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee u gaarka ah Soomaaliya, marka laga reebo arinta wadda-hadalada labada dhinac, wuxuuna yiri: “Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada”. “Haddii ay noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya. Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-leeyihiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto”. Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Maalmihii la soo dhaafay uu soo if baxayey muran baahsan oo ka dhashay in wafdi xildhibaano ka tirsan Somaliland ay ka qeyb-galayaan xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa war-saxaafadeed dheer ka soo saartay qorsheheeda ku aadan maamulka Jubbaland. Qoraalka wasaaraddda oo aad u dheeraa waxaa lagu soo saaray habraac doorasho iyo guddi farsamo oo dajin doona qorshaha lagu soo dhisayo xubnaha baarlamaanka 2-aad iyo doorashada Madaxweynaha ee maamulka Jubbaland 2019. Habraaca doorashada ay wasaaraddu doonayso in laga qabto Jubbaland oo lagu soo koobay 26 qodob ayaa waxaa qodobadaas ugu muhiimsan, in wadaaradda arrimaha gudaha ay ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah ee doorashada maamulka munaasabada looga dhawaaqayana ay ku sugnaadaan goobjoogayaal caalami ah. In xubnaha xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulka Jubbaland loo madax banaynayo soo xulidooda odayaasha dhaqanka beelaha ay matalayaan. Sidoo kale habraaca dib u heshiisiinta ayaa waxay qoraalkeeda ku sheegtay wasaaraddu in ay guddi u xil saartay wargelinta iyo xiriirka beelaha, soo uruurinta iyo isku keenidda ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta Jubbaland iyadoo loo daadihin doono shirkaas qaabka ugu haboon ee xal looga gaari karo khilaafka bulsho iyo kan siyaasadeed ee ka dhex jira beelaha. Halkaan ka akhriso qoraalka oo aad u dheer Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
