Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,207
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishii Julay oo ku beegneyd laba habeen kadib qaraxii Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir soo saartay amar safar dibadda ah iyo mid gudaha ah oo ka baxsan Muqdisho looga mamnuucayo dhamaan Guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir. Caasimada Online ayaa ogaatay in liiska magacyada Guddoomiye ku xigeenada Gobalka Banaadir iyo Saraakiil katirsan Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo Booliiska Gobalka Banaadir la dhigay Airport-ka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde. Dadka Safarka Dibadda ah laga joojiyay ilaa amar dambe waxaa ku jira Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Gobalka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Basma Caamir Shakeeti iyo Taliyaha Booliiska ee Xarunta Gobalka Banaadir. Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Airport-ka Muqdisho ayaa soo celiyay safar ay dibadda gaar ahaan Turkiga ku aadi laheyd Basma Caamir Shakeeti, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo dhowr canug oo ay dhashay. Sidoo kale Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya iyo Xubno katirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa loo diiday in ay u safraan dalka Dibadiisa iyadoo la sheegay in Booliiska ay qof kasta xaq u leeyihiin in ay baaraan xil kasta uu haayaba iyo magac kastaba uu leeyahay. Waxaa wali socda baaritaanka weerarkii ka dhacay Xarunta Gobalka Baanaadir waxaana la sheegay in Booliiska Soomaaliya ay su’aalo weydiinayaan dhamaanka Xubnahii ay aheyd in ay Shirkaas ka qayb galaan balse ka maqnaa iyo dad kale oo raadad soo galay. Weerarkii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ayaa nabar xanuun badan ku noqday Dowladda Soomaaliya waxaana socda eedeymo loo jeedinayo Dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. CAIRO (AP) — A multiple-car crash set off an explosion that ignited a fire at Egypt’s main cancer hospital and caused 19 deaths, the government said. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu hawgal militari ku qaadi doono kooxaha Kurdiyiinta Maraykanku taageero ee ku sugan bariga webiga Euphrates (Furaat) ee dalka Syria. “Horay waxaan u galnay Afrin, Jarabulus, iyo Al-Bab, haddana waxaan geli doonnaa bariga Euphrates, Xogtaasi waan la wadaagnay Ruushka iyo Maraykanka” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga. Mr Erdogan, ayaa sheegay in dowladda Turkigu aysan u sii dulqaadan karin, amni-darrada ay dalkeeda ka wadaan kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada ee fariisimaha ku leh gudaha waddanka Syria oo sida uu xusay ay ku jiraan Kurdiyiinta YPG. “Dowladda Turkigu kama aamusnan karto, rabshadaha iyo amni-darrada ay dalkeenna ku wadaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha Syria. Turkigu hore ayuu isaga difaacay weerarrada lagu beegsanayo dhulkeenna ee lagu curyaaminayo dhaqaalaheenna” ayuu yiri Erdogan. “Annaga oo kaashanayna Ilaahay, taageerana ka helayna shacabkeenna, waxaan sii wadi doonaa, burburinta kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay dalkeenna jihada ka lumiyaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweyne Erdogan, wuxuu sheegay in haddii aysan hawlgal ku qaadin kooxaha Kurdiyiinta ku sugan gudaha Syria YPG, oo sida uu tilmaamay gabbaad u ah Kurdiyiinta PKK, uu khatar wajahayo Xasiloonida iyo dhaqaalaha Turkiga. Dhinaca kale, Mr Erdogan ayaa ku faanay in dalkiisu uu guul weyn ka gaaray dhanka dalxiiska, taasina ay as’aas u tahay xasiloonida, isagoo xusay in haddii xasiloonidaasi lunto uu burburi doono dalxiiska waddanka. “Waxaannu guul weyn ka gaarnay dalxiiska, waxaanna sannadkan 2019 oo keliya marti-gelinay 50 malyan oo dalxiise” ayuu yiri isagoo ku faanaya dalxiiska waddankiisa. PUNTLAND POST The post Turkiga oo ku dhawaaqay in uu hawlgal militari ka fulinayo gudaha waddanka Syria appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Wadaadka aadka u taageera Dowladda Soomaaliya balse waayihii dambe qaladaadkiisa ku batay Madaxtooyada Soomaaliya ee Sheekh Cali Wajiis ayaa markaan wajahaya cadaadis xooggan oo ka imanaya Villa Somalia. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Sheekh Cali Wajiis, ayaa todobaadkii hore la kulmay Saraakiil katirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxayna ku wargeliyeen in Villa Somalia uu dhamaad ka joogo dulqaadka islamarkaana ay go’aan ka qaadan doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan hadii uu isbadal la imaan waayo. Cali Wajiis oo ah lataliyaha Arrimaha diinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hore loogu heestay islamarkaana ay dhibsadeen Madaxtooyada Soomaaliya hadal uu Facebook-giisa ku qoray kaas oo ku saabsanaa arrimaha Xejka. Sheekh Cali Wajiis, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna raali gelin ka bixiyay qoraalkaas oo qal qal geliyay Arimaha Xejka maadaama uu ahaa Guddoomiyihi Guddiga qaban qaabada Xajka oo ay magacaawday Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Villa Somalia ayaa dhibsatay Wareysi uu todobaadkii hore siiyay Wargeys ka soo baxa dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Al-Watan. Wareysigaas ayuu kaga hadlay eedeymaha loo jeediyay Dowladda Qatar ee Qaraxyada Soomaaliya. Sheekh Cali Wajiis, ayaa lagu amray in uu raali gelin ka bixiyo Wareysiga islamarkaana uu sheego in Wargeyska Al-Watan uu si qaldan u qoray Wareysiga si loo beeniyo wareysigiisa, waana uu ogolaaday Sheekh Cali Wajiis taladii iyo digniintii loo soo jeediyay. Wareysiga Sheekh Cali Wajiis, waxba ceeb ah malaheyn waxa uuna ahaa mid ka hadlayay aragtida Sheekha oo aheyd in Qatar ay suurta gal tahay in ay ku leedahay weerarada lagu eedeeyay kuwaas oo ka dhacay Muqdisho iyo Boosaaso. Villa Somalia ayaa siisay digniintii ugu dambeysay Sheekh Cali Wajiis, iyadoo sheegtay in aysan u dulqaadan doonin gaf kale oo uu ugeesto Dowladda Soomaaliya ama Dowladda Qatar waxaana la sheegay in uu aqbalay digniintaasi isagoo ballan qaaday in uu ilaalin doono danaha Villa Somalia iyo midda Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer dhiirri-gelin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan ee magaalada Muqdisho. Ciidankan oo sida la sheegay loo diyaariyay in ay qaadan hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ayaa Ra’iisul wasaaruhu u ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran waxaana uu kula dardaarmay in ay ka soo baxaan waajibaadkooda ciidanimo. Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidankan cusub waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-shabaab looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray ciidan tababar loo soo xiray appeared first on Puntland Post.
  6. A creeping cosmopolitanism is challenging entrenched conservative attitudes and many Somalis are undaunted by wanting a look that stands out. Source: Hiiraan Online
  7. Mohamed Ali says he's seen what civil war can do - and says he isn't prepared for Brexit to cause one in Britain Source: Hiiraan Online
  8. The suspect of the Texas massacre that left at least 20 dead reportedly posted a hate-filled, racist online manifesto before the murderous attack. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Shaqaalaha Shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay in ay wajahayaan hanjabaad joogta oo uga imaaneysa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Shaqaalaha qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo waceen Numbero isku mid ah islamarkaana ay ku wargeliyeen in ay ka haraan shaqada ay haayaan ama ay la kulmi doonaan ciqaab adag. Sidoo kale Shaqaalahaan ayaa halkii ay ka shaqeynayeen loogu daadiyay warqado ay ku qorantahay in ay joojiyaan Shaqada Shirkadda iyo dhismaha wadadaasi hadii kale ay talaabo adag ka qaadi doonaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee gobalka Banaadir. “Dhamaanteen waxaa nagala soo wacay 2 Number oo isku mid ah waxaana qof walba loo sheegay in loogu nasteexaynayo in uu shaqada joojiyo ama uu ciqaab adag la kulmi doono” ayuu yiri qof katirsan Shaqaalaha Shirkadaas. “Waxaan garan waayay waxa bixiyay Numbaradeenna, sidoo kale hadal isku mid ah ayaa nala dhahay” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay. Sidoo kale Maamulka Shirkadda iyo Saraakiisha amaanka ee qaabilsan ilaalada shaqaalaha iyo fulinta Mashruucaan ayaa Shaqaalaha la wadaagay xog ah in ay ka feejignaadaan Qatar kasta oo ka imaan karta Al-Shabaab islamarkaana ay jirto cabsi iyo hanjabaad ay la kulantay Shirkadda. Qof walba oo shaqadaan qayb ka ah waxay ku baraarugsantahay in ay ku jirto howl adag oo halis ah islamarkaana ay marti u yihiin weeraro iyo dilal gaadma ah laakiin waxay noo sheegeen in ay ku dedaalayaan sidii ay u taxadari lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Ugu yaraan 40 ruux ayaa sida la sheegay ku dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii duqeyn cirka ah lagu qaaday, goob ay ka socotay xaflad aroos oo ku taalla koonfurta galbeed ee waddanka Libya. Wararka ayaa sheegaya, in ciidamada daacadda u ah ninka awoodda badan ee Gen Khalifa Haftar, ay fuliyeen weerarka oo Axaddii ka dhacay degmada Murzuq. Warbaahinta ayaa xaqiijisay, in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen, dadkii ku sugnaa xafladda arooska ee la duqeeyay. Ku dhowaad 1,100 ruux ayaa sida la sheegayo dhintay tan iyo markii Gen Haftar oo ka soo duulay bariga waddanka Libya uu 4-April dagaal ku soo qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda Libya. PUNTLAND POST The post Libya: 40 ruux oo ku dhintay xaflad aroos oo la duqeeyay appeared first on Puntland Post.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa soo saartay amar ay degaanadeeda kaga mamnuuceyso mid kamid ah Shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya waxaana lagu badalay Shirkad kale oo duulimaad islamarkaana laga leeyahay dalka Itoobiya. Waaxda Socdaalka Puntland ayaa lagu wareejiyay amar iyo wargelin ka dhan ah Shirkadda Duulimaadka Daallo Airline oo kamid ah Shirkadaha Soomaalida kuwoodii ugu horreeyay ee dalka ka shaqeeyay bur burkii kadib ilaa hadda. Shirkadaan ayaa waxaa iskaleh Madadxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ,oo markiisii hore ahaa Ganacsade Soomaaliyeed, sidoo kalane ku jira Arimaha Siyaasadda dalka. Waaxda Socdaalka Puntland ayaa lagu wargeliyay in degaanada maamulkaasi aysan ka soo dagi karin Shirkadda Diyaaradda ee Daallo Airline islamarkaana ay Xogtaan la wadaagaan maamulka Shirkadda iyo Garoomada diyaaradaha dalka ee ka soo baxayso diyaaradaasi. Dhinaca kale Puntland waxaa dhowaan degaanadeeda ka shaqa billawday Shirkadda Duulimaadka ee Ethiopian Airlines, taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay waday dhaq dhaqaaq iyo tartan ganacsi ay la galeyso Shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya. Sababta ugu weyn ee Daallo Airline looga mamnuucay degaanada Maamulka Puntland ayaa la aaminsan yahay in ay tahay kadib markii lagu eedeeyay in ay Muqdisho ka abaabushay kulan ka dhan ah Shirkadda Ethiopian Airlines oo duulimaad Local ah ka bilaawday dalka. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadda Daallo Airline oo ku aadan go’aanka degaanada maamulka Puntland looga mamnucay, waxaase Xusid mudan in Shirkadaan uu Diyaaradaha uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  12. Wasaaradda Caafimaadka waddanka Masar, ayaa shaacisay in 17 ruux ay ku dhinteen, 32 kalena ay ku dhaawacmeen, qarax ka dhashay tiro baabuur ah oo isku dhacday bartamaha magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaasi. Sidoo kale wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Masar, ayaa sheegtay in shilka gaadiid ee qaraxa dhaliyay uu dhacay, kadib markii baabuur si xawliya ku socda oo seedkiisa ka baxay, uu ku dhacay saddex baabuur oo kale, islamarkaana dab iyo qarax ka kacay. Wasaaradda ayaa tilmaantay in shilkaasi ka dhacay bartamaha magaalada Qaahira, gaar ahaanna aga’gaarka Mac-hadka Qaranka ee lagu barto cudurka KANSAR-ka Egypt’s National Cancer Institute. Dhinaca kale Xeer-ilaalinta guud ee waddanka Masar, ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo waxa sababay shilka, waxaana goobta shilka gaaray koox ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta, si ay baaritaan ugu sameeyan. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhashay shil-gaari oo dad badan ku laayay dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa la sheegaya in uu shuruudo adag ku xidhay in la soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya xukuumada Somaliland, isla markaan uu ogolaado wada-hadal midho dhala. Waxgaradka iyo Odayaasha beelaha Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo jiid iyo waan-waan ka dhex wadeen Jabhada Kornayl Caare iyo Xukuumada Somaliland, midaasi oo muddo hakad galisay dagaalkii labada dhinac. Suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo wafdi odayaala oo uu hogaaminayay ayaa shalay waxay kulan kula qaateen Buuraha gobolka Sanaag Hogaamiyaha Jabhadaasi Kornayl Caare, kuwaasi oo sii xoojinayay cadaadiska lagu saarayey Kornaylka in uu wada-hadal la furo xukuumada Madaxweyne Biixi. Kornayl Caare ayaa lagu soo waramayaa in uu shuruudo dhowr ah hor-dhigay odayaashan u tagay, kuwaasi oo uu ku xiray in wada-hadal midho dhal ah la furo xukuumada Somaliland, isla markaana u noqota bilowga daminta colaadaasi. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayan in Kornayl Caare uu dalbaday lacag dhan 2-milyan oo dollar, taasi oo uu ku macneeyay inay tahay magdhowga hubka lagu qarameynayo ciidamada Jabhada, maadama sida uu sheegay ahaa hanti beelo laga soo ururiyay. Si kastaba, Xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegtay in xiisada kala dhaxeysa Jabhada Kornayl Caare ay ku dhameyn doonto wada-hadal, midaasi oo suurta-galinaysa in dalabaadka Caare xukuumadu qalinka ku duugto. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Madaxada Somaliland in badan ayey ku celceliyaan xadka xoog baa lagu soo xidhayaa. Wuxu hadalku u dhacayaa waa xadka Puntland iyo Somaliland oo ah kii ay lahaayeen maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland iyo mustacmaraddii Talyaaniga ee Somalia; ka hor 1dii Luuliyo 1960kii. Summad aan ku dhigtee, dulucda maqaalkani kuma saabsana sax ama khalad ka uu yahay xadkii isticmaarku; sidoo kalena sax iyo khalad ka uu yahay xad dawli ah oo abtirsiin-raac ahi. Maqaal hore ayaan ka qoray mowduucaas. Fadlan arag tixraaca hoose. Waa arrin murugo leh, muddo imika ku sii siqaysa 30 sannadood, in dad badan ku dhinteen, ku naafoobeen ama ku barokaceen isku-dhacyada dhinacyada kala duwan ee ku hardmayey deegaanada bariga Sanaag, bariga Sool iyo Buuhoodle. Isku-dhacyadaas oo dhexmarayey: Puntalnd, Somaliland, Khaatumo iyo Jabhaddii SSC. Waxa kale oo murugo leh dagaalka reeraha dhexdooda ah ee ay ugu dambaysay shaqaaqadii bishiii September 2018kii ka dhacday Dhumay, koofurta Laascoonood, oo ay dad badani ku dhinteen, qaar ku laxaad beeleen, kuwana ku baro-kaceen. Waxa iyana aad fajac ka qaadi in bishii Janaayo horaamaheedii 2018kii, in aynu subax ku soo toosnay dagaal milatari oo ay ciidamada Somaliland ku qaadeen goobta caanka noqotay ee Tukaraq iyo isku dhacyadii faraha badnaa ee fool-ka-foolka ahaa ee isla baradaas ka dhacay. Taas oo ilaa hadda taagan, la iskuna hor fadhiyo, xataa dhexdhexaadin ay ka galeen Qaramada Midoobay (UN) iyo ururka Midowga Afrika (AU). Bal qabsoo muddo yar baa u dhaxaysay markii Somaliland weerarkaa qaaday iyo caleemo saarkii madaxweynaha cusub, Md Biixi. Madaxweyne Biixi wuxu ku dooday, isagoo dalo u samaynaya duulimaadkiisa, in aanu weli gaadhin xadkiisii. Xadka uu gaadhayo ama soo xidhayaa waa kee? Xadku ma mid aan la gaadhin baa? Sidee loo soo xidhi karaa xad dherekiisu dhan yahay ilaa 650Km, ugu yaraan? Waxa gacantiisa ku jiray labada magaalo gobol (Ceerigaabo iyo Laascaanood), nabad-na ahaa, tahdiid milatari-na ma ay muuqan markaas. Sida keliya ee dhul lagu qabsadaa, marka aan qalbigu shacabku kula socon, waa xoog. Xoogguna, xilligan casriga ah, ee baaruudda qaraxda la isla beegasnayo, ma aha wax sahlan. Taas macanaheedu ma aha in aysan jirin dad taabcsan Somaliland. Taasi waxa marag u ah magaalada Laascaanood. Shacabka Laascoonood xasiloonida nabadda ay haystaan waxay u mareen dariiq nabadeed iyo dib-u-heshiisiin. Weliba, waxa shaamabad ku sii dhufatay heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ee ay Caynabo ku kala saxeexdeen bishii August 2017kii. Dhanka kalena waxa marag cad ah in aan xoog shaqaynayn Buhoodle oo xoog kasta la dul dhigay, weeraro darandoori ah lagu qaaday sannadihii 2012-13, ilaa haddana maalin qudha aan cag la dhigin. Dadka qalbigaa laga hantaa. Buuuhoodle ba sow xadka kuma taalo! Marka aad u fiirsato waxa aad is-odhan shayga xad la yidhaa waa ba dhalanteed. Xad-maamul, sideedaba, waa xariiq la jeexay, ama la mala-awaalay; ay wacan tahay in la isku raaco, dabeetna lala noolaado. Dagaal ma soo saaro xad-dawladeed. Bal aan marjac ahaan soo qaato sida uu dagaalka u qeexay faylasuufka Clausewitz,“dagaalku waa sii wadidda ujeedo siyaasadeed oo si kale lagu gaadhi waayey”. Hase yeeshee waxa aynu ognahay in Somaliland deegaanada ay hadda joogaan badidooda ay ku gaadhay nabad iyo aqbalka shacabka. Haddaan mar kale soo amaahado xikmadda faylasuufkii Clausewitz, “dagaalku ma ha cayaar waqtiga la isku dhaafiyo, ama qar-iska-maqiiq loo qaado guulaysa uun, mana aha shaqo-bilaash loo xiisoodo: waa marin halis ah oo looga gol-leeyahay yool culus oo culus”. Waxan qabaa in nuxurkii caalimka aanan soo wada turjumin ee fadlan qasadka ka raac. Waxan uga socdaa tallow yaa garanya ujeedada m/weyne Biixi uu ka lahaa duulaankiisii Tukaraq ee bishii Janaayo 2018? Ujeedadaasi ma cadda: ilayn ilaa hadda xad la gaadhay oo la soo xidhay ma jiree! Sida keliya ee lagu fasiri karaa waa in uu Md Biixi aaminsanaa, marku qaadayey duulaanka: in dagaalku yahay ciyaar-ciyaar dhoolo-tus ah. Sow tii la lahaa Md Biixi waa colonel. Malaa wuu ilaabay qeexidda erayga dagaal! Maxaa lagu fasiri karaa madaxda Somaliland ee imika soddon sanno ku dhowaad ku taamaysay xadkaa la tegayaa, khasaare badan oo nafeed iyo maalba keentay, joogtana dhiiggu u daato; haddana ku sii indho-adag yoolkaas – xadkaa la soo xidhayaa. Malaa ictiraafkaa sidaa ku jira! Xadku sidiisaba ma aha xariiq Ilaah samada ka soo rogay; waa xariiq dadku isku raaco si loo fududeeyo is-maamulka dawliga ah. Jeer kasta oo xoog lagu sameeyo, ma aha xad illaa deriskaagu aqbalo mooyee. Dagaalkii Somalia iyo Ethiopia ee 1977-78, waxa sabab u ahaa: Somalia oo aan aqbalin in uu xad yahay. Waxa aad hadal ku daysaa inta uu jiro fekerka Somaliland ee ah xadka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland xoog baa lagu soo xidhayaa, diriri waa ina daanweyne. Aniga ila ah maan guracan iyo garasho xumo. Allow noo sahal. Wa Bilahi towfiiq Tixraac: http://salaanmedia.com/2019/01/ismaan-dhaafka-dhexyaal-maamulka-puntland-iyo-somaliland- jan-19-19/ W/Q: Maxamuud C/llahi Axmed “Daneeya wadajirka Soomaalida UK” maxamuudaxmed@live.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay soo heleen Kitaab Qur’aanka Kariimka ah oo far-guri lagu qoray, kaasi oo lagu qabtay Koox tahriibisa waxyaabaha qadiimiga ee qiimaha leh. Kitaabkaasi oo laga farsameeyey Maqaarka Xayawaanka Gooddirka ayaa lagu soo qabtay Degmadda Yatağan ee Gobalka Muğla ee Koonfurta dalkaasi, sida ay sheegeen Ilo dhanka Ammaanka. Labo eedeysane oo qorsheynayey inay iibiyaan Kitaabka Qadiimiga ayaa lagu xiray hawlgal ay ciiddanka ammaanka qaadeen. Dhinaca kale, hawlgalkaasi waxay Ciiddanka ku soo qabteen qori aan sharciyeysnayn iyo matoorada gaadiidka.
  16. Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo ay weheliso Marwada Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Luul Yuusuf Xasan, ayaa caawa Casho sharaf u sameysay Haweenka Puntland. Kulanka Casho Sharafta ah waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Haweenka ee Dowladda Puntland Aamino Cismaan Xaaji, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano heer Federaal iyo heer Puntland ah iyo qeybaha kala duwan ee Haweenka Puntland. Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf oo khudbad kooban ka jeedisay halkaasi, ayaa dib u xasuusisay Haweenka doorkii ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Puntland iyo sida ay lafdhabar Haweenku ugu yihiin Bulsho kasta. Marwo Ijaabo waxay Haweenka uga mahadcelisay doorkii ay ka qaateen todobaadka Puntland iyo xuskii 1da August. Marwada Madaxweynaha ayaa Haweenka Puntland u sheegtay inay kala shaqeynayso wax ka qabashada tacadiyada haweenku la kulmaan. Ugu Danbeyn Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Marwo Ijaabo Maxamuud Yuusuf ayaa soo dhoweysay Shirkii Haweenka Puntland ee dhawaan ka qabsoomay Garoowe iyo qodobadii kasoo baxay, Marwo Ijaabo ayaa bogaadisay dadaalka Haweenka ee wanaajinta iyo horumarinta Puntland. PUNTLAND POST The post Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ballan-qaadyo u samaysay Haweenka Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saakay deegaanno hoos taga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada isgarabsanaya oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen Tuulo lagu magacaabo Buulo-Jebi iyo tuulooyin kale, kuwaas oo horay ay u maamuli jireen Al-Shabaab. Xiliga ay ciidamada dowladdu weerarka ku qaadeen ayaa waxaa la sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab lacago iyo xoolo ay ugu yeereen sakawaad ka qaadayeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaas oo u badan xoolo dhaqatto. Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay ku jiraan madixii amniyaadka iyo madaxii sakawaadka oo Al-shabaab u qaabilsanaay deegaanada saakay lagu weeraray. Saraakiisha hoggamineysa ciidanka xoogga dalka ee saakay la wareegay deegaanadaas ayaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada waxay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda, iyagoo u balan qaaday inaysan dib uga laaba doonin deegaanada ay ka saareen gacanta Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-04082019.mp3 View the full article
  19. The second reconciliation conference to end the tribal skirmishes and strengthen cooperation between Somalis and Oromo ethnic communities in Ethiopia has kicked off in Jigjiga on Sunday. The first meeting was held in Adhama, Oromia administrative capital earlier this year. Officials from Somali and Oromo regional states of Ethiopia led by President Mustafe Muhumed Omar and President Mr. Shinmelis Abdisa, elites the from the two communities, traditional leaders from both communities attended the conference at the administrative capital of Somali-Ethio regional state. Somali state President, Mustafe Muhumed Omar who opened the conference recalled the strong cultural and religious relationship between the two ethnic groups saying there is a need to fortify the bond and end the difference. On his side, the President of the Oromia region, Shinmelis Abdisa urged the two neighboring communities to stop listening to political interest groups and instead focus on their historic relations in the country. The two communities who are both pastoralists clashed over land, pasture, and water in recent years mainly after the government of Prime Minister Abiy Ahmed Ali. Several people were killed and hundreds displaced as the result of the tension but the new reconciliation conference is expected to bring a lost lasting solution. View the full article
  20. The slain mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman was laid to rest in Mogadishu on Sunday. Senior government officials led by President Mohamed Abdullahi Farmajo, Prime Minister Hassan Kheyre, the deputy speaker, Mahdi Mohamed Guled, the speakers of the lower and upper house of parliament attended the state funeral. The body of the late mayor who also doubled up as the governor of Mogadishu was laid to rest at Somali police Academy cemetery after Janaza prayers at Aden Abdulle International Airport. The government officials led by President Farmajo delivered their condolences to his family. Villa Somalia said the legacy left behind by Engineer Yarisow during his tenure will be remembered. The mayor who succumbed to injuries sustained from an al-Shabaab suicide attack on 24th July was among 8 government officials killed after the suspected female bomber blew her self up during security meeting chaired by the Mayor View the full article
  21. A former Puntland minister has survived a landmine explosion that targeted his vehicle at the center of the northeastern Somali town of Bosaso. Witnesses have confirmed that the explosion was targeting the vehicle of former finance minister of Puntland state, Haji Hassan Shire. The bulletproof vehicle was hit by the landmine at the back at a four-lane street near the former Ramadan Hotel in Bosaso. Injuries among his security staff have been confirmed. Shire Haji Farah was one of Puntland’s presidential candidates in the 2013 elections won by Abdulweli Mohamed Ali Gaas, but later held the positions of Puntland’s finance and planning ministers. Security forces in Bosaso town, Bari region, have not yet commented on the explosion, but in recent months, the city of Bosaso has become increasingly unstable, with bombings and killings claimed by the militant group, Al-Shabaab. View the full article
  22. Dr Shire Xaaji Faarax Wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland xilligii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waraysi uu bixiyey faahfaahin kaga bixiyey qarax [...] Source