Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,267
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-05082019.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyey warar maalmahan aad loo hadal hayey oo ku saabsanaa xaqiiqda waxyaabihii looga hadlayey kulankii dhacayey 24-ka July ee laga fuliyey qaraxii ay ka dhinteen guddoomiye Yariisow iyo xubno kale. Wararkan oo aad ugu baahay baraha bulshada ayaa lagu sheegayey in kulankaas uu ahaa kulan ku saabsanaa ama looga hadlayey arrimaha amniga gobolka. Dadka wararkan faafinayey ayaa badankood su’aalo ka keenay sababta uu kulankaas uga baaqday guddoomiye ku xigeenka gobolka ee arrimaha amniga, Maxamed Cabdullaahi Tuulax, maadaama amniga ay tahay howshiisa. Waxaa su’aalahan la isu weydiinayey in Tuulax lala xiriiriyo inuu wax ka ogaa qaraxa, sidaas darteedna uu kulanka uga baaqday, hase yeeshee maamulka ayaa war maanta uu saaray ku beeniyey in kulankaas amni uu ku saabsanaa. Afhayeenka maamulka, Saalax Dheere ayaa qoraal uu soo saaray oo uu raacsanaa jadwalka kulanka ku yiri “Waxaan mar kale caddeynayaa in shirkii 24 july 2019 ka socday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar in uusan aheyn shir amni, oo uu ahaa Shirka Tubta oo loogu hadlo horumarada, adeegyada iyo qorshayaasha Caasimadda.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa ku sugan Jubooyinka ay faraglein ku sameynayaan Arrimaah doorashooyinka Jubbaland, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay maamulka Jubbaland. Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM. Madaxweyne kuxigeenka ayaa faah faahin ka bixinayay kulan dhexmaray taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM oo u dhashay dalak itoobiya iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.waxaa uuna yiri ” waxaa lagu heshiiyay dhowr qodob oo ay ka mid tahay in la dardar galiyo la dagaalanka dadka ammaanka lidka ku ah sidii horay la is kaga kaashan jiray,taas oo ay kawada qeyb qaadanayaan Amisom, ciidamada daraawiishta Jubbaland, ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada kale ee naga caawin jiray, waxaa kale oo la is ku raacay in arrimaha doorashooyionka waxaa ay madaxdii Amisom cadeeyeen in wax faragalin ah ayna ku yeelan doonin” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xoghayihii hore ee joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdisalaan Salwe ayaa soo jeediyey hab casri ah oo ay Dowladda Soomaaliya ku ogaan karto shakhsiyaadka Dowladda ka tirsan ee xiriirka la leh Al-Shabaab. Salwe ayaa taladan soo jeediyey isaga oo tixraacaya in ay meel sare gaartay cabsida ku aadan in xubno ka tirsan Dowladda ay Al-Shabaab u fududeeyaan weerarada ay ka geystaan Soomaaliya. Mas’uulkaan ayaa ugu horreyn soo jeediyey in baaritaan lagu sameeyo Sarakiishada Amniga iyo mas’uulyiinta kale inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab iyadoo loo marayo hab casri ah. Salwe ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xiriir deg deg ah la sameyso Mareykanka iyo Dowladaha kale ee reer Galbeedka si looga caawiyo baaritaankaas. Wuxuu sheegay in baaritaanka noocaan oo kale ah loogu talagalay in loo adeegsado Aaladda beenta kashifto ee loo yaqaan Polygraph, taasi oo sheegeysa qofka marka uu been ka sheegayo su’aalaga la weydiinayo. Polygraph ayaa waxaa aad u adeegsada hay’ada dowladda Mareykanka, gaar ahaan kuwa amniga iyo sirdoonka Aaladaas ayaa soo saarto inuu qofka been sheegayo iyo in kale marka lagu xiro oo baaritaan lagu marsiiyo dadka looga shakisan yahay kiisaska Al-Shabaanimo. Salwe ayaa farriintaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo u qornaa sidaan “Dowladda Soomaaliya haddii ay dhab ka tahay shakiga in argagixisadu ku dhex jirto xafiisyada dowladda ha waydiisato Maraykanka ama saaxiibada kale ee Galbeedka in laga caawiyo sidii polygraph test (kashifaadda beenta) loo marsiin lahaa dhammaan saraakiisha amniga…”. Tallada uu soo jeediyey Salwe ayaa hadal heyn badan ka dhalisay baraha Bulshada, waxayna dadka intooda badan ku tilmaameen inay tahay aalad loo baahan yahay marka la fiiriyo xaaladda uu dalka marayo iyo shakiga ka dhashay qaraxii laga fuliyey Xarunta Gobolka Banaadir ee lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda Degmooyinka. Aaladdaan ayaa Dowladda Soomaaliya ka caawin karto inay iska dhex saarto xubnaha xiriirka la leh Al-Shabaab maadaama uusan dalka laheyn sirdoonka awood u leh inuu xubnahaas soo ogaado. Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir kadib ayaa waxaa batay shakiga ku aadan inay jiraan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab u fududeeyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. It is Somalia that does not meet the criteria set-out for statehood Freedom House which is a U.S.-based government-funded non-governmental organization (NGO) that conducts research and advocacy on democracy, political freedom, and human rights ranked Somaliland as partly Free State, a better ranking than Somalia, which was ranked a state not free at all. From May 1991 and aftermath the two Somali states that united in 1960 emerged again in the Horn as two countries with different security status. The two states have their defined boundary in between them that was formed and legalized with the agreements between the colonizers of the two territories during the partition of Africa. The international Community named Somaliland as the beacon of peace in a troubled region; and named Somalia as a failed state. Somaliland had been built under consensus of its people with democratic multiparty political system; that its leaders come to power through one-man-one-vote free and fair elections in the last 20 years; but Somalia has not even started the journey from where Somaliland began its nation building in 1991. That means Somalia government is 25 years behind where Somaliland is now. Somaliland has developed its own and distinct political culture and became a stable, peaceful and politically democratic country; but Somalia became one of the five most violent and dangerous countries in the world; and politically it is still under the surveillance of the international community. Somaliland saved its territory from all types of terrorist activities; but Somalia became a safe haven for Al-Qaeda affiliates and most of its territory is still controlled by terrorists. Somaliland has succeeded to save its territory to become home for pirates; but southern Somalia deliberately invited the world’s most dangerous sea pirates to operate in its coasts, using the ransom as a source of income. In Somaliland diplomats and all other foreigners including westerners can go anywhere they want and are safe; unlike in southern Somalia where most diplomats, aid workers and foreigners must live behind blast walls with heavy armed guards at Mogadishu airport. Somaliland government has full control of all its territories defined by its borders; but Somalia government does not fully control even the capital city; and these 29 years passed under the command of warlords, Al-shabaab extremists, national reconciliation meetings held in foreign countries and weak governments manipulated by the international community. Now, the regions of Somalia are controlled by new style local warlords, while most of the rural areas are controlled by Al-shabaab. Somaliland has a trained and disciplined army and effective police and other security agencies that fully control the security and stability of the state; but in Somalia there are nearly 30’000 African forces from neighboring countries that the central government and the main areas of the country mostly in the capital is under their protection. Somaliland is capable to guarantee the security of its neighbors and the region and successfully ensured that responsibility; but multiple terrorist attacks from Somalia occurred in its neighboring countries; and are still threatening the security and stability of these countries. Though it lacks international recognition Somaliland government has the capacity to enter into relations with the other states, and has friendship relations with over 90 countries. In reality it is Somalia which does not meet the criteria set out for statehood in accordance of the international law. But it is the international community who blindly ignored the full functioning Somaliland state and recognized Somalia is within the foresaid failed statehood and insecurity status. A point of history lesson is that Somaliland and Somalia were never been together under one rule before their union in 1960. That means they have been separate from each other far longer than before their union. That union existed for only one decade from 1960 to 1969, when a military coup master minded by Southerners took the rule of the Somali Republic formed after the union of the two states. The military cancelled and repealed the union agreement of the two states (British Somaliland & Italian Somalia), abrogated and completely annulled the constitution, dissolved the parliament and dissolved the constitutional court. Moreover, a memorable fact to mention is that after the military takeover of power, the prejudice against the northerners became the official policy of the state. That policy was translated into a systematic exclusion that was singled out Somaliland people as main target permeating all aspects of state functions and all political activities from the Somalilanders and martial law was declared in Somaliland territories. Under the military rule, Somaliland people experienced all types of human sufferings like suppression, mass arrests, discrimination, genocide or ethnic cleansing, complete plundering of all Somaliland wealth by the military and southerners; and at last direct military attacks launched against the civilians. It is the international community that enabled Somalia to try to benefit from Somaliland’s lack of recognition, working to limit the statehood of Somaliland and to undermine its economic and social developments. This hostility, frenemy and growing threat from Southern Somalia towards Somaliland shows that the government in Mogadishu is not ready to open dialogue and negotiations with Somaliland; but preparing itself to resume its brutality against Somaliland people. When two armies fight each other, they both think of the opposing army as its enemy. So, Somaliland leaders should stop the word “our brothers” instead they should recognize that Somaliland’s most dangerous enemy is Somalia; and should prepare all kinds of counter hostilities to defeat its enemy. It is true that Somaliland does not want a new War with Somalia. It is equally true that Somaliland does not want to make another mistake of throwing its sovereignty again as it did in 1960. It is true that the activities of hostility, adversary and enmity from Somalia cannot be ignored and cannot be under estimated. The bottom line of Somaliland’s negotiations with Somalia shall be to secure the sacred rights of the people of Somaliland to have the decision of their future and destiny; and secure international recognition for Somaliland. The only thing that Somaliland is chasing is its dreams, the dreams of its people to keep their pride of having the decisions of their future destiny in their hands; and this principle will not be negotiable and will be fighting for it to the last soul. Adam Ali Younis aayonis@hotmail.com Qaran News
  6. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland ayaa wuxuu maanta qaabilay taliyaha howlgalka AMISOM ee Tigabu Yilma Wondimhunegn. Labada dhinac ayaa waxay kawada hadleen amniga doorashooyinka maamulkaasi iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, ayaa shaaciyey in laysku raacay in amniga doorashada ay labada dhinac iska kaashadan. Doorashadda Jubbaland ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 24-ka bishan, iyadda oo haatan ay socoto soo xulista Xildhibaanada cusub. View the full article
  7. Ka shaqeynta iyo Ansixinta qorshaha u adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya sida abaaraha, Daadadka iyo dagaalada ayuu ku saabsanaa shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa urur goboleedka IGAD Islamarkaana ay ka qeybgaleyn Wasiirka wasaarada, xubno ka socday IGAD iyo qaar kamida wasaaradaha dolwadda. Xubnaha shirka ka qeyb galay ayaa is weedaarsaday doodo iyo tallooyin ku saabsan hagajinta iyo ansixinta qorshaha u adkeysiga aafooyinka oo muhiim u ah bulsahada soomaaliyeed, Iyadoo shirka waxa kasoo baxa ee la ansixiyana ay qeyb ka noqon doonaan qorshaha guud ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ka qeybgalayaasha ay Masuuliyad weyn ka saarantahay hagaajinta iyo ansixinta Istaraatiijiyadda u adkeysiga aafooyinka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan xoolo dhaqatada, Beeraleyda, Kalluumeysatada iyo dadka reer guuraga ah, si ay uga gaashaantaan Abaaraha, Daadadka, Dagaaladda iyo Musiibooyinka dabiiciga ah. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay garab istaaga dadka reer guuraaga ah oo la kumo dhibaatooyin kala duwan oo dhanka abaaraha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-05082019-okSax.mp3 View the full article
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ammaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono. Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada kuwaas oo la xiriira Arimaha Doorashooyinka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago iyadoo mara ayna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM. Waxaa kale oo la isku raacay in ay si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashooyinka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  10. Armed assailants have killed a government soldier while on a mission to collect taxation at the Sinai intersection in Mogadishu. The killing was allegedly carried out by men armed with pistols, according to witnesses. It is also reported that the bodyguards of the officer injured one of the killers and arrested him on the spot. The killed officer reportedly took the taxes from the Sinai merchants in Mogadishu. Security forces arrived at the scene after the killings and conducted brief searches there. There is no word yet from the security agencies in connection with the killing. View the full article
  11. Somali forces backed by African Union Mission in Somalia (AMISOM) has foiled al-Shabaab attack on the outskirts of Somali capital Mogadishu. Heavily armed al-Shabaab on Sunday night attempted to storm a military base manned by Somali forces in Elasha-biyaha locality, prompting brief gunfire between the sides. According to the sources, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have dispatched reinforcement to the base. After firing several motor shells on a base of Somali National Army (SNA), al-Shabaab reportedly retreated. No casualties caused by the attacks have so far been reported. Somali forces have this morning launched operations in and outside the area to smoke out al-Shabaab suspects. According to the residents, the forces did not make an arrest but the operations are still underway. View the full article
  12. Halkaan hoose ka daawo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo faahfaahinaya tallaabada laga qaadi doono odoyaashii Al-shabaab iska soo diiwaan-geliyay PUNTLAND POST The post Galmudug oo shaacisay tallaabada ay ka qaadayso odoyaashii Al-shabaab iska diiwan-geliyay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed. David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya. Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.
  14. Mac-hadka Horumarinta Cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa maanta oo Axad ah Garoowe ku soo geba-gabeeyay, dood ku saabsanayd daraasad horu dhac ah oo ka hadlaysay kaalinta ay Waxbarashadu ku leedahay, soo saarista dhalinyaro u carbisan Hoggaaminta dalka. Daraasaddan oo ay taageeraysay Hay’adda ADRA, ayaa dooddeeda waxaa ka qeyb-qaatay dhalinyaro aqoonyahanno ah iyo dallada dhalinyarada Puntland ee PYAN. Ka qeyb galayaasha doodda, oo talo iyo tusaale ku darsanayay cilmi baarista, ayaa tilmaamay in xog ururinta ku jirta cilmi baarista, ay tahay mid saameyn weyn ku leh hoggaaminta dhalinyarada. “Runtii waa cilmi baaris dhaxal gal ah oo ay u baahan tahay Soomaaliya, sababtoo Soomaaliya waa meel inta badan aan xog dhab ah laga haysanin dhibaatooyinka bulsheed ee ka jira” ayuu yiri mid kamid ah qeyb doodda cilmi baarista. Marka la soo koobo, daraasaddan waxay iftiiminaysay in jiilka soo koraya, gaar ahaanna ardayda dugsiyada sare, aysan ku baraarugsanayn, in ay yihiin mustaqbalkii dalka ee berito. Waxaa kale oo cilmi baaristu soo jeedinaysay is waafajinta waxbarashada madaniga ah iyo saamaynta hoggaamineed ee dhalinyarada. Caasho Cali Siciid oo ka socotay jaamacadda PSU, waxay sheegtay in ay muhiim tahay, in dhalinyarada hoggaaminta la barayo laga soo bilaabo meel hoose sida marka ay ku jiraan marxaladda waxbarashada aas’aasiga ah. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Mac-hadka SIDRA daraasad ka sameeyay Kaalinta Waxbarashada ee Hoggaaminta dhalinyarada appeared first on Puntland Post.
  15. Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka ee Gedo ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo Taliska laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayaan Alshabaab Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali(Sanka) iyo xubno uu hoggaaminayo oo maanta gaaray halkaasi sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo saldhig laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi Baardheere Maamulka degmadaasi iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. “Aniga booaqaashadeyda waxaa uu qeyb ka yahay dardargelinta howlgalada socda,qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhigweyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkiia maleeshiyada Ashabaab looga qabsan lahaa guud ahaan Jobada Dhexe”. Ayuu yiri Taliye Maxamed Cadow Cali(Sanka) Goblada Jubooyinka iyo Gedo waxaa ka soconaya howlgalo ballaaran oo ciidanka xooga ay ku doonayaan in ay dib Alshabaab ay kala wareegaan gobalka Jubada dhexe, si lamid ah howlgalada ka socda gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Bankiga Daryeel ayaa maanta daahfuray laanta Tre Piano ee magaalada Muqdisho, iyada oo munaasabadda daahfurka ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socday Bankiga dhexe, ururka bankiyada, rugta ganacsiga iyo xubno ka socday qaybaha bulshada. Maamullaha xarunta bankiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur oo ugu horrayn xafladda ka hadlay ayaa sheegay aasaaska bangiga inuu ku yimid baahida loo qabo adeegyo casri ah, wuxuuna inta ku daray bankiga inuu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo banki oo la isku haleyn karo, kuna xiraya hannaanka caalamiga ah ee ay ku shaqeeyaan bankiyada caalamiga ah, isagoo marka ku soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo qurba-joogta adeegyada uu bankigu bixinayo. Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case ayaa dhankiisa sheegay in bankiga Daryeel uu qayb ka yahay Ifitin Group, wuxuuna caddeeyay bankiga inuu ugu adeegayo bulshada Soomaaliyeed si daahfuran, ammaano ah oo deg deg leh. Guuleed Cismaan, guddoomiyaha ururka bankiyada dalka oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay daahfurka bankiga Daryeel , ayaa soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in bankigan uu ka mid yahay bankiyada dalka ee sida casriga ah u shaqeyn doona,waxaa kalo uu tilmaamay ururka inuu isku xiro bankiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada. Rugta ganacsatada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay, waxaana ay ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Daryeel Bank, sida uu munaasabadda ka sheegay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsatada. Cawil Aadan oo ah agaasimaha maamulka lacagta ee bankiga dhexe , ayaa boggaadiyay bankiga Daryeel oo uu sheegay ka sakow adeegyada uu bixinayo, inuu dalka ku soo kordhin doono shaqo abuur. Xildhibaan Maxamuud Siraaji oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdi Cali oo isna ah guddoomiyaha guddiga midowga Baarlamaannada bariga Afrika ee la-dagaallanka gaajadda ayaa soo dhaweeyay daahfurka bankiga iyo adeegyada fudud ee uu bankiga bixinayo, iyaga oo ku booriyay inay si furan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiir ku-xigeenka wasaarada maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo munaasabadda daahfurka bankiga Daryeel soo xiray , ayaa ku ammaanay adeegyada sahlan ee uu bankiga usoo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, arrintaa oo uu ku sheegay inay tusaale u tahay horumarka iyo horusocodka dalka, waxaa kalo uu ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay dhabar adeyga ay u muujiyeen marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray, ganacsatada ayuu si gaar ah ugu baaqay inay xoogga saaran dhiirrigalinta adeegyada ganacsi iyo sida lagu gaari lahaa isku filnaasho buuxda. Ugu dambeyn, ka qaybgalayaasha daahfurka bankiga Daryeel ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta bangiga adeegyada u sahlaya bulshada in iyaga oo jooga gurigooda ama goobahooda inay qaab internet ah ku heli karaan dhammaan adeegyada bangi ee lacag diris, soo diris iyo dhigashaba leh, iyada oo aan la tageyn xarumaha bankiga. PUNTLAND POST The post Daryeel Bank oo la daahfuray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in duleedka Magaalada lagu dilay illaa 3 qof oo shacab ah kadib markii lagu rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen. Gaariga la rasaseeyay oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho ayaa noociisu ahaa NOHA, waxaana kuu kusii jeeday degmada Balcad. Sida wararka sheegayaan Kooxo Burcad ah ay rasaaseeyeen gaarigaas xilli uu marayay deegaanka Masax oo u dhow duleedka Magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta lagu furay gaariga ay ku geeriyoodeen Darawalkii gaariga iyo laba ruux oo gaariga saarnaa oo midkood dumar tahay. Meydkii iyo dadkii ku dhaawacmay gaariga ayaa meesha laga qaaday markii ay gurmad u fudiyeen qaar ka mid ah Shacabka degmada Balcad iyo Ehelada dadka rasaaastaas ku waxyeeloobay. Maamulka degmada Balcad ee Hirshabeelle wali kama hadlin dadka ku dhintay duleedka degmadda Balcad. Kooxihii Burcada ahaa ee ka dambeeyay rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay Goobta ka baxsadeen. Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waqtiyadii dambe kusoo badanayey Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana inta badan baxsado kooxo ka dambeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Peacekeeping Operations in Somalia are moving in the right direction, the UK Defence Attaché in Mogadishu has said. Source: Hiiraan Online
  19. Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Alshabaab ay ku milmeen hay’adaha Amniga iyo Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Cabdiraxman Cabdishakuur oo sheegay in Al-shabaab ku milantay hay’adaha dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Xisbiga WADA-JIR ee Dalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka warramay hababka Al-shabaab uga dhex shaqayso Dalka Soomaaliya. Wuxuu Sawir ka bixiyey sida ay dhaqaalaha uga hesho meelo ay Dawladdu gacanta ku hayso, sida Dekedda, Kaantaroollada Gaadiidka lagu Cashuuro, Cashuurro ay ka qaaddo Wax soo-saarka dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, Siyaasigan oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa isagoo mid mid u sheegaya siyaalo uu sheegay inay Al-shabaab kaga dhex shaqaysato Dalka Soomaaliya wuxuu yidhi “Al-shabaab waxay cashuur ka urursataa qaybo kala duwan Ganacsiga Dadweynaha Soomaaliyeed iyo meelaha ay Dawladdu gacanta ku hayso oo ay Dekeddu ugu horrayso, waynu ognahay in Al-shabaab ay Cashuur ka qaadaan Koontaynar kasta oo Dekedda yimaadda, Xogtaanu helaynaa waxay sheegaysaa koontaynarka 40-ka Feet ah waxay ka qaadaan $ 140 Dollar, kii 20 feet ahna waxay ka qaadaan $ 100 dollar, waxa kale oo ay Al-shabaab heshaa xogta la xidhiidha dhaqdhaqaaqa Dekedda.” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu la kulanay Ganacsato Soomaaliyeed oo markii la waydiiyey inay bixiyaan Cashuurta Al-shabaab la soo hor-dhigay oo la yidhi waxan iyo waxan baad Dekedda kala soo degteen (ee bixiya Cashuurta Al-shabaab)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Al-shabaab waxay maraysaa Tuulada la yidhaahdo Mubaarik Qof kasta oo Ganacsato ah oo Alaab la soo dega in Fayl loo furi, Lambarka diwaangelinta la siiyo. Waxa kale oo ay Al-shabaab qaaddaa Cashuurta wax soo-saarka beeraha ama Dalagga Beeraha, sida Liinta la dhoofiyo, xoolaha la dhoofiyo, waxa kale oo ay awood u yeesheen in heshiis ama Koontaraak kasta oo la galo inay boqolkiiba 5 ku yeelato Al-shabaab, ma jirto Nootaayo ku taalla Magaalada oo dhul kala wareejin karta iyadoon Al-shabaab laga siinin qaybtooda.” Guddoomiyaha WADA-JIR wuxuu sheegay “Waxay ku guulaysteen in Gaadiidka Dadweynaha ay ka soo leexiyaan Jidadka ay Dawladdu gacanta ku hayso, si marka ay waddooyinka ay Maamulaan soo maraan ay cashuur uga qaataan. waxaynu ognahay in Hawlaha ay qabanayaan NGO-yadu ay Al-shabaab ka qaaddo boqolkiiba 30..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaynu ognahay in dhaqdhaqaaqyada baananka iyo Xawilaadaha ay Al-shabaab Gacanta ku haystaan…” Al-Shabaab waxay ku milmeen Hey’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan, dadka ayay si toos ah ugu yeedhaan deegaanka Mubaarak, illaa iyo hadda waxaa is weydiin ah dowladda mala dagaalantay”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Source
  21. Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh), ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya, in dowladda Puntland ay mamnuucday shirkadda DAALLO AIRLINE. “Wasaarada Duulista Hawadda iyo Garoomadda ee Dawladda Puntland, waxa ay cadaynaysaa in aan waxba ka jirin warbixinta lagu sheegay in Shirkadda DAALLO AIRLINE laga mabnuucay Garoomada Puntland” ayuu yiri Xoosh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkaddu ay maantadan ka degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ” waliba waxaan dad waynaha reer Puntland iyo guud ahan kuwa Soomaaliyeedba usheegayna in duulimaadkii caadiga ahaa ee shirkada DAALLO AIRLINE ay ku imaan jirtay Puntland ay maanta kaga soo dagtay Garoonka Boosaaso”. Agaasimaha ayaa tilmaamay in shirkadda DAALLO AIRLINE ay maalmihii u dambeeyay Garoomada Garoowe iyo Boosaaso ka qaadaysay dadka sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka “Waxaa sida oo kale shirkada DAALLO AIRLINE Garoomadda Boosaaso iyo Garoowe ay ka qaaday duulimaad yadii XAJKA ee ay xujayda ugu qadaysay Dalka Sucuudiga” ayuu sii raaciyay Xoosh. Agaasimaha ayaa ugu dambeyntii caddeeyay, in Garoomada Puntland ay u furan yihiin diyaarad kasta oo si sharciya ku imaanaysa ” Garoomadda Puntland waxaan kusoo dhawaynaynaa cidkasta ama diyaarad kasta oo si sharci ah ku imanaysa kagana duulaysa, anaga oo adeeg ay ku qancaana u diyaarinayna”. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in shirkadda DAALLO AIRLINE laga mamnuucay Garoomada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay marayso soo xulista Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo qaabka ay u socoto soo xulista Odayaasha dhaqanka Jubbaland. Guddiga, oo inta uusan shirka jaraa’id qaban kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Xildhibaanada Jubbaland, ayaa ugu baaqay Odayaasha in ay soo xareeyaan foomamka iyo xogta xubnaha lasoo xulay. Guddiga ayaa Odayaasha ku booriyey in liiska ay soo gudbiyaan ay kusoo daraan xubno haween ah si loo ilaaliyo qoondada Dumarka. Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka oo hadlay ayaa sheegay in ay soo gudbiyeen liiska saddexda xubnood ee uu kasoo dhex baxayo qofka Xildhibaanka noqonaya. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga doorashooyinka Axmad Cumar Maxamed, oo faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto soo gudbinta liiska Xildhibaanada cusub, ayaa warbaahinta u sheegay in Maalinta berri ee Talaadada ah ay ku egtahay xilliga guddigu qabtay ee loo qorsheeyey in lagu soo gudbiyo liiska xubnaha Baarlamaanka. Musharixiinta u taagan qabashadda Madaxweynaha Jubaland ayaa ilaa hada is diiwaan galin waxa ayna sheegeen in Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay hoos shaqeeyaan Axmed Madoobe oo doonaya dib u doorasho. Dhinaca kale, Kismaayo Waxaa wada hadalo maanta ugu socdaan Taliyaha Ciidanka AMISOM , Wakiilka gaar ah ee IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Guunyo iyo Madaxweynaha Jubbalnd oo la xariir arimaha doorashadda Jubaland iyo tabashadda Musharixiinta Xildoonka ah. Doorashadda Jubbaland ayaa ah mid Dowladda Soomaaliya iyo beesho Caalamku isha ku hayaan sida wax u socdaan, waxaana Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegayaan in sidii loogu talagay u socoto doorashada Maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdisalaan Yaasiin Oo Si Adag Uga Hadlay Hadallo Xajiin Iyo Xanaf Leh Oo Ka Soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Mac’hadka horumarinta cilmi baarista ee SIDRA ayaa soo gabagabeeyay dood ku saabsanayd daraasad horu dhac ah oo ka hadlaysay waxabarashadu kaalinta ay ku leedahay soo [...] Source