Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,249
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuuraha ayaa goor dhow lagu dilay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa geystay rag ku hubeysnaa bistoolada oo Marxuumka la dhacay dhowr xabadood, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ilaalada sarkaalkaasi ay dhaawaceen mid ka mid ah ragga dilka geystay, iyagoona gacanta ku dhigay. Sarkaalka la dilay ayaa lagu soo warramayaa inuu Canshuuraha ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Shalay ayey aheyd markii askari ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya lagu toogtay gudaha suuq Bacaad, kaas oo kooxihii dilay ay horay uga sii qaateen hubkii uu watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxaa ay suuqa Siinaay ee degmada Yaaqshiid ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee dowladda hoose. Wararka ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysanaa ay sarkaalka ay ku soo weerareen Suuqa xili uu ku sugnaa ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka ay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay oo ay gacanta ku hayaan. Sarkaal la dilay ayaa Wararka waxaa ay intasi ku darayaan in uu ahaa Sarkaalkii Canshuurta ka qaadi jiray Suuqa Siinay, balse Maanta lagu toogtay Suuqaas. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah. Waxaan jirin ilaa iyo hadda warar ka soo baxay laamaha ammaanka ee cidanka dowladda federaalka oo ku aaday dilka sargaalka lagu dilay suuqa siinay, iyo waxaa ka jira in ay jiraan cid loo qabtay tilka sargaalka ka tirsanaa dowladda hoose. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dilal nuucaani oo kale ah kuwaas oo ay la kulmaan shaqaalaha dowladda iyo waliba dad rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hobyo (SMM) – Wajiga labaad shirweyne u dhexeeya beelaha wada daga deegaanada maamulka Galmudug ayaa maanta ka fumaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Xildhibaanada ka qeyb galayA shirkaasi waxaa horkacaya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Afhayeenka shirkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Salaad Yarow ayaa Shabelle uga warbixiyey waxyaabaha laga wada hadli doono iyo muhiimada kulankaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-guuleed.mp3 View the full article
  4. Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay kulamo u dhexeeyey, IGAD, Midowga Africa, AMISOM iyo Jubbaland ay ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka iyo doorashada maamulkaasi. Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in xubnaha ka socda IGAD, Midowga Africa iyo AMISOM ay ugu baaqeen Madaxweyne Axmed Madoobe inuu ka tanaasulo arrimo ay ka mid yihiin halka lagu qabanayo doorashada iyo in uu dib u eegis ku sameeyo guddiga doorashada oo ay horay cabasho uga keeneen qaar ka mid ah musharraxiinta. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka horyimid baaqaasi, wuxuuna tilmaamay in sida loo qorsheeyey ay u dhici doonto doorashada. Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale ku ballamay kulamo kale oo maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dhowaan ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  5. Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay loogu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Labadaan ruux ayaa xeer ilaalintu sheegtay in ay dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed. Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada. Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe. Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:- 15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad . 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum. 09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux . Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay ku geeriyoodeen 27ruux . Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Kismaayo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir u dhexeeyey urur goboleedka IGAD iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo wararku ay sheegayaan inuu fashil ku soo dhammaaday. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Maxamed Cali Guyo iyo madaxweyne Axmed Madoobe. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashada Jubbaland iyo tabashada ay qabaan musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Ugu horreyn wakiilka ayaa warbixin ka dhageystay Axmed Madoobe, taas oo ku aadan arrimaha ammaanka, doorashada iyo xaaladda guud ee dowlad goboleedka Jubbaland. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ergeyga IGAD uu soo jeediyey in ururkooda uu goobjoog ka ahaado doorashada, balse taasi uu ka biyo diiday madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wuxuu tilmaamay in arrimaha doorashada iyo qaban qaabadeeda ay u madax banaan yihiin guddiga doorashada maamulkaasi oo uu isagu magacaabay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada mas’uul ay ku ballameen kulan kale oo maanta ay ku yeelayanayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo la doonayo in lagu dhammeeyo isfaham waaga u dhexeeya IGAD iyo Jubbaland. Weli waxaa uu is jiid-jiid ka taagan yahay doorashada Jubbaland oo lagu wado in la qabto bishan August ee 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. The outcome of presidential elections in Jubaland in three weeks could influence the ongoing war against Al-Shabaab militants in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab. Labadaan nin ayaa dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed. Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan xoogaga Al-Shabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada. Halkan ka akhriso: Taariikhdu Markay ahayd 13/03/2019, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe. Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sidakusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:- 15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad . 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum. 09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux . Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay kugeeriyoodeen 27ruux . Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah. Labada xukunsane ayaa Xukunka Maxkamadda Racfaan ka qaatay 06/04/2019. Maxakamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa markale Dil ku xukuntay 04/05/2019. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/08/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-05082019.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab. Labadaan nin ayaa dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed. Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan xoogaga Al-Shabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada. Halkan ka akhriso: Taariikhdu Markay ahayd 13/03/2019, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe. Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sidakusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:- 15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad . 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum. 09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux . Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay kugeeriyoodeen 27ruux . Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah. Labada xukunsane ayaa Xukunka Maxkamadda Racfaan ka qaatay 06/04/2019. Maxakamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa markale Dil ku xukuntay 04/05/2019. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/08/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Sawirada labada nin ee dilka lagu fuliyay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Saaka dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab, ayna dilal iyo qaraxyo ka geysan jireen gudaha magaalada Muqdisho. Labada nin oo magacyadooda lagu sheegay Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadan ayaa sida maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay geysteen weerarro ay ku dhinteen dad kala duwan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jira. Dembiyada ay maxkamaddu ku heshay labada nin ayaa waxaa kamid ah Weerarkii 1 November 2015kii lagu qaaday Hotel Saxafi oo ay ku dhinteen dad badani iyo Dilka Xog-hayihii guud ee ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xaashi iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale. Sidoo kale waxaa lagu helay in ay ka dambeeyeen weerarkii Tiyaatarka iyo Daljirka Daahsoon oo ay ku dhinteen dad uu kamid ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad iyo weerar kale oo lagu laayay Qoys gaari saarnaa oo ay ku jireen Carruur kana dhacay meel u dhow Isbitaalka Ex Digfeer Ordugan. Labada nin oo ay hore xukun dil ah ugu rideen heerarka Kala duwan ee maxkamadaha ciidanka Qalabka sida ayaa Saaka Aroortii hore lagu toogtay Fagaaraha loo yaqaan Caddaalada ee magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo dil ku fulisay rag lagu helay Al-shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishii Julay oo ku beegneyd laba habeen kadib qaraxii Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir soo saartay amar safar dibadda ah iyo mid gudaha ah oo ka baxsan Muqdisho looga mamnuucayo dhamaan Guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir. Caasimada Online ayaa ogaatay in liiska magacyada Guddoomiye ku xigeenada Gobalka Banaadir iyo Saraakiil katirsan Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo Booliiska Gobalka Banaadir la dhigay Airport-ka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde. Dadka Safarka Dibadda ah laga joojiyay ilaa amar dambe waxaa ku jira Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Gobalka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Basma Caamir Shakeeti iyo Taliyaha Booliiska ee Xarunta Gobalka Banaadir. Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Airport-ka Muqdisho ayaa soo celiyay safar ay dibadda gaar ahaan Turkiga ku aadi laheyd Basma Caamir Shakeeti, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo dhowr canug oo ay dhashay. Sidoo kale Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya iyo Xubno katirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa loo diiday in ay u safraan dalka Dibadiisa iyadoo la sheegay in Booliiska ay qof kasta xaq u leeyihiin in ay baaraan xil kasta uu haayaba iyo magac kastaba uu leeyahay. Waxaa wali socda baaritaanka weerarkii ka dhacay Xarunta Gobalka Baanaadir waxaana la sheegay in Booliiska Soomaaliya ay su’aalo weydiinayaan dhamaanka Xubnahii ay aheyd in ay Shirkaas ka qayb galaan balse ka maqnaa iyo dad kale oo raadad soo galay. Weerarkii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ayaa nabar xanuun badan ku noqday Dowladda Soomaaliya waxaana socda eedeymo loo jeedinayo Dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. CAIRO (AP) — A multiple-car crash set off an explosion that ignited a fire at Egypt’s main cancer hospital and caused 19 deaths, the government said. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu hawgal militari ku qaadi doono kooxaha Kurdiyiinta Maraykanku taageero ee ku sugan bariga webiga Euphrates (Furaat) ee dalka Syria. “Horay waxaan u galnay Afrin, Jarabulus, iyo Al-Bab, haddana waxaan geli doonnaa bariga Euphrates, Xogtaasi waan la wadaagnay Ruushka iyo Maraykanka” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga. Mr Erdogan, ayaa sheegay in dowladda Turkigu aysan u sii dulqaadan karin, amni-darrada ay dalkeeda ka wadaan kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada ee fariisimaha ku leh gudaha waddanka Syria oo sida uu xusay ay ku jiraan Kurdiyiinta YPG. “Dowladda Turkigu kama aamusnan karto, rabshadaha iyo amni-darrada ay dalkeenna ku wadaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha Syria. Turkigu hore ayuu isaga difaacay weerarrada lagu beegsanayo dhulkeenna ee lagu curyaaminayo dhaqaalaheenna” ayuu yiri Erdogan. “Annaga oo kaashanayna Ilaahay, taageerana ka helayna shacabkeenna, waxaan sii wadi doonaa, burburinta kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay dalkeenna jihada ka lumiyaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweyne Erdogan, wuxuu sheegay in haddii aysan hawlgal ku qaadin kooxaha Kurdiyiinta ku sugan gudaha Syria YPG, oo sida uu tilmaamay gabbaad u ah Kurdiyiinta PKK, uu khatar wajahayo Xasiloonida iyo dhaqaalaha Turkiga. Dhinaca kale, Mr Erdogan ayaa ku faanay in dalkiisu uu guul weyn ka gaaray dhanka dalxiiska, taasina ay as’aas u tahay xasiloonida, isagoo xusay in haddii xasiloonidaasi lunto uu burburi doono dalxiiska waddanka. “Waxaannu guul weyn ka gaarnay dalxiiska, waxaanna sannadkan 2019 oo keliya marti-gelinay 50 malyan oo dalxiise” ayuu yiri isagoo ku faanaya dalxiiska waddankiisa. PUNTLAND POST The post Turkiga oo ku dhawaaqay in uu hawlgal militari ka fulinayo gudaha waddanka Syria appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Wadaadka aadka u taageera Dowladda Soomaaliya balse waayihii dambe qaladaadkiisa ku batay Madaxtooyada Soomaaliya ee Sheekh Cali Wajiis ayaa markaan wajahaya cadaadis xooggan oo ka imanaya Villa Somalia. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Sheekh Cali Wajiis, ayaa todobaadkii hore la kulmay Saraakiil katirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxayna ku wargeliyeen in Villa Somalia uu dhamaad ka joogo dulqaadka islamarkaana ay go’aan ka qaadan doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan hadii uu isbadal la imaan waayo. Cali Wajiis oo ah lataliyaha Arrimaha diinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hore loogu heestay islamarkaana ay dhibsadeen Madaxtooyada Soomaaliya hadal uu Facebook-giisa ku qoray kaas oo ku saabsanaa arrimaha Xejka. Sheekh Cali Wajiis, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna raali gelin ka bixiyay qoraalkaas oo qal qal geliyay Arimaha Xejka maadaama uu ahaa Guddoomiyihi Guddiga qaban qaabada Xajka oo ay magacaawday Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Villa Somalia ayaa dhibsatay Wareysi uu todobaadkii hore siiyay Wargeys ka soo baxa dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Al-Watan. Wareysigaas ayuu kaga hadlay eedeymaha loo jeediyay Dowladda Qatar ee Qaraxyada Soomaaliya. Sheekh Cali Wajiis, ayaa lagu amray in uu raali gelin ka bixiyo Wareysiga islamarkaana uu sheego in Wargeyska Al-Watan uu si qaldan u qoray Wareysiga si loo beeniyo wareysigiisa, waana uu ogolaaday Sheekh Cali Wajiis taladii iyo digniintii loo soo jeediyay. Wareysiga Sheekh Cali Wajiis, waxba ceeb ah malaheyn waxa uuna ahaa mid ka hadlayay aragtida Sheekha oo aheyd in Qatar ay suurta gal tahay in ay ku leedahay weerarada lagu eedeeyay kuwaas oo ka dhacay Muqdisho iyo Boosaaso. Villa Somalia ayaa siisay digniintii ugu dambeysay Sheekh Cali Wajiis, iyadoo sheegtay in aysan u dulqaadan doonin gaf kale oo uu ugeesto Dowladda Soomaaliya ama Dowladda Qatar waxaana la sheegay in uu aqbalay digniintaasi isagoo ballan qaaday in uu ilaalin doono danaha Villa Somalia iyo midda Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer dhiirri-gelin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan ee magaalada Muqdisho. Ciidankan oo sida la sheegay loo diyaariyay in ay qaadan hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ayaa Ra’iisul wasaaruhu u ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran waxaana uu kula dardaarmay in ay ka soo baxaan waajibaadkooda ciidanimo. Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidankan cusub waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-shabaab looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray ciidan tababar loo soo xiray appeared first on Puntland Post.
  17. A creeping cosmopolitanism is challenging entrenched conservative attitudes and many Somalis are undaunted by wanting a look that stands out. Source: Hiiraan Online
  18. Mohamed Ali says he's seen what civil war can do - and says he isn't prepared for Brexit to cause one in Britain Source: Hiiraan Online
  19. The suspect of the Texas massacre that left at least 20 dead reportedly posted a hate-filled, racist online manifesto before the murderous attack. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Shaqaalaha Shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay in ay wajahayaan hanjabaad joogta oo uga imaaneysa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Shaqaalaha qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo waceen Numbero isku mid ah islamarkaana ay ku wargeliyeen in ay ka haraan shaqada ay haayaan ama ay la kulmi doonaan ciqaab adag. Sidoo kale Shaqaalahaan ayaa halkii ay ka shaqeynayeen loogu daadiyay warqado ay ku qorantahay in ay joojiyaan Shaqada Shirkadda iyo dhismaha wadadaasi hadii kale ay talaabo adag ka qaadi doonaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee gobalka Banaadir. “Dhamaanteen waxaa nagala soo wacay 2 Number oo isku mid ah waxaana qof walba loo sheegay in loogu nasteexaynayo in uu shaqada joojiyo ama uu ciqaab adag la kulmi doono” ayuu yiri qof katirsan Shaqaalaha Shirkadaas. “Waxaan garan waayay waxa bixiyay Numbaradeenna, sidoo kale hadal isku mid ah ayaa nala dhahay” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay. Sidoo kale Maamulka Shirkadda iyo Saraakiisha amaanka ee qaabilsan ilaalada shaqaalaha iyo fulinta Mashruucaan ayaa Shaqaalaha la wadaagay xog ah in ay ka feejignaadaan Qatar kasta oo ka imaan karta Al-Shabaab islamarkaana ay jirto cabsi iyo hanjabaad ay la kulantay Shirkadda. Qof walba oo shaqadaan qayb ka ah waxay ku baraarugsantahay in ay ku jirto howl adag oo halis ah islamarkaana ay marti u yihiin weeraro iyo dilal gaadma ah laakiin waxay noo sheegeen in ay ku dedaalayaan sidii ay u taxadari lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Ugu yaraan 40 ruux ayaa sida la sheegay ku dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii duqeyn cirka ah lagu qaaday, goob ay ka socotay xaflad aroos oo ku taalla koonfurta galbeed ee waddanka Libya. Wararka ayaa sheegaya, in ciidamada daacadda u ah ninka awoodda badan ee Gen Khalifa Haftar, ay fuliyeen weerarka oo Axaddii ka dhacay degmada Murzuq. Warbaahinta ayaa xaqiijisay, in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen, dadkii ku sugnaa xafladda arooska ee la duqeeyay. Ku dhowaad 1,100 ruux ayaa sida la sheegayo dhintay tan iyo markii Gen Haftar oo ka soo duulay bariga waddanka Libya uu 4-April dagaal ku soo qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda Libya. PUNTLAND POST The post Libya: 40 ruux oo ku dhintay xaflad aroos oo la duqeeyay appeared first on Puntland Post.
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa soo saartay amar ay degaanadeeda kaga mamnuuceyso mid kamid ah Shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya waxaana lagu badalay Shirkad kale oo duulimaad islamarkaana laga leeyahay dalka Itoobiya. Waaxda Socdaalka Puntland ayaa lagu wareejiyay amar iyo wargelin ka dhan ah Shirkadda Duulimaadka Daallo Airline oo kamid ah Shirkadaha Soomaalida kuwoodii ugu horreeyay ee dalka ka shaqeeyay bur burkii kadib ilaa hadda. Shirkadaan ayaa waxaa iskaleh Madadxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ,oo markiisii hore ahaa Ganacsade Soomaaliyeed, sidoo kalane ku jira Arimaha Siyaasadda dalka. Waaxda Socdaalka Puntland ayaa lagu wargeliyay in degaanada maamulkaasi aysan ka soo dagi karin Shirkadda Diyaaradda ee Daallo Airline islamarkaana ay Xogtaan la wadaagaan maamulka Shirkadda iyo Garoomada diyaaradaha dalka ee ka soo baxayso diyaaradaasi. Dhinaca kale Puntland waxaa dhowaan degaanadeeda ka shaqa billawday Shirkadda Duulimaadka ee Ethiopian Airlines, taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay waday dhaq dhaqaaq iyo tartan ganacsi ay la galeyso Shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya. Sababta ugu weyn ee Daallo Airline looga mamnuucay degaanada Maamulka Puntland ayaa la aaminsan yahay in ay tahay kadib markii lagu eedeeyay in ay Muqdisho ka abaabushay kulan ka dhan ah Shirkadda Ethiopian Airlines oo duulimaad Local ah ka bilaawday dalka. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadda Daallo Airline oo ku aadan go’aanka degaanada maamulka Puntland looga mamnucay, waxaase Xusid mudan in Shirkadaan uu Diyaaradaha uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com