Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,249
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dawladnimo marka laga hadlayo micne ahaan si guud erayga waxa weeye in wadan uu leeyahay dad loo igmaday inay hogaamiyaan wadankaas si ay ugu adeegaan dadweynaha una ilaaliyaan madax banaanida dalka iwm. Haddaan eegno dalka Soomaaliya waxaa moodaa dadka badankiis inay u fahansan yihiin dawladnimada eray ahaan oo keliya oo aad maqlaysid meelo badan in lagaga dhawaaqo waxaan leenahay dawlad, khaasatan sida hada wadankeenu u dhisan yahay ee ah maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya. Hadaba marka laga soo tago eray ahaan micnaha dhabta ah ee dawladnimo waa maxay? Dawladnimo akhristow kuma xirna tirada dadka wadanka degan iyo cabirka dhulka uu leeyahay ama haysto, sababtoo ah wadamada caalamka maanta marka aad eegto waxaa jira kuwa ka kooban hal magaalo oo keliya ama dhul aad u yar haddana magac dawladnimo leh meel sarena ka jooga nidaamka dawladnimada iyo qarannimada. Tusaale wadanka Singapor, waa dal aad u yar oo ka kooban hal magaalo, masaaxada dhulkeeda lagu qiyaaso 721m2 (Todoba boqol iyo labaatan iyo kow mitir 2-ba jibaaran) hadana dhinaca kale waa dawlad qani ah oo siweyn caalamka oo dhan loo ixtiraamo xag maamul, xag maaliyadeed iyo xag tayo aqooneed intaba. Tirada dadka Singapore waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 5,000,000 (Shan milyan iyo wax la jira) kana kooban qowmiyaddo iyo diimo kala duwan. Soomaaliya dhulkeeda waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 637,655 km² (lix boqol sodon iyo todoba kun, lix boqol konton iyo shan mitir laba jibaaran). Isu bar bar dhig baaxada dhulka Soomaaliya iyo kan Singapore ee aan kor ku xusnay iyo heerka tayo iyo horumar ee labada dal kala joogaan. Tirada dadka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ku dhow 15,000,000 (shan iyo toban milyan). Xornimadda Singpore waxay ka qaadatay dalka Malaysia sanadku markuu ahaa 1965 halka dalka Soomaaliya xornimada qaatay 1 Luulyo, 1960 kii. Waxaa sidoo kale tusaale aan u soo qaadan karnaa wadanka Qatar oo ah wadan muslim ah habka xukun kooduna ku salaysan yahay boqortooyo iyo xukun iska dhaxlid. Cadadka dhulkooda waxaa lagu qiyaasaa 11,437 km2 (Kow iyo toban kun, afar boqol sodon iyo todoba mitir jibaaran), waxayna ka mid tahay wadamada aduunka ugu qanisan saameyn weynna ku leh caalamka marka loo eego tirada dadkeeda iyo dhul ahaan. Tiradda dadka Qatar waxaa lagu sheegaa in ka badan 2,000,000 (laba milyan wax kor u dhaafsan). Hadaba burburkii dalkeena ka dib, hadaan Soomaali nahay maxaan ugu gaabsanay in dawladnimadeenu noqoto magac afka laga sheegto oo aynaan u fahamsanayn waxa dawladnimada dhabta ahi tahay. Inta aanan u gelin qoraalka intiisa kale, waxaan tusaale u soo qadanayaa dalka Ingiriiska oo aan muddo ku noolaa anigu; waxaan halkaas ku soo arkay nidaam ku salaysan dawladnimo rasmi ah ,taas oo ah in adeegyada kala duwan ee dadweynuhu u baahan yahay loo qabto, loona geeyo oo loo dhoweeyo sidaas awgeedna aan waxba looga baahnayn madaxda sare ee dalka hadey tahay Boqorad, Raysal wasaare, Wasiir, Xildhibaan iwm. Waxkasta oo qof ku noloshiisha u baahan yahay ahna waajibaad dawladeed wuxuu ka doonanayaa ama ka helayaa xafiiska dawladda hoose ee degmadda uu degan yahay iyo goobo kale oo cayiman. Kumana xirna qofku meesha uu degan yahay si uu u helo adeegga guud ee waajibaadka dawliga ah. Magaalo yar iyo mid waynba waa la geeyey waana laga helaa adeeg kasta. Adeegyada kala duwan ee qof ku ka helayo goobta ugu dhow ee uu degan yahay waxaa ka mid ah; xarumaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, daryeelka nadaafada iyo fayo dhowrka, siduu shaqo ku heli lahaa, taakuleynta dhaqaale ee qofka ama qoyska, meeshii uu u caban lahaa haduu waayo adeeggii uu rabay, maxkamad, booliis iwm. Wax siyaasi ahna uma baahanayo qofku waxyaalaha khuseeya nolol maal meed kiisa oo dhan. Dhamaan adeegyadaas uma baahanaysid inaad qof ka xaysato si uu kaala hadlo ama inaad laaluush bixiso iwm. Tusaalahaas kore kadib, hadaan eegno dawladnimadda Soomaaliya khaasatan maamul goboleedyada oo sida la sheego loo sameeyey in dadweynaha ay metaal adeegyada muhiimka ah gaarsiiyaan sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafada iyo fayo dhawrka, suggidda amniga, biyo nadiif ah, koronto joogto ah iwm waxay ku soo ururtay af keliya, dawlad baan nahay iwm. Hadii wax uun adeeg ahna la helo waxay ku baxdaa iyada oo la isticmaalayo eex, musuq maasuq iwm. Waxaan oran karnaa maamuladda hada dalka ka jira waxaa hareeyay tayo xumo, cadaalad daro, amni xumo, kala danbayn la’aan iwm. Hurumar wuxuu ka bilowdaa ka hortaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, ilaalinta sharciga, baabi’inta eexda iyo qof jeclaysiga, isla xisaabtan dhab ah iwm. Hadaadan intaa midna hayn, dawladnimo kaa fog kaana dheer. Adeegyada kala ah Cadaaladda, Caafimaadka, Waxbarashada iwm xagee ka joognaa? Cadaaladda. Cadaalad sideedaba waxay ku soo ururtaa in sharciga loo sinaado, aysanna jirin cid sharciga ka weyn ama ka saraysa. Qof kasta waa inuu adeecaa sharciga dalka isla markaasna sharcigu yahay mid siman oo ka fog waxyaalaha jebiya cadaalada sida eexda, qabyaalada, musuq maasuqa iwm. Lama heli karo cadaalad hadii kii cadaalada laga filayey uu yahay kan asagu aabaha iyo hooyada ka ah wax isdaba marinta, musuq maasuqa, eexda, qabyaalada, sharci jebinta iyo caburinta cid kasta oo tilmaanta waxa khaldan iyo cadaalad darada markaas jirta. Cadaaladdu waa inay tahay mid baahsan oo gaar siisan magaalo iyo miyi, waana in qof walba dareemaa cadaalad iyo sinaan, cadaaladna kuma timaado af laga sheegto ee waxay ku timaadaa in la arko iyada oo shaqeynaysa dadweynuhuna ku qancaan cida sharciga fulinaysa inay cadaalad ku dhaqmayso kuna hogaaminayso. Akhristow waxaa jira dad iyagu u bartay cadaalad darada lana qabsaday isla markaasna laga yaabo inay moodaan habka ay ku dhex nool yihiin ama dawladda ay ka tirsan yihiin inay cadaalad fasho. Waayo, waxaad arkaysaa iyada oo cadaalad daro baahsani jirto dad difaacaya cadaalad darada oo leh waa dawlad-deeni, yaan wax laga sheegin, yaan la dumin iwm. Dadkani waxay la qabsadeen ama xoogaa ka helaan habka cadaalad darada ku dhisan ee ay ku dhex noolyihiin sidaa awgeed waxay moodayaan hadii cadaalad timaado in iyaga wax ka dhumayaan ama ka ba’ayaan, taasna waa fikir khaldan oo inta badan kuwa xukunka dulmiga haya ay ka faa;iideystaan si ay u sii wadaan dulmigooda iyo musuq maasuqa. “Anaa iri ee hala yeelo iyo cadaalad isku meel ma galaan”. Caafimaadka Waxaan ognahay in caafimaadku yahay shay muhiim u ah nidaamka dawladnimo iyo bad baadada ummadda Soomaaliyeed iyo horumarkooda. Dawlad waxay mas’uul ka tahay bad baadada dadka iyo dalka, waxaana waajib ku ah inay ilaaliso caafimaadka dadweynaha kana ilaaliso cid kasta oo dhib u geysanaysa. Waxaa waajib ku ah dawladda inay maamul tayeysan u samayso kuwa ku hawlan hawlaha caafimaadka hadiiba uu yahay caafimaadku mid ku salaysan khaas (private health service) ama mid guudba (government provided health service). Wadamada caalamku way ku kala duwan yihiin sida caafimaadka noocyadiisa kala duwan loo hirgeliyo. Waxaa jira wadamo caafimaadku guud ahaan bilaash yahay sida dalka Ingiriiska, Faransiiska, Germany, Canada, Talyaaniga, Singapore, Kuuba, halka wadamada qaarkood uu yahay lacag ama habka caamiska ku salaysan sida Maraykanka iwm. Dalkeena Soomaaliya wuxuu caan ku ahaa in magaalo walba iyo degmo walba ay lahayd xarumo caafimaad ayna ka hawl geli jireen dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo tababaran dadweynahana lagu siin jiray lacag la’aan. Dhamaan adeeggii caafimaadka ee bilaashka ahaa wuxuu la burburay dawladdii Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1991. Wixii intaa ka danbeeyey waxay noqotay Soomaaliya guud ahaan goob ninkii doona uu yiraahdo dhakhtar baan ahay uuna furto goobo uu ku sheego xarumo caafimaad dadkana lacagta kaga gurto iyada oo aan cidna hubin adeegga ay bixinayso inuu yahay mid waa faqsan nidaamka caalamiga ah ee bixinta caafimaadka iyo daweynta dadka. Waxaan qirayaa in dad badan ay fureen xarumo caafimaad oo tayo leh burburkii ka dib balse ay dhinac socdeen kuwa kale oo farabadan oo dad aan xirfad caafimaad lahayn ay furteen dadkana lagu dhibaateeyey ilaa hadana jira. Balse waxaa guud ahaan meesha ka maqan sharciyeynta iyo ilaalinta bixinta adeegga caafimaadka iyo cidda bixinaysa, baarista iyo dhawrista tayada daawada dalka soo gasha taas oo ah shaqada dawlad mas’uuliyaddeeda gudanaysa ee aan ahayn magac u yaal keliya. Maxaa hor taagan akhristow, in maamuladda dalka ka jira ay hirgeliyaan nidaam caafimaad oo tayo leh maadaama ay iyagu yihiin kuwa mas’uulka ka ah dhawrista xaalada caafimaad ee dadka ay dawladda u yihiin ama ay metalaan. “War dhafoor buu ku yaal ” xaalada caafimaad iyo caafimaad bixinta ee dalkeena waan wada aragnaa waana wada ognahay.. Waxbarashada Sida caafimaadku u ahaa bilaash dalka Soomaaliya oo dhan xiligii ay jirtay dawladdii burburka ka hor ayaa waxbarashaduna u ahayd bilaash. Magaalo iyo deegaan kasta oo Soomaaliyeed wuxuu lahaa ama lahayd iskuulo iyo xarumo waxbarasho oo tayo leh kuwaas oo dadweynaha dhamaan kawada faa’iideysan jireen (universal education system) si bilaash ah, mana jirin cid ka qaday ee waa loo wadasinaa. Wixii burburka ka danbeeyey waxay noqotay jaantaa rogan iyo in dad ganacsi u furtaan iskuulo iyo jaamacado waxbarasho oo heerar kala duwan leh. In yar ayaa awood u leh inay waxbarashada noocaas ah ka faa’iideysato dadka Soomaalida, intaa yarina waxaa hubaal ah inaysan helin waxbarasho tayo leh lana socon karta caalamka intiisa kale. Waxaa caalamka oo dhan laysku raacay in waxbarashadu tahay sheyga keliya ee dad iyo dal ku hor maraan kagana hor maraan asaagood. Waxaa sidoo kale laysku raacay inay lagama maarmaan tahay ugu yaraan in waxbarashada asaasiga bilaash noqoto si markaas dhalaanka oo dhan u helaan waxbarashada asaasiga ah kana soo bilaabata galaaska 1aad ilaa 12aad iwm. Akhristow Soomaaliya matahay dal arinkaa u qumay una fududeeyey dhalaankeeda inay waxbarashada asaasiga helaan iyada oo bilaash ah goob kasta iyo meel kasta sida caalamka kaleba ka jirta ama dalku ahaan jiray ka hor burburkii nagu dhacay? Jawaabtu waa maya. Nidaamka dawligu wuxuu sidoo kale farayaa in la ilaalsho tayada waxbarashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed mana aha inay noqoto meel laga dukaamaysto waayo waxabarashadu waa meesha soo saarta mustaqbalka dadka iyo dalka, sidaa awgeed waa inay jiraan hay’addo dawli oo ilaasha ama kontoroola tayada waxbarashada guud ahaan iyo gaar ahaan macalimiinta wax dhigaysa, goobta wax lagu baranayo, nidaamka iskuulka ka jira, anshaxa iskuulka , iwm. Cabashooyinka ugu badan ee ka jira goobaha waxbarashada dalka Soomaaliya waxa weeye xaga tayada iyo iyada oo qaali ah marka loo eego dadweynaha Soomaaliyeed oo ah badankood sabool ah . Ilaalinta tayada waxbarashada waxaa mas’uul ka ah maamulka markaas ka jira magaalada ama deegaanka amase maamul goboleedka sida hada dalkeenu u dhisan yahayna iyaga ayaa laga rabaa inay ilaaliyaan tayada waxbarasho iyo in ay meel mariyaan in wiil iyo gabar kasta oo Soomaaliyeed ay hesho fursad waxbarasho oo bilaash ah. Ugu danbayn akhristow bal qodobada asaasiga ah ee aan kor ku xusnay sidee ayey uga jiraan maamulada kala duwan ee dalka Soomaaliya ka jira sida Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeele, Koonfur galbeed iyo Somaliland. Bal adigu qiimee dhinacyada cadaalada, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan nidaamka ka jira goobahaas ahna guud ahaan Soomaaliya. Dawladda Federaalka iyada waxaa laga doonayaa hab siyaasadeedka arimahaas balse fulinta iyo dhaqan gelinta inta badan waxaa arimahaas aan ka hadalnay laga doonayaa maamul goboleedyada dalka ka jira inay meel mariyaan oo fuliyaan. Maxaynu ka haynaa hab dawladeedka marka laga tago afka iyo waxaan nahay dawlad inaan dhahno mooyee?.. Dawladnimo afka lagama noqdo ee waa dhaqan gelin, maamulid iyo adeeg bixin joogta ah dhinac kastana taabanaysa. Qayb ta 2aad la soco: Qore: Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntland, Soomaaliya. The post Dawladnimadu ma af keliya ayey ku soo hartay? appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Bangiga Daryeel ayaa maanta daahfuray laanta Tre Piano ee magaalada Muqdisho, iyada oo munaasabadda daahfurka ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday bangiga dhexe,ururka bangiyada, rugta ganacsiga iyo xubno ka socday qaybaha bulshada. Maamullaha xarunta bangiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur oo ugu horrayn xafladda ka hadlay ayaa sheegay aasaaska bangiga inuu ku yimid baahida loo qabo adeegyo casri ah, wuxuuna inta ku daray bangiga inuu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo bangi oo la isku haleyn karo, kuna xiraya hannaanka caalamiga ah ee ay ku shaqeeyaan bangiyada caalamiga ah,isagoo marka ku soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo qurba-joogta adeegyada uu bangiga bixinayo. Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case ayaa dhankiisa sheegay in bangiga Daryeel uu qayb ka yahay Ifitin Group, wuxuuna caddeeyay bangiga inuu ugu adeegayo bulshada Soomaaliyeed si daahfuran, ammaano ah oo deg deg leh. Guuleed Cismaan, guddoomiyaha ururka bangiyada dalka oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay daahfurka bangiga Daryeel , ayaa soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in bangigan uu ka mid yahay bangiyada dalka ee sida casriga ah u shaqeyn doona,waxaa kalo uu tilmaamay ururka inuu isku xiro bangiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada. Rugta ganacsatada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay, waxaana ay ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Daryeel Bank, sida uu munaasabadda ka sheegay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsatada. Cawil Aadan oo ah agaasimaha maamulka lacagta ee bandhiga dhexe , ayaa boggaadiyay bangiga Daryeel oo uu sheegay ka sakow adeegyada uu bixinayo, inuu dalka ku soo kordhin doono shaqo abuur. Xildhibaan Maxamuud Siraaji oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdi Cali oo isna ah guddoomiyaha guddiga midowga Baarlamaannada bariga Afrika ee la-dagaallanka gaajadda ayaa soo dhaweeyay daahfurka bangiga iyo adeegyada fudud ee uu bangiga bixinayo, iyaga oo ku booriyay inay si furan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiir ku-xigeenka wasaarada maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo munaasabadda daahfurka bangiga Daryeel soo xiray , ayaa ku ammaanay adeegyada sahlan ee uu bangiga usoo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, arrintaa oo uu ku sheegay inay tusaale u tahay horumarka iyo horusocodka dalka, waxaa kalo uu ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay dhabar adeyga ay u muujiyeen marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray, ganacsatada ayuu si gaar ah ugu baaqay inay xoogga saaran dhiirrigalinta adeegyada ganacsi iyo sida lagu gaari lahaa isku filnaasho buuxda. Ugu dambeyn, ka qaybgalayaasha daahfurka bangiga Daryeel ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta bangiga adeegyada u sahlaya bulshada in iyaga oo jooga gurigooda ama goobahooda inay qaab internet ah ku heli karaan dhammaan adeegyada bangi ee lacag diris, soo diris iyo dhigashaba leh, iyada oo aan la tageyn xarumaha bangiga.
  3. Halgan (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa Maanta waxaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xili halkaas ay ku socdaal ku marayeen. Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxana lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku wajahnaa Saldhig ay ku leeyihii duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan. Weli sirasmi ah looma cadeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee Ciidamada Itoobiya kasoo gaaray qaraxaas,hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya. Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhowr waxaa Qaraxyo kala duwan lagula eegtay deegaanka halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab. Waa markii labaad oo sanadkaan gudihiisa Ciidamada Itoobiya qarax lagula eegto qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, waxaana 15-kii Bishii July ee sanadkaan qarax Miino lagula eegtay duleedka Halgan, waxana qaraxaas ay Al-Shabaab sheegeen inay ku dileen 20 askari. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  4. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Axad ah guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka. Shirka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiiru-dowladaha wasaaradda Maaliyada, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo guddoomiyaha guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji. Kulanka intii uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog laga siiyay heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha, waxaana aad loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruuda ku xiran wareega afaraad ee qorshaha daynta dalka looga cafinayo (SPM4), heshiiyada ay wada galeen dowladda iyo hey’adaha maaliyadda adduunka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah deynta cafinta ee baarlamaanka laga doonayo in ay meel mariyaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradda Maaliyadda, hay’adaha qaybta ka ah ka shaqeynta qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka daynta looga cafinayo in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha, si guul looga gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay buuxisay dhammaan shurudihihii ku xirnaa SMP1, SM2 iyo SMP3, waxaana ay tilmaantay in dhammaan hey’adaha Maaliyadda dunida iyo wadamada deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen nidaamkeeda Maaliyadeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay buuxisay dhammaan shuruudihii Deyn Cafinta appeared first on Puntland Post.
  5. Somali officials on Monday confirmed that two al-Shabab militants surrendered to government forces on Sunday in the southern Bay region. “The two al-Shabab operatives identified as Mohamed Hassan Osman and Hussein Marshale Mohamed defected from the al-Shabab extremist group and joined government forces in Dinsor town in Bay region,” said Ibrahim Mohamed Nour, governor of Dinsor. The two-handed their weapons over to government forces, Nour added. Welcoming the former militants, the governor also urged other al-Shabab militants to follow suit and give up fighting to help restore peace in the region. On July 10, another senior al-Shabab leader surrendered to government forces in Lower Juba, another region in southern Somalia. Somali government troops have been on major offensives against al-Shabab extremists in central and southern regions, but the militants still hold swaths of territory in those regions, conducting ambushes and roadside bomb attacks. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shaaciyey in aanu Madaxweynimada Muuse Biixi aqoonsanayn, waxaanu ka hadlay Kornayl Caarre & Qadiyadiisana taageeray, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaacil Jirde ayaa si faah-faahsan uga hadlay xeer xasaasi ah oo hor-yaalla golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Ticabu Yilma ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ticabu Yilma oo wata ciidamo gaar ah ayaa ka dagay barqanimadii maanta gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey. Taliyaha oo hoggaaminayo saraakiil kale ayaa loo galbiyey gudaha magaalada, iyagoo haatan kulan xasaasi ah la qaadanaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Kulankan oo saxaafadda ay dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay AMISOM ula wareegi laheyd amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wafdigan ayaa kulamo la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada, iyadoo weli ay taagan yihiin cabaqado waa weyn oo u baahan in xal laga gaaro, ka hor doorashadaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl-gal Al-Shabaab ooga saarayo deegaannada ay haystaan. Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna xoreeyay oo nolosha dib ugu soo celiyay deegaanno horay Shabaabka u haysteen. Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed. Qoraalka kasoo baxay xfaiiska Kheyre ayaa lagu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo argagaxisada.” Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. (SLT-London)-Shaqojoojin qorsheysnayd oo ay sameeyeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ayaa la hakiyey si loogu oggolaado wadahadallo dheeri ah oo u dhexeeya maamulka garoonka diyaaradaha iyo mas’uuliyiinta midowga Shaqaalaha. Shaqaalaha garoonkan diyaaradaha oo ay ku jiraan saraakiisha nabadsugidda, dab damiska iyo injineerrada ayaa lafilayaa inay bilaabaan shaqo joojinta 48-saacadood oo ay kaga cabanayaan mushaharkooda oo hooseeya. Madaarka diyaaradaha ayaa hore u baajiyay 177 duullimaad oo qorshaysnaa Isniintii iyo Salaasadii. Waxaana Duullimaadyada la joojiyey qorshahoodu ahaa in ​​30,000 oo qof oo rakaab ah ay qaadaan, taasoo ka dhigan 7% wadarta tirada dadka imanaya iyo safarradooda. Garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ayaa sida caadiga ah waxa ka duuli jiray 1,300 duullimaad oo qaada 220,000 qof maalin kasta. Ilaa hada ma cada wakhtiga loo qorsheeyey 177 duulimaad ee la joojiyey xiliga ay dib u bilaabmayaan. Diyaaradaha Duulimaadyadooda la joojiyey ayaa waxa ka mid ah Flybe, British Airways, Air Canada, Switzerland, Lufthansa, Etihad, Qatar Airways, Aer Lingus, iyo TAP Air Portugal. Dhinaca kale shirkadda Emiratt ayaa iyaduna soo saartay digniino ku saabsan duulimaadyadaasi baaqday. Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Waxaa la filayaa in Ixtifaalka Munaasabadda Maalinta 1-aad ee Ciiddul-Adxa dhici doonto maalinta axadda ee soo socota, inkastoo uu durba soo baxeen Waddamo rumeysan inay Maalinta Isniinta noqonayso Maalinta 1-aad ee Ciidda Arafo. Warbaahinadda kala duwan ee Dunida Islaamka ayaa soo werinaya in lagu kala duwan yahay aragtida bilashadda Bishan Dul-xaj ee sannadkan 1440-ka Hijriyah, oo ay Jamhuurka badankiisa sheegeen in la arkay Bilashadda Bishan Jimcihii la soo dhaafay. Maalinta Ciidda oo ku beegan bishan Dul-xaj ama Carafo 10-da ayaana ah maalinta ay Muslimiinta Caalamka u dabaal-degaan Ciidda Al-adxa oo ka mid ah Labada Munaasbadood ee Ciidda Muslimiinta. Ilaa 20-Waddan oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Somaliland, Soomaaliya, Suuriya, Yemen iyo Baxrayn ayaa la filayaa in Ciiddul-Adxa ee sannadkan loo dabaal degi doono maalinta Axadda ee soo socota. Labo Waddan Carbeed ee Morooko iyo Cummaan waxay ku dhawaaqeen inay Ciiddi doonaan Maalinta Isniinta ee soo socota, oo ayna ciiddi doonin maalinta Axadda ee toddobaadka soo socda. Sannad kasta, marka la gaadho 10-ka bisha Dul-xaj waxay dadka Muslimiinta u dabaal degaan Maalinta Koowaad ee Ciiddul Adxa oo la gawraco Xoolaha Udxiyadda ee ay dadka Muslimiinta isku casuumaan, loona qeybiyo hilibka Udxiyadda Bulshadda aan awoodin inay gawracdaan Xoolaha Udxiyadda. Source
  12. (SLT-Doha)-Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa tafaasiil ka bixiyey wadahadal ay dhinaca telefoonka ku yeesheen Madaxweynaha dalka Emmanuel Macaron, kaas oo sheegay inay ka wadahadleen xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka iyo arimo kale. “Labada dhianc waxa ay ka wadahadleen arimihii u dambeeyey ee gobolka iyo dhibaatooyinka ka taagan dalka Libya oo ay doonayaan inay iska kaashadaan sidii dedaalada nabada dib loogu soo celin lahaa dalka Libya la iskaga kaashan lahaa,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay boqortooyada dalka Qatar. Source
  13. (SLT-Cabdi Mahad Cismaan ayaa la xidhay toddobaad kadib, markii loo ballan qaaday inuu ka shaqeyn karo dalkaasi oo uu muddo 5 sanno ah dagaal dhanka Sharciga ugu jiray sidii uu ku tegi lahaa dalkaasi. Eedeysanaha oo 31-jir ah ayaa waxaa haatan u bilabaantay Xabsi 5 sanno iyo 7 bilood, kadib markii lagu helay inuu Sarkaal dhar cad ah oo ka tirsan Boliska UK ka iibiyey noocyadda Daroogadda ee Kokaa’iinka iyo Herowiinka bishii August 31-dii ee sannadkii hore. Cabdi Mahad Osman oo deggan Hamilton oo ka tirsan magaalada Lester ayaa la sheegay inuu Sarkaalku bixiyey lacag dhan 15 Giniga Britain, taasi oo uu ku iibsaday hal garaam oo Daroogadda Kokaa’iinka. Bishii September 7-dii ee sannadkii hore ayuu Sarkaalkii mar kale la soo xidhiidhay Cabdi Mahad Cismaan oo uu ka codsaday inuu ka iibiyo Daroogada, balse la xihday xilligaasi. Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda la hor geyey Eedeysanaha waxaa loo gudbiyey faylasha 33 Eedeyn oo ku aadan dacwadaha loo haysto iyo codad uu duubay Sarkaalkii uu ka iibin jirey Daroogadda. Garsoore Robert Brown oo qaadayey dacwadda loo haysto Eedeysanaha waxa uu ku xukumay xabsi dhan 5 sanno iyo 7 bilood. Source
  14. Taliyaha guud ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wefdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbland. Taliyaha iyo wefdigiisa ayaa loo gudbiyay guriga Martida magaalada Kismaayo halkaasi oo ay hadda kula shirsan yihiin madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe waxaana sida la sheegayo ay kulankooda uga wada-hadlayaan arrimaha Amniga iyo doorashada Jubaland. Sidoo kale Shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Guyo waxaana uu kulan la qaatay madaxda dowlad goboleedka Jubaland iyo guddiga doorashada maamulka. Socdaalkan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro khilaaf la xiriira arrimaha doorashada oo u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedaynayo in ay fara-gelin ku hayso doorashada Jubaland iyadoo dabada ka soo riixaysa musharrixiinta qaarkood. PUNTLAND POST The post Taliyaha ciidamada AMISOM oo Kismaayo kula shirsan madaxweynaha Jubaland appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Yemen)-Hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee WFP iyo maleeshiyada mucaaradka xuutiyiinta Yemen ayaa gaadhay heshiis dib loogu bilaabayo gargaarka la gaadhsiinayo dadka rayidka ah oo ay saameysay Colaadda. Macaawinada WFP iyo howlaha kale oo ay ka qaban jirtay Yemen gaar ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin barakacayaasha ayaa hakad uu ku yimid bishii June. Afhayeenka xuutiyiinta Maxamed Cali Al-Xuuti ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in heshiis ay la gaadheen hey’ada WFP. Heshiiska labada dhinac ayaa imaanayaa iyadoo dalka yemen ay ka jirto macluul aad u baahsan taasi oo ka dhalatay colaada shantii sanno ee la soo dhaafay ka taagan Yemen. Kooxda Xuutiyiinta ayaa dabayaaqadii sannadkii 2014 xoog kula wareegay magaalada Sanca oo xarun u aheyd xukuumada Yemen. Source
  16. Somali authorities executed two al-Shabaab militants who were convicted for a December attack that killed at least 13 people in the capital, Mogadishu. The men “were executed by firing squad on Monday morning,” Chairman of the Somali military court Hassan Ali Nur told reporters. The al-Qaeda-linked militants have waged an insurgency in Somalia since 2006 in a bid to impose its version of Islamic law. While the group was driven out of Mogadishu in 2011 by Somali and African Union forces, it continues to carry out deadly attacks in the city View the full article
  17. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona. Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb: Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda diiran,isagoona dhanka kale sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka dhici doona dalkaasi,socon doonna 6 ilaa iyo todobada bishan. Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Xasan Khayre ayaa todobaadkan ka soo laabtay safar uu muddo bil iyo 10 cisho ah ku joogay Galmudug. Mudane Kheyre intii uu deegaankaasi joogay waxaa uu qabtay hawlo muhiim ah, oo ay ugu weyneyd in ciidamadii kooxda Suufida ee Ahlu-sunna lagu wareejiyey dowladda federaalka ah, lana qarameeyey. Dhinaca kale, waxaa jiray ballamo uu Xasan Kheyre ka qaaday dadka reer Galmudug, kuwa siyaasadda oo ay ku jireen dhismaha Galmudug oo mid ah, magacaabis guddi dib u heshiisiin iyo cabashada beelaha maalin kale ayaan ka hadli-doonnaa, laakin maanta waxaan halkan ku soo uruuriney ballamaha horumarineed, kuwaas oo fulintooda laga sugayo, laguna xisaabtamo ra’isul wasaare Kheyre maalmaha ama bilaha soo socda. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Labo iyo Toban(12) Balanqaad oo Laga Sugayo Fulintooda: 1. Ugaas Nuur Airport: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxyaabaha uu dadka deegaanka Dhuusamareeb ka balanqaaday waxaa ka mid ahaa dhismaha garoonka diyaradaha ee Ugaas Nuur. 2. Isbartiibada Dhuusamareeb: Dhalinyarada reer Dhuusamareeb waxaa ay Kheyre ka sugayaan balanqaadka ah dhismaha garoonka kubadda cagta. 3. Laamiga Dhexmara Dhuusamareeb: Waxaa uu kale uu isla Dhuusmareeb ka balanqaaday dhismaha waddo laammi ah oo dhex marta magaalada. 4. Biilka Ciidanka: Waxaa uu ra’isul wasaare balan-qaaday in ciidamada la diiwaan-geliey ee Galmudug ay biil dowladda federaalka ah bixiso qaadan-doonaan bisha August 2019-ka. 5. Cadaado: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre intii uu Cadaado joogay waxaa uu la kulmay mas’uuliyiin, odeyaal, dhalinyaro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee deegaanka. Arrinta ugu muhiimsan ee uu balanqaaday marka laga soo tago in Cadaado aanu ka qaadin doonin maqaam ay heysato, hadana waxaa uu balanqaad u sameeyey guddiga is-xilqaan, oo dhisay goobo muhiim ah oo xero ciidan ku jirto. Koonfurta Galkacyo: 6. Garoonka Cabdullahi Ciise: Waxaa Xasan Kheyre oo dadweyne halkaasi kula hadlayey uu balan-qaaday inuu dowladdiisa ay qurxin-doonto, lacagna gelin-doonto isbartiibada. 7. Jidadka Baladweyn Ilaa Galkacyo: Waxaa uu reer Galkacyo ugu bishaareeyey in xukuumadiisa ay saxiixday heshiis lagu dhisayo jidka isku xira Baladweyne ilaa Galkacyo. 8. Hoyga Nabadda: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu dhagax dhigay “Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo”, isaga oo sheegay iney tahay sharaf u soo hoyatey Galmudug iyo Puntland, lama oga waxa ay uga qeyb qaadatay xukuumadiisa. 9. Agabka Ciidamada Isku Dhafka Galkacyo: Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu reer Galkacyo u sheegay inuu halkaasi u tagay inuu agabka u dhameystiro ciidamo isku dhaf ah, oo halkaas laga hirgeliyey booqashadii madaxweyne Farmaajo kadib. 10. Waqooyiga Galkacyo iyo Cawaale: Waxaa uu balan-qaaday dhismaha garoonka Cawaale ee waqooyiga Galkacyo si dhalinyarada uu uga farxiyo. 11. Dib-u-heshiisiinta Xeraale iyo Huurshe: Mar uu Huurshe joogay waxaa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay soo diryso guddi kala shaqeeya dib u heshiisiinta iyo wax walbo ay tabanayaan Halkan Xeraale uu ka sheegay in aanu magaalada ka tagi-doonin iyada uusan xalin wixii khilaaf ah ee kala dhaxeeya Huurshe. 12. Qaanta Kheyre: Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo nala hadlay waxaa ay sheegeen in ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu deegaanka ka soo tagay isaga oo si gaar ah lagu leeyahay lacag badan, ilaa hadda lama bixin lacagihii lagu soo dhoweeyey magaalooyinka uu tagay ee Galmudug, lama bixin qarashkii gawaarida galbinayey, goobo deegaanka, cunto, boorar, hawlo farsmo, qaban-qaabo iyo abaabulka dadweynaha socday muddadii uu halkaasi joogay. Muxuu Fuliyey Ilaa Hadda? Garoonka Cawaale: Waxaa uu bixiyey qarashka uu balanqaaday ee garoonkaasi Cawaale ee waqooyiga Galkacyo. Biilka Ciidanka: Waxaa la bixiyey mushaaraadka ciidanka la diiwaan-geliyey. Ugu dambeyntii, lama oga sida ay u fuli-doonaan balamahan cusub ee ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyada oo aan weli la fulin balamo uu Janaayo 2018-kii sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kana qaaday bulshada Galamudug, isaga oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed, oo ilaa hadda waxba ka soo naaso cadeyn. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo koox hubeysan, kaasi oo ka dhacay gobolka Sool. Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka Somaliland ku leeyihiin duleedka magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare in kastoo weli aan la ogaan inta uu la egyahay. Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay iney ka tirsan yihiin Jabhadda Feysal Falalug oo kasoo horjeedda joogitaanka ciidanka Somaliland ee gobolka Sool. Saraakiil u hadlay ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ay iska caabiyeen raggii soo weeraray, sidoo kalena ay jiraan dad ay nolosha uga qabteen waa sida ay hadalka u dhigeenne. Somaliland ayaa maalmahan dambe waxay dagaallo culus kala kulmeysaa jabhado hubeysan, kuwaa oo kasoo horjeeda maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. The Somali Stock Exchange (SSE) has solidified it’s commitment to Somalia’s growing economy with a place on the UN Sustainable Stock Exchange. Source: Hiiraan Online
  21. Laascaanood (Caasimada Online) ― Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku sugnaa xerada buurta Sayidka. Faysal Falaalug, hogaamiyaha jabhada xoraynta gobolka Sool ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in weerarkaasi ay waxyeelo ba’an ku gaarsiiyen ciidamada Somaliland, isla markaana iyagu nabad qab kaga soo laabteen. “Jabhada xorayntu xalay waxay gashay buurta sayidka ilaahayna waa uga rooneeyey waxyeelo anaguna nabad galyo ayaa ilaahay na siiyey oo aanu kaga baxnay” ayuu yiri Faysal Falaalug. Dhinaca kale, Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Cabdi, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidii geystay weerarkaasi ayna wadaan baadhista cidii ka dambaysay, wuxuuna yiri “Goobta aniga ayaa tagay oo soo eegay, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd, meeshii aan tagayna sadex qori ayaan qasharkooda ku arkay, qaarna waxay na oo waydiiyeen dad ayaa dhintay iyo laascaanood waxbaa ka dhacay”. “Magaalada Laascaanood gudaheeda waxba kamay dhicin, xerada milatariga dusheeda ayey ahayd aniga ayaa istaagay, qofka wax kale sheegayaa ha sheego laakiin gobolkan anaga ayaa amnigiisa ka masuula oo waxba kamay dhicin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Dad tuhun loo hayo oo arintaas loo tuhmayo oo xidhan ayaa jira, taasna ciidanka dembi baadhista ayaa gacanta ku haya oo baadhis ayaa ku socota, ciidanka Booliskuna ka fadhiisan maayo amniga waana waajibaad saaran in dalka iyo dadkaba loo adeego oo aanu nafta iyo dhiigaba u hurno”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. MOGADISHU (HOL) - The Somalia military court executed an al-Shabab militants for being involved in bomb blasts and assassinations in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa goor dhow sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuuraha ku dilay isgoyska Siinaay ee M/Muqdisho. Dilka ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolada, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaalada sarkaalkaasi ay dhaawaceen mid ka mid ah ragga dilka geystay, iyagoona gacanta ku dhigay. Sarkaalka la dilay ayaa lagu soo warramayaa inuu Canshuuraha ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha ammaanka oo la xariira dilka sarkaalkaasi. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna howlgallo ka bilaabay qeybo ka mid ah dalka. Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan go’aanka ay qaateen iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Xerada Gen. Gordan ee lagu tababaray ciidamadaan waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka Xoogga oo ka qayb qaata howlgallada socda gudaha dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  25. Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dila xalay qof rayid ahaa loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah dilka ayaa yimid, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay askariga iyo marxuumka la dilay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Ma jiro illaa iyo hadda wax hada ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Jubbaland oo ku aadan dilka marxuumkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii mid ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Jubbaland lagu toogtay gudaha magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article