Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,249
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo xalay ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Siinka-Dheere ee duleedka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Howlgalladaan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyar, kuwaas oo qaar kood la sii daayey, kuwana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ujeedka howlgalladani ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu xaqiijinayey amniga deegaankaasi. Ibraahim Colow Cali oo agh guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka deegaanka Siinka-Dheere ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Howlgal.mp3 View the full article
  2. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirkaasi waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika,kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan. “Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalkaasi Koonfur Afrika ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa,waxaana ay la yeeheen kulamo is xog wareysi ah. Source: goobjoog.com
  3. Taliska Booliiska qeybta gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan waxgaradkii dhowaan u tagay Al-shabaab, si loo diiwaangeliyo. G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qeybtan, ayaa sheegay in waxgaradkii iska soo diiwaangeliyey Al-shabaab ay fuleynimo u geysay, balse iyaguna u aqoonsan doonaan iney Al-shabaab ka mid yihiin. Sidoo kale, taliyaha ayaa uga digay waxgaradka ku dhaqan deegaannada Galmudug, iney aadaan deegaannada Al-shabaabka maamulaan. “Odoyaashii u tagay Al-shabaab waxaan u aragnaa iney ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doonno” ayuu yiri taliyaha. Al-shabaab ayaa dhowaan waxay soo bandhigeen waxgarad badan oo ay sheegeen iney ahaayeen kuwii wax kasoo xulay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana ay cafis u fidiyeen, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kismaayo (SMN) – Ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen amniga doorashada Jubbaland. Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo taliyaha ciidanka AMISOM oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa isku raacay in Booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland lagu wareejiyo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aqbalay in doorashada lagu qabto xarumta QM ee ku taalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta. Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhooweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo. View the full article
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn aqbalay in doorashada lagu qabto xarunta Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday in amniga doorashada lagu wareejiyo ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Saacadaha soo socdo ee maanta ayey ciidamadani la wareegi doonaan goobaha doorashada, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo laga dareeyamayo gudaha magaalada Kismaayo. Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta. Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga doorashada Jubbaland. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan August, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  6. Dowladda Qatar, ayaa sida la sheegayo dabada ka riixaysa musharrax lagu magacaabo, Cabdinaasir seerar oo u taagan doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, si ay meesha uga saarto, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale u tartamaya doorashada Jubaland. Warbaahinta Qatari Leaks oo xiganaysa ilo’ xog-ogaal ah oo aysan magacaabin, ayaa sheegtay in dowladda Qatar ay musharrax Seeraar taageero dhaqaale u soo maraysay, Kusimaha hay’adda hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran (NISA) Fahad Yaasiin Xaaaji Daahir, si ay xasarad uga dhaliso doorashada Jubaland. Sidoo kale, Qatari Leaks waxay sheegtay in dowladda Qatar ay qaar kamid ah warbaahinta dalka kenya lacago badan ku siisay, si ay borobagaandho uga faafiyaan doorashada Jubaland. Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in uu xiriir hoose ka dhexeeyo musharrax Seeraar, Kusimaha NISA Fahad Yaasiin, dowladda Qatar iyo Al-shabaab, ayna ka midaysan yihiin, in ay qalalaase ka abuuran doorashada Jubaland. Qatar ayaa sida warbixintu sheegayso, waxay doonaysaa in Kismaayo dagaal ka qarxo, dabadeedna musharrax Seeraar ay u suurta-gasho in uu qabsado qeybaha kamid ah magaalada, si AMISOM loo kala dhex-dhigo dhinacyada dagaallamaya oo meesha looga saaro awoodda ciidan ee Axmed Madoobe. Hoos ka akhriso warbixinta oo English ah PUNTLAND POST The post Afar qolo oo ka midaysan in Kismaayo dagaal ka dhaco appeared first on Puntland Post.
  7. Andrew Brain Irlam oo ah muwaadin u dhashey Dalka Britain ayaa maanta Maxakamadda gobolka Banaadir go’aan kama dambeys ah ka gaartay,kadib markii lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa. Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade. PUNTLAND POST The post Maxakamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Andrew Brain Irlam oo u dhashay dalka Britain appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynihii hore ee waddanka Simbabwe Ropert Mogabe oo mudda 4 bilood ah isbitaal ku yaalla dalka Singpore ugu jira xanuun la soo darsay ayaa haatan xaaladdiisa laga dayrinaya. Madaxweynaha hadda haya talada Simbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in Mogabe uu muddo 4 bilood ah ba uu kujiro isbital kuyaala dalka Singpore, islamarkaana ay xaaladdiisa caafimaad ka soo raynayso oo uu hadli karo. Mr Emmerson ayaa sheegay in xanuunka haya madaxweynihii hore Ropert Mogabe aysan weli dhaqaatiirtu shaacin balse ay caddeeyeen in xaaladdiisu soo ka soo raynayso. Dhaqaatiirta gacanta ku haya ayaa laga soo xigtay in Mogabe u baahan yahay xannaano fiican iyo nasniin dheeraad ah si loo baxnaaniyo xaaladdiisa caafimaad. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Simbabwe oo xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayo appeared first on Puntland Post.
  9. Baardheere (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo duleedka degmada Baardheere ee gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladu ay socon doonaan illaa Al-Shabaab laga saarayo gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in labo jibaarayan dagaalkooda, si looga adkaado gabi ahaan Al-Shabaab. DF ayaa wada qorshe ay saldhig weyn uga furaneyso Baardheere, kaas oo la doonayo in laga fuliyo howlgalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada ee K/ Soomaaliya. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-060819.mp3 View the full article
  11. Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirka waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan. “Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo shaaciyay qodob uu hor dhigi doono shir uu kaga qeyb-galayo Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  12. Gaalkacyo (PP) ─ Dhawaan Al-shabaab ayaa u yeeray odayaashii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka iyo kuwa maamul-goboleedyada, waxaana jira odayaal qaatay amarka Al-shabaab oo ay soo bandhigeen, iyadoo qaar ka mid ah maamullada iyo dowladda Somalia ay sheegeen inay odayaashaas tallaabo ka qaadayaan. Deegaannada Galmudug ayaa ka mid ah deegaannada ay ka tageen odayaal ka mid ah kuwii doortay xildhibaannada, waxaana hay’adaha ammaanka ee Galmudug ay soo bandhigeen tallaabada ay ka qaadayaan odayaashii Al-shabaab iska diiwan-geliyay. Taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug ee maamul-goboleedka Galmudug, Col. Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in tallaabada ay odayaashaas qaadeen ay tahay mid fuleynimo ah, isla markaana odayaashii Al-shabaab u tagay ay tallaabo ka qaadayaan. Sidoo kale, Taliyaha ayaa uga digay odayaasha ku nool deegaannada ay ka taliso Galmudug inay qaataan ammarada Al-shabaab, isla markaana ciddii qaadatada ay tallaabada ka qaadaan sidoo kalena aysan kusoo laaban karin deegaannada Galmudug. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa isbuucii lasoo dhaafay waxay soo bandigeen odayaal ay sheegeen inay diiwaan-geliyaan, kuwaasoo deegaannada ay ka kooban yihiin Galmudug iyo Hir-shabeelle ka kala yimid, isla markaana ay wixii hadda ka dambeeya waxyeeleyn doonin. Ugu dambeyn, Amarrada ay Al-shabaab ka bixiso ayaa u muuqda kuwo ay shacabka ku nool Somalia si dhow ugu dhego-nugul yihiin, iyadoo amarrada ay bixiso dowladda iyo maamul-goboleedyada dalka ay yihiin kuwo aan inta badan la fulin. PUNTLAND POST The post Taliska Ciidamada Booliiska Galmudug oo u digay Odayaashii fuliyay Amarkii Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo halis ku ah xooggaga Al-Shabaab, kaas oo la doonayo in looga saaro gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga, gaar ahaan guutada 10-aad ee ka howlgasha gobolka Gedo ayaa sheegay in magaalada Baardheere laga furayo saldhig laga qorshaynayo, sidii Al-Shabaab looga qabsan lahaa gobolka Jubbada Dhexe ee hoostaga maamulka Jubbaland. Taliyaha guutada 10-aad Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali (Sanka) oo shalay gaaray Baardheere ayaa tilmaamay in si deg deg ah loo furi doono saldhiggaasi . “Aniga booqashadeyda waxa ay qeyb ka tahay dardargelinta howlgallada socda, qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhig weyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkiisa Al-Shabaab looga qabsan lahaa guud ahaan gobolka Jubbada Dhexe.” ayuu yiri Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali (Sanka). Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa guud ahaan gacanta ku heysa Al-Shabaab, waxaana la sheegaa in ay ka soo abaabusho inta badan weerarada iyo qaraxyada ay geysato. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Kismaayo (PP) ─ Dhaq-dhaqaaqyo ku aaddan in ciidamada AMISOM ay la wareegaan goobaha doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta si weyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Ciidamo ka tirsan booliska AMIOSM iyo booliska Jubbaland ayaa qorsuhu yahay inay amniga xarumahaas la wareegaan, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Sidoo kale, Musharraxiinta xilka madaxweynaha Jubaland, gaar ahaan kuwa la magic-baxay isbeddel-doonka ayaa horay waxay shaki uga muujiyeen dhinaca amniga, isla markaana ay sheegeen inaysan ku qanacsaneyn sida ay wax uga socdaan xarunta Jubbaland. Kismaayo waxaa shalay gaaray taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo, wuxuuna madaxweyne Axmed Madoobe kala hadlay arrimaha amniga Jubbaland xilliga ay socdaan dorashooyinka bishan dhacaya. Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in AMISOM iyo Jubbaland ay isku raaceen sidii loo sugi lahaa Amniga guud ee Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland, isla markaana ay ka wada-qayb-qaataan ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland. Ugu dambeyn, Si Kismaayo ayaa ka duwan sidii ay ahaan jiray xillyada ay dhacayaan doorashooyinka, waxana sanadkaan xilka ku loolamay madax kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilka haya. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo la wareegaya Amaanka Xarumaha Doorashooyinka Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka ka imaanaya magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in xalay halkaasi markii labaad ay soo weerartay jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug Dableey hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland waxaana mudda saaacad ah halkaasi laga maqlayey dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan. Dableeyda weerarka soo qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale habeen ka hor ayaa dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan waxay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland PUNTLAND POST The post Dagaal xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  16. Drought-hit families in remote parts of Galgadud region have welcomed an emergency water trucking service that has saved them from having to move to other places in search of water. Source: Hiiraan Online
  17. Under Secretary for Political Affairs David Hale on Monday met with the Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. An altercation between Ethiopian federal police officers has led to a shooting incident at the premises of the Central Statistics Agency. Source: Hiiraan Online
  19. With three weeks to the elections, Jubaland has seen heightened political temperatures as political leaders and former army chiefs battle the end of Sheikh Ahmed Madobe’s eight-year reign. Source: Hiiraan Online
  20. Boeing CEO Dennis Muilenburg said Monday that the company has conducted almost 500 test flights with a new software update to its grounded 737 Max planes that he hopes will help win back the confidence of the flying public. Source: Hiiraan Online
  21. President Recep Tayyip Erdoğan held a phone call with Pakistani Prime Minister Imran Khan Monday after India said it was revoking the special status of Kashmir amid rising tensions in the region. Source: Hiiraan Online
  22. MOGADISHU, Aug. 5 (Xinhua) — Somali officials on Monday confirmed that two al-Shabab militants surrendered to government forces on Sunday in the southern Bay region. Source: Hiiraan Online